Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ruushka oo xayaysiimo u isticmaalay faragelinta...

$
0
0

Warbaahinta dalka Maraykanka ayaa sheegaysa in la soo ogaaday in basaasiinta Ruushka ay kumanaan kun oo doolar ku bixiyeen xayaysiimo si saamayn loogu yeesho doorashadii Maraykanka ka dhacaday sanadkii hore.
Warar laga helay shirikada internetka ee Google ayaa sheegaysa in xayaysiimahani looga gon lahaa in lagu faafiyo warar aan sax ahayn iyadoo la isticmaalayo aaladaha Google, Youtube iyo Gmail.
Xayaysiimahan ayaan u muuqan kuwa laga soo maleegay aqalka Ruushka looga taliyo ee Kremlin-ka.
Sirdoonka Maraykanka ayaa bilowgii sanadkan soo qatimay baaritaan lagu hayay Ruushka oo ku saabsanaa saamaynta uu ku lahaa doorashadii Maraykanka ka dhacday.
Waxaa sidoo kale jirtay in xubno aqalka Congreska Maraykanka ka tirsan ay amuurtan baarayeen.
Shirikada Google ayaa iyana sheegaysa inay si qoto dheer u baarayso iskudayo looga meel dhacay qaabkooda shaqo.
storvideo: 


DHAGEYSO Barnaamijka Qubanaha Wararka Ee Idaacadda Shabelle

Dowlada Federalka iyo Puntland oo shir caafimaad u...

$
0
0

Wafti ay hogaaminayso Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dawladda Federalka Fawsiyo Nuur oo uu wehliyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cuuke ayaa uga qeybgalaya Dalka Pakistan shir looga hadlayo Caafimaadka oo ay isugu yimaadeen Dalalka EMRO.
Arrimaha Soomaaliya iyo Puntland kala hadashay madaxda WHO/EMRO waxaa ka mid ah .

  1. Isuduwidda dhaqaalaha,shirarka caafimaadka (coordination)
  2. Kordhinta awoodda shaqaalaha Wasaaradaha,
  3. Xaaladaha deg-degga ah
  4. Isbitaallada (secondary care)
  5. Takhsusaadka ( GP doctors trainig)
  6. Xirfado kooban, sida (section)
  7. Xoojinta ilaalinta Cudurrada (surceillance)

Waa markii ugu horeysay oo ay Puntland ka qeybgasho shirka dalalka EMRO.PUNTLAND POST
The post Dowlada Federalka iyo Puntland oo shir caafimaad u tagey Dalka Pakistan appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

FAALLO:-BARRAARUGGA DHALINTA BARAKAYSAN!

$
0
0

Ololaha Nadaafadda Magaalooyinka Puntland
Dhalinyarnimaddu waa quwad iyo awood dheeriya oo bini'aadamka la siiyo xilliga uu xaaladda dhalinyarnimadda ku jiro, waa lafdhabarta la hubo ee uu wadanku yeelan karo, waa kaydka dhaqaale ee durbadiiba laga midho dhalinkaro, waa xilli uu qofka dhalinyarada ahi uu qaban karo wax waliba uu ku hamiyo haddii uu la yimaado yididdiilo iyo waxqabad dhab ah uu ku gaadhi karo hammigii iyo hankii uu lahaa.
Micno weyn inoo samaynmayso hadaynu nidhaahno waxaynu leenahay khayraad dabiiciya adigoon ugu horayntii ka faa'iidin maskaxda iyo muruqa dhalinyarada uu wadanka leeyahay, waxaan odhan karaa dhalinyaraddu waa mashiinka soo saari lahaa illaha dhaqaale ee kale ee wadanku leeyahay, waayo fikiradda quruxda badan iyo waxqabadka ka oo lagu ladho ayaa horumar lagu gaadhi karaa, dhalinyarnimaddu waa xilli qofka dhalinyaradda ahi uu firfircoonyahay awoodna u yeelan karo inuu isku hawlo wax waliba horumarka naftiisa iyo mid bulsheedba ah.
Dhalinyarnimo waa isha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee wadan yeelan karo, waa hanti qaran, waa mashiinka dhaqaajiya wado waliba oo horumar lagu gaadhi karo, waxaynu ognahay wadamo badano oo dunidan aynu kuwada noolnahay inaanay lahayn amaba ay ku yartahay khayraadka dabiiciga ee Alle weyne adoomihiisa ugu deeqo, taas badalkeeda wadamadani waxay u beddesheen kuna dhaafeen waddamo badano o qayrkooda ah maskaxda iyo waxqabadka dhalinyarada ay haystaan, runtii horumar xoog leh ayey ka gaadheen habfikirkii qurxoonaa iyo waxqabadkii ee ay dhalintoodu u fekereen, waana sababta loo yidhi dhalintu waa qayb weyn oo kamida illaha dhaqaale ee caalamka laga helo. (Human resource)
Qoraaga Qoraalka Najax Yaasiin Cabdi
Ma jirto da'a laisla ogsoonyahay ama lawada aqoonsanyahay oo Dhalinyarnimo lagu sifayn karo, waayo waxaa laga yaabaa qofba inuu cayn u yaqaano dhalinyarnimadu waxay tahay, qiyaastii waxaa dhalinyarnimo lagu tilmaami karaa da'da ku siman 18-40 jir, sida xaqiiqda ah, da'da intaas u dhaxaysa waa xilliga uu qofka bini'aadamka ahi uu ugu awooda iyo waxqabsiga badanyahay.
Sidaynu wada ogsoonahay wadankeenu wuxuu ku jiray burbur iyo dhibaato mudo ku siman 26 sano, waxaynu la tiiicaynay dhibaatada dowlad la'aaneed iyada oo ay waliba inoo dheerayd dagaalo, qax iyo barakac, tahriib, qabyaalad iyo quudhsi. Waxaynu la daalaadhacaynay xaalad amni xumo, taasoo sababtay inay ku kalifto in dhalinyaro badani ay lumiyaan hankii iyo rajadii ay qabeen, waxaa iyana jiray qaar badano o dhalinyaro ah oo loo adeegsaday dagaaladii ka holcayey waddanka kuna le'day si micno daro ah waxay u adeegsanayeen sii holcinta dagaaladda waxaa lagu canqariyey reer hebel iska celi iyo reer hebel baa ku neceb, waxaa lagu ababiyey qabyaalad iyadoo ay ka faa'iidaysanayeen kooxii qab-qablayaasha ahaa ee iyagu siyaasadda wadanka ku hardamayey xilligii uu wadanku dowlad la'aanta ahaa, waayo gebi ahaanba waxaa burburay maamulkii dalka, cid masuul ka ahna ma jirin dhiigga sida macno darada ah ku dhamaanayey. Intaa dabadeed waxaa dhamaanba lawada dhigay rajadii laga qabay dowlad cagaheeda isku taagta.DHALINYARADDA MAANTA
Waxaa muuqda barraarug xoog leh iyo baahi waddaninimo oo ka muuqata dhalinyaradda iminka jirta, waa farxad weyn inaan leenahay shaqsiyaad iyo ururo dhalinayaro oo ku dhiiranaya inay dib u dhisaan hankii iyo himilladii dhalintii soomaaliyeed ay lahayd.
Raysalwasaare Kheyre oo ka shaqeynaya Nadaafadda
Waxaan aad ugu farxayaa dhawaanahan markay dhaayhaygu qabtaan dhambaalo qurux badano o dhiirigallin iyo hambalyo isugu jira ay isu marinayaan dhalinyaraddu baraha bulshadda, in dhalinta ay guusha iyo horumarka iskugu hambalyeyso kagana daydaan talaabooyinka wan-wanaagsan ay kuwa kale qabteen waxaan ku sifayn lahaa waa tubtii horumarka iyo toobiyihii nabadda, waa dhiiranaan iyo waxqabad wanaagsan oo wadaninimo ah ay dhalinyaradan afka soomaaliga ku hadasha samaynayaan meel waliba ha joogtee.
Waa mid lagu farxo oo illaahay loogu mahadiyo mar haddiiba aan kasoo kabanayno humaagii foosha xumaaa eey qabeen dhalinyaraddii soomaaliyeed mudadaddii uu wadankeenu la daalaadhacaya colaadahan ragaadiyey guud ahaanba hankii iyo hiyiggii dhalinyarada soomaaaliyeed, waxaana ii muuqda ifafaale farxadeed iyo kasoo kabasho xoog leh oo ay muujinayaan dhalinyara iminka joogta.
Madaxweyne kuxigeenka puntland Eng.Camay
Bisaylka siyaasadeedd ee iminka dalka ka jira ayaa u ah fursad dahabiya oo ay iminka dhalinyaradu heleyaan waxaa jira xubno firfircoon oo kamida xukuumadda federaaliga ah ee waddanka haatan jirta iyo sido kale maamul goboleedyaddaba, waxayna muunad qurux badan u yihiin dhalinyaradda, waxay sidoo kale sawir qurux badan u muujinaysa kuna dhiirigalinaysaa kuwo kale ee dibbada ka jooga siyaasadda inay ku dhiiradaan sida ay uga qayb noqo lahaayeen dadaalada xooga leh ee dib loogu dhisayo wadankan soo kabanaya dhibaatooyinkii inka badan 20 sano ragaadiyey , waxayna tusaale qurux badan u muujinaysaa jiilba jiilka uu ka danbeeyo.Dhalinyarada iyo arimaha bulshada; hormarinta arimaha bulshada waa tiirka ugu horeeya ee tigaad lagu gaadhi karo, waxaan arkayaa horumar xoog leh oo ay wadaan dhalinyaro iskaa wax u qabso ka wada goboladda kala duwan ee wadanka, waxaan is dhihi karaa waa guul uso hoyatay bulshadda afka soomaaliga ku haddasha, waa ifafaale fiican oo muujinaya wadaniyad, waa aragti dib uso noolaynaysa hankii iyo himilladii dhalinyaradda soomaaliyeed,
Waa waxqabad toolmoon oo durbadiiba wadanku kusoo xoogaysan karo, waxaa midoobaya oo wax weyn isku biiranaya gacmo badan, ( Gacmo wadajir bey wax ku gooyaan) hadii dhalintu u kacdo waxkaqabadka wadanka iskuna tashadato waxaan hubaa in durbadiiba laga midho dhalin karo, waayo quwaddan xooga iyo xamaasadaysan oo dhalinyarta maankeeda iyo muruqeedaba ka buuxda waa tan waddamada reer galbeedku ay horumar ku gaadheen, runtii waxay adeegsaddeen xooga iyo xeeladda ku kaydsan maskaxda bini'aadamka, iyadoo ay maalgashadeen dhalintoodii, waxay ogaadeen in aqoontu wax badasho.
Dhalinyaradda Waan Awoodnaa ee Puntland
Waxbarashaddaa asal u ah; Inkastoo tayadda waxbarasho ee waddankeena ka jirta ay liidato misna lama dhayalsan karo heerka ay dhalinta waxbaratay ka joogaan bulshadda ay ku dhex noolyihiin, waa sida xiddig aad u iftiimaya oo ka dhexmuuqda samadda xilli habeen ah, walow ay aad u hoosayso fursadaha shaqo oo waddanka ka jira misna dhalinta maata uma arko inay u liicsamayaan, waayo waxaan is dhihimkaraa dadaalkoodu ma yara, qaar kamida dhalinyardda wax baraty waa hal-abuuro, waxay unkaan gnacsiyo yaryar si ay noloshooda iyo tan qoyskoodda ugu maaryastaan, sidda aynu wadda qirnay in waxa ugu horeeya oo horumarka lagu gaadhi karo, wadanka wax lagu badali karo waa waxbarashadda, dhalinta wax baratay marnaba lama fikir ahaanayso kuwa aan iyagu wax baran, wey jiraan dhalinyaro badan oo wax baratay oo intay fursaddo shaqo waayeen wadanka iskaga haajiray una babac dhigay tahriib iyo inay badda galaan.
Waxaan hubbaa in dhalinyardda kale ee aan wax baran ay kusii dhiiran lahaayeen inay iyaguna wax bartaan haddii fursaddaha shaqo ee wadanka lasii balaadhin lahaa, hadii dowladdu u atafaxaydan lahayd sidii dhalintaa niyadooda u sixi lahayd una maamuusi lahayd dhqaalo gaar ah, oo lagu kobcinayo shaqo abuurka dhalinayadda waxbaratay, waayo waxay tusaale wayn oo wax ku ool ah u yihiin kuwa iyagu marnaba isku dayin inay waxbartaan, waxaa la arki lahaa xaddi aad u balaadhan oo iskulaadka iyo goobaha kale ee waxbarsho kusoo hiranaya dibna u bilaabaya waxbarasho si ay u helaan fursaddaha ay heleen saaxiibadda iyaga ka horeeya, waxay isku dayayaan inay maraan halkii ay mareen saaxiibadood iyo meelo kale oo kasii sareeya.Maalgashiga dhalinyaradda; Maalgashiga dhalinyaraddu waa inay helaan waxbarasho tayo leh, si hab fikirkoodu uu u wanaagsanaado, waxa aad wax weyn galiso dadaal badana ku ladho waxa aad ka filataa midho dhal fiican, waxaan qabaa hadiiba waxbarashadda dhalinyaraddu ahaan lahayd mid tayo iyo tacab leh, dhalintu iyadaan fursadaha shaqo abuuran lahaa, waayo waxbarashaddii tayadda lahayd ay barteen ayaa u sahlaysa inay hal- abuuro cusub samayn lahaayeen.
Waxba yaanan hadalka kusii dheeraane waxaan daah inakaga qarsoonayn in dhalintu tahay kuwa hormar iyo guul horseeda, waxaan dhalinta soomaaliyeed ku dhiirigalinayaa inay waajibaadkooda qaran ay halkaas kasii wataan, waxaan u rajaynayaa guul iyo gobonimo caan baxday, waxaan leeyhay is garabsadda marwalba gacmo wadajir ayey wax ku gooyaan. Waxaan kusoo gaba-gabaynayaa gabaygii dhiirigalinta ahaa ee uu dhalinyaradda u tiriyey abwaan xaaji aadan af-qalooc*Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye* Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo awaal baxa e* Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e* Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu* Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e* Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray* Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene* Umaddaan shabaabkeedu hanan waa u ayaan xuma e* Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye* Itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane* Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye* Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye* Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane* Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye* Ayaantii ku dhaaftana waa waxaan la eegayne* Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane.
Iskaa wax u qabso(waan awoodnaa-Garoowe)Dhalinta Qardho (Hormuud baynu nahay)Dhalinta gaalkacyo (hormuudka horumarka)Email: najaxya@gmail.comW/Q: Najax Yasin Cabdi
The post FAALLO:-BARRAARUGGA DHALINTA BARAKAYSAN! appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Culusow iyo Shariif ayaa ka xishooday inay la...

$
0
0

9th October 2017 admin Category :

  • Uncategorized

Faysal Rooble iyo Maxamed Ingiriis oo madasha Talo iyo tusaale ku heshiin waayey ayaa madaxweyne Farmaajo Villa Soomaaliya ku kulmansiiyey . Marka Fahad Yaasiin iyo Cali Yare ay madaxweyne Farmaajo u sheegayaan qofka uu la kulmayo iyo qofka uu arkayo, ma shaki ayaa kaaga jira inay Fedaro Ingiriis la mid ah ay u keenayaan.
storvideo: 

Puntland:-Sahanka Roobka Deyrta ee Warbaahinta...

$
0
0

Wuxuu soo sheegay sahankii roobka ee Warbaahinta PUNTLAND POST inuu saddex kicin uga kala da,ay dhulka Puntland.Deyrta kicinkeedii u horeeyay bishii Setember 2017 waxay ka curatey Sanaag,Highland ,Gardafu,Karkaar iyo Bari, Halka uu marey isaga oo aan badneyn kicinkeedii 2aad saddex jiho oo Gobolka Nugaala iyo Labo jiho oo Gobolka Soola.
Kicinka 3aad oo hadda aynu ku jirno wuxuu ka curtey afarta jiho Gobolladda Puntland, wuxuuna u badan yahay ilaa iyo hadda roobka da,ay labo jiho oo kala ah Ciidka sarre Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug, Halka roobka labaad oo ku xiga uu raacsan yahay inta u dhaxaysa Degmada Eyl ilaa iyo Degmada Jariiban ee Badda Hindiya.NUGAAL
Weli waxay roobyari ka jirtaa inta la isku dhaho Uur_nugaaleed oo ay ku taalo magaalo madaxda Puntland ee Garowe, Waxaana taas bedelkeeda roobsadey inta ku xeeran Caduunka,Ayaxda, Xaysinka,Hawdka sarre iyo Hawdka hoose ee Gobolka Nugaal.MUDUG
Waa laga helay raxmadii ilaa iyo haddana sahanka PUNTLAND POST warbixin kuma hayo deegaan abaari ka jirto oo ku yaala gurigaas la yiraahdo Mudug, oo sanadkii horre roobku ku yaraa balse hadda ay si fiican u il-tirtey raxmadda Eebe .KARKAAR.
Waxay dheer-tahay labo kicin oo aan ka da,in Deegaanada kale, waxayna ka mid tahay dhulka roobabku ka bilowdeen,Wuxuuna sahanku soo sheegay inay doogan tahay inta hoostimaada Gobolka Karkaar.GOBOLKA SOOL.
Warbixinta roobka waxay kala siman-tahay Gobolka Nugaal, waxaana roob-sadey dhul badan sida Hawdka sarre, Waqooyiga iyo Dhoodida kasoo xigta dhinaca Nugaasha, mana jirto deyro iyo roobyari laga soo sheegayo.SANAAG iyo BARI
Weli war sugan sahanka PUNTLAND POST kama hayo wallow roobab miyir iyo maalin-da ah uga imaanayaan Gobolladda kale dhinacooda, waxayna ka mid yihiin Sanaag iyo Bari meelihii roobka deyr-tu ka cusboonaaday kicinkii 1aad iyo kicinkii 2aad.GABA-GABO.
Alxamdulilaah,jawigu wuxuu wax badan ka duwan yahay kal horre, waana la kala fadhiyaa oo ma jiro deegaan deegaan kale u guuraya, waxayna dadku u badinayaan sanad barwaaqo oo lagaga soo kaban karo Abaartii SIMMA oo ay iminka u bedeshay BARWAAQO SIMMAN.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Puntland:-Sahanka Roobka Deyrta ee Warbaahinta PUNTLAND POST. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Sir Haweeney lagu Magacaabo Safiyo C/qafaar Xaaji...

$
0
0

Sir Haweeney lagu Magacaabo Safiyo C/qafaar Xaaji Xuseen (Basey oo ka shiftay f Saamiga Puntland ku leedahay mashruuca Shirkada DP Word inuu yahay 8%
Oct 9, 2017 -
Haweeney lagu Magacaabo Safiyo C/qafaar Xaaji Xuseen (Basey ),isla markaasina Qeyb weyn ka ahayd Heshiiskii ay kala Saxiixdeen Shirkada DP World iyo Maamulka Puntland ee ku saabsanaa Dhismaha Dekeda Bosaaso ayaa fashishay Saamiga Puntland ku leedahay mashruuca inuu yahay 8% .
Haweeney La Taliye u ah Madaxda Haweeney lagu Magacaabo Safiyo C/qafaar Xaaji Xuseen (BaseyShirkada DP World ayaa qaab Siyaasadaydan Heshiiskan uga dhex faaiidaysatay,iyadoona Madaxda Shirkada DP World ka dhaadhicisay inay iyada iyo Koox kale ay Maamuli doonaan Dhismaha Dekeda inta ay shaqadeedu socoto,isla markaasina ay la imaan doonaan dhamaan Qalabka Lagu Shaqayn doono Sida Gaadiidka Dhismaha iyo weliba Qorista Shaqaalaha,iyadoona weliba Madaxweyne Gaas oo ay isku hayb yihiin ka dalbatay in uu Xafiis ka Siiyo Gudaha Dekeda Magaalada Bosaaso.
Safiya Cabdiqaadir Basey ayaa faahfaahin ka bixiyey sida loo qeybsaday faa'iidada kasoo baxaysa dekedda magaalada Bosaso.
Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxa aad looga hadal hayey magaalooyinka puntland in 27% faa'iidada kasoo baxaysa dekedda magaalada Bosaso qayb ahaan loo siiyey dowladda Itoobiya.
Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta midoobay ee DP World ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey saaka dekedda iyadoona ballaarin ku sameynaysa dekedda .
Saamiga la siiyay Itoobiya ee 27% ma ahan mid ay bixisay puntland, Shirkadda DP World ayaa siisay"ayey tiri Afhayeenka DP World safiya oo wareysi siiyay masuuliyiin kasoo kala jeeda PL.
Afhayeenka DP World Safiya (Basey) ayaa sheegtay in saamiga la siiyey Itoobiya aanay ahayn mid ay puntland bixisay.
Safiya (Basey) ayaa sidoo sheegtay in sharciyan ay shirkadda DP World oo saamigaasi siisay Itoobiya ay xaq u leedahay in ay bixiso iyagoo saamigeedu total yahay 92% ayey 27% siisay ethiopia halka puntland-na lasiiyey 8% .
Saamiga Puntland ka heleyso dhaqaalaha ka soo xarooda Dekeda Bosaso ayaa ah 8%, halka shirkadda DP World ay saamigeeda yahay 92%, ay dowladda Itoobiya ka siisay 27%.
Maamulka puntland iyo Shirkadda DP World ayaa sanadkii hore kala saxiixday heshiis ay kula wareegayso Dekedda Bosaso ,iyadoona dayactir iyo ballaarin ku sameynaysa,heshiiskaas ayaa soconaya muddo 30 sano ku beegan .
Hadaba haweenayda labada dhinacba masuulka ka ahayd waxaay fashilisay sir qarsoonayd oo ah 8% inay puntland saami ahaan u leedahay iyo itoobiya oo 27% boqolkiiba leh halka Dp world-na ay leedahay 65%.
Su'aasha meesha taala ayaa ah rer qaybta u aragta mashruuc horumarineed inay tahay balaarinta dekeda bosaso oo khiyaano badan huwani , miyaan la dhihi karin madaxda puntland waxay saxiixeen waxba kama ogayn. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Culusoow iyo shariif ayaa ka xishooday inay Ingiriis...

$
0
0

9th October 2017 admin Category :

  • Uncategorized

Faysal Rooble iyo Maxamed Ingiriis oo madasha Talo iyo tusaale ku heshiin waayey, oo Faysal Rooble uga baxay ka dib markii Ingiriis dayn waayey cayda Beel mid dhintay iyo mid nool ayaa madaxweyne Farmaajo maanta Villa Soomaaliya ku kulmansiiyey . Marka Fahad Yaasiin iyo Cali Yare ay madaxweyne Farmaajo u sheegayaan qofka uu la kulmayo iyo qofka uu arkayo, ma shaki ayaa kaaga jira inay Fedaro Ingiriis la mid ah ay u keenayaan.

[embedded content]
storvideo: 


Suldaan Mohamed Suldaan Abdilqadir oo caddeeyey...

$
0
0

Suldaan Mohamed Suldaan Abdilqadir oo caddeeyey xisbiga uu taageerayo. Xisbigaasi waa kee? ( Halkan ka daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Oct 10th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Salaadiinta iyo oday dhaqameedyada ayaa xilligan ku mashquulsan u kala hiillinta musharraxyada u tartamaya doorashada dhawaan ka qabsoomi doonta Somaliland. Si xawli ahna waxa u socda shirarka ay oday dhaqmeedyadu kaga qayb galayaan ololaha doorashada.
Shirarkii ugu danbeeyeyna waxa wada yeeshay beelaha Habar jeclo iyo kuwa Subeer Awdal oo ka dhacay magaalada Burco. Waxana ay labadaa beelood guddoonsadeen in ay heshiiskoodii is bahaysiga ku hawl galaan, codkoodana si wada jir ah u siiyaan Musharrax Muuse Biixi oo ka soo jeeda beesha Subeer Awdal.
[embedded content]
Suldaan Mohamed Suldaan Abdilqaadir oo isna ka soo jeeda beelaha Gar-xajis ee taageersan Musharrax Abdirahman Cirro ayaa isna ku dhawaaqay in uu yahay Waddani.
Waxanu yidhi:
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 75 times.
storvideo: 

Haashim Sh. Omer Goth oo ah guddoomiyaha...

$
0
0

Haashim Sh. Omer Goth oo ah guddoomiyaha Suxufiyiinta Solja ee gobollada galbeedka Somaliland ayaa la hadlay arday saxafiyiin ah oo maanta qalin jabisay. ( Halkan ka daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Oct 10th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Weriye Haashim Sh.Omer Goth oo ah guddoomiyaha Suxufiyiinta ururka Solja ee galbeedka Somaliland ayaa qudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey arday saxaafadda baratay oo maanta qalin jabisay.
Awdalpress
This post has been viewed 50 times.
storvideo: 

Tirada Cod Bixiyeyaasha Somali-land oo Lasoo...

$
0
0

Guddiga doorashada maamulka Somaliland ayaa maanta soo bandhigay tirada guud ee cod bixiyeyaasha doorashada Madaxtooyada ee dhici doonta 13 November ee bisha soo socota.
Guddiga oo shir Jaraaid ku qabtay magaaladda Hargeysa waxa ay shaaciyeen tirada laga diiwaan geliyay Gobolada iyo magaalooyinka Somaliland ee codeyn doona.
Tirada guud ee cod bixiyeyaasha ayaa gaareysa 704,089, oo ah dadkii qaatay kaararka aqoonsiga ee cod bixiyeyaasha.
storvideo: 

Maamulka Koofur Galbeed oo Amaro dul -dhigtay...

$
0
0

Taliska Booliska Maamulka Koofur Galbeed ayaa Siyaasiinta Mucaaradka ah iyo Saxaafadda ka shaqeysa Degaanada Maamulka Koofur Galbeed ku amray in ay joojiyaan Wararka wax u dhimaya Maamulka Koofur Galbeed.
Taliyaha Ciidamada Booliska Koofur Galbeed Mahad C/raxmaan Aadan oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Ciddii Maamulka ka faafisa Warar lagu dhaliilayo Koofur Galbeed ay xabsiga dhigi doonaan islamarkaana aysan Cidna uga Cabsan doonin.
Koofur Galbeed ayaa Mudooyinkii dambe wajaheysay Shirar lagu Mucaaradayo oo la sheegay in looga hadlayo Mustaqbalka Degaanada Koofur Galbeed,meeshana looga saarayo Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif xasan Sheekh Aadan.
storvideo: 

Tirada Dadka Qaatay Kaadhka Codbixinta Somaliland oo la Shaaciyey

$
0
0

Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay tirada dadka qaatay kaadhka codbixinta doorashooyinka soo socda, iyagoo sheegay inay qaateen 704,089 oo cod bixiye kuwaasi oo ka codayn doona 1642 goobood oo ku yaalla 21 degmo doorasho.

Kooxo Soomaali ah oo Tartan ugu Soo Dhamaaday Virginia

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Tartan ciyaareed oo kubadda cagta ah ayaa lagu soo gaba gabeeyay gobolka Virginia ee duleedka magaalada Washington. Waxana tartankaani ka qeyb galay kooxo ka kala yimid Mareykanka iyo Kanada. Jamaal Axmed Cismaan ayaa warbixinan ka diyaariyay.
storvideo: 

Shabaab Rayid ku Dilay Sh/Hoose oo Iyagiina la Dilay

$
0
0

Maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ku rasaaseeyay afar qof oo rayid ah oo saarnaa gaari, halkaas oo ay ku dileen saddex ka mid ah, mid kalena ay ku dhaawaceen.
Maleeshiyadaa oo watay gaari iyo mooto oo shan qof ahaa ayaa markii dambe waxay dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku raad joogay, kuwaa oo markii dambe dilay afar ka mid ah maleeshiyada.
Wariyeheenna Sahra ciidle Nuur ayaa dhacdadan ka wareysatay Cali Nuurre oo ah gudoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka Shabeellaha Hoose.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:04:14
0:00:00 /0:04:14
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Shir Ka Dhan Axmed Madoobe oo Ka Socdo Doolow iyo...

$
0
0

Shir ka dhan ah madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe" ayaa haatan ka socdo Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo.
Waxaana shirkaasi soo qaban qaabiyay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan "Janan" iyadoo ay ka qeyb galayaan xubno ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi Jubbaland.
Wasiir Jaran ayaa horay uga horymid shirka Kismaayo ee uu soo qaban qaabiyay madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana uu sheegay in xilligan aan loo baahneyn in lagu qabto Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose shir Maamul Goboleedyo iskugu yimaadaan.
Xildhibaanada iyo madaxda ka qey galeysa shirka ka socda Doolow ayaa si aad ah uga hadlaya arrimahaasi, iyo kuwa kale oo la xariira Maamulkaasi Jubbaland.
Waxaana arrimahan ay ku soo aadayaan, xilli shirka madaxda Maamul Goboleedyada la filayo saacadaha soo aadan in lagu soo gabagabeeyo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
storvideo: 

AMISOM oo Deeq Gargaar ah ku wareejsay Dowladda Soomaaliya (Sawirro)

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa maanta Sahay Gargaar ah waxa ay kala wareegtay Taliska Midowga Africa ee AMISOM, taas oo loogu tala galay dadka ay Abaaruhu ku dhufteen.
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maxamed Cali ayaa Warbaahinta uga warbixiyay in Gargaarkaan loogu tala galay dadka ka soo barakacay Abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah Gobollada Dalka.
Waxanaa uu xusay in xilligaan ay ku guda jiraan qorshayaal ay si deg deg ah Gargaarkaasi ugula gaarayaan dadka u baahan ee ku kala nool Gobollada Soomaaliya.
Dhanka kale Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Fransessco Madera oo maanta isna Shir Jara’id ku qabtay Magaalada Muqdisho  ayaa tilmaamay dadka ku nool deegaanada ay gacanta ku hayaan Al Shabaab ay wajahayaan Xaalad Beni’aadanimo taas oo u baahan in Gargaar lala gaaro, isagoo carabka ku adkeeyay in ay dowladda Soomaaliya ka gacan siinayaan sidii Shacabka ku nool Goobahaasi loola gaari lahaa Gurmad dhan kasta ah.
Qaar ka mid ah Gobollada Soomaaliya ayaa dadka ku nool ay yihiin kuwa tabaaleysan oo u baahan Gargaar Samafal oo deg deg ah.
Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/B-1-300x225.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/B-1-80x60.jpg 80w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/B-1-265x198.jpg 265w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/B-1-696x522.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/B-1-560x420.jpg 560w" sizes="(max-width: 768px) 100vw, 768px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/A-1-300x225.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/A-1-80x60.jpg 80w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/A-1-265x198.jpg 265w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/A-1-696x522.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/A-1-560x420.jpg 560w" sizes="(max-width: 768px) 100vw, 768px" />
The post AMISOM oo Deeq Gargaar ah ku wareejsay Dowladda Soomaaliya (Sawirro) appeared first on Shabelle.

War deg deg ah Ganacsadihii shalay ‘lagu ...

$
0
0

War deg deg ah Ganacsadihii shalay 'lagu afduubtay magaalada Cadaado oo saxafada la hadlay
Oct 10, 2017 -
Ganacsade Liibaan Shuluq oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa ka hadlay afduubkii shalay ay u geysteen kooxihii maleeshiyada ahaa.
Jirdil weyn ayaa ka muuqday Ganacasahada, waxaana uu faahfaahin ka bixiyay lacago ay ka dhaceen kooxda maleeshiyada ah iyo tilaabada uu qaadi doono.
Goordhaw filo Muuqaalka Shirka Jaraa'id insha,allah. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Kuuriyada Waqooyi oo heshay macluumaad sir ah oo...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA) Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Kooxaha u dhaca internetka ay heleen macluumaad sir ah oo la xiriira dhinaca millateriga.
Waxyaabaha ku qoran macluumaadka ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in uu jiro qorshe lagu dili karay Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un.
Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed ayaa sida ku qoran warqadaha dhameystiray qorshahaan oo sidoo kale qeexaya xilliga weerarka iyo qalabka lagu fulinayo.
Ilaa hadda majiro war rasmi ah oo kasoo baxay Waqooyiga Kuuriya iyo Mareykanka midna
Warqadahaan sirta ah ayaa la sheegay in si fudud burcada internetka ay oga baxsadeen Ciidamada gaarka ah ee Kooriyada Koofureed.
Mr Rhee oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kuuriyada Koonfureed, ahna madaxa guddiga difaaca ee Baarlamaanka. Wuxuu sheegay in 235 GB oo sir militari ah, lagala baxay kombuutarada waaxda difaaca. Boqolkiiba 80 lama garanayo cidda la baxday.
Arrintaani waxa ay soo shaac baxeysaa iyada oo Mareykanka iyo Waqooyi ay ka dhex taagan tahay xiisad dhinaca Nugleerka.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleGuddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya
Next articleXubno ka tirsan Daacish oo lagu dilay duqeyn diyaaradeed.

storvideo: 

AMISOM oo Deeq Gargaar ah ku wareejsay Dowladda...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Sahay Gargaar ah waxa ay kala wareegtay Taliska Midowga Africa ee AMISOM, taas oo loogu tala galay dadka ay Abaaruhu ku dhufteen.
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maxamed Cali ayaa Warbaahinta uga warbixiyay in Gargaarkaan loogu tala galay dadka ka soo barakacay Abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah Gobollada Dalka.
Waxanaa uu xusay in xilligaan ay ku guda jiraan qorshayaal ay si deg deg ah Gargaarkaasi ugula gaarayaan dadka u baahan ee ku kala nool Gobollada Soomaaliya.
Dhanka kale Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Fransessco Madera oo maanta isna Shir Jara'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay dadka ku nool deegaanada ay gacanta ku hayaan Al Shabaab ay wajahayaan Xaalad Beni'aadanimo taas oo u baahan in Gargaar lala gaaro, isagoo carabka ku adkeeyay in ay dowladda Soomaaliya ka gacan siinayaan sidii Shacabka ku nool Goobahaasi loola gaari lahaa Gurmad dhan kasta ah.
Qaar ka mid ah Gobollada Soomaaliya ayaa dadka ku nool ay yihiin kuwa tabaaleysan oo u baahan Gargaar Samafal oo deg deg ah.Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live