Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dood Cilmiyeed looga hadlayay Xaaladda Soomaaliya oo...

$
0
0

Khartoum (SONNA) Dood Cilmiyeed lagu gorfeeynayay xaaladda uu Dalka marayo, islamarkaana ay marti ku ahaayeen Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Biritan Cabdraxmaan Caynte iyo Madaxa Cilmi Baarista Machadka Hirtaje Cabdirashiid Khaliif Xaashi, ayaa waxaa ka soo qeeyb galay Diplomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan, Jaaliyadda, Salaadiin, Aqoonyahano, iyo madaxda ururka Ardayda Soomaaliyeed, ayaa waxaa soo Agaasimay u qeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Fiidow Maxamuud Fiidow.
Danjire Cabdiraxmaan Caynte, ayaa shegay in Soomaaliya marka laga hadlaayo Siyaasaddeeda xiligan ay tahay mid hagaagsan kana soo kabatay dhammaan dhibaatooyinkii ka soo wajahay Burburkii Dowladii Dhexe ku yimid, horayna loo socdo marba marka ka danbeeso.
Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ah Madaxa Xaruunta Cilmi Baarista ee Hiritaje kana mid ahaa martida Dooddaasi ka qeybgalay ayaa cadeyay in Soomaaliya aanu heysan garab buuxa loona baahanyahay Aqoonyahanka Soomaaliyeed in ay mideeyaan Fikradahooda ku aaddan Hormarka Dalka loogana Hortagayo Dhibaatooyinka soo wajaha.
Gabagabdii Dood Cilmiyeedka ayaa waxaa soo afjaray Fiidow Maxamuud Fiidow u Qeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan, isagoo tibaaxay in Xafiiska Warfaafinta Safaaradda uu yahay mid u taagan u adeegida dhammaan Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ku sugan Suudaan Doodaha noocan oo kalana ay sii labajibaari doonaan.
storvideo: 


Xildhibaanadii Xilkii Ka Qaaday Xaaf oo Soo...

$
0
0

Qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Galmudug ee dhawaan xilkii ka qaaday madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa maanta soo bandhigay jadwalka doorashada iyo xubnaha isku soo sharaxi kara xilka madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug.Halkaan Hoose Ka Akhriso Jadwalka
storvideo: 

Mid Ka Mid Ah Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland Oo...

$
0
0

Kadib markii uu shir Jaraa'id Maanta Warbaahinta uu u qabtay ayuu shaaciyay in uu iska casilay xilkii ahaa taliyaha Ciidanka Dab demiska Gobolka Togdheer ee Maamulka Soomaliland.
Iimaan Maxamuud Ibraahim ayaa sababaha iscasilaadiisa waxa uu ku sheegay in ay tahay in sababta xilkaan loogu dhiibay ay aheyd in uu ololo u sameeyo xisbiga Kulmiye balse aysan muuqan sababo uu ugu Shaqeeya Qaranka sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in Arrintaan uu horay uga digay Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, balse xilkeyga la igu maamulay si aan ugu ololeeyo Xisbiga Kulmiye.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay madaxda kale ee heysa xilka in aysan olole u muujin xisbiyada kale balse ay noqdan kuwa u Shaqeeya Qarankooda.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Soomaali tahriibeyaal “jir dilay” oo xabsi daa’in...

$
0
0

nYurub ayaa isku dayaysa in ay xakamayso tahriibeyaasha kaga yimaada Bariga Dhexe iyo Afrika
Nin Soomaali ah ayaa lagu xukumay in uu xabsi daa'in ku qaato dalka Talyaaniga, ka dib markii lagu helay in uu dil iyo jirdil u gaystay dad badan oo tahriibeyaal ah oo ku sugnaa dalka Liibiya.
Cosmaan Maxamed oo 22 jir ah ayaa la xiray sannadkii hore, ka dib markii si nasiib ah loo aqoonsaday isaga oo iska maraya magaalada Milan.
Dad goobjoogeyaal ahaa ayaa sheegay in uu dad ku dilay jir dil, kuwa kalana uu biyaha iyo baadka u diiday ilaa ay ka dhinteen markii dambe.
Tahriibayaasha dalalka Saxaraha ka hooseeya ayaa badanaa wakhti dheer ku qaata goobo ku yaalla dalka Liibiya, iyaga oo halkaas ku suga lacago ay ka soo dabo diraan ehelladooda si ay u siiyaan dadka wax u tahriibiya qaaradda Yurub.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Xisbiga Waddani Oo Hargeysa Ku Soo Dhaweeyey...

$
0
0

Xisbiga Waddani Oo Hargeysa Ku Soo Dhaweeyey Masuuliyiin Sare Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga Waddani Kanana Soo Kicitimay Qaaradaha Ameerika Iyo Yurub
[embedded content]
storvideo: 

Xildhibaan Mahad Salaad”Madaxweyne Farmaajo Waa Uu...

$
0
0

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay Siyaasada hoggaanka ugu sareysa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed cabdulalahi Farmaajo.
War Qoraal ah oo uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook ayaa waxa uu ku sheegay in dowladda ay fashilnatay sigaar ah Madaxweyne Farmajo isla markaana loo baahan yahay in Golaha Shacabka ay ka tashadaan madaxda dalka oo uu ula jeedo in ay kalsoonida kala laabtaan.
Hoos Ka Akhriso Warka Qoraalka ah oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook

Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo ku xiggeenkiisa...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
????????????????????????????????????
Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo uu wehliyay Guddoomiye ku xiggeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa la kulmay sii hayaha Safiirka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo Mas'uuliyiin ka socday Xafiiska Siyaasada Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeysa safaaradda iyo Golaha Shacabka iyo sidii loo xoojin laaha.
Sidoo kale Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad Mudane Mahad C/lla Cawad ayaa kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii Midowga Yurub uu u sii dar dargelin lahaa mashaariicda uu Golaha shacabka ku taageerayo, waxaana waxyaabaha ay aadka uga wada hadleen ka mid ahaa dib u eegista dastuurka dalka.
ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa gelinkii dambe ee maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ethiopia ee Soomaaliya iyo diplomaasiyiinta safaaradda ka socda oo ay ka wada hadleen xiriirka labada Dowladdood gaar ahaan dhinaca Baarlamaanada sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Guddoomiye ku xiggeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDood Cilmiyeed looga hadlayay Xaaladda Soomaaliya oo ka dhacday Dalka Suudaan "Sawirro"

storvideo: 

Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Go’aannadii laga soo...

$
0
0

Kismaayo (PP) - Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan shirkii Kismaayo kusoo dhamaaday iyo sida uu noqon doono xiriirka Dowladda dhexe iyo Maamul-goboleedyada Somalia ka jira.
C/weli Gaas oo la hadlayay VOA-da ayaa la waydiiyey dhawr su'aalood oo ay ka mid ahaayeen; In dastuurka dalka ay waafaqsan yihiin go'aannadii ay ka soo saareen shirkooda iyo inay wadahadallo la yeelan doonaan Dowladda FS iyo in kale.
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in ay iyaga mar kasta ku taagan yihiin dastuurka, isla markaasna ay diyaar u yihiin in lagu dhaqmo, wuxuuna xusay inaysan dagaashaneyn Dowladda iyo Maamul-goboleedyada, balse la iskum fahmi la'yahay arrimo uu ku tilmaamay inay yihiin Masiiri.
Sidoo kale, C/weli Gaas ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya mar walba wada-hadlaan, isla markaasna aysan diidaneyn wada-shaqeynta Dowladda kala dhexeysa.
Waxaa kaloo la weydiiyay; Waxa ku jaban inay taageeraan go'aanka dowladda ee dhexdhexaadnimada ah iyo haddii ay wax faa'iido ah ku qabaan taageerada ay u muujiyeen Dowladda Imaaraadka ayuu wuxuu ku jawaabay inaysan Dowladda Dhexe Arrinta Khaliijka dhex-dhexaad ka aheyn laakiin ay la safatay Xukuumadda Qatar.
Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa loo doortay inuu Hoggaamiyo golaha cusub ee ay ku midoobeen maamul-goboleedyada Somalia ka jira, iyadoo uu ku xigeen u yahay madaxweynaha HirShabelle.DHAGEYSO; Wareysiga VOA-du la yeelatay Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas;
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/10/DHAGEYSO_Wareysiga_Gaas_ee_VOA-da.mp3
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Go'aannadii laga soo Saaray Shirkii Kismaayo appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


UEFA oo La-taliye u Magacowdey Figo

$
0
0

Ciyaar-yahankii hore ee Burtaqiiska Luis Figo, ayaa UEFA u magacowday in uu noqdo lataliyaha UEFA ee dhinaca kubadda cagta, sida ay hay'addaasi sheegtay Arbacadii.

Guddoomiye Jawaari iyo ku-xigeenkiisa 2aad oo la...

$
0
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ugu horeyn la kulmay sii hayaha safiirka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo mas'uuliyiin ka socotay xafiiska siyaasadda Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xiriirka wada shaqeyneed ee Safaaradda iyo golaha shacabka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirkaasi. Sidoo kale Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ku-xigeenkiisa labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulan la qaatay safirika Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii Midowga Yurub uu u sii dar dargelin lahaa mashaariicda uu golaha Shacabka ku taaageerayo, waxaana waxayaabaha ay aadka uga wada hadleen ka mid ahaa dib u eegista qabyo qoraalka dasturuka dalka. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gelinkii dambe ee maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Ethiopia ee Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta safaaradda ka socda oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dowladood, gaar ahaan dhinaca Baarlaamanada sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.
storvideo: 

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland oo Gubay lacago ...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Garoowe (SONNA) Wasaaradda Maaliyadda Dowlad goboleedka Puntland ayaa Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku gubtay Lacago shallin Soomaali oo faalso ah, islamarkaana ay Ciidamada Amaanka Maamulkaasi dhowaan gacanta ay ku dhigeen.
Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland Mudane Cabdullaahi Saciid Carshe ayaa goob joog ka ahaa Gubista Lacagta Shillin Soomaaliga faalsada ah, Waxaana uu sheegay in Lacagta Ciidamada amaanka ay gubeen ay gaareyso 600,500,000 (Lix boqol oo Milyan iyo Shan boqol oo kun).
Wasiirka ayaa xusay in aysan oggolaan doonin lacago faalso ah in lasoo galiyo Suuqyada, isagoo sheegay in qofkii talaabadaasi lagu qabtaa Sharciga lasoo taagi doono.

SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleIn ka badan 37 qof oo ku dhintay daadad ku fatahay dalka Viyetnam
Next articleGuddiyada joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo Kulan yeeshay

storvideo: 

Dekedda Boosaaso oo Maanta lagu wareejiyay Shiradda...

$
0
0

Boosaaso ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta si rasmi shirkadda P&O Ports loogu wareejiyay maamulka Dekedda Boosaaso, kadib Munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland.
Waxaana ka qeybgalay Munasabaddaasi Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, xubno ka tirsan Wasiirada Puntland, iyo saraakiil ciidan.
Agaasimaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Cabdimajiid Samatar "Jaafaan" ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Mashruuca Dekedda Boosaaso, iyo qaabka uu noqonayo.
Waxaana uu sheegay in Dekedda la balaarin doono, islamarkaana la hormarinayo shaqadeeda, si ay ula mid noqoto Dekedaha Caalamka.
Sidoo kale Agaasimaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan ay tahay guul u soo hoyatay Maamulka Puntland, islamarkaana Dekedda Boosaaso ay noqon doonto mid ay ka wada faa'iideysan doonaan shacabka ku dhaqan deegaanad Maamulkaasi.
Wareejinta Dekedda Boosaaso aya ku soo aadeyso, xilli qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Isimada ka soo jeeda Puntland ay ka soo horjeesteen tallaabadaasi uu qaaday madaxweyne Gaas.
Waxaana shirkadda P&O Ports ee lagu wareejiyay Dekedda Boosaaso ay Maamuli doontaa muddo 30 Sano ah sida ku cad heeshiiska ay wada galeen shirkaddaasi iyo Puntland.
storvideo: 

Daawo: Xisbiga Kulmiye oo Dhawr iyo Toban Xafiis ka...

$
0
0

Daawo: Xisbiga Kulmiye oo Dhawr iyo Toban Xafiis ka furtay Gobolka Awda Gaar ahaan Degmada Boorama iyo Kulmiyihii Boorame oo Shaqeeyey

[embedded content]
storvideo: 

Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Wareejinta Dekada Bosaso

$
0
0

Bosaso-[Puntland Post] Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo gaaray Magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari ka dib mudo Afar cisho ah oo uu ku maqnaa magaalada kismaayo halkaas oo uu kaga qeybgalay shir ay la hayeen madaxweynayaasha Maamul gobaleedyada soomaliya.
Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland oo hadal kooban saxaafada ka siiyey garoonka diyaradaha Boosaaso wax uu ka hadalaya shirkii Kismaayo lagu soo gabagabeyey waxana sida oo kale uu ka hadlay wareejinta Dekada Boosaso ee xarunta gobalka Bari.Daawo hadlaka Madaxweynha Puntland
Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso
The post Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Wareejinta Dekada Bosaso appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Daawo: Ucid oo Si wayn uga shaqaysay Degmada Berbera...

$
0
0

Daawo: Ucid oo Si wayn uga shaqaysay Degmada Berbera iyo Xoghayaha Siyaasada Ucid ee Dhawaan Faysal Magacaabay oo si wayn loogu soo dhaweeyey Bebrara
[embedded content]
storvideo: 


Guddiyada joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA) Kulanka 13-aad ee Guddiyada joogtada ah ee Golaha shacabka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka ,waxaana ugu horeyn warbixin laga dhageystay guddoomiyeyaasha guddiyada, iyadoo guddiga horumarinta adeegga bulshada uu faah faahin ka bixiyay hindise sharciyeedyadda waxbarashada iyo caafimaadka.
sidoo kale guddiyada garsoorka Awqaafta iyo arrimaha diinta iyo sidoo kale warfaafina iyo isgaarsiinta ayaa laga dhageystay hindise sharciyeedyadda la dagaalanka musuq maasuqa iyo Saxaafadda.
kulanka gudiyada joogtada ah ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay howlaha golaha horyaala iyo sidoo kale xilliga ugu habboon ee qorshe howleedka guddiyada la horgeynayo kulanka guud ee golaha shacabka sida uu warbaahinta qaranka u sheegay C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah xoghayaha guud ee golaha shacabka.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleCiidamada amaanka Maamulka Puntland oo Gubay lacago Been abuur ah "Sawirro"

storvideo: 

Maamulka Dekadda Boosaaso oo lagu wareejiyay shirkad ajnabi ah

$
0
0

Maamulka dekadda Boosaaso ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay shirkadda P&O taas oo qeyb ka ah shirkadda weyn ee maamusha dekadaha ee DP World.

Dowladda Kenya oo mamnuucday dibadbaxyada mucaaradka

$
0
0

Dowladda Kenya ayaa mamnuucday in dibadbaxyo lagu qabto gudaha saddex magaalo oo waaweyn oo ka ah caasimadda Nairobi, Kismu iyo Mombassa.

Dhageyso: Al-Shabaab oo Askar nool ka kaxeystay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Afgooye (Caasimadda Online) - Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Cumar Beyre oo ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarkaas kadib ayaa waxaa dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab waxana la sheegay in dagaalkaas ku dhintay qof Shacab ah ku Shaqeysan jiray Mooto Bajaajta.
Sidoo kale waxaa la sheegay in halkaasi laga kaxestay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya in kastoo Maamulka degmada Afgooye iyo Saraakiisha ciidamada aysan ka hadlin dagaalkaas.
Ururka Al-Shabaab ayaa marar badan weerar ku soo qaaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay kula dagaalameen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
http://www.-.net/wp-content/uploads/2017/10/War-Mada-Weerar-ka-dhacay-Afgooye.mp3- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dowladda Kenya oo mamnuucday dibadbaxyada mucaaradka

$
0
0

Dowladda Kenya ayaa mamnuucday in dibadbaxyo lagu qabto gudaha saddex magaalo oo waaweyn oo kala ah caasimadda Nairobi, Kismu iyo Mombassa.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Fred Matiang'I, ayaa sheegay in mamnuuciddaasi looga golleeyahay in lagu badbaadiyo hantida iyo shacabka Kenya.
Taageerayaasha mucaaradka ayaa dibadbaxyo joogta ah ka dhigayay magaalooyinkani saddexda ah, waxaana inta badan dibadbaxyadaasi ka dhashay bililiqo iyo isku dhacyo dhex maray booliska iyo taageerayaasha mucaaradka oo dalbanaya isbadal dhanka doorashooyinka ah.
Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa isaga haray tartanka doorashada loo ballansan yahay 26-ka bishan.
Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa laashay natiijada doorashadii dalka ka dhacday billowgii bishii siddeedaad, taa oo uu ku soo baxay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Matiang'i ayaa sheegay in ujeeddada mamnuuciddan aysan ahayn in dadka loogu diido xaquuqdooda dastuuriga ah ee ay dibadbaxyada ku dhigi karaan balse tahay mid lagu heshiiyay kaddib markii mas'uuliyiintu ay arkeen haliska dalka ku soo wajahan.
Wasiirka ayaa shir jaraa'id ka sheegay in ay cabasho uga timid dadka gancsatada ah oo ka sheegtay saameynta xun ee ay dibadbaxyadu ku yeesheen gancsigoo
"Sidan kuma sii socon karno. Waa nasiib darro in aan aragno dadka oo gawaaridooda la burburinayo, hantida dadka oo la baabi'inayo iyada oo qiil laga dhiganayo dibadbaxyo nabdoon. Waa khasab in aan sharciga ilaalino," ayuu yiri Matiang'i.
Waxa uu sidoo kale sheegay in saraakiisha sarsare ee mucaaradka ay qaadan doonaan mas'uuliyadda rabshadihii dhacay shalay oo arbaco ahayd.
Raila Odinga ayaa tartanka uga haray sababo uu ku sheegay in guddiga doorashooyinka uu diiday in ay wax ka qabtaan cabashooyin iyo dalab uu u gudbiyay oo ku saabsan khaladaadkii dhacay xilligii doorashadii hore.
Isbahaysiga mucaaradka ee NASA ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay dibadbaxyadaasi sii wadaan oo ay cadaadis saaraan guddiga doorashooyinka dalka ilaa ay ka ogolaadaan dalabka mucaaradka.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live