Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

DAAWO SAWIRRADDA: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.
Madaxweynaha ayaa shalay gaaray dalka Sucuudiga, waxaana uu safarkiisu salka ku haaya ka dhabeyntii heshiisyadii ay horay u wada gaareen labadda Hoggaamiye.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Gudaha Ka Eeg :Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay...

$
0
0


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta la kulmay Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis.Madaxweynaha oo qado sharaf loogu sameeyay Qasriga Nabadda ee magaalada Jeddah ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Qasriga uu deggan yahay ku soo boogday Amiirka leh Dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, oo isla markaana ah Wasiirka Difaaca.
Madaxweynaha waxay ka wadahadleen Boqorka iyo Dhaxal-Sugaha Boqorooyada Sucuudiga xoojinta xiriirka faca weyn ee labada dal, maalgashiga, iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo la dagaallanka xagjirnimada, dhismaha iyo tayaynta Ciidamada Qalabka sida iyo mashaariic horumarineed oo ay dowladda Sucuudigu ka fulineyso Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay iska wareysteen qaddiyadaha haatan ka taagan mandaqadda iyo caalamkaba.
Masuuliyiintii kale ee uu Madaxweynahu sida gaarka ah ula kulmay waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Caadil Al-Jubeyr.
Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku joogo dalkan waxay noqotay mid ku dhammaatay isfaham iyo in la sii xoojiyo iskaashiga laba dal ee walaalaha ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa wada hadallada uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yusuf-Garaad Cumar, La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Riyaad Mudane Daahir Maxamuud Geelle.
Dhanka Sucuudiga waxaa uga qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Maaliyadda.
storvideo: 

DHAGEYSO Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle

DHAGEYSO Barnaamij Looga Hadlayo Cadaallad Darida Garsoorka Soomaaliya

DHAGEYSO Barnaamijka Qubanaha Wararka Ee Idaacadda Shabelle

Madaxweyne Gaas iyo Ururka SSB oo Boosaaso ku kulmay

$
0
0

27th September 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxweynaha Dawladda Puntland Xaaji Cabdiweli gaas ayaa Boosaaso kula kulmay ururka Sanaag, Sool iyo BarI oo loo asaasay sidii Buuraha Calmadow looga saari lahaa Dadqalatooyinka xooga ku jooga oo maalin walba dhiiga ku daadinaya
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 September 2017 magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland kulan kula yeeshay Ururka SAanaag, Sool iyo Bari
Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, taliyaha ciidamada qalabka sida Sareeyo Guud. Saciid Maxamed Xirsi, saraakiisha ciidamada gobolada Sanaag iyo Hayland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.
kulanka oo ahaa mid looga hadlayey xaalada guud ee amniga gobolada sanaag iyo Hayland ayaa waxaa sigaara diirada loogu saaray cidhib tirka kooxaha Al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaya buuralayda Calmadaw, kooxahaas oo ay lagama maarmaan tahay in laga yeesho hadaf midaysan.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ugu horayn kulanka furay ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada jeesto hadaf midaysana laga yeesho cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab, kuwaas oo ku dhuumaalaysta buuralayda Calmadaw, islamar'ahaantaana sheegay in dawladdu diyaar u tahay qorshe kasta oo lagaga gungaadhayo soo afjaridda kooxaha Al-shabaab ee lidka ku ah jiritaanka, horumarka, iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xaqiijiyey in shacabka Puntland looga baahan yahay isku duubni iyo inay ka midaysnaadan wax kasta oo lasoo dersa, si loo soo gebagebeeyo firxadka yar ee ku sugan buuralayda Calmadow ee ka tirsan kooxaha Al-shabaab.
Guddoomiayaha golaha wakiilada dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa dhankiisa sheegay in dawladda Puntland iyo shacabkeedu ku caana maaleen iskaashi, is garabsi, cudud midaysan, hadaf midaysan iyo isku tashi, sidaasi darteedna ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto cadawga tirada yar ee tamarta yar ee kooxaha Al-shabaab loona baahan yahay in si adag loo cidhib tiro.
Dhinaca kale Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolada Sanaag iyo Hayland ayaa balanqaaday inay diyaar u yihiin kana midaysan yihiin wax kasta oo dhankooda looga baahdo, isla markaana waxa ay xukuumadda dawladda Puntland uga mahad celiyeen mashaariicaha horumarineed ee ka socda gobolada Sanaag iyo Hayland, gaar ahaan wadda Ceel-daahir - Ceerigaabo oo dhismeheedu meel wanaagsan marayo.
Ugu Danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland meel kastay joogaan inay ka qayb qaataaan halganka lagula jiro cidhibtirka kooxaha al-shabaab iyo sugidda xasiloonidooda iyo amaanka guud ee Puntland, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu ku booriyey shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka.
Share this:
storvideo: 

Shirkii Cadaado oo si rasmi ah loogu kala tagay,...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Cadaado (Caasimadda Online) - Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo in lagu kala tagay shirkii halkaas uga socday Xildhibaanada halkaas gaaray iyo Madaxda ugu sareyso Maamulka Galmudug.
Wararka ayaa sheegayo inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka go'aankiisa ku adkeystay isla markaasna uu diiday inuu wadahadalka qaato, uuna ku qanci karo kaliya inuu Xaaf xilka wareejiyo ama uu ka laabto go'aankiisa Imaaraadka.
Waxay Xildhibaada halkaas tagay go'aan ku gaareen inay soo saaran war murtiyeed.
Sida aan xogta ku helnay waxaa waraaq ku qori rabaa inay dowladda Soomaaliya qorsheeneyso inay wafdi Berri usoo dirto Cadaado kuwaas oo ay sheegeen inay Marqaati beenaad ka sameyn rabaan Magaalada.
Sida wararka qaar sheegayaan Xildhibaanada Dowladda kasoo jeedo ayaa sheegi rabo inay dowladda Soomaaliya wax wafdi ah usoo diri karin Magaalada inta ay ka caddeeneyso mowqifkeeda ku aadan Galmudug.
Senetal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa la filayaa inuu waraaqdaas saxaafadda u akhriyo isagoo sheegi doono inaysan dowladda Soomaaliya wax wafdi Magaalada Cadaado usoo diri karin inta ay mowqfkeeda caddeeneyso.
Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyey in la waco Ra'isulwasaare Kheyre isla markaasna loo sheego inuu faragelinta joojiyo, haddii markaas kadib xal la waayana lasoo saari waraaqdaan.
Halka qaar kalana ay soo jeediyeen in Berri subax isku day kale la sameeyo kulan kalana lala qaaato Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, haddii markaas kadib xal la waayana lasoo saaro waraaqda.
Xildhibaanada ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu soo wacay Ra'isulwasaaraha Soomaaliya isagoo u sheegay inuusan marnaba ka tanaasuli karin mowqifkiisa dowladdana ay garab taagan tahaya
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dhageyso: Xidig “Reer Galmudug Waa la din ku soo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka mida Golaha Shacabka ayaa ka hadlay Xiisadda Siyaasadeed ee ka jirta Galmudug,waxaana uu ku baaqay in Madaxda iyo Maamulka Galmudug ay isku Tashadaan oo ay ilaalsadaan Maamulkooda.
Xildhibaanka ayaa Waxa uu sheegay in Maamulka Galmudug Qaab Siyaasadaysan loogu soo Duulay ay danahooda ka tashtaan shacabka maamulka Galmudug isla markaana aysan cidna aysan ka sugin in maamulkooda ay xaliyaan khilaafad yar yar ee dhax yaala.
Xiddig ayaa sheegay in Maamulka Galmudug lasoo dhex galay isla markaasna la doonayo in la dumiyo, wuxuuna ugu baaqay madaxweyne Xaaf iyo shacdabka Galmudug inay isku tashtaan iskana difaacaan dadka ku dhex jiro.
Hadalka Xiddig ayaa kusoo aadayo xilli la fashiliyey shirkii ka socday Cadaado oo ay wadeen Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya iyagoo sheegay inuu kulankaas fashiliyey Ra'isulwasaaraha Soomaaliya oo qadka taleefoonka kusoo wacay Casir.
Hadadba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xildhibaan Xiddighttp://www.-.net/wp-content/uploads/2017/09/Xidig.mp3
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Xog: Dowladda oo carqaladeyn ku sameyn rabto...

$
0
0

Cadaado (Caasimadda Online) - Wararka ka imaanaya Cadaado waxey sheegayeen in la fashiliyay heshiis hordhac ahaa oo ay gaareen madaxda isku qilaafsan Galmudug.
Waxaa la sheegay in sadexda Masuul ee ugu sareysa maamulkaas ay maqribkii caawa heshiis ku gaareen in fowdadii dhacday laga gudbo lagana raali galiyo shacabka dhaqan xumadaas lagana wada shaqeeyo danta deegaanka>
Laakiin markii saxaafadda loo wacay oo la rabay in wax walba la shaaciyo ayaa waxaa madax ka tirsan Dowladda Federaalka ah ay soo waceen madaxweyne kuxigeenka iyo gudoomiyahaha Baarlamaanka waxaana lagu amray iney ka laabtaan heshiiska oo ay mowqifkoodii hore ku adkeystaan, sidii ayey uga baxeen hoolka oo waa ka laabteen go'aankii.
Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa ah inay dowladda Soomaaliya Magaalada Muqdisho ka wado ololo lagu doonayo in Berri wafdi uu hoggaaminayo Senator Dhagdheer loo diro Magaalada Cadaado si ay halkaas uga soo sameeyaan qiimeyn, Waxaana arrintaas ka xanaqay Xildhibaanada labada Aqal ee Maanta Halkaas gaaray.
Xildhibaanadaan Berri Cadaado tagi rabo ayaa la sheegay inay doonayaan carqaladeynta waanwaanta ka socoto halkaas.
Xildhibaanada deegaanada Galmudug kasoo jeedo ee Cadaado joogo ayaa ku dhawaaqi rabo inaysan Cadaado kasoo dagi karin wafdiga ay dowladda soo direyso ilaa laga caddeeyo mowqifkeeda ku aadan Khilaafka Galmudug.
Xildhibaanada labada aqal ee Cadaado tagay ayaa ku doodayo inay iyaga ka tirsan yihiin dowladda Dhexe isla markaasna ay iyaga go'aanka ka gaarayaan Masiirka Galmudug, sababta ay dowladda Wafdi ugu soo direysana ay tahay mid laga fahmi karo howsha ay u socdaan.
Wararkii ugu dambeeyey ee hadda Cadaado naga soo gaaray ayaa tilmaamayo in laga yaabo inay dib Berri ugu dhacdo Waraaqda lasoo saari rabay, maadaama la sheegay inay hadda tahay waqti dambe oo aan Saxaafadda la heli karin.
Halka war kalana ay sheegayaan inay Xildhibaanada qaar soo jeediyeen in Berri kulankii ugu dambeeyey mar kale lala qaato dibna loo dhigto go'aanka.
storvideo: 

Goorma ayey Soomaalidu timi wadankan Britain

$
0
0

27th September 2017 admin Category :
Daawo beesha Isaaq oo leh Soomaali anagaa ugu soo horaynay dalka ingiriiska, Hase ahaatee ay taariikhda qorani sheegayso mid taa ka duwan oo ah in Soomaalidii ugu horaysay ee timaada Boqortooyada Ingiriisku ay ka yimaadeen Saldanada Warsangeli ee Bariga Afrika
Daawo kooxda HAG ee cuqdadaysan ee BBC

Goorma ayey Soomaalidu timi wadankan Britain, Taariikhda Soomaalida ee UK mala keydiyey? Cabdixaafit Cawil Ismaaciil ayaa warbixintan ka diyaariyay.
Opslaet af BBCSomali pa 27. september 2017

Hoos ka akahriso sheeko laga qoray 1924, Wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeday Saladanada Warsangeli oo lagu magcaabi jiray Allah ha u naxariistee Ibrahim Ismail Uurcad, oo markaas ku sugnaa Ingiriiska, Sida aad hoos ku akhrisan doonto ardada Jamacadaha qaarkood ayaa lloo dhigaan taariikhdan
storvideo: 

Qarax Waxyeelo Nafeed Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho...

$
0
0

Ugu yaraan Todobo Qof ayaa ku dhimatay Lix kalena way ku dhaawacmeen Qarax galabta ka dhacay Degmadda Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Maqaaxi aan sidaasi uga fogeyn Beerta nabadda oo la yiraahdo Isa-saar, sida ay faafisay wakaaladda wararka ee Sonna.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo SONNA la hadlay ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhinteen 7 qof 6 kalana ay ku dhaawacmeen, isagoo xusay in Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay goobta gaareen qaraxa markii uu dhacay kadib, si ay ugu gurmadaan dadka ay waxyeelada soo gaartay.
Waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan dadkii Qaraxaasi dhibka uu kasoo gaaray ay ahaayeen dad Shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana uu tilmaamay in Argagixisada ay diidan yihiin Horumarka ay hiigsaneyso - iyo Nabadda Shacabka Soomaaliyeed ay darreemayaan, gaarigii qaraxa loo addeegsaday ayuu Afhayeenka ku sheegay in uu ahaa Nuuca loo yaqaano Premio.
Dadkii ku dhaawacmay qaraxan ayaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, Intaas kaddibna gaadiidka Nadaafadda gobolka Benaadir ayaa goobta soo gaaray, kuwaasi oo waddada ka bilaabay howlo nadaafadeed.Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Ra’iisul wasaaraha  Soomaaliya iyo wafdigii la...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA) Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafi uu Hoggaaminayo ayaa caawa kasoo degay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ay uga qeyb galeen kulankii 72aad ee Golaha guud ee Qaramada midoobay.
Ra'isul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan cadde ayaa shaqo bilaabay xilliga habeenkii ah, waxaana imaatinka Ra'iisul wasaaraha iyo wafdigiisa xilli habeen ah ay ku tusineysaa Horumarka ka hana qaaday Magaalada Muqdisho iyo Amniga la isku haleyn karo ee ka jira -.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleGanacsade C/naasir Yaasiin"Soomalida kunool Imaaraadka horumar ganacsi ayay sameeyeen mana jiraan wax caqabado ah"

storvideo: 

Dadaallo laga dhex-waday Galmudug oo guul darreystay

$
0
0

Xidlhibaanno ka tirsan labada Aqal ee baarlamanka ee Soomaaliya oo dadaal dhex dhexaadin ah ka dhex waday madaxda maamulka Galmudug ee khilaafku ka dhex ooganyahay ayaa sheegay in dadaalkoodu uu guul dareystay.
Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah inay faragelin ku sameysay howshii ay wadeen oo meel gebageba ah mareysa.
Xildhibaanadan ayaa caawa shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Cadaado.
Wariyeheenna Falastiin Axmed Imaan ayaa shirkooda Ja'raaid wax ka weydiisay Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan xubnaha labada Aqal ee Cadaada u joogay waan-waanta Khilaafka madaxda Galmudug.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:05:19
0:00:00 /0:05:19
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Xaaf oo Ku Dhawaaqay Inaysan Cadaado Kasoo Dagi...

$
0
0

Madaxweyne Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inaysan wax diyaarad ah kasoo dagi karin Magaalada Cadaado marka laga reebo kuwa samafalka iyo AMISOM.Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Somali Teenagers Flee Al-Shabab Recruitment Campaign

$
0
0

Al-Shabab militants have launched what appears to be a forced recruitment campaign in Somalia's southwestern regions of Bay and Bakool, according to Somali officials.
The group, which controls large parts of both regions, is pressuring leaders of local villages to make sure teenagers join its ranks, according to the governor of Bay region, Ali Wardhere Doyow.
"They have been holding meetings for clan elders and told them to meet specific numbers of recruits they want collected from clans," Doyow told VOA's Somali Service.
Doyow said many families and their children have fled their villages to larger towns in the Bay region, including Baidoa, Dinsor and Bardale.
Abdishakur Yaqub Ibrahim, a regional lawmaker who lives in Baidoa, told VOA that dozens of children between the ages of 9 and 18 have fled Shabab-ruled areas in Bay and Bakool over the past few days. He said some of those who fled are his relatives, including a cousin and nephews.
"I now have 14 such kids who fled who are living in my home; some came to me because they are relatives, some are my clanmates," he said.
"Three weeks ago, they called the elders and school leaders and said they want the younger boys. They told the elders that the boys will be educated and trained and that they will then fight against the apostates and Mukhtar Robow."
Robow is al-Shabab's former deputy emir and a Bakool native who defected to the government in August. There are reports that Robow is planning to return to the region to mobilize locals against his former militant group.
Ibrahim says the group is targeting families who have sons.
"They told the elders that if a family has two sons, they will draft one as a militant; if they have three, they will take two of them," Ibrahim said. "They are saying they will educate the children, but they are going to turn them into bombs."Those who fled
Human rights groups have previously accused both al-Shabab and pro-Somali government forces of using child soldiers. Last year, the U.N. Children's Fund estimated there were at least 5,000 underage soldiers in the country, most of them recruited into al-Shabab.
The recruiting drive appears to have picked up in recent weeks. Last month, authorities in the coastal town of Adalle reported that more than 100 children who fled a Shabab recruitment campaign in the Galmudug region had arrived there.
Authorities in the town of Bardhere report the arrival of 10 families who fled with their children because of Shabab recruitment efforts in the Gedo region.
One Bay region youngster who fled to Baidoa told VOA he is 15 years old. He said he left his home village after the militants made clear their intention to take him.
"They came to the Quran school, then they went to my father and he told them he will not hand me over. Then I took a motorcycle and I came here to stay with my uncle," said the boy, whose name is being withheld due to concerns for his safety.
VOA also spoke to a 14-year-old boy who arrived Baidoa on September 21, after his parents shipped him out of his village. He said he was the only son in his family.
The boy said al-Shabab raided his school which had about 40 boys. He said he does not know what happened to the other boys.
He said he did not want to become an al-Shabab fighter because they "harm people."
Governor Doyow urged the clans and elders to resist al-Shabab and not "donate" their sons to the militant group.
"Reject, don't let them take away your children. Fight it off," he said.
Source: - VOA
storvideo: 


Bayern Munich oo Ceyrisay Carlo Ancelotti

$
0
0

Kooxda horyaalka Jarmalka difaacaneysa ee Bayern Munich , ayaa ceyrisay tababarahoodii, Carlo Ancelotti, Khamiista, maalin uun ka dib markii ay guul darro 3-0 ay kala kulmeen kooxda Paris St Germain, kulan ka tirsanaa Champions League.
War ay kooxda soo saartay Khamiistan ayaa lagu sheegay in qaab ciyaareedka naadiga uu hoos u dhac ku yimid xilli ciyaareedkan.
Bayern, ayaa ku guuleysatay shan koob oo isku xig xiga oo Bundeslig ah, waxayna hadda fadhidaa kaalinta seddexaad ee kala horeynta horyaalka, iyadoo seddex dhibcood ka hooseysa kooxda Borussia Dortmund.
58-sano jirkan u dhashay Talyaaniga oo muddo sanad ah la joogay kooxdan, ayaa hore u soo leyliyay kooxaha Real Madrid, Juventus, AC Milan, Chelsea iyo kuwa kale.
storvideo: 

7 qof oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Ugu yaraan todoba qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad 10 kalena wey ku dhaawacmeen qarax gabal dhicii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhaxeysa kaalin Shidaal iyo Bacadlaha Xamar Weyne.
Wariyeheenna Jamaal Axmed Cusmaan ayaa qaraxan ka wareystay afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca amniga Cabdifitaax Cumar Xalane.
Qarax maanta ayaa ku soo beegmay iyadoo maalmihii u dambeeyay ay weeraro qorsheysan oo dad lagu dilay ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:02:39
0:00:00 /0:02:39
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Yuusuf Jaalle: Dowladda oo Kaliya Ayaa Joojin Karta...

$
0
0

Hay'adda duulista hawada ee dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaliya ay awood u leedahay go'aan ka gaarista arrimaha duulimaad dalka.
Hadalkan ayaa yimid ka dib markii maamulka Galmudug uu soo saaray amar uu duulimaadyada kaga mamnuucayo magaalooyinka uu ka taliyo, marka laga reebo duulimaadyada ciidamada Amisom ee gobolka ku suggan iyo Kuwo Gargaarka.
Maareeyaha Guud ee ee Hey'adda saadaasha iyo duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) oo VOA-du la hadlay ayaa sheegay in Hey'adda Duulista Hawada ee dowladda Federalka oo kaliya ay tahay midd awoodda u leh Amar kasta oo lagu joojinayo duullimaadyada Soomaaliya.
Amarka Galmudug ee Mamnuucista Duulimaadyada ayaa lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo dhawaan xubno ka tirsan baarlamanka Galmudug sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Daawo: Beesha Guuyoobe Oo Maanta Xaflad u Qabtay Ku...

$
0
0

Daawo: Beesha Guuyoobe Oo Maanta Xaflad u Qabtay Ku biiridi Xisbiga Wadani iyo Xildhibaano iyo Salaadiin Ka hadlay Dareenkooda ... Muxuu Ciro Se ka yidhi Kulankan
[embedded content]
storvideo: 

Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay...

$
0
0

Muqdisho (SONNA) 28 September 2017 --Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkii ay maanta kooxda nabad-diidka ah ee argagaxisada Al-Shabaab ku dileen shacab aan waxba galabsan.
Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay Kaalinta Shidaalka Ceelgaab hortiisa ayaa qarxay galabta oo gaari caasi ah oo rakaab shacab ah siday la kulmay qaraxaas oo 7 ruux ay u geeriyoodeen, halka 8 uu dhaawac ka soo gaaray. Ciidanka amniga ayaa isla markiiba u gurmaday oo dhaawacii la geeyey isbitaalada si loo dhabiibo.
Kooxaha argagaxisada ayaa caadeystay inay shacabka bar-tilmaameystaan, tanoo ah fal fuleynimo ah oo ay ku raadinayaan in Al-Qaeda u sheegaan inay weli Soomaaliya joogaan.
Dowladda Federaalka ayaa si kulul u cambaareysay falkan argagaxisadu la beegsatay shacab aan waxba galabsan.
Dowladda ayaa qoysaskii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeysey intii ku geeriyootay, una rajeysey inta dhaawaca noqotay inuu EEBBE u fududeeyo oo ay caafimaad waara helaan.
Kooxaha argagaxisada ayaa ka soo horjeeda horumarka dhanka amniga ee isa-soo taraya, waxeyna rabaan in shacabku argagaxo oo dowladnimada iyo nabadu wiiqdo.
Dowladda Federaalku wey ka go'antahay inay laba jibaaraan dadaalkooda sugida amniga iyo nabadeynta oo falalka noocan oo kale ah waxey keeneysaa in la xoojiyo amniga iyo nabadeynta. Kooxda argagaxisada oo naf ka bideysa qaraxna, waxey ogaanayaan in shacabka iyo Dawalddu geesinimo ka sii qaadayaan oo meel looga soo wada jeesanayo.
DHAMMAAD
Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiskamedia@moi.gov.so
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live