Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sheekh Shariif: ”Go’aanka Dowladda ee Arrinta...

$
0
0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay go'aanka ay Dowlada Soomaaliya ka qaadatay arrimaha Khaliijka inuu yahay mid lagu deg-degay.
Qoraal uu soo dhigey Sheekh Shariif Sheekh Axmed Aaladaha ay bulshada ay kuwada xiriirto ayuu qoraalkiisa u qornaa:-
ASC WALAALAYAAL
"Go'aanka xukuumadda Soomaaliya ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka waxa uu iila muuqdaa mid lagu degdegay oo aan ka tarjumayn masaaliixda dalkeenna, waxaana shaki ku jirin in dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn oo aan la leenahay xiriir qoto dheer oo dhan siyaasadeed iyo mid ganacsiba leh aan loo burburin karin kaliya dowladda Qadar oo aan ognahay heerka ay ka taagan tahay taageerada dalkeenna". ayuu ku yiri qoraal uu soo qoray
Dhanka kale Dowlada Soomaaliya ayuu kula taliyay in ay go'aankaasi dib uga laabtaan islamarkasina ay wada tashiyo badan ka sameeyaan.
"Waxaan madaxda dowladda kula talinayaa iney dib u eegis ku sameeyaan go'aankooda, islamarkaana ay wadatashiyo kala yeeshaan Golayaasha qaranka iyo maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe ee dalka, ayna ilaaliyaan danaha istiraatiijiga ee aan la wadaagno dowladahaas."
Dowlada Soomaaliya ayaa go'aan dhex dhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya wadamada Khaliijka iyada oo ay madaxdii hore ee dalka soo maray dowlada ku cadaadinayaan in ay xiriirka u jaraan QadarPUNTLAND POST
The post Sheekh Shariif: "Go'aanka Dowladda ee Arrinta Khaliijka waa mid lagu deg-degay" appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


R/Wasaare Kheyre:-“Soomaliya Gabaad Kama Dhigan...

$
0
0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaaladda New York ee dalka mareykanka ayaa la kulmay Raisulwasaaraha dalka Ethopia Hailemariam Desalegn iyagoona kawada hadlay xiriirka labada dal.
Kheyre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaliya aysan u dulqaadan doonin in gudaha dalka ay ku sugnaadaan shaqsiyaad dhibaato ku ah jiritaanka dowladda ethopia, islamarkaana labada dhinac ay ku heshiiyeen in laga wada shaqeeyo nabadda labada dal.
"Waxaan u balan qaaday Raisulwasaaraha Ethopia Hailemariam Desalegn In Somaliya gabaad aysan u noqon doonin kooxaha Mucaaradka Ku ah Ethiopia"ayuu yiri Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre.
Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya oo lagu faahfaahiyay kulan dhexmaray labada mas'uul.
storvideo: 

Senator Sanders : Sacuudigu Kama Mid ah Xulufada...

$
0
0

Senator -ka Maraykanka ee Madaxbanaan, musharax hore ee doorashada madaxtinimada Maraykanka Bernie Sanders ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya aanay xulafo la ahayn Mareykanka waxaanu u tixgeliyey dal aan dimuqraadi ahayn taageero iyo dhaqaale-na siisa argagixisada dunida.Wareysi uu siiyay Intersport news, Sanders ayaa ku eedeeyay Riyadh kuna sheegay in ay tahay mid aan dimuqraadi ahayn maalgalisana dugsiyada Diinta ee lagu Faafiyo Wahaabiyada Xagjirka ah ee kicisa nacaybka iyo karaahiyada."sida uu hadalka u dhigaySanders ayaa ugu yeedhay dib u eegis in lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka xagga Iran iyo Saudi Arabia labadaba.
Waxa uu sheegay in uu walaac siyaasadeed ka qabo arrimaha dibadda Iran laakiin uu doonayo in hab cadaalad ah oo ka Maraykan-ka ku waajahaan colaadda Saudi iyo Iran.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Puntland oo saaka qabatay doon sida saanad hub ah

$
0
0

Ciidamada PMPF Puntland ayaa saaka gacanta ku dhigay dooni hub ka dejinaysa xeebta deegaanka Shimbiraale oo ku yaala buuraha Calmadow ee Gobolka Bari.
Sarkaal ka tirsan ciidanka PMPF oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa xaqiijiyay qabashada dooni wadey saanad hub ah oo isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa culculus.
Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa ku rajo weyn saacadaha soo socda soo gudbinta sawirada doonta hubka oo ciidan Mariiniska Puntland saaka ku qabteen xeebta deegaanka Shimbiraale.PUNTLAND POST
The post Puntland oo saaka qabatay doon sida saanad hub ah appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo Baarlamaanka hortagaya

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Saddex wasiir oo ka tirsan xukuumadda ayaa lugu wadaa inay hortagaan Baarlamaanka si ay ugu akhriyaan hindise sharciyeedyo la doonayo inay ansixiyaan marka ay dood ka yeeshaan kaddib.
Wasiirrada Baarlamaanka hortagaya waxaa ay kala yihiin, wasiirka caafimadka, Cadaaladda iyo warfaafinta.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumada Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doonto Hindise sharciyeedka Caafimaadka Dalka
Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaaladda ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doono Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq Maasuqa.
Gagabgabadii, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa xildhibaanada ka hor jeedin doono wax ka badal lagu sameeyay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya.
___
RBC Radio

storvideo: 

Macon: UK waa inay arrimaha kala caddeysaa

$
0
0

Dowladda UK waa inay soo bandhigtaa qeexid cad oo dheeraad ah oo ku aaddan halka ay ka taagan tahay ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, waxaa sidaas yiri Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron.

Shirkii madasha wasaaradaha dastuurka ee dowladda...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada ayaa shalay Muqdisho ku soo gabagaboobay kadib labo cisho oo uu socday.
La-taliyaha Arrimaha Warfaafinta, Xiriirka, iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa Saxaafadda u aqriyay War-murtiyeedka hoos ku qoran:-WAR-MURTIYEED
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), waxay qabatay kulankii labaad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Darstuurka ee Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaasoo lagu qabtay magaalada Muqdisho 21-22kii Sabtembar 2017.
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.
UJEEDOOYINKA KULANKA LABAAD EE MADASHA:
1. Isbarashada, soo dhaweynta iyo xog is dhaafsiga Wasiirada cusub ee Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
2. Sidii Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada looga taageeri lahaa howlaha culus ee loo igmaday lana xiriira Dastuurka gaar ahaan arrimaha waxbarashada madaniga iyo wacyi gelinta dadweynaha.
3. In si wada jir ah loogu diyaargaroobo Shirweynaha Qaran ee daahfurka ololaha Dib-u-Eegista dastuurka kaasoo dhici doona 8-10ka Oktoobar 2017.
MADASHA WAXAA KA SOO BAXAY QODOBADA HOOS KU XUSAN:
1) Madashu waxay soo dhawaysay una hambalyaysay Wasiirada cusub ee Arrimaha Dastuurka Dawlad Goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
2) Madashu waxay ammaan u soo jeedisay daahfurnaanta ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS ku hogaaminayso hannaaka Dib-u-Eegista Dastuurka.
3) Madashu waxay aad u bogaadisay dhismaha Madashaniyo kulamada wadatashiga joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dastuuka XFS ay la yeelanayso Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
4) Madashu waxay taageertay natiijadii ka soo baxday kulankii lagu diyaariyay Qabyo-Qoraalka Istaraatijiyada Waxbarshada Madiniga, Waci-gelinta bulshada iyo Latashiyada Dadweynaha ee lagu qabtay Magaalada Muqdishu 7-10kii Agoosto 2017, kasoo ay ka soo qayb galeen Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir, Xubno ka tirsan bulshada rayidka qaybaheeda kala duwan iyo xeeldheerayaal dhanka arrimaha waxbarashada madaniga iyo wacyi-gelinta bulshada.
5) Madasha waxaa ka go'an daadejinta wacyigelinta bulshada iyo waxbarashada madaniga illaa heer gobol, degmo iyo tuulo,iyadoo kaalin lixaad leh ay ka ciyaarayaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyagoo kaashanaya bulshada qaybaheeda kala duwan.
6) Madashu waxay hoosta ka xariiqday in la isku tashado islamarkaana loo hawlgalo sidii loo heli lahaa dhaqaale lagu dardargelinayo waxbarashada madaniga, wacyi-gelinta bulshada iyo latashiyada dadwaynaha, si loo dhamaystiro Dib-u-Eegista Dastuurka.
7) Madashu waxay isla garatay in kulanka saddexaad ee madasha lagu qabto Dowlad Goboleedka Puntland.
8) Madashu waxay soo dhaweysay shirweynaha qaran ee daahfurka Ololaha Dib-u-Eegista Dastuurka oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho 8 - 10 Oktoobar 2017 kaasoo uu furidoono Ra'iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, soona xiri doona Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo.
9) Madashu waxa ay ku baaqaysaa in hay'adaha ku shaqada leh Dib-u-Eegista Dastuurka ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan.
10) Madashu waxay soo dhaweysay ayna bogaadisay taageerada dhaqaale ee Maamulka Gobolka Banaadir uu kaga qayb qaadanayo shirweynaha qaran ee daahfurka ololaha Dib-u-Eegista Dastuurka.
11) Wasaaradda Arrimaha Dastuurku XFS waxay mar kale ballanqaaday in ay ka shaqeyneyso sidii loo taageeri lahaa Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyadaiyo Maamulka Gobolka Banaadir si ay howlahooda u gutaan.
12) Madashu waxay si weyn u bogaadinaysaa doorka madaxda sare ee qaranka iyo sida ay uga go'antahay dib-u-Eegista iyo dhameystirka dastuurka waxayna ka codsanaysaa in ay sii laba laabaan dadaalkooda ku aadan Hannaanka Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.
13) Madashu waxay u mahad celinaysaa beesha caalamka taageeradooda ku aadan hanaanka Dib-u-Eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa.

storvideo: 

Xildhibaan Dalxa oo Sheegay in Safaarada Imaaraadka...

$
0
0

Sidoo kale xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in Safaarada Imaaraadka ay ku leedahay Magalada muqdisho ay qeyb ka tahay dibin daabyada lagu wado dowladda soomaliya isla markaana ay faragelin ku heyso arrimaha soomaaliya ayna heshiisyo la galeyso Madaxda Maamul goboleedyada.
Waxa uu sheegay in weli Baarlamaanka Soomaaliya uusan ka hadlin mowqifka ay dowladda Federaalka ka qaadatay arrimaha Wadamada Khaliijka.
storvideo: 


Senator McCain oo ka soo horjeestay in la laalo...

$
0
0

Adeegga Caafimaadka ayaa saameynaya shan meelood oo meel dhaqaalaha Mareykanka
Iskudaygii ugu dambeeyay ee ay Jamhuuriyiinta Mareykanka ku doonayaan inay meesha uga saaraan qodobka Adeegga Caafimaadka ee Madaxweyne Obama ayaa u muuqanaya inuu guuldaraysan doono.
Arrintan ayaa timid kaddib markii Senatorka Jamhuuriga ee caanka ah, John McCain, uu sheegay in uusan saaxiibadii Jamhuuriyiinta ku taageeri karin dadaalkan ugu dambeeyay ee lagu laalayo qodob sharciyeedka Obamacare.
Senator-kan laga soo doorto gobolka Arizona oo haatan laga dabiibayo kansarka ku dhaca maskaxda ayaa sheegay in "uusan niyad sami" ugu codeyn karin qorshahan cusub, kaas oo uu baritaarayo Madaxweyne Donald Trump.
Mr McCain ayaa sheegay in ay khalad tahay in la meel mariyo sharci sidaa u durugsan iyadoon Dimuqraadiyiintu aanay ka qeyb qaadan.
Waa markii labaad oo uu arrintan ku khilaafo hoggaanka xisbigiisa.
Madaxweyne Trump oo xilli dambe oo Jimcihii ah ka hadlayay gobolka Alabama, ayaa cambaareeyay Jamhuuriyiinta aanay taageerin qodob sharciyeedka cusub, waxa uuna yiri: "Ma ay laha geesinimada ay ugu codayn lahaayeen."
Jamhuuriyiinta ayaa u baahan inay helaan 50 cod oo ka mid ah 100 kursi ee ay 52 ku leeyihiin.
Haddaba maadaama ay Dimuqraadiyiintu ku midaysan yihiin mucaaraddada qodob sharciyeedkaas ayuusan Xisbiga Jamhuuriga u furnayn inuu cod iska lumiyo.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Macon: UK waa inay arrimaha kala caddeysaa

$
0
0

Dowladda UK waa inay soo bandhigtaa qeexid cad oo dheeraad ah oo ku aaddan halka ay ka taagan tahay ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, waxaa sidaas yiri Madaxweynaha Faransiiska.
Emmanuel Macron ayaa sheegay in arrimaha muwaadiniinta Midowga Yurub, qodob sharciyeedka kala baxa iyo su'aasha ka taagan xuduudda Ireland ay qasab tahay in la isla meeldhigo ka hor inta aanan la qaban wadahadallada ganacsiga.
Jimcihii, Ra'iisul Wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa hadal ay jeedisay waxa ay kaga hadashay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin muddada labada sanno ah ee xilliga kala guurka kaddib bixitaankii Britain ee Midowga Yurub, iyo qarashka ay UK siinayso Midowga Yurub ee waxyaabihii horay loogu heshiiyay.
Waxa ay rajaynaysaa in hadalka ay ka jeedisay Talyaaniga iyo waxyaabaha ay soo jeedisay ay wadada u xaari doonaan inay bilowdaan wadahadallada Britain ay uga baxayso Midowga Yurub.
Jawaabtii ugu horraysay ee uu khudbadda Theresa May ka bixiyay hogaamiye Midowga Yurub ka tirsan ayuu Mr Macon ku soo dhaweeyay waxyaabaha ay soo bandhigtay, hasayeeshee waxa uu sheegay in meesha ay Britain ka taagan tahay arrintan weli loo baahan yahay in la sii qiixo.
Dhanka kale xubno caan ah oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay khudbaddii Ra'iisul Wasaaraha Britain, Theresa May, taas oo ay ku doonaysay inay ku soo afjarto ismariwaaga ka taagan wadahadallada ay Britain uga baxayso Midowgaasi.
Hasayeeshee waxa ay dalbadeen inay faafaahin dheeraad ah ka bixiso ballanqaadkeeda ku aaddan qeybta arrintan looga qorsheeyay miisaaniyadda UK iyo damaanadda la siinayo muwaadiniinta Midowga Yurub ee ku nool Britain.
storvideo: 

Ogaysiis sixid magac degaan oo Taariikhiya

$
0
0

23rd September 2017 admin Category :
Umadda Soomaaliyeed ee wax qorta, Maamulka Puntland iyo dhamaan Bulshada degaanada Maakhir waxaan ogaysiinaynaa in magaca degaanka uu ku aasan yahay Allaha u naxariistee Sheekh Daarood uuna ahayn sida loo qoro, marka wax laga qorAayo degaankaas
Degaanka uu ku aasan ayahay Allah u naxariistee Sheekh Daarood ee ku yaal gobolka Sanaag ee hoos tagta degmada Badhan, ayaa in badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed iyo Qorayaal caalami ah, marka ay wax ka qorayaan, waxay degaankaas magaciisa ku sheegaan Highland.
Baaritaan badan oo aan samaynay magaca degaanka uu ku aasan yahay Skeekh Daarood waa HAYLAAN ee maaha Haghland ama Haylaand.
storvideo: 

DHAGEYSO Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle

Xawaare gaaraya 140 km oo lagu marayo jidka Ceel daahir

$
0
0

23rd September 2017 admin Category :
Daawo khatarTa u baahan in wacyi gelin laga sameeyo iyo ganaax lacageed oo lagu daro qaaraanka jidka Ceel daahir iyo Ceerigaabo, in aan jid aan laami la sarin 140km gaari lagu wado waxay khatar ku tahay dadka gaarigaa saaran, dadka kale oo jidka maraya iyo iyo Xoolagha iyo Ugaarta
storvideo: 

NUSOJ oo 35 wariye u qabatay dood ku saabsan...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Tababar ku saabsanaa xoriyadda hadalka, sharciga saxaafadda ee Dowladda Somalia wado iyo nuuca ciqaabta markii uu wariyuhu gaf ku kaco ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Muqdisho, tababarkaan waxaa soo qaban qaabiyay ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee (NUSOJ) garabka Cumar Faaruuq waxaana ka qeyb galay 35 wariye oo ka kala socday qeybaha warbaahinta ee Muqdisho iyo kuwa gobaladda dalka.
Saxafiyiintu waxay heleen kadibna ay aad u faaqideen qoraalka sharciga saxaafadda ee ay dhowaan ansixiyeen golaha wasiirrada Somalia , waxaa ay ka qeyb galayaashu sheegeen inuu xeerkani yahay mid xadidaya xoriyadda hadalka sidoo kalana wata ciqaabta dambiga ee xeerka ciqaabta Somaliyeed, sidoo kale waxaa ay sheegeen inuu yahay mid aan ixtiraameynin afkaarta dadweynaha.
Ujeedadda mashruucan ay u qabatay NUSOJ oo taageero ka heleysa (IFJ) ayaa lagu sheegay iney tahay in nidaamka dimuqraadiga ah ee Somalia gacan laga siiyo xeer-saxafadeed hufan kaasoo loo marayo wanaajinta fahamka saxafiyiinta ee xorriyadda hadalka iyo in sidoo kale ay saxafiyiintu ogaadaan halista uga imaan karta xeerka ay golaha wasiiraddu meel mariyeen gaar ahaan qodobka ciqaabta oo la rabo in wariyaal badan kiisas lagu oogo kadibna qodobkaas loo cuskaddo.
"Waa ognahay siyaasiyiinta doonaya iney xeerkaan uga faa'iideystaan sidii loo yareyn lahaa saxaafadda madaxbanaan ayuu yiri Cabdi Aadan Guuleed oo ah siihayaha xilka madaxtinimada golaha sare ee NUSOJ.
"Qodobka sharciga jariimooyinka ee ku jira xeerka saxaafadda ee dhowaan wasiiraddu ansixiyen waa mid aan ka turjumeynin madaxbanaanida saxaafada iyo xoriyadda hadaalka, waxaa la doonaya in la aamusiyo saxaafadda madaxabanaan ee Somalia taasna ma qaadan karno waxaana ku daadaaleyna in la badalo qodobkaas ayuu yiri Cumar Faaruq Cusmaan, xoghayaha Guud ee NUSOJ.
Madaxdda NUSOJ iyo wariyaashii ka qeyb galay kulanka ayaa isku raacay iney dib u cusbooneysiyaan doodda ku saabsan in qodobka ciqaabta ee xeerka saxaafadda lagu laabto kaas oo laga soo xaday xeerka ciqaabta dalka.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wakiilka Midowga...

$
0
0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdiho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminyo Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidanka AMISOM General Cisman Noor Subagle. Mas'uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta caasimadda iyo kordhinta Howlgalada amniga lagu sugayo ee ka socda magaalda Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleyn sidii Ciidamada AMISOM oga bixi lahaayeen goroonka Kubadda Cagta ee Mogadishu Stadium, halkaas oo mudo fariisamo u aheyd Ciidanka AMISOM.
storvideo: 


Madaxweynaha Jubbaland oo dad u badan dhallinyaro...

$
0
0


Doolow (RBC Radio) Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa galabta qaar kamid ah Dhalinyarada Degmada Doolow ee Gobolka Gedo kula casariyeeyay mid kamid ah goobaha lagu shaaho ee bartamaha Degmada Doolow.
Dhalinyaradan ayuu Madaxweynahu kala sheekaystay xaalada uu dalku marayo iyo aragtidooda la xiriirta sidii Jubbaland ay shacabka iyo maamulka oo midaysan horay ugu sii wadi lahayd hawlaha horyaala gaar ahaan nabadgalyada iyo maamulka suuban.
Dhalinyaradan ayaa Madaxweynaha u soo gudbiyay aragtiyada ay ka qabaan sida hawlaha Gobolka iyo guud ahaan Jubbaland ay u socdaan iyo waxyaabaha ay talo ahaan usoo jeedinayaan maamulka.
Waxyaabaha dhalinyaradu ay Madaxweynaha wax ka weydiiyeen waxaa kamid ahaa sida uu u arko in la abuuro hanan ay dhalinyaradu kaga qayb qaadan karaan Siyaasada iyo xukunka, iyadoo Madaxweynahu uu sheegay in ay ka go'an tahay sidii hogaanka ay dhalinyaradu matalaad buuxda ugu yeelan lahayd waxaana uu sheegay in wax badan mudadii lasoo dhaafay uu ka qabtay muujinta doorka dhalinyarada ee Siyaasada isla markana Hay'adaha Dowlada inta ugu badan ay hormuud u yihiin dhalinyaro waxbaratay oo Aqoon yahano ah.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa dhalinyarada ka dhagaystay dhamaan figradahii ay qabeen isagoo balan qaaday in aragti uruurin guud uu ka samaynayo Jubbaland oo dhan taas oo wixii macquul ah oo dalka u dan ah ay siday tahay u qaadan doonan isla markana lagu dari doono qorshayaasha Dowlada.
Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu dhalinyarada ku booriyay in ay u diyaar garoobaan oo doorkooda ay ka qaataan dib u dhiska wadanka oo ay tahay masuuliyad qof walba saran.
Madaxweynahu wuxuu sheegay in wax walba oo dalkan ka xumaada qolo walba ay qaby ku leedahay balse Mustaqbalku uu yahay mid wanaagsan marka dhalinyarada ay ka go'an tahay hormarinta dalkooda.

storvideo: 

Sawirro: Puntland oo soo bandhigtay Hubka sharci...

$
0
0

Boosaaso (- Online)-Ciidamadda badda Puntland ee PMPF ayaa magaaladda Bosaso ku soo bandhigay qayb ka mid ah hub si sharci darro ah la doonayay in lagu soo galiyay Puntland.
Hubkan ayaa saarnaa laash nooca shabaxa ah, waxaana laga dejinayay xili dambe oo xalay ah xeebta magaaladda Bosaso.
Hubka saarnaa doontan ayaa isugu jiray qoryaha dhashiikaha ,AK7 -ka , Qoryaha BKM-ka rasaas iyo qaybo kamid ah hubka noocyadiisa fudud,waxaana laga soo qabtay deegaanka Marooro oo qiyaastii 9km u jirta magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Gaashaanle Maxamed Maxamuud oo kamid ah saraakiisha ciidamada badda Puntland, ayaa sheegay in qayb kamid hubka hadda gacanta lagu hayo laga soo qabtay biriga , xili la doonayay in gudaha loo soo galiyo Puntland ,mana uusan sheegin cidda uu sida gaarka ahi hubkani ugu socday.

storvideo: 

Hub lagu dili lahaa reer Puntland o la qabtay

$
0
0

23rd September 2017 admin Category :
Ciidamada amaanka ee Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa waxay maanta Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland ay kusoo bandhigeen Doon la sheegay inay ka timid dhankaa iyo Yemen.
Doontaan oo ay soo bandhigeen Ciidanka Xeebta ee Puntland ayaa saarnaa sida la muuqatay Sawiro laga soo qaaday Hub la sheegay inay ahaayeen kuwa si sharci daro ah ku yimid deeganada Puntland.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa waxay usheegay in haatan ay wadaa Baaritaan ay ku sameynayaan Doontaan iyo halka laga lee yahay, waxayna sheegeen inay dib kasoo gudbin doonaa, wax kasoo baxa Baaritaankooda.
[embedded content]
storvideo: 

Sacuudiga oo ka hadlay arinta Muslimiinta Rohingya

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

sagoo ka hadlayay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York oo uu ka socdo shirka golaha guud, ayuu wasiirka arimaha dibadda dalka Sacuudi Carabiya Caadil Aljubeyr, waxaa uu cambaareeyay siyaasada dowladda Myanmar ee caburineysa dadka Muslimiinta tirada yar ee Rohingya.
"Wadankeygu waxaa uu aad ugu walacsan yahay isla markaana cambaareynayaa siyaasadda caburinta ah ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya ee ay wado dowladda Myanmar," ayuu yiri wasiirku.
Kumanaan qof oo kamid ah dadka Muslimiinta Rohingya ee wadanka Myanmar ayaa guriyahooda ay ka soo saareen ciidanka dalkaas, iyadoo dadka aad u badan oo qowmiyadaas kamid ah la laayay.
Xukuumadda Bangladesh iyo hey'addaha gargaarka ayaa la daalaa dhacaya caawinta in ka badan 422,000 oo qof oo ah Muslimiinta Rohingya kuwaas oo dalkaas gaaray tan iyo Aug. 25, markii ay bilowdeen weerarada ka dhanka ah dadkan.
Qaramada Midoobay, ayaa aaminsan in weerarada dadka Muslimiinta Rohingya lala beegsanayo ay yihiin kuwo isir sifeyn ah, sida uu dhowaan sheegay xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Antonio Gutteres.
Dalalka caalamka Islaamka uu boqortooyada Sacuudiga hormuud ka tahay ayaa lagu dhaleeceeyay sida ay uga gaabiyeen in ay ka hadlaan dhibaatada iyo xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Rohingya.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWasiirka Warfaafinta oo Golaha Shacabka Hor geeyey Wax Ka Bedelka Xeerka Saxaafada si ay ansixiyaan

storvideo: 

Diyaaradii Ugu Horeysay Ee Rakaab Sida Oo Caawa 27...

$
0
0

Mudo 27 sano ah kadib markii ugu horeysay waxaa caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaaradii ugu horeysay ee sida rakaab kadib markii ay dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya shaacisay in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xiliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha Aadan Cade. Diyaaradan oo ah diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkada diyaaradaha Juba Airways waxa ay sidaa dad ka badan boqol ruux kuwaasi oo u badan xujey waxaana diyaaradan ay abaare 08:10 ka hor shan daqiiqo kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho. Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaa hada ku sugan mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saxafiyin tira badan waxaana tani ay ka dhigan tahay in uu si rasmi ah xiliga habeenkii ah u shaqeynayo garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdsiho maadaama diyaaradii ugu horeysay ee rakaab ah ay caawa kasoo degtay.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live