Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo...

$
0
0

Shilkan gari oo ka dhacay aroornimadii saaka ka dhacay Isgoyska Nasiib Buundo ee Degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa ka dhashey khaaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ilaa 3 qof ayaa ku geeriyootay tiro badan oo gaariga la socotayna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaarey kadib markii uu rogmaday gaari nuuciisu ahaa Yuudhii oo ay saarnaayeen Shaqaalaha muruq malka ah ee ka shaqeeysa caasimadda Muqdisho.. Qaar kamid ah dadkii shilkaasi ka bad baaday ayaa shegay in ay arkayeen meydadka ilaa 3 qof iyo dad ka badan 20 qof oo siyaabooyin kaladuwan u dhaawacmay. Wadihii gaariga ayaa la sheegay in uu waayay Bareegii garigaasi, taasi oo keentay in uu rogmado,wuxuuna ahaa gaari inta badan dadka muruq maalka ah soo qaadi jirey. Dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalada magaaalada Muqdisho,si loo daweeyo,iyadoo dadka inta badan uu soo gaarey dhaawac fudud,halka qaarna ay ka bad baadeen gaarigasi.
storvideo: 


Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Xoghayaha guud...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Xogahaya guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, waxayna kala wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.
Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyey Antonio Guterres, sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey xarunta Qaramada Midowbey, sidoo kale wuxuu ka warbixiyey guulihii ay Dawladda Soomaaliya gaartay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulanka intii uu socday ayuu Ra'iisul Wasaare Khayre ka hadlay arrimo la xiriira nabad gelyada iyo siyaasadda qaranka, isla markaana waxuu ka codsaday Qaramada Midoobey in taageero buuxda la siiyo si ay uga hortagaan khatarta ururada argagixisada sida Al-Shabaab.
Antonio Guterres ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto dawladda Soomaaliya. Isagoo boggaadiyey guulo la taaban karo ee ay ku gaartay waqtiga kooban.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleShil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo Muqdisho ka dhacay

storvideo: 

Madaxweynaha Uganda Oo Sheegay Inaysan AMISOM...

$
0
0

Madaxweyne Yoweeri Museveni ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulankii Hoggaamiyayaasha Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia dhawaan ku yeesheen Xarunta QM ee magaalladda New York.
Waxa uu tilmaamay inaysan dalalka ku yaboohay Ciiddanka Nabad-ilaalinta AMISOM ahayn shaqaale u shaqeeya QM, balse ay isku bahaysteen, si ay u qabtaan Adeegga PAN-AFRICANISM.
"Kani waa Mashruuc PAN-AFRICANISM, mana nihin shaqaalaha QM ama Somalia" ayuu yiri Yoweeri Museveni.
Waxa uu intaasi ku daray in doorka Ciiddanka AMISOM tahay mid u sabab ah qorsha PAN-AFRICANISM si deganaansho loogu soo dabaalo Somalia.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda waxa uu kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres, wuxuuna Warbixin ka siiyey xaalladda Siyaasadda iyo Ammaanka ee dalalka Somalia, South Sudan, Burundi iyo guud ahaan Gobalka.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Gudoomiyha G/ Banaadir oo sheegay in MISOM ay Ka...

$
0
0

Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Taliska Midowga Afrika AMISOM iyo Dowladda Hoose ee Xamar ay ku heshiiyeen in Guddi loo magacaabo Soo wareejinta Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium.
Gudoomiye Taabid ayaa ku amaanay Ciidamada Midowga Afrika AMISOM Sida ay u xafideen garoonka Muqdisho Stadium oo saldhig ay ka dhigteen muddo sanado ka hor kadib markii ay dagaalo ka dhaceen Magaaladda muqdisho.
"Waxay ku heshiiyeen AMISOM iyo Dowladda Hoose ee Xamar in guddi loo xil saaro si loo wareejiyo garoonka Kubada Cagta muqdisho Stadium,AMISOM gaar ahaan Ciidamada Booliska waan kaga mahadcelinaynaa sida wanaagsan ay u xafideen dhismaha Garoonka, Wasaaraddda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Xukuumadda Soomaliya ayaan kala kaashan doonaa sidii loo dadajinta lahaa dib u dayactirka Garoonka oo burbur xoogan uu ka muuqdo", ayuu yiri gudoomiye taabid.
storvideo: 

(Sawiro) Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay...

$
0
0

24,September 2017--Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Xogahaya guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, waxayna kala wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.
Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyey Antonio Guterres, sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey xarunta Qaramada Midowbey, sidoo kale wuxuu ka warbixiyey guulihii ay Dawladda Soomaaliya gaartay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulanka intii uu socday ayuu Ra'iisul Wasaare Khayre ka hadlay arrimo la xiriira nabad gelyada iyo siyaasadda qaranka, isla markaana waxuu ka codsaday Qaramada Midoobey in taageero buuxda la siiyo si ay uga hortagaan khatarta ururada argagixisada sida Al-Shabaab.
Antonio Guterres ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto dawladda Soomaaliya. Isagoo boggaadiyey guulo la taaban karo ee ay ku gaartay waqtiga kooban.--DHAMMAAD--- Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Muqdisho, Somalia media@opm.gov.soahmednur@opm.gov.soTwitter: @SomaliPM
storvideo: 

Maamulka Puntland oo Safiir u magacowday Dalka...

$
0
0

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dowladda Itoobiya u magacaabay Safiir cusub,kasoo maamulka Puntland u qaabilsanaan doona Itoobiya.
Safiirka cusub ayaa lagu magacaabaa Sureer Abshir Muuse.
Waxaa uu xusid in dowladda Soomaaliya ayaa Safiir ku leedahay dalka Itoobiya.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Dhageyso:-Faah faahinno ka soo baxaya Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Shilkan oo khasaaro xoogan geystay ayaa saakay aroortii waxa uu ka dhacay Isgooska Nasiib Buunde degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, kadib markii uu rogmaday gaari weyn oo ay saarnaayeen dad shacab ah.
Ugu yaraan 3 qof ayaa ku Geeriyootay shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 30 kale, sida uu xaqiijiyay Xuseen Maxamed Xuseen oo ah Wariye Madax banaan oo xilligaasi goobta ku sugnaa.
Waxaana uu sheegay in shilku u ahaa mid culus, dad badana waxyeelo ay ka soo gaartay, kuwaas oo loola cararay isbitaalada Muqdisho, si halkaasi loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.
Wariyaha oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyay in dadka gaariga saarnaa ay ahaayeen shaqaalo dhismo oo ka shaqeynayay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana laga deyrinayaa xaalada caafimaad ee dadkaasi oo qaarkood dhaawacyo halis ah ay ka soo gaareen shilkaasi.
Ma’ahan markii ugu horeysay oo shil khasaaro geystay ka dhoco Muqdisho, waxaana loo sababeeyaa shilka gaari darawalada oo inta badan si xawli ah ku kaxeeeya gadiidka xilliyada ay marayaan wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/09/XUSKA.mp3
The post Dhageyso:-Faah faahinno ka soo baxaya Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle.

Dhageyso:-Faah faahinno ka soo baxaya Shil khasaaro...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Shilkan oo khasaaro xoogan geystay ayaa saakay aroortii waxa uu ka dhacay Isgooska Nasiib Buunde degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, kadib markii uu rogmaday gaari weyn oo ay saarnaayeen dad shacab ah.
Ugu yaraan 3 qof ayaa ku Geeriyootay shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 30 kale, sida uu xaqiijiyay Xuseen Maxamed Xuseen oo ah Wariye Madax banaan oo xilligaasi goobta ku sugnaa.
Waxaana uu sheegay in shilku u ahaa mid culus, dad badana waxyeelo ay ka soo gaartay, kuwaas oo loola cararray isbitaalada Muqdisho, si halkaasi loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.
Wariyaha oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyay in dadka gaariga saarnaa ay ahaayeen shaqaalo dhismo oo ka shaqeynayay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana laga deyrinayaa xaalada caafimaad ee dadkaasi oo qaarkood dhaawacyo halis ah ay ka soo gaareen shilkaasi.
Ma'ahan markii ugu horeysay oo shil khasaaro geystay ka dhoco Muqdisho, waxaana loo sababeeyaa shilka gaari darawalada oo inta badan si xawli ah ku kaxeeeya gadiidka xilliyada ay marayaan wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho.Halkaan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/09/XUSKA.mp3
storvideo: 


27 Sano kadib diyaarad Rakaab ah oo xalay ka soo...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-27 Sano kadib waxaa xalay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde soo caga dhigatay diyaarad rakaab ah oo siday Xujey laga keenay dalka sucuudiga .
Diyaaradan rakaabka ah ayaa waxa ay siday 200 boqol oo xujey ah, waxaana ay si rasmi ah ay xalay uga soo degtay Garoonka Magaalada Muqdisho.
Ammaanka garoonka ayaa aad loo adkeeyay sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad ayaa horay waxaa uu u ballan qaaday in uu soo nooleyn doono howlaha garoonka, isagoona sheegay in si toos ah diyaaradaha ay usoo caga dhigan doonaan xiliyada Habeenkii, islamarkaana howlaha garoonka Habeen iyo Maalin ay socon doonaan .
Tallaabadan ayaa ah mid bulshada Soomaaliyeed ay ku wada farxeen, kadib markii dhowr iyo labaatankii Sano ee bur burka uu ku jiray dalka aysan arkin diyaarad xilli Habeen ah soo caga dhiganeysa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.Halkaano hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 

Shacabka Jarmarlka oo u dareeraya doorashada dalkaas

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Dalka jarmalka ayaa maanta waxaa ka dhacaysa codaynta doorashada guud, iyadoo xisbiyada siyaasaddu ay u loolamayaan hogaanka dalka.Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa saadaashu tahay in xisbigeeda Christian Democrats ay ku guulaystaan kuraas badan, taas oo ka dhigan inay markii afraad ku guulaysato hoggaaminta dalkaasBalse waxaa haysta cadaadis kaga imaanaya kooxaha dhaleeceeya muhaajiriinta, iyagoo ku doodaya inay wadanka Ajnabi gacanta u galisay.Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa ku doodaysa inay wax badan ka qabatay dhaqaalaha dalka iyo inay gacan wayn u fidisay qaxootigii tirada badnaan ee dalkasi soo galay 2015-tii.Xisbiga midig fog ee AfD ayaa isna la saadaalinayaa inay markii ugu horaysay ay xubno ku yeeshaan Baarlamaanka, isagoo mucaarad ku ah Angela Merkel.Doorashadan ayaa ku soo aaday waqti xasaasi ah oo siyaasadda gudaha Jarmalka shacabku aragtiyo ka qabaan.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleKulan looga hadlayay sugidda Amniga Dalka oo Muqdisho ka dhacay
Next articleShil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo Muqdisho ka dhacay

storvideo: 

SAWIRRO: Diyaaraddii Lufthansa ee Muqdisho lagu...

$
0
0

Diyaarada Lufthansa ayaa Muddo hadda laga joogga Afartan Sano , waxaa soo Afduubtay dagaalyahano u dhashay dalka Falastiin ,kuwaa soo doonaayay in lasoo daayo hoggaamiyayaal laga heystay Falastiyiinta.
Diyaaradda nooceeda waxaa uu ahaa Boeing 737,waxaana la afduubtay October 1977,iyada oo ka duushay Magaalada Mallorca ee Dalka Soain kuna sii jeedday Frankfurt oo Germany ah.

Kooxihii diyaaraddaasi Afduubtay ayaa soo marsiiyay dalal Dhowr ah, waxaana ugu dambeyntii ay kasoo dejiyeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Dowladda Jarmalka ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in la badbaadiyo rakaabkii saarnaa diyaaraddaasi oo dhammaa 86 Qof.
Jarmalka ayaa Wafdi u soo diray Soomaaliya si ay dowladda Soomaaliya uga codsaddaan in Kooxdaasi Madax furasho la siiyo Ama la dilo.
Xilliggaasi Soomaaliya waxaa ka jirtay dowladdii Milatariga ee uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre, waxaana ciidamada si gaar ah u tababaran ay ku guuleysteen in ay toogteen Kooxihii diyaaradda soo Afduubtay,islamarkaana ay soo badbaadiyeen dadkii Shacabka ahaa.
Howlgalkaasi ayaa waxaa ka qeyb qaatay ciidamo aan badneyd oo jarmal ah.
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa xilligaasi ka mid ahaa ciidamada ugu awoodda badan Afrika, waxaana ay fulin jireen howlgallo ay kasoo cabsaddeen dowladdaha carabta.
Waxa ay taallay Muddo badan dalka Brazil, waxaana hadda lagu sameyn doonaa dayactir, waxaana dadka Jarmalka ay u noqon doontaa Taariikh.

Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Xildhibaan Dalxa oo bogaadiyay dib u shaqeeynta...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SONNA)-Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka soo Degatay Xilli habeen ah diyarada sidday dad Rakaab ah Mudda 27 sano kadib, arrintaasi ayaa waxaa ka hadlay mid ka mid ah Xildhibanada Dowalada Federaalka Soomaaliya.
Xilidhibaan Maxamad Cumar Dalxa oo ka tirsan Mudanayasha Barlamanka Soomaaliya oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Horumar lagu farxo ay tahay dib u Howlgalinta Garaonka Diyaaradaha xilliyada Habeenka, islamarakana arrintaa ay ku ammaanan tahay Wasaradda Gadiidka iyo Dulista Hawada ee dowlada Soomaliya.
'waa arin nafarxad galisay mudanna in la Bogaadiyo Cid walbo oo gacan ka geeysatay ,waxaa Muuqato in Soomaliya ay ku talaabsaneyso Horumar", sidaasi Waxaa yiri Xidhibaan Dalxa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dhawaan shaacisay in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xilliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, kaasi oo ay Dadweynaha Soomaaliyeed aad ugu guxeen.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleRa'iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Xoghayaha guud ee Q.M

storvideo: 

Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle

G-Wasiirada Galmudug oo Kulan Ka Yeeshay Xaaladda...

$
0
0

Waxaana shirkaasi inta uu socday lagu faaqidey xal u helida is qab qabsiga mas'uuliyiinta maamulkaasi oo sabab u ah mowfiqka uu madaxweynaha maamulkaasi ka qaatay khilaafka wadamada khaliijka Carabta.
Wasiirka wasaarada warfaafinta maamulka galmudug mudane Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawaay) ayaa warbaahinta u akhriyey war murtiyeed kasoo baxay shirka golaha wasiirada maamulkaasi.
Dhawaanahaan waxaa madaxda maamulkaasi ugu sareyso soo kala dhax galay mad madow iyo kala shaki ku aadan mowqifka madaxweyne Axmed Ducaale Geelle( xaaf)uu ka qaatay khilaafka wadamada khaliijka,waxaana la ogeyn bal sida uu u dhaqan galayo amarada kasoo baxay golaha wasiirada maamulkaasi.
storvideo: 

Al Shabaab executes Three Kenyan fighters for spying

$
0
0

Foreign fighters serving in the Al Shabaab militia are living in fear after three Kenyans were early this month publicly beheaded after being accused of spying.
The executions of the three on 10 September in Jillib have caused anxiety and fear among foreign fighters within Al Shabaab ranks. This brings to seven the number of Kenyan fighters executed in Somalia on suspicion of spying.
Kenyan intelligence reports reveal that Al Shabaab leadership ordered public beheading of the three Kenyans identified as Abdullah Talal Musa, Jared Mukayo Omambia and Hashim Othman Selali for spying on the group.
The long-running mistrust of foreign fighters by the local in Somalia is reported to have led to emergence of factions within the terror organisation whose fortunes have continued to dwindle.
The militant group is battling disintegration due to its different factions which include those that still pledge allegiance to Al Qaeda, the team seeking support from the Islamic State (IS) and the group that seeks to have an independent Al Shabaab that only comprises indigenous Somalis.
"The existence of these factions is causing friction and animosity among members with Kenyan and foreign fighters bearing the brunt of it all," read the Intelligence report.
Fear of displacement by the new local and foreign fighters is among the reasons some militants are fighting against the change.
In addition to displacement, those supporting indigenous fighters claim that the terror group appears to have lost its vision now that they are involved in killing innocent Somalis, raping women and abusing drugs and alcohol," the report further states.
Supporters of one faction linked to the Islamic State led by Ahmed Gurey (head of foreign fighters who is an American with a bounty of Sh5 million on his head) are angling towards ISIS as a source of funding.
Another faction of foreign fighters is led by a Kenyan, Amir Salman, who is often in conflict with the Al Shabaab leader Ahmed Diriye over the killing of Kenyan fighters.
The report further says some militants suspect that he too is an agent of the Kenyan Government.Source: The Standard New Paper
storvideo: 


Trump oo soo saareya sharci cusub oo socota quseeya

$
0
0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa la fileyaa in uu ku dhawaaqo sharciyo cusub oo xadidaya soo galidda dalkaas kuwaas oo lagu soo rogay lixda dalka oo Muslimka ah oo Soomaaliya ku jirto iyadoo 90 maalmood ee uu horey u soo saaray maanta oo Axadda ah uu ku eg yahay. Waaxda amniga gudaha ee dalka Mareykanka ee loo yaqaano Homeland Security ayaa madaxweynaha kula talineysa in ay soo saaro sharci cuusb oo lagu soo rogo dadka ka imaanaya dalalkaas ee Mareykanka soo galaya in ay la soo wadaagaan macluumaad ku saabsan qofka imaanaya. Saraakiisha Mareykanka ma sheegin qaabka iyo wadamada sharcigan uu saameynayo, hase ahaatee waxaa ay cadeeyeen in xeer uu soo bixi doono Axaddan maanta ah. "Ku simaha xoghayaha amniga gudaha ayaa ku taliyay sharciyo aad u qalafsan in la dhaqan gelin doono, kuwaas oo ay kamid yihiin xadidaad iyo kordhinta baaritaan khaas u ah dadka ka imaanaya dalalka qaar," sidaaa waxa sheegay Miles Taylor, oo la taliye u ah sii hayaha xilka xoghayaha amniga gudaha dalkaas Elaine Duke. Sharcigan hadda dhamaanaya ayaa lagu soo rogay dadka ka imaanaya dalalka Iran, Liibya, Somaaliya, Suudaan, Suuriya iyo Yeman, marka laga reebo dadka xiriir qoys la leh qof Amerikaan ah ama [...]
storvideo: 

Wasiirka Arimha Dibada Somalia oo sheegay in aysan M...

$
0
0

Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ka qeyb galayay kulan Jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka mareykanka ay soo qaban-qaabisay islamarkaana su'aalo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay sida uu u arko go'aanada Maamul goboleedyadda dalka ka jira ay soo saareen mudooyinkii dambe ee ku aadanaa in ay xiriirka u jareen Dowladda Qatar.
Yusuuf Garaad ayaa sheegay in Dowladd goboleedyadda dalka ka jira aysan xaq u laheyn in ay ka hadlaan arrimaha dibada, taasina mar walba loogu dambeyn doono Xukuumadda federaalka Soomaliya.
"Dowladd Goboleed waa qeyb weyn oo wadanka kamid ah mas'uuliyadeeda ayay leeyihiin,madaxweynaha Maamul Goboleed iyo wasiiradda waxay leeyihiin awood iyo mas'uuliyad u gaar ah, laakin awoodooda iyo mas'uuliyadda kuma jirto in ay tagaan wadamada shisheeye ayna heshiis lasoo galaan", ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaliya Yuusuf Garaad.
storvideo: 

DHAGEYSO:-Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle Maxamed...

$
0
0

Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa ka hadlay Safarka uu ku marayo deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan iyo Arrimo kale oo badan. Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuu kulan kula qaatay magaalooyinka Baladweyne iyo Buula-Burde odoyaasha dhanka iyo qaybaha Bulshada isla markaana uu kala hadlay Nabadda iyo sida ugu wanaagsan ee looga shaqayn karo horumarka deegaanada maamulka Hirshabeelle. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xiligaan ay aad muhiim u tahay in laga wada shaqeeyo dib u heshiisiinta, isagoo tilmaamay in Maamulka uu madaxda ka yahay ay horseed u noqon doonaan arintaas. http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2017/09/Waraysi-Madaxwey...
storvideo: 

Kulankii Xildhibaanada Galmudug oo Maalintii Labaad...

$
0
0

Maalintii labaad ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug waxaa laga hor istaagay in ay galaan Xaruntii ay ku shiri lahaayeen ee Magaalada Cadaado.
Xildhibaan Garaad Yuusuf oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in Ciidamo aysan waligood arag la dhigay Albaabka hore ee Xarunta isla markaana ay u diideen in Xildhibaanadu howlka galaan.
Waxa uu sheegay in Maanta lagu balansanaa in kulanka looga hadlo Saddex Ajando oo kala ahaa Sharciga Adeega Garsoorka, Dhaarinta Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada oo aan weli la dhaarin iyo sidoo kale howlaha kale ee Caadiga ah.
Waxa uu ku eedeeyay in ay masuul ka yihiin arrintaan dad ka hoos Shaqeeya Madaxweyne Axmed Geelle Ducaale Xaaf oo ka cabsi qaba in wax laga weeydiiyo arrintii ay ku taageereen xulufada Sacuudiga sida uu hadalka u dhigay.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo Qof Shacab ah ku dilay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Askari ka tirsan ciidamada Ilaalada Wadooyinka ayaa qof Rayid ah ku dilay Magaalada Muqdisho, kadib markii ay murmeen.
Dilkan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Isgoosyada Geyd Jaceyl iyo Xararyaale ee Degmada Warta Nabadda, sida uu Shabelle u xaqiijiyay Qof Goobjooge ah.
Waxaana uu sheegay in halkaasi uu ka dhacay Dibadbax looga soo horjeedo dilkaas, kuwaas oo ay dhigeen dadweyne ka Carooday falkaasi dilka ah ee uu geystay Askari ka tirsanaa ciidanka Ilaalada Wadooyinka ee Magaalada Muqdisho
Dilalka ay geysanayaan Askarta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sii kordhay muddooyinkii danbe, iyadoo aysan jirin tallaabo cad oo ay dowladdu ka qaadatay arrinkaasi.
The post Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo Qof Shacab ah ku dilay Muqdisho appeared first on Shabelle.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live