Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Falanqayn: Trump muxuu ku qoonsaday Qaramada Midoobay?

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbadii ugu horeysey ee uu ka jeediyey golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ku sheegey in caalamka ay jaah wareeriyeen wadamo kooban oo qas wadayaal ah, loona baahan yahay in caalamku u midoobo siddii loo jebin lahaa.


Soomaaliya oo lumisay codkii ay ku lahayd QM iyo...

$
0
0

New York (- Online) - Xilli lagu waday in Xasan Cali Khayre, Ra'iisal Wasaaraha Somaliya uu khudbad ka jeediyo Shirka 72aad Golaha Guud ee Qaramada Midoobe, ayaa la shaki geliyay.
Antonio Guterres, Xoghayaha Guud Qaramada Midoobe, ayaa qoraal uu soo saaray September 7, ku sheegay afar wadan oo Somaliya ku jirto inaanay wax cod ahi ku yeelan doonin Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobe, sababo ku aadan lacagaha qaaraanka oo lagu leeyahay. Somaliya, ayaa maanta uun heshay qoraalkan.
Somaliya, Guinea-Bissau, Comoros iyo Sao Tome & Principe, ayaa waxaa lagu leeyahay qaaraanka laga doonayo dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobe. Dalalkan waxaa lagu haystaa inaanay labadii sano ee la soo dhaafay bixin qaaraanka, ay khasabka tahay inay bixiyan.
Somaliya waxaa lagu leeyahay lacag dhan $1,354,435. Jaziiradda Comoros waxaa laga rabaa inay bixiso $876,418, iyadoo Sao Tome & Principe laga doonayo lacag dhan $779,636, halka Guinea-Bissau lagu leeyahay $46,439.
Dalalkan, ayaa waxay awood u yeelan doonaan inay codad ku yeeshaan shirka ka soconaya Magaalada New York, haddii ay bixiyan lacagaha lagu leeyahay.
Mid ka mid ah dalalkan, ayaa kari doono inuu cod ku yeesho shirka, haddii Golaha Guud Qaramada Midoobe uu u aqoonsado inuu dalkaasi ku fashilmay bixinta lacagaha ku waajibka ah.
Ra'iisal Wasaare Khayre oo maanta gaaray Magaalada New York, ayaa waxaa u diyaarsaneyd khudbad uu ugu talagalay inuu shirka ka jeediyo. Khudbadan, ayuu qorsheynayay inuu kaga hadlo horumarka dalka iyo is bedeladii dhacay, billihii ugu dambeeyay.
storvideo: 

Xaqdarrada Huursan ee ka jirta Garsoorka JSL W/Q :...

$
0
0

Xaqdarrada ka jirta garsoorka waxaaXaqdarrada ka jirta garsoorka waxaaWaxa la yaab leh oo gef ku ah xuquuqdamuwaadinka 8bilood inay xabsiga ku jiraanMd.Muse Suldan C/Qaadir iyo Md.DaauudSuldan Maxamed Suldan C/Qaadir ayagoonhaba yaraatee wax denbi oo ay dalka iyo dakoodaba ka galeen aanay jirin!!! Taliyaha ciidanka booliskaqaranka jsl Md.Cabdilaahi Fadal lama garanayosharciga uu u cuskanayo ee uu ku haysto ilma Suldan.8bilood ka hor Danbiilahii falka gaystay ee dhaawacayDhame Cabdi Kayd,kana tirsan waaxda socdaalka,kana dhacay falkaasi dhismaha ay iibsadeensharkada Star group ee ku yaala goobta lagu magacaaboGacanta ee degmada M/Haybe wuu xidhanyahay,taliyahiidhaawacmay ilaahay caafimaad kaamil ah ha siiyeemaanta cagahiisa ayuu ku socdaa...alxamdu lilaaha.hadabawaxa aan garsoorka jsl ninka ugu sareeya waydiinaya inuushacabka jsl uga fadhiyo!:1.Sababta Md.Muse Suldan C/Qaadir iyo Md.Daauud Suldan Maxamedmuddo8bilood ah loo hor keeni waayay?2.Shacabka jsl waxay ka sugayaan Gud.Garsoorka jsl Md.Adam X.Cali inuu cadeeyo sharciga u baneeyay inuu muwaadin ku jiro jeelka ayadoon la hor keenin maxkamad muddo 8bilood ah denbi kasta oo lagu tuhunsanyahay?
Waxa shacabka jsl jawaab ka sugayaa Gud.maxkamada sare oo ah Gud/Gudidacadaalada,ahna Gud.maxkamada Dastuuriga ah,ahna Gud.Waaxda garsoorka ayadoo lagu jiro waqti xasaasi ah oo doorashadii fooda innagu soo hayso!!!!
Allaa Mahad Leh.Uf Ana Leh Qabyalad
storvideo: 

HAG iyo SNM miyaa Qarankii Soomaaliyeed metelaya?

$
0
0

20th September 2017 admin Category :
Hawiye Action Group (HAG) iyo Somalida midnimada neceb (SNM). Xafiis walba ee Soomaaliyeed dal iyo dibadba iyagaa fadhiya oo hadana diidan in Qaran Soomaaliyeed la helo. Maanta Ney york iyo Qaramada midoobey ayeey isugu habar wacdeen. Caynte warbixintii ugu danbaysay ee uu ka soo saaray tirakoobka beelaha Soomaaliyeed, markuu ahaa wasiirka qorshaynta , Yuusuf Garaadna uu ka sheegay ama ka faafiyey BBcda waxay ahayd in beesha Gugundhabe, ee Hawiye ay ka degaan weyn tahay beesha Dhulbahante, Maantana Umadda Soomaaliyeed waxay sugayaan warbixintooda labaad
[embedded content]
storvideo: 

Lacagta Xubinimada QM ee Soomaaliya lagu Leeyahay

$
0
0

Danjiraha ayaa sheegay inay sannad walba codsanayeen in dib loo dhigo bixinta lacagtaas, sannadkanna ay sidaas sameeyeen. Wuxuu meesha ka saaray oo been ku tilmaamay in loo diiday Soomaaliya inay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay inay ka hadlaan ama inay codeeyaan.

Lacagta Xubinimada QM ee Soomaaliya lagu Leeyahay

$
0
0

Qoraal lagu daababay bogga Qaramada Midoobay, kaas oo ku taariikhaysan 07 September 2017, kana soo baxday xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagaga hadlay illaa afar dal oo lagu leeyahay lacag oo ay ku jirto Soomaaliya.
Qoraalka ayaa lagu soo xigtay qodobka 19aad oo dhigaya in dalalka lagu yeesho lacagta qaadhaanka ah ee xubinimada dalka, muddo laba sannadood ah, inuu dalkaasi waayi kari karo xaqqii uu u lahaa inuu codeeyo, haddii dalkaasi aanu la iman sabab macquula oo keentay inuu lacagta iska bixin kari waayo, isla markaana Golaha Sare uu ku qanco.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay oo la hadlay VOA ayaa sheegay inuu arkay waraaqdan, hase ahaatee aanu hubin inay sax tahay iyo inkale.
Danjiraha ayaa sheegay inay jirto in Somalia lagu leeyahay lacagihii qaadhaanka ahaa ee dal ahaan looga rabay, taas oo aan 15-kii sano ee ugu dambeeyey aan la bixinin.
Danjiraha ayaa sheegay inay sannad walba codsanayeen in dib loo dhigo bixinta lacagtaas, sannadkanna ay sidaas sameeyeen.
Wuxuu meesha ka saaray oo been ku tilmaamay in loo diiday Soomaaliya inay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay inay ka hadlaan ama inay codeeyaan.
Danjiraha Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobay ayaa u waramay weriyaha VOA Sahra Cabdi Axmed.
Pop-out player
storvideo: 

134 Qof oo ku Dhimatay Mexico

$
0
0

Wararka ka imanaya dalka Mexico ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dhul-gariir xooggan, oo cabbirkiisa lagu qiyaasay illaa 7.1 Magnitude. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku soo waramaysa in dhimashadu ay haatan marayso illaa 134 qof.

134 Qof oo ku Dhimatay Mexico

$
0
0

Wararka ka imanaya dalka Mexico ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dhul-gariir xooggan, oo cabbirkiisa lagu qiyaasay illaa 7.1 Magnitude. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku soo waramaysa in dhimashadu ay haatan marayso illaa 134 qof.
Dhul-gariirka ayaa sababay inay burburaan dhismayaal kala duwan oo ku yaalla caasimadda dalkaas, haatanna waxaa socda gurmadka loo fidinayo dadka dhismayaashu ku dumeen.
Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka kuwaas oo ay ka muuqatay cabsi xooggani, isla markaana malaayiin qof ayaa waayay korontadii.
Maayarka magaalada Mexico City ayaa sheegay in illaa 44 dhisme ay si weyn waxyeello u soo gaadhay ama ay guud ahaanba burbureen, sidoo kale waxaa dhacay in qaar ka mida dhuumaha shidaalka qaada inay dillaaceen, meelaha qaarna uu dab ka dhashay.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha ayaa u sheegay telefiishan gudaha dalkaas laga leeyahay in kooxaha gurmadku ay ka shaqaynayaan sidii ay dad nool uga baadhi lahaayeen burburka.
Dhulgariir kale oo xooggan oo bishan September 7-deedii ka dhacay dhinaca Koonfureed ee Mexico ayaa la sheegay inay ku dhinteen illaa 98 qof.
Dhismayaasha ku burburay caasimadda dalka Mexico waxaa ku jiray dabaqyada dhaadheer ee la degan yahay, Dugsiyo, wershedo iyo goobaha laga dukaamaysto.
storvideo: 


Rajo kama qabo inuu Qaxootiga kaalmeeyo

$
0
0

20th September 2017 admin Category :
Maxaa kala qabsaday Ra'sul wsaaraha dalka Bangladesh Sheikh Hasina iyo madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump .
Labadan hogaamiye ayaa ku kulmay barxadda aqalka Qaramada midoobey ee New york . Madaxweynaha Marykanka ayaa hogaamiyaha Bangaladhesh waydiiyey sida lagu ahaa dalkeeda?. Waxay ugu jawaabtay waa lagu fiicnaa, laakiinse waxa jirta dhibaato naga haysata qaxooti badan oo ka imanaya dalka Myanmar, " Hasina sidaa waxay u sheegtay waraysi ay siisat Reuters. "Markaan qaxootiga soo hadal qaaday wax jawaab ah kama bixin dhabarka ayuu sii jeediyey"

This is why Bangladesh PM Sheikh Hasina didn't ask Donald Trump for help with Rohingya refugees. pic.twitter.com/pCMRuS3BAE
-- Al Jazeera English (@AJEnglish) September 19, 2017

storvideo: 

Dhulgariir xoogan oo Mexico ku dhuftay

$
0
0

Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay badhtamaha Mexico, waxaana ku dhintay in ka badan 130 qof tobanaan guri oo ku yaallay magaalada xaruta ah ee Mexico City ayaa iyaguna dumay.

Ducaale” Waxaa la dhisayaa 32,000 oo ah ciidamo boolis Isku Dhaf ah”

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Shirkani oo socon doono muddo seddex maalmood ah ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka furay Wasiirka Aminga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,kaasi oo u dhexeeya saraakiisha Booliska Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed.
Ujeedada shirkani wadatashiga ah ayaa la xiriirta qorshayaal ku aadan sidii loo dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah oo Boolis ah, kuwaasi oo isugu jira heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, si ay isaga kaashadaan sugida Ammaanka Dalka iyo in AMISOM ay kala wareegaan guud ahaan Ammaanka Dalka.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Abuukar Islow “Ducaale” ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA uga warramay u jeedka shirkaasi, isagoo sheegay in la dhisayo ciidamo boolis ah oo gaaraya 32 kun, kuwaasi oo AMISOM kala wareegi doona Amniga Dalka.
Xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in ay Dowladda Soomaaliya waqtiga u haray ku dhisto Ciidamo Xoogan oo buuxin kara Kaalinta Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya,
Ciidamada AMISOM oo ka socda Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya ayaa la filayaa dhawaan in ay Dalka isaga Baxaa,n iyadoo ay Dowladda Soomaaliya Raadineyso Qorshe lagu xoojiyo Amniga Goobaha ay ka baxayaan Ciidankaasi.
The post Ducaale” Waxaa la dhisayaa 32,000 oo ah ciidamo boolis Isku Dhaf ah” appeared first on Shabelle.

Yoweri Museveni iyo Wasiirka Arimaha Dibada...

$
0
0

Mr. Museveni ayaa u sheegay Boris in ay jiraan dadaal aad u culus oo lagu doonayo in looga hortago urururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxa uuna ku baaqay in la xoojiyo AMISOM iyada oo loo marayo qalab iyo shaqaale dheeraad ah si loo dhammeeyo shaqada ay ciidamadda AMISOM ka hayaan gudaha dalka Soomaaliya.
Waxa uu Madaxweyne Museveni ka codsaday xoghayaha arrmaha dibadda ee Boqortooyadda Ingiriiska in ay kaalintooda ka qaataan Ingiriiska sidii Soomaaliya looga saari lahaa ururka Al-shabaab, islamarkaana ay dadka Soomaaliyeed ugu noolaan lahaayeen nabad iyo xasilooni.
Labadaan mas'uul ayaa ku kulmay shirka 72-aad ee Golaha ammaanka ee Qaramadda Midoobay ee ka socda magaaladda New York ee dalka Mareykanka.
Dowladda Uganda waxa ay aheyd dalkii ugu horeeyay ee ciidamo nabad ilaalin ah u soo dira dalka Soomaaliya sanadkii 2007-dii, iyagoona ciidamadooda ay qeyb ka yihiin Howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Madaxwaynaha  Kurdistan: Cidna kama Aqbalayno Hanjabaad

$
0
0

Madaxweynihii gobolka Kurtdistan Massoud Barzani ayaa ku nuuxnuuxsaday dhamaadka Wada lahaansha Ciraaq, isaga oo ugu yeedhay Ciraaq iyo gobolkuba dariska qaaliga ah, sida uu u dhigay hadalka.
Barzani ayaa sidaa ka sheegay munaasabad lagu qabtay degmada Soran oo lagu taageerayay aftida madaxbannaanida, waxa kale oo uu sheegay inaysan jirin waddo kale oo gobolka oo taal oon a ahayn in ay qabataan aftida.
Waxa uu intaa ku daray in dastuurka Ciraaq uu xaq u siinayo Kurdistan in ay qabto aftida, isagoo ku adkeystay.Barzani ayaa ugu baaqay saaxiibada inaysan ku hadlin luqad hanjabaad ah, isagoo yidhi: "Kama aqbalayno Cidnaba Hanjabaad."
Waxa kale oo uu tilmaamay haddii ay jiraan wax kale oo damaanad qaadaya xuquuqda kurdida, gobolku wuxuu qabanqaabin doonaa xaflado ballaadhan 25 September, maalinta aftida.
Barzani ayaa sheegay in Dawlada Ciraaq hadda aysan ahayn Federaal laakiin ay Tahay Daa`ifad diineed.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Madaxweynaha Hirshabelle oo xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan

$
0
0

Jowhar ( Sh. M. Network )-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in Madaxweynaha dhawaan la doortay Maxamed Cabdi Waare uu xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim masuul cusubna u magacaabay halkaasi.
Xil ka qaadista guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ah talaabadii ugu horeysay ee Madaxweynaha, waxaana uu Xilkaasi u magacaabay guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu hore xilkan ugu magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, balse sagaal bilood kadib xilka ka qaaday.
Magacaabista Cali Jeyte ayaa noqonaysa mid la mid ah wadadii uu hore u maray Madaxweynihii kalsoonida lagala noqday Cali Cabdulaahi Cosoble oo wareegtadii ugu horeysay ku magacaabay Cali Jeyte Cismaan xilkana uga qaaday Yuusuf Axmed Hagar 26kii bishii Oktoobar 2016,wareegtada ugu horeysa oo uu soo saaray Madaxweyne Waare ayaa noqotay magacaabista Cali Jeyte Cismaan.
Guddoomiyaha xil ka laga qaaday Cumar Aadan Ibraahim ayaa  si weyn ugu taageeray Cali Cabdulaahi Cosoble diidmadii uu diiday in xilka Madaxweyne laga qaaday, waxana uu Cumar Aadan taageeray maamul dhowaan loogaga dhawaaqay magaalada Beledweyne oo ahaa Dowlad goboleedka Hiiranland.
Dhawaan ayaa la filayaa in Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu Gaaro Magaalada Jowhar, halkaasi oo la filayo in  ay wada hadalo uga furmaan Wafdigiisa iyo Siyaasiyiinta uu hogaamiyo Cali Cabdulahi Cosoble.
The post Madaxweynaha Hirshabelle oo xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan appeared first on Shabelle.

Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay Wasiirka...

$
0
0

New York ( Sh. M. Network )-Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo, oo gaaray Dalka Mareykanka, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov iyo madax kale oo dowladaasi ka tirsan.
Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruusha Sergey Lavrov, ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dal ka dhaxeeya iyo sidii Dowladda Russia ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo qalabeyntooda.
Wafdiga labada dhinac ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah, iyadoo lagu balamay in la kordhiyo kulamada ay yeelanayaan masuuliyiinta labada dowladood, si loo adkeeyo xiriirka muddada dheer jira ee Soomaaliya iyo Ruushka ka dhaxeeya.Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 


Ducaale” Waxaa la dhisayaa 32,000 oo ah ciidamo...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Shirkani oo socon doono muddo seddex maalmood ah ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka furay Wasiirka Aminga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,kaasi oo u dhexeeya saraakiisha Booliska Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed.
Ujeedada shirkani wadatashiga ah ayaa la xiriirta qorshayaal ku aadan sidii loo dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah oo Boolis ah, kuwaasi oo isugu jira heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, si ay isaga kaashadaan sugida Ammaanka Dalka iyo in AMISOM ay kala wareegaan guud ahaan Ammaanka Dalka.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Abuukar Islow "Ducaale" ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA uga warramay u jeedka shirkaasi, isagoo sheegay in la dhisayo ciidamo boolis ah oo gaaraya 32 kun, kuwaasi oo AMISOM kala wareegi doona Amniga Dalka.
Xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in ay Dowladda Soomaaliya waqtiga u haray ku dhisto Ciidamo Xoogan oo buuxin kara Kaalinta Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya,
Ciidamada AMISOM oo ka socda Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya ayaa la filayaa dhawaan in ay Dalka isaga Baxaa,n iyadoo ay Dowladda Soomaaliya Raadineyso Qorshe lagu xoojiyo Amniga Goobaha ay ka baxayaan Ciidankaasi.
storvideo: 

Madaxweynaha Hirshabelle oo xil ka qaadis ku...

$
0
0

Jowhar ( Sh. M. Network )-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in Madaxweynaha dhawaan la doortay Maxamed Cabdi Waare uu xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim masuul cusubna u magacaabay halkaasi.
Xil ka qaadista guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ah talaabadii ugu horeysay ee Madaxweynaha, waxaana uu Xilkaasi u magacaabay guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu hore xilkan ugu magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, balse sagaal bilood kadib xilka ka qaaday.
Magacaabista Cali Jeyte ayaa noqonaysa mid la mid ah wadadii uu hore u maray Madaxweynihii kalsoonida lagala noqday Cali Cabdulaahi Cosoble oo wareegtadii ugu horeysay ku magacaabay Cali Jeyte Cismaan xilkana uga qaaday Yuusuf Axmed Hagar 26kii bishii Oktoobar 2016,wareegtada ugu horeysa oo uu soo saaray Madaxweyne Waare ayaa noqotay magacaabista Cali Jeyte Cismaan.
Guddoomiyaha xil ka laga qaaday Cumar Aadan Ibraahim ayaa si weyn ugu taageeray Cali Cabdulaahi Cosoble diidmadii uu diiday in xilka Madaxweyne laga qaaday, waxana uu Cumar Aadan taageeray maamul dhowaan loogaga dhawaaqay magaalada Beledweyne oo ahaa Dowlad goboleedka Hiiranland.
Dhawaan ayaa la filayaa in Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu Gaaro Magaalada Jowhar, halkaasi oo la filayo in ay wada hadalo uga furmaan Wafdigiisa iyo Siyaasiyiinta uu hogaamiyo Cali Cabdulahi Cosoble.
storvideo: 

Saran Soor “Waa in uu Is Casilaa Madaxweyne Shariif...

$
0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Aadan Maxamed Nuur Saran Soor oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Maamulka Koofur Galbeed oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu baal maray Xeer hoosaadka Maamulkaas.
Sidaas daraadeed ayuu Aadan Saran Soor ugu baaqay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu iska casilo Xilka Hoggaanka Maamulkaas maadaama qodobo ka hor imaanaya hanaanka hogaamineed ee maamulkaas uu ku kacay sida uu hadalka u dhigay.
Siyaasiga Aadan Saran Soor ayaa ka mid ah Siyaasiyiin iyo Aqoonyahanno ka soo jeeda Koofur Galbeed oo muddooyinkii dambe waday Ololo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulkaas.
Dhinacooda Ciidamada Ammaanka Maamulka Koofur Galbeed ayaa la amray in ay soo qab qabtaan Siyaasiyiin ka soo horjeeda Maamulka haddii ay kulamo ku yeeshaan Magaalada Baydhabo iyo deegaanada kale ee Maamulkaas hoostaga taas oo ay caburin ku tilmaameen Siyaasiyiinta ka soo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Olalahan ka dhanka ah Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay hor boodayaan Siyaasiyiin caan ah ayaa u muuqda kii ugu ballaarnaa abid ee ka dhan ah Hoggaanka Koofur Galbeed.
storvideo: 

“Waanu Baabiin Doonaa Waqooyiga Kuuriya , Irana Waa...

$
0
0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa digniin culus u jeediyay North Korea Khudbad uu ka jeediyey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay."Maraykanku waxa uu leeyahay xoog badan iyo sabir, laakiin haddii xulufadeenu ay halis galaan, Waanu Baabiin doona Baabiis Dhamaystiran North Korea," ayuu yidhi Trump.Trump ayaa sidoo kale weeraray Iran kuna sheegay "Kali-talisnimo musuq-maasuq" taas oo qasaysa Bariga Dhexe.
Waxaanu ugu baaqay xukuumadda Tehran in ay joojiso taageerada "argagixisada" waxaanu mar kale dhaleeceeyay heshiiskii ay gaadheen maamulkii madaxwaynihii hore ee Maraykanka Barack Obama oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran isaga oo ku sheegay wax laga khajilo.
Geesta kale wuxuu ku sheegay in xukuumadda Iran ay ku socotay "dhimasho iyo burbur", halka dadkuna ay rabaan isbedel.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Xulalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulan...

$
0
0

Wasiirka Wasaarrada dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka codsatay safaarradda Jabuuti ee Soomaaliya in xulka kubadda cagta Jabuuti ay ciyaar saaxiibtinimo ay ku ciyaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo la dheellayo dhiggooda Soomaaliya. "Guddiga Olombkada iyo xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, annagoo isku-duubban waxaan rabnaa xulka Qaranka Jabuuti inaan ku martigellino cayaar saaxiibtinimo oo ay la ciyaarayaan xulka kubadda cagta Soomaaliya." Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warkan ka sheegtay munaasabad ay kula wareeggeysay agab Isboorti oo ka yimid dowladda Jabuuti. Waxa ay intaa ku sii dartay: "Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carrab iyo walaalkeen Suleymaan Xasan Waberi guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti, iyaga ayaan ka rajeyneynaa inay qabsoonto ciyaartaasi." Dhanka kale safiirka Jabuuti u fadhiyo Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan ayaa ka jawaabay casuumaadda Wasaarradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha waxana uu yiri: "Waxaan sugeynaa dhawaan inay xulka Qaranka Jabuuti ay ku ciyaaraan Muqdisho ayna kula ciyaaraan walaalahooda Soomaaliya, sidaas ayaan rajeyneynaa." Arrintan ayaa noqon doonto mid u gogol xaarto in Soomaaliya ay gurigeeda ku ciyaarto halka markii hore ay ku dheelli jirtay dalka Jabuuti marka loo eego tartamada kubadda cagta ee is reeb reebka Qaaradda Afrika.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live