Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

US says airstrikes in Somalia kill 6 Al-shabaab...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
The U.S. military says it has carried out three "precision airstrikes" in southern Somalia that killed six members of the al-Shabab extremist group.
A U.S. Africa Command statement says the strikes occurred Wednesday morning about 260 kilometers (160 miles) south of the capital, Mogadishu. The statement, unlike previous ones, does not give more information on the location of the strikes.
The U.S. military has carried out several airstrikes against the al-Qaida-linked al-Shabab in the Horn of Africa nation since President Donald Trump approved expanded military operations against the group. The U.S. says the latest strikes were carried out in coordination with Somalia's government.
The U.S. last week announced that two separate drone strikes had killed four al-Shabab members.
Al-Shabab has become the deadliest Islamic extremist group in Africa.
Source: AP
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Baarlamanka Somalia oo ka Dooday Dhiibitaankii Qalbi...

$
0
0

Dood kulul ayaa maanta aqalka baarlamanka Soomaaliya ku dhex martay xubnaha baarlamaanka Aqalka Hoose, waxayna aragtiyo kala duwan ka dhiibteen go'aankii dhowaan ay dawladda Soomaaliya ku wareejisay sarkaal sare oo ka tirsan ururka ONLF oo loo gacan geliyey dawladda Itoobiya.
Xildhibaannada ayaa qaarna taageersanaayeen go'aankaasi halka kuwo kalena ay kasoo horjeedaan.
Warbixintan waxa amagaalada Muqsiho nooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:06:21
0:00:00 /0:06:21
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Maxa kala socotaa: Doodii Xildhibaanada ee Kiiska...

$
0
0

Doodii Xildhibaanada Golaha shacabka ay ka lahaayeen qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax ayaa goor dhow soo dhamaatay, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in arrintan loo saaray Guddi.
Xildhibaanada ayaa doodooda aad ugu kala aragti duwanaa, qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ku doodaya in go'aankii Xukuumadda uu ahaa mid aan sharci aheyn, isla markaana ay khalad aheyd in dowladda Soomaaliya u gacan geliso Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa dowladda Itoobiya.
Sidoo kale Xildhibaano kale ayaa difaacayay go'aanka Golaha Wasiirada gaareen 6-dii bishan, iyagoo qaarkood ku taageeray.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaba gabadii markii dooda dhamaatay waxaa uu ku dhawaaqay in arrintan ay guddi u saareen, isla markaana Guddiga marka uu arrintan ka soo tala bixiyo natiijada loo soo gudbinayo Xildhibaanada
Guddigan ayaa la filayaa inay ka yimaadaan Guddiyada joogtada ee golaha shacabka, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamanaka uu sheegay in xubnaha Guddiga ay dib ka soo sheegi doonaan.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirtay sidii arrintan xal looga gaari lahaa, isla markaana go'aankii ay gaartay loo aqbali lahaa, hase ahaatee waxaa arrinta ku soo biyo shubatay in Guddi loo saaro.
storvideo: 

Daawo: ” Hadaad Xukuumadii Tihiin Hantida Qaranka...

$
0
0

Daawo:" Hadaad Xukuumadii Tihiin Hantida Qaranka dhex ayaa loo yahay Waxaanu idin faraynaa in aad ka waantawdaan in Hantida la wada leeyahay olole lagu galo" Gudida Doorashooyinka oo Dingniin diray
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Xisbiga Wadani oo Ka Qayliyey Garsoorayaal ay...

$
0
0

Daawo: Xisbiga Wadani oo Ka Qayliyey Garsoorayaal ay Sheegeen in Ay Kulmiye u Ololaynayaan Halkii ay Dhex u noqon lahaayeen Xisbiyada

[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Maanso Aad u Qiimo badan Oo Uu Hadeer tiriyey...

$
0
0

Daawo: Maanso Aad u Qiimo badan Oo Uu Hadeer tiriyey Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganay Taas oo magaceedu yahay " Darxumo"
[embedded content]
storvideo: 

Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo qoraal kasoo saaray...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika "AFRICOM" ayaa soo saaray qoraal ay ku bayaaninayaan weeraro is xigxigay oo ay ka fuliyeen Somalia.
Taliska ayaa sheegay in weeraradaasi oo ahaa 3 weerar ay ku qaaden Saldhigyo ay lahaayen maleeshiyaadka Al-shabaab.
Weerarada oo ahaa kuwo ay fuliyeen ciidanka AFRICOM ayaa waxa uu bartilmaameedkiisu ahaa Saldhigyo muhiim ah.
Weerarada ayaa la sheegay in ciidamadu ay fuliyeen qiyaastii 2:15 saqdii dhexe ee xalay, halkaasina lagu dilay 6 Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan.
Howlgalkan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay meel 260-KM koonfur ka xigta magaalada Muqdisho.
Waxaa lagu sheegay qoraalka in ciidanka Maraykanka uu sii wadi doono inuu adeegsado dhammaan halbeegyada loo sharciyeeyey ee munaasibka ah si ay u ilaaliyaan dadka Soomaaliyeed, ugana adkaadaan Al-shabaab.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dhaliisha Xisbiga Wadani ee Garsoorku miyaanay...

$
0
0

Dhaliisha xisbiga WADANNI ee GARSOORKU miyaanay ifafaale u ahayn khilaafkooda natiijada DOORASHADA?.
Salaanta islaamka ka dib, waxaan aad ula yaabay hadal xisbiga Wadanni masuul ka tirsan uu ku durray dhexdhexaadnimada waaxda garsoorka dalka, gaar ahaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare, kuna dhaliilay talaabo uu ka qaaday garsoorayaal ku dhexmilmay ololeyaasha xisbiyada Qaranka.
Annigu, lama yaabin hadalada masuulka Wadanni, oo u muuqday kuwo qofkii caqli fayow ku eega ujeedadiisa, u arkayey inay muujinayaan mowqifka Gudoomiyaha xisbiga Wadanni iyo waxa laga filli karo mustaqbalka dhow, marba haduu manta sabab la'aan u dhaleecaynayo, hay'adda Garsoorka dalka oo gudatay waajibaad ka saarnaa la xisaabtanka garsoorayaal ku gefay shuruucda dalka, balse is-weydiiyey tollow berrina maxuu samayn doonaa?
Qofka bani'aadamku gef wuu ka dhacaa, wuuna ka soo noqdaa, marka loo nasteexeeyo, ceebna maaha, sidoo kale marka la eegayo shuruucda ummaduhu dhigteen, qof kastoo ku xad-gudba, waxuu xaq u leeyahay in la siiyo digniin, ku xidhan haddba, inta culayska dembigaasi leeyahay, waa ayaan darro hadii Gudoomiyaha xisbiga Wadanni oo muddo 12 sannadood iyo dheeraad soo ahaa Gudoomiyaha Wakiiladu maanta garran waayo ama dhaliilo maxaa loo siiyey digniin, garsoorayaal ku gefay shuruucdii, halka isaga (Gudoomiyaha Wadanni) marar kala duwan oo hore loogu dulqaatay gefaf uu ka galay shuruucda iyo Dastuurka dalka, balse, hadii lagu qaadi lahaa maalinta uu ku doodi lahaa, maxaan u heli waayey digniin, sida maanta Gudoomiyaha Maxkamada Sare u siiyey garsoorayaasha.
Maanta Gudoomiyaha Wadanni waxuu is-dhigay dariiqii, ninkii 99-ka qof dilay ee caalimka intuu u yimi yidhi dembi-dhaaf ma leeyahay 99 qof ayaan dilee, ee ugu jawaabay MAYA, halkaasoo kaga dhigay ninkii 100aad uu dillo, mar haduu diiday digniinta la siiyey garsoorayaasha ku gefay shuruucdii dabarka u ahayd, oo ah talaabo caqliyan iyo sharciyan-ba uu ku hagaagsanaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare inuu ka qaado.
Haddaba, waa halkii soomaalid hore u tidhiye, "Ninka waxa taagan aan garan, waxa soo socdana ma gartee" manta hadii Gudoomiyaha xisbiga Wadanni uu badheedh u durray shaqada iyo dhexdhexaadnimada waaxda GARSOORKA oo ah hay'adda ugu sarraysa dalke ee loola noqdo helitaanka cadaalad lagu wada qanco, miyaanay macnaheedu ahayn, BERRI-NA ma ma aqbali doono natiijada ka soo baxda DOORASHADA dhici doonta, iyo ka garnaqa MAXKAMADA SARE hadii loo baahdo, (Ilaahay Innama baddee), maadama maantaba sabab la'aan u dhaliilayo.
Waxaan kaga bixi lahaa, Gudoomiyaha Xisbiga Wadanni waxa ummadu uga fadhidaa inuu caddeeyo mowqifkiisa dhexdhexaadnimada waaxda GARSOORKA oo hadii laga waayo, bulshadu mudan tahay inay ka digtoonaadaan u hibaynta codadkooda masuul isku hallayntiisa cadaalad laga helo mustaqbalka mugdi ku jiro, haduu maantaba shaki gelinayo nidaam saxxan oo waaxda garsoorku ku talaabsatay.
Maxamuud Cali Sh. Maxamed (Walaaleeye).
storvideo: 


Wasiir Gurxan oo ka hadlay xil ka qaadistii lagu...

$
0
0

Wasiiru Dowlahii Madaxtooyada iyo xiriirka Gobolada ee Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji (Gurxan) ayaa ka hor yimid xilka qadistii uu maanta ku sameeyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin (Camey).
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. C/xakiin Xaaji C/laahi Cumar (Camey) ayaa xeer Lr-19 September 13 2017, xilka looga qaaday Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland.
Wasiirkan ayaa la sheegay sababta uu xilkiisa ku waayay in ay tahay kadib markii wareysi uu siiyay VOA-da uu kaga hadlay arrinta Sarkaalka ONLF, oo uu sheegay in ka Puntland ahaan ay taageersan yihiin in Dowladda ay (Qalbi-dhagax) ku wareejiso Itoobiya.
"Arrimahaasi war kama haayo telefoono la soo dirayay waan maqlayay, sabab uu Madaxweyne ku xigeenka uu xilka igaga qaado garan maayo, anigu waxaan ka hadlay mowqifkii Puntland oo ahaa wixii ummadda Soomaaliyeed dhibaateynaya in ay ka soo horjeesato, in xilka la iga qaaday iyo in kale ilaa hadda ma haayo." Ayuu yiri Bashiir Gurxan.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku eedeeyey Wasiiru dowlaha shaqada laga qaaday Habdhaqan lid ku ah Hannaanka Dawladnimo iyo masuuliyad daradda uu ku kacay, taas oo ugu dambeyntii shaqada laga qaaday.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Diyaradaha Mareykanka oo 3 weerar ka fuliyay Soomaaliya

$
0
0

Weeraradaas ayaa war saxaafadeedka lagu sheegay in lagu qaaday ururka Al-Shabaab, saacadu marka ay aheyd qiyaastii 2:15 saqdii dhexe ee xalay, halkaasina lagu dilay 6 Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan.
Howlgalkan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay meel 260-KM koonfur ka xigta magaalada Muqdisho, talaabadanna Ciidamada Mareykanka ay qaadeen, iyaga oo raacaya awoodihii uu siiyey Madaxweynaha Maraykanka.
Gaba gabadii war-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in ciidanka Maraykanka uu sii wadi doono inuu adeegsado dhammaan halbeegyada loo sharciyeeyey ee munaasibka ah si ay u ilaaliyaan dadka Soomaaliyeed, ugana adkaadaan ururka Al-shabaab.
Inkastoo Mareykanka uusan sheegin degaanka ay sida gaarka ah uga dhacday Duqeyntan ayaa Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose Aadan Cumar Madoobe wuxuu sheegay Duqeyntan in ay ka dhacday degaanka Kuunyo-barow oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.
storvideo: 

Hambalyo Meher Wacan Cabdiraxmaan Saciid Ducaale...

$
0
0

HAMBALYO MEHER
Maxamed Faarax Qoti, Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, Maxamuud Xassan Cabdilaahi (Qodax) , Cabdixakiin Maxamed Xusseen (xayle), Maxamed Cabdilaahi Cabdi (Who), Saciid Yuusuf Cali (Qara-yare), Xaashi Xassan (Uurdoox), Maxamed Saleebaan Axmed (Tuke), Cabdirashiid Cali Sh-Maxamed, Jaamac Yuusuf Maxamed (Dhuxul), Khaliif Sheekh Nuux, Saciid Axmed Sh. Cabdi (Bigi), Cali Jaamac Maxamed, Carraale Maxamuud Jaamac iyo Saleebaan Cabdi Cali, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Cabdiraxmaan Saciid Ducaale iyo Ayaan Cabdilaahi Xassan oo meherkoodu ka dhacay - Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland, maanta oo khamiis ah oo ay taariikhduna tahay 14/September /2017, waxay Alle uga baryayaan inuu meherkooda ka yeelo kuwii isku waara ee ubad khayr qaba isku dhala, Aamiin, Aamiiin, Aamiiin, Aamiiin
storvideo: 

Baydhaba: Deegaanada Koonfur Galbeed oo Laga...

$
0
0

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay iyo guud ahaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya laguma qaban karo shir uusan ogeyn maamulka, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Nuurdiin Yuusuf (Gacma) Afhayeenka Koonfur Galbeed ayaa sheegay talabo adag in laga qaadi doono cidii jabisa amarkan, sharcigana la horgeyn doono, si loola xisaabtamo.
Wuxuu kaloo soo hadal qaaday arrimaha ammaanka, wuxuuna sheegay in magaalooyinka waa weyn ee Koonfur Galbeed aanan lagu wadan Karin Hubka sharci darada ah, ee aanan ka diiwaangashaneyn Wasaaradda Amniga.
"Shir aysan ogeyn Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya laguma qaban karo Magalada Baydhabo iyo degaanada kale, sidoo kale degaanada Koonfur Galbeed laguma wadan karo hubka sharci darada ah ee aysan ogeyn Wasaaradda Amniga." Ayuu yiri Nuuradiin.
Magaalada Baydhaba ayaa maalmahan dambe Ciidamada ammaanka waxa ay ka wadaan Howlgallo amni xaqiijin ah, kadib markii dhowaan uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray, halkaasi oo uu ku dilay Afar qof.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Dhageyso: Dil Aargoosi Ah oo Nin Oromo Ah Loogu...

$
0
0

Ugu yaraan 32 qof oo Soomaali ah ayaa habeen hore lagu dilay deegaanka Hawadaay ee bariga dalka Ethiopia.
Dilalkan ayaa daba socda rabshado u dhexeeyay maalmihii la soo dhaafay dadka Oromada iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia.
Hadaba dadkaasi la laayay oo u badnaa dad ganacsato ah ayaa waxaa dilkoodu uu saameeyay Somaliland oo ay ku nool yihiin qaxooti badan oo ka soo jeeda gobolka Oromada ee Ethiopia, waxaana galbeedka Hargeisa lagu dilay nin u dhashay Qowmiyadda Oromada ee Ethiopia.Ku Dhageyso Mobilkaga.Ku Dhageyso Mobilkaga.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Over 100 Eritreans deported by Sudan, others jailed:...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
The United Nations refugee outfit (UNHCR) has expressed deep worry over recent deportations by Sudan of Eritrean nationals - who are either in its territory or on transit to Libya.
Media reports indicate that over 100 Eritreans have been deported in the last few weeks - some after serving jail terms and others immediately after court rulings.
The UNHCR's point of concern according to a statement issued by a top official in Sudan was that the rights of these refugees were being violated under international laws.
The forcible return of refugees to their country of origin is a serious violation of international refugee law."The forcible return of refugees to their country of origin is a serious violation of international refugee law.
"They were deported on charges of illegal entry into Sudan, which is not supported under international refugee law... [These charges] are waived in the case of refugees," deputy representative for Sudan Elizabeth Tan said.
The offence for which a number of them were jailed was for 'illegally infiltrating Sudanese territory.' The website of privately owned channel, Radio Dabanga said a total of 104 Eritreans were affected by the deportations of which there were 30 children involved.
Tensions have been high on border areas between the two neighbours. A recent United Kingdom travel advice asked Brits to avoid travel to areas on the borders with specific mention of Eritrean towns like Tesseney and Barentu all located in the country's south-west.
Source: - Africa News
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Garowe oo lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayo...

$
0
0

Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Dowlada Puntland oo kaashanaysa dalladda SomRep oo ay ku bahoobeyn hay,addo ka shaqeeya kasoo kabashada Abaaraha ayaa maanta galinkii dambe kusoo gabagabaysay magaalada Garowe shir looga hadlayay qorshe u samaynta Abaaraha soo noqnoqda.
Shirkaan oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday xarunta Hay,adda Cilmi baarista PDRC ee magaalada Garowe waxaa kasoo qeybgalay xubnaha ugu sareeya Dalladda SOMREP, Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta, Saraakiil ka socotay Wasaaradaha Dowlada Puntland,Cilmi baarayaal,iyo Dhalinyaro.
Maxamed Axmed Cali (Geelmadhalin) oo ah Taliye sare Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Puntland oo ka warbixiyay shirkaan maanta soo xirmay wuxuu sheegay in lagu ogaaday falanqeyntii shirka tiro kor u dhaafaysa 35,000 oo qoys oo ku nool deegaanada Puntland inay saamaysay abaartii SIMA islamarkaana ay baabe,een dhamaan xoolihii ay haysteen qoysaskaasi.
Wuxuu hoosta ka xariiqay Mr Geelle in dhamaan qoysaska ku barakacay abaarta SIMA ay kusoo xeroodeen magaalooyinka Puntland kuwaas oo uu sheegay inaysan ku haysan wax daryeel ah oo dhinaca caafimaadka, waxbarashada iyo nolosha asaasiga ah.
Maxamed Axmed Cali wuxuu sheegay in lagu go,aamiyay shirka galabta lagu soo gabagabeeyay Garowe sidii ceelal biyood looga samayn lahaa deegaanada ay abaartu ku dhufatay si loo badbaadiyo dadka iyo inta ka harsan xoolaha.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Garowe oo lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayo xal u helida Abaaraha. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


SOMALIA: Banadir Governor fires local government...

$
0
0

Mogadishu (RBC Radio) Mogadishu Mayor Thabit Abdi who is also the Governor Banadir has fired the city's cashier, a very powerful officer in his administration.
Mr. Abdi who took office following the election of president Mohamed Abdullahi Farmajo, has been busy in firing officials working at the local government seen to be affiliated with the former Mayor, a behavior many politicians maintain whenever an administration change occurs.
In an official letter seen by Raxanreeb Online, the mayor authorized to fire Abdirahim Iman Jimale, a longtime cashier at the Mogadishu Local Government over allegedly his defiance to the orders from the senior officials and bad management.
The letter has not categorically explained the allegations.
The Mayor appointed Hamdi Ali Nur as the new cashier for the Local Government of Mogadishu.

storvideo: 

Kooxo hubeysan oo ruux shacab ahaa ku dilay Magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)—Kooxo hubeysnaa bistoolado ayaa lagu soo waramayaa in ruux shacab ahaa ay ku dileen Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Marxuumka oo magaciisa lagu soo koobay Cismaan ayaa dilkiisa waxuu ka dhacay Waddo kala qeybisa Degmooyinka Hodan iyo Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir.
Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in marxuumka uu ku sugnaa Waddo gasha Degmada Hodan markii uu dilka dhacayay.
Waxaa uu intaasi ku daray in raggi ka dambeeyay falkaasi ay durbaba isaga baxsadeen goobta.
Meydka ruuxa shacabka ahaa ayaa la geeyay Xaafada Macalin Nuur ee Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.
Weli lama oga sababta ka dambeysa dilkan ka dhacay Degmada Hodan.
Ilaa iyo hada majiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka iyo kuwa Maamulka Degmada Hodan oo ku aadan dilkaasi.
Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo Qaraxyo badankood ay sheegtaan Xarakada Al Shabaab.
The post Kooxo hubeysan oo ruux shacab ahaa ku dilay Magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle.

Al shabaab parades alleged SNA commander in central Somalia

$
0
0

Al Shabaab militants were reported to have paraded alleged Somali military commander in Galgadud region on Thursday.
A statement carried out by pro-al shabaab online sites reported that the commander, Abdullahi Mohamud known as “Jarer” has defected from Somali National Army (SNA) in Beledweyne city.
Mohamud dressed in army uniforms and clad with AK-47 riffle gun was displayed in an undisclosed Al shabaab-held location in Galgadud region of central Somalia.
He was the chief of SNA forces in Elbur town, which is now under Al shabaab control.
Al shabaab, which has links with Al Qaeda has been fighting to topple the UN-backed government for almost eight years, and carried out numerous attacks in the country, mainly in the capital Mogadishu.
The post Al shabaab parades alleged SNA commander in central Somalia appeared first on Shabelle.

Al shabaab parades alleged SNA commander in central...

$
0
0

Al Shabaab militants were reported to have paraded alleged Somali military commander in Galgadud region on Thursday.
A statement carried out by pro-al shabaab online sites reported that the commander, Abdullahi Mohamud known as "Jarer" has defected from Somali National Army (SNA) in Beledweyne city.
Mohamud dressed in army uniforms and clad with AK-47 riffle gun was displayed in an undisclosed Al shabaab-held location in Galgadud region of central Somalia.
He was the chief of SNA forces in Elbur town, which is now under Al shabaab control.
Al shabaab, which has links with Al Qaeda has been fighting to topple the UN-backed government for almost eight years, and carried out numerous attacks in the country, mainly in the capital Mogadishu.
storvideo: 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo boggaadiyey Carwada...

$
0
0

Muqdisho, 14 September 2017 -Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay Bandhigga Caalamiga ee Buugaagta ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, isagoo halkaas ka iib saday buugaag ay qoreen dad kala duwan oo dhalinyaro u badan, wuxuuna ku dhiiragaliyey iney sii wadaan wax qorista.
Mudane khayre oo khudbad u jeediyey dadkii ka soo qeyb galay bandhiggan ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ku jiraan dad leh hal abuurka ay aqoontooda ku gaarsiin karaan dadkooda. Wuxuna ammaan ballaaran u jeediyey ka soo qeyb galayaasha iyo qaban qaabiya-yaasha carwada.
Dadka ayaa iibsanayay buugaagta kala duwan ee lagu soo lagu soo bandhigay carwada buugaagta, waxayna isugu jiraan kuwa taabanayay qisooyin gaar ah, sheekooyin, taariikh, suugaan iyo arrimaha qoyska , sidoo kale waxaa buugaagta ka mid ahaa kuwa ku qornaa afka English-ka oo ka hadlayay xaalada dalka Soomaaliya.
---DHAMMAAD---Xafiiska Warbaahinta iyo XiriirkaMuqdisho, Somaliamedia@opm.gov.soahmednur@opm.gov.soTwitter: @SomaliPM
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live