Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Barnaamijka Caweyska Washington

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Barnaamijka Caweyska ee toddobaadkan waxaa marti ku ah fanaanka reer Yurub ee Axmed Zaki, waxaad sidoo kale ku maqli doontaan qoddobo kale oo xiiso badan.
storvideo: 


Gudoomiye maxkamadeed lagu weeraray magaalada...

$
0
0

Gudoomiye maxkamadeed lagu weeraray magaalada Boosaaso ee gobolka 7Bari
Sep 16, 2017 -
Waxaa caawa league Dhaawacay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari Sarkaal ka tirsan Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Saleeban.
Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ku weeraray Maxamed Cali Saleeban meel aan ka fogeyn xarunta Maxkamada darajada Koowaad ee magaalada Boosaaso.
Dhaawaca taliyaha ayaa loola cararay isbitaalka magaalada Boosaaso oo hadda lagu daweynayo, lamana oga xaaladiisa iyo heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca loo geystay.
Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ayaa gaaray goobta uu weerarku ka dhacay, iyagoo halkaas ka wada howgalo ay ku baadi goobayaann kooxihii weerarka geystay oo goor horeba halkaas ka baxsaday.
Masuuliyiin, saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada Puntland ayaa horey loogu dilay weeraro ka dhacay magaalada Boosaaso, kuwaasoo intooda badan masuuliyadooda ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Taliyaha Maxkamada darajada 1aad oo lagu dhaawacay Magaalada Boosaaso

$
0
0

Boosaaso (Sh M Network)—Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Caawa Kooxo hubeysan halkaasi ay ku dhaawaceen Taliyaha Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Bari.
Gashaanle Sare, Maxamed Cali Suleybaan ayaa dabley bistoolado ku hubeysnaa waxey ku dhaawaceen Magaalada Boosaaso, sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Waceys.
Guddoomiyaha ayaa waxuu sheegay in raggii ka dambeeyay falka lagu dhaawacay Taliyaha ay isaga baxsadeen goobta, balse ay socdaan howlgallo baaritaano ah.
Waxaa uu tilmaamay in dableydii ka dambeysay weerarkaasi la soo qaban doono, islamarkaana cadaallada ay horkeeni doonaan.
Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkii lagu dhaawacay Taliyaha Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Bari.
The post Taliyaha Maxkamada darajada 1aad oo lagu dhaawacay Magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle.

Ninkii Boqorka Wanaagsan Ee Maxbuuska Ahaa...

$
0
0

Ninkii Boqarka Wanaagsan Ee Maxbuuska Ahaa Khiyaamay Ee Ficilkii Camalkiisu Ku Markhaati Noqday W/Q: Cabdiwali Cali Ismaaciil
Makhluuqa Aadamaha ee Dunida korkiisa ku kala nool, waxaan laga waayin Taariikho iyo Mahadhooyin laga guntay Xukuno Boqortooyo kuwa Arxanlaawayaala ama dhagar qabayaal hogaamin jireen , kuwo Caadil iyo Xukun Sinaan iyo Caddaalad ku dhisan umaddaha ay madaxda u ahaayeen ku dhaqi jiray, hadaba Boqor ka mida dadkii wanaagsanaa isla markaana umaddii uu Xukunka u hayey u naxariis badnaa, ayaa waxa bari baryaha ka mida soo weeraray boqortooyo kale oo nin Saaxibul Caqli ahi hogaamin jiray oo ka Itaal iyo Ciidan iyo Cuduba rooneyd Boqorka Wanaagsanaa, ciidankiisii waa la jabiyey waana la baabiyey oo la xasuuqay iyada oo wax firxad noqday oo deegaano kale u kala cararay ay noqdeen.
Ka dib markii uu Burbur iyo Baabah laga dhigay Boqortooyadii Boqorka Wanaagsani maamuli jiray ee Boqortooyadda kale ku soo duurashay, waxa la soo qabtay Boqorkii wanaagsanaa ee Xukunkiisa la burburiyey iyo nin boqortooyadiisa ka mid ahaa, ka dib markii Boqorka iyo Ninka la qabtay ayaa lagu yidhi ninkii Boqorka ahaa waar kumaad tahay intaanu jawaabin ayuu ninkii la socday ee la la qabtay soo booday oo sheegtay magacii Boqorka markaasu yidhi "Waar horta aniga ayaa ka mudan oo Boqor hebel Hebel ah ee I dhegaysta" ka dib haf ayaa la la yidhi waxaana sido kale la raaciyey Boqorkii rasmiga ahaa ee uuu magaciisa sheegtay, waxaana uu Boqorkii ninkii magaciisa sheegtay ku yidhi "waar hada camalkaaguba waa ku sheegi doona".
Inta ka dib waxa la yidh Boqorka (Ninka magaca boqorka sheegtay) iyo ninkan la socda (Boqorkii magaciisa ninku sheegtay), waxa la yidhi maadama oo ay reer Boqor yihiin Xabsiga Boqortooyadda ha lagu xidho, Xabsiga lagu xidhay maaha mid shicibka loogu talo galay oo guri Jiif aad u fiican iyo Miis cunto madax loogu talo galay ayaa ay ka heleen, ka dib Boqorkii ay Boqortooyaddiisu wax soo weerartay ee Maxbuuska loo ahaa, ayaa yidhi qaarka mida Askartiisii waxaad la socotaan dhaq dhaqaaqa labada nin gaar ahaan qaabka ay u cuntaynayaan marka Raashinka la siiyo iyo qaabka ay u Cuntaynayaan, ka dibna warbixinta ha lay keeno si aan u ogaado in ninkan sheegtay Boqorkii aynu boqortooyadiisa baabi'inay in uu yahay iyo in kale si aynu u xaqiijino, sababtuna wax kale maaha ee waxa la yaqaanay oo ay warbixinteeda hayeen qaabka uu Boqorku wax u cuni jiray iyo qaabka uu u Jiifsan jiray Hurdada.
Ka dib labadii nin ee Maxbuusyadda ahaa, markii Cuntaddii loo keenay sidii lagu balansanaa waxa u kuur galay hab dhaqankooda Askartii khaaska ahayd ee loo diray, waxa dhacday Ileen Abu Jeernin isma qariyee sidii caadada ahayd ninkii boqorka in uu yahay Boqorka Sheegtay cuntadii waa iska hafleeyey oo Nidaam boqor wax uma cunin, halka Boqorkii magaciisa la sheegtay uu markiiba Maradii cuntada la soo raaciyey laabta Saartay habkii Biritikoolka Boqorlahaana cuntadii Miiska loo saaray u cunahay, inta ka dib waxa loo sii kuurgalay qaabkii ay labada nin u kala Jiifsadeen markii Hurdada la gaadhay, halkaana waxay noqdeen Nin Seexday iyo Boqor Seexday wixii laga filaayey ayaana ka muuqday meeshi.
Ka dib nimankii oo yaaban, ayaa u tegay Boqorkii Jawaabta ka sugaayey, waxaanay u laqimeen Warbixintii iyo Hab dhaqankii labada nin ay ku soo kala arkeen, ka dib Boqorkii ayaa u yeedhay, waxaana uu aragti Kurka kaga jaray Ninkii Boqorka sheegtay, ninkii kale ee Boqorka ahaan jiray ee Maxbuuska noqday ayuu ku yidhi Boqoroow maxaad isku qarisay ee aad ninka magacaaga sheegtay uga yeeshay, ka dib waxa uu ugu jawaabay "Waxaan ku idhi markii uu magacayga ku xaadiray waar hada Ficilkaaguba waa ku sheegi"kkkkkk, ka dib Boqorkii ayaa yidhi "Waxaad tahay Boqor hadii ay cidi Boqor tahay, sidaana waxa uu ugu celiyey Xoriyadiisii iyo Boqortooyaddiisii uu ka talin jiray inta uu ciidamo raaciyey deegaankiisii geeya uu ka talin jiray"
Qalinkii: Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil
Eimail: Abdiwali1991@gmail.com
storvideo: 

Taliyaha Maxkamada darajada 1aad oo lagu dhaawacay...

$
0
0

Boosaaso (Sh M Network)--Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Caawa Kooxo hubeysan halkaasi ay ku dhaawaceen Taliyaha Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Bari.
Gashaanle Sare, Maxamed Cali Suleybaan ayaa dabley bistoolado ku hubeysnaa waxey ku dhaawaceen Magaalada Boosaaso, sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Waceys.
Guddoomiyaha ayaa waxuu sheegay in raggii ka dambeeyay falka lagu dhaawacay Taliyaha ay isaga baxsadeen goobta, balse ay socdaan howlgallo baaritaano ah.
Waxaa uu tilmaamay in dableydii ka dambeysay weerarkaasi la soo qaban doono, islamarkaana cadaallada ay horkeeni doonaan.
Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarkii lagu dhaawacay Taliyaha Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Bari.
storvideo: 

Safarkaygii Cordoba iyo Granada ( Andalusia iyo...

$
0
0

Safarkaygii Cordoba iyo Granada (Andalusia iyo dhulkii Muslimiinta laga dhacay!) Q1aad
Saxaafada iyo akhristayaashuba way salaaman yihiin.
Sida ii caadiga ah, mar kasta oo aan wakhti helo (iyo dabcan lacag ka badan kharaska joogtada ah ee qoyskaygaba) waxaan safaro aqoon korodhsi ah u tagaa hadba halka aan ku tuhmayo inay taalo aqoon iyo raadad xadaaradeed oo muhiim ahi. Macno badan iima sameyso inaan booqdo magaalooyin ay ku yaalaan daaro dhaadher oo wada quraarad ahi, waxase maankaygu la hayaa magaalooyinka gaboobay iyo dhulka taariikhdu ku duugan tahay (malaha waa da`da iyo guga ii kordhaye).
Hadaba, bishii July ee sanadkan waxaan safar aan hore loo sii shaacin ku tagay magaalooyinka taariikhiga ah ee Cordoba (qrTb@) iyo Granada (GrnT@) ee ku yaala gobolka Andalusia (lndls) ee koonfurta dalka Spain. Guud ahaan safarkaasi waxa uu qaataty 14 caano-maal (todoba maalmood). Kama waramayo taariikhda dhamaanba magaalooyinkii muslimiinta ee Andalusia iyo guud ahaanba taariikhda muslimiinta ee Andalusia oo ah taariikh qarniyo badan soo taxnayd oo aan qoraal kooban lagu soo bandhigi karin, waxaanse wax yar ka taataabanayaa Qurduba ito Qaranaada!
Baalalayda duusha ayaan goor casar liiq ah ka raacay gegida diyaaradaha ee magaalada Bristol, halka aan ku jihaystayna waa gegida diyaaradaha ee Malaga oo aan doortay inaan ka bilaabo safarkayga ruuxiga ah madaama ay aad ugu dhowdahay halka aan u socdo. Ka dib 2 saacadood iyo 40 daqiiqo oo aanu hawada sii lalaynay, waxay diyaaradu cagadhigatay garoonkii Malaga oo wakhtigaa aad ceeryoon u ahaa. Inkasta oo aanan mar-dhoof ahayn, hadana waa markii iigu horeysay ee aan ka dago Spain. Wakhtigu waa habeenimo, afka beledkaa lagaga hadlo kelmadna kama aqaano, mana jirin cid aan ka garanayey amaba igu sugaysey goobtaas (gaashaan-qaad ma habaabo iyo mutuhis ayaan ku socday).
Goobtii hubinta warqadaha lagu socdaalo (immigration) markii aan dhaafay, waxaan halabsaday taxi meesha taagnaa oo aan u dhiibay warqad uu ku qoran yahay cinwaanka goobta aan caawa xero-guusha ku sii ahay (Hotel). Waxyar ka dib, waxaan gaadhay goobtii oo aan xamaantaydii dhigtay. Isla markiiba waxaan bilaabay inaan sii qorsheeyo safarkaygii ruuxiga ahaa ee aan berri subaxa ugu ambabaxayey xagaa iyo Qurduba, aniga oo leh ilaahayow yaan waaga ka hor waraabe I cunin!
Subaxnimadii horeba waxaan ka jarmaaday Malaga, aniga oo gundhada jaray mid ka mid ah basaska waaweyn ee u kala baxa Malaga iyo Qurduba oo badiba dadka la socday ay ahaayeen dad aan u dhalan dalka Spain oo dalxiisayaal ah. Dhulka la marayaa waa buuro dhaadheer, dariiqa iyo wadaduna waa mid si fiican looga shaqeeyey (malaha dadka ayaa si hagar la`aan ah u bixiya cashuurta "godad-marista" ee laga qaado gaadiidleyda- raalli ahaada waxaan u jeedaa wado-maristee). Hareeraha wadada waxa ka muuqanayey oo ay ishaydu qabanaysey beero dalagyo iyo midho kala duwani ka baxeen sida tamaandhada, saliid saytuunka iyo cinabka. 2 saacadood iyo waxoogaa ka dib waxaanu gaadhnay magaaladii Cordoba oo aan aad u xiiseynayey aragtideeda. Halkii aan ku dagayey markaan xamaanta dhigtayba waxaan waraystay goob cunto xalaal ah lagu sameeyo. Waxa la ii tilmamay meherad cunto oo ay leeyihiin muwaadiniin asal ahaan ka soo jeeda dalka Morocco. Cuwaaf yar oo aan degdeg u cunay ka dib waxaan u toobiyeystay aniga oo talaabo dheereynaya (sidii oo aan Safa iyo Marwa dhexdooda marayo) xagaa iyo Medinat Al-Zahraa (lzhr mdyn@) iyo masaajidkii weynaa ee Cordoba (the great mosque: lkbyr qrTb@ msjd).
Medinat al Zahraa oo ah magaalo qadiimi/taariikhi ahayd oo dhacda dhinaca galbeed ee magaalada Qurduba, marka aad dhex marayso waxaad dareemaysaa in meesha xadaarad iyo ilbaxnimo weyni ay ka jirtay. Goobtu waxay ahayd - xukunkii muslimiinta ee ka hirgalay Andalusia ee ay hogaaminayeen nimankii loo yaqanay "Umawiyiinta". Magaalada waxa dhisay Khaliifkii la odhan jirey Cabdiraxmaankii 3aad ina Naasir, wakhtiga magaalada la dhisayna waxay ahayd sanadihii u dhexeeyey 936 - 940 taariikhda miilaadiga. Magaaladu waxa ay ka koobnayd dhismayaal badan oo kala duwan sida goobaha qaabilaada wufuuda soo booqanaysa khaliifka, maktabado, goobo waxbarasho, xafiisyada kala duwan ee dawlada oo Bangiga lacagtu ka mid yahay, xeryo ciidan, guryo xaasaka ciidanku degaan, beero, iyo dhismayaal kaleba. Sida la sheegay mudadaa dhismuhu socday 10 kun oo nin oo wada xirfad yaqaan ah ayaa ka qayb qaatay dhismaha magaaladan. Nasiib darro magaaladani waxay ku burburtay gacanta musimiinta ka dib markii ay dhexdooda ka dagaalameen iyaga oo xukunka isku haysta.
Sanadihii 1910 iyo 1911kii ayey xukuumadii markaa ka jirtay Qurduba ay bilowday inay baadho/qodo magaaladaa aasantay, waxaana la helay raadad badan oo muujinaya xadaaradaa muslimiinta. Sanadkii 2010, dawlada Spain waxay ka dhistay goob ku dhow halkii ay ahayd magaaladii Alzahraa xarun ka kooban saddex dabaq oo lagu kaydiyo raadadka iyo waxyaabaha qoditaanka lagu helo ee la xidhhidhsan magaaladii Al-Zahraa.
Marka laga yimaado Madiinat Al-Zahraa, masaajidka weyn ee qurduba isaguna waa goob caan ah oo muujinaysa xadaaradii iyo ilbaxnimadii ay muslimiintu gaadheen wakhtiyadaas hore oo badiba dalalaka yurub ay ku jireen xaalad qalafsan nolol ahaan. Masaajidka oo ilaa hadda dhismayaashiisu taagan yihiin, waxa dhisay khaliifkii muslimiinta Andalusia ee la odhan jirey Cabdiraxmaan. Goobtani markii hore waxa ay ahayd kiniisad hase yeeshee khaliifka ayaa iibsaday oo u bedelay masaajidkii ugu quruxda badanaa Yurub. Masaajidkan oo hadda loo yaqaano magacyo kala duwan oo ka kala turjumaya wakhtiyo taariikheed oo kala duwan sida "Masaajidkii Kiniisada", La Mesquita, ama kiniisada Qurduba (Cathedral of Cordoba) waa goob maalin kasta ay soo booqdaan boqolaal qof oo ka kala yimid dacalada aduunka. Waxaan kula kulmay oo aanu iswaraysanay taageerayaal ka tirsan xisbiga Trump ee Republicanka oo ka yimid gobolka Texas ee dalka maraykanka oo duubanaya taariikhdaa qaaliga ah ee islaamka. Marka aad gasho gudaha masaajidka waxa aad ku ashqaraaraysaa sida farshaxanimada leh ee loo dhisay masaajidkaa iyo sida quruxda badan ee aayadaha quraanka kariimka ah loogu xardhay gidaarada masaajidka. Mixraabka masaajidku waxa uu ka samaysan yahay dhagxaan lagu naqshadeeyey dahab, si cilmiyeysana loogu qoray aayado quraan ah. Qudbiga masaajidka, tiirarkiisa, gidaaradiisa, marmarka yaala iyo sida farsamada sare ah ee loo sameeyey ayaa aad kuu soo jiidanaya. Cabaar ayaan meel cidlo ah keligay taagnaa aniga oo ka fikirayey sida dhulkaa muslimiinta iyo masaajidkani ku lumay oo ahayd khilaaf muslimiinta dhexdooda ah. Waa arimo uu ilaahay SWT uga digay muslimiinta in aanay is khilaafin; haddii ay is khilaafaana in ay fashilmi doonaan oo awoodoodu lumi doonto. Taas ayaa dhacday, ka dib markii muslimiintu dhexdooda isku mashquuleen ayaa xoogag ay horkacayaan kiniisadaha reer galbeedku waxay dagaallo arxan darro ah oo mudooyin badan socday ka dib la wareegeen dhamaanba goobihii muslimiintu lahaayaan oo masaajidkana ka mid ahaa. Masaajidka waxa kiniisad loo bedelay sanadkii 1236kii.
Sanadkii 1994, hay`ada qaramada midoobay u qaabilsan dhaqanka iyo waxbarashada ee magaceeda loo soo gaabiyo UNESCO, waxay masaajidkan iyo dhamaanba dhismayaasha qadiimka ah ee ku xeeranba u aqoonsatay in ay yihiin goobo taariikhi ah oo u baahan in la ilaaliyo, lana daryeelo.
Ka dib kormeerkaa ruuxiga iyo taariikh barashada ah oo qaatay saacado badan, waxaan dib ugu luuday goobtii aan deganaa aniga oo qiiraysan oo taariikh badana faraqa ku soo guntaday. Waxaan in badan ka fikirayey aqoonta iyo ilbaxnimadii ay muslimiintu ka hirgaliyeen Andalusia sida wax qorista iyo wax akhriska oo ay bareen dadkii ku hoos noolaa xukunkaa islaamiga ah, habka dhismayaasha waaweyn ee casriga ah loo dhiso (architecture, lm`mry@ lhnds@), cilmiga daweynta dadka iyo xoolahaba (lbyTry wlTb lSydl@), culuumta xidigiska (astronomy lflk `lm), xisaabaadka (mathematics lryDyt) iyo culuum badan oo la xidhiidha dhirta iyo waxtarkooda. Waxase wax laga xumaado ah in markii kiniisada iyo ciidankeedu ay qabsadeen dhulkaa muslimiinta, in dadkii muslimiinta ahaa xasuuq lagu bilaabay, oo wax la dilay iyo wax lagu khasbay inay diinta ka noqdaan laga dhigey. Tiro yar oo aan badnayn ayaa firxad kaga baxsaday Cordoba oo dib ugu soo gurtay dhulalkii kale ee muslimiintu ka talinayeen ee ku yaalay waqooyiga afrika. Ileyn xareeda lagama dhargee, subaxdii dambe markii uu waagu baryey waxaan hadana mar labaad ku noqday isla goobihii aan shalay soo booqday aniga oo durduuranaya taariikhdaa qaalliga ah ee muslimiintu kaga tageen Spain! Keligay maaha ee dadka goobahaa booqdaa kama xiiso gooyaan daawashada Medinat Al-Zahraa iyo masaajidka weyn.
Hore ayaa loo yidhi sheeko iyo shaahid isku mid maaha (wax aad indhahaaga ku aragtay wuu kaaga duwan yahay wax lagaaga sheekeeyey), wax badan oo aan sheeko ahaan ku maqlay amaba ka akhristay buugaagta taariikhda ayaan soo taabtay! Waxaan aaminsanahay taariikhdayda oo aan barttaa inay ka muhiimdsan tahay barashada taariikhda kacaankii faransiiska (The French Revolution), kacaankii Ruuska (the Bolshevik revolution), socodkii dheeraa ee Mao (the long march of Mao Zedong) iyo kuwa la midka ah
La soco Q2aad iyo socdaalkaygii Granada iyo qasriga caanka ah ee Alhambra.
Qalinkii Cabdikariim Cali Baarjeex
United Kingdom.
storvideo: 

Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Shacabkii Soomaalida ahaa...

$
0
0

Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Shacabkii Soomaalida ahaa ee Lagu Xasuuqay Awaday oo ka mid ah Oromo Kilil
Waxa Daabacay staff-reporter on Sep 16th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress(Jigjiga) 16 Sept.. Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay xabaalaha gidhibka ee - deegaanka jigjiga dadkii shacabka somalida ahaa ee sida axmuqnimada ah loogu xasuuqay hawaday ee deegaanka oromada dadkaasi oo ay tiradoodu dhantahay 40 qof ayaa maanta waxa lagu aasay xabaalaha gidhibka 18 qof.
Waxaana aaskan qaran oo aan loo kala hadhin ayaa waxa soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq Ibraahin, madaxwayne ku xigeenada DDSI, odayaal dhaqameedka deegaanka, hogaaminta diimaha kala duwan ee dalkeena itoobiya, iyo kumanaan qof oo ka mid ah qaybaheeda kala duwan bulshada ku dhaqan magaalada - deegaanka ee jigjiga.
Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu horayntii dhamaan shacabwaynaha DDSI meelkasta oo ay joogaan tacsiya tiiraanyo leh uga diray shacabkii aan waxba galabsan ee sida akhmuqnimada ah looga xusuuqey magaalada hawadaay iyagoo waxaba galabsan guryahooda laga la soo baxay ee kaliya lagu dilay magaca somalinimada madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in goobta uu ka socday xasuuqu ay si deg deg ah u tageen ciidmada qaranka iyo federaal booliska oo si muwaadinimo leh u soo bad baadiyey 300 oo qof oo in la xasuuqo larabay kuwaas oo kudhex noola oromada madaxwaynaha ayaa sheegay in ay dadkan lagu xasuuqey meel ay goob jog ka ahayeen qaabdhimeedka nabadgliyada maamul ka bariga harargee oromada balse waxaa jiray qaar kamid ah shacabka oromada oo dadka somalida ah guryahoda ku qariyey si aan loo xasuuqin inta kale. Madaxwaynaha ayaa sheegay in loo bahan yahay in dadka aan waxba angalabsan ee inagu dhexnool in aan waxba layeelin si aynaan u fulin ujeedadii uu cadawgu lahaa . madaxwaynaha ayaa sheegay in dadkeenii dhintay aanay soo noolaanayn lakiin loo bahanyahay in aynu ka shaqaysano nabada iyo xasiloonida ma aha geesinimo iyo sharaf in la laga aargoosto laakiin geesinimo iyo sharaf tahay in aan la kala aargoosan madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in dadkii gaystay falkan arxan darnada ah lagaga aargoosan doono sharciga dalka ugu dambayntii waxa uu madaxwaynuhu ka warbixiyay ahmiyada iyo faa'iidooyinka ay leedahay adkaynta nabadgalyadu islamarkaana tahay furaha horumarka ayaa ku amaanay shacabka deegaanka sida sharafnimada iyo geesinamadu ku jirto ee ay u ilaaliyeen xuquuqaha shaqsiga iyo mida qoomiyadeed.
Dhankooda hogaamiye diimeedka kala duwan ee dalkeena ayaa si qoto dheer uga hadlay arintan foosha xun ee lagu gudaamay shacabka aan waxba galabsan iyaga oo ugu horayntii tacsi u diray tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka somalida ee ay ka bexeen dadkan shacabka ah ee aan waxba galabsan ee lagu gumaaday magaalada hawaday iyo nawaaxigeeda waxayna tilmaameen in ay tahay xasuuq heer caalami oo aan wali lagu arag dalkeena itoobiya iyaga oo hogaamintu isku raacday in dadkii ficilkan gaystay si deg deg ah sharciga loo horkeenaCAKAARANEWS
This post has been viewed 85 times.
storvideo: 

DHAGEYSO Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle


DHAGEYSO Barnaamijka Qubanaha Wararka Ee Idaacadda Shabelle

Fikirka iyo Ficilada cusub ee Qowmiyada Oromada oo...

$
0
0

Fikirka iyo Ficilada cusub ee Qowmiyada Oromada oo Halis ku ah degenaashaha iyo dawladnimada Ethoipia
Waxa Daabacay staff-reporter on Sep 16th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress, 16 Sept. 2017- Dalweynaha Ethoipia labadii sano ee 2016 iyo 2017 ayaa waxa ka soo kordhay qalalaase iyo kacdoono siyaasadeed oo ay samaynayaan qaswadayaal u dhashay qowmiyada Oromiya, kacdoonadan ayaa u muuqda kuwo laga hagayo dalka dibadiisa, taas oo ay dabada ka riixayaan dawlado shisheeye oo doonaya inay dib u ridaan hormarka ay cagta saartay Ethoipia.Hadaba waxa noqotay wax aad loola yaabo falalkii dhacay sanadkii hore ee kooxaha rabashadaha wadaan ku burburiyeen hanti faro badan oo ay leeyihiin shirkado shisheeye oo maalgashaday dalka iyo kuwo ay leeyihiin dad shicib ah, khasaaraha dhaqaale ee wakhtigaas ay sababeen rabshadahaasi banaanka ay ka hagayaan mucaaradka ay adeegsanayaan dawladaha cadawga ku ah horumarka iyo xasilinooda Ethoipia ayaa ah mid soo gaadhay shacabka iyo bulshada reer Ethopia.Hadaba Qowmiyada Oromo ayaa la geliyay fikir ah inay u badan yihiin oo boqolkiiba yihiin dadweynaha ethoipia 70%, taas oo ah mid siyaasiyiin dano shisheeye filinayaa ay wadaan, Raysal Wasaare Malaz ZInaawi oo warbaahintu mar weydiisay in Qowmiyada Oromo tahay ta uGu badan Ethoipia wuxuu kaga jawaabay, Waxa badan dadka ku hadla Afka OROMO ee qowmiyad ahaan ma badna, wuxuuna tilmaamay in dad badan oo Asal ahaan ka soo jeeda Soomaali la Oromeeyay xiliyadii Boqortooyada iyo Dhargigu xukunka haysteen, wuxuu intaas Raaciyay ATO Malez in qabaail Soomaali ah ay degen yihiin ilaa NAZIRET isagoo xusay Gurgura, Madigaan, Sheekhaash(QAALUU) iyo kuwo kale oo badan....la soco qaybo kale oo aan kaga hadli doono mawduucan
This post has been viewed 100 times.
storvideo: 

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo...

$
0
0

Hargeysa(Waaheen) Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wafti uu hogaamiyey ayaa ka qeyb galay Xaflada Qalin Jabinta Jaamacada Timacade ee Magaalada Gabiley oo ay ka qalin jabiyeen Dufcadii 5aad.
Munaasibad balaadhan oo loo sameeyey qalin jabinta Ardayda Timacade ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirada Hawlaha Guud, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Warshadaha, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Afhayeenka Madaxtooyadda iyo masuuliyiin kale.
Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey horumarka jamaacada Gabiley iyadoo door muuqda ay ku leedahay Xukuumada Somaliland, Maayir Magaalada Gabiley oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Dawladda hoose qaadaato hadba qofka ugu sareeya hadii uu qofkaasi shaqo haysta ay shaqaalaysiiyaan qofka xaga dhibcaha kusoo xiga.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Maxamed Xaaji Aadan ayaa sheekay inay Wasaarad ahaan xooga saaraan Waxbarashada dalka islamarkaana ay intii Xukuumada Madaxweyne Axmed Silaanyo uu hogaamiyaa dalka ka talinaysay, sidoo kale wuxuu xusay inay ka Wasaarad ahaan ay yihiin Waalidkii labaad ee dhalinyarada qalin jabinaysa islamarkaana ay Ardayda la qeybsanayaan Farxada iyo daamaashaadka.
Madaxweyne Ku xigenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horaynba hambalyo u diray Arday ka qalin jabinaysay Jamaacada Timacade ee Magaalada Gabiley , waxaana uu xusay inay Aqoontu tahay shayga keliya ee lagu horumarikaro islamarkaana dalku u baahan yahay dhalinyaro aqoon leh, Mudane Saylici ayaa sidoo kale in Xukuumada uu Madaxweye ku xigeenka ka yahay islamarkaana ka dhalatay Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ay dalka wax badan ka qabatay mudadii ay talada waddanka hayeen.
Ugu Danbayntiina Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii kaalmaha ka galay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadu ka kooban tahay sidoo kalena gudoonsiiyey qaar kamida Shirkadaha Ganacsiga iyo dadkii doorka la taaban karo kasoo qaatay dhismaha Jamaacada.
storvideo: 

Dagaalkii USC iyo SNM oo noqday mid dhaqaale

$
0
0

17th September 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Gobolka Bari oo lacag been abuur ah lagu qabtay iyo gobolka Sanaag oo lacag been abuur ah loo soo wado.
Ciidamada Booliska ee ka howlgala Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay fuustooyin ay ka buuxeen lacago been abuur ah oo maalmahan dhibaato ku haya suqyada degaannada Puntland, kuwaas oo laga keenay Koonfurta Soomaaliya.
Taliyaha kantaroolka Boosaso Maxamuud Qalaf ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen Gaadiid waday fuustooyinka Afka laga alxamay oo ay ku jirto Lacagta been abuur ah ee ku socotay suuqyada Boosaaso.
Boolisku waxay sheegeen in lacagtan ay tahay shilin Soomaali been abuur ah,waxaana ay sheegeen in lagu qariyay Fuustooyin iyo jawaanno lagana keenaya Koonfurta iyo bartamaha Soomaliya.
Sidoo kale waxa magaalada Hargaysa ee xarunta gobolka waqooyi galbeed qandaraas lagu siiyey in lacagta LANDERka ah ee beelaha Isaaq istcimaalaan inuu geeyo gobolka Sanaag , nin lagu magcaabo Ina Ciise Laab, oo ka mid ah Dabadhilifyada u shaqeeya maamulka SNM. Sida la sheegay lacagtan ayaa hadda taal Bakhaar ku yaal magaalada Hargaysa.\
ILLAHOW NADABAQABO AAMIN YRC.
Opslaet af Fadumo Indhayare pa 17. september 2017

Sidoo kale waxa magaalada Hargaysa ee gobolka waqooyi galbeed qandaraas lagu siiyey in lacagta LANDERka ah beelaha Isaaq istcimaalaan inuu geeyo gobolkaas, nin lagu magcaabo Ina Ciise Laab, oo ka mid ah Dabadhilifyada u shaqeeya maamulka SNM
Post navigation
- Maleeshiyaadka Mahad Salaad ee aadka u hubaysan
storvideo: 

5 Carruur oo Walaalo ah oo Dab ku Dhintay

$
0
0

Dab maanta ka kacay guri dad danyar ah oo barakacayaal ahi ay dagan yihiin oo ku yaalla xaafadda Farjanno gaar ahaan aagga dalxiiska ee magaalada Kismaayo ayaa keenay dhumashada 5 carruur ah oo hal qoys kasoo wada jeeda.
Carruurtan oo kan ugu weyni uu 6sano jir ahaa midka ugu yarna uu naaska nuugayay ayey hooyadood oo u shaqo tagtay waxa ay dusha kaga xirtay guriga, si ay u nabad-galaan.
Dabkan ayaa la sheegay inuu ka kakacay maanso ka dhalatay koronto.
Hooyada carruurta dhashay ayaa geerida ciyaalkeeda 5-ta ah lagu wargeliyay iyadoo ku maqan shaqo yar oo dhar-dhaqid ah si ay quutul-yoomka ubadkeeda ugasoo saarato
Carruurtan oo kan ugu weyni uu 6sano jir ahaa midka ugu yarna uu naaska nuugayay ayey hooyadood oo u shaqo tagtay waxa ay dusha kaga xirtay guriga, si ay u nabad-galaan.
Dabkan ayaa la sheegay inuu ka kakacay maanso ka dhalatay koronto.
Hooyada carruurta dhashay ayaa geerida ciyaalkeeda 5-ta ah lagu wargeliyay iyadoo ku maqan shaqo yar oo dhar-dhaqid ah si ay quutul-yoomka ubadkeeda ugasoo saarato

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:05:06
0:00:00 /0:05:06
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Ra’isul wasaare Kheyre oo Kormeeray Xarunta...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra'isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeel waxa uu ku tagay Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo ku taalla nawaaxiga xarunta madaxtooyada villa Soomaaliya .
Waxaana ra'isul wasaare kheyre uu khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay munaasabad kooban oo ka dhacaday xarunta Akadeemiyada, isaga oo sheegay in ay ka shaqeyso howlahan ay ku magacaaban tahay, ayna Astaan u tahay ka shaqeynta jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed .
Sidoo kale ra'isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in waxyaabaha Ummadda Soomaaliyeed ka dhaxeeya ay tahay Afka Soomaaliga oo uu ugu baaqay shacabka in qofna uusan ka faanin waxa uu jiritaankiisa ku taagan yahay oo ah Afka Soomaaliga .
Ugu dambeyn madaxda Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ayaa madasha ka qiray in ra'isul wasaare kheyre uu yahay ra'isul wasaarihii ugu horeeyay Abid taariikhda Soomaaliya ee booqda xaruntaasi.
storvideo: 

Idaacada BBC-da Oo Raali-Galin Ka Bixisay Warar Ay...

$
0
0

Hargeysa (Waaheen):- Idaacada BBC-da baahinteedi maanta waxaa ay raali-galin buuxda kaga bixisay khalad iyada ka dhacay kaas oo ku saabsanaa warbixin ay ka diyaariyeen halka uu ka bilaabmay colaada u dhaxaysa Somaliand iyo qoomiyada Oromada.
Talaabadan waa tii ugu horreysay ee ay raaligalin kaga bixiso war ay Somaliland ka baahisay, kaasi oo ay ciwaan uga dhigtay "Maxay salka ku haysaa colaadda Oromada iyo Soomaalida" lana soo geliyay mareegta www.bbcsomali.com gelinkii dambe Sabtida 16-ka Sept ayaa maqaalkaas lagu sheegay in colaaddani ka bilaabantay amma ay sabab u ahayd laba qof oo Oromo ah oo lagu dilay Hargeysa dalka Somaliland.
storvideo: 


Ruushka oo beeniyay inuu duqeeyay mucaaradka Siiriya

$
0
0

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa dafirtay eedeymaha loo haysto ee ah in diyaaradaheeda ay Sabtidii duqeeyeen dagaal yahannada uu Mareykanku taageerayo ee ku sugan Siiriya.

Raisalwasaaraha X F S Xasan Cali Khayre ayaa maanta...

$
0
0

Raisalwasaaraha X F S Xasan Cali Khayre ayaa maanta balan qaaday in dawladiisu ay gacan ka gaysan doonto sare uqaadida Afka Soomaaliga iyo Dhaqanka.
Sep 17, 2017 -
Raisalwasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay mar uu maanta booqday Xarunta Akadeemiyada Dhaqqnka iyo Suugaanta Soomaaliyeed.
C/qaadir Nuux Xuseen " Maax" oo ah Gudoomiyaha Akadeemiyada ayaa halkaas ka soo jeediyay muhiimada iyo shaqada ay qabato xaruntaas isagoo tilmaamay muhiimada gaarka ah ee ay Bulshada Soomaaliyeed uleedahay xarunta Akadeemiyada Fanka iyo Suugaanta.C/qaadir Maax wuxuu intaa ku daray in Raisalwasaare Xasan Cali Khayre uu yahay Raisalwasaarihii ugu horeeyay ee booqda Xarunta Akadwemiyada.Raisalwasaare Xasan Cali Khayre oo munaasabadaas hadal qiimo badan ka jeediyay ayaa umahad celiyay Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku hawlan sare uqaadida Dhaqanka Iyo Afka Soomaaliyeed Wuxuuna balan qaaday in waxbadan uu ka qaban doono baahiya haysta Xaruntaas oo ka mid ah goobaha loo baahan yahay in si dhab ah looga shaqeeyo sare uqaadidood.Munaasabada waxaa ka soo qaybgalay qaar kamid ah ardayda Jaamacadaha iyo Aqoonyahano waayo arag ku ah soo noolaynta Afka iyo dhaqanka. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

NISA officer shot dead in drive-by shooting in Mogadishu

$
0
0

A senior Somali Intelligence officer has been shot dead in a drive-by shooting in Somali capital, Mogadishu on Sunday morning.
The officer – Mohamud Hassan Moalim (Qooley) has been seriously injured in an attack at Hoosh area in Dharkenley district, and rushed to hospital, where he was pronounced dead.
Late Moalim was serving as the head of Somalia’s Intelligence and National Security Agency (NISA) unit in Mogadishu’s Kahda district, according to the Police.
A soldier guarding the NISA officer was killed in the drive-by shooting seemed to be an apparent assassination attempt by Al shabaab militants.
Police said an investigation is underway to arrest the perpetrators.
The post NISA officer shot dead in drive-by shooting in Mogadishu appeared first on Shabelle.

Puntland oo soo Af Jartay Colaadii Deegaanka Uur...

$
0
0

Bosaso-[Puntland Post]-Degmada Carmo ee gobalka Bari ayaa maanta waxa lagu soo gaba gabeeyey kulan looga tashanayey si dii loo soo af jari laha Colaad dhawaan ku dhexmartay Deegaanka Uur-Idaad labo beelo oo halkasi wadadaga.
Shirkan ayaa Degmada Carmo Ee gobalka Bari ka Furmaya 25-8 2017 waxana uu soo maray heerar kala duwan waxana gabagabad kulankan goob joog ka ahaa xubno ka tirasan golaha Wasiirada Puntland, Maamulka gobalka Bari iyo odayaal dhaqan.Akhriso Qodobada shirka ka soo baxayCabdiqani Boos Puntland Post -Bosaso
The post Puntland oo soo Af Jartay Colaadii Deegaanka Uur-idaad Ee Gobalka Bari appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Ruushka oo beeniyay inuu duqeeyay mucaaradka Siiriya

$
0
0

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa dafirtay eedeymaha loo haysto ee ah in diyaaradaheeda ay Sabtidii duqeeyeen dagaal yahannada uu Mareykanku taageerayo ee ku sugan Siiriya.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamadeeda cirka ay keliya beegsadeen kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ah.
Waxay ka jawaabeysay hadalkii SDF, oo ah isbahaysiga kooxo Kurdiyiin iyo Carab ah, oo ahaa in lix dagaal yahan lagu dhaawacay weerarro Ruushku uu ka geystay bariga Siiriya.
SDF ayaa ku sigaya magaalada Deir al-Zour, halkaa oo ciidamo dowladda taabacsan, oo xoogagga Ruushka ay taageerayaan ay isku dayayaan inay dib uga qabsadaan IS.
Sabtidii Xoogagga Dimuqraaddiga ee Siiriya ayaa sheegay in xilli hore maalintaas ay diyaaradaha dagaalka Ruushka ay duqeeyeen ciidammadooda.
Gobolka Deir al-Zour ayaa ah meeshii ugu dambeysay Siiriya ee ay ku xooggan yihiin kooxda IS. Ciidamada Siiriya iyo xulafadooda ayaa halkaasi dagaal ka wada iyagoo garab ka helaya diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live