Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Taariikhda iyo suugaanta Xasan Ganey oo kooban

$
0
0

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi {Xasan Ganey} waa abwaan caan ka ah dhulka soomaalida oo leh heeso , riwaayado , iyo gabayo badan.


Faahfaahin ku saabsan afar qof oo lagu xirey Garowe

$
0
0

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Fara-weyne ayaa sheegay in ragga lagu xir-xiray shalay galab magaalada Garowe ay kaga dhawaaqeen Puntland Urur sharci daro ah sidaas darteedna ay ku muteysteen in ciidamada Amnigu soo qabtaan Islamarkaana la filayo dhawaan in lasoo taago Maxkamada ayuu yiri xilli uu wareysi siinayay Laanta Afka Somaliga ee VOA-da.
Ciidamada Amniga ayaa shalay galinkii dambe soo qabtey afar qof oo isugu jira Siyaasiin iyo Ganacsato ka dib markii ay dhawaan samaysteen golle ay ugu magac-dareen"Madasha Badbaadinta Puntland" kuwaas oo marar kala duwan ku qabtay Garowe shirar lagu dhaliilayo heshiiska dekeda Bosaso iyo Shirkii Kismaayo.
Dhinaca kale Cabdiraxmaan Siciid Dhagaweyne oo xilal Agaasime iyo Wasiir kasoo qabtey Puntland kana mid ah ragga la xirey ayaa sheegay inuu ka dambeeyo xarigooda Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ka dib markii ay dhaliileen shirkii Kismaayo oo uu ku tilmamaay inuu ahaa Xaaraan.Dhagayso faahfaahin ku saabsan
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Faahfaahin ku saabsan afar qof oo lagu xirey Garowe appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dhakhtar Soomaaliyeed oo abaalmarin caalami ah ay gudoonsiiyey hay'adda WHO

$
0
0

Ururka caafimaadka dunida iyo xukuumadda Pakistan ayaa abaalmarinno guddoonsiiyey Dr Khaliif Bile Maxamed oo muddo dheer ahaa agaasimaha hay'adda caafimaadka adduunka e WHO u qaabilsan dalka Pakistan.

Heer intee la eg ayay iska waafaqi karaan Mashruuca...

$
0
0

Abdiirahman Bayle Ducaale, laba xili ayuu wasiiir ka soo noqday laba xukumadadood oo kala duwan, isla-haddana wuxuu xubin ka yahay Baarlamaanka 10aad ee xiligaan jira, isagoo ku soo galay tikidhka "Beel-weynta Direed". Wuxuu si gaar ah uga soo jeedaa Gobalka Awdal ee deegaannada beelaha reer waqooyiga, burburkii dalka kadibna la magac-baxay "Somaliland".
Intii ay shaqaynaysay xukuumaddii Saacid, Dr. Abdirahman Bayle wuxuu in badan la soo xiriiri jiray ama u soo fariin dirsan jiray Madaxweyne Hassan Sh Mohamoud. Dhab ahaantii, wuxuu codsan jiray in laga dhigo Wasiirka Qorsheynta Qaranka. Wuxuu ballan qaaday haddii uu helo magacaabista xilkaas, inuu awood u leeyahay, dowladaha qaarkood iyo hey'adaha deeq bixiyayaasha inuu ka keeni doono Maalgashi iyo Kaalmo dhaqaale oo ka badan hal Bilyan oo dollar.
Isbeddel xukuumadeed oo la sameeyay darteed, Dr. Abdirahmaan Bayle, waxaa u suuragashay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda, halka uu ka daneenaayay in loo magacaabo Wasaaradda Qoorsheynta Qaranka. Nasiibkiisa, wuxuu ka mid noqday xukuumad waqtigeeda ku soo dhammaaday guuldarro taariikhi ah, karti darro darteedna dabaqi weysay xeerarkii hab dowladeedka la xiriira dhinacyada nidaamka xasilinta siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo dib u heshiisiinta.
Xukuumadda Wasiir Beyle ka tirsanaa waxaa Wasiirka koowaad ka ahaa Adiweli Sh Ahmed, oo muddo sannad ah kadib, si qalbi jab ah, maamulkiisa hawada uga baxay siyaasadihii hoggaanka dalka, kadib markii baarlamaankii 9aad kalsoonnadii uu kala noqday, si aqlabiyad ah oo aan horay looga arag taariikhda.
Guuldarrada xukuumada Abdiweli Sh Ahmed ka hor Dr. Abdirahman Bayle, Isaga dartii ayaa magacii Wasaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga loo beddelay, lagana dhigay in loo akhriyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Maalgashiga, si loo helo kaalmada ka badan halka bilyan uu xukuumadda ka mid noqonaayay. Waxay ahayd dhab ahaantii mashruuc, oo isagaba ka alifay hees, Lana magac baxday Somalia waa "Dall mashruuc ah"
Markii loo magacaabaayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ma jirin ama way yar tahay ayaa la oran karat cid taqiin, mana ahayn qof waaya-arag ah oo horay uga soo shaqeeyay Wasaaraddaas, ama aqoon u leh ama soo bartay amaba xataa ra'yi guud ka heysta culuunta siyaasadda, xiriirada caalamiga ah, dibloomaasiyadda ama daraasadaha istraatiijyada intoodaba. Prof Ahmed Ismail Samater, oo isagoo ka careysan Bayle, inuu ka mid noqdo dowlad uu hoggaaminaayo Hassan Sheikh, ayaa hadda ka hor sheegay in isaga iyo Abdirahman Bayle yihiin qaraabo dhow, isaga iyo walaalkii Dr. Abdi Ismail, sabab u ahaayeen, Abdirahman Bayle in uu Mareykan yimaado, waxna ku barto.
Sida la sheegay Abdirahman Bayle Ducaale ayaa in muddo ah ka soo shaqeeyay African Development Bank, xarumahiisa Abidjan, Cote d'Ivoire ama Ivory Coast iyo Tunis, laakin dad yaqaan ayaa sheegaya weligii inuu dhaafin xil farsamo ama marka ay ugu ugu weyn tahay xil la talayanimo ah. Intuu ADB u shaqeynaayay, wuxuu qaabilsanaa daraasaadka dhaqaalaha Beeraha, waraabka, iyo ceelasha.
Waxaa badi lagu yaqiin dowliadihii Somalia soo mareen xiligii burburka ka hor iyo kadiba, ama si kale haddii loo dhigo xiliyadii dowladihii rayidka, tii Militariga iyo xiligaan burburka la moodo in laga sii gudbaayo, ayaa Xilka Wasiirnimada Wasaaradda Arrimaha Dibadda inta badan loo magacaabi jiray siyaasiyiin waa weyn ee asal ka soo jeeda degaannada dhexe ee reer Somaliland, sida Ahmed Yusuf Du'ale (1964-67), Prime Minister Mohamed Ibrahim H Ibrahim Egal, oo haddana islamarkaa ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibadda (1967-69), Omar Arteh Ghalib (1969-75), Deputy Prime Minister Mohamed Abdullahi Oomaar, (2009-2011) iyo Deputy Prime Minister, Hon. Marwo Fawzia Yusuf H Adam (1912-14).
Abdiweli Sh. Ahmed sida adeerkii, kaligii taliyihii dalkaan u horseeday nasib-darrada, masiibada qof iyo qoysna aan ka badbaadin, ayuu isna muujiyay ficilada ayaan darrada ah ee lagu colaadiyo dadka ka soo jeeda asalka deegaanada dhexe ee Somaliland. Wuxuu maamulkii dama-jadiid kula heshiiyay Foreign Minister in laga dhigo, qof Gadibuursi ah, halka siyaasi Isaaq ka noqon lahaa loo meelmariyay in Abdirahman Beyle' noqon karo Wasiirka Arrimaha Dibadda. MAXAA KADIB DHACAY
Wuxuu la wareegay wasaarad shidan, u degsan xeerarkii iyo barnaamijyadii shaqo, diyaarna ah majarihii hawl-fulineed ee shaqada siyaasadda arrimaha dibadda, haddii ay ahaan lahayd dhanka xiriirada iyo dhanka iskaashiga caalamiga, intaba. Wasaarad ay ka howlgelaayaan intii la heli karay rug caddaayaashii hore iyo dhallinyaro caaboon oo intoodii badan gudaha iyo dibaddaba ku soo qaatay waxbarasho iyo tababaro aasaasi ah. Waxaaba laga darremi karay qofkii daawaday xafladdihii iyo hanaankii qurxoonaa ee munaasibaddii xilka uu kula wareegaayay.
Dowladdii Hassan Sheikh, meesha kaliya oo ay waqtigaas ka nooleeyd, guulaha iyo rajada fiicana dalka u nuurisay, waxay ahayd howlihii sida kartida & hufnaanta lahayd ee lagu xaqiijiyay haanaanka siyaasaddii Arrimaha Dibadda iyo waaga cusub ee u bilaabmay xiriirada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somalia, taasoo fulinteeda laf-dhabar u ahayd hoggaamintii daacadnimada iyo isku-kalsoonaanta ku dhisnayd oo ay dalkeeda iyo dadkeeda ugu adeegtay Marwo Fawzia Yusuf H Adan, kuna hormarisay siyaasadda arrimaha Dibadda iyo dibloomaasiyadda cusub ee Soomaaliya, taasoo bog hor leh u furtay taariikhda casriga ee marxaladda cusub ee Somalia kula saanqaadayso Mujtamaca caalamka.
Somalia inay noqoto dal adduunka oo dhan dowladnimadeeda laga aqoonsan yahay, geli kartana heshiisyo calamai ah, tixgelina ku leh saaxadda Adduunka ayaa Abdirahmaan Bayle lagu soo dhoweeyay halkeedii inuu ka sii wado.
Hawshaasi inuu ka sii ambaqaado, sii uu uga miro dhaliyo iska daayee, wuxuu beddelkeedii bilaabay inuu isu muujiyo inuu soo shaqo tagay, si la mid ah "Mashruucii" uu heesta ka sameeyay, yacnii si ka baxsan nidaamka uu kaga mid noqday xukuumadda uu ka tirsan yahay.
Mashruuciisii, waxa laga arkay, Wasaaraddii iyo howsheedii inuu ka dhigtay goob uu isagu si gaar ah u leeyahay. Wuxuu shaqadii ka fadhiisiyay odayaal rug caddaayaal ah, Safiiro hore iyo Agaasimayaal ilaa 15 gaaraya, xaruntii wasaaraddana ka dhex wadeen habka dhaqangelinta xeerakii shaqada (Foreign Service act) iyo dib isku waafajinta maabaadi'dii arrimaha dibadda iyo sumacaddii Soomaaliya kaga jiri jirtay ka qaybqaadashada doorarka caalamiga ah.
Hawshii ugu horreysay wuxuu ka bilaabay inuu daymo gaar ah u yeesho si uu gacma-gacmeysto miisaaniyadda iyo hantidii kale wasaaraddu imkaaniyaad ahaan ugu howlgalaysay. Durba wuxuu mashruuc ahaan u bilaabay inuu shaqaaleeyo dad u badan dhallinyaro ehelkiisa ah isagoo u kala dooraaya inuu qof kasta ku meeleeyo xarunta wasaaradda ama safaaradaha dibadda.
Waxaa la haayaa dokumentiyo muujinaya dhaqanka ku takrifalidda awoodeed ee aan cabsida iyo xishoodka ku jirin, una adeegsaday ka dhex qaraabashada, kheyraadkii wasaaraddu lahayd.
Safaarado dhowr ah oo shaqeenaayay ayaa is-bixin waayay, dibloomaasiyiin ayaa ka soo haymaamay rugahoodii shaqada. Intii uu wasaaraddu joogayna, Mudane Bayle, wuxuu shaqadii ka eryay, mas'uuliyiin oo ay ka mid yihiin laba xoghaye joogta ah, agaasimaayaal, dibloomaasiyiin iyo shaqaale kale.
Eheladii uu shaqaaleeyayna, iyagoo cusub ayay haddana wasaaraddii iyo safaradahii loo beddelay, waxy ka bilaabeen bah-dilid iyo daqamo kale oo aan caadi ahayn in ay la beegsadaan mas'uuliyiinta iyo shaqaalaha kale, oo muddada dheerna u soo shaqeeyay qaranka.
Wasiirnimadiisii oo isagu u arkaayay inay u tahay mashruuc, waxay ku soo dhammaatay, isagoo dabargooyay asaaskii adkaa ee loo jeexay himiladii ummadeed ee siyaasadda Arrimaha dibadda. Wuxuu xeer-jebiyay, xadgudubna uu u geystay shaqadii iyo sumcadda waddanka ee wasaaraddu inay hormariso loo igmaday. Wuxuu Somalia ka soo xiray albaabbo uga furnaa dhinacyada arrimaha iskaashiga dowladaha adduunka qaarkood, hey'adaha iyo ururada caalamiga ah, intaba.
Mudane Bayle iyo wasiirkii kale ee ka dambeeyay Mudane Abdisalam Hadleeye waxay siyaasadda Arrimaha Dibadda dib ugu riixeen heer la md ah waayihii laga soo gudbay oo ay jiri jireen dowadihii KMG iyo sidoo kale xiliyo aanba jirin wax xiriir ah oo aan adduunka la wadaagno. Markii Dr. Bayle uu ka caariyay xilkii xukuumddii fashilantay, wuxuu isku dayay inuu dib ugu noqdo Xaruntii Tunis iyo shaqadii African Development Bank. Nasiibdarrose, Bankigu wuxuu diiday inuu dib u shaqaaleysiiyo ama siiyo contract shaqo. Waxay hurweyday inuu dalka dib uu ugu soo noqdo, isagoo ay la noqotay odayaashii beeshiisa inuu ka doono, suuragalnimada inuu noqdo xubin baarlamaan.
Hadda xaalku waxaa la gaarsiiyay heer maamul beeleedyadu damcaan inay dowladda dhexe kala wareegaan awoodaheedii siyaasadda arrimaha dibadda.Mundane Bayle iyo Wasaaradda Maaliyadda.
Mudane Farmaajo ayaa Abdirahman Bayle siiyay fursadda ah inuu noqdo Wasiirka Maaliyadda. Qoomka uu ka soo jeedo Madaxweyne Farmaajo, uguna weynaa kaligii taliyihii waxaa la tusi karin Siyaasaasiyiinta Beelaha deeganada dhexe ee Somaliland in ay qaban karaan xilalka ugu waaweyn ee dalka.
Isaaq waxaa qoomiyad ahaan loo tiririyaa inuu yahay mid ka mid ah qoomiyadaha ugu waaweyn ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed, intaba xag, dad, deegaan iyo kheyraadba. Midnimada qaranka iyo inay sameysanto Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyaga ayaa dhab ahaantii taariikhiyan sabab u noqday jiritaan dowlad Soomaaliyeed ee leh xuquuq caalami ah.
Suugaanta ugu xusuusta taariikheed leh, qiirada waddaniyadeedna xambaarsan, dalkana astaan qaran u ah, waxay ka soo burqameen maskaxda abwaano karaameysan, asal Soomaali ahaan ah reer waqooyi Alle ku maneysatay inuu siiyo heybad iyo xikmado barako u leh shacabka Soomaaliyeed, sida Abdullahi Sultan "Timacadde", (Gabaygii taariikheyd, KANA SAAR, KANA SIIB), Ustaad Yusuf H Adan, (heestii astaanta qaranka SOOMAALIYEEY TOOSOO ), Abdullahi Qarshe, (Heestii QOLOBAA CALANKEED) iyo abwaano kale, intaba.
Taariikhdooda in la sharfo iska daayee, ayaa xataa geesta kale haddii la ego, in xeerarkii 4.5 ee lagu heshiiyay in qoomiyadda Isaaq la qiimOruro, lana xaqiro xaqa iyo doorka ay ku leeyihiin awood qaybsiga Federaalka beelnimada ku dhisan.
Wasiir Beyle, Wuxuu ka dex wadaa Wasaaradda Maaliyadda musuqmaasuq tii ugu darnayd. Dhallinyaradii uu horay ugu shaqaaleeysiiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, qaar ka mid ah ayuu Wasaaradda Maaliyadda u soo wareejiyay.
Dulaalka ugu wen ee hawlaha qaraabka iyo musuqmaasuqa u qaabilsan waa nin ay qaraabo dhow yihiin. Magaciisa waxaa lagu sheegaa Ayuub Ismail Yusuf oo hadda ah Seneter ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka. Dr. Bayle intii uu joogay wasaaraddii Arrimaha dibadda, Xiligaas ma jirin dhismaha Aqalka sare oo hadda Ayuub xubin ka yahay, bal wuxuu ka mid ahaa 17 qof, shaqaalihii uu Wasiir Bayle ehelnimada u qortay. Si gaar ah, Ayuub wuxuu markii hore, ka dhigay Protocol officer, markii dambana, wuxuu ku meeleeyay Jeddah, isagoo ka dhigay Qunsul, haddana wasiir Bayle wuxuu u yahay, u qaybsamaha arrimaha Kastamada, Dekadda Xamar iyo Adan Cadde International Airport. Ninksaai sadder ilood ayuu mushar ka qaataa, sida Xafiiskii Qunsulnimada ee Jeddah, midda Senetornimada, Wasaaradda Masliyadda, iyada oo weliba u sii dheer tahay waxa uu ka helo, ka dhex qaraabashada Wasaarada ee Wasiirku u ikmaday.
Xaaladda Mashruuciisa waxay hadda foodda la gasho, inuu Wasiirku is-hortaago Go'aan dhowaan Golaha Wasiiradu ku gaareen, Gobolka Banaadir, Miisaaniyaddiisa in lagu kabo boqlkiisa 25%, si maamulka Baladdiyada Xamar u kabto adeegyada lagama maarmaanka ah, sida nadaafadda, dismaha iyo daayactirka waddooyinka, soo celinta goobahii taariikhiga, maktabadda, madaxafka, dugsiyada waxbarashada, adeegyada caafimaad iyo fey-dhoowrada, biyaha nadiifka iwm. Dakhliga ugu badan, over 90% ee Dowladda dhexe maamusho wuxuu ka yimaadaa canshuuraha Gobolka Banaadir.
Lama saadaalin karo halka mashruuciisu saldhigan doono, inay u noqon karta mid u naajaxa ama la kacda. Wax badan ayaa afkiisa laga qoray muddadii Wasaaradda Arrimaha Dibadda uu joogay, "Anigu hal sanno oo fasax ah ayaan ka soo qaatay African Development Bank", taasi oo xaqiiq ahaan shaqaalaha u fasiran jireen inay macno ahaan la miisaaman tahay heystiisa "Dalku waa Mashruuc". waxaan doono ayaan yeelayaa oo loo arki karo inay tahay halkaa, waan u soo shaqo tagay, waana dal fiican, xorna ka ah mabda' ahaan iyo qaanuun ahaanba nidaamka isla-xisaabtka ah.
2014 ayaa wiil uu dhalay Wasiir Dr. Abdirahman Bayle Bankiga dhexe wuxuu kala baxsaday, lacag cash ah US $200 kun, Haddana warbaahinta maxaliga ah qaarkood ayaa qorayaan in hadda a wiilka Dr. Bayle maalmi dhoweyd ku xayirnaa Istanbul Airport/Turkey iyadoo Boliiska Turkigu ka wareysanaayaan lacag kale oo cash, Xamarna uu kala yimid.
Alle ayaa Soomaaliya baday Mudane Bayle iyo mashuuciisa, mas'uuliyiin kale oo la mid ahna way jiri karaa. Haddii dalku ka jiri lahaa Maamul iyo nidaam ku dhisan isla xisaabtan, waa dhab barwaaqo, caddaalad iyo amni wada socsda inay jiri lahaayeen. Waxaa la weyn lahaa mas'uul falal guracan iyo caddaalad darro u bareeri lahaa, sidaasi waxaa ku toosi lahaa xuquuqdii dadka iyo horumarka noloshoodii aasaasiga, dalkuna horumar iyo kheyr fara badan ayuu u jaheysnaan lahaa.
Dawladda hadda jirta ayaa lagu la talinayaa inay dalka u saldhigto nidaam amnigiisa iyo kheyraadkiisa la caddaaladeynaayo. Isla xisaabtankana noqdo muhiimadda koowaad.
Faallada Warfaafiye.Xafiiska WarfaafiyeMuqdisho, SomaliaEmail: Warfaafiye@gmail.comLIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID
storvideo: 

Dhismaha xukuumadda: Maxaa qurbo-joogta looga...

$
0
0

Bal hadda eega dhismaha xukuumadaha Somalia iyo Somaliland. Bal fiiriya nooca dadka ay u badanyihiin.
Markasta oo la dhisayo xukuumad cusub ama la maqlo isku-shaandhayn ayaa soo dhow waxaa dalka iska soo buuxiya qurbo-joogta. Xukuumad kasta oo la dhiso iyaga ayaa laga buuxiyaa oo lama qiimeeyo dal-joogta aqoonta leh oo aan ka tegin dalka oo dhibta la qaybsada ummadda, oo maalinkasta u ordaya nabadda, dhismaha, iyo horumarinta dalka, xog-ogaalna u ah dhibaatada dalka ka taagan.
Nin dalka ka cararay 20-30 ka hor oo fadhiyay daar qaboob, cunayay cunto diyaar ah, cabbayay casiir qabow, daawanayay Tiifiiga oo aan goob-joog u ahayn qaxa, gaajada ama dhibaatada dadka iyo dalka, oo aan xog-ogaal u ahayn nolosha adag ee dadka, oo maalin aan lugayn, oo maalin aan gaajon ayaa laga fadilaa kumanaan dal-joogta ah oo sidooda aqoonyahanno ah oo damiirkoodu u diiday inay ka cararaan dhibaatada dadka iyo dalka. Miyaanay arintaas la mid ahayn awr laga rarayo caloosha.
Madaxweynuhu marka uu dhisayo xukuumad ama uu magacaabo raiisal wasaare qurbo joog ah waxaa la soo dhisaa wasiiro qurbo-joog u badan si dadka dalka joogaa ay yihiin dad wada juhalaa ah, indho la', dhego la' oo aan waxay qaribaan mooyee aan waxba hagaajinkarayn una baahan in la hago. Marka ay wasiiradda qurbo-joogto hadlayaan waxaad moodaa inay dadka ka wadanisanyihiin oo iyagu oo qudha wax hagaajinkaraan. Dhaliilaha ma qaataan, khaldkoodana ma saxaan waayo waxay isku haystaan inay ka indho-dheeryihiin dal-joogta ka taqaan dhibaatada dalka ka taagan iyo sidii loo xallin lahaa.
Ka daranee, maalinta uu qurba-joogu waayo wasiirka waxaa uu u cararaa dalkii u degaan halkii uu dalka iyo dadka u abaal-gudilahaa oo u adeegilahaa, dhibaatada ula qaybsan lahaa, waxna ka dhislahaa dalka. In badan oo iyaga ka mid ah intay jeebka buuxsadaan ayay ka duulaan dalka.
Waxaa habboon in wasiiradda 75% noqdaan dal-joogta, 25% ay noqdaan qurbo-joogta si cadaaladda loogu dhawaado khilaafkana loo yareeyo.W/Q: Ibrahim Hassan Gagale
storvideo: 

Xog: DF oo diyaarineysa musharax la loolama Gaas

$
0
0

Muqdisho (- Online) - Waxaa magaalada Garoowe ka socda dadaalo lagu doonayo inay ku dhacdo doorashada maamulka Puntland oo ay ka harsan tahay muddo gaaban.
Doorashada la doonaayo inay ka dhacdo Puntland ayaa waxaa lagu dooran doonaa Hogaamiyaha bedeli lahaa kan iminka haya xilka Cabdiweli Gaas.
C/weli Gaas ayaa qudhiisa dadaal lixaad leh ku bixinaaya sida uu mar kale ku qabsan lahaa xilka Hogaamiyenimo, isagoo u adeegsanaayo dhaqaale uu ka helay dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Dowlada Federaalka ayaa dhankeeda Hogaamiyenimada Puntland u wadata musharaxiin horay uga soo qebqaatay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya.
Dowlada ayaa rabitaanka koowaad ee xilkaasi siineysa Cali Xaaji oo kamid ah Siyaasiyiinka kasoo jeeda dhulka Puntland isla markaana miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia, kana mid ahaa Musharaxiintii la tartameysay Farmaajo.
Rabitaanka labaad ee dowlada ayaa ah in Kursiga uu ku fadhiyo C/weli Gaas uu hanto Saciid C/laahi Dani oo isna horay ula tartamay Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna iminka u taagan yahay doorashada Puntland, sida ay xogtu tibaaxeyso.
Dowlada Federaalka ayaa aad uga soo horjeeda in C/weli Gaas uu kusoo noqdo xilka Hogaamiyenimo ee Puntland, iyadoo uu qorshuhu yahay in lagu bedelo Cali Xaaji ama Saciid C/laahi Dani midkood.
Warar hoose oo aan kasoo xiganay mas'uuliyiin ka tirsan xafiiska Kheyre ayaa sheegaya in DFS ay doorashada Puntland ku bixineyso lacago farabadan, si C/weli Gaas looga tuuro xilka.
Sidoo kale, dowlada Federaalka ayaa qorshaha socda u adeegsan doonta xubno Siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda deegaanada maamulka, isla markaana ku dhow dhow Hogaamiyaha loo diidan yahay soo laabashada C/weli Gaas.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Shariif Xasan oo qarka u saaran go’doon siyaasadeed...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Waxaa magaalada Beydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed laga dareemayaa Siyaasado kacsan oo lagu doonaayo in lagu badbaadiyo Kursiga uu ku fadhiyo Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Shariif Xasan ayaa wajahaaya culeysyo dhowr ah oo kaga imaanaya dhanka dowlada Federaalka, waxaana intaa u dheer kacdoonka Xildhibaanada maamulka oo gaarsiisan heer Mooshin.
Xildhibaanada maamulka oo diyaariyay Mooshin xil ka qaadis ah, ayaa waxaa ku garbinaaya dowlada Federaalka oo aad uga soo horjeeda Siyaasado uu adeegsanaayo Shariif Xasan.
Xildhibaanada maamulka oo kuwooda halista badan laga mamnuucay galitaanka Beydhabo ayaa Mooshinkooda ku diyaarinaaya Muqdisho, halka qaarna ay ku go'doonsan yihiin Degmada Afgooye.
Sida la rumeysan yahay dowlada Federaalka ayaa riditaanka Shariif Xasan u adeegsaneysa Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee iminka ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaa oo lagu bixiyo dhaqaale xoogan.
Shariif Xasan culeysyada ugu badan ka heystaan dhinacyada dowlada iyo baarlamaanka maamulka ayaa qarka u saaran inuu go'doomiyo deegaanada maamulka, isla markaana Garoonka Baydhabo ka mamnuuco inay ka degto dowlada.
Dagaalka ku furan Shariif Xasan ayaa looga gol leeyahay in lagu qafiifiyo colaadaha uu Hogaamiyaha kaga soo horjeedo dowlada Federaalka, waxaana xusid mudan in qorshaha muuqda ee dowlada uu yahay in laga taqluusiyo Hogaamiyayaasha hadda haya xilalka.
Si kastaba ha ahaatee, dowlada Federaalka ayaa dooneysa in la helo Hogaamiyayaal ka duwan kuwa iminka ka arimiya maamulada ee aadka u dhaliilsan Siyaasada dowlada.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dhageyso: Xildhibaan sheegay cidda madaxda...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Xilhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka hadlay xiisadda siyaasaeed ee dalka ka jirta iyo shirkii ku soo dhamaaday Kismaayo ee maamul goboleedyada ay ugu soo horjeedeen dowladda dhexe.
War-murtiyeed ay shirkaas ka soo saareen maamullada, ayay ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay kala tashato arrimaha masiiriga ah ee taabanaya shacabka ku nool gobollada.
War-murtiyeedkaas ayaa gobolladu waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen qaybta ay ka helaan kaalmada caalamiga, waxay kalsoo sheegeen inay ka walaacsan yihiin sida dawladda federaalku u maamulayso arrimaha
War-murtiyeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxda maamul goboleedyadu ay samaysteen golaha iskaashiga dawlad goboleedyada oo sanandka koowaad ay guddoomiye iyo ku xigeen u kala yihiin madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiqeli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare.
Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in xiisada siyaasaeed ee jirta ay sababtay in Madaxda Maamul goboleedyada ay la wareegaan Awoodii Dstuuriga aheyd ee dalka.
"Dowladdii hore ee Xasan Sheekh ayaa mamul Goboleedyada siisay awood ka badan tii ay lahaayeen, 7 bilood ayey howshii Baarlamaanka u afduubneed oo ay ku badasheen Madal Wadatashi taas ayaana sababtay in ay Maanta is moodaan in ay awood leeyihiin" ayuu yiri Xilhibaan Dalxa.http://www.-.net/wp-content/uploads/2017/10/Cod-Dalxa-.mp3- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Xog: DF oo diiday dalab uga yimid beesha caalamka oo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Kadib markii kulan madaxweynayaasha maamulada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Kismaayo kana soo baxeen go'aamo dalbanaya in wadahadal laga yeesho arimaha masiiriga ah ee dalka, ayaa dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Hay'adda Fullinta waxay go'aansadeen in wadahadal aysan ka galin dalabka maamul goboleedyada.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka mudane Farmaajo ayaa qoraal dabacsan kasoo saarey warmutiyeedkii Madaxweynayaasha maamul, halka Ra'isal wasaare Khayre khudbad uu ka jeediyey Muqdishu uu diidmo dadban ka sameeyey dalabka Kismaayo.
Xog ay heshay - Online ayaa sheegeysa in go'aanka rasmiga ah ee dowladda uu yahay inaysan marnaba wada-hadal ka gelin siyaasadda arrimaha dibedda dalka.
Xogta ayaa sheegeysa in kulan dhexmarey qaar ka tirsan wakiilada Beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho waxyar kadib go'aankii madaxda maamuladu kasoo saareen Kismaayo ku dhamaadey natiijo la'aan.
Wakiilada Beesha caalamka ayaa soo bandhigey in dowladda ay wada-hadal la furto madaxda maamulada Soomaaliya balse diidey.
Wakiilka Qaramada Midoobey iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya ayaan weli hadal kasoo saarin khilafka u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka, waxayna isku dayayaan inay si hoose u dhammeeyaan xiisadda.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Muqdisho: Dhibaatooyinka haysta dhalinta qurbaha ka soo noqda

$
0
0

Bilihii u dambeeyey waxa magaalada Muqdisho lagu arkayay dhalinyaro Soomaali ah oo laga soo celiyay Maraykanka oo jidhkooda sawirrada Tatoo-ga la yidhaa ku xardhay.

Culimo awdiinka Hargeisa oo khudbadii Jimcaha kaga...

$
0
0

Hargeysa (Waaheen) :- Somaliland waxa dhawaan looga dareeri doonaa Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland, taas oo ay ku tartami doonaan Murashaxiinta Xisbiyadda Waddani, Kulmiye iyo UCID.
Doorashaddan oo si weyn isha loogu hayo isla markaana ay ku gedaaman tahay Cabsi laga dareemay dhaqdhaqaaqyadda siyaasadeed ee Saddexdan Xisbi, ayaa haddana waxa barbar socota soo shaac baxa qabyaaladda Iyada oo fagaareyaasha kala duwan la isku weydaarsanayo tar sheegasho.
baraha ay bulshadu ku kulanto, fagaareyaasha siyaasadeed iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa si weyn looga dareemayaa qaawanaanta qabyaaladda oo la soo baxday uun doorashooyinkan 2017-ka.
madax dhaqameedka Murashaxiinta ku loolamaya kursiga madaxtooyadda ayaa noqday kuwo si qaawan ugu ololaynaya murashaxiinta soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadeed iyada oo ay ahayd in ay iib geeyaan barnaamijyadooda siyaasadeed.
hadaba iyada oo ay maanta ahayd maalin jimce ah ayaa qaar ka mid ah culimaa'udiinka Magaaladda Hargeysa waxa ay si weyn uga hadleen dhibaatadda ay keeni karto qabyaaladdu.
waxa ay si toos ah u soo qaateen murashaxiinta loomaya qaarkood oo ay madax dhaqameedkoodu ololaha uga horeeyeen axsaabta siyaasadda kuwaas oo la baadi doonaya kursiga ugu sareeya dalka sidii ugu fadhiisan lahaa markan murashaxa la reerka ahi.
waxa ay culimaddu baaq u direen bulshadda oo ay fareen in ay dhagaha ka furaystaan baaqyadda qabyaaladaysan ee ka soo burqanaya madaxda kala duwan ee siyaasadda iyo madax dhaqameedka.
storvideo: 

Jeegaantu Waa Gunnimo Siyaasadeed Iyo Gumaysi Cusub.

$
0
0

Siyaasada jeegaantu waxay xalaal tahay marka ay laba siyaasi oo kasoo kala jeeda laba beelood oo deegaan ahaan kala fogi ay isku bahaystaan dano siyaasdeed oo ka dhaxayn kara labadooda beelood. Laakinse jeegaantu waxay xaaraan noqonaysaa marka ay laba Madax-dhaqameed oo deegaan ahaan kala fogi ay isku gacan qaadaan xulafaysi siyaasdeed oo ku lidi ah beelaha kale ee la deegaanka ah.
Tusaale ahaan, Jeegaantii USP ee ay wada dhiseen Garaad Cali Garaad Jaamc iyo Xaaji Ibrahim Nuur ee 1958, waxay ahayd xulafaysi siyaasadeed oo xalaal ah "legitimate" . Waxay iska kaashadeen beelaha Isaaq oo isku bahaystay labadii xisbi ee SNL iyo NUF. Ujeedada hagaagsan ee USP waxay ahayd la-dagaalanka gumaysigii Ingriiska. Markii danbe waxay la bahoobeen SNL oo ay isku hadaf ahaayeen, waxaana loo bixiyay SNL/USP. Waxay si wadajir ah ugu guulaysteen xoraynta Somaliland.
Jeegaanta cusub ee ka hilaacday Somaliland ee labada Madax-dhaqameed isku gacan qaadeen Burco Oktoober 8th waxa lagu tilmaami karaa Gunnimo Siyaasadeed, waxaanay dhali kartaa Gumaysi-cusub haddii ay beelaha kale aqbalaan. Jeegaanta Cusubi waxay lidi ku tahay distoorka Somaliland, waxay dhawacaysa hanaankii dimuqraadiyda , wada tashigii ummadda, wada nolaanshahi bulshada, wadajirkii shacabka iyo jiritaankii qaranimadda Somaliland. Waxa soo abaabulay Xisbigga Kulmiye waxaana maal geliyay ganacsato waawayn . Shacbiga Somaliland, waa shacbi xoolo-dhaqata oo dhaqankoodu ku salaysanyahay dimuqraadiyad "Pastoraldemocracy ". Waa shacab aan weli kala adkaan oo aan is-gumaysan, mana dhici karto in maanta lays muquuniyo.
Wuxuu yidhi Saahid Qamaan :Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi,Masaa in aanu nahay oy tolnimo meerto noo tahaye,Masallaha ninkaan ii dhigayn midig ma taabsiyo,Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho,Walee Sidii koran xiniiyaha la muday uma maluugnaado.
Qalinka :Drs Hoodo Yusuf, London,UK.yhoodo@yahoo.com
storvideo: 

Deg Deg: Arday lagu laayay iskuul ku yaal Kenya

$
0
0

Shan arday iyo nin waardiye ah ayaa toogasho lagu dilay iskuul ku yaal meel u dhaw xadka Kenya ay la wadaagto South Sudan.
Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa ku warramaysa in weerrarka ardayda iyo ninkaas lagu dilay uu dhacay arooryadii hore ee saaka.
Ma ay cadda cidda weerrarkan ka dambaysay iyo sababtaba.
storvideo: 

Al-Shabaab oo dib u qabsatay Bariire

$
0
0

Dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose kaddib markii ay halkaasi isaga guureen ciidamada milateriga Soomaaliya.
Ma ay cadda sababta keentay in xilligan ay ciidammada milateriga ee Soomaaliya ay banneeyaan saldhiggaasi muhiimka ah, sidoo kalana ma ay jirto weli wax war ah oo ka soo baxay milateriga Soomaaliya.
Todobaadkii hore ayuu abaanduulihii hore ee milateriga Soomaaliya, Janaraal Axmed Jimcaale (Cirfiid), inta uusan xilka banayn waxa uu booqasho ku tegay deegaanka Bariire si uu ugu kuurgalo xaaladda ciidammada halkaas saldhigga ku leh.
Ururka Al-Shabaab ayaa weerrar uu dabayaaqadii bishii hore ku qaaday isla saldhiggaas waxa uu xilligaas ku sheegtay inay ku dileen in ka badan 20 askari oo ka mid ahaa ciidamada dowladda Soomaaliya ee Bariire
Hasayeeshee Janaraal Sheegow Axmed Cali, oo ka mid ah sarkaashiisa milateriga Soomaaliya, oo isla maalintaas BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ka laayeen ilaa iyo 18 dagaalame xeelad dagaalna ay dib ugu gurteen.
storvideo: 

Midowga Afrika oo Dalbaday in la xoojiyo Howlgalka...

$
0
0

Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Ku Simaha Xoghayaha Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Donald Yamamoto ayaa waxuu ka hadlay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ka socda Soomaaliya.
Donald Yamamoto ayaa waxuu sheegay in la socdaan in Mareykanka uu dhawaan uu dhimay dhaqaalahii la siin jiray howlgalka AMISOM ee ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Ku Sime Donald Yamamoto ayaa waxuu tilmaamay inkastoo la dhimay dhaqaalahaasi, hadana in ay diyaar u yihiin in ay xoojiyaan taageerida howlgalka AMISOM.
Waxaa uu qeexay in muhiim ay tahay in lagu amaano Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo Magaalooyin dhowr ah ka saaray Xarakada Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
Ku Simaha Xoghayaha Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Donald Yamamoto ayaa ku baaqay in kordhiyo taageerida Ciidamada huwanta ah, si buu yiri looga guuleysto Xarakada Al Shabaab.
Dhawaan ayey aheyd markii Mareykanka uu shaaciyay in uu dhimayo dhaqaalaha uu siiyo howlgallada dalalka Afrika ka socda oo hoosyimaada Qaramada Midoobay.
storvideo: 


Xarunta Baaralaamka Somaliland Oo Xoghayaha Golaha...

$
0
0

Hargeysa(Waaheen )Xarunta Labada gole qaran waa wakiilada iyo guurtida ee oo mudooyinkii u danbeeyey warbaahintu adkayd in ay gasho taasi oo uu amarka ay warbaahintu dibad jooga kaga tahay uu bixiyey xoghayaha golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle hadaba waxaanu idiin soo bandhigaynaa muxuu sharciga saxaafadu ka qabaa goob noocani ah in warbaahinta laga mamnuuco iyo siday tahay wada shaqaynta qalafsan ee uu la soo baxay xoghayaha golaha wakiiladu.
Xeerka Saxaafadda(Xeer No. 27/2004)Qodobka 30aadWaajibinta la shaqaynta saxaafadda Waxa uu dhigayaa (''Saraakiisha Dawladda waxa waajib ku ah, inay la shaqeeyaan oo gacan siiyaan saxaafadda, si ay hore ugu mariyaan mabaadiida sheegaysa xaqa dadweynuhu u leeyahay warhelidda''). Geesta Kale Xubinta III XUQUUQDA HELITAANKA WARARKA Qodobka 8aad Awooda Helitaanka & Fidinta Wararka waxa uu dhigayaa ('' Suxufigu wuxuu xaq u leeyahay inuu dawladda ka helo wixii dhokomenti ah ee la xidhiidha hawlihiisa'').
Dhamaan qodobadaasi kor ku xusan waa kuwo xaq u siinaya in uu suxufigu helo war si uu u gudbiyo geesta kale xarunta Baarlamaanka oo ay joogaan 164(Boqol Lixdan iyo afar) xildhibaan oo ay soo doorteen bulashadu kuwaasi oo iskugu jira Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida kuwaasi oo dhamaan tood ah sameeyayaal wareed oo matala bulshadii laga soo doortay waxa soo baxaysa in uu xoghayaha goluhu muquuninayo in bulshadu la socoto xildhibanadii soo doortay.
Tan iyo wakhtigii la doortay Gudoomiyaha cusub ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax waxa muuqata in ay is badashay hanaanka iyo hawlaha ka socoda golaha Baaralaamka gaar ahaan golaha wakiilada, wakhtigii la dooranayey gudoomiye ku xigeenka kowaad oo dhamaan saxaafadu kala kulantay tacadiyo badan askarta golaha iyo maamulka golaha wakiilada hadaana waxaan wax weyn iska badalin in la fuliyo awaamiir uu sheegay gudoomiyaha cusub ee golaha wakiiladu oo sheegay in warbaahintu sidii caadiga ahayd u soo gali doonto golaha.
storvideo: 

Al-Shabaab oo la wareegay Deegaanka Bariire

$
0
0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo wata gadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan In xalay saqdii dhexe ay la wareegeen deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye.
Waxaa la xaqiijiyay in Ciidamadii Dowladda Soomaliya ee halkaas ku sugnaa mudooyinkii dambe in xalay saqdii dhexe ay isaga baxeyn.
Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayaan in deegaankaasi ay si buuxda ula wareegeen ciidamada Xarakada Al-shabaab oo dhowr jiha ka galay deegaankaasi Istiraatiijiga ah.
Deegaanka Bariire waxaa Todobaadkii ayn u soo dhaafnay booqday Taliyihii Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Jeneraal Cirfdiid kaasi oo khamiistii iska casilay xilkii.
Deegaanka Bariire oo waa deegaan istiraatiiji ah waxa uu qiyaastii (52)KM dhanka Konfur Galbeed kaga beeganyahay magaalada Muqdisho,deegaankaan waxaa Shan iyo Toban Maalin ka hor ka dhacay dagaal qorsheysan oo ciidamada Shabaab ay ku dileen ku dhawaad Boqol askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya ay tababartay dowlada Mareykanka.
PUNTLAND POST
The post Al-Shabaab oo la wareegay Deegaanka Bariire appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Wasiirka howlaha guud” Guul ayuu ku soo dhamaaday...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) Mudane Saadiq C/llaahi Cabdi Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Muqdisho,Wasiirk kuxigenka Wasaaradad,Xil.Jamaal Xasan Cusmaan kusimaha agaasimaha guud, iyo mas'uuliyiin kale oo katirsan Wasaaaradda.
Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay garoonka Diyaaradaha ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo uu dalka Turkiga uu kula soo yeeshey mas'uuliyiin kaladuwan,waxaana ugu muhiimsan dabagalka qorshihii dhismaha 10,kun ee guryo oo dowladda Turkigu ay balanqaaday oo uu sheegay in ay meel fiican marayaan.
"Safarkeena waxaa uu ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal gaar ahaan arrimaha dib u dhiska,waxaan tagnay magaalooyinka Ankara iyo Antaliya,waxaana la kulanay mas'uuliyiin iyo ganacsato si fiican ayay inoo soo dhaweeyeen,waxaana kala hadalany sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib u dhiska dalka,gaar ahaan arrrintii dhismaha 10,kun ee guryo ayaan kala hadalnay meel fiican ayay marayaan,dhawaan ayaana si faah faahsan uga hadlidoonaa howlaha Wasaaradda", Ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud.
Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirtaa sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan kaabayaasha ugu muhiimsan wadanka oo in muddo ah burbursan.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMilateriga Turkiga oo gudaha u galay Suuriya

storvideo: 

Soomaaliland Oo Dib U Celisay Markab Siday Qaxooti...

$
0
0

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Qaxootigaas Soomaaliland ay soo geli karaan markii Caafimadkooda la soo baaro hadii kale dalkooda Yaman dib loogu celin doono.
Soomaaliland deegaanadeeda kala duwan ayaa waxaa todobadyadii la soo dhaafay kaa soo degayay qaxooti ka soo cararay dalka Yaman taas oo keentay in haatan shaki badan ay ka muujiyaan Masuuliyiinta Maamulka Soomaliland.
storvideo: 

Dowladda Qatar oo La Sheegay Inay Qoranayso Ciidamo...

$
0
0

Dowladda Qatar oo La Sheegay Inay Qoranayso Ciidamo Soomaali Ah
Oct 14, 2017 -

Wargeyska Almasar Al-yoom ee ka soo baxa magaalladda Qaahira iyo kuwo kale oo Carbeed ayaa qoray inay Dowladda Qatar qaadanayso Askar Somali si ay u kordhiyaan Tirada Ciiddankooda.
Wargeysyadda waxay Xogtaasi ka soo xigteen Baaritaan ay arrintaasi ku samaysay Shabakadda Wararka Garowe ee Xaruntiisa Dhexe ku taallo caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.
Dowladda Qatar waxay qaadanaysaa dhallinyarada shaqo la'aanta ku hayso dalalka saboolka ee Geeska Afrika, oo ay Somalia ku jirto, iyadoo Askari kasta mushaar ahaan bishiiba loo siinayo 6,000 oo Dollarka Maraykanka, waa sida lagu xusay Warbixintaasi.
Wargeyska Almasar Al-yoom ayaa ka soo xigtay Garowe Online inay Saraakiil sare oo ku sugan Villa Somalia ay Qoristaasi ka wadaan dhowr Maamul-gobaleedyo, waa sida lagu xusay Warbixinta.
Wargeyska Almasar Al-yoom waxa uu ka soo xigtay Shabakadda Garowe Online xog sheegaysa in ugu yaraan 10 qof oo u shaqeeya Wasaaradaha Xukuumadda Federalka loo diray dalka Qatar.
Si kastaba ha ahaate, Madaxda DFS iyo Maamul-gobaleedyada weli kama hadlin sugnaanshaha Qorshaha la sheegay inay Dowladda Qatar ku qoranayso Askar Soomaali ah,mana jiraan Warar Madax-bannaan oo xaqiijinaya Warkaasi Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live