Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Lix qof oo daadad ay ku dileen Talyaaniga

$
0
0

Ugu yaraan lix qof ayaa dhintay kaddib roob dabeylo xoooggan wata oo daad ku fatahiyay magaalada Livorno ee dalka Talyaaniga.

Lazio oo 4 gool ku aamusisay Milan

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Kooxda Lazio ayaa guul weyn ka gaartay ciyaar ay galabta magaalada Roma kula ciyaartay kooxda AC Milan, kadib marki ay dhabarka u saarisay 4-1.
Weeraryahanka kooxda Lazio iyo xulka Talyaaniga Ciro Immobile ayaa ahaa xidigii garoonka kadib marki uu lugtiisa ku dhaliyay saddex gool oo midi rigoore ahayd, halka uu isagu baasay goolka afraad oo uu saxiixay Luis Alberto.
Goolka kaliyah ee ay Milan keentay waxaa dhaliay Riccardo Montolivo oo shabaqa ku taabtay kubad soo laaday Hakan Calhanoglu oo u dhashay dala Turkiga.
Ciyaartan ayaa inta aysan bilaaban dib loo dhigay hal saac kadib marki ay halis galiyeen daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da,day Roma.Dhamaadki ciyaarta ayaa waxaa Lazio kaarka cas laga siiyay kantankooda Marco Parolo kadib marki uu jallaafeeyay Bonnaventura.
Kulanki ay Lazio la ciyaartay Milan ayaa waxa uu tijaabo u ahaa macalinka kooxda Vincenzo Montela, kaasoo ay milkiilayaasha cusub ee Milan u iibiyeen 11 laacib oo laga bixiyay aduun lacageed oo gaaraysa 250 milyan oo yuro.
Hadii Milan laga badiyay waxaa guul ay u rafatay soo hooysay kooxda ay AC Milan mataanaha yihiin ee Inter Milan, taasoo 2-0 uga badisay kooxda SPAL.
Waxay aheyd marki ugu horreysay oo ay labadani koox isaga hor yimaadaan ciyaar rasmi ah muddo 50 sano ah kadib.
Goolasha waxaa Milan u kala dhaliyay Mauro Icardi iyo Ivan Perisic. Waa kulanki sadexaad oo xiriir ah oo ay Inter badineyso tan iyo marki uu dib u bilowday horyaalka Seria A-da.
Kooxaha kale ee guulaha waaweyn kasoo hooyay kulamadi galabta ee horyaalka Talyaaniga waxaa ka mid ah Fiorentina oo 5-0 ku xaaqday Hellas Verona.
Ciyaaraha kalana, Atalanta waxay 2 - 1 ku dubaay Sassuolo. Cagliari 1 - 0 ay dirtay Crotone, halka Udinese ay 1 - 0 ku khaarijisay Genoa.
Horyaalka Talyaaniga waxaa isla hogaaminaya hadda Juventus iyo Inter oo leh min 9 dhibcood, waxaa ku xiga Lazio oo leh 7. Waxaa ku xiga oo min lix dhibic wada wadaagaNapoli,Sampdoria iyo Milan.
storvideo: 

Suicide bomber kills 6 in central Somalia

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
At least six people died after an al-Shabab suicide bomber blew himself up in a restaurant just outside a senior official's office in the central Somali city of Beledweyne.
The deadly blast took place outside the office of the governor of the Hiran region, where he was holding a meeting, police and residents said on Sunday.
"At least six people died and several others were wounded. A suicide bomber blew up himself in a restaurant," Major Hussein Osman, a police officer, told Reuters news agency from Beledweyne.
The al-Qaeda-linked al-Shabab group said it was behind the attack.
"We are behind the attack at the Hiran governor's headquarters. There are casualties. We targeted the workers of the Hiran administration," said Abdiasis Abu Musab, an al-Shabab spokesman.
The town is about 340km north of the capital Mogadishu. Residents said clan elders were among the dead.
"The suicide bomber who had an explosive jacket stood inside the restaurant and blew up himself. We were heading to a meeting in the governor's office when it happened," said Farah Ali, a local elder.
Somalia has been at war since 1991 when clan-based warlords overthrew long-time leader Siad Barre and then turned on each other.
Al-Shabab has in the past carried out frequent attacks in Mogadishu and other parts of Somalia in a bid to topple the country's Western-backed government and drive out African Union troops.
The armed group also wants to impose its strict interpretation of Islam in Somalia.
Source: Aljazeera
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Muqdisho: Ra’iisul wasaare Khayre oo xarigga ka...

$
0
0

Waxaa magaalada Muqdisho laga hirgaliyey xafiis lagu sheegay in lagu qabanayo cabshooyinka dadka ee la xariira dhinacayada Cadaaladda iyo tallo bixinta .
Xafiiska waxaa hirgalisay xukuumadda Soomaaliya , Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xarigga ka jaray xafiiska , wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa goob joog ahaa furitaanka.
"Waxaad uga mahadcelinayaa Wasaaradda Cadaaladda oo hirgelisay Xafiisyadan,tani waxay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Cadaaladda,waxayna Xukuumaddu ay xoogga saari doontaa sidii horumarin loogu sameyn lahaa arriamaha Cadaaladda iyo garsoorka oo muhiim u ah dalka", ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Xasan.
Dhanka kale Ra'iisul wasaaraha ayaa 18 sharci gudoomay oo ay ku wareejiyeen wasaaradda Cadaaladda , kuwaas oo la horgaynayo golaha xukuumadda.
Xafiiskan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo laga furo Magaalada Muqdisho, wuxuuna kusoo aadaya xilli xubno ka tirsan baarlamaanka ay diyaariyeen mowshin xilka looga qaadayo Ra'iisul wasaaraha kadib markii Qalbi dhagax lagu wareejiyey Ethiopia.PUNTLAND POST
The post Muqdisho: Ra'iisul wasaare Khayre oo xarigga ka jaray xafiis lagu qaban doono Cabashooyinka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Lix qof oo daadad ay ku dileen Talyaaniga

$
0
0

Ugu yaraan lix qof ayaa dhintay kaddib roob dabeylo xoooggan wata oo daad ku fatahiyay magaalada Livorno ee dalka Talyaaniga.
Afar ka tirsan hal qoys ayaa ku dhintay daadadka. Wargeyska dalkaasi ka soo baxa Il Tirreno ayaa sheegay in labo waalid iyo wiilkooda ay sidoo kale dhinteen.
Sawirro laga soo qaaday magaalada ayaa muujinaya qaybo badan oo ay biyo fadhiyaan burbur xoogganna uu soo gaaray.
Mid ka mid ah dadka deegaanka, Piero Caturelli, ayaa sheegay inuusan weligii arkin cimilada noocan ah.
Uqa magaalada Filippo Nogarin ayaa sheegay in heerka daadka uu yahay mid aan la filaneyn.
Magaalada caasimadda ah ee Rome, ayaa waxaa ka socda ka hortag ballaaran.
storvideo: 

Maanso Cusub Dadku Aalle Maaha Abwaan Qaamuska Qarniga

$
0
0

MAANSO CUSUB :DADKU AALLE MAAHAEreyadii: C/Kariim M.Cadde(Qaamuuska Qarniga)
Qof kastaba aduunyada .Ogow waxaanad eegayn.Inuu kuula iman karo.Ileyn lama qaniinoo,Dadku aalle maahee.
Xurmo intuu ku siiyiyo, Dhaqankaad ka aragtaa,Kaa khuseeya adigee;Ha is odhan ku qiimee,Intuu duunyo haystiyo ,Qofku siduu u eeg yahay.
Dabci la iska keeniyo,Is wanaajin ruux wada,Ha u raxlaynin adiguye,Is daad raacintiisani,Horta eeg waxay tahoo;Noqo ruux akhriyi kara,Ujeedada nin leeyahay.
Nacas lagama eed baxo,Kolay yaal agtaadee,Ka ku eeg yidhaayee,Sidii ceel ul kugu daya,Mid ka weyn adowgii,Adiguna ku yool baadh.
Waa astaan gobeede,
Ha iloobin waligaa,
Ruux abaal yar kuu galay.
Geed kastana aduunyada In gubtaa ku taalooNina iin ma waayeeSi,aan taada loo aragAstur ceeb qof leeyahay.
Anbaqaadka geediga Haduu goosto aadmigu Inuu koro cirkaa sareDhulka inaad hawaartaaAday kugu tahayba liitiye Ku dadaal itaalkaa Halkuu aaday qayrkaa.
Koley ooli mayside
Ajal haday ka daran tahay,Ha agmarin xaqiiqdooAllaa risiqa bixiyee Ha amaahin garashadaWaligaa qof aadmiya
storvideo: 

DHAGEYSO Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle

Xildhibaanada Beesha Absame oo kulan la yeeshay...

$
0
0

Xildhibaanada Beesha Absame oo kulan la yeeshay hogaanka sare ee. Dowlada
Sep 10, 2017 -
axweynaha iyo iyo raisul wasaaraha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali khayre ayaa kulamo kala gooni ah la qaatay xildhibaanada federaalka ee ka soo jeeda beesha Absame.
Farmaajo ayaa xalay casho u sameeyey xildhibaanada Absame ee labada aqal ee Soomaaliya, waxaana diirada lagu saaray sidii loo xalin lahaa xiisada ka dhalatay C/kariin qalbi dhagax oo ka tirsanaa saraakiisha Jabhada ONLF, kaasoo dowlada Somalia u gacan gelisay Itoobiya.
Xildhibaanada Absame ayaa sidoo kale cabasho ka muujiyey go'aankii xukuumaddu soo saartey ee la xiriirey qalbi dhagax, iyagoo sheegay in go'aamadaasi ay leeyihiin cawaaqib xumo aan la saadaalin karin
Mid ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in kulankii Sabtidiii la baajiyey uu salka ku hayey in marka hore la xaliyo tabashada Xildhibaanada beesha Absame ka hor inta aan fadhiga baarlamanku furmin
Kulanka xalay u dhexeeyey Xildhibaanada iyo Madaxweynahaa ayaa la isku afgartey, iyadoo gacan weyn uu ka geystay arintaas madaxweynaha dowlad goboleedka Juballand oo la soo xiriiray xildhibaanada Absame, kana dhaadhiciyey in khilaafka la yareeyo. waxaana loo saarey guddi go'aan ka gaara xalna keena, sii loo baajiyo in khilaafkan uu saameyn ku yeesho Dowladda dhexdeeda.
Madaxda dowlada ayaa dedaal ugu jiray maalmahan sidii loo joojin lahaa kacdoon siyaasadeysan oo ay wadeen xildhibaano mucaarad ah kuwaasoo haatan u muuqda in la kala furfuray. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Al-Shabaab Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada...

$
0
0

Barqanimadii Maanta ayaa qarax ismiidaamin ah waxa uu ka dhacay Afaafka hore ee xarunta maamulka Gobolka Hiiraan qaraxaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in qaraxas uusan geysan khasaaro aad u weyn marka laga reebo dhimashada 2 Ruux iyo dhaawaca 15 kale sida uu sheegy gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaasi ismaadaaminta ah iyaga oo ku sheegay in ay waxyeelo ku gaarsiiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan iyo Ciidamo.
War qoraal ah oo ay ku soo qoreen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaay ku qoreen in qaraxaasi ay ku dileen 6 Askari oo Saddex ka mid ah ay yihiin Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah kuwa Amisom sida ay hadalka u dhigeen.
Wararkii u dambeeyay ee Caawa ayaa waxa ay sheegaayn in xaaladu ay iminka tahay mid degan isla markana Ciidamada Maamulka gobolka Hiiraan ay xireen wadooyinka u dhaw dhw Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

R.wasaare Khayre oo booqday xeebta Liido

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa galabta booqasho ku tagay Xeebta Liido oo ku taalla degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.
Booqashada Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay Liido ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji iyo xubno kale.
Xasan Cali Khayre ayaa halkaasi kula kulmay boqolaal dadweyne ah, oo u badan dhalinyaro, kuwaasi oo u soo nasasho tagay xeebta Liido.
Intii uu Xeebta Liido ku sugnaa Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa aad loo adkeeyay ammaanka, iyada oo wadooyinka halkaasi ka akdhow ay xireen Ciidamada ammaanka, loona diiday Gaadiidka ay wataan shacabka.
Dadkii uu la kulamay Ra'iisul Wasaare ayaa waxa uu wax ka weydiiyay xaalada dalka iyo sida ay muhim u tahay in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaar ka tirsan shacabkii la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen hada dalka in uu ka soo kabanayo dhibaatooyin, waxayna balan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan Dowladda, si loo gaaro horamaro kala duwan.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Shabaab oo isku badalay burcad dhuleedka Soomaaliya...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Beledweyne (Caasimadda Online) - Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay in lacag Madax Furasho ah ku sii daayeen Labo ka mid ah Saddex Gabdhood oo ay muddo ka hor ka afduubteen duleedka magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan.
Gabdhaha la sii daayay ayaa u shaqeynayay Hay'ad lagu magacaabo Hello-Trast oo ka shaqeysa arimaha samafalka kadib markii ay ka qaataan waalidiintooda lacago dhan 13,000 kun oo Dollar qofkiiba, waxaana la haystay muddo labo bilood sida uu sheegay in mid ka mid ah Waalidiinta Gabdhaha dhalay.
"Muddo kadib ayay Shabaab u afduubnaayeen gabdhahan oo saddex ahaa,alaxadulillah maanta ayaa la soo daayay,waxaa nalaga qaatay lacag dhan min 13,000 kun oo Dollar,waxay ka shaqeynayeen howlo samafal ah oo ay Gobolka ka wadaan,waxaana laga afduubtay Deegaanka Farlibaax", Ayuu yiri Aabaha dhalay gabar kamid ah labadaasi Gabdhood.
Lama ogo ilaa hadda Sababta ay u reebteen Al-Shabaab gabadha kale ee lala Afduubtay Labada maanta la sii daayay, waalidiinta dhalay gabadha ku harsan Gacanta Al-Shabaab ayaa ka walaacsan Xaaladda gabadhaasi oo la sheegay in ay ku xeran tahay deegaanka Buq-Aqable ee gobalka Hiiraan.
Arintaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay Shalay gilinkii danbe Al-Shabaab 3 Shaqaale Samafal ah ka afduubteen deegaan qiyaastii 20 KM uga beegan duleedka koonfureed Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay waxayna wadarta Shaqaalaha Samafalka ah ee Al-Shabaab u afduuban noqonayaan 4 qof oo kala ah Saddex Gabdhood iyo hal wiil oo u kala shaqeeya hay'adaha kala ah Hello-Trast iyo Gareedo.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Fadhato ka dhacday Florida!

$
0
0

Tukaamo ku yaal magaalada Miami ee gobolka Florida oo tuugo fadhataysatay.

Wafdi ka socda QM oo Gaaray Dhuusamareeb

$
0
0

Dhuusamareeb ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud gaaray wafdi ka socday QM, kuwaasi oo ka dagay Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaaladaasi.
Waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay madaxda maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb.
Wafdiga ayaa ka socday hay’ado dhowr ah oo QM hoostaga sida WFB iyo UNICEF, waxaana ay kulan gaar ah ay la qaateen hoogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Axmed Shaakir, kaas oo diirada lagu saaray arrimaha abaaraha ee ka jira deegaanadaasi.
Sidoo kale xubanaha wafdiga ayaa qiimeyn guud waxa ay ku sameeyeen Xaaladaha Nolosha iyo Amniga ee ka jira Magaaladaasi.
Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada hoosyimaada ee Gobolkaasi Galgaduud ayaa weli waxaa ka jira dhibaatooyin dhinaca nolosha ah oo ay sababtay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah Dalka.
The post Wafdi ka socda QM oo Gaaray Dhuusamareeb appeared first on Shabelle.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo la kulmay Danjiraha...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA) Ra'iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa kulan la qaatay danjiraha dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mss Mette Knudsen, kulankani ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in Dawladda Denmark ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo adeegyo horumarineed.
"Waxaan isla soo qaadnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dawladooda sidii loo horumarin lahaa, si gaar ah waxaan iskula soo qaadnay mashaariic wax tar u leh dalka in laga fuliyo"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.
Danjiraha Dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mette Knudsen ayaa sheegtay soo kabashada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo horumarka socda inuu indhaha caalamka ku soo jeediyey. Isla markaan ay Denmark diyaar u tahay xaqiijinta iskaashiga labada dawladood iyo in maalgashi ay ku sameeyaan Soomaaliya.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleShir Wadatashi ah oo ku saabsan Sharciga Socdaalka oo Muqdisho lagu qabtay

storvideo: 

Gudaha Ka Daawo :Qoyskii Caruurtu Ka Indho-Beeleen...

$
0
0

Qoyskii Caruurtu Ka Indho-Beeleen Oo Deeq Lacageed La Gaadhsiiyay .
Hoos Ka Daawo Muuqaaalka .
[embedded content]

storvideo: 

Mid ka mida Waalidiinta dhashey Gabdho gacanta ay ku...

$
0
0

Gabdhaha la sii daayay ayaa u shaqeynayay Hay'ad lagu magacaabo Hello-Trast oo ka shaqeysa arimaha samafalka kadib markii ay ka qaataan waalidiintooda lacago dhan 13,000 kun oo Dollar qofkiiba, waxaana la haystay muddo labo bilood sida uu sheegay in mid ka mid ah Waalidiinta Gabdhaha dhalay.
"Muddo kadib ayay Shabaab u afduubnaayeen gabdhahan oo saddex ahaa,alaxadulillah maanta ayaa la soo daayay,waxaa nalaga qaatay lacag dhan min 13,000 kun oo Dollar,waxay ka shaqeynayeen howlo samafal ah oo ay Gobolka ka wadaan,waxaana laga afduubtay Deegaanka Farlibaax", Ayuu yiri Aabaha dhalay gabar kamid ah labadaasi Gabdhood.
Lama ogo ilaa hadda Sababta ay u reebteen Al-Shabaab gabadha kale ee lala Afduubtay Labada maanta la sii daayay, waalidiinta dhalay gabadha ku harsan Gacanta Al-Shabaab ayaa ka walaacsan Xaaladda gabadhaasi oo la sheegay in ay ku xeran tahay deegaanka Buq-Aqable ee gobalka Hiiraan.
Arintaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay Shalay gilinkii danbe Al-Shabaab 3 Shaqaale Samafal ah ka afduubteen deegaan qiyaastii 20 KM uga beegan duleedka koonfureed Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay waxayna wadarta Shaqaalaha Samafalka ah ee Al-Shabaab u afduuban noqonayaan 4 qof oo kala ah Saddex Gabdhood iyo hal wiil oo u kala shaqeeya hay'adaha kala ah Hello-Trast iyo Gareedo.
storvideo: 

Ciidanka Kenya oo Qarax Lagula eegtay Dhoobley

$
0
0

Dhoobley ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Magaalada Dhoobley ayaa ku soo warramaya in Qarax Miino lagula eegtay Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamo Kenyaan ah oo marayay inta u dhexeysa Maagalada Dhoobley iyo deegaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ma cadda Khasaraha Ciidamada Kenya  ka soo gaaray Qaraxaasi lala eegtay Kolonyada Gaadiidka ay la socdeen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Kolonyadani la weeraray ay siday Sahay Ciidan, islamarkaana ay ka ambabaxday degmada Dhoobley, kuna sii jeeday deegaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose.
Xarakada Al Shabaab oo sheegtay Masuuliyadda Qaraxaasi ayaa tilmaamay in tiro Ciidamo Kenyaan ah ay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira kala kulmeen weerarkaasi, walow aysan cayimin.
Sidoo kale Al Shabaab ayaa  shaaca ka qaaday in Gaadiid dagaal ay ku gubeen Qaraxaasi, kuwaas oo ka mid ah Kolonyada la weeraray.
Inta badan Gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa ka dhaca weeraro dhabo gal ah oo Al Shabaab ay kula beegsadaan halkaas Ciidamada AMISOM iyo kuwa Maamulka Jubbaland ee isaga kala goosha deegaanada  Gobolladaasi.
The post Ciidanka Kenya oo Qarax Lagula eegtay Dhoobley appeared first on Shabelle.

Gudaha Ka Eeg : Baarlamaanka Ciraaq Oo diidey...

$
0
0

Wararka ka Imanaya Ciraaq ayaa sheegay in Golaha Baarlamaanka Ciraaq Fadhi ay isugu yimaadeen Maanta oo Salaasa ah ay ku diideen aftida gobolka Kurdistan.
"Golaha Wakiilladu waxa ay u codeeyeen aqlabiyad fadhiga maanta si ay u diidaan aftida gobolka Kurdistan Se Xildhibaanada Kurdiyiinta kaga jiraa ma aysan codeynin" Ayuu yidhi Ruux Magaciisa Qariyey Sababo Xaga amaanka ah.
Waxa uu intaa ku daray "Baarlamanku wuxuu Faray ra'iisul-wasaaraha in uu qaado dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo midnimada Ciraaq isla markaana bilaabo wadahadal si wax looga qabto arrimaha ka dhaxeeya Ciraaq iyo gobolka."
Waxaa xusid mudan in xisbiyada Kurdida ay ku dhawaaqeen kulan la qabtay 7 June 2017 Aqalka looga arramiyo Kurdistan Gudoominayana madaxweynaha gobolka Kurdistan Massoud Barzani in Sebteembar 25 la qabto aftida madaxbanaanida Gobolka uu ka qaadanayo Ciraaq Inteeda kale laakiin go'aanka waxaa diiday qaar ka mid ah dalal badan sida United States of America, Turkey, Britain iyo Iran.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Wafdi ka socda QM oo Gaaray Dhuusamareeb

$
0
0

Dhuusamareeb ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud gaaray wafdi ka socday QM, kuwaasi oo ka dagay Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaaladaasi.
Waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay madaxda maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb.
Wafdiga ayaa ka socday hay'ado dhowr ah oo QM hoostaga sida WFB iyo UNICEF, waxaana ay kulan gaar ah ay la qaateen hoogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Axmed Shaakir, kaas oo diirada lagu saaray arrimaha abaaraha ee ka jira deegaanadaasi.