Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Hees Cusub Uu Soo Saaray Fanaanka Wayn Ee Maxamed Axmed Qoomaal [HAKA TEGIN DURUUFAHA]

$
0
0

 
WAAH-WAAH.Waxaad ku soo dhawaataan  hees cusub oo aad u macaan uu soo saaray  Fannaanka waynee Maxamed Axmed Qoomaal , Heestan  macaan waxa magaceeda la yidhaahdaa HAKA TEGIN DURUUFAHA, heestan oo ah heestii ugu danbaysay ee uu soo saaro Fannaanku,waa Erayadii  Mowliid Aadan Qolqol,Muusigii Maxamed Karaama, Waana Laxankii Iyo Codkii Macaanaa ee Maxamed Axmed Qoomaal,ee dhageysi haboon:– 


SAWIRKA MAANTA. Geedka Tiin-ka

$
0
0

 
Sawirka maanta ee shabakada caalamiga ah ee Oodweynenews waa sawiro ku saabsan Geedka Tiin Tiin-ka oo laga bilaabay in lagu iibiyo meelo ka mid ah suuqyada magaalada Muqdisho si loosiiyo Xoolaha kasoo barakacay dhulalka fog fog  ee Miyiga ah ee ay abaaruhu saameeyeen, waxaana magaalada Muqdisho  maalmahan lagu arkayaa Gaadhi-Dameero lagu rarayo Geedka Tiin-ka, DAAWASH WACAN.

SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS

Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Ku Sugan Gobolka Mudug..SAWIRRO

$
0
0

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dhowaanahaan ku sugnaa wafdi uu hogaaminayo taliyaha Ciiidamanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayna ku wehliyaan safarkiisa saraakil ka tirsan ciidamada Amiso.
Wafdigan ayaa intii ay ku sugnaayeen deegaannada Puntland iyo Gal-Mudug waxa ay kulamo la qaateen madaxda maamullada, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha bulshada, waxaana muhiimadaha ay u yimaadeen qayb ka ah sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha ammaanka ee gobolada iyo adkaynta nabad galyada guud.
Maalinnimadii shalay ayaa wafdigu waxa uu kulan wada jir ah la qaatay saraakiil ka kala socota Puntland iyo Gal-Mudug, waxaana ay ku wada heshiiyeen sidii ay u samaysan lahaayeen iskaashi buuxa oo ku saabsan sugidda nabad galyada.
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. C/qaadir Sheekh Cali (Diini) oo hogaaminayay wafdiga ka socday dawladda federaalka ah ayaa Warbaahinta qaranka Soomaaliyeed waxa uu uga warramay wixii u qabsoomay iyo u jeeddada socdaalkooda, waxaana uu sheegay in ay ku guulaysteen guud ahaan qorshayaashii socdaalkooda ee ay u yimaadeen deegaannada Gal-Mudug iyo Puntland.
Wafdigan ayaa waxa ay ku guulaysteen in ay heshiis iskaashi ah dhex dhigaan maamulada Puntland iyo Gal-Mudug, kaasoo ku saabsan sidii ay isaga ganac siin lahaayeen sugidda nabadda iyo la dagaalanka argagixisada.
Socdaalkan, heshiisyadan iyo hawlahani ugubka ah ayaa waxa ay ku soo aadayaan iyada oo la qorshaynayo in dhowaan magaalada Garoowe lagu qabto kulan wada tashiga ee Soomaaliya oo wajigiisii koowaad horay loogu qabtay magaalada Muqdisho.










 
Mahad Jama Koronto
 
Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.
Gaalkacyo

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

$
0
0

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada Maalinlaha ah ee ka baxa Idaacadda waxaana dhageystayaasha Radio Muqdisho ay dhageystaan habeen walba 09:30 fiidnimo marka laga reebo habeennimada Jimcaha.
Barnaamijka waxaa diirada lagu saaraa raad raaca ama falanqeynta dhacdooyinka maalintaas taagan kuwa ugu muhiimsan waxaana uu xambaarsan yahay macluumaad u badan Wareysiyo.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Koobaad Ee Bandhiga Wareysiyada 05-Octobar
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Labaad Ee Bandhiga Wareysiyada 05-Octobar

Dhagar Qabihii Isku Haligay Hargaha Iyo Saamaha Oo Cod Uu Iska Duubay Ku Cadeynaya In Bartilmaameedkiisu Ardayda Ahaa(Dhageyso)

$
0
0

Dhagar qabihii isku haligay xaruntii Hargaha iyo Saamaha islamarkaana dad badan oo Soomaaliyeed salfaday ayaa cod uu iska duubay ka hor inta uusan is haligin ku cadeeyey in bartilmaameedkiisa uu ahaa Ardayda Soomaaliyeed ee Mustaqbalka Dalkeena usoo baxayey.
Dhagar qabahan oo magaciisa uu ku sheegay Horjooge Cali Dheere oo isagu Maleeshiyada Shabaab u qaabilsan sheegashada dhiiga dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ee uu Alle xaaraantinimeeyey Bishaar C/laahi Nuur ayaa Codkan uu iska duubay waxa uu ku cadeeynayaa in hadafka uu isku haligay ama isku qarxiyey uu ahaa Ardayda waxbarashada ku hamineysay codkaasi oo laga baahiyey Idaacadaha ku hadla Codka Khawaarijta.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Codka Uu Dhagar Qabaha Is Haligey Ku Cadeynayo Waxa uu Beegsanayo Inay Ardayda Ahaayeen
“Waxaan u socono waxay tahay amba Kun ha dhimato ama Labaatan waxaan u soconaa in Ilaaheey raali naga noqdo oo shahaadadeena naga aqbalo, dadka waxay ku mashquuleen waxbarasho cilmiga maadiga ayaa lagu mashquulayaa gaalada ayaa wadato arintaas qofka in uu waxbarto oo meel uu iska fadhiyo macno ma sameyneyso” ayuu ku yiri Codka uu iska duubay dhagar qabahan salfaday Ubax badan oo dalkeena Mustaqbalka usoo baxayey.
Codkan waxa uu marka hore cadeynayaa u jeedka dhacdadii foosha xumeyd ee Afartii bishan ka dhacday xarunta Hargaha iyo Saamaha waxa ay Shabaab usoo maleegeen inay tahay Ardaydaasi oo goobta lagu baabi’iyo taasi oo Horjooge Cali Dheere ku qarinayey in goobta waxa ay ku xasuuqeen aysan aheyn Arday ee ay ahaayeen Ciidammo maadaama Codkan uu yahay mid laga duubay Dhagar qabahan xiliga uu usoo baxay in naftiisa uu haligo goobta uu usocdayna ay Ardayda aheyd.
Codkan cadeynta ah ee uu iska duubay ka hor inta uusan naftiisa haligin Dhagar qabahan ayaa Shacbiga Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed u muujinaya in Hadafka Al-Shabaab uu yahay baabi’inta Umadda Soomaaliyeed taasi oo dad badani horey u ogaayeen inta kale ee aan ogeynna u cadaatay markii ay Shabaabku ku faaneen Qaraxii Ardayda lagu Xasuuqay.
Si kastaba hadii Al-Shabaab ay cadeeyeen Ujeedadoodu inay tahay dabar jaridda Shacbiga Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed guud ahaanba ayada oo aan urur ama koox loo kala saarin Maxaa la gudboon  Shacabka dhiigoodu uu Alle xaaraan tinimeeyey?
Horjooge Cali Dheere Oo Isagu Ku Faanay Xasuuqii Ardayda Ee Hargaha Iyo Saamaha Kuna Faraxsan Ubixii Meesha Ay Ku Baabi’iyeen

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Sharmoc oo Cambaareeyey Xasuuqii Magaalada Muqdisho Kuna Tilmaamay Fal Bahalnimo

$
0
0

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC)
———————————————————————————–
Ref: Sharmoc30110010
Date: 05 October 2011
Ujeeddo: War Saxaafadeed
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Sharmoc oo Cambaareeyey Xasuuqii Magaalada Muqdisho Kuna Tilmaamay Fal Bahalnimo
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) Waxa uu si weyn u Cambaareynayaa weerarkii waxashnimo ee lagu laayey Ardaydii iyo Shacabkii Soomaaliyeed eek u sugnaa Wasaaradii Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare taasoo Umadda Soomaaliyeed iyo bahda Waxbarashada u ahayd Maalin madow.
Falkaan oo ay ku dhinteen in ka badan 90 qof isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 140 kale oo u badnaa Arday u timid goobta si ay u ogaadaan Natiijada Imtixaankii ay u gelayeen in ay u baqoolaan Jaamacadaha kala duwan ee dalka Walaalaha aan nahay ee Turkiga ayaa waxa uu naxdin iyo argagax ku abuuray dhamaan Umadda Soomaaliyeed, waxaana wax laga xumaado ah in weerarkaan waxashnimo ay sheegtaan dad naftooda ku tilmaamaya Muslimiin leh akhlaaq iyo Damiir.
Weerarka ayaa waxaa dadkii ku dhintay ay ahaayeen Arday da’doodu u dhexeyso 15-27 sano iyo Waalidka qaar soo raacay Caruurtooda si ay ula qaybsadaan dareenkooda ku aadan Natiijada Imtixaankii ay u galeen Waxbarasho dibadda ah waxaana haleelay Qaraxa oo halkii ay faxi lahaayeen u bedelay Murugo iyo calool xumo waxaana falkaan uu yahay mid aysan hilmaami doonin umadda Soomaaliyeed.
Waxaan shaki ku jirin kooxda Al-Shabaab ee sheegatay weerarkaan in ay yihiin koox kazoo horjeeda Danaha Umadda Soomaaliyeed iyo horuumarkeeda maxaa yeelay waxaa falkoodu ka tarjumayaa bahalnimo iyo cadaawad xun, mar haddii ay gumaadeen mirihii Mustaqbalka Somalia iyo Iftiinkii Umadda, iyadoo haba yaraatee aysan u harin wax kayd wanaagsan ah oo ay ku leeyihiin umadda Soomaaliyeed dhexdeeda.
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) waxa uu sidoo kale dhaliilayaa habacsanaanta amniga ee Dowladda KMG ah ee Somalia iyo Xoogagga nabad ilaalinta Amisom oo aan wax lataaban karo ka qaban in falkaan oo kale ku dhaco shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan gudaha in badan oo kamid ah Wasaarado door ah ee Dowladda KMG ah ee Somalia.
3-dii December 2009-kii ayey ahayd markii sidaan oo kale loogu gumaaday Hotelka Shaamo ee Magaalada Muqdisho, dad isugu jiray Arday, Macalimiin, Waalidiin, Aqoonyahano iyo Madax ka tirsan  Dowladda KMG ah ee Somalia fal ismiidaamin ahaa kaasoo lala beegsaday Xaflad qalin jebin ahayd oo ay dhigayeen arday kazoo baxday Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, taasoo siweyn u dhalisay carada loo qabay kooxihii ka dambeeyey falkaas.
Ugu dambaayn Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (SHARMOC) waxa uga digayaa dadka ku howlan falalka ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha, galayana falal kazoo horjeeda Diinta islaamka, Dhaqanka Suuban ee Soomalida iyo Xeerarka Caalamiga ah in uu maalin hor iman doono Caddaaladda lagana abaal marin doono falalka ay gaysteen.
Wabillaahi Towfiiq
Nadia Hagi Hassan
Agaasimaha
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaliyeed (SHARMOC)

Van Persie oo shaki galiyay Mustaqbalkiisa Kooxda Arsenal.

$
0
0

06 Oct 2011-  Captainka Kooxda Arsenal ahna weeraryahanka kooxdaasi Roben Van Persie ayaa shaki galiyay mustaqbalkiisa ku aadan siijoogitaanka garoonka Emirates,waxa uuna calaamatul su aal dul saaray kusii dhagaashiyaha kooxdaasi.
Van Persie ayaa shaaciyay in Kooxda Arsenal ay tahay koox uu jecelyahay taasna aysan ka dhignayn in mustaqbalkiisa uu ku dhamaysanaayo, “aadbaan u jeclahay kooxda aan haatan hogaamiyaha ka ahay,”
weeraryahankaan ayaa intaasi raaciyay “ma aqaan arintaasi,ma saadaalin karo waxa dhacaaya iyo sida uu xaal noqonaayo,qofwalbaa isagaa go aansada mustaqbalkiisa,”
van persie inkastoo uusan sicad usheegin hamigiisa bixitaan hadana waxa uu si sarbeeb ah uga hadlay inuu soo dhawyahay waqtigii uu isaga hayaami lahaa garoonka Emirates.
“aniga ma ogi,halshay sadaal ahaan,markaan imid Arsenal si fudud ayaa uga adgaan jirnay kooxda Man City,laakiin sanadihii udambeeyay xaaladu way isbedeshay oo Kooxda City sidii maahan, horyaalka ingiriiskana waa uu xoogaystay”
isagoo haatan tusaaleynaaya in hadii xitaa uu ka tago arsenal uusan ka dheeraanayn Horyaalka ingiriiska ayuu Van Persie yiri “horyaalka wali waa midka ugu fiican uguna xiisaha badan caalamka,maxaa yeelay waxaan ka helaa wax walbaa oo aan rabo”
inkastoo 28jirgaan dhanka weerarka looga dambeeyo horyaalka ingiriiska uu qandaraaskiisa kooxda Arsenal uu ku egyahay 2013, taas oo ka dhigan in Macalin Wenger uu wali haysto fursad uu kusii haysan karo wiilkan.
Mohamud Idaajaa
idaajaa4@gmail.com
idaajaa_11@hotmail.com

Dr Cabdiqaasim Salaad oo qeylo dhaan ka muujiyay xadeynta badda Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay arrinta xadeynta badda Soomaaliya taasoo maalmahan ay sii kordhaysay hadal haynteeda.
Dr Cabdiqaasim oo waraysi siiyay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho asaga oo ku sugan dalka Masar ayaa sheegay inaysan jirin cid wax ka bedeli karta xadka badda Soomaaliya, ciddii sameysanaya ay galayso qiyaano Qaran.
“Badda Soomaaliya waxay ka kooban tahay 12-mayl oo xuduudda caadiga ah iyo 200 mayl oo xuduudda dhaqaalaha ah, waxaana sidaas dajisay xukuumaddii hore oo aan ka mid ahaa, mana jirto cid bedeli karta,” ayuu yiri Dr. Cabdiqaasim.
Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay Beesha Caalamka inay u heshiisay khayradka badda Soomaaliya ayna tahay mida doonaysa in la xadeeyo badda Soomaaliya.
“Beesha calaamku waxay soo dirsatay maraakiib ay doonayaan inay ku gurtaan wax walba oo ku jira badda Soomaaliya, waana taas sababta keentay in la hor-istaago dowlad awood leh oo Soomaaliya ka dhalata,” ayuu halkiisa raaciyay Dr Cabdiqaasim.
Shacabka iyo dowladda Soomaaliya ayuu Dr Cabdiqaasim ugu baaqay inay ka hortagaan qorshaha lagu xadeynayo badda Soomaaliya ayna samaystaan ciidamo baddeed xoogan oo ilaaliya biyaha Soomaaliya.


No Easy Way Out: Traditional Authorities in Somaliland and the Limits of Hybrid Political Orders

$
0
0

The point of departure for this paper is the fact that Somalia has been without effective state institutions since 1991. Markus Virgil Hoehne explores how moderately effective state-like institutions have been rebuilt in Somaliland and Puntland in northern Somalia over the past two decades. These institutions do not enjoy international recognition and are limited in power and scope. Moreover, the paper shows how alternative forms of authority exercised by so-called non-state actors have gained prominence during the process of state-formation.
A particularly important category of non-state actors in northern Somalia are traditional authorities. In the northern Somali setting, these are family or clan heads. Traditionally, they follow norms of culture and their legitimacy is embedded in social relations among and between their and other groups. However, they do not act in a political vacuum. In the contemporary (northern) Somali setting they have to engage with and are influenced by militias, religious activists, civil society groups and the existing state-like institutions. This brings about a complex mixture of ‘traditional’ and ‘modern’ elements of politics and leads to shifts in modes of legitimacy.
The paper is based on long-term fieldwork in Northern Somalia, where the author has followed the contested process of state formation. It was initially presented at the 1-3 November 2010 conference on Access to Justice and Security. Non-State Actors and Local Dynamics of Ordering, organized by DIIS researchers Helene Maria Kyed and Peter Albrecht.

Saddex maalmood baroor diiq kadib qaraxii lagu dilay in ka badan 70-ruux

$
0
0

Shalay ayaa caasimada Muqdihsu u aheyn maalin 2aad oo murugo iyadoo ay indhahaaga qabanayeen Dad tiiraanyeysan ooa dusha ka wada saarnaa baabuuro ay kor ka saran naxashyo siday qaar ka mid ah meydadkii ku dhintay qaraxii maalinimadii talaadada Ruxay magaalada Caasimada ee Muqdishu kaas oo ay masuuliyadeeda sheegteen ururka xagjirka ah ee lagu xiriiriyo Urur weynaha Al_Qaacida
Dhawaqii Qaraxa ayaa huwiyey boor badan in ku siman 800M aagii uu ka dhacay muuqalka goobta waxay ay noqotay mid madow oo cabsi leh iyadoo meydadka ay ahaayeen kuwa gubtay oo madow isu badalay baabuurta ayaa laf ahaantooda noqotay kuwa olol la baaba’ay
Alla ayaa ka yeeli doono kuwa naarta gala sidaa waxaa tiri Hooyo Soomaaliyeed taas markii dambe ku dul dhacday naxashkii lagu siday wiilkeeda meydkiisa
Sacdiyo Cumar oo ka mid dhibanayaashii Qaraxii ka dhacay Warshadii Hargaha Iyo Saamaha oo ay ku weysay ninkeeda ayaa ka soo tagtay inta aad godka la gelin iyadoo oranaysaa inuu yahay wax ka badan inta ay u dulqaadan karto “ Adduunyada nabad ma helaysao ilaa inta ay joogaan dilaayaal sida Alshabaab oo kala ah “ way ooysay ilaa illinteeda ay ku tifiqdo xijaabkii madoobaa ee ay xerneyd.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in 3 maalin oo baroorodiiq ah loo sameyn doono wuxuu ku dhaartay in dowladiisa amaanka isla markaana miisaan culus la saari doono in laga hortagi qaraxyada noocaan oo kala ah hadalkaan ayaa ku soo beegamayo xilli dowladiisa ay dalka oo idil kaga sugan tahay magaalada caasimada oo kaliya
Madaxweynaha yaa yiri waan Hubaa dembiyada ay ka gelayaan shacabka in ay ahaan doonin mid laga gudin Illaah waa uu cadaabi doonaa dowladiisa waxay hubin doontaa in ay ka badbaadiyaan shacabka Qatarta Alshabaab
Baabuur Xamuul ah oo laga soo buuxiyey fuustooyin shidaal iyo walxo qarxa ayaa lagu hor qarxiyey wasaarada Waxbarashada ee DKMG oo ah tan ugu mashquulka badan wasaaradaha dowlada halkaas oo arday ay waaladiintooda la socdaan ay ku mashquulsanaayeen in ay iska diiwaan geliyaan deeq waxbarasho oo laga helay dalka Turkiga Qasaaraha Bamka ayaa noqday kii markaliya qaasaaro baaxadaaan leh dhaliya iyadoo in ka badan 70 Ruux ay ku naf waayeen
Alshabaab oo Bishii Ogosto Ka baxay magaalada Caasimada ayaa hore u shegay in ay ka bixistooda ay tahay Qido dagaal isla markaana ay fulin doonaan weeraro dhumaaleysi kani ayaa noqonayaa mid ka mid weerarada ay sheegeen kaas oo xanuun badan ku reebay shacabka
Isbitaalka Madiina oo ka mid cibitaalada la geeyey dhaawacyada ayaa mid ka mid kalkaaliyaasha ayaa sheegay xataa 20kii sanno ee ay magaalada dagaalka ka jiray in aysan la kulmin tan oo kale Bomka waxa uu ahaa mid cabsi gelin leh waa musbiibadii ugu xumeyd ee aan arko toboneeyo ayaa halkaan la keenayey daqiiqad kasta dhamaan dadka dhaawaca waxa ay ahaayeen kuwa aan dareen laheyn qaar kalana wejiyadoo ayaa aad u gubtay
Duniya Salaad oo ku dul barooraneysay walaalkeed oo jirka ka gubtay intii daaweynta lagu haayeyna dhintay Duniya ayaa ku ooyeysay “ Wey Dileen ka hor inta uusan bilaabin Jaamacada Maxaa loo Dilay? Nacalad ayaa Alshabaab ku taal.
Cali Muuse oo ah Madaxa Baabuurta Gargaarka deg deg ah ee qaadaysay Dhaawacyada ayaa Sheegay in qasaaraha uu intaa ka badan karo isla markaan uu dhibka gaaray meel ka fog halkii ujeedka ahaa waxa uu dilay dad wadada socday kuwa baabuurta dadweynaha saarnaa qasaaraha xilli kasta waa uu sii kordhayaa waa dhacadii ugu xumeyd ee caasimada ka dhacdo ayaa ku soo koobay hadalkiisa

Faadumo Qaamis Hillowle Oo Ku Geeriyootay Lodon Lagu Wado In Lagu Aaso halkaas

$
0
0

Allaha u naxariistee fanaanaddii caanka aheyd ee Faadumo Qaasim Hilowle oo maanta ku geeriyootay London ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida lagu aaso isla magaalada London.
Maxamed Maclow Nuur oo ah Musukiiste ka tirsanaa hobollada qaranka ee Waaberi ayaa Radio Muqdisho uga waramay isagoo ku sugan magaalada London, wuxuuna tilmaamay in Allaha u naxariistee aysan Faadumo Qaasim ay xanuunsatay shalay kadibna la dhigay cisbitaalka iyadoo barqanimadii maanta halkaasi ku geeriyootay mana qabin ayuu yiri cudur weyn.
Musukiste Maxamed Macloow ayaa intaa ku daray in maalinta sabtida ah lagu aasi doono qubuuro ay leeyihiin muslimiinta oo ku yaala magaalada London. Waxeyna ifka kaga tagtay ayuu yiri 45 caruur ah oo isugu jira waxey dhashey iyo kuwii ay sii dhaleen.
Allaha u naxariistee Faadumo Qaasin Hilowle waxa ay fanka ku soo biirtay iyadoo  aad u yar oo Lix sano jir ah, waxaana shaqada dowladda loo qoray sanadkii 1966dii waxeyna aheyd fannaadad qaran oo can ka ah dalkeena Soomaaliya.
Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Allaha u naxariisto Fanaanada Faadumo Qaasimo Hilowle oo ku geeriyootay Isbitaal ku yaala Magaalada London

$
0
0

Fanaanada Faadumo Qaasim Hilowle ayaa saaka ku geeriyootay Isbitaal ku yaala Magaalada London ee dalka Ingiriiska, kadib markii maalmahan xanuunsaneysay.
Fanaanada ay dadka Soomaaliyeed u yaqaanaan Faynusti Fanka Faadumo Qasim Hilowle ayaa maanta ku geeriyootay Magaalada London ee xarunta dalka Britiain.
Fanaanada ayaa u dhimatay xanuun ay baryahan la jiiftay sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelkooda oo la hadlay warbaahinta.
Fanaaniinta hobolada Waaberi ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta kulan tacsi ay oo ay isugu yimaadeen waxay ku xuseen Fanaanada iyada oo ugu duceeyey in janadi Fardows uu ka waraabiyo ALLE.
Abwaanka caanka ah Axmadeey Cabdi Gaashaan ayaa sheegay in fanaanada ay aad uga qeyb qaadatay nooleynta fanka Soonaaliyeed, isaga shaqsi ahaana ay uga heystay afar ruwaayad oo uu allifay.
“Faadumo waxya iiga qeybgashay afar ruwaayad oo aan aniga sameeyey, waxaa ka mid ahaa ruwaayadi iigu horeysay oo ay ka heystay,” ayuu yiri Laashin Axmadeey Cabdi Gaashaan.
Abwaan Maki Xaaji Banaadir ayaa isna sheegay in Fadumo Qasim Hilowle ay aheyd qof aad ugu ad adkeyd hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed isla markaana gabdhaha uga digi jirtay marka ay masraxa soo korayaan in ay is qaawiyaan.
Abwaanka caanka ah Cabdi Dhuuf Yuusuf ayaa isna tacsi u diray qosyka ay ka baxday Fadumo Qasim isaga oo yiri: Faadumo hadii ay naga tagtay waxay noo reebtay dhaxal waayo waxaa idaacadaha yaala heesaheeda, sidoo kale waxay dhahay ubad hadaba qaar fanaaniin ah qaarna muusikistayaal ah,” ayuu yiri Cabdi Dhuux.
Faadumo Qaasim ayaa door weyn kasoo ciyaartay masraxa iyo fanka Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa heesaha kala duwan sida jaceylka, wadaniga iyo heesaha talan taaliga ee ay raga la qaadi jirtay.
Waxa ay si gaar ah caan ugu aheyd heesaha banaadiriga ama xamariga qofba sida uu u yaqaano oo ay ka aheyd fanaanada koowaad, iyadoo marka laga hadalayo dhanka raga ay inta badan lasoo qaaday heesaha fanaaniinta kala ah Axmed Naaji Sacad iyo Aweys Qamis Cabdalla Mabuuse.
Taageerayaal badan ayey ku laheyd masraxa Soomaaliyeed, waxaana heesaheeda kuwi ugu macaanaa laga xasuustaa, Ideey Igaar yahoow, Xabiibi, Ceelka Soo Jiid, Dalkeygoow, iyo heeso kale oo fara badan.

Faadumo Qaasim Hilowle oo Saaka ku geeriyootay magaalada London

Dhaawacyadii qaraxii Hargaha iyo Saamaha oo maanta loo duuliyay Turkiga

$
0
0

Dowlada Turkiga ayaa ka dhabeysay balan qaad ay xalay u sameysay dowlada KMG Soomaaliya kaasi oo ahaa in ay dalkeeda kusoo daweyn doonto dadka aadka u liito ee ku dhaawacmay qaraxi ka dhacay Muqdisho.
Munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cade ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dhoofiyey ilaa iyo 36 ruux oo ka mid ah dadku dhaawacmay qaraxi Ismiidaaminta ahaa ee Talaadadi lasoo dhaafay ka dhacay Magalada Muqdisho.
Dadka la qaaday ayaa ah kuwi ugu darnaa ee sida xun ugu dhaawacmay qaraxi ismiidaaminta ahaa, waxaana la socday qofkiiba hal ruux oo ehelkiisa ah oo la raacay diyaarad gaar ah oo ay dowlada Turkiga suoo dirtay.
Waxaa sidoo kale safarkaasi qiirada lahaa ka mid ahaa dhaqaatiir iyo saraakiil ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya.
Wasiirka garsoorka iyo Cadaalada Dowlada KMG Soomaaliya oo saxaafada kula hadlay garoonka wax yar ka hor inta aysan duulin diyaaradi qaadi laheyd bukaankan liita ayaa uga mahad celiyey dowlada Turkiga gacanta ay u fidasay dadka Soomaaliyeed.
Ilaaheey fadiligiis waxaa noo suura gashay in maanta la qaado 36 bukaan oo ay la socdeen dadki ehelkooda ahaa dhaqtar iyo dad ka tirsan dowlada, waa dufcadi koowaad oo dibada loo qaado, waxaan uga mahad celineynaa sida dhaqsaha ah ee ay uga soo jawaabtay dowlada Turkiga,” ayuu yiri.
In ka badan 100  ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxi wuxushnimada ahaa ee lagu qarxiyey xarunti Hargaha iyo Saamaha ee Magaalada Muqdisho oo xarun u ah wasaarado ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya.
Qaraxaasi oo galaaftay nolosha in ka badan 70 ruux ayaa waxaa u badnaa arday doonaysay in ay imtixaan u galaan deeq waxbarasho oo ay ka heleen dalka Turkiga.

Madax ka tirsan Dowladda oo maanta tagay Suuqa Bakaaraha iyo hawl-gallo laga fulliyay.+Sawiro

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta hawl-gallo saf balaaran leh ay ka fullisay Suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo dhinaca kalana ay maanta taggeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Somaliya.
Dowladda Somaliya ayaa waxay maanta Ciidamadda Qalabka Sida ay u daabushay Suuqa Caalamiga ah ee Bakaaraha, halkaasoo ay maanta hawl-gallo balaaran ka fulliyeen Ciidamadda Dowladda, waxayna ku soo qab-qabteen dhawr ka mid ah walxaha qarxa.
Ciidamadda Qalabka Sida ayaa waxay hal-hal ay u baareyn bakhaarada ganacsi ee ku yaalla Suuqa Bakaaraha, kahor inta aysan furin ayaa waxay iskugu yeereyn milkiila-yaasha Bakhaaradaasi, si’ay iyagoo dul taagan loogu sameeyo baaritaano.
Masuuliyiin ka kala tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Ciidamadda Dowladda iyo Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida, ayaa waxay goob joog ka ahaayeen sida ay Ciidamadda Qalabka Sida, ay baaritaanada balaaran u sameynayeen.
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya G/Sare Xasan Maxamed Xuseen “Muun-gaab”, oo goobtaasi kula hadlay warbaahinta, ayaa wuxuu daboolka uu ka qaaday in Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida, ay dooneyso oo kaliya inay baacsato kooxaha uu sheegay, inay taabacsan yihiin Xoogaga Shabaab.
Kooxaha taabacsan Shabaab ayaa wuxuu sheegay haddii ay ka soo dhex qabtaan Suuqa Bakaaraha, inay ku Maxkamadeen doonaan isla Bakaaraha, waayo buu yiri maaha kuwo marnaba loo-dul qaadan karaayo.
Taliye ku Xigeenka Ciidamadda Ammaanka/Booliska ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliyada Mudane Saciid Daahir Saciid, oo isna goobtaasi kula hadlay warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay in hawl-gallada ay maanta ka wadaan Suuqa Bakaaraha, ay la-xiriirto xaqiijinta ammaanka.
Ugu dambeen Gudoomiye ku Xigeenka Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliye Mudane Warsame Maxamed Xasan “Joodax”, oo isna madashaasi kula hadlay warbaahinta, ayaa wuxuu ganacsatada iyo shacabka Somaliyeed uu ugu baaqay, inay taageeraan Dowladda Soomaaliya, loogana hortaggo buu yiri kooxaha fitna-wada-yaasha ah.


Kulan ballaaran ay isugu yimaadeen Ururada Bulshada Rayidka oo lagu cambaareeyay qaraxii Hargaha iyo Saamaha

$
0
0

Kulan ballaaran oo maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Ururada Bulshada Rayidka deegaanada Ex Banaadir ayaa lagu cambaareeyay weerarkii lagu laayay shacabkii u badnaa Ardayda Soomaaliyed ee maalin ka hor ka dhacay Xarunta Hargaha iyo Saamaha ee nawaaxiga KM4. Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Wada hadalka Bulshada ayaa waxaa ka qeyb galay, Xubno [...]

Dagaalo culus oo laga cabsanaayo inay ka dhacaan magaaladda Dhuusa Mareeb iyo Shabaab oo ku soo dhawaaday

$
0
0

Dagaalo xoogan ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay ka dhacaan magaaladda Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, kadib markii laga war hellay in ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, ay magaaladda ku soo dhawaadeen.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ciidamadeeda ay maanta geysay duleedka magaaladda Dhuusa Mareeb, lamana oga sababaha dhabta ah ee ay ciidamadda u geysay, hase ahaatee waxaa laga cabsi qabaa inay dagaalo ka dhacaan magaaladda.
Ciidamadda Ahlu Sunna ee ku sugan magaaladda Dhuusa Mareeb, ayaa waxay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo hub, waxaana laga cabsi qabaa inay maanta dagaalo ka dhacaan magaaladda Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud.
Ciidamadda Ahlu Sunnah oo si weyn u hubeysan, ayaa waxay ku kala sugan yihiin qeybaha kala duwan ee magaaladda Dhuusa Mareeb, waxayna damacsan yihiin inay dagaalo culus la-gallaan kooxda Shabaab.
Bulshada ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaaladda Dhuusa Mareeb, ayaa waxay qabaan baqdin ku aadan inay dagaalo culus ka dhacaan magaaladda Dhuusa, oo la-sheegay inay Shabaabku ku soo dhawaadeen.
La-soco wixii ku soo kordha.

Dowladda KMG oo sheegtay inay jawaab ka bixin doonaan qarixii ay Al-shabaab ka geysteen Muqdisho

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradda Gaashaandhiga ay dib u bilaabi doonto howlgaladii iyo dagaaladii magaalada Muqdisho si ay gebi ahaanba ula wareegto magaalada muqdisho oo qeyb ka mid ah ay ku sugan yihiin ciidamada Al-shabaab.
 
Wasiirka Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa isagoo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in qarixii ka dhacay Muqdisho uu muujinayo in Al-shabaab aysan nabad dooneynin, wuxuuna intaasi ku daray inay dib u bilaabi doonaan dagaaladii ay kula jireen Xarakada Al-shabaab.
 
Wasiirka ayaan sheegin xilliga ay dib u bilaabanayaan dagaalada uu sheegay inay Muqdisho kula galayaan Al-shabaab, balse waxa uu sheegay oo kaliya inay mar dhow bilaaban doonaan.
 
Sidoo kale wasiirka Gaashaandhigga waxa uu sheegay inay jawaab deg deg ah ay ka bixin doonaan weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ay Xarakada Al-shabaab ka geysatay doraad magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Hargaha iyo Saamaha, kaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 80-ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 150-ruux.

qaar ka mid ah dhaawacyadii ku gubtay qaraxii ismiidaaminta oo loo qaaday Turkiga iyo mid ka mid ah oo diyaaradda ku geeriyooday

$
0
0

37-ruux oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee dorraad lala beegsaday wakaaladda Hargaha iyo Saamaha ayaa maanta loo duuliyey dalka Turkiga si halkaas loogu soo daweeyo.
 
Diyaaradda Turkish Airways oo barqanimadii maanta soo caga dhigatay Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa qaadday qaar ka mid ah dhaawacyadii halista ahaa ee dorraad xarakada Al-shabaab ay la beegsadeen xaruntii wakaaladda Hargaha iyo saamaha.
 
Waxaa la sheegayaa in mid 37daas ruux uu ku dhintay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, xilli la doonayay in la duuliyo, halka 36-dii ruux ee kale la qaaday.
 
Dhaawacyadaas la duuliyay ayaa qof walba waxaa la socday hal qof oo ehelkiisa ah,, iyadoo qaar ka mid ah dadka dhaawaca ahaa jirkooda uu si ba’an u saameeyay qaraxa, isla markaana ay gubteen, halka qaar ka mid ah xubnaha taranka ay ka gubteen.
 
Diyaaradda lagu qaaday dadkaas ayaa ah diyaarad ay ku rakiban yihiin qalab caafimaad, waxaana la socday Kaal-kaaliyeyaal caafimaad oo Turkish si ay u sii baxnaaniyaan inta ay hawada ku sii jiraan.
 

Diyaarad goor dhow lagu soo riday Soomaaliya

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bardaale ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan duuliyaha wadin ah ee wax basaasta lagu soo riday degaankaas.
 
Diyaaraddaas oo la sheegay in laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa mararka qaar waxaa loo isticmaalaa duqeymaha ay ciidamada Badda ee Mareykanku ka geysteen degaannada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ee ay ku sugan yihiin xarakada Al-shabaab.
 
Qiiq iyo uuro ayaa laga arkay meel aad ugu muuqata Bardaale waxaana laga maqlay deegaanka Jug xoog leh, iyadoo la sheegay in diyaaraddaas la soo riday oo aysan iskeed u soo dhicin.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live