Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maanta iyo xaflad ay xisbiga Kulmiye ku soo...

$
0
0

Maanta iyo xaflad ay xisbiga Kulmiye ku soo dhaweeyeen siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Ex-Wasiir Osman Sh. Abdilqadir iyo Siyaasi Abdirashid Hassan Mataan oo dhawaan labaduba ka soo diga rogtay xisbiga Waddani. ( halkan ka daawo sida ay xafladdaasi u dhacday )
Waxa Daabacay staff-reporter on Oct 5th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Hoggaanka xisbiga Kulmiye oo ay hor socdaan Musharrixiinta Madaxweyne Muse Bixi iyo M/xigeen Abdirahman Zaylici, ayaa maanta magaalada Borama kaga qayb galay xaflad ballaadhan oo lagu soo dhaweynayey xubno cul-culus kala ahaa Ex-Wasiir Osman Sh. Abdilqadir Sh. Mohumed, Xoghayihii hore ee warfaafinta Abdirashid Hassan Mataan iyo siyaasiyiin kale.
Sidoo kale waxa madasha oo buuxday fadhiyey, siyaasiyiin, aqoonyahanno, oday dhaqameedyo iyo da'yar isugu jiray dhammaantood rag iyo dumar.
Xafladdiisna sidan ayey u dhacday:
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 205 times.
storvideo: 


Ex- Wasiir Osman Sh. Abdulqadir oo si ba’an u...

$
0
0

Ex- Wasiir Osman Sh. Abdulqadir oo si ba'an u weeraray xisbiga Waddani.
Waxa Daabacay staff-reporter on Oct 5th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Ex- Wasiir Osman Sh. Abdulqadir oo ka mid ahaa siyaasiyiinta maanta xisbiga Kulmiye lagu soo dhaweeyey, ee caddaysay in ay xisbiga soo galeen, ayaa madashii ka jeediyey qudbad aad u xeel fog, waxana uu ka dhawaajiyey, in uu Muse Bixi yahay musharraxa keliya ee dalka Somaliland meel gaadhsiin kara.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 230 times.
storvideo: 

Ganacsato caan ah oo lagu dilay deegaan hoostaga...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysnaa Hubka fudud ay dileen laba ruux oo Ganacsato ahaa.
Dilka Ganacsatadan ayaa ka dhacay degaanka Wareeg Kismaayo oo u dhexeeya magaalooyinka Kudhaa iyo Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.
Labada Ganacsato ee la dilay ayaa caan ka ahaa Gobolka Jubbada Hoose waxa ayna ka ganacsan jireen Dhuxusha la kala safriyo.
Ganacsatadan ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Aadan Cosoble iyo Moodhafiin, waxaana dilkooda loo adeegsaday AK47.
Meydka Ganacsatada ayaa la geeyay Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana shaki ku jira cida ka danbeysay dilkooda.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa Gobolka Jubbada Hoose kusii kordhaaya dilalka loo geysto dadka caanka ka ah Gobolka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Siyaasi Abdirashid Hassan Mataan iyo qudbaddiisii uu...

$
0
0

Siyaasi Abdirashid Hassan Mataan iyo qudbaddiisii uu maanta ka jeediyey xafladdii uu xisbiga Kulmiye u qabtay siyaasiyiinta uu ka midka yahay. ( Bal nala daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Oct 5th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Siyaasi Abdirashid Hassan Mataan oo ka mid ah haldoorka lagu amma siyaasiyiinta reer Awdal, oo dhawaan ka soo diga rogtay xisbiga Waddani oo uu u ahaa xoghayaha Warfaafinta, ayaa dhawaan isaga degey xilkii uu xisbigaasi u hayey, xubinnimadii xisbigana isaga baxay. Waxanu hore u shaaciyey in uu ku biiri doono xisbiga Kulmiye, sababta uu sheegi doono.
Maanta oo uu ka mid ahaa siyaasiyiintii xafladda soo dhaweynta ah loo qabtay ayuu xafladdii ka jeediyey qudbad uu ku weeraray xisbiga Kulmiye, isaga oo ku daray sababta uu uga huleelay.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 215 times.
storvideo: 

Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Hassan Suldaan...

$
0
0

Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Hassan Suldaan Abdillaahi oo gabaygiisii ololaha doorashada ka reebay beelaha Samarroon. Waayo?
Waxa Daabacay staff-reporter on Oct 5th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Xilli siyaasadeedkan reer Somaliland ay ku jiraan, ayaa qof walbaa noqday dhawaq dhawr. Saxaafadduna waxa ay isha ku haysaa hadallada siyaasiyiinta, Salaadiinta iyo dadka siyaasadda ka faallooda.
Haddaba dhawaan ayaa xaflad caleemo saar ahi ay kulmisay salaadiin, siyaasiyiin iyo boqorro. Waxana markiiba xafladdii la isku dhaafsaday kaftan iyo gabayo.
Sida aad ka dhegeysan doontaan cajaladda, waxa kaftankii ku hor maray oo bilaabay Suldaanka guud ee Subeer Awdal Suldaan Hassan Suldaan Abdillaahi, oo marxaladda siyaasadeed iyo damaca reerkiisa ka tiriyey gabay uu ku sheegayo, reeraha u codayn doona beelaha uu Suldaanka u yahay. Waxana uu soo tiriyey beelaha Garxajis oo aanay Habar Yonis ku jirin, Beelaha Habar jeclo, Beelaha Dhulbahante iyo beesha Ciise oo uu ku soo gaba gabeeyey.
Markii aan dhegeysanayey, oo aan is lahaa beelaha Samarroon wuu ku soo dari, ee uu ku soo dari waayey, waan ka yara niyad jabay, waxanay ila noqotay lama filaan, waxana isku kay qaban waayey kalgacalada Suldaanka ay beelaha Smarroon u hayaan isaga iyo beeshiisa iyo in uu gees iska mariyo. Su'aasha aan is weydiiyeyna waxa ay ahayd, tolow Suldaanku muxuu u illoobay reerka uguba ood dhaw. Mise soo dhaweyntii Waddani ayuu ka xanaaqay?
Siday doonto arrini ha ahaatee, Suldaanka waxa leehay soo dhawow siyaasaddeennu waa dimuqraaddiye, hana quusan waxba naga waayi maysidi!
[embedded content]
Ahmedweli Goth
This post has been viewed 260 times.
storvideo: 

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo horay Badda...

$
0
0

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo horay Badda Soomaliyeed iibiyey oo hada iibgeeye dhulka
Oct 5, 2017 -
Omar Abdirashid Ali Sharmarke Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somaaliya ,hada waa la taliyaha Dowladda Imaraatka arimaha Somaaliya xaruntiisa waa Dubai.
Wada shaqeynta oo ah qaab qarsoodi ah ayaa waxa uu ku helay aduun lacageed oo ku fillan noloshiisa.
Horey waxa uu qeyb ka ahaa saxiix & heshiis muran dhaliyay oo ku saabsan badda Somaaliya .Markale waxa lagu sheegay qoraal inuu qeyb ka ahaa Saxiix Dekaddaha Berbera iyo inuu dhiiri galiyay la wareegida tan Bosaaso.
Waxa uu ku heli donaa abaal gud lacageed ku gulleysashada in lala wareego Hobyo ,Marka ,Kismaayo iyo Baraawe , hasayeshee waxa adkaan doonto Dekadda Baraawe oo hada gacanta Dowlada ku jirto sida qoraal lagu daabacay.
Sanadii 2015 waxa uu si qarsoodi ula kulmay isagoo ah RW ninka lagu magacaabo Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo ah Safiir Imaraadka Muqdisho ,waxaana lagu heshiiyay iskaashi arimaha Siyaasada oo dhameystiran .
Imaraadka oo ku xadgudbaya madax-banaanida Somaaliya ayaa hadana heshiisyada ka dhigaya ansax ; waxaa qeyb ka ah RW .
Raiisul Wasaare Masuul ka ahaa dalkiisa oo burbursan oo isku badalay la taliye dal kale arimaha dalkiisa ;waxa ay noqon kartaa qiyaano , basaasnimo iyo wardoon .
Aabihii oo beri Somaaliya ka ahaa Madaxweyne waxa uu ahaa halyeey wadani oo Somaaliya u qabtay arrimo badan oo hormar ah. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Daawo: Saaka Waxaa ka furmay Madasha Shirarka ee...

$
0
0

Waxaa saaka. Kafurmay madasha shirarka ee Sayid Maxamd Cabdulle Xasan tababarkii xirfadaha kala duwan. Oo lasiinayo dhalinyaro laga soo kala xulay Degmooyinka iyo Magaalooyinka.
Dhalinyaradani waa kuwii ugu horreeyay ee shirkada TACAB IYO MAAL TM. Ee ladagaalanka saboolnimada iyo mashaqaystenimada. Tababarkan waxaa kasoo qaybgalay wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdi Mahad Maxamed Cabaase , Wasiir Ku Xigeenka Xafiiska Maamulka DDSI MudaneMudane Deeq Cabdilaahi Buraale iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah.
storvideo: 

DHAGEYSO Barnaamijka Qubanaha Wararka Ee Idaacadda Shabelle


Sacuudiga iyo Ruushka oo heshiisyo kala saxiixday

$
0
0

Boqorka Sacuudiga,Salman Ben-abdiaziz iyo madaxweynaha Rusia Vladimir Putin oo kulan ku yeeshay magaalada Moscow ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo xasaradda Bariga dhexe,taasoo ay u horrayso colaadda dalka Syria,madax-bannaanida gobolka Kurdistan,dhibaatada lagu hayo dadka reer Falastiin iyo la-dagaallanka argagixisada.
Boqor Salman ayaa kulanka ka sheegay in loo baahanyahay xal-siyaasadeed oo laga gaaro colaadda Syria oo lagu beddelo dagaalka muddada ka socda dalkaasi,si looga badbaadiyo Syria in ay gebi ahaanba burburto,wuxuuna yiri"waa lagama maarmaan in la helo xal-siyaasadeed oo lagu ilaalinayo midnimada Syria iyo nabad-gelyada dhulkeeda.waxaan u soo jeedinaya Iran in ay faro-gelinta ka joojiso dalalka bariga dhexe".
Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la adkeeyo midnimada dalka Ciraaq,islamarkaana la xoojiyo cududda militeri iyo tan dhaqaale ee dalkaasi,si uu dib ugu soo kabto,ugana guulaysto argagixisada,wuxuuse ka digay in madax-bannaanida Kurdistan ay fursad u tahay Daacish oo haatan laga xoreeyey magaalooyin badan o ka tirsan Ciraaq.
Mar uu ka hadlayey colaadda Falastiin iyo Israa'iil, ayuu Israa'iil u soo jeediyey in ay ogolato dowlad madax-bannaan oo falastiiniyiinta u gaar ah,taasoo caasimadeedu tahay Quddus "si loo helo" buu yiri heshiis nabadeed oo waara.Boqorka ayaa Israa'iil ku eedeeyay in ay mar walba ka baxdo heshiisyada nabadda ee iyaga iyo Falastiin.
Wuxuu dalbaday in la sameeeyo wax uu ugu yeeray"Xarunta Caalamiga ah ee la-dagaallanka argagixisada",taasoo uu caddeeyey in dowladiisu ay horay Qaramada Midoobay uga codsatay in la sameeyo,balse aan weli suurta-gelin.
Dhankiisa Madaxweynaha Rusia Vladimir Putin ayaa ku bilowday ammaan uu kala duldhacay boqor Salman oo uu ku tilmaamay shakhsi qiimo badan,isagoo bogaadiyey xiriirka labada dal ka dhexeeya,kaasoo uu sheegay in weligiisba aanu xumaan,wuxuuna tusaale u soo qaatay in Rusia ahayd dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada sacuudiga,xilligii Midowgii Soofiyeedka sannadkii 1926.
Putin ayaa muujiyey baahida loo qabo in la iska kaashado la-dagaallanka argagixisada iyo in xil siyaasadeed loo raadiyo colaadda Syria,inkastoo uusan si faahfaahsan uga hadlin qodobkaasi.Waxaa hadalkiisa ka muuqatay in uu iska dhowrayo ereyadii lagu yaqaanay,marka laga hadlayo arrimaha Syria,kuwaaso ay ku jirtay dhaleeecayntii mucaaradka madaxweyne Bashar Al-asad.Heshiisyo la gaaray labada dhinac
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa soo werisay in labada dhinac kala saxiixdeen heshiis lagu samaynayo sanduuq maalgashi oo wadaago ah,kaasoo ku kacaya qiimo dhan $1 bilyan oo Dollar.
Heshiisyada la gaaray,ayaa sidoo kale waxaa ku jira mid ku kacaya $3 bilyan oo Sacuudigu hub uga iibsanayo Rusia iyo mid kale oo lagu maal-gelinayo shirkad daawada soo saarta oo laga hirgelin doono Sacuudiga,taasoo ay uu ku baxayo qiimo dhan $$1.1 Dolar.Ruushka ayaaa sidoo kale Sacuudiga la saxiixday heshiisyo ku saabsan shidaalka iyo Gaaska.
Waa markii ugu horreysay ee boqor Sacuudi booqdo dalka Ruushka,inkastoo madaxweynaha Ruushka uu booqday Sacuudiga sanandkii 2007.Labada dalba waxay hodon ku yihiin shidaalka,waxaana jira xiriir dhaqaale oo ka dhexeeya,laakiin waxay isaga horjeedaan dhinaca siyaasadda.
Ruushka ayaa taageera xukuumadda Bashar Al-asad,halka Sacuudigu tageero kooxaha mucaaradka qunyar socodka ah ee ka horjeeda maamulka Bashar.Colaadda Syria ayaa lagu tilmaamaa mid siyaasad ahaan kala fogaysay labada dhinac,balse heshiisyada ku saabsan dhaqaalaha iyo militeriga ee ay kala saxiixdeen ayaa muujinaya in ay wax walba dantooda ka hormarinayan.PUNTLANDPOSTCabdiraxmaan Ciise Cumar
The post Sacuudiga iyo Ruushka oo heshiisyo kala saxiixday appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

(AKHRISO) Dowladdaha Soomaaliya iyo Suudaan oo...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Booqasho rasmi ku jooga Dalka Suudaan ayaa kulan uu Magaaladda Khartoum ee Xarunta dalkaasi ay kula yeeshay Madaxweynaha Wadanka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ay kaga hadleen arrimo dhowr oo labada dal ku saabsan, iyagoo isla gartay Qodob dhowr. Madaxweynaha JF Soomaaliya ayaa dhiggiisa Dalka Sudan uga mahad celiyey taageerida suudaan ay la garab istaagtay Soomaaliya inta ay burbursaneed ilaa haatan, gaar ahaan dhanka Waxbarashadda. Heshiisyada ay isla garteen Labada Dal ayaa waxaa kamid ah :- waxay isla garteen labada Madaxweyne muhiimadda ay leedahay in la helo Iskaashi dhaqaale oo dhex mara dowladdaha geeska Africa, Mustaqbalka dhowna lagu dhawaaqo midow Ganacsi oo ay ku midaysanyihiin dowladdaha geeska africa. Waxay isla garteen labada dhinac in la iska kaashado dhinacyadda Beeraha, Waxbarashada, Ganacsiga xoolaha, Baasaboorka, Safaradda iyo Duulimaadka shacabka. In la sameeyo Guddi Siyaasadeed ee Wasaaraddaha arrimaha dibadda labada dhinac si loo dardar galiyo xariirka dhabaha cusub loo xaaray ee Somalia iyo Sudan ka dhaxeeya. Hishiisyadan ay wada gaareen Madaxda Wadamada Soomaaliya iyo Suudaan ayaa u daneeynayo labada shacab ee Walaalaha ah, waxaana ay xoojinayaan Saaxiibtinimada qotada dheer ee dhaxeysa Somalia iyo Sudan. Qodobadaasi heshiiska ku saabsan oo faahfaahsan dib ayaan idinkaaga soo gudbin [...]
storvideo: 

Maraykanka oo Suudaan ka qaaday cunaqabatayntii...

$
0
0

Dowladda Maraykanka ayaa cunaqabataytii dhaqaalaha ka qaaday dowladda Suudaan. Cunaqabataytan ayaa Suudaan la saaray labaatan sano ka hor.
War Maraykanka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay horumar ka samaysay xuquuqul insaanka.
Waxay sidoo kale Suudaan wax ka qabatay baa la yiri arrimaha la dagaalanka xagjirka.
Dalka Suudaan waxaa saarnaa cunaqabatayn ganacsi iyo xayiraado kaleba. Geedisocodka Suudaan xayiraada looga qaaday waxaa bilaabay madaxweynihii Barack Obama.
Balse kooxaha xuquuqul insaanka ayaa cambaareeyey tillaabadan Suudaan cunaqabataynta looga qaaday.
Waxay sheegayaan kooxahani in Suudaan aysan dhab ka ahayn inay isbadal muuqda samayso. Madaxweynaha Suudaan AlBashiir ayaa ah nin ay doondoonayso maxakamada dambiyada aduunka .
Waxaana madaxweyne AlBashiir loo haystaa inuu gallay dambi dagaal iyo xasuuq.
storvideo: 

Madaxweyne Shariif Xasan oo gaaray Magaalada...

$
0
0

Kismaayo (Sh M Network)--Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa safarkan waxaa ku wehliya Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare, kuwaasi oo laga soo daartay Magaalada Baydhabo.
Wafdi Madaxweyne Shariif Xasan ayaa si diiran waxaa Garoonka Diyaaradaha ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Madaxda Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa kulamo hordhac waxey ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada ee Maamulka Jubaland.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa maalinta Axada ee soo socota uga qeyb gali doona Magaalada Kismaayo shir lagu dhex dhexaadinayo Maamul Goboleedyada Dalka iyo Dowladda Federaalka.
storvideo: 

Daacish oo dumarka ugu baaqay inay dagaalka la gallaan

$
0
0

Kooxda isugu yeerta Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa dumarka islaamka ugu baaqday inay dagaalka ka qeybgalaan.

Daacish oo dumarka ugu baaqay inay dagaalka la gallaan

$
0
0

Kooxda isugu yeerta Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa dumarka islaamka ugu baaqday inay dagaalka ka qeybgalaan.
Kooxdan Daacish ayaa intaasi raacisay inay waajib tahay in haweenka ay dagaalka taageeraan.
Waa markii kowaad ee Daacish ay dumar dagaal ugu yeeraan tan iyo markii kooxdan ay dagaalka bilowday.
Daacish waxay waagii hore sheegi jireen in dumarka ay xaasas u noqdaan dagaalamayaasha kooxda.
Kooxdan Khilaafada Islaamka ayaa luminayay deegaano badan oo mudadan dambe laga qabsanayay.
Dalka Suuriya ayaa wararka hadda ka imanaya waxay sheegayaan in ciidanka Suuriya oo ay taageerayaan ciidanka Ruushka ay gaareen duleedka magaalada Mayadeen.
Magaaladda Mayadeen waxaa salshig weyn ku leh kooxda Daacish
storvideo: 

Gudaha Ka Eeg :“Bulsho Ahaan Waxa Aynu U Baahan...

$
0
0

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo habeenki xalay ahaa ka qaybgalay munaasibad balaadhan oo ay ku kulmeen dhalinyarada Somaliland iyo Masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka madaxtooyadu kulankan oo ahaa mid loo qabtay Abwaan Laab-salaax ayuu wasiirku ka jeediyey khudbada dheer waxaanu yidhi "Aslaamucalaykum, aad baan ugu faraxsanahay inaan ka soo qayb gallo munaasibadan lagu soo bandhigaayo suugaanta abwaanka weyn ee Xasan Dhuxul Laab-saalax oo ah abwaan qiimo weyn qaranka ugu fadhiya.
Waxaa kale oo halkan ka hambalyaynayaa da'yartaa wakhtigooda usoo huray inay dhagaystaan maansooyinkan qiimaha leh ee halkan laga jeediyay, anigu abwaan ma ihi laakiin waxaan ahay dadka suugaanta jecel ee dhagaysta, bulshadeenii waxyaabaha ku dhacay waxa kamida is aamin la'aan, dal baynu ka tirsanayeyn sodon sanadood, dalkaasi waxa aynu ka soo baranay waxyaabo badan murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda ayax tag eel-na reeb, waxa aynnu kasoo baranay, khiyaamada, is-aamin la'aanta, burburka iyo qofka siyaasiga ah oo aan la aaminin.
Imika bari dhawayd oo aan tagay Kuwait oo aan ka soo qaaday mashruuca lagu dhisay madaarkeena oo aad maanta quruxdiisa aragto, markii horana siduu ahaa aad ogaydeen ayaa ninkii siyaasiga ah ee ila kul-maaba uu is yidhaahdaa walaahi malaayiinkii doolarka ahaa ayuu boorsada ku sitaa, waa is aamin la'aanta bulshadeena maanta haysata, anigu siyaasi ayaan ahay xafiis ayaan fadhiyaa qofkii ii soo galaaba marka uu saa ii eego ayuu is yidhaahdaa walaahi lacag baa ninkan dul-saar-saaran, waxa aynnu u baahan nahay inaynu si aamino,oo qofka siyaasiga ah la aamino, imika heestii ay xidigaha geesku halkan ka qaadayeen ee ahayd "ninkii u han-wayn hoggaanka dalkoow hankaagu ha dhaafo reer hebel" qaar baa is odhanaya idinkuu idiin jeeday.
Waxaan ku soo ururinayaa aad baan ugu mahad celinayaa Abwaanka Xasan Dhuxul Laab-saalax iyo xidigaha geeskaba suugaantii ay halkan ka qaadeen.
Wabilaahi Tawfiiq.
Guul Somaliland.
storvideo: 


DHAGEYSO Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle

Gudaha Ka Eeg :Degmada Cusub Ee Dacarta Oo Loo Wan...

$
0
0

Munaasibad balaadhan oo loogu wanqalay Degmada cusub ee Dacarta oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, ayaa lagu qabtay Magaalada Dacarta, taasoo ay ka qayb-galeen madaxda Asxaabta Qaranka, xubno kamida Golaha Wasiirrada, Xildhibanno ka tirsan Goleyaasha Baarlamanka, Maayirro, Madaxdhaqameedyo iyo boqolaal Dadweyne ah.
Xafladan oo ahayd mid kulmisay badi Haldoorka Somaliland, loona sameeyey Dabaal-deg agaasiman oo ay qayb ka ahaayeen Fardo lagu soo dhaweeyey Madaxda ka qayb-gashay iyo bandhig-fanneedyo soo jiitay indhaha marti-sharafta, isla markaana intii ay socotay laysku dhaafsaday Kaftan iyo duur-xul dhaqan iyo mid Siyaasaddeed, waxa ugu horayn ka hadlay Guddoomiyaha Guddida Talo-same Xaaji Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abusite oo ku hadlayey afka guddida horumarinta degmadan iyo Suldaan Axmed Daahir Muuse oo kamida madaxdhaqameedka Deegaanka, kuwaasoo ku dheeraaday Taariikhda Degmadan .
Guddoomiye Xaaji Axmed iyo Suldaan Axmed-daahir, waxa kale oo ay halkaa mahad-naq uga jeediyeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa oo ay ku bogaadiyeen magacaabista Degmadan.
Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, Suldaan Naasir suldaan Cabdi Ismaaciil, Suldaan Maxamed Mirre Guuleed iyo madaxdhaqameedyo oo xafladaas hadallo ka jeediyey, ayaa hambalyey Degmadan cusub, uguna duceeyey inay noqoto degmo hogaanka u qabata horumarka Gobolka Maroodi-jeex iyo guud ahaan dalka, isagoo geesta kalena ka waramay Taariikhda soo-jireenka ah ee Beesha Degmadan degta oo ay tilmaameen inay tahay Beeshii ugu horaysay ee dhinaca Dhaqanka iyo hogaaminta Saldanadaha u horaysay Beesha Dhexe ee Somaliland.
Madaxdhaqameedyada iyo xubno ku xeel-dheer dhinaca Taariikhda oo xaflada ka hadlay , waxa kale oo ay sheegeen in Beeshaasi markii u horaysay samaysay Saldanad-dhaqameed Boqortooyo oo ahayd tii ugu horaysay ee laga sameeyey dhulka Somaliland, iyagoo halkaa ku soo bandhigay Suugaan iyo Sooyaal ka waramaya Taariikhdii Faca-weynayd ee Sandaladdii Boqor Haaruun iyo ilaa todoba Sandaladood oo kala dambeeyey.
"Bulshada ku dhaqan Degmadani waa Bulsho Taariikh fac-weyn lahayd oo aan hubno inay ka soo baxayso horumarinta Degmadan.." ayuu yidhi Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo kamid ahaa madaxdhaqameedka halkaa ka hadlay.
Maayirka - Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Maayirka Degmada Gabiley Maxamed-aamin Cumar Cabdi oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey degmdan cusub, waxaanay sheegeen inay ka qayb-qaadanayaan dhismaha iyo horumarka Degmadan.
"Anigoo ku hadlaya afka Golaha Deegaanka Hargeysa waanu Degmada Dacarta, waxaanu balanqaadaynaa inaanu bixin doono Gaadhigii Degmada, waxa kale oo aanu ka qayb-qaadan doonaa dhismaha Wadaddeeda iyo horumarinteeda kale" ayuu yidhi Maayirka Magaalada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid.
Maayirka Gabiley Maxamed-aamin Cumar Cabdi, ayaa isna balanqaaday " Bulshada ku dhaqan Degmada Dacartu waxay kamid yihiin Cashuur-bixiyeyaasha Gobolka Gabiley, sidaas darteed anigoo hadlaya afka Maamulka Degmada iyo Gobolka Gabiley, waxaanu balanqaadaynaa inaanu hiil iyo hoob-ba la garab taaganahay Degmadan" ayuu yidhi Maayir Aamin.
Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Mustafe Axmed Ciise (Shiine) iyo Guddoomiyaha Degmada Faroweyne Faysal Maxamed Jaamac ayaa iyaguna soo dhaweeyey degmadan cusub ee ku soo korodhay Gobolka Maroodi-jeex, waxaanay balanqaadeen inay la shaqeynayaan maamulkeeda, iskana kaashan doonaan horumarinta iyo nabad-gelyada.
Guddoomiye Mustafe-shiine, ayaa sidoo kale magacaabista degmadan uga mahad-celiyey madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, isagoo tilmaamay inay noqon doonto degmo horumar iyo wax-soo-saar ku soo kordhisa Gobolka ay ka tirsan tahay.
Wasiir-u-dawlaha Wasaarada Arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye oo isna munaasibada ka hadlay, ayaa sheegay inay Degmada Dacartu waxyaabo badan kaga duwantahay degmooyinka kale ee dalka, isla markaana isaga ay xusuus iyo xallad gaar ah ugu suntan tahay degmanimadeeddu. Wasiirku waxa kale oo uu kula taliyey bulshooyinka ku dhaqan degmadan isku-duubni iyo inay u midoobaan horumarkeeda.
Wasiir-u-dawlaha Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Yuusuf Cismaan Garas, ayaa sheegay in degmadani noqotay mid isku xidhay ama Biriij ku noqotay Bulshooyinka Somaliland ee Bariga iyo Galbeedka, taasina ka markhaati kacayso faca iyo miisaanka Taariikheed ee ay leedahay. Wasiir Garas waxa kale oo uu halkaa mahad-naq uga jeediyey Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiin kale oo uu ku suntay horumarka adeegyadeeda. "Degmadani waxay iskaashi iyo dan-wadaag la leedahay Deegaamada ay ka soo jeedaan Wasiir Xaglo-toosiye iyo Ragga kale ee halkan fadhiyaan. Waxa kale oo aan halkan kaga dhawaaqayaa inay Bulshada Degmadu laba Faras ku maamustay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo Wasiirka Caafimaadka Saleeban Xaglo-toosiye. Labadaa Faras oo ay Bulshada degmadu ii wakiillatay inaan iminka ku wareejiyo Wasiirrada la siiyey" ayuu yidhi Yusuf Cismaan Garas.
Wasiirka Wasaarrada Howlaha Guud Cali Maxamed Xasan (Cali-mareexaan), Wasiirka Wasaarada Beeraha Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiir-u-dawlaha Wasaarada Biyaha, Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Xildhibanno ka tirsan Goleyaasha Wakiillada, Guurtida, Golaha Deegaanka Hargeysa iyo xubno ku hadlayey afka Aqoonyahanka oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey Degmadan cusub, iyagoo xusay inay durba ka muuqdaan xarunta degmada iyo deegaamada hoos-yimaada dar-dar iyo horumar la taaban karo, taasoo sida ay tilmaameen tusaale u noqonaysa higsiga iyo himilada wanaagsan ee Bulshadeeda.
Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE, Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI iyo Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID, ayaa dhankooda soo dhaweeyey, dhamaantood-na caddeeyey inay tahay degmo ku munaasib ah Derejada la siiyey ee degmanimada.
""Degmada Dacartu waxay kamid ahayd laba degmo oo aan qalbiga ku hayey markii aan aasaasaynay Xisbiga UCID, markaa waxaan isleeyahay Madaxweyne Siilaanyo wuu la helay" ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Xuseen Aadan Cadde, ayaa isna sheegay "Xisbiga KULMIYE isagaa magacaabay degmadan, horumarkeeda iyo waxqabadkeedana diyaar ayuu u yahay, haddii aanu mar kale talada qabanana waxaanu balanqaadaynaa inaanu sii laba jibaari doono wixii aanu ka qabanay..."".. anigoo Tix-raacaya Taariikhda ay leedahay ee laga sheekeeyey, anigu waxaan u bixinayaa KULMIYA" ayuu yidhi Guddoomiye Xuseen.
Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isna ku hambalyeeyey Dadweynaha Degmada horumarka iyo waxqabadka ay hir-geliyeen, isagoo dhinaca kale ugu duceeyey inay noqoto degmo buuxisa kaalinta degmanimo. "degmooyinka dalka ee aan maray kumaan arag degmo sidan oo kale wax u qabsatay oo dhisme inta leegi ku yaallo" ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo Bulshada Degmadan ka raali-geliyey inuu ka habsaamay munaasibada Wanqasha oo ay xilli dambe soo gaadheen isaga iyo Weftigiisu.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay " Shalay markii la ii sheegay in Degmada Dacarta loo wanqalayo waxaan dib u dhigay safar aan dibada ugu bixi lahaa oo aan maanta (shalay) aan diyaarada ku qornaa, waxaan u baajiyey safarkaas mihiimada ay munaasibadan loogu wanqalay Degmada Dacartu leedahay. Waxa xaqiiq ah inay tahay degmo Fac-weyn" ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye oo hadal dheer halkaa ka jeediyey.
Gabagabadii munaasibada waxa khudbad dheer ka jeediyey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, kaasoo si qoto dheer uga waramay mustawaha degmadan Dacarta ee dhinacyada Siyaasada iyo sooyaalka Taariikheed.
Wasiir Maxamuud ayaa isagoo ka waramaya magacaabista Degmada yidhi " Degmadan aynnu maanta u wanqalayno waa degmo fac-weyn, waa degmo meesha ku munaasib ahayd, adeeg-yadeeda aas-aasiga ah iyo kaabayaasheeda dhaqaale ee jiray may badanayn, waayo tuulo ayey ahayd, waxa ka jiray xarun MCH iyo dugsi hoose dhaxe, waan ku bogaadinayaa wasaarada Waxbarashadu inay kordhiso dugisigii hoose dhaxe, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaan madashan iyo weeyeelkan uga sidaa hambalyo uu i soo faray inaan madashan soo gaadhsiiyo, waxaan uga sidaa duco, waxaan ugu sidaa mahad-naq, deegaamadani waxay ahaayeen kuwii Axmed Siilaanyo laga taageeri jiray, Soomaalidu waxay tidhaa Libaax nin galladay iyo nin ganayba waa og yahay."
Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Md. Maxamuud ayaa sidoo kalena ka hadlay kaalinta xukuumada ee haormarinta degmadaasi waxaanu yidhi "Qorshaha qaranka Xukuumada ahaan annaga ayaa gacanta ku hayna, miisaaniyadiina annaga ayaa gacanta ku hayna oo samaynayna, anaga oo rajaynayna in xisbiga KULMIYE uu talada dalka ku soo noqdo guushana aan isa siinaynin, halkan waxa aanu ka dhisi doonaa oo miisaaniyada aanu galinaynaa xaruntii maamulka degmada iyo xaruntii saldhiga Booliska, dhawaan ayaanu dhagax dhigi doonaa, waxaanu raadinayaa qandaraasle sii dhisa oo aanu lacagta miisaaniyada ugu darno, waxa kale oo aanu halkan ka fulin doonaa oo ay Wasaarada khayraadka biyuhu qorshasay ceel ka mida tobankii ceel ay dawladda Imaaraadku ina siisay.
Dhinaca kalena, markii ay soo gabagabowday Xafladu, waxa halkaa qado-sharaf loogu sameeyey madaxda iyo marti-sharafta ka soo qayb-gashay munaasibada. Degmada cusub ee Dacarta ayaa Madaxweyne Siilaanyo magacaabay bishii August.

storvideo: 

Ka Qaxiddaydii Xamar

$
0
0

6th October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

"Hal la qalay raqdeedaaLagu soo qamaamooQalalaasihii baaNinba qurub haleeloo...Qosol wuxu ka joogaaQubanahaa dambeeyeeWali qaba hamuunteeBuuraha qotada dheerKa arkaaya qiiqeeQarka soo jafaayee..."Maxamed Ibraahin Warsame "Hadraawi" (1973)Hordhac
Jannaayo 26, 1991, waxaa soo gabageboobay xukunkii qallafsanaa iyo qabyaaladdii militeriyeysneyd ee Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre. Inta badan, ummadda Soomaaliyeed waxay fileysey in laga raysan doono. Hayeeshee, wax lama filaan ah ayaa dhacay! Jabhadihiii (qabiilladii) Siyaad Barre ridey halkii ay dawlad ka dhisi lahaayeen, Soomaalida isu soo celin lahaayeen, waxaa lagu dhaqaaqay, gaar ahaan, jabhadda USC oo qabiilladii Reer Muqdisho laf-dhabar u ahaayeen foolxumo iyo filanwaa. Dalku wuxuu galay dagaal-sokeeye; waxay go'aansadeen inay is-raaciyaan Maxamed Siyaad iyo wax lagu sheegey "Reerka uu ka soo jeedo" oo ay ka dhigaan arrinta qori iyo qiiqiisaba waa la is-raaciyaa. Dagaalkaasi, sida laga warqabo, wejiyo badan buu lahaa ama yeeshay. Ilaa maanta oo la joogo 2017 waa uu socdaa, qaabkuba ha kala duwanaadee.
Daagaalkaasi wuxuu noqday mid aan la mahadin, ummadda Soomaaliyeedna wuxuu gayeysiiyey in burbur dhinacyo badan lihi soo gaaro: dawladnimadii oo meesha ka baxda, qax ballaaran iyo kala-carar ku habsaday; qof waliba wuxuu aaday meeshuu is-lahaa waad ku nabadgeleysaa. Boqollaal kun waxay u qaxeen ama nabadgelyo u doonteen adduunka daafihiisa. Dalalka la kala aaday waxaa ka mid ah: Maraykan, Yurub, Carabaha, waddammada deriska ah. Dadkii Soomaaliyeed waxay noqdeen dad dawarsada oo loo dawariyo!
Sida la wada ogyahay Soomaalida, guud ahaan, waxaa lagu xantaa dad aan dalku la weyneyn. Xisbiyo iyo fekredo aydiyaloojiyeed wali hanaqaad ma aha. Dadku wali mujtamac-ahaan waxay u dhisan yihiin qabiilooyin iyo qoysas-hoosaad. Sidaas darteed, halgankii ujeeddadiisu dad badan u la muuqday mid lagu ridayo oo keli ah dawlad xumaatay, wuxuu noqday mid reeba colaad ma-hadho ah oo dhex-marta dad wax walba wadaaga. Boqollaal dhallinyaro ah oo reer miyi ah ayaa gacanta loo haadiyey, si ay dagaalkaasi reer-reerka ku dhisan xaabo ugu noqdaan.
Xubnihii dawladdii Siyaad Barre ku wada-jirey baa qaar waxay noqdeen kuwo adkaaday, qaarna waxay noqdeen kuwo laga adkaaday. Bal malee waxa dhacay! Xuseen Kulmiye Afrax, madaxweyne ku-xigeenkii dawladdii la riday wuxuu noqday geesi, Cabdiraxmaan Jaamac Barrena wuxuu noqday nacab.
Nacaybka Soomaalidu waa mid wadciga iyo xaaladda hadba la joogo la socda. Kuwii awal dhalashada isku bahaystay (USC Cali Mahdi & USC Caydiid) ayaa iyagu iska horyimid. Dhiig aad u badan ayaa ku daatay awood-ku-dagaallankii goobta ka dhacday. Natiijadu waxay noqotay in, fashil ballaaran ka dib, USCda kuwoodii reer magaalka ahaa ka daba-tagaan kuwii hore uga qaxay magaalada. Dhab-ahaan waxaa halkaa ku burburay waa ilbaxnimadii iyo wada-noolaanshihii ummadda Soomaaliyeed ee muddada dheer laga shaqeeynayey!Aniga iyo iska-hadalkay
Waxa aan joogey beer walaalkay leeyahay, hooyana ku nooleyd oo ku taal Afgooye, tuulada Yumbis. Waxaan is-lahaa ayaamo ku gabbo inta Siyaad Barre ka tegayo dalka. Waxaa halkaa iigu yimid dhallinyaro ay soo dirtay Suubban Cabdulle Gorod (Walaalkay kale dumaashidii) oo iyadu wax badan ogeyd, maqashayna in dhallinyaro beerta ka ag dhaw qoryo muddo igu fiiqeysey, si ay iiga kaxeeyso meesha, iyadoo ka fekereysa nabadgelyadeyda. Toddobaad baan gurigeeda ku noolaa, dabadeedna, waxaan tegey guriga walaalkay kale, Maxamed Cali Faarax (Badhaa) oo isagu bilowgii horeba ka qaxay magaalada. Badhaa waxay isku hooyo ahaayeen qoys Sacad ah (Habargidir). Sidaas darteed, guriga waxaa si ku-meel-gaar-ahaana u la wareegay walaalihi hooyo, anigana nabadgelyadeyda xil gooni ah iska saaray.
Guriga isaga ah bil ku dhan baan joogay. Bishaasi buugaag badan oo Badhaa ka tagey baan marti u noqday. Buugaagtii aan halkaasi ku akhriyey waxaa ugu mudnaa buug la yiraahdo "A Tear for Somalia". Waxaa qoray nin la yiraahdo Douglas Collins oo ka mid ahaa Maammulkii Milateriga Ingriiska (British Military Administration) ee 1940maadkii ka talinayey Soomaaliyadii Talyaanigu xukumi jirey. Mr. Collins wuxuu ahaa qof ku eega Soomaalida il naxariis leh. Haddana, caynkaasi oo ay tahay welwelkiisa ku aaddan is-maammul Soomaaliyeed ma uu qarin. Buuggaasi xusuus badan buu igu reebey waayo wuxuu inta badan ka sheekeynayey waayo-aragnimo la'aanta Soomaalidu u leedahay Dawladnimada iyo waxa ku dhici kara. Erayada aan ka xusuusto waxaa ka mid ah, markuu si qotodheer uga warramay itaal-darradooda ku aaddan is-xukunka buu yiri, isagoo digniin bixinaya: "Haatan labaa is-raacday kuwii Ingriiska iyo kuwii Talyaanigu haysan jirey (1960). Dawladihii dadkan xoriyadda siiyey waa inay ka warqabaan, la socdaan (markii xoriyadda la qaatay dadka Soomaalidu waxay 85% in ka badan ahaayeen dad Reer guuraa ah) xaaladdooda, haddii kale, waxay noqon doonaan, ugu dambeeynta, kubbad lagu ciyaaro oo qoloba qolo u laaddo (an international plaything)". Waxaan ka yaabay sida saadaashiisii u dhabowday! Waxaad mooddaa in buuggaasi in badan culeyskii i haystey iga riday.
Muddadaasi aan ku xeraysnaa guriga, waxaa la ii sheegay dad xaafadda ah oo dhiiggeyga raadinaya. Arrintaasi, malaha, waxay ku dhalisey in qaraabadaydu i jiscinto oo baabuur i la raadiyaan aadaya xaggaas iyo dhulkii aan asal-haan ka soo jeeday.
Anigu qof-ahaan, waxaan ka mid noqday boqollaal-kun oo ku barokacay dalka gudihiisa. Si aan lafahayga u badbaadiyo, waxay talo noqotay in aan Muqdisho ka haajiro. Maagaalada Muqdisho, magaalooyinka Soomaaliyeed way iiga duwaneyd. Waa magaaladii aan ku garaadsaday (waxa la ii geeyey anigoo wiil gaban ah), ku barbaaray, wax ku bartay. Maaddaama, berigaas Daarood-doon la ahaa, magaca kolonyada baabuurta ahi ku socotay oo la sheegan jirey waxay ahaayeen qabiillada Isaaqa, Gadabuursi, iwm. Sida la ogyahay, guud-ahaan, qabiillada waqooyiga degaa waa isku lahjad dhow yihiin. Baabuurta kolonyada ah ee aan la socday waxaa markan lahaa Reer Boorame. Gawaaridu dabo iyo dacal waa la rarrayay, hadday noqoto gaariga afkiisa hore iyo rimoorka uu jiidanayo. Qofka nasiibka lihi wuxuu ahaa kan uun meel ka hela baaburka intiisa hore; arrintu waxay ahayd meel uun cagta ii geli!Maxaa dhacay?
Sii-socodkeennii, habeen waxaa seexannay maagaalada Jowhar. Aroor hore ayaan maalintii dambe ka soo kicitinnay. Dhulku waa engegnaa, hawadu aad bay u kululeyd, cirkuna daruuro ma lahayn. Waxaa la dhawrayey roobkii Guga. Waddadu way burbursaneyd; meel walba waxaa ka muuqday bus iyo boor iyo leexo cirka isku toleysa.
Markaannu meel dhexe maraynno oo aannu in cabbaar ah ka soo fogaannay Jowhar, ayaa si kedis ah, waxaa noo joojiyey dhallinyaro jidka dhiniciisa dhabbacnayd, tiro-ahaan aan ku qiyaasay dhowr-iyo-toban oo qoryo haysta. Dhallintu waxay siteen macawisyo iyo garammo, diif xoog lihina way ka muuqatay. Baabuurtii waa joogsatay, waxaana lagu amray inay dadka dejiyaan. Odayaashii baaburta mas'uulka ka ahaa way degteen, si ay dhallinyarada u la xaajoodaan, una qanciyaan, ilaa xad ay gaarsiiyeen in ay dhiig-wadaag yihiin, wayse ku qanciwaayeen, waayo burcad dhalasho iyo dhiig midna ma yaqaan, wax micne ahna u sameeyn mayso. Waxa keli ah ee u mudnaanta siinayaa waa dhac iyo wuxuu boobo! Qir-iyo-qir baa arrini gaartay, ka dib, markii hadalkii la isku celceliyey. Burcaddu waxay dadkii ku amreen in baaburta laga degto, odayaashiina waxay, iyana, amreen inaan la degin! Wixii markaas ka dambeeyey muuqaalkii wuxuu isu beddelay murugo dhab ah! Mar keli ah, waxaannu maqallay dhawaqa rasaasta. Haweeney hortayda fadhidey oo nuujineysey ilmo yar ayaan waxaan arkay iyadoo indhaha caddeyneysa iyo dhiig gebi-ahaan qariyey. Gabadhii iyo ilmaheediiba xabbad baa isu martay, goobtii bayna ku geeriyoodeen. Allaha u naxariistee, waxay ahayd gabar cas oo cuddoon; waxaa la socday seygeedii, nin dhuuban, dheer oo dhallinyaro ah. Waxaan maleynayaa in ilmuhu ahaa kii ay ku curteen.
Ma war baa yaal! Si halhaleel ah ayaa baabuurtii looga daatay. Dabcan, inta marka hore dhulka tegeysa waa inta xoogga leh. Dadka da'da ah iyo kuwa culus muddo ayay ku qaadanaysaa. Kolkii in xoogaa ah gaarigii aan u jirsaday baan dib u soo eegey. Waxa indhahaygu qabteen waa waxaanan weligey illoobeyn! Dadkii waayeelka ahaa markay isugu yimaadeen oo ku soo dhammaadeen gaariga hoostiisa ayaa mid habaar-qabe ahi ku soo giraangeriyey bambada gacanta laga tuuro. In badan xooggii qaraxa ayaa kor u qaatay, dabadeena dhulka ayey, sidii quraarad jabtay, ku daateen! Dadkii waxay noqdeen wax meeshii ku nafwaayey iyo qaar ku dhaawacmay - dhaawac halis oo abid la socon doona! Waxaa arrintii na qabsatay ka war helay Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska dhallinyaradii caynkaasi noo gashay. Ugaas Khalif oo ka xun wixii dhacay ayaa noo soo diray ciidan na aEUoebadbaadiyaaEU. Waxaan goobtiiA kala tagnay 6 meyd ah iyo 22 dhaawac ah.Gurmadkii la soo diray
"Ciidan gurmaad ah" ayaa na soo gaaray oo uu Ugaas Khaliif isku soo duway. Ugaaska waxaa lagu sheegay nin wanaagsan, sharaf leh, diin iyo qiyam toosan leh, hayeeshee, reerku ka farabbaxsaday, siyaasadihii fooshaxumaa ee dalka ka socday awgood. Gurmadkii waa na soo gaaray, qolooyinkii hore noo haystey wey naga furfureen waayo way ka qoryo weynaayeen. Way na soo kaxeeyeen, laakiin, markaan in-yar ka soconnay, walise aan kuwii isu-muuqanno ayay iyagii naloo soo diray nagu soo kala-fireeyeen oo qoryahoodii waaweynaa nagu soo jeediyeen. "Is-baara oo isku dar-dara!", ayaa horjoogahoodii nagu amray. Waa la is-wada eegey waayo wax nagu haray baan jirin. Si kastaba ahaatee, wixii wuxuun u harsanaayeen baa wax isku daray! Safarkii baannu dib-u-bilownnay. Waxaan tagnay oo gaarray magaalada Buulo Barde; waxaa naga horyimid Ugaas Khaliif oo ka dheregsan waxa na qabsaday. Buulo Barde waxaannu ku aasnay lix qof oo isugu jira carruur, haween iyo dad waaweyn. Dadkii goobtaasi lagu xabaalay waxaan ka xusuustaa nin la oran jirey Daahir Rabbiile Good oo ay walaalo ahaayeen Muuse Rabbiile oo xubin ka ahaa Golihii Sare ee Kacaanka.Waddo halaq-mareen ah
Waddada Xamar iyo Beled Weyne u dhexeysa waxay noqotay halaq-mareen. Toddobaad ka hor waxaa naloo sheegey in lagu dilay rag lagala haray kolonyo baabuur ah! Raggaasi dembiga qur ah ee ay gaaleen wuxuu ahaa inay hayb-guud wadaageen Siyaad Barre. Dadkaasi waxaa ka mid ahaa nin qoraa caan ah ahaa, Soomaaliduna wada taqaan. Waxaa la oran jirey Faarax Maxamed Jaamac "Cawl". Buugaagta uu qoray waxaa ka mid ah, "Aqoondarro waa u Nacab Jacayl"; waa buug cinwaankiisu ku habboon yahay cawaannimada dalka camimtay. Toddobaadkii naga dambeeyana waxaa lagu laayay rag uu ka mid ahaa Xaaji Kore. Waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Beled Weyne, xitaa intaan dawladdu dhicin, waxaa ka iman jirey warar dhiillo leh: dad la laayay, kuwo la furtay iyo dad aan is-geyin oo lagu amray inay wax iska doonaan. Waxaan dhihi karaa waa meeshii dhaqan-xumadu ka soo bilaabatay. Waa dambe, waxa la ii sheegey inay wax oo dhammiba ahaayeen ku-talo-gal si loo kala jaro waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Gobollada Dhexe.
Kolkaan xuduudka ka soo baxnay, waxaan nimid magaalada Shilaabo. Shilaabo goortaan nimid waxaan ku daadannay buushash shaah barraad ah lagu kariyo. Dadka inta badani, oo aan ku jiro, waxay shaaha ka dhiganayeen cunto. Hakasho yar ka dib, waxaannu uga sii gudubnay magaalada Wardheer. Magaalooyinkan way magac dheer yihiin, lakiin, run-ahaan, waa tuulooyin Itoobiyaanka xeryo ciidan u ah (Haatan waxaa la ii sheegey inay yare-koreen oo dawladdu adeegyo geysey). Magaalada Wardheer waxaa weeye goobtaan ku dhashay, hayeeshee, layga kaxeeyey aniga oo canug yar ah. Inaan Wardheer nimaadno waxay nagu qaadatay 13 maalmood oo baqdin iyo argaggax leh! Magaalada Wardheer waxaan ka heley qaraabo iyo nabadgelyo xagga maskaxda ah, sidaas darteedna, waxaan joogay 20 cisho. Wardheer waxaa igu soo dhoweysey gabar aan adeer u ahay oo la yiraahdo Cibaado Jaamac. Dhowaan bay geeriyootay, Eebbe naxariistiisii janno ha siiyo.Gunaanad
Anigu, qof-ahaan, wixii dhib ahaa ee Soomaali ku dhacay waxaan dusha uga tuurayaa Soomaalida qudheeda waayo ciidan ku soo duulay ma jirin iyo cid bannaanka uga timid. Amarka iyo kala-dambeeynta iyo dawladnimadooda waxay ahayd inay iyagu ilaashadaan. Duminta dawladdii Soomaaliyeed dad badan baa ka qaybgalay, laakiin, waxaa mas'uuliyadda iyo xilka koowaad yeelanaya dadkii iyo madaxdii maammuleysey dalka, kuwaasi oo uu kow ka yahay Maxamed Siyaad Barre. Siyaad Barre wuxuu talada dalka la wareegay iyadoo Soomaali is-jeceshahay; wuxuu ka tagey iyadoo Soomaali is-cuneyso. Ninkaasi inuu Soomaali haadaan ka riday waa marag-ma-doonto, kun sano oo soo socotana waa la xasuusnaan doonaa.
Markaan intaasi iraahdo, haddana, waxa la ogyahay in Siyaad Barre iyo beesha caalamku, gaar-ahaan, waddammada Reer Galbeedku is-qoonsadeen, sidaas darteena ay jecleysteen inay meesha ka saaraan, sababtu waxay doonto ha noqoto. Su'aashu waxa weeye sidee taasi ku imanaysaa? Ma waxaa la halligayaa ummadda oo dhan? Siyaad Barre culeys aan badneyn buu u baahnaa si uu u tago, micnaheeduna yahay in la kala reebo shacabka aan waxba galabsan iyo xukumayaashooda. Kenyaanku kolkii ay isu-gacan-qaadeen 2007kii waa la soo faraggeliyey, waana lagu kala-hogoogtay; halka Soomaalida dariishadaha iyo albaabbada loo soo xiray si ay isu-xasuuqaan.
Sida cid walba u muuqatay Soomaaliya waa dal aan saaxiib ku lahayn mujtamaca adduunka, gaar ahaan, wixii ka dambeeyey dagaalkii 1977. Soomaaliya waxay muuqaal-ahaan u ekayd nin miyi jooga, fooryaya oo ul labada garab u kala ritay, shidanaaba shidan! Adduunyo waa ama talo-keen ahaw ama talo-raac ahaw. Waxaan is-leeyahay, waa cashar loo baahan yahay inaan la illaawin!Qore: Cabdisalam Cali Faarax (Biligsey)
storvideo: 

Ciyaartooyda Brazil oo Oxygen qaadanaya ciyaar ka dib

$
0
0

6th October 2017 admin Category :
Daawo sawir laga soo qaaday xulka kubbada cagta ee Qaranka dalka Barazil oo Hawada Oxgeynka qaadanaya ciyaarta ka dib markiii ay kubbad ku ciyaareen meel aad uga saraysa dhulka,
Xulka kubbada cagta ee Qaranka dalka Brazil, oo ciyaar u tegay garoon ku yaal dusha buuraha Andes ee dalka Bolivia. garoonkann ay ku ciyaareen ayaa badda ka sareeya 3,637 metres (11,932 feet) above sea level
storvideo: 

US lifts Sudan sanctions

$
0
0

6th October 2017 admin Category :

  • SOMALI NEWS IN ENGLISH

WASHINGTON: The United States lifted long-standing sanctions against Sudan on Friday, saying it had made progress fighting terrorism and easing humanitarian distress, and also secured Khartoum's commitment not to pursue arms deals with North Korea.
In a move that completes a process begun by former President Barack Obama and which was opposed by human rights groups, President Donald Trump removed a U.S. trade embargo and other penalties that had effectively cut Sudan off from much of the global financial system.
The U.S. decision marked a major turnaround for the government of President Omar Hassan Al-Bashir, who once played host to Osama bin Laden and is wanted by the International Criminal Court on charges of orchestrating genocide in Darfur.
The lifting of sanctions reflects a U.S. assessment that Sudan has made progress in meeting Washington's demands, including cooperation on counter-terrorism, working to resolve internal conflicts and allowing more humanitarian aid into Darfur and other rebellious border areas, the officials said.
State Department spokeswoman Heather Nauert said the sanctions relief was in recognition of Sudan's "sustained positive actions" but that more improvement was needed.
The Trump administration also secured a commitment from Sudan that it would "not pursue arms deals" with North Korea, and Washington will apply "zero tolerance" in ensuring Khartoum's compliance, one of the officials said.
But they said Khartoum's assurances on North Korea were not a condition for lifting sanctions, some of which had been in place for 20 years and have hobbled the Sudanese economy. The official said Khartoum was not believed to have diplomatic relations with Pyongyang and that was not expected to change.Sudan also has recently distanced itself diplomatically from Iran, another U.S. arch-foe.
Arab News has learned from sources that the Sudanese government has praised Saudi efforts in persuading the US government to lift sanctions.
Post navigation
- Ciyaartooyda Brazil oo Oxygen qaadanaya ciyaar ka dib
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live