Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sarkaal Ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada Soomaaliya...

$
0
0

Dabley Bastoolado ku hubeysan ayaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Minishiibyada Soomaaliya ku toogatay Xaafadda Suuq Bacaad degmada ee Goblka Banaadir.
Afayeenka Maamulka gobalka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa xaqiijiyay dilka Sarkaalkaasi waxa uuna sheegay in ay baaritaano wadaan oo arintaan ku saabsan.
Marxuumka ayaa xilliga la dilaayay ku hawlanaa qaadista canshuuro uu ka aruurinaayay ganacsatada ku sugan Bosteejada Suuq Bacaad ee gobalka Banaadir.
Kooxihii dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta ay ka geysteen dilka , waxaana halkaasi soo gaaray ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.
storvideo: 


Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya Iyo Maamulka...

$
0
0

Sidaasi waxaa Warbaahinta u sheegay Farxaan Aadan Heybe Wasiirka Duulista Hawada Maamulka Soomaaliland oo Maanta shir Jaraa'id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Hargeysa.
Waxa uu sheegay Wasiirka in Magaalada Adis ababa uu kula kulmi doono Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya si ay uga wada hadlaan sidii Hawada Soomaaliya ay Gacanteeda ugu soo laaban laheyd si ay hesiis looga gaaro.
Isaga oo sii hadalayay ayaa waxa uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in kulankaas uu la yeelan doono Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya ay wax wanagsan ka soo baxaan.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

TACSI MADAXWEYNE: IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi tiraanyo leh u dirayaa, labada golle barlamaan ee Guurtida, iyo wakiilada, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamuud Cabdilaahi Qaalib Diir-qadhaadhoo ku geeriyooday dalka Itoobiya Maanta oo ay taariikhdu ahayd 04/10/2017.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay shacbiga Somaliland, mudana ka mid ahaa golaha guurtida, kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Tacsi taa la mid ah waxa uu madaxweynuhu u dirayaa wasiiru-dawlaha Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Mahdi Cismaan Buuri oo ay walaashii Marxuuma Saynab Cismaan Buuri ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu ahayd 04/10/2017 magaalada Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
storvideo: 

Tacsi Xildhibaan Maxamuud C/laahi Qaalib oo ku...

$
0
0

Tacsi Xildhibaan Maxamuud C/laahi Qaalib oo ku Geeriyooday - Dalka Itoobiya ee Adisababa
Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md.Farxaan Aadan Haybe Wasiiru Dawlaha Wasaarada Axmed Cali Maxamuud (Baynax), Wasiirkuxigeenka Wasaarada Duulista Guleed Maxamed Shire, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Cumar Cabdilaahi Aadan,Agaasimaha Waaxda Duulista, Agaasimaha Waaxda Gaadiidka, Agaasimaha Waxaada Maamulka iyo Lacagta, Agaasimaha Waaxda Aminiga, Agaasimaha Waaxda Qorshayanta, Agaasimaha Waaxda Mashaariicda, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha, Agaasimaha Waaxda Saadasha Hawda, Afhayeenka Wasaarada iyo Maamulayaasha Madaarada, iyo Dhamaan Shaqaaleweynaha Wasaaradda Duulistu waxay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan, Qasnajiyada Wasaarada Muwaahib Maxamuud C/laahi Qaalib, oo Aabaheed Xildhibaan Maxamuud C/laahi Qaalib ku geeriyooday Magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya, sidoo kale waxay tacsi taa la mida u dirayaan, Qoyskii, Qaraabadii, ka baxay Marxuumku , waxa ay Alle uga baryayaan in uu Janadii ka waraabiyo Marxuumka, Qoyskiisii iyo Qaraabadii uu ka baxayna samir iyo Imaanka ka siiyo Aamiin Aamiin.
storvideo: 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici...

$
0
0

Borama(Waaheen) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Sayllici ayaa safar ku tagay magaaladda Borama, halkaas oo uu ugu sii gogol xaadhayo xaflad ay u qabanayaan taageerayaal ku soo biiraya Xisbiga Kulmiye.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa galabta ba bilaabay kulamo uu la yeeshay qaar ka tirsan siyaasiyiinta, Madax dhaqameedka iyo qaybaha bulshada, isagoo kala hadlay sidii ay Kulmiye u taageeri lahaayeen.
Booqashada Saylici ayaa la filayaa inay hordhac u tahay safar wefti kale oo uu Muuse Biixi hogaamin doonaa ay ku tagi doonaan gobolka Awdal maalmaha fooda inagu soo haya.
storvideo: 

Tacsi Madaxweyne : Alle ha u Naxariistee Geerida...

$
0
0

04/10/2017
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi tiraanyo leh u dirayaa, labada golle barlamaan ee Guurtida, iyo wakiilada, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamuud Cabdilaahi Qaalib Diir-qadhaadhoo ku geeriyooday dalka Itoobiya Maanta oo ay taariikhdu ahayd 04/10/2017.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay shacbiga Somaliland, mudana ka mid ahaa golaha guurtida, kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Tacsi taa la mid ah waxa uu madaxweynuhu u dirayaa wasiiru-dawlaha Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Mahdi Cismaan Buuri oo ay walaashii Marxuuma Saynab Cismaan Buuri ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu ahayd 04/10/2017 magaalada Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
storvideo: 

Soomalilaand iyo Soomaaliya oo Wadahadal Hawada Sare...

$
0
0

Hargaysa ( Waaheen) Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland mudane Farxaan Aadan Haybe ayaa u kicitimay magaalo madaxda Dalka Ethiopia ee Adisababa halkaas oo uu ka dhici doono kulan ay Soomaaliland iyo Soomaaliya kaga wada-hadli doonaan maamulka hawada labada Dal kulankaas oo ah heer wasiir ayaa wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa ka hor inta aanu ka dhoofin Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport waxa uu faahfaahin ka siiyay warbaahinta ujeedka safarkiisa, waxaanu yidhi:-
"waxaan u anbabaxaynaa aniga iyo xubno ka mida saraakiisha Wasaarada, Dalka Ethiopia magaalada Adis Ababa halkaas oo aanu kulan bilow ah aanu ku yeelanayno anba qaadka hawlihii maamulka hawada ee Somaliland iyo Soomaaliya oo heer wasiir ah waad ogtihiin oo muddo dheer bay hawshaasi soo jiitamaysay marxalado badan ayay soo martay shirar badan ayaa jiray oo hore loo soo qabtay shirarkii u danbeeyay ee Nayroobi baa jiray markaa kana kii uun buu qayb ka yahay.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:-"Waxaananu rajaynaynaa aasaaska iyo udub dhexaadku waxa weeye sidii loo heli lahaa xal suurto geliya in hawada Somaliland iyo Soomaaliya ay noqoto mid Soomaalida gacanteeda kusoo noqota oo ay wada maamulan karayaan muddo dheer iyadoo ka maqnayd, hadii ay suurto gasho inay wada-hadaladaasi is afgarad ku dhamaadaan.
Wasiirka waxa uu yidhi hadii ay kulankan waxba ka soo bixi waayaan:-"Hadii kale oo ay suuro geli waydo dee Dawlad waliba go,aan qaadashadeeda iyo xalkeeda ayay ku soconaysaa, run ahaantii anagu rajo wayn baanu ku qabnaa waananu soo dhawaynaynaa wixii kasoo baxana soo noqod kayga ayaan idin sheegi doonaa insha allah."
Wasiirka ayaa warbaahintu wax ka waydiisay wada-hadalkan waxa uu kaga duwan yahay wada-hadaladii hore maadaama ay muddo xileedkii xukuumadana wakhti kooban ka hadhsan yahay wasiirka oo su,aashaasi ka jawaabaya ayaa waxa uu yidhi:" mudada xiliga kala wareega ee mashruuca qaabaynta iyo qalabaynta iyo dhisida awooda Madaarada Soomaaliya iyo Soomaaliland ee ICAO gacanta ku hayso ee markii hore la qorsheeyay seddex sano ayuu ahaa, seddexdii sano waxay ku egyihiin 2018 bisha labaad inkastoo ay qalabayntu soconayso ilaa bisha 12 ee 2018, markaa maadaama ay mudadii soo dhawdahay waa isku day inay Soomaalidu isku tashan karto oo ay xal gaadhi karto mana aha wax aynu diidi karno mar walba taladeena iyo go,aankeenu waa meel laakiin hadii ay tahay madal in laysu ku yimaado oo ay tahay aynu wada-hadalno, ma jirto asbaab aynu u diidno"
Dhanka kale wasiirka ayaa wax laga waydiiyay hadii ay Soomaaliya ku adkaysato in hawada labada dal laga maamulo Soomaaliya waxa uga qorshaysan waxaanu yidhi:
"kama hor dhacayo anag qorshahayagu waa noo cadyahay horena shirkii Nayroobi qodobo ayaa laysla eegay, waxa laysla eegay suurto galnimada horta taawariska qalabka lagu hago hawada ama Diyaaradaha lagu maamulaa sida ay u suurto gelayso ee looga samaynayo Hargeisa iyo Muqdisho, Hadiise ay noqoto in cid kale gacanta loo geliyo waxay noqonaysaa hawl ka madaxbanaan waayo markii hore xal Qaramada Midoobayn ah ayaa lagu wareejiyay hawada oo ICAO mandate la siiyay ilaa hada ma jiro wax xal ah oo lagu celiyay Qaramadii midoobayn oo la leeyahay hawadii Soomaali baa qaadanaysa waxaanay ka imanaysaa inaynu inagu isku afgarano dabadeed sidaa Qaramada midoobayn ugu gudbino oo ku aqbalo anagu marwalba waxaanu u taaganahay doonista Jamahuuriyada Soomaaliland."
Wasiirka ayaa sidoo kale ka jawaabay warar ay warbaahinta qaar qoreen oo sheegaya in Madaarka Hargeisa lagu wareejinayo Dawlada Turkiga.
"wax walba maaha inaanu u soo bandhigno saxaafada waayo waxyaabaha qaar baa u gaara maslaxada iyo jiritaanka qaranimada Jamahuuriyada Soomaaliland oo aan u baahnayn inaanu debada soo dhigno. Horta maaha Dawlada Turkiga ee waa Company Turki ah oo had iyo jeer maalgashi ku sameeya Madaarada muddo ayuu wada-hadalku noo socday waa markii shanaad ee ay noo yimaadaan markaa waxaanu isla eegaynay inaanu ku dhawaano farsamo ahaan sidii ay inoogu dhisi lahaayeen Terminal cusub maadaama Terminalka imika inoo dhisan uu kooban yahay oo awoodiisu qaadi karaynin Diyaaradaha imika inoo yimi siyaasada cusub ee Xisbiga Kulmiye na way ku jirtaa in Terminal cusub in loo dhiso Madaarka Hargeisa, markaa macnaheedu maaha waa la wareejinayaa."
storvideo: 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay...

$
0
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmihii la soo dhaafey ku maqanaa safaro Dalka dibadiidsa ah ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee Xarunta Kumeel Gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo safaradiisa ku kala bixiyey qaar ka mid ah Wadamada dariska ah sida Kenya iyo Ethiopia ayaa waxaa maanta goroonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo si diiran ugu soo dhaweeyey Wasiiro, Xildhibaanno, odayaal dhaqameed iyo Dadweyne aad u tiro badan oo ka kala socday xaafadaha iyo urarada bulshada, Kuwaas oo muujinayey taageerada ay u hayaan Madahaweynaha Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan ayaa mid mid u gacan qaaday qaar ka mid ah mas'uuliyiinta iyo dadweynihii garoonka ku soo dhaweeyay, waxaana intaasi kadib uu socod lugta ah ku soomaray waddada is kuxirta Madaarka diyaaradaha iyo Aqalka Madaxatooyada, isaga oo ku dhexjira dhamaan dadkii ka qeyb qaadanayey soo dhaweyntiisa, taasi oo muujinaysa nabadgelyada ka jirta deegaanada KG. Mudane Shariif Xasan ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska gaarka ah ee Dawlad Gobaleedka KG, waxaana uu warbaahinta u sheegay in socdaalkiisa uu ku tegay dalalka dariska ah uu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad. [...]
storvideo: 


Hooyo Soomaaliyeed oo codsatay in lagu caawiyo...

$
0
0

Axmed Saalax oo 22 sano jir waxaa uu ka dhashay qoys sabool ah, waxaa isaga iyo dhallinyaro kale ay ku xiranyihiin xabsi ku yaala wadanka Liibiya halkaasi oo ay ku haystaan dhibaatooyin kala duwan . Dhalinyaradaan ayaa ka ambabaxay magaalada Nairobi kaddibna u safray wadanka Suudaan halkaasi oo ay uga sii gudbeen Wadanka Liibiya, iyaga raja ka qabay inay galaan wadamada reer Yurub, balse dhallinyaradaasi ma aysan gaarin hankii iyo hiigsigii ay lahaayeen ee ah inay mar un cagaha dhigaan Wadamada reer Yurub, ayagoo taasi badalkeeda ugacan galay kooxo Magafe. Dhallinyarada oo uu ku jiro Axmed Saalax waxa ay hadda ku xiranyihiin xabsiyo ku yaala wadanka Liibiya, halkaasi kuma haystaan nolol wanaagsan tiiyoo ay usii dheertahay inay la kulmaan jir dil, handaad iyo waxyaabo kale oo la mid ah. Kooxada burcadda ah ee heysta dhallinta waxa ay ku rabaan in la siiyo lacag madax furasho ah, kuwaasi oo xiriiro kala duwan la soo sameeyay waalidiinta dhalay dhalinta lagu heysto xabsiyada ku yaala Liibiya, lagana dalbaday inay bixiyaan in ka badan shan kun oo doolarka Mareykanka ah. Hooyo Batuula oo ka mid ah waalidiinta ay carruurtooda gacanta ugu jiraan Magafaha ayaa Warbaahinta u sheegtay in dhallinyarada u xiran uu ku jiro [...]
storvideo: 

Haya,adda IOM oo Boosaso ku qabatay Kulan looga...

$
0
0

Hoolka Jaamacada Bariga Afrika Ee Magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari ayaa Maanta waxa lagu qabtaya kulan looga hadlayey Khatarta Tahriibta Waxana Soo Qaban Qabiyay Madaxda Jamacada Bariga Afrika Waxana sida oo kale Maalgalinayay Hayada IOM.
Kulanka waxa ka soo qeybgalay Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika saraakiil ka socotay Haya adda IOM ,masuuliyiin ka tirasan dawalada iyo Ardayda wax ka barata Jaamacadda Bariga Afrika.
Ardayda Ayaa Lagu Dhiri Galiyay Inay Dhulkoda Dhistaan Iskana Ilaalinayaan Inay Naftooda Ku Haligaan Khatarta Tahriibta Oo Dhalinyarada Somaliyeed Aafaysay.
Gudomiyaha Ardayda Jaamacada Bariga Afrika Sheikh Axmed Maxamed Faarax Ayaa Shegay Inay Tahriibtu Tahay Masiibo Qaran loona baahan yahay in dhalinyaradu ay iska ilaaliyaan in ay dalkooda miciin bidan dal ay dadkii laha dhisteen.
Maxamed Maxamuud Oo Ah Sarkaal Ka Socday Hayada IOM Ayaa Ardayda Kula Dar Darmay Inay Dhulkoda Dhistaan."Dadka uu saameyey tahriibku waa kuwo idinka idin la mid ah qaar kood jaamacado ayey dhigan jireen maantan waxa ay ku nool yihiin dal aan dalkooda ahan oo ay ku haysatan nolal aad u liidata idinka ayaa la idin ka baahan yahay in aad dhalinyarada ka wacyi galisaan dhibtada tahariibka sidaa waxa yiri Maxamed Maxamuud oo ka socdaya haya adda IOM."
Sheikh Fu'aad Maxamuud Xaaji Nuur oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa sheegaya in dhalinyarada looga bahan yahay in ay ka qeyb qataan hormarka dalkood si buu yiri dalkoodu uu u noqdo mid loo soo tahriibo.
Burhaan Huruuse Xaashi Waaxda Muhaajiriinta Wasarada Arimaha Gudaha Puntland waxa uu cadeeyey in tahriibku yahay dhibta ugu daran ee dhalinayarad soomaliyeed hada haysta.''Runtii aragti ahaan wey jirtaa waana culeys waxaana ka mid ahay dhaliyarada Soomaaliyeed runtii aad ayaad uga xumaaneysaa amaba waad qiirooneysaa marka aad aragto dhalinyaro soomaaliyeed o badaha ku dhimaneysa ama meydadkooda xeebaha lagu soo daadinayo marka waxa dadkaas ku qasbaayo in ay tahriibaan waa dhibaato jirta lakiin u baahan in lago hortago."
Barnaamijyada ka hortaga dhibaatada Tahriibka uu leeyahay iyo ka wacye gelinta dhaliyarada soomaaliyeed ayaa mudooykanba waxa waday Haya adda IOM inta badan ka shaqeysa wacyigalinta dhalinyarada soomaliyeed.Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso
The post Haya,adda IOM oo Boosaso ku qabatay Kulan looga hadlayay dhibaatada tahriibka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Taliyaha Ciidamada AMISOM ka hadlay xaalada Maamulka...

$
0
0

Cadaado (Sh M Network)--Taliyaha Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM, Gen Subagle ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug.
Taliye Subagle ayaa waxuu sheegay in uu kulan la yeeshay Madaxda Maamulka Galmudug, waxaana uu sheegay in haatan xaalada ay tahay mid wanaagsan.
Waxaa uu tilmaamay in Ciidamada AMISOM ay gudanayaan waajibaadkooda, islamarkaana ay soo kordhin doonaan wax ka qabashada xasiloonida Magaalada Cadaado.
Taliyaha ayaa carabka ku adkeeyay in Magaalada uu ka jiro khilaaf siyaaseed oo u dhaxeeya Madaxda Maamulka Galmudug.
Balse, Talyaha ayaa xusay in howshooda ay gudan doonaan, islamarkaana Ciidamada Midowga Afrika e AMISOM ay ka soo baxi doonaan waajibaadka saaran.
Sikastaba, Magaalada Cadaado ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka taagnaa khilaaf siyaaseed oo u dhaxeeya Madaxda Maamulka Galmudug.
storvideo: 

Xoghayaha Arrimaha Debadda Maraykanka oo beeniyey in...

$
0
0

Xoghayaha arrimaha debadda Maraykanka Rex Tillerson oo shir jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Washington ayaa sheegay in uusan xilka iska casilayn,wuxuuna sidoo kale beeniyey in khilaaf ku saabsan arrimaha Iran iyo Kuuriyada Waqooyi uu kala dhexeeyo madaxweyne Trump.
Qaar kamid ah warbaahinta Maraykanka ayaa todobaadkaan baahisay in Tillerson iyo Trump ay isku qabteen arrimaha Iran iyo Kuuriyada Waqooyi,taasoo ka bilaabantay qoraal uu Trump ku soo qoray Twitter-ka oo ahaa"Tillerson waqtiga ha isaga lumin wada-xaajoodka aad kula jirto Kuuriyada Waqooyi".NBC News ayaa baahisay in madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Mike Pence uu Tillerson kula taliyey in aanu iscasilin,kadib muran ku saabsan arrimaha Iran iyo Kuuriyada Waqooyi oo ka dhex aloosmay isaga iyo madaxweyne Trump.NBC ayaa sidoo kale baahisay in Rex Tillerson uuTrump caayey,isagoo ugu yeeray" qof maraan ah".
Laakiin Tillerson ayaa beeniyey Warkaasi,wuxuuna ku tilmaamay in uusan marnaba ku hammin xafiiska in uu banneeyo,sidoo kalena aan khilaaf kala dhexayn madaxweyne Trump,kaasoo ku saabsan arrimaha Iran iyo K/Waqooyi.Wuxuu caddeeyey in uu marar badan ku celceliyey hadalkaas,balse ay jiraan shakhsiyaad dano gaar ah leh oo khilaaf hurinaya,inkastoo uusan si toos u bixin jawaabta la xiriirta in uu madaxweynaha"maraan" ku tilmaamay.
"Madaxweyne ku-xigeenku iskuma dayin in uu igu qanciyo inaan xafiiska sii joogo,waayo? Marnaba kuma aan hammin inaan jagadaan banneeyo,laakiin waan ixtiraamaya talooyinka saaxiibnimo ee madaxweyne ku-xigeenka,waana bogaadinayaa hoggaankiisa wanaagsan ee uu ku leeyahay maamulka madaxweyne Trump",wuxuuna raaciyey" Inkastoo aan ku cusbahay Washington,haddana waxaan ogaaday halkaan ay joogaan shakhsiyaad abuuraya khilaaf,si ay u gaaran danahooda gaarka ah",ayuu yiri Tillerson.
Wuxuu sheegay in uu mudnaanta siinayo danaha qaranka Maraykanka iyo amniga muwaadiniinta,sidoo kalena uu taageersanyahay hoggaaminta madaxweyne trump iyo siyaasaddiisa arrimaha debadda,wuxuuna ku tilmaamay"nin caqli badan" oo ay ka go'antahay ilaalinta amniga muwaadiniinta iyo la-xisaabtanka dadka la shaqeeya.Wuxuu ka hadlay Barnaamijka Nuclear-ka Iran iyo heshiiskii ay quwadaha waaweyn la galeen dalkaasi ee ahaa in ay joojiso bacriminta Nuclear-ka,heshiiskaas oo madaxweyne Trump sheegay in ay jebisay Iran,ayuu tilmaamay in uu labo khiyaar ka hayo,islamarkaana madaxweynaha la wadaagi doono,inkastoo uusan fahfaahin.
Shirka jaraa'id ee xoghayaha ayaa ku soo beegmay xilli todobaadkaan siyaasadda Maraykanka ay hafiyeen warar ku saabsan in uu iscasilayo,taasoo si weyn looga hadal hayey baraha Bulshada iyo Warbaahinta madaxa bannaan,iyadoo maanta madaxweyne Trump ku baahiyey bartiisa Twitter-ka hadal u qornaa sidaan "maxaa warar been ah maanta socda!",wuxuuna sii raaciyey"Warbaahintu faraha ayey ka baxday been bay sheegayaan".
Madaxweyne Trump ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay wuxuu dhex dabaashay siyaasado jaah-wareersan iyo muran la xiriira ololihii doorashadii uu ku guulaystay,waxaana uga sii dartay dhibaatooyin kale oo ka soo wajahay arrimaha debadda oo ay kamid tahay xiisaddda Gacanka Kuuriya,colaadda dalka Suuriya,Barnaamijka Nuclear-ka Iran iyo qodobo kale.PUNTLANDPOSTCabdiraxmaan Ciise Cumar
The post Xoghayaha Arrimaha Debadda Maraykanka oo beeniyey in uu is casilayo. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Magaalada...

$
0
0

Khartuum (Sh M Network)--Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray Magaalada Khartuum ee Dalka Sudan.
Madaxweynaha ayaa Garoonka Diyaaradaha waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Sudan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada Sudan kula kulmay Madaxweyne Cumar Al Bashiir.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xariirka labada dhinac iyo arimaha ganacsiga.
storvideo: 

DAAWO SAWIRRADA:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Si...

$
0
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idiinkugu soo gudbineynaa sawirrada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey dalka Sudan.
storvideo: 

Gudaha Ka Eeg :Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa...

$
0
0

WAR-SAXAAFADEEDMadaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta (04.100.2017) Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti Culus oo ka socday Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland 13.11.2017. Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo ayaa maanta 04.10.2017 Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti Culus oo ka socday Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo u muddaysan 13.11.2017ka koobnaa Waddamada Jam. Somaliland ka taageera xagga Horumarka iyo Dimuqraadiyadda. Kulanka waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka, Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Af-hayeenka Madaxtooyada iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.
Weftigu wuxuu ka koobnaa Safaaradaha 6 Waddan oo ka mid ah Midowga Yurub (EU)iyo Dalka Ingiriiska-UK kuwaasoo u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, fadhigooduna yahay magaalada Nairobi. Weftigaasi waxa ka mid ahaa:

  1. Safiirka Midowga Yurub-EU- (EU Ambassador, Veronique Lorenzo);
  2. Safiirka Dalka Denmark (Ms. Mette Knudsen);
  3. Safiir-xigeenka Dalka Holland (Tijmen Rooseboom),
  4. Madaxa Dawladda Ingiriiska ee u qaabilsan Somaliland(Mrs. Rosie Tapper);
  5. Qusulka Safaaradda Faransiiska(Mr. Emmanuel Dagron);
  6. Wefti dhawr Xubnood ah oo matalayey Dawladda Finland ;
  7. La-taliyaha Maamulka ee Hay'adda Iskaashiga Caalamiga dalka UK DFID (DfID Governance Adviser, Angus Miller)

Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo ayaa ugu horraan wuxuu weftiga Danjirayaasha dalalka safka hore kaga jira taageerada horumarinta Somaliland uga mahad-naqay booqashada qiimaha leh ee ay ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo waqtigoodaa qaaliga ee ay u soo hureen. Madaxweynuhu wuxuu xubnaha weftiga u sheegay in Waddamada ay matalaan yihiin saaxiibo qiimo badan oo ay Somaliland leedahay, oo si joogto ah Somaliland uga taageera xagga Horumarka iyo Hannaanka Dimuqraadiyada. Sidaa darteed, waxa labadeena dhinacba la inooga baahan yahay in la dar-dar geliyo lana xoojiyo xidhiidhka iskaashi iyo danaha dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Somaliland iyo Waddamada ay matalaan.
Madaxweynaha Jam. Somaliland wuxuu weftiga si gaar ah ugala hadlay arrimo muhiim ah oo lagama maarmaan u ah Danaha iyo Maslaxadaha dalka iyo dadka Somaliland, oo ay ugu mudnaayeen Nabadda iyo Xasiloonida Dalka iyo Doorashada Madaxtooyada ee inagu soo fool leh. Madaxweyne Axmed Maxamed Silanyo waxa uu Weftiga Danjirayaasha iyo weftigii ay hoggaaminayeen si gaar ah ugaga mahad naqay taageerada iyo kaalmada ay sannado badan ka geystaaan Geeddi-socodka Hannaanka Dimuqraadiyadda ee Jam. Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu weftigii ka socday Daneeyayaasha Beesha Caalamka u sheegay ama ku yidhi sidan:
"Jamhuuriyadda Somaliland waa dal ka soo kabtay cadaadis, colaado iyo dagaallo ummadooda lagula kacay, kuwaasoo soo taxnaa sannadihii 80-nadii ilaa 90-shanadii. Somaliland waa dal ku guulaystay inuu dhiso qaran ku qotoma nabad, xasilooni iyo hannaan dimuqraadi oo dhab ah. Geedi socodka hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hana-qaaday Dalkayaga waa mid si dhab ah uga ka go'an Shacabka Jam. Somaliland. Taasina waxaa markhaati cad u ah doorashooyinkii kala duwanaa ee Somaliland ka qabsoomay, kuwaasoo dhammaantood ku dhacay sifo dimuqraadi, hoggaanka dalkana loola kala wareegay isu-hanayn, niyadsami iyo isu hambalyayn. Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay iyo Komishanka Doorashooyinkaba waxa ka go'an qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada ee inagu soo fool leh, taasoo u muddaysan 13.11.2017.
Madaxweynuhu wuxuu weftigii ka socday Daneeyayaasha Beesha Caalamka u sku yidhi sidan: "Waxaan jecelahay inaan halkan idiinku caddeeyo in Qabsoomidda doorashadu aanay ahayn mid ay dabada ka riixayaan ama ay nagu qasbayaan Waddamada aad matashaan iyo Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada, laakiin waa mid aanu annagu rabno oo naga go'an. Ku dhaqanka hannaanka dimuqraadiyadda dantayada ayaa ku jirta, waana saldhigga nabadda iyo hurumarka dalkayaga ka hana qaaday oo ah astaamaha wacan ee Somaliland lagu tilmaansado."
"Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay waxay qaaday tallaabo kasta oo suurto galinaysa inay dalka ka qabsoonto Doorasho Madaxtooyo oo Xor iyo Xalaal ah, anagoo kafaalo qaadnay wixii kharash ah ee hawshaa ku baxaya. Dhinaca kale, hawl-wadeenada Xukuumadda waxaan awaamiir adag ku siiyey in ay juhdi iyo dedaal badan geliyaan gudashada xilka kaga beegan meel marinta qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada ee inagu soo fool leh, taasina waxaa tusaale wacan u ah Digreetooyinkii aan soo saaray ee khuseeyey: Reebbanaanta u adeegsiga Hantida Qaranka Ololaha Xisbiyada; Isticmaalka Warbaahinta Dawladda iyo fagaarayaasha wakhtiga Ololaha Doorashada iyo Gacan siinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka."
Weftigii Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland:
Kulankaasi waxa iyaguna dhinacooda ka hadlay Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxana haddallo soo jeediyey: Safiirka Midowga Yurub-EU Ms Veronique Lorenzo); Safiirka Dalka Denmark (Ms. Mette Knudsen); Madaxa Dawladda Ingiriiska ee u qaabilsan Somaliland (Mrs. Rosie Tapper).Saddexdan Danjire iyagoo ku hadlaya magaca weftiga waxay dhammaantood halkaa hambalyo iyo amaanba uga soo jeediyeen Madaxweynaha, Xukuumaddiisa iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka; iyagoo hoosta ka xarriiqay sida ay ugu qanacsan yihiin hannaanka iyo sida wacan ee ay u socdaan u diyaar-garowga Doorasha Madaxtooyada soo socota.
Saddexdan Danjire waxay si gaar ah Madaxweynaha JSL ugu ammaaneen sida ay Xukuumaddiisu muddo yar gudaheed ugu guulaysatay inay dhammaystiraan dhammaanba Kaabayaashii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada sida dhammaystirka Diwaangelinta Codbixyeyaasha, qaybinta Kaadhadhka Codbixiyeyaasha, Bixinta kharshkii Komishanku ku hawl galayey, diyaarinta Agabkii lagu galayey Doorashada iyo Diwaaangelinta u tartamayaasha jagada Madaxweynaha iyo M/ku xigeenka. Tallaabooyinkan oo ay ku tilmaameen tallaabooyin ku dhac leh oo uu Madaxweynuhu qaaday, arrimahanina ay u adeegi doonaan Taariikh Nololeedkiisa iyo Dhaxal-reebka ay ummaddiisu ku xasuusan doonto.
Weftiga Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland waxa kale oo ay hoosta ka xarriiqeen sida ay ula dhacsan yihiin Wareegtooyinkii uu Madaxweynuhu soo saaray 30 September 2017 oo ay ku tilmaameen inaya ahaayeen "HIIGSI XASAASI AH OO AAD QARAN AHAAN GAADHEEN". Ugu dambayntii Weftigii Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee Madaxweynuhu qaabilay taageerada ay u hayaan in Somaliland ay ka dhacdo Doorasho Xor iyo Xalaal ah. Taasina ay kor u sii qaadi doonto Taageerada, Sumcadda, Karaamada iyo Kalsoonida ay Beesha Caalamku ku qabto JSL. Waxay ummadda Somaliland ku booriyeen in doorashada soo socota 13.11.2017looga qayb qaato si nabad gelyo leh, iyagoo tartamayaasha ku dhiirri galiyey inay aqbalaan una hoggaansamaan natiijada ka soo baxda doorashada.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

storvideo: 


DHAGEYSO Barnaamijka Qubanaha Wararka Ee Idaacadda Shabelle

President Bashir says Sudan is keen to see a stable and secure Somalia

$
0
0

The official talks between the Sudanese and Somali sides started here on Wednesday at the Republican Palace, with President Omar Bashir heading the Sudan side and the Somali President Mohamed Abdallah heading his country’s delegation.
The talks centered on issues of mutual concern and the areas of cooperation between the two countries.
President Bashir stressed in his statement at the opening of the official talks that Sudanese Somali people relations are eternal and expressed his keenness to see a secure and stable Somali state and that the Sudan would continue its support for Somalia in all areas and help it rebuild its institutions in particular the Somali army, police, security and intelligence services and contribute in the capacity building particularly in the education fields.
The president pointed to coordination between the two governments and the two people in a number of issues, stressing the need to establish an economic block in the horn of Africa region with the view to make use of the huge resources in the countries in this area.
The Somali President has commended the Sudan and the Sudanese efforts to help Somalia in the various domains.
He said his country is looking forwards to more opportunities of training and education.
He pointed out that at present there are over six thousand Somali students in the various Sudanese institutions including university education.
He said his country lost over 65% of its animal wealth and that it needs Sudan’s support to recover what was lost.
The post President Bashir says Sudan is keen to see a stable and secure Somalia appeared first on Shabelle.

President Bashir says Sudan is keen to see a stable...

$
0
0

The official talks between the Sudanese and Somali sides started here on Wednesday at the Republican Palace, with President Omar Bashir heading the Sudan side and the Somali President Mohamed Abdallah heading his country's delegation.
The talks centered on issues of mutual concern and the areas of cooperation between the two countries.
President Bashir stressed in his statement at the opening of the official talks that Sudanese Somali people relations are eternal and expressed his keenness to see a secure and stable Somali state and that the Sudan would continue its support for Somalia in all areas and help it rebuild its institutions in particular the Somali army, police, security and intelligence services and contribute in the capacity building particularly in the education fields.
The president pointed to coordination between the two governments and the two people in a number of issues, stressing the need to establish an economic block in the horn of Africa region with the view to make use of the huge resources in the countries in this area.
The Somali President has commended the Sudan and the Sudanese efforts to help Somalia in the various domains.
He said his country is looking forwards to more opportunities of training and education.
He pointed out that at present there are over six thousand Somali students in the various Sudanese institutions including university education.
He said his country lost over 65% of its animal wealth and that it needs Sudan's support to recover what was lost.
storvideo: 

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Abaalmarin...

$
0
0

4th October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04 October 2017 gudoosiiyey shahaado sharaf iyo abaalmarin kale ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Bari iyo PMPF ee cidamada badda Puntland, waxaana ay ciidanka ka koobnaayeen saraakiil, saraakiil xigeeno iyo dabley oo tiradoodu dhammayd 64 askari.
.Munasibadda abaalmarinta ciidanka oo ka dhacday Madaxtooyada Boosaaso ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, Taliyaha ciidanka qalabka sida ee dawladda Puntland Sareeye Guud Saciid Maxamed Xirsi, taliska qaybta gobolka Bari, saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska gobolkaasi iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn hambalyo iyo bogaadin usoo jeediyey ciidanka qalabka sida ee dawladda Puntland meel kastay joogaanba, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in maanta ciidamada lagudoosiinayo abaalmarintani ay yihiin kuwo hawl galo gaara ka fuliyey xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, isla markaana gacanta ku dhigay iyagoo is garabsanaya fal-denbiyeedyo tiro badan oo ay soo abaabuleen sharwadayaasha Al-shabaab." Xafladdani waxay si gaara u khusaysaa dadkii qabtay fal-denbiyeedkii ay soo abaabuleen sharwadayaashu ee ahaa qaraxyadii loosoo abaabuley dadka reer Puntland in lagu laayo, gaar ahaan shacabka Boosaaso, ciidankii ka hortegey qabtay ku guulaystey weeye munaasibaddani, taas micneheedu ma aha labadan ciidan ee meesha joogaa inay kuwa kale ka hawl karsanaayeen ama ay ka hawl badan yihiin"ayuu yiri Madaxweyuhu.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in ciidamada Puntland markasta u diyaarsan yihiin ka hortagga iyo ladagaalanka cadawgooda, in badan oo kamidda ciidamada qalabka sida ee Puntlandna ay saacaddan lajoogo ku jiraan hawlgallo lagu sugayo amniga iyo xasiloonida dalkooda."Ciidamada Puntland nooc kastay doonaan ha noqdeene waxay ku hawlan yihiin ka hortagga iyo ladagaalanka cadawga, in badan oo meeshan aan joogin oo hadda hawl kujira saacaddan aan joogno oo ku hawlan illaalinta iyo difaaca Puntland weeye dhammaantod"ayuu yiri Madaxweynuhu"Ciidamadii ugu hawsha badnaa dalka, shaqadooda iyo difaacoodu meesha majoogaan hadda, lakiin in loo fahmo hawshani hawl gaara oo ahayd qorshahaas gaar ka ah ee ciidan kani ku guulaysteen inay fashilaan oo qabtaan in lagu dhiiri geliyo, si ay usii laba jibaaraan shaqadooda iyo hawlkarnimadooda, lagana illaaliyo dhibaatooyinka cadawgu uu u soo maleegayo Puntland" ayuu yiri Madaxweynuhu.
Ugu danbayn, Madaxeynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay inuu jirey sarkaal u huray naftiisa isagoo difaacaya dadkiisa iyo dalkiisaba, kuna waayey naftiisa qarax ay argagaxisada Al-shabaab ugu tala galeen inay ku waxyeeleeyaan shacabka Boosaaso, waxaana uu Madaxweynuhu uga tacsiyey eheladi, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay sarkaal kaasi, Allena 'SWC' waxa uu u weydiiyey inuu u naxariisto marxuunka, qabrigana u waasiciyo.=DHAMMAAD=XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
[embedded content]
storvideo: 

la taliyaha Qaramada Midoobey

$
0
0

Goosashaddii beesha isaaq oo quus noqotay, ka dib markii Qaramada midoobey ay la taliye u noqotay gabadh ka soo jeeda Beesha Daarood ee ilaalisa midnimada Soomaaliya
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Marwo Amina Maxamed ayaa ka mid noqotay lataliyayaasha Madaxbanaan ee Qaramaada Midoobey kala talineya arrimaha horumarinta, dhaqaalaha, cimillada iyo nabadda.
Madaxweynaha Golaha guud ee Qaramada Midoobey Miroslav Lajcak ayaa soo magacaabay 15kiisa lataliye madaxa banaan iyadoo lagu soo daray Marwo Amina Maxamed oo ah Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya.
Amina ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay islamarkaana soo dhaweyneyso arrintan oo ay sheegtay in ay muhiim u tahay mustaqbalka dadka ay matasho.
Kulanka ugu horeeya ayay la taliyaasha la magacaabay yeelan doonaan jimcaha soo socota, waxaana ay ku dejin doonaan Ajandaha Qaramada Midoobey ee Sanadka soo socda oo ay ka mid yihiin Nabadda,hiigsiga horumarinta Caalamka iyo hirgelinta heshiiskii Cimilada ee Paris lagu saxiixay 2015kii.
Ajandayaasha ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah dib u habeyn lagu sameynayo Qaramada Midoobey ,arrimaha xuquuqda aadanaha iyo weliba sharafta
PRESS RELEASE
President of the UN General Assembly to visit Kenya, Central African Republic and Uganda
UNITED NATIONS, New York, 6 May 2017, The President of the United Nations General Assembly, H.E. Mr. Peter Thomson, will visit Kenya, the Central African Republic, and Uganda next week.
In Nairobi, on Sunday, May 7, President Thomson will visit a number of projects dedicated to environmental and wildlife conservation before meeting with H.E. Ms Amina Mohamed, Minister of Foreign Affairs, Kenya.
On Monday, 8 May, President Thomson will participate in the opening ceremony of the meeting of the UN-HABITAT Governing Council to discuss the implementation of the Sustainable Development Goals in cities and urban areas, as well as preparations for the High Level Meeting of the General Assembly on the implementation of the New Urban Agenda and the future of UN Habitat in that regard, scheduled to take place on 29-30 August at UN Headquarters, New York.
Immediately following the opening ceremony of the Governing Council, President Thomson is scheduled to meet with the President of Kenya, H.E. Mr. Uhuru Kenyatta, to discuss regional peace and security matters, the Sustainable Development Goals and the upcoming UN Ocean Conference.
President Thomson will take the opportunity to engage with UN leadership in Nairobi including Ms Sahle-Work Zwede, Director General of UNON; Mr Joan Clos, Executive Director of UN-Habitat. and Mr Eric Solheim, Executive Director of UN Environment Program. He will also address the Committee of Permanent Representatives in Nairobi.
On Tuesday, 9 May, the President will meet with Ocean stakeholders in Kenya, host a luncheon with Ocean related Ministers in the Kenyan Government and meet with the UN Country Team in Kenya.
President Thomson will travel to Bangui, Central African Republic, on Wednesday, 10 May, to visit the United Nations Multidimensional Integrated Stabilization Mission in the country and to pay tribute to the work of UN Peacekeepers around the world. President Thomson will also meet the Prime Minister of the Central African Republic, H.E. Mr Simplice Sarandji, and participate in a wreath-laying ceremony honoring the victims of war in the country.
While there, the President will receive an official briefing on the current status of the mission in the Central African Republic, hosted by the UN Special Representative and Head of Mission, H.E. Mr. Parfait Onanga-Anyanga. The President will also meet with and address UN Peacekeeping forces stationed in Bangui, before meeting with UN personnel and members of the local community who are implementing projects dedicated to sustainable development and sustaining peace.
On the morning of Thursday, 11 May, President Thomson will travel to Entebbe, Uganda. While in Uganda, he will meet with the Prime Minister of Uganda, H.E. Mr. Ruhakana Rugunda, to discuss implementation of the Sustainable Development Goals in Uganda and the situation of refugees and migrants in the region. The President will also have an opportunity to visit the United Nations Regional Service Center in Entebbe to learn about its role in supporting regional peacekeeping missions.President Thomson said: 'This trip will be an excellent opportunity to engage with those leading on sustainable cities and environmental sustainability in Kenya; to show the General Assembly's solidarity with UN peacekeepers around the world through the visit to Central African Republic, and to consider the UN's regional approach while visiting the Regional Services Center in Uganda. Through a series of meetings with High-level Government officials, UN representatives and UN Peacekeepers, I look forward to receiving an update on the UN's comprehensive efforts to advance peace, sustainable development and human rights in the Central and East Africa regions.'The President will be accompanied by the Office of the President of the General Assembly's Chef de Cabinet, Mr. Tomas Anker Christensen; his Special Envoy for SDGs and Climate Change, H.E. Mr. Macharia Kamau of Kenya; Senior Advisers Ms. Jullyette Ukabiala and Mr. Oyama Mgobozi, and Special Assistant to the Chef de Cabinet, Mr. Michael McManus. Contributions to the Trust Fund of the Office of the President of the General Assembly will be used to cover travel and accommodation expenses of the President and accompanying officers while a UN Flight shall be provided to the delegation to travel from Bangui, Central African Republic, to Entebbe, Uganda.
***FOR MEDIA INQUIRIES PLEASE CONTACT:
Daniel Thomas, Communications Director & Spokesperson for the President of the General Assembly, T:+19172251913; +1 917 225 1913| E: Daniel.thomas@un.org
Naomi Parekh, Communications Adviser for the President of the General Assembly, T: + 1 917 436 0214| E: parekh1@un.org
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live