Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Akhriso Maxaa ka soo kordhay Khasaaraha Qaraxii maanta ruxay Muqdisho.

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Shabelle oo weli u kuur galeysa Dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Qaraxii weynaa ee maanta ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa heshay Magacyada  Masuuliyiin iyo dad kale oo wax ku noqday weerarkaasi.
Dadka ku dhintay weerarkaasi ayaa waxaa ka mid ah 4 Wiil oo walaalo ahaa oo Magacyadooda lagu kala sheegay:-
1:-Maxamed Cali Maxamed
2:-Aweys Cali Maxamed.
3:-Axmed Cali Maxamed
4:-Salaad Cali Maxamed.
Sidoo kale waxaa isna ku geeriyooday Qaraxaasi Abukar daahiye oo ahaa xoghayihii Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya.
Waxaa kaloo ku geeriyooday sida ay noo xaqiijiyeen ehalladooda darawallo kaxeynayay Gaadiidka Xamuulka ah ee alaabaha ka soo rara Dekedda Muqdisho kuwaas oo laga Magac dhaway Buraale Cali Maxamed
Dhaawacyada waxaa iyagana ka mid ah Maxamed Sheekh Guddoomiyihii hore Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug iyo mid ka mid ah Masuuliyiinta sar sare ee Shirkadda Salam Somali Bank oo lagu Magacaabo Maxamed Aadan oo ay wehliyaan qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadaas.
Wixii dheeraad ah ee ku soo kordha kala soco barteenna Radio Shabelle.com.
The post Akhriso Maxaa ka soo kordhay Khasaaraha Qaraxii maanta ruxay Muqdisho. appeared first on Shabelle.


Akhriso Maxaa ka soo kordhay Khasaaraha Qaraxii...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Shabelle oo weli u kuur galeysa Dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Qaraxii weynaa ee maanta ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa heshay Magacyada Masuuliyiin iyo dad kale oo wax ku noqday weerarkaasi.
Dadka ku dhintay weerarkaasi ayaa waxaa ka mid ah 4 Wiil oo walaalo ahaa oo Magacyadooda lagu kala sheegay:-
1:-Maxamed Cali Maxamed
2:-Aweys Cali Maxamed.
3:-Axmed Cali Maxamed
4:-Salaad Cali Maxamed.
Sidoo kale waxaa isna ku geeriyooday Qaraxaasi Abukar daahiye oo ahaa xoghayihii Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya.
Waxaa kaloo ku geeriyooday sida ay noo xaqiijiyeen ehalladooda darawallo kaxeynayay Gaadiidka Xamuulka ah ee alaabaha ka soo rara Dekedda Muqdisho kuwaas oo laga Magac dhaway Buraale Cali Maxamed
Dhaawacyada waxaa iyagana ka mid ah Maxamed Sheekh Guddoomiyihii hore Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug iyo mid ka mid ah Masuuliyiinta sar sare ee Shirkadda Salam Somali Bank oo lagu Magacaabo Maxamed Aadan oo ay wehliyaan qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadaas.
Wixii dheeraad ah ee ku soo kordha kala soco barteenna Radio Shabelle.com.
storvideo: 

Daawo: ” Raga Cabanaya ee Leh Xafiisyo Ayaa nalaga...

$
0
0

Daawo:" Raga Cabanaya ee Leh Xafiisyo Ayaa nalaga Xidhay waxaa ka mid ah Siciid Sulub .. BBC da ayuu ka hadlay maalintii Siiraanyo Xabada lagu riday Annagaa Amarka bixinay ayuu yidhi Odayguna Edebdarro Ayuu Waday"
[embedded content]
storvideo: 

Daacish oo looga adkaaaday dagaalka magaalada Raqqa...

$
0
0

Is-bahaysiga Caalamiga ah ee uu hoggaamiyo maraykanka ee la dagaallamaya ISIS ayaa shaaciyey in ku dhowaad 100 xubnood oo ka tirsan Daacish si nabad ah looga saaray magaalada Raqqa ee waqooyi bari dalka Syria,kadib heshiis lala galay dagaallamaayashoodii ku go'doonsanaa degmadaasi oo ay inta badan la wareegeen Is-bahaysiga Maraykanka.
Heshiiska ayaa dhigaya"In dhammaan dagaallamayaasha Daacish iyo qoysaskooda ku go'doonsan degmada Raqqa aan wax dhib ah loo gaysan,islamarkaana ay ka baxaan magaalada",waxaana 24 saac ee la soo dhaafay halkaasi laga saaray ku dhowaad xubnood oo ka tirsan Daacish,sida lagu yiri bayaan ka soo baxay Is-bahaysiga Maraykanka.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in heshiiskaan looga golleeyahay sidii loo yarayn lahaa khasaaraha gaaraya dadka rayidka ah ee ku sugan magaalada Raqqa ee inteeda badan ay qabsadeen Ciidanka Demoquraaddiga ah ee Syria(SDF) oo taageero ka helaya Is-bahaysiga maraykamka.
Kolonyo gaadiid ah oo ay saaran yihiin dagaallamayaasha Daacish oo ka baxay Raqqa ayaa gaaray degaannada ay weli ku xooggan yihiin Daacish ee waqooyi bari dalka Syria,sida ay sheegeen goobjoogayaal,inkastoo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee ka baxday.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ka soo xigatay xubin kamid ah Golaha Rayidka degmada Raqqa Omar Alloush"in odoyaasha degaanka iyo nabadoonnada beelaha ay dhex-dhexaadiyeen heshiiska,si loo yareeyo khasaaraha rayidka soo gaaraya inkastoo aan dagaallamayaasha ajaanibta ah qayb ka ahayn heshiiska".
Alloush ayaa sheegay in dagaallamayaasha ajaanibta ah ay gabbaad ahaan u haystaan tiro badan oo rayid ah,si ay ugu khasbaan ciidamada Is-bahaysiga in ay ka joojiyaan duqaynta xooggan ee ku socota,balse lama hayo faahfaahin ku saabsan tirada rayid ka ee ku go'doonsan halkaasi.
Af-hayeenka is-bahaysiga Maraylanka Korneyl. Ryan Dillon ayaa dhinaca kale xaqiijiyey in xubnaha heshiiska ku baxay aanay ku jirin kuwa ajaanibta ah ee debadda uga yimid Daacish,wuxuuna yiri"Weli waxaan filaynaa dagaal adag oo maalmaha soo socda aan la galno dagaallamayaasha ajaanibta ah ee aan heshiiska ku jirin,kuwaasoo ku go'doonsan xaafado ku yaalla degmada Raqqa".
Hay'adaha Gargaarka ayaa dhankooda sheegaya in xaalad adag haysato dadka rayidka ah ee ku sugan xaafadaha go'doonsan ee magaalada Raqqa,waxayna ka digeen in dagaalka oo sii socdaa uga darayo nolosha rayidka ee awalba khatarta ku jirtay.
Is-bahaysiga ayaa ku dhawaaqay in 90% ay gacanta ku hayaan magaalada Raqqa oo ay kula dagaallamayeen Daacish tan iyo bishii June ee sannadkaan,xilligaasi oo ay iclaamiyeen guluf weyn oo ka dhan ah waxa loogu yeero"khilaafada Islaamka".
Raqqa waxay ku taalla Waqooyi bari Syria. Caasimadda dalkaasi waxay u jirtaa 500km.Waa magaalo is-tiraatiiji ah.Daacish ayaa ku dhawaaqday in ay tahay caasimadooda labaad ee ku taalla Shaam,kadib markii ay la wareegeen dhul weyn oo ka tirsan dalalka Iraq iyo Syria sannadkii 2014.
waxay hadda u muqataa in ay ka baxday gacanta ISIS,waana guul taarikhi ah oo laga gaaray dagaalka Daacish sida ay sheegayaan khubarada dhanka dagaalka,iyadoo dhowaan Daacish laga qabsaday caasimadoodii kuwood ee Mosul.
Laakiin dadka ka faallooda ururada xagjirka ah ayaa ka cabsi qaba in haddii gebi ahaanba laga adkaado Daacish ay suurto-gel tahay in urur ka sii xun soo baxo,iyadoo inta la ogyahay taariikhda xagjirka,markii la jebiyo ay soo baxaan kuwo ka sii daran qolodii hore.
PUNTLANDPOSTCabdiraxmaan Ciise Cumar
The post Daacish oo looga adkaaaday dagaalka magaalada Raqqa ee Dalka Syria. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dhageyso Waraka Habeen ee Idaacadda Shabelle.

Dhageyso Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.

Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Cidagale iyo...

$
0
0

Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Cidagale iyo Habaryoonis ee Taageera Xisbiga Wadani Oo La kulamay Madaxdhaqameedka Dhulbahante iyo Garaadka Dhubahante Oo U balan qaaday in ay Taageerayaan Ninka ay wataan

[embedded content]
storvideo: 

Ra iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka tacsiiyey...

$
0
0

Raisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii lagu hoobtay ee maanta ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.
Kheyre ayaa qaraxaasi ku tilmaamay mid Argagixisinimo, isagoo xusay in falkaan uu muujinayo Arxan darrada wax uu ku tilmaamay Nabad diidka Alshabaab, waxaana uu tilmaamay in dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ay ahaayeen shacab aan waxba galabsan oo nolol maalmeedkooda caadiga iska watay.
Ciidamada amaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayuu sheegay inay gurmad baaxad leh ay u sameeyeen dadkii qaraxa ku waxyeeloobay, isagoo dadka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan gurmadka socda dhiigna u shubaan walaalahood Isbitaalada jiifa.
Dhinaca kale raisul Wasaaraha ayaa kulan deg deg ah la leh caawa wasiirada iyo saraakiisha qaabilsan amaanka, waxaana looga hadlayaa qaraxan iyo talaabada xigta, iyadoo saraakiisha amaanka su'aalo laga weydiinayo sida ay ku fududaatay in qaraxa intaan le'eg la soo geliyo Magaalada.
Ugu yaraan 40 ruux ayaa la xaqiijiyey iney ku naf waayeen qaraxii maanta halka dad ka badan 100 kale oo dhaawacyo qaba la dhigay isbitaalada, waxaana jira dad nolol iyo geeri lagu yahay.
storvideo: 


Daawo: Waa Suaal Daweyne Dalka yaa iska leh ? Kuwa...

$
0
0

Daawo: Waa Suaal Daweyne Dalka yaa iska leh ? Kuwa Qabiilka Diidaayee ee Midimada Doonaa leh.. Ka Aan diidin hawshaa leh Kaan lacag ku doorsanoo Wax kasta u dulqaatoo u dibjiray dhisaa leh

[embedded content]
storvideo: 

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda oo si kulul uga hadlay...

$
0
0

Ra'isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo caawa la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay weerarkii ay argigixisadu gelinkii dambe ee maanta ku xasuuqeen shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan. "INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraayaa dhammaan qoysaskii iyo ehelladii ay ka geeriyoodeen dadkii ay weerarkii arxan darada ah u geysteen Shabaabku maanta, waxaan dhammaan umadda Soomaaliyeed mar kale xasuusinayaa inaan u gurmanno dadkii meesha wax ku noqday oo aan Alle u barino" ayuu hadalkiisa ku bilaabay Ra'isulwasaare Kheyre. "maanta qaraxii meesha ka dhacay waxa uu tilmaamayaa dhowr waxyaabood, koow waxa uu ahaa musiibo qaran oo aan rajeynayo in umadda Soomaaliyeed ay gacmaha isqabsan doonaan si aan uga soo kabsano, tan labaad waxa uu ahaa fariintii ugu dambeysay ee ay noosoo diraan kooxda Shabaab fariintaasoo aheyd inaanay ka naxeyn shacabka Soomaaliyeed, inaanay ka naxeyn carruur, inaanay ka naxeyn Hooyo, waayo waxa ay la beegsadeen meeshii ugu mashquulka badneyn Muqdisho" ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ra'isulwasaaraha Xukuumadda. Ugu dambeyntii waxa uu fariin u diray shacabka Soomaaliyeed isaga oo dhinaca kalena ka hadlay jawaabta ay Xukuumaddu ka bixin doonto ficilkan, dhinaca kalena waxa uu Ra'isulwasaare Kheyre ka hadlay gurmadka ay Dowaddu u sameysay dadki [...]
storvideo: 

Ciraaq: Xukuumada oo 24 saacadood u qabatay ciidamada Kurdiyiinta in ay kaga baxaan Kirkuk

$
0
0

Telefishan Kurdi ah ayaa sheegay in xukuumadda Ciraaq ay afar iyo labaatan saacadood oo dheeraad ah ku dartay mudadii ay u qabatay dagaalyahannada Peshmerga in ay kaga baxaan goobaha muhiimka ah ee la isku haysto ee ku yaal magaalada Kirkuk.

Ciraaq: Xukuumada oo 24 saacadood u qabatay...

$
0
0

Telefishan Kurdi ah ayaa sheegay in xukuumadda Ciraaq ay afar iyo labaatan saacadood oo dheeraad ah ku dartay mudadii ay u qabatay dagaalyahannada Peshmerga in ay kaga baxaan goobaha muhiimka ah ee la isku haysto ee ku yaal magaalada Kirkuk.
Saraakiisha nabadgelyada Kurdiyiinta ayaa hore u sheegay in ay u diyaar garoobayaan in ay difaacaan fadhiisinda ay ku leeyihiin magaalada, hadii ay soo weeraraan xoogagga Ciraaq, hase yeeshee waxay xukuumadda Ciraaq beenisay in ay muddo cayiman oo kama dambays ah u qabatay Kurdiyiinta.
Sabtidii ayaa waxa muddo kooban dagaal ku dhex maray magaalada maleeshiyo Shiico ah oo xukuumadda Ciraaq taageersan iyo dagaalyahannada Peshmerga.
Ciidamada Kurdiyiintu waxay magaalada Kirkuk ka qabsadeen maleeshiyaadka kooxda la baxday Dawladda Islaamka saddex sanadood ka hor.
Waxaa gobolkaa ka jiray xiisad sii kordhaysay tan iyo markii bishii hore la qabtay aftidii ay dadka Kurdiyiinta ahi madaxbannaanida ugu codeeyeen, ee ay xukuumadda Ciraaq ku tilmaantay cod bixinta sharci darrada ah.
storvideo: 

Somaliland: Gobollada dimuqraadiyada Soomaaliya

$
0
0

Somalind, waa qeyb kamida Soomaaliya waana Waqooyi Galbeed Soomaaliya, Caasimadda Maamulka Somalind waa Hargeeysa, Somalind 1991, waxay ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka go'en kana madax bannanyihiin Soomaaliya Adduunkana ictiraaf ka rabta welise ma aysan helin Aqoonsi Dawlad gooniya waana mida aan u istacmaalay inay yihiin qeyb kamida Soomaaliya, Gooni isu taaga Somalind wuxuu yimid kadib markii Dawladdii dhexe Madaxweyne Maxamad Siyaad Barre,ay meesha ka baxday 1991, xiligaas oo ay Jabhaddii Dhaqdhaqaaqa Qaranka Soomaaliyeed, Somali National Movement (SMN) ay gacanta ku dhigen Gobollada Waqooyi Galbeed Soomaaliya (Somalind).
Somaliland waxa lagu yegleelay Magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco 18kii May 1991kii. Waxa Burco iskugu yimi oo go' aan wada gaaray inta badan Beelaha Somaliland waxayna ku heshiyen koow inay is cafiyan deedna dhistan Dawlad ugoo niya.
Maamulka Somalind waxaa ka jira Seddex Golle, oo ah hannanka Dawladnimo Golaha wakiillada, Golaha Guurtida iyo Golaha fulinta, waxaa siidheer Golaha garsoonka. Somalind hannaanka dimuqraadiyaddeed ee ay dhisten kuna heshiiyeen waa mid u saamaxay inay ku naloodan nabad iyo xasilooni muddo 26, sanno ah waxayna ka dimuqraadisan yihiin Dawladdo badan oo kuyaal Afrika iyo Asiya in kastoo aysan iyagu Dawlad la aqoonsan yahay ahayn.
Somalind waxaa ka dhisan seddex Xisbi, Xisbiga Kulmiye, oo hada talada haya , Ucid iyo Wadani, Somalind Nofeembar2017, waxay u dariiri doonan Doorashada Madaxweynenimo waxana ku loolami doona seddexda Xisbi waxaana sharraxan seddexda Guddoomiye xisbi qeybta hoose ayan ku sharrixi doona siyaasiinta u sharaxan xilka Madaxweynenimo ee Somalind.
Is barbar dhig Somalind iyo Puntland)
Puntland waa qeyb kamida Soomaaliya waxay dhisan tahay 19, sannadood, waana ismamulkii labad ee ladhisay kadib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya Puntland dhanka siyaasadda waa ka duwan tahay Somalind waana maamulkii koowad ee hannanka Federalka lagu saleeyey" waxay ka dhaqaalo badan tahay Somalind waxayna ka dhul weyntahay Somalind,
Puntland 19, sanno waxay u gudbi la,dahay hannaanka Somalind oo kale oo ah mid shacabku doortan xildhibaanada iyo Madaxwenaha doorashadii ugu dambeysay ee Puntland ka dhacday Waxaa Maamul Gobolleedka Puntland isu soo sharraxay in ka badan 20, musharax, waxana ka guuleystay Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, wuxuuna xilkas ku helay inuu ballan qaaday inuu Puntland u rari doono Degal Dimuqraadiyad ah 2019,na PLD) codbixinta doorashada loo wada dareeri doono laakiin hada oo xilkiisii ay ka harsan tahay hal sanno, iyo dhawr bilood weli ma muuqato sansan looga guurayo hannankii qabaliga aha xasuusnoq Puntland Midnimada Soomaaliya ma diidana.
Koonfurta Soomaaliya oo ay madax u tahay Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya waxaa marka dorasho Madaxweyne dhacayso isu soo sharrax in ka badan 30, musharax, halka Somalind ay Seddex keliya isu sharaxaan jigada Madaxweynenimo, soo Gobolladdii Dimuqraadiyadda mahan Somalind?.Waxa xilka Madaxtinimo ee Somalind u tagan Seddex musharax oo can ka ah Soomaaliya, waa Rag Seddexaduba, waana seddex Nin oo Jamhuuriyadii dimuqraadiga ee Soomaaliya usoo shaqeyey,
1, Enjineer, Faysal Cali Waraabe, musharax Madaxweynenimo ee Soomaalind 2017, waa Enjineer, wuxuu labo jeer so baratamay Madaxweynenimada Somalind kumase guuleysan. Faysal Cali Waraabe, wuxuu soo noqday 1976 ilaa 1981 wuxuu ahaa Agaasimaha waaxda qorsheynta iyo Dhismaha ee wasaaradda hawlaha guud. 1981i ilaa 1984, Feysal Cali Waraabe wuxuu noqday Madaxii engeneerada dowladdii Hoose ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Feysal inta badan wuxuu saxaafadda ka sheega, gooni isu taaga Gobollada waqooyi Galbeed Soomaaliya Somalind), inay tahay muqadas, wuxuuna adeegsada Erayo, ay ka mid ahayeen Qofkii Soomaaliya laga maqlo Carrabka ha laga gooyo. Waa Guddoomiyaha xisbiga Ucid Koonfurta Soomaaliya wuxuu u yaqaan Walaweyn, oo ah Degmo kamida Gobolka Shabeelaha hoose.
Musharax Muuse Biixi waa sargaal Duuliya 1970-kii waxa uu ka midnoqday ardeydii loo-qaatay in loo-soo tababaro carbiska saraakiisha oo uu kusoo-qaatay waddanka ruushka Akadammiyada-barashada cilmiga duulimaadka diyaaradaha gaar ahaan nooca dagaalka (Fighter-bomber aircraft-M28). soo-noqadkiisi waxa uu ka midnoqday Ciidamadii-cirka ee Soomaaliya kuwoodii ugu cad-cadaa xaga ciidamada Militeriga ee Cirka. Waa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.Musharax Cabdiraxmaan Cirro, 1981-1988, wuxuu soo noqday uqeybsanaha Madaxa-waaxda iskaashiga dhaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Somalia.1988-1991-wuxuu soo qabtay Qunsulkii dan wadaagaha safaaradda Ruushka u fadhiyey Soomaaliya .1997-1998 wuxuuna soo noqday Guddoomiyaha Golaha wakiiladda Somalind waana Guddoomiyaha xisbiga Wadani.
Seddexduba waxay ka siman yihiin gooni isu taaga Somalind1,Madaxweyneyaashii Somalind soo maray Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur wa madaxweynihii ugu horeyey,2, Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamad Ibrahin Cigaal3, Daahir Riyaale Kaahin,4, Axmad Maxamad Maxamuud Siilanyo
Siyaasiinta Somalind markii la weydiiyo Midnimada Soomaaliya waxay xujo ka dhigan markii Koonfuri dawladnimada ku heshiiso hanala hadlan bal Koonfuri ha heshiiso iyo waanu ku hongownay midnimadii lixdankii.
Xasuusnow waxaa jira wada hadal u dhexeya Somalind iyo Soomaaliya, waa sida ku qoran warqadaha wada hadalka, ee Turkigu hormuudka ka yahay..
Hambalyo ayaan leeyahay nabada iyo xasiloonida maamulka Somalind, waa qeyb kamida Soomaaliya oo ah Gobolladii Dimuqraadiyadda SoomaaliyaW/Q: Cabdinuur Faarax MaxamuudFalanqeeye arrimaha bulshadaAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan - Online. - Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada -@live.com Mahadsanid
storvideo: 

Maxaa ka jira in DF Somalia ay lacag siisey...

$
0
0

Garoowe (- Online) - Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo kasoo laabtay safar uu ku tagay waddamada Zambia iyo Kenya ayaa ka hadlay socdaalkiisa, arrimo la xariiray mowqifkiisa shirka Kismaayo iyo qaabka warbaahintu u tabisay warar sheegayay inuu taageero lacageed ka helay xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.
Camey oo saxaafadda kula hadlayay Garoowe, ayaa beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay lacag xilli uu sii maray Muqdisho kahor intuusan tagi magaalada Nairobi.
"Waxyaabo faro badan bay ila tahay ayaa miidiyadu sheeg sheegaysay, waxaan cadaynayaaa inaysan jirin cid aan kula kulmay Xamar sii socodkii iyo soo socodkii, lacag la i siiyay oo markaa uga baahnaa dowladda Federaalka Soomaaliyana inaysan jirin," Ayuu yiri Camey.
"Dadka Bayroolka dowladda ku jira ee burushka Xaaraanta ah sita, waxaan leeyahay war umadda u tura idinkuna la fihiina u tura, waxaan leeyahay wararka beenta ah ee la fidinayo ha la joojiyo." ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo aan caddayn cidda uu hadalkaas ula jeedo, balse markii uu ka dhoofayay magaalada Garoowe maalmo kahor waxaa joogay TV-ga dowladda kuwaasoo ka duubay codkii uu kaga hadlay shirka Kismaayo ee warbaahintu isticmaashay kaasoo dhaliyay muranka badan, waloow TV-ga xukuumadda Puntland laga reebay hadalkaas uu ku naqdiyay shirka Kismaayo qodob wareedkii waqtigaas baxay.
Camey ayaa sidoo kale beeniyay inu aqoon u leeyahay Fahad Yaasiin islamarkaana aysan jirin xiriir labadooda dhex maray. Mar uu ka hadlayay sababta keentay in lagu shaabadeeyo inuu lacag ka qaatay dowladda Soomaliya wuxuu ku macneeyay mowqifkiisa Shirka Kismaayo.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay inuusan jiri doonin fasax dambe uu u qaadanayo inuu la kulmo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay casuumad u fidisay maamul goboleedyada, si looga xaalo arrimaha taagan isagoo ugu baaqay inay laga shaqeeyo midnimada dalka.- OnlineXafiiska Garoowe-@live.com
storvideo: 

Daawo wareysi: Ciilmooge oo ka hadlay siyaasada Somalia


Xog: Halkee ayuu ka yimid gaarigii xamuulka ahaa ee...

$
0
0

Muqdisho (- Online) - Xogo dheeraad ah ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, kaa oo ka dhashay khasaaro aad u baaxad weyn.
Khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa sii kordhaaya waxa ayna Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho baahisay in khasaaraha dhimasho uu ku dhow yahay 50, halka dhaawacuna uu kor u dhaafay 100 qof, iyadoo la sheegay in dad kale weli ay ku hoos jiraa dhismeyaal ku soo dumay Qaraxa.
Gaariga Qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa Gaari Xamuul ah, waxaana lagu sheegay inuu ahaa TM laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qaraxa.
Gaariga ayaa ka imaaday Gobolka Shabellaha Hoose, waxa uuna kasoo galay Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.
Wadaha Gaariga ayaa la sheegay inuu awood kusoo jiiray ciidamada dowlada ee ku sugan Siinka dheer, xili lagu hayay baaritaan.
Ciidamada ayaa wadaha gaariga ku xujeeyay damiin balse waxa uu sheegtay nin Ganacsade ahaa oo aan la carabaabin magaciisa, waxaana xigay inuu awood kusoo jiiray ciidamada.
Ciidamada ku sugnaa Siinka dheer oo aan xiligaa heysan gaari ay kusoo eryaan ayaan u suuragalin inay qabtaan, waxaana xigay Qaraxa, kadib markii uu soo galay magaalada Muqdisho.
Gaariga ayaa waxaa saarnaa alaabo u badnaa bagaash waxa uuna qasdigiisu ahaa Hoteel Safaari oo xiligaa uu ka socday Shirk khaas u ahaa mid kamid ah beelaha dega magaalada Muqdisho.
Ciidamo farabadan ayaa la dhigay dhammaan wadooyinkii uu soo maray gaariga, iyadoo ciidamada lagu amray feejignaan dhanka amniga ah.
Magaalada Muqdisho ayaa laga soo bilaabo bishii September marti galineysay dilal iyo Qaraxyo lixaad leh, waxaana arrintaasi loo sababeynayaa mushaar la'aan ku dhacday ciidamada dowlada muddo Seddex bil ah.
Si kastaba ha ahaatee, Meydad iyo dhaawacyo aan la aqoon ayaa buux dhaafiyay Isbitaalada Muqdisho, kuwaa oo ku waxyeeloobay Qaraxii ismiidaaminta ahaa.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Suuriya: Heshiis laga gaadhay sidii rayidka looga daad gurayn lahaa Raqqa

$
0
0

Waxa heshiis lagu gaadhay in dadka rayidka ah lagaga daad gureeyo magaalada Raqqa ee dalka Suuriya basas, halkaas oo ay kooxda la baxday Dawladda Islaamka ee gacanta ku haysa ay go'doomiyeen dagaalyahannada xulufada Maraykanku hogaaminayo ee Carabta iyo Kurdiyiinta ah.

Biyo gelinta Tog Wajaale

$
0
0

Madaxweyna somaliland axmed siilaanyo ayaa shalay xadhiga ka jaray biyo gelin loo sameeyay magaalada tog-wajaale , taasoo noqoneysa markii ugu horeysay ee wajaale hesho biyo nadiif ah oo qasabad ah.

Suuriya: Heshiis laga gaadhay sidii rayidka looga...

$
0
0

Waxa heshiis lagu gaadhay in dadka rayidka ah lagaga daad gureeyo magaalada Raqqa ee dalka Suuriya basas, halkaas oo ay kooxda la baxday Dawladda Islaamka ee gacanta ku haysa ay go'doomiyeen dagaalyahannada xulufada Maraykanku hogaaminayo ee Carabta iyo Kurdiyiinta ah.
Af-hayeen u hadlay xulufada ayaa sheegay in heshiiskan oo ay ka shaqeeyeen saraakiil goobta joogaa, uu dhigayo in kolonyada basaska ah ee rayidka magaalada ka daad guraynayaa ay ka baxaan magaalada Sabtida, hase yeeshee aan la ogalayn in ay dagaalyahannada ajaanibta ah ee kooxda Daacish aanay ku jirin dadka la daad guraynayo.
Dagaalka halkaa ka socda ayaa la filayaa in uu maalmo kale sii socdo ilaa iyo inta goobtaas oo ay ku xooganyihiin Daacish si buuxda looga xoraynayo, ayuu af-hayeenkaasi ku daray.
Xoogagga Dimuqraadiga ah ee Suuriya ayaa mudo afar bilood ah ba go'doon ku hayey magaalada, waxaanay sheegeen in boqol ka mid ah dagaalyahannada Dawladda Islaamku maalmihii u dambeeyey isku soo dhiibeen.
storvideo: 

100 dumar iyo Orodada: Maryan Nuux Muuse

$
0
0

Bishan waxay BBC-du wadday barnaamijo taxane ah oo lagu eegayey doorka duruufaha haweenka dunida ee qarnigan 21aad, waxaana si gaar ah loo eegayey haweenka ku guulaystay in ay ka gudbaan dhibaatooyinka la soo darsay.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live