Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo Muuqaal: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo...


Maxaa ka soo baxay Aftida Catalonia?

0
0

Mas'uuliyiinta gobolka Catalonia ayaa shaaciyey in 460 ruux ku dhaawacmeen rabshado ka dhashay aftidii saaka,kadib markii Booliiska Spain awood u adeegsadeen codbixiyaasha,halka xukuumadda Spain sheegtay in 12 ka kamid ah ciidanka ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi.
Af-hayeen u hadlay gobolka ayaa Booliiska ku eedeeyay in ay rasaasta cinjirka iyo budad u adeegsadeen dadkii codkooda ka dhiibanayey aftida madax-bannaanida gobolka,taasoo keentay in dhaawaca 460 ruux oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan.Waaxda gurmadka deg degga ah ee Catalonia ayaa laga soo xigtay in dadka dhaawacmay badankooda ay is-buurteen,halka qaar kalena ay ku neef qabatimeen qiiq ay jiideen.
Muuqaal la soo geliyey Youtube-ka ayaa waxaa ka muuqda Booliiska oo garaacaya qaar kamid ah codbixiyaasha oo ay ku jiraan dad da' ah iyo haween.Ciidanka ayaa xoog ku xiray xarumo badan oo aftida laga qaban lahaa,inkastoo taasi aanay gebi ahaanba joojin codbixinta.
Magaalada Madrid,Wasiirka Arrimaha Gudaha Spain ayaa shir jaraa'id ka sheegay in 12 ka tirsan ciidanka ay dhaawacmeen,kuwaasoo la tacaalayey rabshadaha ka dhashay aftida madax-bannaanida Catalonia oo uu ku tilmaamay" mid sharci-darro ah oo dastuurka jebinaysa".
Codbixintii saaka waxaa u soo baxay dad garaaraya 5.3 malyan oo qof,waxaana la saadaalinayaa in tirada ugu badan"Haa" u codayso,taasoo ka dhigan madax-bannaani.Mas'uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in haddii madax-bannaani loo codeeyo ay go'i'doonaan muddo 48 saac gudahood ah.
Rabashadaha saaka ayaa bilowday,kadib markii ciidanka Booliiska Spain ay hawlgal ballaaran ku qaadeen codbixiyaasha oo safaf dhaadheer ku jira,si ay u kala cayriyaan,taasoo keentay dhaawac badan oo soo gaaray dadkii rayid ka ahaa. Hoggaamiyaha Catalonia Carles Puigdemont ayaa xukuumadda Madrid ku eedeeyay in ay beegsatay dad rayid ah aan hubaysaneyn oo masiirkooda u codaynayey,wuxuuna ku tilmaamay "fal aan la illaawi doonin".
Puigdemont ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada-xaajood ay la galaan xukuumadda Spain,xataa haddii aftida loo codeeyo madax-bannaani,maadaama sida uu hadalka u dhigay weli arrimo muhiim ah ka dhexeeyaan labada dhinac.
Duqa magaalada Barcelona Ada Colau ayaa ka dalbaday Ra'iisalwasaaraha Spain Mariano Rajoy in uu si deg deg ah isu casilo,maadaama sida uu sheegay uu mas'uul ka yahay dhibaatada ay geysteen Booliiska Spain,laakiin Mr:Rajoy ayaa hadalkaasi ku tilmamay"wax lagu qoslo",wuxuuna sheegay in aan afti sharci-darro ah dalkiisa boos uga bannaaneyn.
Dhinaca kale waxaa maalintii labaad muddaharaadyo waaweyn ka socdaan magaalada Madrid ee caasimadda Spain,kuwaasoo looga horjeedo aftida madax-bannaanida Catalonia.Dadka ayaa sita boorar ay ku qoran yihiin"ma ogolin inqilaab" iyo "midnimaa na deeqda".
Maxkamadda dastuuriga ah ee dalka Spain ayaa dhowaan soo saartay go'aan ay ku mamnuucday aftida madax-bannaanida Catalonia,maadaama ay ku tilmaantay"sharci-darro".Go'aanka soo baxay ayaa saameeyey shirkadaha debadda,kadib markii Google tirtirtay app-kii loo isticmaali lahaa codbixinta aftida,iyadoo sheegtay in ay qabto amar maxkamadeed.
Qodobka 1978 aad ee dastuurka Spain ayaa dhigaya"in dhammaan 17 maamulgoboleed ee dalka oo ay ku jirto Catalonia ay ku midaysan yihiin dal weynaha Spain,waana qodobka ay cuskatay maxkamadda.
Gobolka Catalonia wuxuu kamid yahay 17 maamulgoboleed oo ay ka koobantahay Spain.waxaa ku nool 7.5 malyan oo ruux.Waa gobol qani ah,oo leh luuqad iyo dhaqan u gaar ah.Ilaa iyo xad isaga ayaa maamusha arrimihiisa gudaha,laakiin in muddo ahb wuxuu raadinayey madax-bannaani buuxda.
Aftida maanta ayaa la filayaa in natiijadeeda lagu dhawaaqo saacadaha soo socda,inkastoo ay carqalad weyn kala kulantay xukuumadda Spain,waxaana xilligaan socda tirinta codadka,iyadoo ilaa iyo haatan natiijada horu-dhaca ah muujinayso in gobolku u codeeyey madax-bannaani.PUNTLANDPOSTW/Q:Cabdiraxmaan Ciise Cumar
The post Maxaa ka soo baxay Aftida Catalonia? appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

DHAGEYSO Barnaamijka Qubanaha Wararka ee Idaacadda Shabelle

Gudaha Ka Eeg :“Shirka Beelaha Biciide Yoonis, Iyo...

0
0

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo hogaamiyey wefti balaadhan oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo ayaa maanta ka qayb galay gunaanadka shir beelaha Beelaha Biciide Yoonis, Iyo Buraale Yoonis ee beesha Habarjeclo ay ku lahaayeen deegaanka Dooxa Dagaar ee gobolka Sanaag.
Shirka oo maanta soo gabogaboobay isla markaana go'aamo laga soo saaray ayaa waxa khudbad ka jeediyey Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi waxaannu yidhi " Waxaan halkan ka salaamayaa dhammaan marti sharafta qiimaha badan ee madashan isugu timid, haday tahay beeshii marti-qaadka lahayd iyo intii lagu marti qaaday, si gaar ah waxaan u salaamayaa waxgaradka cuqaasha, salaadiinta guud, madaxda halkan inala joogta iyo masuuliyiinta dawladda dhamaantoodba waxaan leeyahay Asalaamu Calaykum. Shir aad u qiimo badan weeye, adoomuhu ILAAHAY dhulka markhaati ayey ugu yihiin, wixii laga markhaati kaco ee ummaddu isku raacdo waa wax sugan, wax riyo iyo been ah iskuma raacdo, waxaanu qiraynaa in shirkani uu yahay shir qiimo badan oo wax wanaagsani ka soo baxeen, sidaa darteed waxaannu la qabnaa waxgaradkii, beelihii iyo guurtidii halkan ka hadashay ee lagu soo marti qaaday hadaanu nahay Xukuumadda Somaliland, waxaanu soo dhawaynaynaa dhammaan go'aamadii halkan ka soo baxay, waxaanu taageeraynaa go'aamadii wanaaga iyo wada-noolaasha ummadda gobolka Sanaag iyo bulshada Somaliland dhammaanba saameynta ku lahaa."
Wasiir Xaashi ayaa intaasi ku daray " Beeshani waa beel caan ku ah nabadda iyo guurtinimada, halkan kama filayno dad, dadku ka filayey shar, mar hadii ay isu yimaadeen waxgaradkii, aqoonyahankii iyo miidii beelaha Biciide Yoonis, iyo Buraale Yoonis, golaheenan maanta iyo halkan ayey ka muuqataa, waxaanu leenahay hambalyo, waannu bogaadinaynaa, waxa u qarsoon ee halkan laga sheegayna waa wixii ay gaarka u lahaayeen, sharna ka fili mayno, " War xumi dugsi ma fadhiisto ayaa la yidhi", haday xumaan halkan ku qarinayaan Ummaddaas oo dhan halkan isugumay yeedheen, waanu bogaadinayaa shir gudoonkii shirka sida wanaagsan isugu duba-riday, guddidii qaban-qaabada, ergooyinkii iyo salaadiintii beesha dhammaanba waanu bogaadinaynaa."
Mudane Maxamuud Xaashi ayaa jeedta kalena ka hadlay bilowgii shirkan oo lagu kala aragti duwanaa iyo kaalintii ay ku lahaayeen isugu soo dhawyantii dhinacyadii isku hayey waxaanu yidhi " Shirkani wuxuu ahaa shir wakhti xasaasi ah la qabtay, beelaha Biciide Yoonis iyo Buraale, waxa jirta markii shirka la qaban-qaabinayey in lagu kala aragti duwanaaday qabashadiisa beelaha Baciide iyo Buraale ma jirin cudur, caqiibo xumo iyo dhibaato dhex taalay, kumanana ogin qaybsan siyaasadeed iyo khilaaf dhaqan, laakiin waxa lagu kala aragti duwanaaday waar shirka ma hada ayeynu qabanaa wakhtigan mise dib ayeynu u dhignaa, arintaas waxa laga yaabaa in dad badani ay hadalo talantaali ah ka arkeen warbaahinta, waxaan ku bogaadinayaa salaadiintii iyo guurtidii xalisay, waxaanu ka mid ahayn dadkii isu jiiday ee aragtidaa ka shaqeeyey in khilaafkaas la bi'iyo shirkuna uu wakhtigan qabsoomo, waxaanu ku kalsoonayn in aan wax xumaani ahi ka soo bixi doonin, Dawladduhu wax ka shaki badan, hadaanu balo ku ognahay dee maanu ururineen."
Wasiirka Arrimaha Madaxtooyada ayaa geesta kalena iftiimiyey sababta ay Xukuumad ahaan uga qayb galaan una dhiiri galiyaa shirarka ay beelaha dalka qabsadaan waxaanu yidhi "" Siyaasada Xukuumadda Axmed Siilaanyo waxa weeye inay dhiiri-galiso bulshada Somaliland, bulshadu waxay u samaysay tahay, qoys iyo beelo ayaa qarankani ka kooban yahay, qabyaalada ma dhiiri-galino, hasayeeshee Hawraareey ninba si kuu qaaday ayaa la yidhi, waxaanu dhiiri-galinaa inay beeluhu ururaan wax qabsadaan, amniga ka shaqeeyaan, horumarkooda ka shaqeeyaan, beeshan oo kaliyana maaha ta aanu dhiirigalinay, ee dhammaan beelaha Somaliland oo dhan weeye, maadaama oo aannu nahay Xukuumadii tallada dalka haysay, siyaasada Madaxweynuhu waxa weeye in lagu dhiirigaliyo shirarkaas, gunaanadkooda waxaanu la tagnaa duco iyo dardaaran."
Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena u jawaabay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi C Xasan oo ku baanay inay xisbiga Waddani uu cod weyn ka heli doono gobolka Sanaag, waxaanu yidhi Mudane Xaashi "Maanta halkani madal siyaasadeed maaha duco iyo hambalyo in laga yidhaa ayuubaa mudan, waxaanu leenahay reerkani waa reer weyn oo ballaadhan oo daga ilaa sadex gobol oo dalka ka mid ah, waa bisayl waar nin-walowba darkaaga ka darso, wixii raganimadaadu kuu goysana xisbi walowba waa nasiibkaa, waanu ku bogaadinaynaa, waxase aanu laanahy nin waliba wuxuu gashaday ayuu leeyahay, xisaabtuna way iska iman, gollahana maaha. Inaadeerkay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkan hadalado yidhi, oo yidhi halkan wadaan wayn ayaanu ka darsan doonaa gobolka Sanaag codadkiisa, waxaan leeyahay codadka Sanaag oo kaliya iskuma hayno, waxa aynu isku haynaa, Sanaag, Togdheer, Sool, Awdal iyo gobollada dalka oo dhan ayaa xisbiyadu isku hayaan oo ninkii wadaan weyn ka darsanaya iyo ninkii mid jeex ah ka daranayaba fardo laysku hayo maxaa layska faanin ayaan leeyahay."
storvideo: 

Dad ku dhintay dibadbaxyada Cameroon

0
0

Ciidammada ammaanka ee dalka Cameroon ayaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen ilaa iyo todoba qof inta ay socdeen dibadbaxyo ay wadeen dad u ololeeya xuquuqda aadanaha oo ku baaqayay in xorriyad ay helaan gobollada Afka Ingiriisiga looga hadlo ee dalkaasi.

Gudaha Ka Eeg :Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay...

0
0

WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu caawa wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5053/102017 uu ku magacaabay laba degmo oo kala ah, Nasiye iyo bohol. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu istiqaaladii ka diiday gudoomiyihii gobolka Hawd.
O Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;
Markuu Tixgeliyey:Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;
Markuu Tixgeliyey:Baahida loo qabo in Degmooyinka Nasiye iyo Bohol loo magacaabo Degmooyin cusub;
Markuu Dhegeystay:Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;Wuxuu go'aansaday;

  1. In uu Nasiye u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

2In uu Bohol u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.
O Ujeeddo: Diidmo IscasilaadKu: Mudane, Ibraahim Xaaji Cali Xasan,Guddoomiyaha Gobolka Hawd BalligubadleMudane Guddoomiye,
Anigoo tix-raacaya go'aankaaga aad warbaahinta ku baahisay oo ku saabsan istiqaaladda Xilka Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee aad iska-casishay.
Haddaba Guddoomiye, ugu horreyn waxaan aad kuugu mahadinayaa xilkasnimada aad muujisay muddadii xilka Guddoomiyaha Gobolka Hawd aad haysay. Sidaa darteed, waxaan kula socodsiinayaa in aan kaa diiday istiqaalada aad xilka Guddoomiyaha Gobolka Hawd.
Waxaan kuu rajaynayaa in aad si hufan u gudato waajibaadka Qaran ee laguu xil saaray, isla markaana aad si laban-laabto dedaalka iyo doorka weyn ee aad ka qabatay Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH Xuseen Aadan Cige (Deyr)Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
storvideo: 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulamay Xoghayaha...

0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SINNA):-Guddoomiyaha Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasho rasmi ah ku joogo Dalka Masar ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalaada Qaahira Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Axmed Abuu Geyd.
Labada Mas'uul ayaa kawada hadlay Xaaladda guud ee dalka Soomaaliya iyo sidii Jaamacadda Carabta ay kordhin laheyd taageeridda ay siiso Dowladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda,Hormarinta dhaqaalaha iyo sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka Dalka oo hadda maraya meel gabagabo ah.
Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalinkii sedexaad booqasho rasmi ah ku jooga Magaaladda Qaahira ee xarunta dalka Masar, isagoo shalay xarunta golaha baarlamaanka dalkaas kulan gaar ah kula qaaatay dhigiisa Dalka Masar.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleNeymar oo gaaray seddex boqol oo gool

storvideo: 

Dad ku dhintay dibadbaxyada Cameroon

0
0

Ciidammada ammaanka ee dalka Cameroon ayaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen ilaa iyo todoba qof inta ay socdeen dibadbaxyo ay wadeen dad u ololeeya xuquuqda aadanaha oo ku baaqayay in xorriyad ay helaan gobollada Afka Ingiriisiga looga hadlo ee dalkaasi.
Dibadbaxyada ayaa ka dhacay dhowr magaalo oo gobolkaasi ku yaal, kuwaas oo lagu xusayay sanadguurada markii lagu daray gobolka looga hadlo Afka Ingiriisiga ee Cameroon.
Maayirka magaalada Kumbo ayaa BBC-da u sheegay in todoba qof lagu dilay magaaladiisa, dadkaas oo shan ka mid ah ay ahaayeen maxaabiis la toogtay kaddib markii dibadbaxayaasha ay dab qabadsiiyeen xabsigii ay ku jireen.
Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay in la sii daayo maxaabiista laga soo qabqabtay dibadbaxyadii xiriirka ahaa ee dalkaasi ka dhacay sanadkii la soo dhaafay.
Maayirka ayaa sheegay in dibadbaxayaasha ay goobaha muhiimka ah ee magaalada Kumbo oo uu ka mid yahay qasriga boqortooyada ay ku hor lulayeen calanka ay isticmaalaan kooxaha u dhaqdhaqaaqa u gooni u goosadka.
Dibadbaxyo kale ayaa waxa ay iyana ka dhaceen qeyba kale oo ka mid ah gobollada looga hadlo Afka Ingiriisiga ee dalka Cameroon.
Wax u muuqday dhaqdhaqaaq lagu dalbanayo xuquuq wanaagsan ayaa isubadalay in si cad ay dadku u dalbadaan madaxbannaani, arrintaas oo dowladda Cameroon aanay aqbali doonin.
storvideo: 


Golaha Wasiirada Jubaland oo ka shiray martigelinta...

0
0

Kismaayo, 30, Sep, 2017. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubnaha golaha Xukuumada ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn iyo labada Madaxweyne ku xigeen.
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa golaha warbixin ka siiyay safarkii dhawaan uu ku tagay gobolka Gedo iyo waxyabahii usoo qabsoomay.
Madaxweynahu wuxuu sheegay in Gobolka ay ka jirto isku tashi Bulshada iyo Dowlada dhexdooda ah taas oo soo dadajin doonta in Al-Shabaab la wiiqo awooda ay halkaas ku leeyahiin wuxuu xusay in Ciidamada iyo Shacabku ay isku tiirsan yihiin oo ay si wadajir ah nabagalyada uga shaqaynayaan.
Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in xaaladahii abaarta uu gobolku kasoo kabanayo isla markana ay Noloshu soo hagaagayso.
Ciidamada ayuu Madaxweynahu sheegay in la tayayn doono isla markana ay dardar galinayaan sidii Degmooyinka gobolka la isugu furi lahaa deeganada wali Al-Shabaab ay Jubbaland ka joogana looga xorayn lahaa.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa kale oo golaha uu uga warbixiyay halka ay marayso xaalada Siyaasada dalka isagoo sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dadaalada uu ugu jiro sidii Magaalada Kismaayo loogu qaban lahaa kulan wadatashi ah oo xaalada dalka lagu dajinayo.
Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhamaan xubnaha golahu ay u diyaar garoobaan sidii shirkaas oo si habsami leh ugu qabsoomi lahaa isla markana wuxuu dadweynaha ka codsaday in ay nabgalyada adkeeyaan.
Waxaa xubnahu ay isku raaceen in loo diyaar garoobo qabsoomida shirka iyadoo martida ka qayb galaysa Shirka Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada dhexe loo sameeyay gudiyo hawshan qaban qaabiya isla markana dardar galin doona hawlaha shirka.
Labada Madaxweyne kuxigeen iyo xubno katirsan golaha ayaa hawshan hormuud looga dhigay iyadoo si rasmi ah loo bilaabay qaban qaabada shirka oo bilaabanaya Todobadkan gudahiisa.
Waxaa kale oo kulanka golaha Wasiirada oo ahaa mid aan caadi ahayn lagaga hadlay sidii loo meel marin lahaa xeerka dhulka iyo hantida Dowlada sida ugu dhaw bacdamaa ay muhiim tahay in dhulka dhisan ama banana ee ay Dowladu leedahay in gacanteeda lagu soo celiyo waxaana kulanka kan xiga xubnaha golaha loogu qaybin doona qoraalka xeerkan oo dhamaystiran.
Golahu waxaa kale oo ay ka hadleen dhacdadii diyaaradaha dagaalku ay ku duqeeyeen dad shacab ah gobolka Gedo iyadoo la isku raacay in baaritaan dheeri ah la sameeyo Xukuumaduna ay go'aan rasmi ah oo hawlgalada noocan ah la xiriira soo saarto si loo dhawro muwaadiniinta ku nool meelaha Argagixisada lagu beegsanayo waxyeelana looga ilaaliyo.
Wasaarada Arimaha gudaha ayaa xubnaha golaha Wasiiradu ka dalbadeen in sida ugu dhakhsiyaha badan lagu soo gudbiyo Siyaasada lagu maaraynayo barakacayaasha iyo dadka dib uga soo laabanaya xeryaha Qoxootiga Dhadhaab.
storvideo: 

Boosaaso iyo waxqabadkii Siyaad Bare ka hor

0
0

2nd October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Xilli gabal dhac ah, Bishii shanaad ee sanadkii 1984, ayaan gaari raashin u wada Koonfurta Soomaaliya waxaan ka soo raacnay magaalada Ceelaayo ee gobolka Sanaag. Gaarigaas ayaa u rarnaa Maxamed Xaaji Geele oo maanta ka mid ah xildhibanada baarlamaanka Soomaaliya iyo Askar Xaaji Axmed. Gaarigii aan la soconay markii uu ka soo dhaqaaqay magaalada Ceelaayo, ayaa rikaabkii gaariga saarnaa waxay is waydiiyeen halka ay caawa ka cashayn doonaan . labada magaalo ee Boosaaso iyo karin . Rikaabkii gaariga saarnaa waxa isku raaceen in Boosaaso dusha laga maro oo loo casho tago magaalada karin ee gobolka Bari. Waqtigaas magaalada Boosaaso jid laami ah ma lahayn , deked weyna haba sheegin, Arintaasi waxay kuu cadaynaysaa in Boosaaso loo xiisayn jirin sida maanta loo wada xiiseeyo
Muddo yar ka dib dawladdii SIyaad bare ay labo mashruuc oo horumarineed siisay gobolka Bari kuwaas oo kala haa Deked Iyo jid laami ah. Mashaariicdan ayaa waxa gacanta ku dhigay oo lo dhiibay aqoonyahano reer Bari ah oo ka duwan kuwa maanta jooga oo qaylo weynayaasha ah oo dhaqankii Xasan Xaad qaatay iyo inay ka qayliyaan warbaahinta.
Aqoonyahanaad waxa ka mid ahaa Xildhibaanka Soomaaliyeed oo maanta ku caan baxay Odaynimada Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda Dr. C/risaaq Xasan Juurile, oo ka soo jeeda Beesha Dishiishe, Juurile isaga oo aqoontiisa iyo danta guud fiirinaya jidkii Laamiga ahaa uma weecin magaalada Beeshiisu degto ee Karin ee wuxuu sameeyey sidii danta guud ahayd, Jid cadihii Boosaaso ka bixi jiray xilligaas magaalooyinkii uu mari jiray oo dhan , dhamaan maanta Laamiga wuu maraa aan ka ahayn magaalada Karin.
Maanta balaarinta dekedda Boosaaso waa dan guud, magaaladana waxay u yeeli doontaa weji ka duwan kan ay maanta leedahay, sidaas awgeed inta la qaylinayo oo la hor taagan yahay warbaahinta , oo islaan Muqdisho Mooshin ka keentay la buun buuninayo waxa ka fiican in bulshada reer Bari iyo madaxda Puntland is hor fariistaan oo laga wada hadlo waxa lakala tabanayo."sideey xeego xeego u noqotaa ilkona u nabad galaan"
Ugu danbayntii Bulshada Gobolka Sanaag, dekedda Boosaao waa deked ay iyagu leeyihiin, haddii la horumariyano waa faaiido u soo korortay oo ay ka faaiidaysan doonaan oo aan laga lahayn . Arinta ah DP world looma soo dhowaan karo, maaha mid maanta u baahan in laga qayliyo oo loo arko masiibo soo socota ama dhul loo diidan yahay horumarka . Dhibaatada gobolka Sanaag maanta ka jirta ee u baahan in laga hadlaa maanta waa Argaixisada dadqalatooyinka ah iyo Ismaaciil xaaji nuur iyo SNM
Allsanaag.com
Post navigation
- Wasiirka Wasaarada Amniga Puntland Axmed Cabullaahi Yuusu
storvideo: 

Kulan looga hadlayo Amniga Geeska Afrika oo ka...

0
0

Caasimadda dalka Sudan ee Khartuum ayaa la qorsheynayaa in lagu qabto kulan looga hadlayo qadiyadaha amniga iyo deganaashaha wadamada Geeska Afrika. Kulankan ayaa waxaa hadda qabanqaabinaya Ururka midnimada Afrika oo la kaashanaya hay'ad xukuumi ah oo qaabilsan qorsheynta iyo horumarinta wadamada Geeska Afrika oo marka la soo gaabiyo loo yaaaan IGAD. Sida uu sheegay madaxa xafiiska xiriirka Ururka midawga Afrika ee Sudan Mahmuud Kan oo ah u qeybsanaha arrimaha wada hadalada iyo nabadgelyada ee Ururkaasi ayaa codsi ka qeyb galka kulankaasi ka dhici doona magaalada Khartuum uu u kala diray dhamaan aqoonyahanada ka qeyb galaya kulanka kuwaa oo ka kala imaanaya wadamada Geeska Afrika iyadoo haatan magaalada Khartuum uu ka socoda dhameystirka dhamaan arrimihii sahli lahaa qabashada kulankan.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga...

0
0

Muqdisho (- Online) - Xaflad ka dhacday maanta xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia oo ay ka soo qayb galeen hey'adaha dowladda federaalka ah iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku saxiixay sharciga isgaarsiinta qaranka.
Xafladda waxaa goobjoog ka ahaa ra'isul wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khader) , Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo wasiirro uu ka mid yahay wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan.
Waxaa kale oo xafladda lagu saxiixay xeerka isgaarsiinta qaranka ka soo qeyb-galay bulshada rayidka iyo mas'uuliyiin ka socday shirkadaha isgaarsiinta dalka.
Sharciga waxaa horay u soo dooday isla markaana soo meer-mariyay golaha wasiirada iyo labada aqal ee baarlamaanka, Saxiixa madaxweynaha kadib waxaa xigi-doono in lagu soo daabaco faafinta rasmiga ah ee dowladda.
Muxuu madaxweyne Farmaajo ka yiri sharcigan?
"Waxaa mahadleh Allah oo noo sahlay inaan halkaan ku saxiixno sharcigaan.
"Waxaan qiraya dadaalkii Dowladihii hore iyo Baarlamanadii hore ay ka geysteen hir galinta sharcigaan.
"Waxaan marqaati ka nahay dadaalka labadda Aqal iyo sida hufnaanta leh ee ay arintaan gacan uga geysteen.
"Waxaan u mahad celinaya wasaaradda boostadda oo dadaal badan galisay sharcigaan, Maanta waa maalin taariiqi ah ,waxaan sharcigaan galinay waqti badan Dowladd ahaan.
"Waxaan ka baranay wixii nasoo maray inaan qofna lagu faro galin shaqadiisa,sidaad aragteen waxaan magacaabay xukuumad shaqadeedana kuma faro galiyo oo korbaan kala socdaa.
"Waxaan u mahadcelinaya ra'iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa sidda hufan ee ay u wada shaqeeyaan iyo waliba sida ay ula falgalaan labadda aqal.
"Dowlad kasta oo aduunka ka jirta dhib ayaa heysta, tusaale qolo Turki ah ayaa jimcihii ii yimid waxaa ay hal saac iiga sheekeynayeen dhibaatadda dalkooda ka jirta, markii aan dhageystay waxaanba ka xishooday inaan dhibaatadda dalkeena uga waramo.
"Xukuumadu si fiican ayey u shaqeyneysa oo hufan laakiin waxaa qiraya iney caqabado jiraan laakiin dhibaatooyinka guud ee na heysta hal habeen laguma xalin karo.
"Midnimaddu waa muhiim waana inuu u istaagaa qof walba oo Soomaali ah, waa inaan isku duubnaana si caalamku noo taageero, waxaan ku baaqaya in maamul goboleedyadda iyo Dowladda dhexe ay midnimo muujiyaan, sidoo kale ganacsatada iyo ururadda bulshadda iyo Somaliland oo aan hadda ku raad joogno ayaan karbnaa midnimo.
"Waxaan hubaa isku duubnidu iney keeni doonto inaan gaarno meesha aan rabno.Muxuu Cabdi Xashi Claahi C/laahi (Gudoomiyaha Aqalka sare) sharcigan ka yiri?
"Shircigan waxaa uu wax tar u yahay sadex arimood oo kala ah dhaqalaha, amniga iyo arimaha bulshadda.
"Mushkiladda Somalia waxey tahay, waxaan rabnaa inaan qabiil wax ku dhisno, mana suurtoobeyso.
"Siyaasad qof qalday ma saxo wax lagu qaldayna laguma saxo, carta ilaa hadda qabiil ayaan wax ku wadnaa mana sii socon karto.
"Dowladdo qabiilo ku dhismay waxa aan ku keeneyno ma jirto, mana qarinaayo inuusan dalkaan qaran noqon doonin inta qabiil wax lagu qeybsanaayo.
"Somaali waxaa ay u baahan tahay uursami iyo aruursanan.
"Somaliland waxaa la lee yahay waxa ay rabtaa iney go'ado, laakiin taas waxaa raba shaqsiyaad siyaasiyiin ah laakiin shacabku ma rabaan.
"Dowladda waxaan ka codsaneynaa iney nagu caawiso iney sii socdaan wada hadaladda Somaliland, dadka reer Somaliland ee Xamar jooga uma joogaan dhaqaalo dartiis ee waa midnimo raadis.Muxuu Eng Cabdi Canshuur Xasan (Wasiirka Boostadda) ka yiri sharcigan?
"Waa Sharcigii ugu horeeyay ee isgarsiineed oo ay yeelato Somalia waana arin lagu farxo.
"Waa Sharcigii ugu horeeyay ee labadda gole saxiixaan.
"Sharcigaan diyaarintiisa iyo howshiisu waxey soo bilaawday 2005tii waxaana soo bilaabay Cali Axmed Jaamac Jangali.
"Sharcigaan waxa laga talo galiyay maamul goboleedyadda iyo shirkadaha isgarsiinta, saxiixa sharcigaan waa bilaawga shaqadda isgaarsiinta qaranka.
"Sharcigaan wuxuu u daneynayaa macaamiisha, wuxuu door ka qaadanaya amniga dalka, waxaa dhaqaale ka heleya Dowladda, waxaana uu horseedaya in la helo kaabayaashii isgaarsiinta Qaranka.
Wasiirku wuxuu u mahadceliyay madaxda sare, maamul goboleedyadda, wasiiradii kasoo shaqqeeyay wasaaradda, ra'iisul wasaaraha ,labadda aqal ee dalka, shirkadaha isgaarsiinta, iyo garyaqaano guud ee Qaranka.Muxuu Cabdiwali Ibraahim Shiikh Muudey (Gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka) ka yiri sharcigan?
"Waxaan u mahad celinaya cid kasta oo kasoo shaqeysay sharcigaan oo muhiim u ah dalka.
"Wax walba oo wada jir looga shaqeeyo waa guuleysanayaan ,wadajir ayaana looga shaqeeya sharcigaan.
"Siyaasadda waa lagu kala aragti duwanaan karaa laakiin dalka qof gaar uleh ma jirto, danta guud aan ka wada shaqeyno.
"Dalkaan cid lagu heleynaayo ma jirto, Farmaajo waa shaqsi barina wuu baxaya , dalkaan cid gaar ah yaan lagu haleynin, wax Soomaalinimo lagu waayay shaqsi shaqsi laguma heli karo.
"Hadii aan waxa hadda socdda wax laga qaban waxaa la gaari doon in dalkaan la qaato oo goob goob loo qaato.
storvideo: 

Suldaan Hassan Hadi Baade oo caddeeyey in beelaha...

0
0

Suldaan Hassan Hadi Baade oo caddeeyey in beelaha galbeedku ay u codayn doonaan Waddani. ( Halkan ka daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Oct 2nd, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Ololaha doorashada iyo hadal hayntu kuma koobna uun bari iyo gobollada dhexe, meesha ugu daran ee ay ka shidan tahay ayaa iyaguna ah gobollada galbeedka, waxana warkoodii caddeeyey salaadiin waaweyn oo uu ka mid yahay Suldaan Baade oo ka soo jeeda beelaha galbeedka.
[embedded content]
Awdalapress
This post has been viewed 55 times.
storvideo: 

Jubbaland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay degmada...

0
0

Ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland iyo Kuwa Itoobiya ayaa weerar ku qaaday Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa duleedka degmada Buur-dhuubo ee Gobalka Gedo waxaana ka soo baxaya warar kala Duban khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Saraakiisha Ciidanka amaanka ee Jubbaland u qaabilsan Gobalka Gedo ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus waxaana jira dhimasho iyo dhaawac intooda badana la gaarsiiyay Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Gobalka Gedo ayaa lagu soo waramaya in dagaalka ay ka qeyb qaateen Milatariga Itoobiya ee ku sugan gobalka goobihii lagu dagaalameyna ay hadda dagan tahay waxaana ku sugan Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Jubbaland.
Degmada Buur-dhuubo ee gobalka Gedo ayaa ka mid ah degmooyinka sanadihii la soo dhaafay ka caaganeed weerada, dagaalada iyo duqeymaha markii loo eego degmooyinka kale ee gobalka Gedo.
storvideo: 

Weerar Dhimasho Badan oo lagu Qaaday Las Vegas

0
0

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay, in ka badan 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday goob uu ka socday bandhig faneed, magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada ee dalka Mareykanka.
Madaxa booliiska degmada Clark Joseph Lombardo ayaa sheegay in laba sarkaal oo aan xiligaas shaqo ku jirin ay sidoo kale ku dhinteen weerarka.
Lombardo ayaa sidoo kale sheegay in ninka weerarka gaystay la dilay.
Waxa uu sheegay inuu rumeysan yahay in ninka weerarka gaystay uu ahaa kaligiis oo aysan cidna wehlin, hase yeeshee waxaa la baadi goobayaa qof ay qol wada deganaayeen.
Ninka weerarka fuliyey ayaa la sheegay inuu koray dabaqa 32-aad ee hotelka Mandalay Bay, halkaasi oo uu dadka kasoo toogtay asaga oo wata qori nooca daran dooriga u dhaca ah.
Dad dhaawaca ah oo kor u dhaafaya 100, ayaa qaarkood la rumeysan yahay in xaaladdoodu ay halis tahay, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaas ka badato.
storvideo: 


Edmonton’s Somali community releases statement on...

0
0

Edmonton's Somali community released a statement condemning the alleged terror attack Saturday night.
"We feel that it is important to respond in a unified voice and make it absolutely clear that this individual has no place in our community," Ahmed Ali wrote in a media release Sunday.
"We are your neighbours, co-workers and police officers and we stand strongly beside you in condemning this violence and mourning its effect on the community."
Ali, who is the City of Edmonton's Poet Laureate and running for a seat on the public school board, also commended the Edmonton Police Service for their bravery and swift response.
"The proactive response of the police service highlights their professionalism," it said. "The relationships formed with the community over years of active outreach have contributed to their ability to anticipate and avert what could have been far worse."
Ali wrote that the community is assisting in the investigation.
"We have met with EPS, RCMP and all levels of government, and we will continue to actively support these relationships into the future to build a stronger community and a stronger Edmonton," said Ali in the release.
He also wrote that the community was experiencing "shock, sadness and concern" and that Edmontonians should not let this generate "hatred and prejudice".
storvideo: 

Somalia Polls Could Impede Amison Exit Plan

0
0

The 2021 Somalia elections could complicate plans by the African Union peacekeepers to withdraw its forces in the next two years.
Military experts say that the African Union Mission in Somalia (Amisom) may have to revise its timetable because the next elections — when the country is expected to hold universal suffrage (the right to vote of all adults) after 52 years — is too important to be conducted without substantial security.
Amisom was supposed to withdraw 1,000 troops in December this year and another 1,000 in May next year, with the final withdrawal set for the end of 2020.
The post Somalia Polls Could Impede Amison Exit Plan appeared first on Shabelle.

Jubbaland oo sheegtay in weerar ay ku dileen Xubno ka tirsanaa Al Shabaab

0
0

Baardheere ( Sh. M. Network )-Maamulka Gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegay in howlgal ballaaran ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Gobolkaasi ay ku dileen xubno ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.
Waxaana maamulku uu tilmaamay in howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa milateriga dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgala Gobolkaasi Gedo.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Maxamed Xuseen “Alqaadi”  ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalkaasi laga sameeyay duleedka Magaalada Baardheere , laguna dilay dagaalyanno ka tirsan Al Shabaab, walow uusan shaacin tirada la dilay.
Hadadlkan ayaa imaanayaa, xilli muddooyinkii danbe Al Shabaab ay xoojiyeen weerarada ka dhanka ah ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, iyagoo toddobaadyadii la soo dhaafay weeraro qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolladaasi.
The post Jubbaland oo sheegtay in weerar ay ku dileen Xubno ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle.

Dhimashada ka dhacdey Mareykanka oo gaartey 50 ruux...

0
0

Boqolaal dad ah ayaa ka cararay goobtii uu bandhig faneedku ka socday
Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay 200 kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray toogasho ka dhacday bandhig faneed lagu qabanayay magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka.
Qof hubaysan ayaa rasaas ku furay barxadii uu bandhiggu ka socday oo ku taalla hoteelka Mandalay Bay
Nin hubeysnaa oo lagu magacaabay Stephen Paadock oo 64-sano jir ah ayaa la sheegay in rasaas uu ku furay meel ay ka socotay xaflad heeso.
Boqolaal dad ah ayaa goobtii ka firxaday waxaana la maqli karay wax u ekaa rasaas qori ka dhacaysa, sida laga maqli karo muuqaal baraha bulshada la soo galiyay.
Booliisku waxay sheegeen in qofkii laga shakisnaa "dhulka la dhigay" isla markaasna aysan rumaysnayn in ay jiraan dad kale oo laga shakisan yahay.
Muqaalkan ayaa muujinaya dad ka firxanaya huteelka Vegas
Waxaa jira war kale oo sheegaya in arrin kale ay ka dhacday goob kale oo isla Las Vegas ah.
Qof u hadlay isbitaal ayaa sheegay in xaaladdoodu ay liidato 14 ruux oo dhaawac ah.
Lamaane ka gabanaya dhawaaqa rasaasta Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionDad ka firxanaya goobta ay rasaastu ka dhacday Booliis hubaysan oo ku sugan bannaanka huteelka Mandalay Bay ayaa la sawiray
storvideo: 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo Xariga Ka...

0
0

Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 02 October 2017 magaalada Boosaaso xadhiga kaga jaray suuq ganacsi oo casri ah oo magaaladaasi laga hirgelyey. Xadhig jarka suuqani cusub ee New Bosaso Market ayaa waxaa Madaxweyne Gaas ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland, taliska qaybta gobolka Bari iyo qaar kamid ah bulshada rayid ka ah ee magaalada Boosaaso. Madaxweyne Gaas ayaa ugu horayn boqaadiyey cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta suuqani cusub gaar ahaan dawladda Jaban oo bixisay kharashka ku baxay mashruucani iyo weliba hay'adda UNOPS iyo degmada Boosaaso oo ka qayb qaatay qalabaynta Mashruuca, iyo shirkadda Albashid oo dhistay dhismaha mashruuca. Mudane Gaas ayaa sidoo kale xusay in qaabka loo dhisay loona qalabeeyey suuqani cusub uu yahay mid wax ku oola oo ay mustaqbalka u'aayidoonaan bulshada magaalada Boosaaso, dhinaca kalena waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay masuuliyiinta iyo ganacsatada suuqani agaasimidoona in goobtani sida ay maanta tahay lagu hayo oo lagu illaaliyo. Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dhismaha mashruucani kamid yahay horumarka ay ku talaabsanayso Puntland gaar ahaan gobolka Bari, welibana waxa uu xusay Madaxweynuhu in suuqyo badan oo [...]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live