Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Soomaaliya Oo La Kulmay Taliyaha Guud Ee...

0
0

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Turkiga oo isaga iyo wefdi uu hogaaminayo uu maanta soo gaarey magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka kala tirsan Militariga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa madaxweynuhu wuxuu kala hadlay Taliyaha kaalinta Dowladda Turkiga ee kaga aadan taageerada Soomaaliya,gaar ahaan dib u dhiska Ciidamada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga ka guddoomay fariin uu uga siday madaxwyene Erdogan,taasi oo uu ku ammaanay hoggaaminta wanaagsan ee madaxda Soomaaliya.
"Waxaan uga mahad naqaynaa Walalaha Turkiga isgarab istaaga iyo taageerada ay u hayaan Soomaaliya,Taageerada Turkiga uu siiyo Soomaaliya waa mid la isku halayn karo, oo dhabta ku salaysan,waxaan ka codsanaynaa Dowladda Turkiga in ay ballaariso caawinaadeed Soomaaliya,gaar ahaan dhismaha Ciidamo Qaran,waxaa jirta baahiyo loo qabo tababaro iyo qalabayn ay helaan Ciidamada Qaranka", ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga ayaa sheegay in ay ka go'antahay Dowladda Turkiga sidii ay uga dhabayn lahayd garab istaaga Soomaaliya,wuxuuna tusaale u soo qaatay dhismaha xarunta tababarada oo Muqdisho laga ay ka hirgeliyeen,taasi oo uu ku sheegay in ay qeyb ka tahay dhismaha Ciidanka Soomaaliya,wixii kale oo dheeraad ah looga baahadana ay diyaar la yihiin.
Wuxuu intaasi ku daray taliyaha in amarka lagu taageerayo dhismaha iyo qalabaynta ciidanka Qaranka Soomaaliya ay tahay mid ka soo baxay madaxwyenaha Dalka Turkiga Mr Erdogan.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Ciidamada Xoogga Dalka oo Dib ula Wareegay Bariire

0
0

Iyadoo Saakay Dagaalameyaasha Al-shabaab ay Weerar Xoog leh ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Dowladda Ee Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa Degaanka Guud ahaanba dib ula Wareegay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa Saakay Qabsaday qeybo kamida Degaanka Bariire,waxaana Dagaalkii ka dhacay Degaanka uu Khasaare ka soo gaaray Dhinacyadii Dagaalamay iyo Dad Shacab ah intaba.
Ciidamo Gurmad ah oo ka baxa Qeybo ka mida Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Weerar Rogaal Celis ah ku qaaday degaanka,iyadoo ay Gacanta ku dhigeen Degaanka Bariire oo Al-shabaab laga qabsaday Bishii August Ee Sanadkaan.
storvideo: 

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo faah faahin ka...

0
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gaaray magaalada Bariire oo ay saaka weerar gaadmo ah ku soo qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax iyo wafdiga la socday ayaa markii ay gaareen Bariire waxa ay ka xogwareysteen dagaalkii saaka Taliyaha guutada 20aad ee ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo sheegay in tiro maleeshiyaadka ka tisan ay ku dileen weerarkii saaka, haatanna ay si buuxdo gacanta ugu hayaan magaalada. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee saaka weerarka ku soo qaaday saldhig ciidamada xoogga ay ku leeyihiin deegaanka Bariira ayaa jaray Buundada magaalada, waxaana weerar saacado kooban socday kaddib ay ciidamada Xoogga dalka ku guuleysteen inay kala eryaan maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday. Jeneraal Sheegow Axmed Cali Taliyaha Guutada 20aad e ciidanka xooga dalka ayaa xusay inay sii wadayaan howlgallo ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, si guud ahaan gobolka looga cirib tiro. Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in iminka xaaladda deegaanka ay tahay mid degan, ayna gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dalka, isagoo xusay Al-Shabaab laga cirib tiriyo guud ahaan meelaha ay kaga dhuumaaleysanayaan Gobolka.' Maxamed Cali Cumar Jubba
storvideo: 

Howlgallo laga sameeyay Degmooyin ka tirsan Gobolka...

0
0

Howlgalladan ay ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Benaadir ay ka wadaan Degmooyinka Waabari, Xamar Jajab iyo Xamar Weyne ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka iyo isku xirka booliska iyo shacabka degmooyinka howlgalka laga fuliyay. Taliyaha Hogaanka kormeerka ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Axmed Dhayib Axmed Dhagacaleen ayaa kormeeray Degmooyinka, Waaxyaha iyo Xaafadaha degmooyinka Waaberi, Xamar Jajab iyo Xamar Weyne, waxaana uu u kuur galay wada shaqaynta booliska iyo shacabka degmooyinkaasi, isagoo warbixno ka dhagaystay saraakiisha ciidamada booliska ee howlgalka hogaaminayay. Jeneraal Axmed Dhayib ayaa sheegay in taliska uu go'aansaday in la sameeyo howlgallo joogta ah, si looga hortago falalka ay maleegayaan dhagarqabayaasha Al Shabaab. Jeneraalka ayaa xusay in ku-simaha Taliyaha ciidanka booliska Jeneraal Muqtaar uu amnray in saddex boqol oo ciidan oo ka tirsan ciidanka booliska loo qeybiyo degmooyinka, kuwaasi oo ay ka bilaabeen inay gaarsiiyaan ilaa iyo saddex degmo oo kala ah degmooyinka Xamar Weyne, Xamar Jajab iyo Waaberi, isagoo xusay in ciidanka ay xoojinayaan la shaqeynta maamulka iyo shacabka degmooyinka. "Saddex boqol oo askari ayaan u qeybinay ilaa iyo saddex degmo, maantana aniga kormeer ayaan ugu imid, si aan u ogaano howsha ay hayaan, ciidamada waxa ay u xilsaaranyihiin sugidda amniga degmooyinka la geeyay, waxaana ay shaqadooda tahay [...]
storvideo: 

Guddoomiye Jawaari iyo wafdiga la socday oo Qaahira...

0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasbo rasmi ah ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdiga la socday ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii horumarkiisa la isaga kaashan lahaa.
Ku-xigeenka Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Shamrmarke Garaad Saleebaan Buraale oo kulanka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ay ka wada hadleen arrimo u badan xaaladda dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh CIsmaan Jawaari ayaa oo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Masar ayaa inta ay ku suganyihiin waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Baarlamaanka iyo kuwa kale, iyagoo kala hadli doono arrimo ay ka midyihiin, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga wada shaqeynta ee labada Baarlamaan.
Guddoomiye Jawaari iyo wafdiga la socday ayaa kormeeray xarumo ku yaala magaalada Qaahira.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga

storvideo: 

Al-Shabaab oo Weerar Ku Qaadey Saldhig Ciidan oo Ku...

0
0

Subaxnimadii hore ee Jimacada ayaa Malayshiyaadka al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaaley deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelada Hoose.
Weerarka ayey ku bilaabeen gaari bom lagu soo xirey oo uu wadey qof naftiisa biimeeyey, gaariga ayaa lagu dhex qarxiyey saldhigga, waxaana ka dhashey khasaaro badan sida wararku sheegayaan.
Al-Shabaab ayaa sheegtey in ay qabsadeen saldhigga kuna dilkeen 17 askeri, horeyna u kaxaysteen gawaari badan.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey weerarka, laakiin ma aysan bixin wax faah-faahin ah iyo khasaaruhu inta uu le egytahay mar ay la hadleen warbaahinta maxaliga ah.
Nin magiciisa ku sheegay Abu Muscab oo sheegtey in uu yahay afhayeenka hawlgalada ciidamada al-Shabaab ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay "Talaadii subax kadib, waxay ciidamadeenu weerareen saldhigga Bariire, waxaan dilney 17 askeri, waxaana ku qabsaney gawaarida gaashaaman".
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Booqashadaydii Buuhoodle . Qalinkii Ridwaan Caydiid...

0
0

Buuhoodle Waa Deegaan taariikhi ah oo caan ka ah mandaqada geeska afrika waa deegaanada aadka looga tix galiso dhaqashada geella iyo suugaanta.Bulshada jiidaha buuhoodle ku dhaqani waa xoolo dhaqato soo jireen ah aadna u jecel hidaha iyo dhaqanka Somaalida waa dad intooda badani ku xidhan tahay noloshoodu xoolaha nool dhaqashadooda iyo manaafacaasdigoodaba.Buuhoodle markaad maqasho waxaad xasuusanaysaa Gabayada Somalidu isku tiri jirtey oo meelo badan ay kaga jirtey buuhoodle waxaana jiidahaas ku dhashey hal abuur mahadhooyin badan oo suugaan ah dunida kaga tagey.Gobolka Buuhoodle waxa uu ka mid ahaa deegaanada Somaliland ee aanan arkin anigoo gaashaan qaad ah balse nasiibku waxa uu ii saamaxay allena ii suurto galiyay in aan u safro labaatankii bisha Sagaalaad ee sanadkan (20/09/2017) Anigoo u tagey Geerida abtigey oo Magaaladda Buuhoodle ku geeriyoodey alle ha u naxariistii Marxuun Maxamed Cabdilaahi Ducaale oo ku magaca dheeraa MAXAMED GADHWEYNE Oo xaqii alle ugu yimi gudaha buuhoodle laguna aasey.Buuhoodle waxaa deegaan ahaan ka soo jeeda abtiyaashey.Wakhti ku beegaan 9-kii Habeenimo ayaa buubuur khaas ah ka kaxaysanay - Hargeysa anigoo u sii jeedna buuhoodle habeenkii oo dhan jidkaanu sii miranaynay waagu waxa uu noogu baryay duleedka bari ee magaalada Caynabo jidka dheer ee isku xidha burco ilaa laascaanood waxaanu kaga dagney meel u dhaxaysa deegaanadda OOG iyo GUUMAYS jidka rafka waanu ku jirney ku dhawaad lix saacadood Waxaanu buuhoodle gaadhney maalintii danbe 11 Duhurnimo taas oo ka dhigin in aanu Hargeysa iyo Buuhoodle u kala safreynay wakhti dhan 14 Saacadood oo xidhiidh ah.Buuhoodle sidaa uma foga oo waa hawdka gobolka togdheer balse waxaa loo maraa jid dheer oo wareeg ah sababatuna waxay tahay waxaa xidhan jidka isku xidha degaanadda Qorilugud iyo Buuhoodle xidhnaanshiyahaas oo ay keentey Colaad dhex martey labada beelood ee deegaanada ku dhaqan.Bulshada reer buuhoodle waxay ku jiraa xaalad ay adag tahay marka loo soo safrayo khudrada iyo ganacsiga qawtal daruuriga ah Qaadka amaJaadka bulshadu isticmaasho waxaa u keenta diyaarada maadaama safarka dhulku wakhti badan uu qaadanayo taasina waxay kaantey in maceeshadu qaali noqoto.Todoba maalmood ayaa joogey magaalada buuhoodle markaan bulshada u kuur galey waxaa iiga dhex baxay in sixir barar uu deegaanka ka jiro waxaana loo sababeeyaa sixir bararkaa colaada iyo abaarta deegaanka ku soo noqo noqota.Buuhoodle waxaa laga qaataa dhawr nooc oo lacag ah sida Lacagta cadcadka loo yaqaan Dollar, Birta Ethopia-ka iyo Adeega Zaadka.Intaas oo lacag ahi waxay sababaysaa kor u kaca sarifka lagaha oo xidhiidh wayn la leh ganacsiga aas aasiga ah.Magaaladdu waa mara xadh wey dhisan tahay ganacsi xoogan baa ka socda buuhodle deegaanadda ay maamusho dhirta iyo deegaanka aad baa loo ilaaliyo oo kaymo jiq ah ayaa magaalada ku hareeraysan roobkuna wuu ka da'yay oo barwaaqo bilowgeed bay ku jireen.Buuhoodle dadka aan arkini waxay aaminsan yihiin in ay tahay meel khatar ah oo dadka lagu laayo balse xaqiiqdu sidaa ma ah oo deegaan imika nabdoon oo xasilooni ay ka jirto dadkuna waxay kala aaminsan yihiin siyaasado kala duwan.Buuhoodle waad ka helaysaa adeegkasta oo bulsho aad u baahato Waloow ay jirto dib u dhac badan oo bulshooyinkaa haysta sida waxbarashada caafimaadka iyo horumarka guudba reer buuhoodle waxay u baahan yihiin in ay ku dadaalaan sidii ay bulshadooda horumra ugu horseedi lahaayeen ugana bixi lahaayeen nolosha imika ay ku jiraan.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Qalinkii SuxufiRidwaan Caydiid Ismaaciil (Akiid)Email: akiid14@gmail.comRidwaan_akiid@hotmail.com
storvideo: 

Daawo Sawirrada: Guddoomiye Jawaari oo Qaahira Kula...

0
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasbo rasmi ah ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdiga la socday ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii horumarkiisa la isaga kaashan lahaa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh CIsmaan Jawaari ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Masar ayaa inta ay ku suganyihiin waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Baarlamaanka iyo kuwa kale, iyagoo kala hadli doono arrimo ay ka midyihiin, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga wada shaqeynta ee labada Baarlamaan.
Guddoomiye Jawaari iyo wafdiga la socday ayaa kormeeray xarumo ku yaala magaalada Qaahira.Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 


Dhageyso: Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed...

0
0

Waxaa Magalada Baydhaba ee xarunt gobolka Baay ka soconaya qaban qaabadii ugu dambeysay oo ay doonayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed in ay xilka uga qaadaan Madaxweynaha Maamulkaasi, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Shariif Xasan in uu gudan waayay waajibaadkii ka saarnaa Maamulka Koonfure Galbeed.
Aadan Maxamed Nuur (Aada Saran Soor) oo ka mid ah Siyaasiyiinta ku sugan Magaalada ayaa soo dhaweeyay mooshinka ka dhanka Madaxweyne Shariif Xasan.
Waxaa Siyaasigan uu tilmaamay in Madaxweynaha uu dhibaato ku haya Shacabka ku hoos nool Maamulka Koonfur Galbeed, isagoona carabka ku adkeeyay in aan marnaba loo dulqaadan karin dhibaatooyinkaasi.
Siyaasiga Aadan Saran Soor ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya in xilka ay ka qaadaan Madaxweyne Shariif Xasan, si buu yiri loo badbaadiyo jiritaanka Maamulka Koonfur Galbeed.
Sikastaba, Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa tiro dhowr jeer oo hore isku dayay in xil ka qaadis ku sameeyaan Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan balse qaban qabada haatan socota ay u muuqato mid ka xoogan kuwii hore.Ku Dhageyso Mobilkaga.Ku Dhageyso Mobilkaga.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

UN envoy slams deadly car bomb attack in Somali capital

0
0

The United Nations Envoy for Somalia, Michael Keating has strongly condemned Thursday’s car bomb attack in Mogadishu, which left at least seven civilians dead, while many injured.
“I’m Saddened by deaths, injuries including many civilians from Hamarweyne car bomb attack on Thursday. Violence claiming too many lives,” said Keating in Twitter post.

Saddened by deaths, injuries includng many civilians from Hamarweyne bomb yesterday. Violence claiming too many lives pic.twitter.com/oeAR2bucrC
— Michael Keating (@SRSGKeating) September 29, 2017
Thursday’s car bomb blast took place near Peace Garden in Hamarweyne district, killing at least seven passer-by civilians, according to Police.
 
The post UN envoy slams deadly car bomb attack in Somali capital appeared first on Shabelle.

Montpellier oo taakeeysay Monaco

0
0

Kooxda Montpellier ayaa u diiday kooxda Monaco fursad ay ku qaban laheyd hogaanka horyaalka dalka France ee Leage 1, kadib marki ay ku celisay bareejo 1-1 ah.

Shevchenko oo Ka Hadlay Kulanka Milan-Roma

0
0

Halyeeygii hore ee kooxda AC Milan Andriy Shevchenko ayaa sheegay in kulanka adag ee Axada dhexmari doona kooxaha Milan iyo Roma uu yahay kulan ka muuhimsan saddexda dhibcood ee loo tartamayo.

Montpellier oo taakeeysay Monaco

0
0

WASHINGTON. D.C --
Kooxda Montpellier ayaa u diiday kooxda Monaco fursad ay ku qaban laheyd hogaanka horyaalka dalka France ee Leage 1, kadib marki ay ku celisay bareejo 1-1 ah.
Gool uu dhamaadkii ciyaarta saxiixay Souleymane Camara ayaa Montpellier u suura geliyay inay hal dhibic ka hesho kooxda difaacaneysa horyaalnimada ee Monaco.
Monaco ayaa hogaanka ciyaarta ku qabatay gool uu u dhaliyayRadamel Falcao, goolkaas ayaa ahaa kii 12-aad ee uu dhalinayo laacibkan u dhashay dalka Colombia xilli ciyaareedkan.
Hadii ay badin laheyd Monaco waxay laba dhibcood ka sara mari laheyd kooxda Paris St-Germain oo ay hadda wada leeyihiin min 19 dhibcood.Paris St-Germain ayaa haddii ay Sabtida ka badiso naadiga Bordeaux waxay sadex dhibcood oo nadiif ah ka sara mari doontaa Monaco.
Ciyaaraha kale ee horyaalka Friace waxay kooxuhu isu arkayaan sidan:
Amiens ? - ? LilleDijon ? - ? StrasbourgGuingamp ? - ? ToulouseNantes ? - ? MetzRennes ? - ? Caen
storvideo: 

Shevchenko oo Ka Hadlay Kulanka Milan-Roma

0
0

WASHINGTON. D.C --
Halyeeygii hore ee kooxda AC Milan Andriy Shevchenko ayaa sheegay in kulanka adag ee Axada dhexmari doona kooxaha Milan iyo Roma uu yahay kulan ka muuhimsan saddexda dhibcood ee loo tartamayo.
Milan ayaa Axada ku martigelin doonto kooxda Roma garoonka San Siro ee magaalada Milano. Kulankaan ayaa muhiim u ah Milan sababtoo ah waxay ciyaari doontaa iyadoo wadata guuldarradi ay todobaadki hore kala soo laabatay Sampdoria oo kusoo garaacday 2-0.
Shevchenko oo la hadlay warbaahinta Top Calcio 24 ayaa sheegay in Milan ay ku qasbantahay in ay badiso kulankan, sababtoo ah buu yiri waa ciyaar natiijadeedu ay saameyn weyn ku yeelan doonto mustaqbalka kooxda.
Ciyaartooyda Milan ee laga soo bixiyay labada boqol ee milyan ee euro iyo tababarahooda ayaa wajahaya cadaadis weyn kadib marki ay lumiyeen laba kulan oo muhiim ahaa xilli ciyaareedkaan.
Qaar ka mid ah warbaahinta Talyaaniga ayaa qoray in hadii Milan laga badiyo ay maamulka kooxda eryi doonaan macallin Montella, iyadoona booskiisa lagu baddali doono tababare Carlo Anceloti oo Khamiistii ay soo ceyrisay Bayern Munich
storvideo: 

Chelsea-Man City Yaa Badin Doona?

0
0

Galabnimada Sabtida iyo habeenkeedaba waxaa dhici doona kulamo xiisa leh oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League. Ciyaarta isha lagu hayo ayaa ah tan fiidkii dhex mari doonta kooxaha Chelsea iyo Manchester City.


Chelsea-Man City Yaa Badin Doona?

0
0

WASHINGTON. D.C --
Galabnimada Sabtida iyo habeenkeedaba waxaa dhici doona kulamo xiisa leh oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League. Ciyaarta isha lagu hayo ayaa ah tan fiidkii dhex mari doonta kooxaha Chelsea iyo Manchester City.
Chelsea waxaa u safan doona laacibkooda Eden Hazard oo aanan si toos ah u safan tan iyo marki uu kasoo kabsaday dhaawac uu muddo bilooyin ah garoomada uga maqnaa. Waxaa kale oo safan doona Perdo oo keydka fadhiyay ciyaarti todobaadki hore.
Laakin Chelsea waxaanan u ciyaari karin David Luiz oo ganaax ku maqan, iyo Danny Drinkwater oo dhaawacan.
Dhinaca Manchester City waxaa ka maqnaan doonaa gooldhaliyahooda Sergio Aguero oo ka jabay feerta kadib marki uu shil la galay baabuur gudaha magaalada Amsterdam Khamiistii.
Waxa sidoo kale dhaawac muddo dheer ah uga maqnaan doona daafacooda Benjamin Mendy iyo Vincent Kompany.
Ciyaaraha kale ee Sabtida waxay kooxuhu u dheelayaan sidan:
Huddersfield Town ? - ? Tottenham HotspurBournemouth ? - ? Leicester CityManchester United ? - ? Crystal PalaceStoke City ? - ? SouthamptonWest Bromwich Albion ? - ? WatfordWest Ham United ? - ? Swansea City
storvideo: 

Saudi women can now issue fatwas: Report

0
0

The newspaper said the landmark move was approved by 107 votes and ends 45 years of only men being able to issue fatwas.
Two days after the historic move to lift the ban on Saudi women drivers, the Shura Council has now voted to allow them to issue fatwas, Arab News reported on Friday.
The newspaper said the landmark move was approved by 107 votes and ends 45 years of only men being able to issue fatwas in the Kingdom.
The female muftis are to be chosen by a royal decree, the paper said.
"The Shura Council approved the recommendation, made by one of its members, during its 49th meeting, calling on the General Presidency of Scholarly Research and Ifta, the only governmental body authorised to issue fatwas in the Kingdom, to open independent sections for women," according to the report.
Women members of the Council last March had demanded that the issuing of fatwas should not be limited to men, through the involvement of female academies specialized in the study of jurisprudence in issuing fatwas.
The Council called on the General Presidency to appoint specialists for the issuance of fatwas, and provide the necessary human and material requirements, asking it to involve specialists in the Islamic Shariah sciences in some of its works.
storvideo: 

Wasiirka amniga oo hal maalin ay uga harsan tahay...

0
0

Muqdisho (- Online) - Waxaa magaalada Muqdisho ka socda Shirar khaas ah oo u dhexeeya Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Somalia Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Saraakiil ka tirsan Hay'adaha amaanka dowlada.
Shirarkani ayaa waxaa magaalada kawada Wasiir Ducaale oo shaki ka muujiyay hanaanka ay Saraakiisha ciidamada u xaqiijinayaan amniga magaalada Muqdisho.
Wasiir Ducaale ayaa Saraakiisha uu shirarka kula jiro ku wargaliyay inaanu u qalmin howsha ay u hayaan dowlada Federaalka ah ee Somalia, isagoo sabab ka dhigay inay xaqiijin la' yihiin amniga goobo kamid ah magaalada Muqdisho.
Wasiir Ducaale waxa uu tilmaamay in weli uu ku taagan yahay ballankiisa ku aadanaa inuu xilkiisa ku weyn doono dilalkii ka dhacay Degmada Xamar weyne.
Wasiir Ducaale waxa uu shirarka socda ka sheegay inuu diyaariyay liiska Saraakiisha wajahi doonta xil ka qaadista ee ku shaqada leh amniga goobaha ay ka dhacaan dilalka iyo Qaraxyada.
"Ujeedka shirarka aan kawado magaalada Muqdisho waa mid aan ugu gogol xaarayo ballanqaadkii aan jeediyay 28ka bishaan ee ahaa in dilalka dhacay aan ku weyn doono xilkeyga isla markaana xilka ay ku weyn doonaan Saraakiil dhowr ah"
"Haddii aan gacanta lagu soo dhigin kuwa amni darada kawada magaalada waxaan u qaadanayaa inaanu jirin Saraakiil u carbisan sugida amniga"
Wasiir Maxamed Abuukar Islaaw, ayaa Saraakiisha u sheegay inay weli heystaan saacado kooban oo ka harsan maalinta Axada oo ay ku eg tahay ballanta, waxa uuna cadeeyay in liiska Saraakiisha xilkooda weyn doona lagu joojin karo keliya in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka danbeeyay dilalkii ka dhacay Xamar weyne.
Geesta kale, Shirarka uu wado Wasiir Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale, ayaa kusoo beegmaaya xili hal maalin ay ka harsan tahay wakhtiga uu Saraakiisha u qabtay inay kusoo qabtaan dadkii ka danbeeyay weerarkii ka dhacay Xamar weyne.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Wasiir shaaciyey in DF ay mooshin u abuureyso...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dowladda Somalia ay ku howlan tahay diyaarinta mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Mooshinka ayaa la sheegay in abaabulkiisa uu ka socdo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, kaa oo ay wadaan Xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo laga mamnuucay inay garan magaalada Baydhabo.
Wasiirka dastuurka maamulka Koonfur Galbeed C/laahi Sheekh Xasan Cali oo ka hadlay arrinta mooshinka ayaa sheegay inay wado dowladda Somalia, waxa uuna cadeeyay in mooshinkaasi ay gadaal ka riixayaan mas'uuliyiin dhowr ah.
Wasiir C/laahi Sheekh Xasan oo u waramaayay Idaacada Dalsan, ayaa tilmaamay in dowladda Somalia laga doonaayo inay faraha kala baxdo howlaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.
"Waxaan ka digeynaa in dowladda Somalia ay carqaladeyso howlaha maamulka, Xildhibaanada la kulmay mas'uuliyiinta ka tirsan Madaxtooyada waxaan uga digeynaa in loo adeegsado burburinta maamulkooda"
Sidoo kale, Wasiirka ayaa dowladda Somalia ugu baaqay inay carqalada ka joojiyaan maamulka Koonfur Galbeed iyo maamulada kale, waxa uuna ku taliyay inaan leyska horgeyn madaxda maamulada.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan ayaa beeniyey inay is hortaagen xildhibaaano Baydhaba u safri lahaa.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Ducaale: Waxaa jira hal koox oo nooga xanuun badan...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Wasiirka amniga Somalia Maxamed Abuukar Islow "Ducaalle", ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wada shaqeynta Alshabaab kala dhexeysa madbacadaha qaar ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho.
Wasiir Ducaalle waxa uu sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab ay wada shaqeyn gaara kala dhexeyso milkiilayaasha iyo howlwadeenada madbacadaha qaar ee ka shaqeeya magaalada.
Waxa uu Wasiirku sheegay in madbacadaha qaar ay daabacaan warqadaha Alshabaab sida digniinada loo jeedinaayo dhalinyarada, waxa uuna cadeeyay inaanu suuragaleynin wada shaqeynta noocaasi ah.
"Waxa aan aragnay waxaa kamid ah madbacado qaata amarka Alshabaab ee daabaca warqadaha hanjabaada, balse diida warqadaha ay dowladdu u baahan tahay"
"Kuwa ku shaqeysta daabacaada ceynkaasi ah waxa ay nooga daran yihiin Alshabaabka aan kula jirno dagaalka, waayo waa cadow qarsoon oo ka ficilo xanuun badan Alshabaabka muuqda"
Wasiir Ducaale waxa uu cadeeyay in madbacadaha faraha kula jira shaqooyinka Alshabaab ay ula dagaalami doonaan si ka daran dagaalka ay kula jiraan Alshabaabka hubeysan ee kasoo horjeeda nabada Somalia.
Sidoo kale, Wasiir Ducaale ayaa ciidamada ugu baaqay in howlgalkooda ay ku daraan baaritaanka madbacadaha iyo goobaha suuragalka ah ee loogu adeegi karo Alshabaab.
Haddalka Wasiirka amniga ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan magaalada Muqdisho laga sameeyay howlgalo ka dhan ahaa madbacadaha daabaca fariimaha Alshabaab.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live