Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo Sawirrada: Madaxda Jaaliyada Koonfur Galbeed...

$
0
0

Guddiga Jaaliyada Koonfur Galbeed ee Dalka Ingiriiska ayaa casho sharaf sagootin ah waxa ay u sameeyeen Xildhibaan Cabduqaadir Shacbaan Axmed (Dhegacade) oo katirsan Gollaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka ayaa intii uu soocday waxaa fikir iyo aaraa isku dhaafsaday Xildhibaan C/qaadir Dhegacade iyo Madaxda Jaaliyada reer Koonfur Galbeed ee London ku dhaqan.
Sidoo kale Madaxda Jaaliyada Koonfur Galbeed ayaa kula dardaarmay Xildhibaan Cabduqaadir Dhegacade inuu kaalin muuqata ka qaato dadaalka loogu jiro sidii isbedel loogu sameyn lahaa Hogaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu danbeyntii Jaaliyada ayaa si diiran usoo dhaweysay dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Shariif Xasan ee ay wadaan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 


AKHRISO: Taariikh-nololeedka Taliyaha Cusub ee...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Taliyaha cusub ee loo magacaabay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, Jen. C/weli Jaamac Xuseen [Gorod] wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho sannadkii 1950-kii.
Dugisga Hoose iyo Dhexe wuxuu ku qaatay Muqdisho, isagoo arday ka ahaa Iskuulkii Macallin Jaamac, Sidoo kale Dugsiga Sare wuxuu ku qaatay dugsigii Farsamada Gacanta ee Muqdisho.
Jen. Gorod wuxuu Ciidanka qortay 1966-kii. Wuxuuna tababar u aaday dalka Ruushka sannadkii 1975-kii, isagoo luuqadda Ruushka ka bartay magaalada Furanza ee waddamadii la isku oran jiray Midowgii Sofiyeeti.
Sidoo kale, Sannadku markuu ahaa 1977-kii ayuu duulimaadka diyaaradaha ka bartay Akademiyada Karasnadaar ee dalka Ruushka, halkaasoo uu kasoo qalin-jabiyay sannado kaddib.
Tababarrada iyo waxbarashada kaddib wuxuu kusoo laabtay dalka waxayna darajadiisu ahayd xidigle. Waxaana la geeyey xerada Ciidanka Cirka ee Balli-doogle.
Sannadkii 1980-kii ayuu qaatay Darajada Laba xidigle, Waxaana loo badalay Xeradii Ciidanka Cirka ee Dulleedka Magaalada Kismaayo, halkaas oo uu ku bartay Duulimaadyada Diyaaradaha Xamuulka ee Ciidamada Cirka.
Sannadkii 1984-kii, wuxuu qaatay darajada saddex xidigle, iyadoo xilligaas loo bedelay Magaalada Hargeysa, wuxuuna duulin jiray diyaaradaha ciidanka cirka ee loo yaqaano Biyaajo 160 oo Talyaanigu sameeyay.
Sannadkii 1988-kii, waxaa lagu soo celiyey xerada Ciidanka Cirka Kismaayo. Saddex bilood kaddibna waxaa loo bedelay Muqdisho, isagoo luuqadaha ka bartay Machadkii OMC oo Xukuumadda Maraykanka ay gacanta ku haysay. Wuxuuna noqday Gaashaanle Sare, waxayna dowladdii millaterigu burburtay isgaoo gaashaanle sare ah, intii burburka lagu jiray ayuuna qaatay darajada Jeneraalnimada.
Jen. C/weli Jaamac Xuseen Gorod wuxuu wasiirkii Dekadaha kasoo noqday dowladdii uu hoggaaminayay C/qaasim Salaad Xasan, isagoo xilkaas hayay mudo laba sannadood ah.
Ugu dambeyn, Jeneraalka ayaa wuxuu dhalay siddeed caruur ah. Waxuuna deggen yahay Magaalada London ee Xarunta dalka Britain.PUNTLAND POST
The post AKHRISO: Taariikh-nololeedka Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga dalka Jen. Gorod appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Gudoomiyaha cusub hay’adda wadooyinka Puntland oo...

$
0
0

Guddoomiyaha Cusub ee Hay'adda Waddooyinka Puntland (PHA) Eng.Cabdirisaaq Yusuuf Cilmi oo 7-dii bishaan October 2017 Madaxweyne Cabdiweli Gaas soo magacaabay ayaa maanta si rasmi ah xilka uga la wareegay Siciid Maxamuud Jaamac oo si kumeel gaar ah xafiiska u joogay tan iyo markii xilka laga qaaday Guddoomiyihi hore Hay'adda Waddooyinka Puntland Maxamuud Cabdinuur Aadan 3-dii March 2017.
Munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland ee magaalada Garoowe oo ay kasoo qaybgaleen mas'uuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gadiidka,Guddiga sare ee Hay'adda PHA,Xubno ka socday hay'adaha taageera PHA iyo marti sharaf kale ayuu xilka maanta kula wareegay Gudoomiye Eng Cabdirasaaq Yuusuf Cilmi.
Siciid Maxamuud Jaamac oo xilka ku wareejiyay ayaa sheegay inuu wax badan qabtey muddo kooban oo uu xilka sii hayay, gaar ahaana hawlihii socday ay ku guulaysteen inay fuliyaan dhamaystirkooda,Isagoona ku booriyay Gudoomiyaha cusub wixii ka harsan inuu fuliyo.
Wuxuuna ku wareejiyay Siciid Maxamuud Gudoomiyaha cusub documentiyo ku saabsan kharashaad iyo deymo lagu leeyahay Hay,adda kuwaas oo ay ka mid ahaayeen lacagta u taala Hay,adda Accoonadda ay ku leedahay Bangiyadda gudaha dalka iyo Mushahaarka muddo 4 bilood ah oo ka maqan shaqaalaha.DAAWO XIL WAREEJINTA..
Guddoomiyaha Cusub ee Hay'adda PHA oo maanta xilka la wareegay Eng.Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi oo hadal kooban Munaasabbada ka jeediyey ayaa ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono dhammaystirka hawlaha qabyada ka ahaa madaxdii ka horreysay,wuxuuna codsaday in lagu caawiyo siduu ugu guulaysan lahaa shaqada adag ee hortaalla.
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland Cabdiraxmaan Barkhad oo munaasabadda soo xiray ayaa ammaanay Guddoomiyaha cusub ee maanta xilka la wareegay,wuxuuna ku tilmaamay shakhsi ku habboon xilka loo dhiibay,Isagoona kula dardaarmay inuu dhabar-adayg kaga gudbo caqabadaha uga imaan kara shaqada.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Gudoomiyaha cusub hay'adda wadooyinka Puntland oo xilka la wareegay. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Warbixin : "Maalinta Caalamiga ee Gabdhaha Da'...

$
0
0

11 ka bisha October oo Arbacadii shalay ku beegneyd, ayaa sanadkasta dunida laga xusaa "Maalinta Caalamiga ah ee Gabdhaha yar yar," iyada oo maalintaasi la xoojiyo wacyi galinta, caafimaadka, waxbarashada iyo daryeelka hablaha.
Kulankii 72-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhawaan lagu soo gabo gabeeyay magaalda New York, ayaa si gaar ah looga hadlay arimaha gabdhaha yar yar iyo guud ahaan dumarka, waxa la soo bandhigay tirada guud ee gabdhaha da'doodu ka yartahay 18 jir ka ee dunida ku nool iyo caqabadaha ay la kulmaan.
Priyanka Chopra oo ah jilaa caan ka ah dunida una u dhalatay dalka India, islamarkaana la shaqaysa UNICEF ayaa ka waramaysa dhibaatooyinka ay la kulmaan gabdhaha yar yar ee ku nool Afrika iyo guud ahaan caalamka ay dagaaladu ka jiraan.
Sahra Ciidle Nuur oo shirkaasi ka qayb gashay ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:06:16
0:00:00 /0:06:16
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Ciidamada Amniga Oo Magaalada Muqdisho Ku Qabtay...

$
0
0

Howlgal ay ka sameeyeen Gudaha degmada Kaxda ee Gobolkan Banaadir ciidamada Maamulkaas ayaa waxaa suurtagashay in ay Gacanta ku dhigaan Maandooriyaha Calaqa loo yaqaano iyo Xashiishada.
Maandooriyaha ayaa waxa uu ku jiray 12 fuusto oo calaq ah sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kaxda.
Sidoo kale ciimada ayaa qabtay Gaari nooca Soomaalida u taqano hoomeyda kaas oo lagu iibgeyn jiray markii la diyaariyo Calaqa iyo Xashiishka.
Hoos ka Daawo Sawirrada Waxyaabaha Maanka dooriya ee la qabtay
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Xukuumadda Soomaaliya Oo U Yeertay Madaxda Dowlad...

$
0
0

Qodobadii looga hadlay Maanta kulanka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayay ka mid ahaayeen arrimaha dowlad Goboleedyada iyo shirkii dhawaan ugu soo gaba gaboobay magaalada kismaayo ee Xarunta gobolka jubbada hoose.
Wasiirka Warfaafinta oo qodobadii ka soo baxay kulanka Akhrinayay ayaa sheegay in Goluhu ay soo dhaweeyeen hadalkii baaqa ahaa ee uu u diray Madaxda dowlad Goboleedyada.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Xukuumadda Sooamaliya ay adkeyneyso xiriirka ay la leedahay dowlad Goboleedyada sidaas darteedna loo baahan yahay in ay Muqdisho yimaadaana madaxda dowlad Goboleedyada.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Taliska Booliska Soomaaliya oo gaadiid Ciidan ku...

$
0
0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirshabelleMudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto C/xakiin Daahir Saciid Saacid Kala Wareegay Gawaari Loogu Talo galay in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Hirshabelle, gawaaridaasi oo qeyb ka ah gaadiidka Taliska Boliiska Soomaaliyeed oo uu ugu talo galay in lagu wareejiyo dowlad goboleedyada Dalka ka jira..
Munaasabad ka dhacday Xarunta Dugsiga Tababarka Jen Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare waxa uu furaha gawaaridaasi oo ah 6 Baabuur oo casri ah la wareegay, Iyadoo Madaxweynaha Munaasabadaasi ay ku wehlinayeen Madaxweyne Ku Xiggeenka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowlad Goboleedka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Hirshabelle Cor Xasan Dhicisow iyo Saraakiisha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay Gaadiidka la siiyay Dowlad Goboleedka, waxaana uu sheegay in loogu qidmeyn doono bulshada Soomaaliyeed oo amnigooda laga sugi islamarkaana ay ku shaqeyn doonaan Ciidamada Ammaanka.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed JS/guuto C/xakiin Daahir Saciid Saacid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gawaaridaan ay ugu talo galeen in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Boliiska Hirshabelle oo loogu qidmeeyo Bulshada, horeyna ay sidaan oo kale ay u siiyeen Maamulada kale, waxaana uu sheegay in markii hore ay ka heleen Saaxiibada caalamka oo kaalma ahaan loo siiyay Soomaaliya,, waxaana uu xusay in markasta ay ka go'antahay kan talis ahaan kaalmada ay helaan in la gaarsiiyo dhammaan dowlad Goboleedyada.
storvideo: 

Xaaf oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Madaxda...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Cadaado (- Online)-Hoagaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug.
Xaaf oo saxaafada kula hadlay Garoonka Cadaado ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad adag, isla markaana loo baahan yahay in xal loo helo.
Waxa uu Hogaamiye Xaaf sheegay in dhibaatada ka jirta dalka ay u sabab tahay in dad aan talin jirin ay taliyeen, dadkii talin jirayna ay tageen, sida uu haddalka u dhigay.
Waxa uu tilmaamay in mas'uuliyiinta heysa talada laga doonaayo inay wanaajiyaan taladooda si buu yiri uu u wanaagsamo dalka.
Xaaf waxa uu intaa ku daray in Dowladda dhexe ay ku filnaan doonto qodobo dhowr ah oo uu sheegay inay usoo qoreen, kuwaa oo uu sheegay inay muhiim u tahay dalka.
"Dalka waxa uu hagaagi doonaa goortii ay talo wanaagsamaan kuwa aan talin jirin ee taliyay, waxaan rajeynayaa inay ka shaqeeyan xal u helida dhibta ka jirta dalka"
Hogaamiyayaasha dalka ayaa waxaa maalintii shalay magaalada Kismaayo kusoo afmeeray shir Saddex cisho socday oo ay uga doodayeen masiirka dalka.
Madaxda maamul goboleedyada, waxaana ay kasoo saareey war-murtiyeed ka kooban 16 qodob.
Haddalka Xaaf ayaa ku foorara Madaxda ugu sareysa dalka oo iyagu khilaaf kala dhexeeyo maamul Goboleedyada dalka.- OnlineXafiiska Cadaado-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Golaha Wasiirada oo magacaabay Taliyaha Xooga Dalka ...

$
0
0

Muqdisho (SONNA), 12 October 2017 - Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar). Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa magacaabista Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta hay'adaha dawliga ah iyo arrimo kale.
Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay hay'adaha amniga oo ku aadan arrimaha xasilinta iyo howlgallada sugidda amniga dalka. Hay'adaha ammaanka ayaa xaqiijiyey in la dardargelin doono howlgalada lagu sugayo amniga iyo nabadeynta.
Wasaarada Gaashaandhiga ayaa golaha wasiirada u sheegay in Axmed Jimcaale Cirfiid uu iska casilay xilkii Taliyaha Xooga Dalka Soomaaliyeed. Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa Golaha Wasiirada u soo gudbisey talo soo jeedin in S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) uu noqdo taliyaha cusub. Dood dheer ka dib, ayey galaha wasiiradu u codeeyeen oo aqbaleen talo-soojeedintii aheyd in S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) uu noqdo Taliyaha Xooga Dalka Soomaaliyeed, tanoo loo gudibn doono Madaxweynaha si uu dikreeto uga soo saaro. Wasiirka Gaashaandhiga Rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa isna iska casilay xilkii wasiirka Gaashaandhiga.
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha ka codsaday inay ka warbixiyaan xaalada xiriirka iyo wadashaqeynta wasaaradahooda iyo wasaaradaha dawlad goboleedyada. Ugu yaraan 12 wasiir ayaa sheegay in wasaaradahooda ay xiriir wanaagsan la leeyihiin wasaaradaha dawlad goboleedyada oo kulamo wadatashi iyo xoojinta xiriirka ay ka dhaxeyso, kulamadaas oo ka kala dhacayey Muqdisho iyo xarumaha dawlad goboleedyada. Wasiirada warbixinada laga dhageystay ayaa kala ahaa Wasiirada Arrimaha Gudaha, Boostada & Isgaarsiinta, Qorsheynta, Maaliyada, Warfaafinta, Waxbarashada, Dastuurka, Biyaha, Diinta & Awqaafta, Gargaarka, Garsoorka, Dhalinyarada & Ciyaaraha, Ganacsiga, amniga, iyo kuwo kale.
Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey baaqii Madaxweyne Farmaajo ee midnimada iyo wadashaqeynta hay'adaha dawliga ah ee heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed. Golaha ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda ay ka go'antahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta dawlad goboleedyada, qirayna inuu heerkii ugu sareeyey marayo iyadoo golaha wasiirada ay shirkooda caadiga ah ku qabsadeen 13kii July 2017 Kismaayo, una qorsheysneyd inay Baydhabo ku qabsadaan shirkooda kale hase yeeshee Maamulka Koofur-Galbeed uu dib u dhigay, lana rajeynayo in dhowaan shirkaas ka dhaco dhammaan dawlad goboleedyada dalka.
Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhagesytay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee ku aadan booqashadii Madaxweyne Faramaajo ku tagey Sacuudiga, Sudan iyo Masar, sheegeyna in xiriirka dalalkaas la sii xoojiyey iyadoo awalba ay Soomaaliya iyo dalalkaas leeyihiin xiriir qoto dheer oo taariikhi ah. Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystey Wasiirka Arrimaha Gudaha oo safar uu ku tagey Finland ka warbixiyey.
--DHAMMAAD---
storvideo: 

Guddoomiyaha G/Banaadir oo Daahfuray bandhig...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleGolaha Wasiirada oo magacaabay Taliyaha Xooga Dalka , soona dhoweeyey baaqii Madaxweynaha ee Midnimada iyo Wadashaqeynta hay'adaha dawliga ah "Sawirro"

storvideo: 

Tahriibayaal laga soo badbaadiyey badda Mediterranean

$
0
0

Markab samata-bixin ayaa ku soo xirtay dekedda Sicily, isagoo sida 606 tahriibe oo in ka yar laba maalmood ku jiray badda, meel u dhow xeebaha Libya.
Waxay u kala dhasheen 20 dal oo Afrikaan iyo bariga dhexe ah. Kooxda gargaarka ee SOS Mediterranee ayaa sheegtay inay ku jireen 241 ilmood iyo 11 haween oo uur leh.
In badan oo ah dumar ka yimid dalalka Afrika ee ka hooseeya saxaaraha waxay sheegeen in xadgudubyo galmo la xiriira ay ka soo carareen. Tahriibayaasha qaarkood ayaa waxaa ka muuqday nafaqo darro.
50 dadkaas ka mid ah waxay u soo qaxeen Libya, ayagoo ka soo cararay dagaallada ragaadiyey Suuriya, hase yeeshee qalalaasaha wuxuu sidoo kale baabi'iyey Libya.
Qulqulka tahriibayaasha aan joogtada ahayn ee imaanaya koofurta Yurub, ayagoo ka soo tallaabaya badda Mediterraneanka, ayaa aad uga hooseeya tiradii 2016. Laakin Talyaanigu wuxuu la daalaa dhacayaa mushaakilkaas, ayadoo tahriibayaasha badidood ay badda ka soo galayaan.
Suuriyaanka la soo badbaadiyey waxaa ku jira qoys dhan oo wada socda iyo laba dumar ah oo bilo dhamaystay.
Markabku wuxuu iminka joogaa Palermo, halkaasoo muhaajiriinta ay baaritaan ku marayaan, si loo ogaado kuwa iyaga ka midka ah ee magangalyada weydiisan kara.
Waddamada ay asal ahaan ka soo jeedaan muhaajiriintaas waxaa ka mid ah Masar, Sudan, Eritrea, Mali, Ivory Coast, Guinea Bissau, Nigeria, Ghana, Gambia iyo Yemen.
SOS Mediterranee waxay sheegtay in isu dhiganka carruurta la soo badbaadiyey ay 10kii qofba ka noqonayaan 4, taasoo ah tii ugu badnayd ilaa wakhtigan.
"Waxay ka soo carareen qaska, iyo jawiga guud ee nabad galyo darrada iyo dagaallada Libya" ayuu yiri guddoomiyaha hay'addaas Francis Vallat.
Hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay, UNHCR, ayaa iyana sheegtay in wadarta guud ee tahriibayaasha badda isku soo biimeeyey sannadkan ay dhan tahay 142,180, kuwaasoo 107,982 ka mid ah ay Talyaaniga gaareen.
Tirada gaartay Giriigga, oo markii hore ahaa halka ay muhaajiriintu Yurub ka galaan, ayaa ah 20,931.
Hay'adaha aan dawliga ahayn ayaa ka cabanaya in dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub aysan si wanaagsan ugu qalabaysnayn dadaallada gurmadka, ayadoo kooxaha dadka tahriibiya ay ku baadaan muhaajiriinta Libya. Tacaddiyada galmada ee loo gaysto dumarka muhaajiriinta ah iyo weerarrada kale ayaa la sheegay inay halkaa ku badan yihiin.
storvideo: 

“Waxaan ahay nin, dumarkana waan ka umuliyaa”

$
0
0

Muddo 40 sano ayaa laga joogaa markii dalka UK ragga loo ogolaaday in ay dumarka ka umuliyaan, balse wali tiro aad u yar ayaa rag ah umulisooyinka ka shaqeeya isbitaalada.
Markii ay foosha qabatay Michelle-Grace Osobase ee isbitaalka la geynayay, ma aysan filaynin wax iyada yaab galiya, wuxuuna ahaa ilmaheedii saddexaad oo ay isbitaalkaas ku dhasho.
Balse waxaa jiray hal sheey oo aysan marnaba filanaynin, waxayna aragtay hal qof oo ka duwan shaqaalihii isbitaalka ee hawsheeda ku jiray.
Si ka duwan boqolkiiba 99.6% shaqaalaha dumarka ka umuliya ee ka diiwaangashan UK, qofkani waa rag.
Michelle-Grace oo lafteeda ah kalkaaliso caafimaad waa ay ka warqabtay in umulisooyinka qaar ay yihiin rag, balse marnaba ma aysan filanaynin in ay iyada ku dhici doonto.
Waxaa lagu magacaabaa Dilan Chauhan, waa nin dhisan oo itaal leh, wuxuuna ciyaari jiray kubbada hardanka (rugby), waxana uu ka hawlgalaa isbitaalka Jaamacadda Lewisham ee Koonfurta London.
There's a thread on the parenting discussion site Mumsnet with the title: "Male midwives - can you refuse?"
Michelle-Grace ayaa sheegtay in markii ay wajigiisa eegtay ay ka muuqatay naxariis, kadibna ay go'aansatay bal in ay tijaabiso in uu ka umuliyo nin.
dumar badan ayaanan jeclayn in ay rag ka umuliyaan, balse marka ay timaado xirfad iyo duruuf caafimaad, ma ahan mid la diidi karo.
Dilan waxa uu ogyahay in dumarka intooda badan aysan ogolayn in uu nin ka dhaliyo, haddii Michelle-Grace ay diidi lahaydna ma uusan dhibsadeen.
Muddadoo labada sano ahayd ee uu shaqaynayay Dilan, waxa uu ka dhaliyay boqolaal dumar ah, waxaana diiday 7 oo kaliya.
Marka ay diido haweenay, waxa uu isu yeelaa shaqo kale, sida isaga oo usoo sameeya koob qaxwo ah oo uu u dhigaa qolka isbitaalka hortiisa.
Markii uu dhiganayay jaamacadda caafimaadka ee King's College ee London, waxa uu ahaa qofka kaliya ee ragga ah ee maadada umuliso nimada baranayay, fasalkiisa oo 97 qof ka koobnaa.
Dilan waxa uu sheegay in dumar badan oo uu ka umuliyay ay la dhaceen adeegiisa, islamarkaasna ay ku dhiirogaliyeen shaqada uu hayo.
Ma jiro qof filayay in uu dumarka ka umulin doono, qoyskiisa, iyo xitaa saaxiibadiis.
Markii uu korayay, ma uusan arag caruur badan, ilmaha la dhashay oo dhan waa ka weynaayeen, sidoo kale ma jirin qof qoyskiisa ka tirsan oo xirfad caafimaad bartay.
Waalidkiisa oo kasoo haajiray dalka Kenya waxa ay noloshooda ku dhiseen ganacsi daabacaad ah oo ay meel hoose ka bilaabeen.
Iskuulka markii uu dhiganayay maaddooyinkii uu jeclaa waxay ahaayeen kuwa fanka ah iyo siyaasadda. Walaashiis ka weyn waxa ay ahayd qofkii koowaad oo qoyskooda oo jaamacad ku biira.
Isaga waxa uu filayay in uu baran doono sharciga ama waxyaabo kale, balse maalin isaga oo rogaya baalasha buug-yare ka hadlaya maadooyinka jaamacadaha laga barto ayaa waxaa usoo baxay cutub ka hadlaya umulisonimo.
Hooyadiis oo agtiisa fadhiday ayuu kula kaftamay "hooyo ka warran haddii aan umuliso noqdo".
Qarnigii 16aad ayay soo bilaabatay in xirfadda umulisonimada ay ragga bartaan, kuna shaqeeyaan, waxaana xitaa jira diiwaan caan ah oo xirfadan laga tixraaco oo uu qoray ninka lagu magacaabo William Smellie oo Scotland u dhashay.
Sanadkii 1976-dii ayaa dalka UK laga sharciyeeyay in ragga ay ka shaqayn karaan xirfaddan.
Dhibka jira ayaa ah in ragga bartay xirfadan aysan shaqooyin ka helin isbitaalada, ee aan ahayn kuwa tabobarka lagu qaato.
Ninka lagu magacaabo Paul Lewis ayaa markii uu jaamacadda ka qalin jabiyay sanadkii 1980-kii waxa uu codsi shaqo u dirsaday isbitaal, magaciisana waxa uu kusoo koobay P Lewis.
"maalmo kadib waxaan heley warqad jawaab ah oo oranaysa Marwo P Lewis waan ku faraxsanahay in aan kuugu yeerno imtixaam', balse markii ay ogaadeen in aan nin ahay, aad ayay u naxeen, waxayna i siiyeen shaqo aan ahayn tii aan codsaday ee umulisonimada" ayuu yiri Paul.
Dilan markii uu waalidkiis u sheegay go'aankiisa in uu barto xirfadan waa ay ku taageereen, balse macalimiintiisii iskuulka ayaa su'aalo ka keenay, halka marka uu la joogo saaxiibadiisna uu ka fogaan jiray moowduucan in uu ka hadlo.
Markii uu jaamacadda tagay, ma ahayn wax sahlan in uu kaligiis yahay qofka ragga ah ee dhex fadhiya dumar badan.
"Qof kasta oo ardayda ka mid ah waxa uu isweydiin jiray waxa igu kalifay in aan xirfadan barto, aad ayay iiga sheekeysan jireen" ayuu yiri Dilan.
Maalintii ugu horaysay oo uu shaqada usoo xaadiray Dilan, waxaa la aqoon waayay qolkii uu dharka isaga badali lahaa, maadaamaa uu jiro qol ay dumarka oo kaliya dharka isaga badalaan.
Intaas oo caqabada ah oo uu soo maray kadib, Dilan maanta waa shaqaale caafimaad oo aad loo tixgaliyo, shaqadiisana ku faraxsan.
Dilan hadda waxa uu kaa mid yahay 188 rag ah oo xirfadan u diiwaangashay dalka UK, halka dumarka ay dhanyihiin 43,168 qof.
Mise ahan shaqo hawl yar, saacadaha waa kuwa badan, waxaana inta badan la shaqeeyaa xiliga habeenkii ah, mushaarkana ma ahan mid aad u badan, sidaas oo ay tahay Dilan waxa uu ku faraxsanyahay shaqadiisa.
storvideo: 

Daawo: Muuse Biixi Waxa uu ahaa ninkii Ku...

$
0
0

Daawo: Muuse Biixi Waxa uu ahaa ninkii Ku ololaynayey Goobahaas La Xayiray Reerbaa iska leh ... Cirona Waad Barateeen dhawr iyo Toban Sano ayuu Joogay Wakiilada Wax Alla Waxa uu Soo Kordhiyeyna ma jirto" Eeda Xubno Ucid ah oo Reer Awdal ah

[embedded content]
storvideo: 

Shabeel dadcun ah oo maxkamad dil ku xukuntay

$
0
0

Ciidamada ayaa lagu amray in ay soo qabtaan shabeelka oo masuul ka ahaa geerida afar qof.

Golaha Amaanka ee QM oo warbixin laga siiyay Xaalada bini’aadanimo ee Somalia

$
0
0

New Yorka (Sh M Network)—Safiirka Sweden Carl Skau ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay warbixin ka siiyay Xaalada bini’aadanimo ee Dalalka Soomaaliya, Yemen, South Sudan iyo Nigeria.
Danjire Carl Skau ayaa u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in dhibaatooyin muuqda ay sababeen abaarihii ay ku dhufteen Soomaaliya iyo Dalalka kale.
Waxaa uu sheegay in malaayiin qof oo ku nool Dalalka ay saameeyen abaaraha ay u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo.
Danjiraha ayaa cod dheer ku sheegay in xaallad bini’aadannimo ay ka soo dari doonto hadii aan haatan waxba laga qaban.
Sikastaba, Qaramada Midoobay ayaa tiro dhowr jeer ah shaacisay in malaayiin ruux oo ay ku jiraan Haween iyo Caruur ay qarka u saaran yihiin macluul daran, looban baahan yahay in laga hortago.
The post Golaha Amaanka ee QM oo warbixin laga siiyay Xaalada bini’aadanimo ee Somalia appeared first on Shabelle.


Daawo: Afhayeenka Ciidanka Booliska Faysal Xiiis oo...

$
0
0

Daawo: Afhayeenka Ciidanka Booliska Faysal Xiiis oo Sheegay in ay Xalay Gacanta ku soo dhigeen Sagaal Eedaysane oo lagu soo Eedyeey In Ay Basas Ku Gubeen -...
[embedded content]
storvideo: 

Shabeel dadcun ah oo maxkamad dil ku xukuntay

$
0
0

Maxkamad ku taalla dalka Hindiya ayaa dil ku xukuntay shabeel afar qof ku dilay gobolka Maharashtra.
Dadka u dooda xuquuqda duurjoogta ayaa isku deyay in ay difaacaan shabeelka oo lagu xukumay in aragti lagu toogto, 23-kii June. Balse maxkamad kale ayaa maanta taageertay go'aankaa.
Shabeelka waxaa la qabtay bishii July, ka dib markii uu laba qof ku dilay afar kalena ku dhaawacay weerar uu ku qaaday deegaan ka tirsan magaalada Brahmapuri, ee gobolka Maharashtra.
Balse waxaa sii daayay laanta ilaalinta shabeellada, laba qof oo kale ayuuna dilay ka dib markii la siidaayay.
Dr Jerryl Banait, oo diidan go'aanka maxkamadda ayaa BBC-da u sheegay in uu racfaan ka qaadan doono xukunka maxkamadda sare.
Dadka u dooda xuquuqda duurjoogta waxay sheegeen in ay wanaagsanaan lahayd in deegaan kale la geeyo shabeelka. Laakiin cabsi badan ayay dadku qabaan.
Saraakiisha kaymaha oo raadinaya shabeelka oo lagu magacaabo Kala, waxay sheegeen in uu baxsaday oo uu jaray illaa 500km, tan iyo bishii July.

  • Shabeelkii warshadda Suzuki albaabada u laabay oo la qabtay
  • UAE oo mamnuucday in guryaha lagu haysto libaaxa iyo shabeelka

Hindiya waxaa ku nool boqolkiiba 60, shabeellada caalamka, taas oo halis ku ah deegaamada sii badanaya iyo ugaaratada sharcidarada ah.
Sidoo kale waxaa dila shabeelka dad u dhoofiya Shiinaha oo dadkiisu daawo ka sameystaan.
Ka dib markii degin laga sameystay meelihii ay ku noolaayeen, shabeelka wuxuu dadka kula dagaallamaa khayraadka, sida biyaha, taas oo sababta geeri.
Dilka Shabeelka ee Hindiya ayaa sare u kacay dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Sanadkii 2015-kii, waxaa la sheegay in 80 shabeel la dilay, sanadkii ka horeeyayna 78 shabeel la dilay.
storvideo: 

N'Golo Kante oo muruq go' u maqnaan doona saddex toddobaad

$
0
0

Kooxda Chelsea ayaa sheegtay in N'Golo Kante uu ciyaaraha ka sii maqnaan doono saddex toddobaad oo dheeri ah ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray ciyaar uu dalkiisa u dheelayay.

Golaha Amaanka ee QM oo warbixin laga siiyay Xaalada...

$
0
0

New Yorka (Sh M Network)--Safiirka Sweden Carl Skau ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay warbixin ka siiyay Xaalada bini'aadanimo ee Dalalka Soomaaliya, Yemen, South Sudan iyo Nigeria.
Danjire Carl Skau ayaa u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in dhibaatooyin muuqda ay sababeen abaarihii ay ku dhufteen Soomaaliya iyo Dalalka kale.
Waxaa uu sheegay in malaayiin qof oo ku nool Dalalka ay saameeyen abaaraha ay u baahan yihiin gurmad bini'aadannimo.
Danjiraha ayaa cod dheer ku sheegay in xaallad bini'aadannimo ay ka soo dari doonto hadii aan haatan waxba laga qaban.
Sikastaba, Qaramada Midoobay ayaa tiro dhowr jeer ah shaacisay in malaayiin ruux oo ay ku jiraan Haween iyo Caruur ay qarka u saaran yihiin macluul daran, looban baahan yahay in laga hortago.
storvideo: 

Xog & Gorfeyn: Maxay ka dhigantahay Iscasilaadda...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Waxaa markaliya xilka ka wada tagay si lama filaan ah wasiirkii gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed iyo taliyihii ciidammadda xoogga dalka, Jeneraal Axmed Jimcaale Geeddi (Cirfiid).
Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyaha cusub u magacaabay Jeneraal Cabdi Jaamac Warsame (Gorod).
Lama oga sababaha rasmiga ah ee keenay in ay xilka ka tagaan, hase yeeshee sida ay faafisay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, wasiir Cabdirishiid ayaa isu casilay sababo shaqsiyadeed, gollaha wasiiradana way ka aqbaleen.
Jeneraal Maxamed Guubir oo ah xeeldheere xagga ciidamada ah oo la hadlay BBC-da ayaa yiri "Koley sida nidaamka dowliga ah uu qabo, iscasilaadda wax sahlan ma ahan, waa arrin laga yaabo in laga soo wada hadlay, miiska dhawr jeer lasoo saaray, laga taliyay, mana ahayn arrin isku soo bood ah."
Ciidammada Xoogga dalka
Dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xoogga saartay arrimaha dib u dhiska ciidammadda tan iyo intii xilka loo doortay bishii feberaayo ee sanadkan.
Labadan mas'uul ee iscasilay ayaana gundhig u ahaa siyaasadda dib u dhiska ciidammadda iyo hawlgallada qeybo ka mid ah dalka looga saarayo ururka Alshabaab.
Balse Jeneraal Guubir wuxuu qabaa in waqti xun ay kusoo aadday iscasilaadda: "Waa arrin laga xumaado, waqti munaasab ahna aanan kuso aadin, koley loo jiifan maayo, ciidanka sidaasuu heegan u ahaan, wax kala daadasho oo ay ku keenayso ma jirayso."
Qorshaha dib u dhiska ciidammada waxaa ka mid ahaa qorshe lagu soo saxiixay shirkii bishii May lagu qabtay London, kaas oo lagu ansixiyay in ciidamo gaaraya 18,000 la dhiso, kuwaas oo min 3,000 laga kala keeno dowlad goboleedyada. Waxaa kale oo ka mid ah in dib u habeyn lagu sameeyo talisyada kala duwan ee ciidammada.
Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka tirsan guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan magaalada Seattle ee dalka Maraykanka kula hadlay jaaliyadda Soomaalida ee halkaas ku dhaqan ayaa sheegay in laga hadlayo dib u habeynta taliska ciidamada xoogga dalka sidii loo waafajin lahaa joqoraafi ahaan, sida ay u samaysanyihiin dowlad goboleedyada
"Tusaale ahaan taliska 60aad oo Baydhabo ah waxa hoos iman jiray gobolada Bay, Bakool iyo Gedo, hadda Gedo waxa ay ka tirsantahay Jubbaland, Shabeelaha Hoosena (oo talis kale ka tirsan) waxa ay ka tirsantahay Koonfur Galbeed, halkaas waxay u baahantahay in dib talisyadii loo qeexo," ayuu yiri xildhibaanka.
War saxaafadeedkii dhawaan laga soo saaray shirkii maamul goboleedyada ee Kismaayo waxaa ka mid ahaa qodobka dhahaya "Wuxuu goluhu isla qiray in uu jiro habacsaan iyo hoos u dhac sii kordhaya oo ku yimid arrimaha amniga taas oo ay ugu wacantahay sida ciidanka difaaca qaranka u qaabaysanyahay aysan ahayn mid dhiiri galinaysa in si wadajir ah loo wada hawl galiyo ciidanka qaranka ee dowlad goboleedyada ku sugan, maadaamaa ay kala hoos tagaan maamullo kala duwan, iyagoo hal dowlad goboleed wada jooga."
"Sidaa darteed, wuxuu goluhu dalbanayaa in la dardar galiyo fulinta heshiiskii amniga qaranka ee qeexaya in qeybaha ciidammada lagu saleeyo xuduudaha dowlad goboleedyada si hawlgalada ciidanka ee ku aaddan sugidda amniga uu u noqdo mid miro dhal ah".
Madaxweyne Farmaajo ayaa guddi u saaray in ciidamada xoogga looga uruuriyo shacabka yabooh lacageed, waxaana guddigaas xubno ka ah culimo iyo saraakiil hore.
Ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo hadal ka jeediyay xaflad lacag loogu uruurinayay militariga ayaa sheegay in marka uu sanadkan dhamaaado, in ay dowladda bixin doonto dhammaan mushaaraadka lagu leeyahay.
Iyada oo ay taas jirto ayaa waxaa sidoo kale bilihii lasoo dhaafay dhacay weeraro Alshabaab ay ku qaaday xeryaha ciidammadda militariga ay ku leeyihiin meelo kala duwan oo dalka ah, oo ay ka mid tahay saldhig ku yaala deegaanka Bariire ee Shabeelaha Hoose.
Waxaa intaasi dheeraa, isku dhacyo dhexmaray xoogga dalka iyo nabad sugidda, kuwaas oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.
Iscasilaadda mas'uulinyiinta waxay imanaysaa ayadoo dhowaan, dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobey ay Muqdisho ku kala saxiixdeen qorshe dib loogu bilaabayo hawlgaladii dagaalka ee Al-shabaab ka dhanka ahaa, waxaana hawlgalka qeyb ka noqon doona AMISOM.
Janaraal Guubir ayaa qaba, in isbadelka hooggaanka ciidanka uu u baahanyahay ka fiirsasho "Isbadalka ciidanka laguma degdego, badalista taliyeyaasha ciidammada waxay u baahantahay ka fiirsasho, laakiin haddii ay timid waxaan u malaynayaa in ay tahay wax lagama maarmaan ah."
Lama oga waxa laga maarmi waayay ee ay xilka uga tageen labadan mas'uul, taliye Cirfiid, waxaa xilka loo magacaabay bishii April ee sanadkan, wuxuuna xilka hayay muddo 6 bilood ah oo kaliya.
Sidoo kale, wasiir Cabdirishiid ayaa liiska golaha wasiirada kusoo baxay bishii Maarso markii Ra'isulwasaare Kheyre soo dhisay xukuumaddiisa.
Markii ugu horeysay ee labadan mas'uul ay hadallo is khilaafsan, si kala duwan saxaafadda u siiyeen waxay ahayd markii uu dhacay weerarkii deegaanka Bariire ee dadka shacabka ah lagu laayay, kaas oo dhacay laba bilood ka hor.
Wasiir Cabdirishiid ayaa sheegay in dadka la laayay ay ahaayeen 'Alshabaab', halka taliye Cirfiid uu sheegay in dadka la laayay ay ahaayeen 'shacab'.
Dowladda federaalka ayaa markii dambe sheegtay in ay magdhow siisay ehellada dadkii Bariire lagu laayay, kadib maalmod dadkii ehelkooda ahaa ay diideen in meydadka la aaso.
Sikastaba, Wasiirkii gaashaandhigga iyo Taliyihii ciidamada xoogga dalka waxaa loo arkay in ay muhiim u ahaayeen isbedelka lagu sameynayo militariga Soomaaliya si ay amniga dalka ula wareegaan marka ay AMISOM billaabaan in ay dalka ka baxaaan dhammaadka sanadkan.
"Mas'uuliyiinta cusub ee xilkii ay baneeyeen buuxinaya ayay tahay in si cusub ula jaanqaadaan hawlaha socda, halkiina kasii wadaan qorshayaashii jiray" ayuu yiri Jeneraal Guubir.
Cabdinaasir Saxansoxo BBC Somali, Nairobi- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live