Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xildhibaano Sheegay in Ay Xilkii ka Qaadeen...

$
0
0

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Gal-Mudug Ayaa Goordhow Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulka Gal-Mudug Cali Gacal Casir.
Xildhibaanadaan oo Tiradooda lagu Sheegay 52 Xildhibaan Waxaana ay isku raaceen in Gacal Casir ay kalsoonidii kala laabteen.
Dhanka kale Xildhibaanada ayaa sheegay in xilkii ay ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka Gal-Mudug Maxamed Xaashi Cabdi 49 ayaa ka qaaday halka 3 kalena ay ka aamuseen Sida la sheegay.
Wali Gacal Casir kama hadlin Xil Ka qaadistaasi lagu sameeyay .
Dhowaan Xildhibaano katirsan Gal-Mudug ayaa xilkii waxa ay sheegeen in ay ka qaadeen Axmed Geelle Ducaale Xaaf inkastoo uu diidayXasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post
The post Xildhibaano Sheegay in Ay Xilkii ka Qaadeen Madaxweyne ku Xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Gal-Mudug appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Gudoomiyaha Golaha shacabka JFS oo kulan la qaatay...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Qaahira(SONNA)-Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalinkii labaad booqasho rasmi ah ku jooga Magaaladda Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa maanta xarunta golaha baarlamaanka dalkaas kulan gaar ah kula qaaatay gudoomiyaha golaha Baarlamanka ee dadka Masar.
Labada gudoomiye ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee soomaaliya iyo Masar iyo sidii labada baarlamaan ay iskaashi wada shaqeyneed ay u yeelan lahaayeen iyo sidoo kale guud ahaan iskaashiga labada Baarlamaan.
Sidoo kale labada gudoomiye ayaa wada yeeshay kulan ay goob joog ahaayeen gudoomiyaasha gudiyada joogtada ah ee labada Baarlaamaan, ayagoo isku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan horumarinta labada baarlamaan,waxaana isla goobta ay labada gudoomiye ku wada saxiixdeen heshiis ku saabsan wada shaqeyn iyo sidii ay isku dhaafsan lahaayeen aragtiyada lagu horumarinayo Baarlamaanada labada Wadan.
Intaasi ka dib gudoomiyaha golaha shacabka iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galay kulan qada sharaf ah oo uu gudoomiyaha baarlamaanka dalkan masar ugu sameeyay xarunta baarlamaanka Masar ,waxayna wafdiga gudoomiyaha ay sidoo kale booqdeen madxaf taariikho kala duwan ay yaalaan oo ku yaala Magaalada tan Qaahira.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxda Wasaaradda Warfaafinta oo si diiran u soo dhaweeyay Fanaanadda Qaran ee Maryan Mursal "SAWIRRO"

storvideo: 

Puntland:- Shacab deyn ku sheegayana Dowlada...

$
0
0

Ganacsato,Jaamacaddo,Warbaahin iyo Qaar ka mid ah bulshada ku nool magaalada Garowe oo maanta shir jaraa,iid qabtay ayaa dhambaal cabasho u direy Baarlamanka iyo Xukuumadda Dowlada Federalka Somalia ka dib markey sheegeen in lagu guuldareystay wax ka qabashada bixinta deymo kharash ah oo ay leeyihiin ka dib heshiis ay wada galeen Guddiyaddii Doorashada Dadban 2016 ee Puntland ka xulay Xildhibaanada Aqalka hoose.
Afhayeen u hadlay dadka deynta ku sheeganaya Dowlada Somalia oo lagu magacaabo Ibraahim Wadani ayaa sheegay in muddo ka badan sanad ay ka war dhawrayeen sidii looga soo jawaabi lahaa arrintan, balse aan weli lagu guulaysan.
Ibrahim Musse Dahran ayaa fariin gaar ah u direy Gollaha Xildhibaanada oo uu ka codsadey inay u istaagaan kasoo jawaabida deynta ka maqan dadkii lahaa meherado iyo kuwo heshiisyo wada shaqeyn ay la galeen guddigii doorashada dadban ee heer Puntland usoo magacawday Dowlada Federalka Somalia.
Kuma aysan sheegin shirka jaraa,iid inay kala mid yihiin arrintan heshiisyadii dhigooda lagu-la galay Dowlad Goboleedyadda kale ee lagu qabtey Doorashadii lagu soo xulay Xildhibaanada Aqalka hoose.
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Puntland:- Shacab deyn ku sheegayana Dowlada Federalka Somalia appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dhageyso: Xaaf oo Si Kulul u Weeraray Dowlada...

$
0
0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qalqal gelisay Ammaanka Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Galmudug.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay hubeysay Maleeshiyo beeleed ku sugan degaanada maamulka Galmudug si ay xilka kaga tuuraan.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degaanada Galmudug loo adeegsaday qalqalgelinta Amniga Cadaado.
Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay faragelin qaawan ay ku heyso degaanada maamulka Galmudug.Ku Dhageyso Mobilkaga.Ku Dhageyso Mobilkaga.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Xildhibaanada Galmudug oo xilkii ka qaaday MD ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka

$
0
0

Cadaado (Sh M Network)—Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa codka kalsoonida kala laabtay Gudoonka Baarlamaanka, Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey).
Kulanka Baarlamaanka uu shir guddoominayay Ku Xigeenka Guddoonka Baarlamaanka, Xareed Cali Xareed ayaa waxaa soo xaadiray 59 Xildhibaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Maamulka Galmudug.
Mudane Cali Nuur oo ka mid Xildhibaanada Galmudug oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in 52 Xildhibaan ay u codeeyeen xil ka qaadista Guddoonka Baarlamaanka halka 57 Xildhibaanna ay codka kalsoonida kala laabteen Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey).
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Xildhibaan Cali Nuur waxuu tilmaamay in Mudaneyaasha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ay codka kalsoonida kala laabteen labadan mas’uul kadib markii sida uu sheegay ay khilaafeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.
Dhinaca kale, Ku Xigeenka Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug, Xareed Cali Xareed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sharci ku tilmaamay xil ka qaadista lagu sameeyay labada mas’uul.
Sikastaba, khilaaf siyaasaadeed ayaa muddooyinkii dambe ka dhex aloosnaa Maamulka Galmudug, iyadoo xusid mudan in xalinta khilaafkaasi ay isku xilsaareen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.
 
 
The post Xildhibaanada Galmudug oo xilkii ka qaaday MD ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka appeared first on Shabelle.

Daawo :Xukuumadda Oo Hakkisay Dacwadihii Dhulka Inta...

$
0
0

Xukuumadda Oo Hakkisay Dacwadihii Dhulka Inta Doorashada Ka Hadhay .
Hoos Ka Daawo Muuqaalka .
[embedded content]
storvideo: 

Xildhibaanada Galmudug oo xilkii ka qaaday MD ku...

$
0
0

Cadaado (Sh M Network)--Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa codka kalsoonida kala laabtay Gudoonka Baarlamaanka, Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey).
Kulanka Baarlamaanka uu shir guddoominayay Ku Xigeenka Guddoonka Baarlamaanka, Xareed Cali Xareed ayaa waxaa soo xaadiray 59 Xildhibaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Maamulka Galmudug.
Mudane Cali Nuur oo ka mid Xildhibaanada Galmudug oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in 52 Xildhibaan ay u codeeyeen xil ka qaadista Guddoonka Baarlamaanka halka 57 Xildhibaanna ay codka kalsoonida kala laabteen Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey).
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Xildhibaan Cali Nuur waxuu tilmaamay in Mudaneyaasha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ay codka kalsoonida kala laabteen labadan mas'uul kadib markii sida uu sheegay ay khilaafeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.
Dhinaca kale, Ku Xigeenka Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug, Xareed Cali Xareed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sharci ku tilmaamay xil ka qaadista lagu sameeyay labada mas'uul.
Sikastaba, khilaaf siyaasaadeed ayaa muddooyinkii dambe ka dhex aloosnaa Maamulka Galmudug, iyadoo xusid mudan in xalinta khilaafkaasi ay isku xilsaareen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.
storvideo: 

Daawo: Siday u dhacday Xafaladii Xilka Ay kula kala...

$
0
0

Daawo: Siday u dhacday Xafaladii Xilka Ay kula kala wareegayeen Ku Simaha Badhasaabki hore ee Gobolka Awdal iyo Kan Cusub
[embedded content]
storvideo: 


Daawo: Qaar ka mid ah Demooyinka Bariga Togdheer Oo...

$
0
0

Daawo: Qaar ka mid ah Demooyinka Bariga Togdheer Oo Taageero u Muujiyey Xisbiga Wadani soona Dhaweeyey Wafti ka socdaa xisbigaasi
[embedded content]
storvideo: 

Xilibaanada taageersan Xaaf oo sheegay iney xilkii...

$
0
0

Xildhibaano taageersan Madaxweynaha xaalku ku xun yahay ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa shaaciyey iney xilkii ka qaadeen Madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey & Cali Gacal Casir.
Labadan masuul ayaa ka soo horjeestay dhowaan Madaxweyne Xaaf ka dib markii uu taageeray xulufada Sacuudiga iyo Imaaraatka ee xiriirka u jaray Qatar.
Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Baarlamanka Galmudug ayaa guddoomainyey xildhibaanada shaaciyey xilka qaadista labadan masuul.
Xildhibaanada taageersan Xaaf ayaa sheegaya in kulamada xilka qaadistan sameeyey ay soo xaadireen 52 xildhibaan balse ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya.
Maalmo ka hor ayey aheyd markii Xildhibaano kale oo ka tirsan Galmudug ay shaaciyeen iney xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf inkastoo uu ku gacan seyray, waxaana xildhibaanadan ay galabta magacaabeen guddi qaban-qaabo oo soo diyaariya doorashada Madaxweyne cusub.
Arimahan oo dhan ayaa muujinaya fowdada siyaasadeed ee ka aloosan dowlad goboleedka Galmudug kuwaasoo haatan gaaray meel a ay adagtahay in wax laga qabto.
storvideo: 

Sawirro: Muqdisho oo lagu soo bandhigay Taarikooyin...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Is-kaashatada Booyadleyda Hargeysa oo Taageero...

$
0
0

Hargeysa(ToggaHerer)-Is-kaashatada booyadleyda caasimadda Hargeysa biyaha u dhaamisa ee DEDAAL, ayaa shaaca ka qaaday inay si buuxda u taageersan yihiin xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.Isu soo bax ballaadhan oo is-kaashatadan oo lagu magacaabo DEDAAL oo ka hawlgala dhammaanba waaxaha ay caasimadda Hargeysa ka kooban tahay, ayey shaaca kaga qaadeen inay taageero laxaad leh u hayaan xisbiga KULMIYE, maadaama oo uu wax badan ka qabtay dariiqyada kala duwan ee dalka, isla markaana uu barnaamij-siyaasadeedkiisa cusub kusoo daray dayac-tir ballaadhan oo waddooyinka dalka isaga goosha ka muuqda.Munaasibadda ay is-kaashatada booyadleyda caasimadda Hargeysa ee DEDAAL ku muujinayeen taageeradooda oo ka qabsoontay Degmada Ibraahim Koodbuur ee caasimadda Hargeysa, ayey kusoo safeen boqolaal kamid ah gaadiidkooda booyadaha ah oo uu ka babanayo calanka astaanta u ah xisbiga KULMIYE dariiqa 150-ka, waxana ay halkaas ku marti qaadeen xubno sarsare oo xisbiga iyo xukuumadda isugu jira oo ay kamid yihiin guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil, ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Hadhiye, wasiirka wasaaradda caddaaladda Md. Axmed Faarax Caddarre, madaxda xisbiga KULMIYE u qaabilsan degmada Ibraahim Koodbuur iyo xubno kale, waxana ay halkaas ku caddeeyeen inay taageero hiil iyo hooba leh la garab geli doonaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.Xubno ku hadlayey magaca is-kaashatada booyadleyda ee DEDAAL oo madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday waxqabadka xukuumadda KULMIYE ee la xidhiidha dayactirka iyo binaynta waddooyinka cusub ee meelo badan oo dalka kamid ah iyo sida looga raystay dhibaatadii dariiq-xumadu ku keenaysay gaadiidka kala duwan ee gobollada dalka iskaga kala goosha.Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa is-kaashatada booyadleyda ku bogaadiyey go'aanka ay ku taageereen xisbiga KULMIYE, waxana uu sheegay inuu KULMIYE mar walba muhiimad gaar ah siinayo dayac-tirka waddooyinka kala duwan ee dalka ku yaalla.Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre oo isaguna madasha hadal ka jeediyey, ayaa iskaashatada booyadleyda caasimadda ee DEDAAL ku hambalyeeyey taageeradooda ay u muujiyeen xisbiga KULMIYE, waxana uu tilmaamay in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisuba maanka ku hayaan muhiimadda ay bulshada u leeyihiin is-kaashatada biyaha u dhaamisa caasimaddu.
storvideo: 

Kooxda indha indheysa xaalada Suuriya oo sheegtay in...

$
0
0

Kooxda la socota dhaqdhaqaaqyada dalka Suuriya ee fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa sheegay in bishiii Septembar ee aynu soo dhaafnay ay aheyd bishii ugu dhimashada badneyd tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye ee dalkaasi.
Inkabadan saddex kun oo qof oo ay kamid yihiin sagaal boqol iyo konton qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka.
Kooxdu waxaa ay sheegtay in boqolkiiba toddobaatan dadka dhintay ay sabab u tahay weerarada dhanka cirka ee ay fuliyeen xooggaga dowladda, Ruushka iyo xulafada uu hogaamiyo Mareykanka.
Kooxda indha indheysa xaaladda Suuriya waxay beesha caalamka ugu baaqday inay sameyaan wax walba oo lagu joojin kara dhiigga daadanaya, isl amrkaaan caddaaladda la hor keenaan cid walbo mas'uul ka ah dhimashada dadkla rayidka.
Sidoo kale kooxdu waxaa ay sheegtay in dagaalyahanada isugu yeera khilaafada Islaamka ee ISIS ay fuliyaan dilal qorsheysan, halka xukuumada Dimishiq na ay jirdil nafta uga qaado kuwa ka soo horjeeda.
Khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda dalka Suuriya ayaa sare u kacay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, maadaama dowladda Suuriya, Ruushka iyo xulafada Mareykanka ay sii kordhiyeen weerarada ay ku hayaan kooxda ISIS.
storvideo: 

Rabshado ka dhashay aftida Catalonia ee dalka Spain

$
0
0

Duqa magaalda Barcelona ee dalka Spain ayaa sheegay in ugu yaraan afar boqol iyo lixdan qof ay dhaawacmeen kaddib markii booliska dalkaasi ay sameyeen howgal ballaaran oo ay ku joojinayaan afti dadka kunool gobolkaasi ay ku doonayaan inay kaga go'aan Spain inteeda kale.
Laamaha ammaanka ayaa dadka ka hor istaagay inay gudaha u galaan goobaha codbixinta. Kooxaha adeegyada deg dega ee gobolka Catalonia ayaa sheegay inay daaweyeen dad badan oo ku dhaawacmay rabshadaha u dhaxeeya booliska iyo dadka Catalonia. Booliska ayaa na la sheegay in rabshadahani ay u adeegsadeen rasaasta cinjirka.
Hogaamiyaha gobolka Catalonia Mr Carles Puigdemont ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid sumcad xuma ku ah maamulka Madrid, waxaana uu sheegay in aysan marnaba ilaawi doonin ficilada ay sameyeen booliska.
Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee Spain ayaa Carles Puigdemont ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray falkani micna darrada.
Carles Puigdemont ayaa ku baaqay in wadaxaajood lagu xaliyo khilaafka kala dhexeeya xukuumadda Madrid ee ku salaysan aftida madax bannaanida.
Puigdemont ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in natiija kasta oo kasoo baxda aftidani ay weli muhiim tahay inay wadahadal la galaan dowladda dhexe ee Spain.
Dadka kunool gobolkaasi ayaa saaka bilaabay inay safaf dhaadheer u galaan goobaha codeynta aftida madaxbanaanida ee ay mamnuucday dowlada dhexe.
Xukuumadda Madrid ayaa wacad ku martay in ay is hortaagi doonto afitida gobolka Catalonia.
storvideo: 

Beelweynta Cabdi Ciise iyo Bahohiisa oo Cudud...

$
0
0

Hargeysa(ToggaHerer)-Beelweynta Cabdi Ciise iyo Bahihiisa(Ciidagale), ayaa taageero laxaadleh u muujisay xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.Munaasibad ballaadhan oo ay beeshani maanta ku qabatay Hutel Ambassador ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka qaybgaleen cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka, haldoorka, haweenka, dhallinyarada iyo labeenta beesha Cabdi Ciise iyo Bahohiisa, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo xubno kamid ah hoggaanka xisbiga, wasiirro, Agaasimayaal guud, xildhibaanno, ganacsato iyo haldoor kale oo xisbiga KULMIYE katirsan, ayey beeshani shaaca kaga qaaday inay cod, cudud iyo cuudba la garabgeli doonto xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.Xubno kamid ah madax-dhaqameedka beeshan oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay sida ay beel ahaan isugu raacsan yihiin taageerada xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, islamarkaana ay iyaga oo gacmaha is haysta diyaarka ugu yihiin inay qayb ka qaataan guul uu xisbiga KULMIYE ka gaadho doorashooyinka madaxtinimo ee dalka kusoo foolka leh.Haldoor madax-dhaqameed ah oo kasoo jeeda beelweynta Cabdi Ciise iyo Bahohiisa oo ay kamid yihiin Caaqil Cumar Cabdi, Caaqil Abshir Yuusuf, Caaqil Cabdilaahi Ismaaciil, Chief Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar iyo Xasan Qarbooshe oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa murrashax Muuse Biixi iyo xisbiga KULMIYE-ba ugu bushaareeyey inay ku talo galaan cudud taageero oo ballaadhan oo ay la garab galaan, isla markaana ay beel ahaan geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli lahaayeen sidii uu KULMIYE u guulaysan lahaa.Garaadka guud ee beesha Cabdi Ciise iyo Bahohiisa Garaad Mustafe, ayaa isaguna ku dheeraaday sida ay beeshu ugu diyaarka tahay inay taageero ballaadhan la garab gasho xisbiga KULMIYE, waxana uu intaas ku daray inay si weyn ugu qanacsan yihiin waxqabadka xukuumadda xisbiga KULMIYE hormoodka u yahay dalka ka hirgelisay.Siyaasiyiin ay kamid yihiin Yuusuf Maxamuud Guuleed, guddoomiyaha KULMIYE ee degmada Maxamuud Haybe Md. Khaalid Cawil, Baashe Yuusuf Cadde, Maxamed Yaasiin Askar, Cali Cumar Guuleed, ayaa tilmaamay inay beel ahaan horeba caan ugu ahaayeen taageerada KULMIYE, waqtigan ay laban-laabayaan taageeradooda.Wasiirka wasaaradda Xannaanada xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir )Cukuse) oo isaguna madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa farta ku fiiqay xidhiidhka soo jireenka ah ee uu xisbiga KULMIYE la lahaa beesha Cabdi Ciise iyo Bahohiisa, waxana uu bogaadiyey go'aanka beeshu ku gaadhay inay xisbiga KULMIYE taageerto.Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo madasha soo gunaanaday, ayaa beesha Cabdi Ciise iyo Bahohiisa ku bogaadiyey taageerada ay KULMIYE u muujiyeen, isaga oo sharraxay qaybo kamid ah hiigsiga xisbiga KULMIYE, "Waxa inoo himilo ah inaynu dalkeena gudihiisa iyo dibaddiisaba adkayno oo inanta Somaliland meel kasta oo ay joogtaba aanay ammaankeeda ka warwarin oo uu qaranku ballan qaado qof walba hantidiisa iyo naftiisaba iyo inaanu cadow dambe usoo hunguroonin qarannimada Somaliland ee aad ogtihiin qiimaha ay inagu joogto oo dhaqaalaha kor loo qaado, dhaqaaluhuna waxa uu kor ugu qaadmayaa inaynu noqono umad iyadu wax soo saarta, waayo ummad wax walba dibadda ka keentaa xor noqon maysee waxa aynu u baahanahay inaynu tacabka ku jeedsanno, Dawladduna taas dhiirrigeliso, dhallinyaraduna aaminto," ayuu yidhi gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.
storvideo: 


Akhriso Golaha Wasiirada Galmudug oo 9 qodob kasoo...

$
0
0

Cadaado (- Online)-Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug gelinkii dambe ee maanta ku shiray Golaha Wasiirada maamulka.
Shirka Golaha ayaa waxaa looga hadlay go'aankii ay Xildhibaanada qaar xilalkii uga qaadeen Hogaamiye Ku-xigeenka maamulka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Shirka ayaa waxaa shir Gudoominayey Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle "Xaaf", waxaana shirkaasi laga soo saaray qodobo dhowr ah oo khuseeyay xaalada uu ku jiro maamulka.
Waxyaabah ay Goluhu isla soo qaaden ayaa waxaa kamid ahaa gogosha ay ballanqaaday Jubbaland taa oo go'aano looga gaarayo caqabadaha soo wajaha maamulka iyo go'aanada dowlada Federaalka.
HOOS KA AKHRISO 9 QODOB EE LAGA SOO SAARAY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA MAAMULK.
1-In ay si buuxdo u ayideen go'aankii Barlamaanka DGGM 30-09-2017 ee ka dhacay Xarunta KMG ee Cadaado.
2-Golaha Wasiirada waxaa ay ayidayaan go'aanka Maxkamadda Sare Galmudug ee ka qadatay kooxdii afgambiga dhicisobay soo abaabushay ee ay ugu yeertay in ay sharciga horyimaadaan.
3-Golaha wasirada waxa ay ka digayaan cawaqib xumada ka dhalan karta in kooxdii laga so abaabulay villa Somalia ay soo saaraan go'aano kale kuwaas oo qalqalin kara amniga.
4-Golaha wasirada waxa ay so dhaweynayaan gogosha kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland u fidisay Dowlad Goboleedyaa si looga wada xaajoodo xaladaha adag ee siyasadeed ee dalku uu wajahaayo kuwaas oo dib u dhac ku keeni kara qorshoyaalkii horumarineed ee la hiigsanayey.
5-Dowlada Federalka ee Somalia waxaa uu goluhu uso jedinaa inay ilaaliso hanaanka federal-ka dalka isla markaana ay ka shaqeyso xasilooni siyaasadeed taas oo dalka u horseedi karta horumar iyo midnimo.
6-Golaha Wasiirada waxa ay soo dhaweynayaan dadaalka IGAD ee wada hadalka ASWJ iyo Galmudug iyadoo laga codsanayo in la dadajiyo si midnimada iyo wada jirka bulshada Galmudug loo gaaro.
7-Golaha Wasiirada waxa ay ugu baqayan Dowladda Dhexe iyo saxiibada Dowlad Goboleedyada in Galmudug lagu taageero hannaanka sharciga iyo kala dambeenta, isla-markaana ay tixgaliso tabashada Dowlad Goboleedyada Dalka.
8-Ururka Goboleedka IGAD, AU, UNSOM iyo dhammaan saxiibada beesha calamka waxaa laga codsanayaa inay laba jibaaran taageeradooda Somaliya, iyadoo weliba dalka uu ku jiro xaalad adag ee abaareed.
9-Saxaafadda madaxa banaanka ee ka hoolgasha Galmudug waxaa looga digayaa sii deynta warar kasta oo abuuri kara xiisad siyaasadeed ama amni daro, isla-markaana ka soo horjeeda siyaasada dowladda.
Dhinaca kale, Wasiiradu waxa ay hoosta ka xariiqeen in lama huraan ay tahay in shirkaasi loo diro wafdi matala maamulka oo qeyb ka noqda shirka.- OnlineXafiiska Cadaado-@live.com
storvideo: 

Daawo: Nuxurkii Ay Xambaarsaday Khadubad Dhinacyo...

$
0
0

Daawo: Nuxurkii Ay Xambaarsaday Khadubad Dhinacyo badal Taabanaysay oo Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Eng Xirsi Cali uu ka jeediyey Shirkii Beesha Biciido
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Suldaan Cismaan Cali Madar Oo Fariin u diray...

$
0
0

Daawo: Suldaan Cismaan Cali Madar Oo Fariin u diray Xisbiyada Iyo Kommishanka Somaliland Sidoo kalena Faray dadka in ay Nabadgelyadooda ilaashadaan
[embedded content]
storvideo: 

DHAGEYSO Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle

Daaswo: Shirkii Beesha Biciido oo Soo Gabgaboobay...

$
0
0

Daaswo: Shirkii Beesha Biciido oo Soo Gabgaboobay iyo Madaxdhaqameed Wasiiro iyo Xubno ka socda Xisbiyada oo ka hadlay Goobtaasi
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live