Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Puntland iyo Galmudug oo miyiga Gaalkacyo kawada...

$
0
0

Muqdisho (SONNA):- Madaxweyne ku xiggeenka Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey oo Wariyeyaasha lahadlay ayaa sheegay in uu dhaamaday dagaalkii iyo falalkii amnidaro ee kol hore ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaas oo u dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan Dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug.
Mudane Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey, Madaxweyne ku xiggeenka Puntland ayaa Waxa uu sheegay in Shacabka labada Maamul iyo madaxdooda ay diyaar u yihiin in xasiloonida la ilaaliyo, islamarkaana Madaxda labada Maamul ay deegaanada Miyiga ah ay ka wadaan wacyagelin ku aadan sidii nabada loo ilaalin lahaa.
"Haddii dhalinyaradda, haweenka iyo Waxgaradka ay doorkooda qaataan, waxaan hubaa in dadkaan uu hishiinayo, marka waxaan leeyahay Shacabka meel kasta oo ay joogaan waa in ay u diyaar garoobaan nabadda sidii looga mira-dhalin lahaa colaadana looga looga hortagi lahaa" ayuu yiri Mudane C/xakiin Cameey
Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa shalay waxaa kala booqday Madaxweyne ku xiggeenada Maamulada Puntland iyo Galmudug, iyagoo dadka Xoolo dhaqatada ah gaarsiinayay in la dhaqangeliyo heshiiskii lagu gaaray Magaalada Gaalkacyo.
storvideo: 


Xog cusub: Sidee loo shirqoola ciidamadii lagu...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Kismaayo (- Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerarkii cuslaa ee lagu qaaday Saldhiga degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo.
Weerarka oo ahaa mid ay qaaday Al-shabaab ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa shirqool loo dhigay ciidamadii ku sugnaa Saldhiga weyn Baledxaawo ee weerarka lagu laayay.
Waxyar ka hor inta uusan weerarka dhicin ayaa la sheegay in ciidamada lagu amray in dhammaantooda ay damiyaan teleefanada gacanka oo ay heysteen.
Warar soo baxayo ayaa sheegaya in amarka lagu damiyay teleefoonada uu bixiyay Taliyaha Ciidamada degmada Baledxaawo oo lagu magacaabo Rashiid kaa oo habeenkii ciidamada ku amray in dhammaan laga damiyo Taleefanada.
Ciidamada ayaa la sheegay in dhammaantooda Taleefanada laga damiyay, waxaana taasi ay shaki ku abuurtay Mas'uuliyiinta maamulka Jubbaland oo iyagu wada baaritaan.
Weerarka ayaa waxaa la tilmaamay in lagu laayay ciidamo aad u farabadnaa kuwaa oo tirro ahaan la xaqiijiyay inay yihiin 31 Askari.
Ciidamada ugu badan ayaa ku dhintay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Saldhigga Ciidamada maamulka Jubbaland kuwaa oo xiliga uu Qaraxa dhacaayay ku sugnaa afafka hore ee Saldhiga.
Geesta kale, mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadaasi la shirqooley , islamarkaana la doonaayo in baaritaan qoto dheer lagu sameeyay Weerarkii Baledxaawo.- OnlineXafiiska Kismaayo-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Turkish Airlines profits in Africa, where others...

$
0
0

NAIROBI, Sept 12 (Reuters) - When Turkish Airlines opened a direct daily route to a war-ravaged African failed state plagued by Islamist militants, industry insiders were sceptical.
Not anymore.
"Somalia is one of our most profitable destinations worldwide," Mustafa Ozkahraman, Kenya country manager for Turkish Airlines, told Reuters in an interview. "Because we are the only (international airline). The first and the only one."
The Istanbul-based carrier is replicating the move across Africa, expanding to destinations shunned by others. The move comes as political unrest at home last year pushed the airline into the red for the first time in 17 years.
In 2011, Turkish Airlines flew to 14 African cities. By the end of this year, it will operate 52 routes from Istanbul across Africa, after launching a route to Freetown, the capital of Sierra Leone.
From January to June, just under a tenth of total passenger and cargo revenues came from Africa, according to results for the first half of 2017 that showed a net loss of $434 million.
Rival Emirates has less than 30 routes. Last year, the Dubai-based airline cut one African flight and reduced the frequency of several others.
It cited weak economic conditions in Africa, where many countries dependent on revenues from commodities exports have seen economic growth fall below population growth.
But Turkish Airlines, which is 49 percent state-owned, is bullish on Africa, a continent of 1 billion people.
Ozkahraman denied the growing ties between Ankara and many African states drove the airline's strategy.
"A lot of people would think our flights to Somalia were not business-related," he said. "(But) we do the feasibility and we have to believe the route will be profitable, either now or imminently."
He declined to give a specific breakdown on profits for African flights, but said routes like the daily flight on a wide-body jet from the Nigerian city of Lagos were critical to the airline's bottom line.
Despite challenges like poor security or electricity cuts at some airports, such flights feed passengers into Turkish Airline's hub, making routes like Istanbul to London profitable.
"You have to have those destinations to make your hub busy and your profitable destinations more profitable," he said.
Last year the company posted a net loss for the first time since 2000, after a demand slump caused by political turmoil and militant attacks at home. Ozkahraman said some of the shortfall was also due to new planes - 210 have been ordered, he said.
Load factors - a measure of how full planes are - are over 70 percent on many African routes, just below the airline's global average of 80 percent, he added.
The wide network means that, unlike Ethiopian Airlines, Turkish does not partner with smaller African carriers notorious for poor service.
It opened a business class lounge in Nairobi's airport in July 2016, its second international lounge after Moscow. British Airlines and Emirates began renting the Nairobi lounge for their business class travellers earlier this year, Ozkahraman said. (Editing by Katharine Houreld and Mark Potter).
Source; Reuters
storvideo: 

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo ka shiray...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA):- Kulankaan oo ahaa kii 12-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Federaalka ah ee Soomaaliya ay yeeshaan, ayaa waxaa looga hadlay Guntanka Kullamada guud ee Golaha Shacabka , Xildhibaanada ka qeyb gala Shirarka iyo Siminaarada aan Gudoonka la socon iyagana aan warbixin laga helin iyo sidoo kale safarada Xildhibinaada raaca wafuuda ee aan guddoonka la socon.
kulanka oo uu sidoo kale ku sugnaa Gudoomiye ku xiggeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa markii uu soo gaba gaboobay ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka Xildhibaan Sharma'arke Garaad Saleemaan Buraale oo ah Habdhowraha golaha Shacabka Soomaaliyeed, isagoo sharaxaad ka bixiyey Qodobadii kasoo baxay kulankaasi.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articlePuntland iyo Galmudug oo miyiga Gaalkacyo kawada wacyagelin ku aadan sidii nabada loo ilaalin lahaa.
Next articleMadaxweynaha Koofur galbeed iyo Safiirka UK ee Somalia oo kulan ay yeesheen uga hadlay Dayactirka Wabiga shabeelle "Sawirro"

storvideo: 

Somalia army regains control of border town after...

$
0
0

MANDERA, Kenya, Sept. 12 (Xinhua) -- Somalia government forces have regained control of Bulla Hawa town which is on the border with Kenya after Al-Shabaab militants overran the military base on Monday, officials confirmed on Tuesday.
Al-Shabaab militants who claimed to have killed 24 Somali soldiers detonated a suicide car bomb and then stormed the military base in Bulla Hawa town, forcing the Somalia National Army (SNA) soldiers to seek refuge in Kenya.
Kenya's northeastern regional coordinator Mohamud Saleh confirmed Tuesday that the Kenya Defence Forces (KDF) escorted SNA back to Bulla Hawa town Monday evening hours after Al-Shabaab had attacked the place and destroyed property.
"Our troops took them back and they are now in charge of the town. It was badly destroyed and looted by the terrorists," Saleh said.
Saleh said out of the 180 soldiers who escaped to Mandera town after the attack, only seven remain in hospitals with injuries following the attack.
Saleh said the terrorists attacked a military base and police station that are near the Kenyan border. Security sources said at least ten soldiers were killed in the raid in the battle.
"They destroyed government offices and looted shops as they escaped the town. The militants also blew up the police station and a phone mast, before retreating," said Saleh.
Bulla Hawa residents said the militants launched two attacks with the first assault targeting Somali military base outside Bulla Hawa while the second on police station.
The residents said the militants detonated suicide car bombs on both targets amid fierce fighting between the insurgents and the Somalia army.
Somalia army officials also confirmed Tuesday they are in control of the border town after chasing the insurgents who had occupied the town briefly.
"We are firmly in control of the Bulla Hawa town. We managed to chase the militants out of town. We lost some of our soldiers but we also killed a number of their (Al-Shabaab fighters) while others escaped with injuries," the army officer said.
Al-Shabaab, which is fighting to topple the current government, has carried out a spate of attacks in Somalia and Kenya since launching an insurgency more than a decade ago.
The assault shows that the Al-Qaida allied group remains a dangerous force, despite losing territory to the AU force and some of its top commanders being killed in US air strikes.
During the fierce gun battle with the militants, Kenyan soldiers came to the help of their Somalia counterparts in Bulla Hawa by bombing various positions that Al-Shabaab militants had taken over.
Witnesses said the militants withdrew and escaped amid heavy bombardment from the KDF choppers that hovered there minutes after the attack.
Saleh said the escaping soldiers came with their equipment and vehicles before they were disarmed and processed and later returned to their positions.
Security agents were put on standby to act over fears of spillover from the Al-Shabaab attack.
Source: - Xinhua
storvideo: 

Madaxweynaha Koofur galbeed iyo Safiirka UK ee...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA):- Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar, iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Wasiiro ka tirsan Koofur galbeed, Xildhibaano iyo xubno kale, kadibna waxaa loo galbiyay Madaxtooyada maamulka K/Galbeed, iyagoo kula kulmay Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan.
Kulanka ay wada yeesheen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Danjire David Concar, ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amniga, Abaaraha, dib u dejinta Barakacayaasha iyo dib u habeyn lagu sameeyo Wabiga
Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuurdiin Yuusuf, ayaa Wariyeyaasha sharraxaad ka siiyey markii uu idlaaday Kulanka dhex maray Madaxweynaha Koofur galbeed iyo wafdigii la socday Safiirka Boqotooyadda Britain ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Dowladda Ingiriiska ay balan qaaday Mashaariic ay ka mid yihiin in ay dayactirto Wabiga Shabeelle, si uu u keydiyo biyaha.

SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleGuddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo ka shiray qodobo ay kamid yihiin Xildhibaanada safra wargalin la'aan Guddoonka ah.

storvideo: 

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)—Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay bam gacmeed Kooxo hubeysan ay ku weerareen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Qaraxan oo ka dhacay Xaafada Dalcada ee Degmada Hiliwaa ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal ruux oo dumar ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay labo kale.
Guddoomiye Ku Xigeenka amniga iyo siyaasada ee Maamulka Degmada Hiliwaa, Abshir Kaaraan ayaa khasaaraha ka dhashay Qaraxan u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle.
Waxaa uu sheegay in Kooxihii ka dambeeyay qaraxaasi ay isaga baxsadeen goobta, balse uu socdo howlgallo baaritaano ah.
Guddoomiye Kaaraan ayaa xusay in Qaraxan lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM  oo ka soo baxay Xerada Maslaxa oo howlgallo roondo ah ka waday Xaafada Suuqa Xoolaha.
Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada bam gacmeedkan lagu weeraray Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM.
The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle.

Motlanthe : Waa wax fiican in ANC xukunka laga qaado

$
0
0

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Kgalema Motlanthe ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in xisbiga talada haya ee dalkaasi ee ANC in uu ku guuldaraysto doorashada madaxtinimo ee dhacaysa sanadka 2019-ka.


Motlanthe : Waa wax fiican in ANC xukunka laga qaado

$
0
0

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Kgalema Motlanthe ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in xisbiga talada haya ee dalkaasi ee ANC in uu ku guuldaraysto doorashada guud ee dhacaysa sanadka 2019-ka.
Waxa uu sheegay in sidaas oo kaliya ay ku garwaaqsan karaan qaladaadka waaweyn ee ay galayaan madaxda ANC, sida uu hadalka u dhigay Motlanthe.
Waxa uu qayb ka yahay madaxdii hore iyo odayaasha ANC ee tiradooda sii kordhayso ee dhaliilaha waawayn u haya xisbiga.
Motlanthe ayaa xisbiga ku eedeeyay musuqmaasuq iyo maamul xumo.
Xisbiga ANC ayaa talada dalkaas hayay illaa sanadkii 1994-tii xiligii uu dhamaaday nidaamkii midab takoorka ee caddaanka ay hormuudka ka ahaayeen.
Sanadihii dambe ANC waxa ay lumisay taageeradii loo hayay qayb ka mid ah, waxaana hoos u dhacay xubnaha ay baarlamaanka ku leeyihiin iyo waliba magaalooyinka ay xukumaan ee dowladaha hoose.
Motlanthe ayaa madaxweyne ka noqday dalkaas intii u dhaxaysay 2008-dii illaa 2009-kii, wuxuuna aad ugu dhowaa madaxweyne Jacob Zuma, balse markii dambe ayay isku dhaceen.
Zuma ayaa xilka guddoomiyenimada ANC ka dagaya bisha December ee sanadkan, madaxnimada dalkana waxa uu ka dagayaa sanadkan 2019-ka.
storvideo: 

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka oo La Kulmay Danjiraha...

$
0
0

Ra'iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaaladda Muqdisho kulan kula qaatay danjiraha dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mss Mette Knudsen, waxayna kaga wada hadleen kulankooda sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in Dawladda Denmark ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo adeegyo horumarineed.
"Waxaan isla soo qaadnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dawladooda sidii loo horumarin lahaa, si gaar ah waxaan iskula soo qaadnay mashaariic wax tar u leh dalka in laga fuliyo"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.
Ra'isul wasaare ku-xigeenku wuxuu xusay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.
Danjire Mette Knudsen ayaa sheegtay soo kabashada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo horumarka socda inuu indhaha caalamka ku soo jeediyey. Isla markaan ay Denmark diyaar u tahay xaqiijinta iskaashiga labada dawladood iyo in maalgashi ay ku sameeyaan Soomaaliya.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Ururka Weeda oo xaflad u qabtay dafcaddii 1aad ee ka...

$
0
0

Ururka Weeda oo xaflad u qabtay dafcaddii 1aad ee ka qalin jabisa waxbarasho sannad ah. ( Daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Sep 12th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Urur Samafal ah oo magaciisa marka la soo gaabiyo la yidhaa WEEDA, oo saldhiggiisu yahay Dilla, ayaa shacabka Dilla iyo inta ku xeeran ka caawiya waxbarashada iyo baahiyaha aasaasiga ah, waxana ururkaa Weeda uu xaflad u qabtay dafcaddii koowaad ee ka qalin jabisa waxbarasho xirfadeed sannad ah iyo waxbarasho dadban.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 140 times.
storvideo: 

madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabile 7-da Xubnood...

$
0
0

Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabile 7-da Xubnood ee uu ka kooban yahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Komishanku waxay Madaxweynaha warbixin faah-faahsan ka siiyeen habsami u socodka hawlihii diwaan-gelinta, kaadh-qaadashada iyo u diyaar garowga qabsoomida Doorashada Madaxtooyada 13.11.2017. Komishsnku waxay Madaxweynaha si mug iyo miisanba leh ugaga mahad naqeen sida hagar la'aanta ee ay Xukuumadiisu hiil, hoo iyo dhaqaaleba ula garab is taagtay hawlaha baaxadda leh ee ay KDQ ummadda u hayaan. Sidoo kale waxay Madaxweynaha u sheegeen inay iyaga Kkomishan ahaan ka go'an tahay inay Idamka ALLAH Doorashada Madaxtooyada ku qabsoonto xilligii loogu tala galay 13.11.2017.
KDQ waxay xisbiyada tartamaya ugu baaqeen inay Murashaxiintooda ku soo gudbiyaan muddo 45 xisho ka hor maalinta loo qoondeeyey doorashada.
Madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha. Kulankaasi wuxuu ku soo gaba gaboobay Guul iyo is afgarad. Isagoo madaxweynuhuna ku dhiirigeliyey hawsha qaran ee ay hayaan Allena uga baryey inuu ku asturo una dhib yareeyo hawlaha doorashada.
storvideo: 

Gudaha Ka Eeg :Maayarkii Hore Ee Berbera Cabdalle...

$
0
0

Xildhibaan, Cabdalle Maxamuud Carab (Cabdalla Sandheere) oo hore u soo noqday maayarka magaalada Berbera ayaa sheegay inuu taageeradiisa iyo cududiisa uu ku biirinayo xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.
Xildhibaan Cabdalle Sandheere ayaa intaa ku daray in isaga iyo siyaasiyiin kale ay ku biirayaan xisbiga Waddani, isla markaana aanu ka hor dhacayn maalinta xaflada ee ay ku biirayaan xisbiga Waddani, balse uu u cadaynayo taageerayaashiisa inuu ka mid noqonay siyaasiyiinta xisbiga Waddani.
Xildhibaanku isagoo arintaasi si kooban uga hadlaya ayaa waxa uu yidhi "Waxaan jecelahay inaan maanta cadeeyo mawqifkayga siyaasadeed, maadaama oo mudo badan warar la isla dhex marayey. Waxaan idiin sheegayaa inaan dhawaan ku biiraayo xisbiga Waddani hadii Alle yidhaahdo.
Asxaabtayda, Taageerayaashayda ayaan sii ogaysiinayaa inaan mawqifkaasi siyaasadeed aan qaatay, wixii hadal ah eek u saabsan sababta iyo asbaabta, waxaan dib ugu dhiganayaa maalinta xaflada.
Siyaasiyiin badani way jiraan balse horta waxaan doonayaa uun inaan ka hadlo inaan anigu cadeeyo mawqifkayga laakiin taasi waxa aad arki doontaan maalinta aan wareegayo asxaabta faraha badan leh iyo siyaasiyiinta faraha badan leh ee aanu ka wada tirsanahay." Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdalla Sandheere, Maayarkii hore ee magaalada Berbera oo cadeeyey inuu xisbiga Waddani ku biirayo.
storvideo: 

XILDHIBAANADA MUCAARADKA AHI WAA DHAWR NUUC OO...

$
0
0

XILDHIBAANADA MUCAARADKA AHI WAA DHAWR NUUC OO DANLEY AH
Sep 12, 2017 -
Waxayna kala yihiin:1- Kuwo xisbiga Damu Jadiid ka tirsan oo waayay xoolihii ummaddee laaluushka loo siin jiray, kooxdaasina waa kooxda ugu badan waxaana ka mid ah Faarax C/qadir iyo Odawaa'.2- koox wasiirnimo dowladda ka wayday, laaluush farabadanna uu uga baxay doorashadoodii, kooxdaasina waxaa horboodaya Ururka Daljir, waxaana ka mid ah Xasan Maalin Maxamud iyo Axmed m. Faqi3- koox isbaar joog ahaan jirtay oo laandheeranimo iyo waxaas aaminsan, oo dooddeedu tahay see innagoo joogna reer hebal Ra'iisal wasaare ku noqon karaan. Kooxdaasi waa kooxda ugu afka dheer oo Qalbi Dhagax, Qalbi Dhagax ku waalatay, waxaana hoggaaminaya MAHAD SALAAD. Iyo4- koox Itoobiya gacansaar la leh oo iney Itoobiya mucaaradaanna ka baqaya, arrinta Qalbi Dhagaxna rabi lahaa inay ka dhigtaan slogan ay dowladda ku dumiyaan. Kooxdan waa koox wareertay oo mucaaradka raacsan, aanse caddaysan karin, waxaana ka mid ah C/rashiid Xiddig.4 taas kooxoodba mid dantiina waddaahi kuma jirto, ee waxaa dantiina wada cidda 120 maxbuus xabsiyada Itoobiya kasoo daysay; xayiraaddii duulimaadka Kenya idinka qaadday,sumcaddiinii adduunka kusoo celisay, qaraxyadii iyo amnidarridii soo yareysay, akhlaaqdii ciidamada hagaajisay, mushaarkii dowladda bixisay. Intaas oo dhanna ku qabatay lix bilood wax ka yar. Maxaad u maleysaysaan haddii ay 4 sano shaqayn lahaayeen?!WALAALAYAALOW XAQ IYO BAADIL ISUMA EKA!! Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

5 qodob oo ka khaldanaa baahinta magacyada codeyntii...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
In la daabaco magacyada xildhibaannada iyo qaabka ay ugu codeeyeen mowduuc xasaasi ah wuxuu halis ku yahay arrimahan:

  1. Amniga xildhibaannada, ha noqdaan kuwii labada dhinac ee (haa) iyo (may) u kala codeeyay. Waxaa dhici karta in loo ugaarsado qaabka ay u codeeyeen.
  2. Waxaa muuqata in bixinta xogtan ay tahay mid ujeeddooyin siyaasadeed ay ka leeyihiin mid ka mid ah dhinacyada is haya, laakiin waxay noqon kartaa qodob mustaqbalka horseeda in xog kasta oo dawladda in bannaanka la keeno.
  3. Arrintan waxay saameyn xun ku yeelan doontaa habsami-u-socodka hawlaha Aqalka Sare, gaar ahaan arrimaha la xiriira codeynta sharciyada iyo arrimaha kale ee xasaasiga ah, waayo waxaa dhici karta in dad badan ay ka cabsadaan soo-bandhigista noocan oo kale ah.
  4. Xildhibaannada Aqalka Sare waxay warbaahinta faafisay magacyadooda ka dalban karaan mag-dhaw maadaama ay khatar geliyeen noloshooda oo markii horeba ay halis ku jirtay.
  5. Haddii ay dhacdo in xilka aad hayso darteed aad ku ogaan karto macluumaad xasaasi ah oo sidoo kalena ay u baahan tahay warbaahin aad xiriir la leedahay maxaad sameyn lahayd (conflict of interest), ama macluumaadka ay heli karto ay siyaasad ahaan u dhaawici karaan siyaasiyiin kale (political character assasination).

Haddaba waxaa habboon in dhacdadan aysan sahlan xildhibaannada Aqalka Sare oo arrintan ay wax ka qabtaan dhinacyada ay khuseyso (Wasaaradda Warfaafinta, Guddiga Warfaafinta ee Aqalka Sare, Nabad Sugidda, iwm).
Waxaa sidoo kale xusud mudan in muddooyinkanba ay aad u badnaayeen xogaha dawladda ee aan loogu talo galin inay soo baxaan oo warbaahinta lagu faafiyo. Sidaasi darteed waa in xad loo yeelo hawlaha dawladda ee warbaahinta loo gudbinayo.Waxaa Qoray: Maxamed Cali Yuusuf
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


DHAGEYSO Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle

Askari ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta Puntland oo...

$
0
0

12th September 2017 admin Category :
Tuulada Ceeldaahir ee Gobolka Bari ayaa maanta waxa lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland,iyadoona uu dilkaasi geystay Askari kale oo ka tirsanaa isla Ciidanka Puntland qeybtooda Gobolka Bari.
Askarigan dilka geystay ayaa rasaas ku furey goob uu fadhiyey Marxuumka geeriyooday,iyadoona rasaastu uu furay ay sidoo kale gaadiid badan wax yeeshay.
Lama oga sababta uu askarigan dilka u geystay,balse dad aaga ka agdhowaa ayaa sheegaya in muran uu dhexmaray Labadan Askari.
Askarigan Dilka geystay ayaa kasoo jeeda degmada Dhahar ee Xarunta Gobolka Hayland ,halka askariga geeriyoodayna uu kasoo jeedo Degmada Qardho ee Gobolka Karkaar.
storvideo: 

DHAGEYSO Barnaamijka Qubanaha Wararka Ee Idaacadda Shabelle

Brexit: Wareegga xiga ee wadahadalka ayaa dib loo...

$
0
0

Brexit: Wareegga xiga ee wadahadalka ayaa dib loo dhigay todobaad. 'Si loo wada tashado.'
Waxa Daabacay staff-reporter on Sep 12th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Wareegga xiga ee Wadahadalka Brexit ayaa dib loo dhigay toddobaad si loogu ogolaado "waqti dheeri ah oo la-tashiyo la siiyo ".
Awdalpress - London - Wareegga afraad ee wada xaajoodka UK-EU, oo bilaabi lahaa 18-kii Sebtembar, ayaa la billaabi doonaa 25ka.
Xukuumaddu waxa ay sheegtay in dib loo yara dhigi doono "Si fursad loo siiyo gorgortamayaasha oo ay ugu dabacsamaato horumarinta hawshu".
Waxaa jiray warar sheegaya in laga yaabo inay u ballaysimaan gogosha loo diyaarinayo qudbadda ra'iisul Wasaare Theresa May ee ku saabsan arrimaha Yurub.
"Guddiga UK iyo Komishanka Midowga Yurub ayaa maanta si wadajir ah u ansixiyay in ay billaabaan wareegga afaraad ee wada xaajoodka oo qabsoomi doona 25-ka September," ayaa lagu sheegay hadal ka soo baxay Midowga Yurub.
"Labada dhinacba waxa ay isku afgarteen taariikhdan, kadib markii wadahadal dhexmaray saraakiisha sare ee loo qoondeeyey in waqti dheeraad ah oo wadatashi ay siin doonaan gorgortamayaasha si ay u horumariyaan kulanka September.
" Madaxa wada xaajoodka EU-da, Michel Barnier, ayaa ku nuux nuuxsaday baahida loo qabo in dabacsanaan, iyada oo haddana laga digay "saacadda is garaacaysa" haddii heshiis lagu gaadho wakhtigii ay UK qorshaysatay inay ka baxdo EU oo ku beegan dhammaadka March 2019.
Wadahadalladii u dhexeeyay labada dhinac ee bishii la soo dhaafay, waxa hoggaaminayay xoghayaha Brexit-ka David Davis.
Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in aanay istiraatiijiyadeeda Brexit isbeddelin, iyada oo xataa doorashadeeda dib loo dhigay.
Boqortooyada Ingiriisku waxa ay dooneysaa in ay xoojiso xawliga iyo wadahadal furan oo ku saabsan xidhiidhka mustaqbalka ee UK ee Midowga Yurub, oo ay ku jirto ganacsiga, sida ugu dhakhsaha badan. Waqtigan xaadirka ah, diiraddu waxa ay saaran tahay arimaha asaasiga ah, oo ay ku jiraan xuquuqda muwaadiniinta EU-da ee UK iyo Ingiriiska oo ku tartamaya qaaradda, mustaqbalka xuduudaha Irishka, iyo arrimaha dhaqaalaha.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra'iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in todobaadkan la qaban doono wadahadal loogu talagalay dhacdo ka dhacday UK oo ah "taariikhda siyaasadeed ee gudaha". Mrs May ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay 21-ka September si weyn uga hadasho Brexit.
Wadahadalkan ayaa lagu magacaabay Lancaster House 2.0, oo ay warbaahintu ka soo xigatay hadalka ay ka soo saartay London bishii Jenaweri, oo si weyn loo tixgeliyey waqtiga qorshaha budhcad-badeed ee xukuumadda, taasoo xaqiijisay in UK ay doonayso in ay ka baxdo suuqyada halbeegga ah iyo midda dhaqaalaha.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku guuldareystay in ay aqlabiyad badan ka qaadato doorashadii bishii Jun ee sannadkii hore, taasi oo keentay in ay ka dhigto dhibaatada ugu weyn ee suurtagalka ah ee ka dhalatay kacdoonnada suurtagalka ah ee ku aaddan sharciyada muhiimka ah ee Brexit ee Golaha Shacabka.
Ms May, ayaa ku adkaysatay istiraatiijiyadeeda Brexit in ay tahay mid aan isbedelayn, waxayna rabtaa inay sii joogto hoggaaminta "muddada dheer", waa inay ka hadashaa shirweynaha xisbiga Jamhuriga ee bilawga bisha Oktoobar.
Awdalpress kala soco arrimaha ka bixitaanka Ingiriiska ee Yurub.
Waxa diyaariyey Ahmedweli Goth, xogaha waxa aan ka hellay BBC
This post has been viewed 70 times.
storvideo: 

USC iyo SNM oo ku wada hadlaya dalka Turkiga

$
0
0

12th September 2017 admin Category :
Waa kuwama sadexda aqoonyahan ee Yuusuf Garaad u diray dalka Turkiga si ay halkaa ugala so hadlaan Canaasiirta SNM ee diidan Somalinimada. Sida ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen ninka hogaaminaya waftiga uu Yuusuf Garaad u diray dalka Turkiga wuxuu ka soo jeedaa Beesha Hawie.
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live