Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sharif: Toddobaatan ayaa qaraxa ku Dhintay

$
0
0

Madaxweynaha DKMG Sh. Shariif ayaa shir jaraaid oo ku qabtay Muqdisho wuxuu ku sheegay in qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho uu ahaa mid lagu bartilmaameedsaday dhismaha wakaaladdii Hargaha iyo Saamaha oo haatan ah xarun u ah wasaaraddo ay leedahay DKMG

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in qaraxan ay geysteen saddex nin oo watay baabuur nooca UD ah oo ay saarnaayeen fuustooyin iyo caagado ay ka buuxaan waxyaabaha qarka

Shariif wuxuu sheegay in inta la hubo 70 qof ay dhinteen ilaa 117 kalena ay ku dhaawacmeen. Madaxweynuhu wuxuu xusay in dadka ugu badan ee qaraxan ku dhintay ay yihiin arday ku guulaysatay imitixaan waxbarasho ah oo loogu dirayay dalka Turkey iyo waliba dad shacab ah.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in qaraxani uu yahay kii labaad ee bahda waxbarashada lala beegsado.


Sharif: Toddobaatan ayaa qaraxa ku Dhintay

$
0
0

Madaxweynaha DKMG Sh. Shariif ayaa shir jaraaid oo ku qabtay Muqdisho wuxuu ku sheegay in qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho uu ahaa mid lagu bartilmaameedsaday dhismaha wakaaladdii Hargaha iyo Saamaha oo haatan ah xarun u ah wasaaraddo ay leedahay DKMG
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in qaraxan ay geysteen saddex nin oo watay baabuur nooca UD ah oo ay saarnaayeen fuustooyin iyo caagado ay ka buuxaan waxyaabaha qarka
Shariif wuxuu sheegay in inta la hubo 70 qof ay dhinteen ilaa 117 kalena ay ku dhaawacmeen. Madaxweynuhu wuxuu xusay in dadka ugu badan ee qaraxan ku dhintay ay yihiin arday ku guulaysatay imitixaan waxbarasho ah oo loogu dirayay dalka Turkey iyo waliba dad shacab ah.
Sheekh Shariif wuxuu sheegay in qaraxani uu yahay kii labaad ee bahda waxbarashada lala beegsado.

Golaha wasiirada oo ka kulmay xasuuqii Ardada iyo shacabka lagu laayay.

$
0
0

Muqdisho-(GMN) Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan deg deg ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho iyagoo kaga hadlay falkii lagu beegsaday Xaruntii Harkaha iyo Saamaha ee KM4 halkaasoo fariisin u aheyd qaar ka mid ah Wasaaraddaha Xukuumada, gaar ahaana kuwii adeega Bulshada.
Shirkan oo ahaa aan caadi aheyn ayaa waxaa shir guddoominayay kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna wasiirka Ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif waxayna golaha Wasiiradu ugu horeyntii Tacsi tiiraanyo leh u direen ehelada dadkii ku geeriyooday Qaraxaas oo tiradoodu illaa iyo haatan la hayo 70 ruux oo dhimasho ah, kuwaasoo u badnaa Arday isu diyaarineysay inay waxbarasho Jaamacadeed u aadaan Dalka Turkiga, waxaana sidoo kalel dhaawac uu soo gaaray in ka badan 120 ruux.
Sidoo kale, Goluhu waxay cambaareyn dusha uga tureen kooxda Khawaarijta ee Al shabaab oo iyadu si cad u sheegatay falkan lagu laayay maatida Birimageydada ah ee aan waxba galabsan.
Ugu dambeyntiina goluhu waxa ay magacaabeen guddi qiimeynaya baaxada dhibaatada Qaraxu geystay iyo weliba dhaawacyada, si loogu raadiyo gurmad caafimaad oo deg deg ah, waxayna isla galabta booqdeen dhaawacyada ku jira Isbitaalada Banaadir iyo Madiino, waxayna sidoo kale kormeereen xaruntii Qaraxu ka dhacay
Gedoonlinenews@gmail.com

NInkii Kenyanka DKMG sheegtay inuu is qarxiyay oo noqday Arday saaka Nairobi ka yimid

$
0
0

Dowladda KMG ayaa ku fashilantay hadal ay ka dhawaajisay saacado kadib markii weeraro is qarxin ah lagu qaaday  Xarunta Hargaha iyo Saamaha oo ay degenaayeen Wasaarado ka tirsan Xukuumada, iyadoo Dowladda ku tilmaamtay in ruuxa fuliyay qaraxaas uu ahaa nin u dhashay Kenya. Taliyaha Hey’adda Dambi baarista CID Col. C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay inay [...]

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif oo ka hadlay qaraxii ismiidaaminta, si kululna u cambaareeyay

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay weerarkii waxashnimada ahaa ee lagu laayay dad fara badan oo rayid ah, kadib markii la isku qarxiyay Xaruntii Hargaha iyo saamaha oo ay degenaayeen qaar ka mid ah wasaaradaha bulshada waxtarka u haya. Shir jaraa’id oo uu caawa fiidkii ku qabtay Madaxweynaha Villa Soomaaliya ayaa waxaa uu ugu [...]

SRSG condemns suicide attack in Mogadishu

$
0
0

04 October 2011 – The UN Special Representative for Somalia, Dr. Augustine P. Mahiga, has expressed his strong condemnation of a vehicle-borne suicide bomb attack at a Transitional Federal Government complex in south Mogadishu which has left scores of people dead and many more wounded. [Press Release]

Gudoomiyihii Beledxaawo Uu U Geeriyooday Dhaawac

$
0
0

Beledxaawo(GMN)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in halkaasi lagu dhaawacay gudoomiyihii degmadaasi ee xiligii C/laahi Yuusuf Axmed
Axmed Max’ed Burkuus ayaa bartamaha Degmada Beledxaawo waxaa ku dhaawacay Kooxo hubeysan kuwaas oo markii dambe u baxday dhinac Degmada Mandheere ee waqooyi bari kenya.
Gudoomiya ayaa dhaawaciisa waxaa loo qaaday dhinaca Mandheera oo ugu danbeyn ugu geeriyooday dhaawaacii soo gaaray.
ilaa iyo hada lama oga sababaha ka danbeysa beegsiga Burkuus oo mar gudoomiye ka ahaa Degmada beledxaawo ee Gobolka Gedo.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com

Wasaarada Cadaaladda Oo Qalab Cod baahiyayaal Ah Ugu Deeqday Xabsiga Dhexe

$
0
0

Wasaaradda Cadaaladda, Garsoorka, Awqaafta iyo arimaha diinta ayaa maanta qalab ka kooban cod baahiyayaal ugu deeqday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka wasaaradda Cadaaladda, garsoorka, Awqaafta iyo arrimha diinta Axmed Xasan gaboobe “Ugaas Bile” ayaa maanta qalab ka koobnaa codbaahiyayaal ugu deeqay xabsiga dhexe ee Muqdisho, si wax loogu baro maxaabiista ku jirta Xabsigaasi.
Ugaas Bile ayaa qalabkaasi guddoonsiiyay taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta ahna ku simaha taliyaha S/guuto Ibraahim Axmed C/lle, wuxuuna wasiirku tilmaamay in qalabkaasi  uu ka koobanyahay Mikarafoonno, Ambalafaayar, Samaacado iyo Mixserto kuwaasi oo ay wasaaraddu ugu talagashay in wax lagu baro Maxaabiista ku xirxiran xabsiga dhexe maadaama ay yihiin maxaabiis aan dibada waxba ka baran Karin.
Taliye ku xigeenka ciidamanka Asluubta ahna ku simaha taliyaha xabsiga dhexe S/guuto Ibraahim Axmed C/lle oo qalabkaasi lagu wareejiyay ayaa wasaaradda uga mahadceliyay qalabkaasi ay ugu deeqday xabsiga dhexe wuxuuna intaa ku daray in qalabku uu ka mid ahaa adeegyada muhuumka ah ee ka maqnaa xabsiga dhexe, isagoo xusay in loogu faa’iideyn doono maxaabiista ku jirta xabsigaasi.
Ma aha markii ugu horreeysay ee xabsiga dhexe la gaarsiiyo deeq loogu talagalay Maxaabiista ku jirta xabsigaasi, dhawaan ayeey aheyd markii wasaaradda Caafimaadka ay xabsigaasi gaarsiisay deeq dawo ah oo loogu talagalay Maxaabiista ku jirta xabsigaasi.


Naftii Hurihii Qarax Geystay Oo Ka Hor Inta Isqarxin Hadlay

$
0
0

Muqdisho(GMN)-Bashiir C/llaahi Nuur oo ahaa ninkii isku halaagay qaraxii ka dhacay Wasaarada Hargaha iyo saamaha ee Magalada Muqdisho oo ka hor inta uusan isqarxin la hadlay idaacada ku hadasha afka shabaab ayaa sheegay in qaraxa uu fulin rabo shabaab ay ka faa’idi doonaan helida dukumiintiyo sir ah.
“Qaraxa aan fulinayo waxa aan kaga deysanayaa walalihii geytay qaraxyadii 11-kii september” ayuu yiri Bashiir oo ishalaagay
Mar Idaacada Shabaabka ay weydiisay hadii ay dhintaan arday iyo inkale ayuu sheegay in aradaydaasi ay wax barayaan sida uu sheegay naftii huraha dad gaala ah isla markaana aan waxba laga faa’idin.
Isagoo dardaaramaya ayaa idaacada shabaabka waxaa uu sheegay inuu u mahadcelinayo Saraakiisha Shabaabka ee ku dhiiragaliyey inuu isqarxiyto.
“Waxba uma arko hadii aan dhinto waayo waxa aan dilayaa wasiiro iyo ciidamo dowada ah” ayuu markale yiri bashiir oo ka muuqatay hadalkiisa inuu ku faraxsan yahay inuu ishalaago.
Si kastaba waxa aan marnaba daaha saarmeyd in dhibaato ba’an loo geyray aryaday soomaaliyeed kuwaas oo deeq waxbarsho ka helay Dowlada Dalka Turkiga
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com

BaaQ TAAGEERO DHALINYARADA BEESHA H/YONIS EE WADANKA MALTA OO TAAGEERAY Shirkii Beesha CiiSE EE KADHACAY DEEGAANKA DUBUR‏

$
0
0

HADAANU NAHAY DHALINYARADA BEESHA H/YONIS EE WADANKA MALTA WAXAANU  SI MUG YO MIISAANLE UTAAGERAYNA SHIRII BEESHA CIISE MUUSE EE KADHACAY DEEGANKA DUBUR EE  GOBOLKA SAAXIL SHARKAA OO BEESHU KAGA TASHANAYSAY TANTA GUUD E S/LAND YO TAN GAARKA AH EE REERKA WAXAANU KALO SODHAWAYNAA CIDKASTA OO DANAYNAYSA DANTA DALKA YO DADKA KANA DAMQANAYSA XAALADAHA QALAFSAN EE SOWAJAHAY DALKA Dadka BAAQA DIRAYA OO KALA AH
1 GUDOMIYAHA BEESHA H/YONIS EE WADANKA MALTA CUMAR AW CALI XUSEEN
2 SICIID MAXAMED YUUSUF
3 AXMED QANI HURUSE MAXAMED
4 MUSTAFE AXMED GAMADIID
5 MAXMED MAXAMUD XASAN /WALAY
6 AXMED SAADLE C/LAAHI
7 C/SAMAD CISMAAN NUUR  
8 C/QANI AXMED MUUSE
9  GARAAD IBRAAHIN NABADIID
10 MUSTAE MAHADI /TAFEENO
11 MAXAMED XASAN CADE  
WABILAAHI TAWAFIIQ  
 
mustafe axmed
mustafeaxmed74@hotmail.com
———————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla

Hillary Clinton: “Shabaab waxay laynayaan dadkii ay sheeganayeen inay ilaalinayaan”

$
0
0

Xogyaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Hillary Clinton ayaa cambaareysay weerarkii argagixisada ahaa ee ka dhanka ahaa rayidka Muqdisho, sida lagu sheegay wax saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in falkan fulaynimada ee argagixisada ah inuu mar kale muujinayo sida Al-Shabaab aysan wax dan ka lahayn nolosha bani’aadamka iyo mustaqbalka Soomaaliya.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay weli sii wadaan inay khatar geliyaan oo dilaan shaqaalaha gargaarka, isla markaana ay laayeen dadkii ay sheeganayeen inay ilaalinayaan.
War saxaafadeedku wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaab ay dhagaha ka fureysatay baaqyadii ka imanayay Jaamacadda Carabta, beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ee ahaa inay fasaxaan in gargaar la gaarsiiyo dadka baahan xilli caalamku uu haatan u soo jeestay abaarta iyo macluusha ka jirta Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Hillary Clinton waxay tacsi u dirtay qoysaska iyo asxaabta ee dadkii wax ku noqday weerarka, waxayna sheegtay in dowladda Mareykanka ay garab-taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee nabadda doonaya oo ay ka mid tahay Xukuumadda KMG ah.

Daawo sawirada Koox Dhalinyaro ah oo kasoo goostay meelshiyada Al Shabaab

$
0
0

Koox Dhalinyaro ah oo ka tirsaneyd Meleeshiyadda Alshabaab oo isu soo dhiibay Dowladda
 
 
 
Saddax kamid ah Kooxda Soo goosatay
mid kamid ah Dhalinyarda Soo goosatay
Wariye Afrika oo wareeysi ka qaadaya Dhalinyarada Soo goosatay
mid kamid ah Dhalinyarada kasoo goosatay maleeshiyada Alshabab
mid kamid ah maleeshiyada Al shabaab kasoo goosatay

HAMBALYO MEHERKA SHEEKH CABDI XAKIIN SICIID BARRE IYO KALTUUN SULDAAN MAXAMED XASSAN ISMAACIIL

$
0
0

        DHAMAAN DADKA MAGACYADOODU HOOS KU QORAN YIHIIN WAXAY HAMBALYO IYO BOGAADIN U DIRAYAAN MEHERKA U QABSOOMAY
SHEEKH CABDI XAKIIN SICIID BARRE
IYO
KALTUUN SULDAAN MAXAMED XASSAN ISMAACIIL.
 ISAGA OO MEHERKOODU KA DHACAY AMBAASADOR HOTEL EE MAGAALADA HARGEISA SHALAY TAARIIKHDU MARKAY AHAYD 04/10/2011.. ANNAGA OO UGU HAMBALYAYNAYNA DUCADII RASUULKA CALAYHIS SALAATU WASALAAM… BAARAKALLAHU LAKA WABAARAKA CALAYKA WAJAMACA BAYNAKUMAA BIKHAIR….
TAHNIYADAN WAXA DIRAYA DADKAN OO KALA JOOGA, UNITED KINDOM, NORWAY, CANADA, MALAYSIA, GERMANY
CALI CAWAALE CISMAAN
KHADAR YUUSUF KAAHIN
XASAN CISMAAN MUXUMED
DAAHIR SHEEKH MAXAMED IBRAAHIM ( JANNAGALE)
KHAALID  SHEEKH CISMAAN CALI
SHEEKH DAAHIR CABDILLAHI YUUSUF
CABDIRAXMAAN AADAN CALI (XADAANO)
SHEEKH MAXAMUUD BAARUUD (ABTIYO)
SAALAX MAHDI CALI
 
MARKALE WAXAANU LEENAHAY KU WAARA BASH BASH IYO BARWAAQO, CIMRI DHEER, CAMAL SAALIX AH IYO CAAFIMAAD QAB………..
 

He’yadda Nabad Sugidda Oo Soo Bandhigtay Dhallinyarro Ka Soo Goosatay Shabaab

$
0
0

Hay’adda nabad sugidda qaranka  ayaa maanta soo banadhigtay dhallinyaro ka tirsanaa kooxda shabaab oo isu soo dhiibay dowladda.
Kadib markii dowladda Soolmaaliya ay dhowr jeer oo hore ku celcelisay in dhallinyarada ay marin habaabiyeen maleeshiyaadka kooxda shabaab isaga soo baxaan kooxdaasi islamrkaana ay isu soo dhiibaan dowladda ayaa waxaa maanta Saxaafadda loogu soo bandhigay xarunta hay’adda nabad sugidda qaranka ilaa iyo 4 wiil oo dhallinyaro ah kuwaas oo ay horay u tashkiiliyeen maleeshiyaadka kooxda Shabaab.
Dhallinyaradan waxa ay da’dooda u dhaxeysaa 20-22 sano jir iyagoo saxaafadda u sheegay in dhibaatooyin badan ay la kulmeen mudadii ay la soo shaqeynayeen kooxda shabaab oo ay qaarkood goobjoog ka noqdeen iyadoo la gowracyo saaxiibadood kala tirsanaa kooxda shabaab
Magacyada wiilasha la soo bandhigay ayaa lagu kala magacaabaa ;- Axmed Cabdi , Maxamed Cabdi, Najiib Cabdi iyo Jamaal Xasan iyagoo ka soo qeyb qaatay dagaallo ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.
Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa dowladda ku soo biiray Boqollaal ka tirsaanaa horjoogeyaasha iyo dhallinyarada ay maskaxda ka qaldeen maleeshiyaadka Shabaab kuwaas oo u dulqaadan waayay gummaadka ay ku hayaan dadkooda maadaama afkaarta ay ku shaqeeyaan tahay mid ay soo abaabuleen ajaaniibta dambiileyaasha ah ee ku xiran Kooxda  Alqaacida.
 

DAAWO SAWIRRADA:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Maanta Kormeeray Goobtii Qaraxa Uu Shalay Ka Dhacay iyo Isbitaalada

$
0
0

Halkaan waxaan idinkugu soo gudbnineynaa Sawirrada Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo maanta kormeer howleed ku tagay goobtii shalay uu ka dhacay qaraxa ee xarunta Hargaha iyo Saamaha iyo isbitaalada Muqdisho ee ay jiifaan dhaawacyadii shalay masiibadaasi ku dhaawacmay.





















Al-Shabaab oo baahisay cod laga duubay wiilkii is qarxiyay

$
0
0

Kooxda Al-Shabab ayaa baahisay Cod laga duubay Wiilkii qaaday weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay gil gilay magaalada Muqdisho .
Cajalada codka ah ee saaka laga sii daayay Idacaada Codka Al-Shabaab ayaa waxa ay ku bilaabatay sidatan wiilka oo magaciisa ku sheegay Bashaar Cabdullahi Nuur .
Bashaar C/llaahi Nuur ayaan la shaacin codkiisa wallow ay sheegeen in ay soo wadaan filimkiisa, hadana waxaa la shaaciyey wareysi laga qaaday ka hor inta uusan fulin weerarkaasi oo loo adeegsaday sida la rumeysan yahay gaari nooca xamuulka qaada ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.
Weerarkan ayaa la rumeysan yahay inuu la fuliyay Bashaar nin kale oo aan weli magaciisa la shaacin kaasi oo la sheegay inuu gaariga qaraxa geystay wax ka waday.
Bashaar ayaa codkiisa ka muuqataa inuu yahay mid aad u da’a yar, asagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu fuliyo weerarkan oo uu sheegay inuu rajeenayo inuu noqdo mid Bilow u ah Guul ay helaan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo uu ka tirsanaa.
Waxaa uu sheegay inuusan eegeyn kumanaanka ama labaatanka qof ku dhintay, ha yeeshee uu kaliya doonayay in shahadaadadiisa alle ka aqbalo, waa sida uu aaminsan yahaye
Gabagabadii Waxaa uu sheegay Wiilkani haligay Umad gaareysa 100-ruux in falkan uu sameenayo la mid tahay tii ay sameeyeen kooxdii uu hogaaminayey Mohamed Cataa ee fuliyey weeraradii 11-kii September 2001 lagu qaaday dalkaasi Maraykanka.
 

Shariif: Dowladdu Tallaabo ayay Qaadaysaa

$
0
0

Madxweynaha DKMG ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalayk a dhacay Muqdisho oo ku jira cisbitaallada Madiina iyo Xalane.
Dhaawacyadan ayaa u badan dad aad u gub-gubtay. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaawacyada halista ah ay u qaadi doonaan dalalka dibedda si loogu daaweeyo.
Shariif Sh. Axmed oo shir jaraaid qabtay booqashada kaddib ayaa sheegay in dowladdiisu ay qaadi doonto tallaabo ay kaga saarayso Muqdisho kooxda al-Shabaab.
M/wenyaha ayaa sidoo kale sheegay in la sameeyay guddi dhaqaale u uruuriya dadkii dhaawacyadu ka soo gaadheen qaraxa. Dowladda ayaana lacag gaaraysa 100 kun oo dollar ku yaboohday akoon loogu talagalay dadkii dhaawacmay.

macalinka Real madrid J.Mourinho iyo kaaliyaha macalinka Barcelona oo la ganaaxay.

$
0
0

05 Oct 2011-  Kadib baaritaan dheer oo ay sameeyeen xiriirka Kubada cagta ISBaanishka ayaa ugu dambeyntii waxa ay ganaax kusoo rogeen macalinka Kooxda Real Madrid J.Mourinho oo loo haystay inuu isha farta Ka galiyay Kaaliyaha Macalinka kooxda Barcelona,
dhacdadaan oo dhacday Bartamihii Bishii August xili ay ciyaa kulul dhex maraysa 2da naadi ee cadaw ciayareedka ah ee real iyo Barcelona ayaa ugu dambeyntii waxaa macalin Mourinho la dul dhigay ganaax 2kulan ah , iyadoo kaaliyaha koxda Barca oo isaga ah ninka isha farta laga galiyay isna la saaray halkulan oo ganaax ah kagadaal markii uu dharbaaxyo aarsi u egayd ku dhiftay Mourinho.
Mourinho ayaa horay usheegay in arintaasi uu gaystay ayna ka mid ahayd ficilada sida lama filaanka ah u dhaca xiliyada qaar,
Mohamud hassan idaajaa
idaajaa4@gmail.com
idaajaa_11@hotmail.com

macalinka Real madrid J.Mourinho iyo kaaliyaha macalinka Barcelona oo la ganaaxay.

$
0
0

05 Oct 2011-  Kadib baaritaan dheer oo ay sameeyeen xiriirka Kubada cagta ISBaanishka ayaa ugu dambeyntii waxa ay ganaax kusoo rogeen macalinka Kooxda Real Madrid J.Mourinho oo loo haystay inuu isha farta Ka galiyay Kaaliyaha Macalinka kooxda Barcelona,
dhacdadaan oo dhacday Bartamihii Bishii August xili ay ciyaa kulul dhex maraysa 2da naadi ee cadaw ciayareedka ah ee real iyo Barcelona ayaa ugu dambeyntii waxaa macalin Mourinho la dul dhigay ganaax 2kulan ah , iyadoo kaaliyaha koxda Barca oo isaga ah ninka isha farta laga galiyay isna la saaray halkulan oo ganaax ah kagadaal markii uu dharbaaxyo aarsi u egayd ku dhiftay Mourinho.
Mourinho ayaa horay usheegay in arintaasi uu gaystay ayna ka mid ahayd ficilada sida lama filaanka ah u dhaca xiliyada qaar,
Mohamud hassan idaajaa
idaajaa4@gmail.com
idaajaa_11@hotmail.com

Somalia announces 3-day national mourning for suicide attack’s victims, as death toll rises

$
0
0

(Mogadishu, October 5, 2011) Somalia President Sharif Sheik Ahmed announced a three-day national mourning for the victims of the bloody truck bomb that left dozens of people dead and injured many more on Tuesday.   “The President announced three-day national mourning for the victims of the bloody terrorist attack that claimed the lives of innocent [...]

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live