Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

South Sudan oo UNESCO u gudbisay liiska goobo taariikhi ah

$
0
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa sheegtay in South Sudan, oo ay dagaalo sokeeye ka socdaan, ay markii ugu horeysey u gudbisay liis ay ku qoran yihiin goobaha loo aqoonsan karo dhaxal aadame oo ku yaal dalkaas. .


South Sudan oo UNESCO u gudbisay liiska goobo...

$
0
0

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa sheegtay in South Sudan, oo ay dagaalo sokeeye ka socdaan, ay markii ugu horeysey u gudbisay liis ay ku qoran yihiin goobaha loo aqoonsan karo dhaxal aadame oo ku yaal dalkaas.
Goobahaas waxa ka mid ah, dhulka biyo fadhiisinka ah ee Sudd oo ah goobta ugu weyn dunida ee biyo fadhiisin dabiiciya ah.
Goobaha kalena waxa weeye meesha ay bannaanada ay cawshu daaqdo ee ay xiliyada sanadka kolba dhan ugu hayaanto, goobta saddexaadna waa qalcad la dhisey xilligii addoonsiga.
Liiskan ayaa ah kii ugu horeeyey ee South Sudan ku dooneyso in ay goobahaa dalkeeda ku yaal noqdaan goobo loo aqoonsado in ay yihiin dhaxal aadame, hadii codsigeeda la aqbalona waxa suurto gelaysa in caalamka ka dalbato in lugu caawiyo dhaqaale lagu daryeelo oo lagu ilaaliyo goobahaas.
storvideo: 

Murugada Muqdisho ka jirta

$
0
0

Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa waxa ay burburka dhismooyinka hoostooda ka baadi goobayaan inay jirto cid ka badbaadday qaraxii lixaadka lahaa ee shalay ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

Dawlada Federaalka oo Shaacisay Qasaaraha Nafeed ee...

$
0
0

Dawlada Federaalka ayaa xaqiijisey in 276 ay u geeriyoodeen qaraxii shalay 14ka October 2017 ka dhacay isgoyska Zope ee KM5 ee magaalada Muqdisho, dhaawacana ilaa 300 oo isbitaalada magaalada la kala geeyey. Weli waxaa lagu guda jiro gurmad qaran oo waxii soo kordha dib laga soo sheegi doono. Meydadkan ayaa 111 ka mid ah ay qoysaskooda aasteean halka inta kale ay Dawlada Federaalka iyo Dawladda Hoose ee Xamar ay si sharaf leh u aaseen, iyadoo loo wada sameyn doono baroordiiq heer Qaran ah iyo duco maalmaha soo socda. Dawaladda Federaalka ayaa u mahadcelisay shacabka, cidianka, shaqsiyaadka is-xilqaamay, Maamulka Gobolka Benaadir iyo dhammaan dadkii gacanta ka geystay tan iyo shalay markii qaraxa dhaca ilaa iyo hadda oo wada gurmad aan kala go' laheyn. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada, Wasiirka Amniga Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo mas'uuliyiin kale ayaa dhiigooda ku yaboohay dhaawacii si loogu dabiibo. Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa dalka Turkiga baajiyey isagoo kulamo muhiim ah la lahaa Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha dalka Turkiga. Madaxda Qaranka ayaa ku guuleystay inay codsi gurmad ay weysdiisteen waddamada aan saaxiibanada nahay oo qaarkood ay ka soo jawaabeen, sida Dawladda Turkiga oo aqbashay soona direysa [...]
storvideo: 

Gudaha Ka Eeg :Xisbiga UCID Oo Caawa Barnaamijkiisa...

$
0
0

Waxaa caawa hotel Rays Ee Magaalada Borama lagu soo bandhigay Barnaamijka Siyaasiga ah Ee Xisbiga UCID .
Waxaana xafladda bandhiga ka soo qeyb-galay masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga UCID oo uu hormuud u ahaa Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Fasyal Cali Waraabe, Gudoomiye ku Xigeenka Kowaad Ee UCID C.naasir Buuni , isla markaana ay wehelinayeen Masuuliyiinta Xisbiga Ee Heer-gobol iyo Heer-degmo iyo Dad-wayne aad u tiro-badan oo soo buux-dhaafiyay Hoolka, Si ay uga qeyb-qaataan, isla markaana ay goob-jooga uga noqdaan madasha lagu soo bandhigayo Barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbiga UCID .
Waxaana halkaasi lagu soo bandhigay Barnaamijka Xisbiga UCID, oo ah barnaamij casri ah oo dalkan u horseedayaa barwaaqo iyo horumar .
Bulshadii madashaas ku sugnayd ayaa aad u dhuganayay, una dhagaysanayay markii aqoonyahanka Xisbigu ay ku nuux-nuuxsanayeen Barnaamijka Xisbiga, waxaanay kaga fal-celinayay sacab iyagoo aad-na u soo dhaweenayay .
Murashaxa Madaxweyne Ee UCID ayaa gabogabadii xafladaasi uu ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay, taas oo uu nuxurkeedu ahaa in bulshada Reer Somaliland ay codkooda ugu hiilin lahaayeen qarannimada, oo ay dooran lahaayeen Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID .

storvideo: 

Daawo :Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali...

$
0
0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Muqdisho .
Hoos Ka Daawo Muuqaalka .
[embedded content]
storvideo: 

Dowladda Soomaaliya shaacisay khasaaraha rasmiga ah...

$
0
0

Mudisho(SONNA) Dawlada Federaalka ayaa xaqiijisey in 276 ay u geeriyoodeen qaraxii shalay 14ka October 2017 ka dhacay isgoyska Zope ee KM5 ee magaalada Muqdisho, dhaawacana ilaa 300 oo isbitaalada magaalada la kala geeyey. Weli waxaa lagu guda jiro gurmad qaran oo waxii soo kordha dib laga soo sheegi doono. Meydadkan ayaa 111 ka mid ah ay qoysaskooda aasteean halka inta kale ay Dawlada Federaalka iyo Dawladda Hoose ee Xamar ay si sharaf leh u aaseen, iyadoo loo wada sameyn doono baroordiiq heer Qaran ah iyo duco maalmaha soo socda.
Dawaladda Federaalka ayaa u mahadcelisay shacabka, cidianka, shaqsiyaadka is-xilqaamay, Maamulka Gobolka Benaadir iyo dhammaan dadkii gacanta ka geystay tan iyo shalay markii qaraxa dhaca ilaa iyo hadda oo wada gurmad aan kala go' laheyn.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada, Wasiirka Amniga Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo mas'uuliyiin kale ayaa dhiigooda ku yaboohay dhaawacii si loogu dabiibo. Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa dalka Turkiga baajiyey isagoo kulamo muhiim ah la lahaa Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha dalka Turkiga.
Madaxda Qaranka ayaa ku guuleystay inay codsi gurmad ay weysdiisteen waddamada aan saaxiibanada nahay oo qaarkood ay ka soo jawaabeen, sida Dawladda Turkiga oo aqbashay soona direysa diyaarad qaas ah oo dhaawaca lagu qaado. Sidoo kale dawladda Turkiga ayaa soo direysa takhaatiir iyo wafdi heer sare ah oo u imaanaya inay xaalada qiimeeyaan isla markaasna u gurmadaan dhaawacyada. Sidoo kale wadamada deriska ah oo ay ka mid yihiin Djibouti, Kenya iyo Ethiopia ayaa iyagana diyaar u ah inay gurmad takhaatiir iyo daawooyin ah soo diraan.
Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa magacaabay Guddi heer wasiiro ah oo ay ku jiraan xubno ka socda bulshada rayidka iyo culumaa'udiinka. Guddigan ayaa waxaa la shaqeeya dhalinyaro si mutadawacnimo ah u howlgalayey tan iyo shalay oo kormeer ku sameeyey isbitaalada iyo goobta qaraxa ka dhacay. Sidoo kale ciidanka ayaa si xowli ah uga qeybqaadanayey gurmadka oo 400 askari ayaa tan iyo maanta ku howlanaa nadiifinta goobta qaraxa ka dhacay iyadoo si taxadar leh guryaha burburay looga baarayey dad nool iyo meydba. Ugu yaraan labo qof oo nool ayaa laga soo dhex saaray guryahaas kuwa ka mid ah.
Waxaa socda gurmad la isu raadinayo dadka kala maqan ama la la'yahay iyo mid dhaqaale loogu ururinayo dadkii waxyeeladu soo gaartay iyo dhismayaashii burburay. Sidoo kale waxaa socda wacyigelin ballaaran oo bahda warbaahinta iyo culumada ay si xoog leh uga qeybqaadanayaan, loona baahanyahay in la sii joogteeyo.
Waxii soo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiineynaa.
storvideo: 

Gudaha Ka Eeg : Shil Sababay Dhimashada Sadde-Ruux...

$
0
0

Waxaa caawa Musiibo Shil Baabuur ahi ay ka Dhacdey isgoyska Saba-xareed Ee Degmada Maxamuud Haybe Ee Hargaysa, Ka dib markii Gaadhi yar oo ah nooca loo yaqaan Toyota Indhacadde uu ku dhacay sabbadd ku taallay isgoyska sabaxareed .Gaadhigan ayaa waxaa saarnaa Lix-ruux, oo mid ka mid ahi ay ahayd ruux dumar ah, waxaana wararka hordhaca ahi sheegayaan in saddex ruux ay geeriyoodeen halkii saddexdii kale ay xaaladoodu culustahay.Dadkan ayaa wali aan la aqoonsan haybtooda, balse waxay ahaayeen dhamaantood dhalinyaro .

storvideo: 


Ra’iisul Wasaaraha oo xalay kormeer ku tagey goobtii...

$
0
0

Home WARARKA GUDAHA Ra'iisul Wasaaraha oo xalay kormeer ku tagey goobtii uu Qaraxu ka dhacay+Sawirro)
SHARE
Facebook
Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDowladda Soomaaliya shaacisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qarixii Soobe.
Next articleMagaalada Raqqa ee Syria oo ka sii baxaysa gacanta Daacisho

storvideo: 

Magaalada Raqqa ee Syria oo ka sii baxaysa gacanta ...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Syria(SONNA) Wararka ka imaanaya dalka Syria ayaa sheegaya in Xoogaga ka dagaalamaya magaalada Raqqa ee mareykanku taageerayo ay duulaankii u dambeeyey ku qaadeen maleeshiyaadka kooxda Daacish ee halkaasi ku sugan.
Waxaa lagu soo waramayaa in koxda Daacish ay isaga bexeen halkaasi markii ay daremeen hujuumaad culus oo kaga imaanaya dhinaca xooggaga ka hor jeeda.
Laakiin tiro aan badneyd ayaa magaalada dhexdeeda baaqi ku ah, kooxaha soo duulayna waxay sheegeen in ay dagaalka wadayaan ilaa ay magaalada ka sifeynayaan maleeeshiyaadka diidan in ay is dhiibaan.
Magaalada Raqqa ayaa ahayd goobta ugu weyn oo fariisinta u ahayd Maleeshiyadaasi,iyadoo talaabadan ay dhabar jab xooggan ay ku noqonayso Daacish.
Muddo sanado ah oo ay socdaan dagaalada ka dhanka ah Daacish ayaa waxaa ay galaafteen nolosha kumanaan ruux iyo barakaca malaayiin kale,qoxootiga Syriyaanka ah ayaa galay qaar kamid ah wadamada dersika ah halka qaar kalena ay gaareen wadamada Yurub.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleRa'iisul Wasaaraha oo xalay kormeer ku tagey goobtii uu Qaraxu ka dhacay+Sawirro)

storvideo: 

Madaxweyne farmaajo oo sagootiyay qaar ka mid ah...

$
0
0

16th October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa booqday Xarunta Gurmad Qaran oo ay ka socdaan hawlaha gurmadka iyo baadigoobka dadka lagu la'yahay qaraxii argagixisanimada ahaa ee Zoobe.
Madaxweynaha ayaa khadka teleefanka kula hadlay dad la soo wacay xarunta oo baadi goobaaya dad ay ilaa haatan ku la'yihiin qarixii, waxa uuna u sheegay Madaxweynuhu in dowladdu ay samaynayso dadaal kasta oo wax loogu qabanaayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay dhallinyarada iskood isu xilqaamay ee howl-wadeenada ka ah barnaamijka Gurmad Qaran, waxa uuna ku bogaadiyey wadaniyadda ay muujiyeen iyo sida hagrasho la'aanta ah ee ay isu abaabuleen si ay dhibka ula qaybsadaan dadkooda.
Dhinaca kale, Madaxweynahu waxa uu tagay garoonka diyaardaha ee Aadan Cadde halkaas oo uu ku saagootiyey qaar ka mid ah dhaawacyada oo loo qaadaay dalka Turkiga.
Madaxweynaha ayaa halkaas ka guddoomay Wasiirka caafimaadka dalka Turkiga Mudane Axmed Demirkaan tacsi uu ka siday Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha dalkiisa.
Wasiirka ayaa yiri "Mudane Madaxweyne, waxa aan dhambaal tacsi ah idiin ka sidaa Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan iyo Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Bin Cali Yildirim. Waxa aan halkan u imaanay si aan idiin la qaybsanno murugada, markastana waa idiin muujinnaa in aan idin garab taagannahay."
Madaxwyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay garab istaagga Turkiga ay u sameeyeen Soomaaliya mid ay ka filaayeen, maadaama labada dal ay ka dhaxeeyso xirriir qoto dheer iyo iskaashi walaaltinimo.
"Turkiya shacab iyo dowlad, waa ku mahadsantihiin sida aad ugu damqateen walaalihiina Soomaaliyeed, waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday."
Post navigation
- Mukhtaar Roobow "haddii siddaan jano lagu rabo jidkeedii midkaan ma ahan ee Towbad keena". Dhurwaayo iyo Bisado is eeganaya -
storvideo: 

Daawo: Xisbiga Wadani Oo Gegada Diyaaradaha Ee...

$
0
0

Daawo: Xisbiga Wadani Oo Gegada Diyaaradaha Ee Hargaysa ku soo dhaweeyey Mid ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Ee Dalka UK
[embedded content]
storvideo: 

Qaraxii Zoobe: Beesha Caalamka…Yaa Ka Hadlay, Yaa Ka...

$
0
0

Qaraxa sabtidii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo qof waxaa ka hadlay dunida inteeda badan dalalka ugu waaweyn laakin inta wax qabatay ayaa aad u yar.
Qaraxan oo ahaa kii ugu waxyeellada badnaa ee abid ka dhaca Soomaaliya, waxaa ka xumaaday dalal badan oo caalamka ah, dalalka lagu sheego saxiibada Soomaaliya waxaa laga filayey gargaar iyo garab istaag dhab ah, waxaana illaa shalay socday in dadka isweydiiyaan dalal iyo ururro.
Dalalka Turkiga, Djibouti iyo Qatar waxaa ay dhibaatada qaraxii Zoobe uga qeyb-galeen si ka duwan dalalka kale, marka laga reebo dalalka aamusay, waxaa jiray dalal iyo hey'ado si kulul u cambaareeyay sida ay wax u dhaceen.
Waa Qoraal ku saabsan dalalka wax qabtay, dalalka hadlay iyo inta laga rabay in ay waxqabtaan balse aan warkooda la heynin illaa hadda taas oo dad badan isweydiin-doonaan.
Kenya:
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxaa ka mid ahaa madaxda cambaareeyay weerarka Zoobe isaga oo sheegay in uu aad uga naxay.Mareykanka:
Qoraal axaddii ka soo baxay Washington waxaa lagu cambaareeyay qaraxa Zoobe iyaga oo sheegay in Mareykanka uu sii wadi-doono garab istaagga Soomaalida dagaalka ay kula jiraan argigixisada iyo sidii loo heli lahaa Nabad iyo Barwaaqo.Ingiriiska:
Boris Johnson, oo ah xogheyaha arrimaha dibadda waxaa uu sheegay in London ay cambaaeryneyso falkaasi fulaynimada ah kaas oo lagu dilay dad badan oo aan waxbo galabsan.Faransiiska:
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron waxaa uu sheegay: "Waxaan garab taaganahay Soomaalida, waxaan taageerayaa midowga Africa sidii loola dagaali lahaa argigixisada"Turkey:
Ankara, waxaa ay soo dirtay dhakhaatiir iyo shaqaale caafimaad, waxaa kale oo ay qaadey 34 qof oo dhaawacyo culus ka soo gaareen qaraxoo Zoobe si dalkeeda loogu soo daweeyo, wafdiga Muqdisho yimid waxaa ku jiray wasiirka caafimaadka Turkiga Ahmet Demircan .Qatar:
Dalka Qatar waxaa uu Muqdisho keenay diyaarad gaar ah oo sidday daawo iyo qalab caafimaad isaga oo ka mid noqday dalalka aan hadal keliya ku ekaan ee waxqabad ku daray.Canada:
Ra'isul wasaaraha Justin Trudeau ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii dhaleeceeyay weerarka Muqdisho, arrintaas waxaa uu ku sheegay tweeterkiisa.Masar:
Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar waxaa lagu sheegay in qaraxyadaasi aanu ka gacmo-duubi-doonin Soomaalida sidii ay dalka dib ugu dhisi lahaayeen iyo dhameystirka hey'adaha dowliga ah, waxaa kale oo weerarka cambaareysay Jaamacadda Azhar.Qaramada Midoobey:
Antonio Guterres, xogheyaha qaramada midoobey ayaa ka mid ah madaxdii cambaareysay qaraxa Muqdisho, waxaa kale oo qoraal soo saaray golaha ammaanka.Midowga Africa:
Madaxa midowga Africa Moussa Faki Mahamat ayaa ballanqaaday in Soomaalida ay garab istaagayaan xilligan qatarta ah, isaga oo booriyay in federaalsm-ka laga shaqeeyo.IGAD:
Urur goboleedka IGAD waxaa uu ka mid ahaa ururadii ugu horeeyay ee cambaareeyay qaraxa Zoobe iyaga oo ballan-qaaday in ay sii wadayaan la dagaalanka argigixisada.Jaamacadda Carabta:
Maxamud Cafiifi oo ah afhayeenka xogheyaha guud ee Jaamacadda carabta ayaa sheegay in Axmed Abuu Geyth uu ku celiyay sida Jaamacadda carabta uga go'an tahay garab istaagga Soomaaliya iyo la dagaalanka argigixisada.
Sida uu qoray bogga Alkhaleej, Imaaraadka waxaa uu cambaareeyay falka argigixisada ah, isaga oo sheegay in uu garab taagan yahay xukuumadda Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa jira su'aalo la iska weydiinayo waxqabadka Jaamacadda Carabta oo sida muuqata dalal ku jira badankooda laga helay cambaareyn oo keliya, waxaa kale oo dadka ay isweydiiyeen dalal iyo ururo badan oo caalami ah, kuwaas oo la sheegao in ay Soomaaliya daneeyaan.Qaar ka mid Ah Ra'yiga baraha bulshada:Xigasho: Goobjoog News
storvideo: 

Dhurwaayo iyo Bisado is eeganaya

$
0
0

16th October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxwaynaha Maraykanka Mr,Trump ayaa waxa la waydiiyey suaal ku saabsan madaxda Africa,wuxuu ku jawaabey waa Dhurwaayo ku dagaalama cashuurta ay ka qaadeen shicibkooda.
Maxaan oran karnaa madax gobleedyada Soomaliya dhaqankooda anshaxa xun iyo dabamarka sharciga wadanka guud ahaan, gaarahaan kan Dawlada dhexe iyo kan Gobolada ,waxa ay sameenayaan oo ah ,Qaran dumis Cadaaladxumo,Musuqmaasaq,kalaqaybin,Horumarla'aan ,Shaqola'aan,Amaandaro,Laxisaabtanla'aan iyo masuuliyad daro,kala damayn la'aan iyo qaar kaloo badan .
Waxaa muhiim ah in la is waydiiyo waa maxay dawlad iyo shaqada masuulka ? Dawlad waa qoon isu tegay ama wadan buuxa ha ahaado ama Gobol ama Degmo iwm oo ku tashaday in ay maamul iyo nidaam samaystaan si ay isu xukumaan kaasoo u ogolaanaya in ay magcawdaan ama doortaan masuuliyiintii hawshaa u wadi lahayd sidaa darteed dawladu waa shicibkaas samaystay nidaamka iyo horjoogaha (Masuulka) wadaya hawsha Masuulka waa hogaamiyaha ay doorteen shicibku waana adeegaha umada, shaqadiisuna waa horumarinta wadanka ama gobolka in uu keeno, Amaan sugan Ilaalinta SHarciga, Cadaalad ,Sinaan DHaqaala abuur(kobcin),kor uqaadista Waxbarashada ,Caafimaadka, Kobcinta Beeraha, Isgaarsiinta Cirka,DHulka,Badda iyo kuwo kaloo badan.
Maanta waxaan aragnaa Masuuliyiinta dawladgoboleedyada Soomaaliya in ay ku guuldaraysteen shaqadii loo idmaday iyagoo toos isaga indha tiraya waxayna samaynayaan waa arimaha aan kor ku soo xusnay kana soo horjeeda Diinta islaamka iyo Biniaadanimada maxaakeenay in ay sameeyaan shaqo aan loo idman maxaase u fududeeyey .
Dhawr arimood ayaa keenay in ay wado khalad ah maraan. 1- Huguri ( greed ) waxay gacanta ku dhigeen ilihii dhaqaalaha si buuxdana ula wareegeen.2-Awood (power)waxay kaloo lawareegeen awoodii Gobolka in ay ayagu qofkay rabaan magcawdaan iyadoo aan la eegin aqoonta iyo khibrada qofkaas,kii ay rabaana eryaan markay dantooda ku fushadeen .3-Kala qaybi oo xukun waxay ka faaiideesteen barnaamijkii four point five (4.5) waxay ku guulesteen in ay bulshada kala qaybiyaan jiifafka qabiiladana dhaqaale ku kaxaystaan si ay u wasaqeeyaan sharaftooda ,taasina waxay keentay in koox yar oo isku qabiil ah iyo kuwa ay wadan kar
Qoraagu waa khabiir Soomaaliyeed
Mohamud.M.Hassan mhkamin@yahoo.ca
storvideo: 

“Qarixii Muqdisho oo Soomaalida mideeyay”

$
0
0

Lix sano kadib qarixii Hargaha iyo Saamaha, isla goobtii ayaa xarun looga dhigay hawlaha gurmadka.


UNHCR oo Walaac ka muujisay Xaaladda Nololeed ee Barakacayaasha Muqdisho

$
0
0

Nairobi ( Sh. M. Network )-Hay’adda UNHCR ayaa ku baaqday in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo in ka badan 12,000 Qoys oo ka soo barakacay Gobollada Dalka, kuwaas oo soo buux dhaafiyay Kaamamka Ku yaalla Magaalada Caasimadda ah Muqdisho.
Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa sheegtay in xaalad nololeed tii ugu xumayd ay haysato kumanaan kun barakacayaal ah oo ku sugan Magaalada Muqdsiho.
Warbixin ka so baxday Xafiiska hay’adda UNCHR ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ka badan 12,000  Qoys oo qaxooti ah ay ku so biireen kuwii horay ugu noolaa Kaamamkasi, Islamarkaana ay hada ladaala dhacayaan daruufo daran oo dhinaca nolasha ah,
Hay’adda ayaa sheegtay in barakayaashaasi ay hada la il daranyihiin dhibaatooyin dhowr ah oo iskugu jira Cunno la’aan  Biyo yari  iyo Hooy la’aan , ismarkaana ay u baahanyihiin gargaar Caalami ah.
Sidoo kale Hay’adda UNCHR  ayaa xustay inta badan baracayaashani ay ka yimaadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, sida Marko, Qoryooley, Kuntuwaaray iyo deegaano kale.
Sikastaba ma’ahan markii ugu horeyay oo ay hay’adda UNHCR walaac ka muujiso xalaadda nolosha dadka  barakayaasha ah ee kusugan gudaha Soomaliya
 
 
The post UNHCR oo Walaac ka muujisay Xaaladda Nololeed ee Barakacayaasha Muqdisho appeared first on Shabelle.

“Qarixii Muqdisho oo mideeyay Soomaalida”

$
0
0

Taariikhdu markay ahayd 4tii Oktoobar, sanadkii 2011-kii, ayaa gaari kuwa xamuulka ah oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyay, lagu qarxiyay xaruntii Hargaha iyo Saamaha oo markaas xafiis u ahayd wasaarado dhowr ah ee dowladdii kumeelgaarka ee Soomaaliya.
lix sano ayaa kasoo wareegatay qaraxaasi oo wixii ka horaayay maalintii sabtida ee lasoo dhaafay ahaa kuwii ugu qasaaraha badnaa, waxaana la sheegay in ay ku dhinteen illaa 100 qof oo u badnaa arday rajo ka qabay in deeq waxbarasho loogu qaado dalka Turkiga, kuwaas oo magacyadooda ka fiirsanayay wasaaradda waxbarashada oo halkaas ku tiilay.
Sabtidii xarunta Hargaha iyo Saamaha waxa ay markale marti u noqotay masiibo kale oo dalka ka dhacday, waxayna tani timid kadib markii dowladda ay ku dhawaaqday in Hargaha iyo Saamaha ay tahay xarunta gurmadka qarixii ka dhacay isgoyska Soobe.
Waxaa halkaas la'isugu geeyay dhalinyaro mutadhawiciin ah iyo saraakiil dowladeed oo ka shaqaynaya hawlaha gurmadka masiibadii ka dhacday isgoyska Soobe, maalintii sabtida ee ay taariikhda ku beegnayd 14-kii Oktoobar, 2017-ka.
Inta la xaqiijiyay 276 qof ayaa ku dhimatay qaraxaas oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 300 qof.
Ma jirto masiibo xadkan la'eg oo markaliya dadka intaas la'eg ay ku dhinteen inta la xusuusanyahay taariikhda dhow ee Soomaaliya sida uu sheegay madaxa gaadiidka gargaarka degdega ah ee Muqdisho, Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.
Dhacdadan oo aysan jirin cid ku dhiirata in ay sheegato waxa ay dowladda ku eedeysay ururka Alshabaab.
Soomaalida meel kasta oo ay joogaan, gudaha iyo dibada, iyo xitaa dadkii siyaasadda ku kala aragti duwanaa ayaa si isku mid ah uga wada damqaday dhacdadan, waxaana socda olole loogu gurmanayo dadkii ku waxyeeloobay masiibadan.
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo todobaad ka hor shir ay Kismaayo ku qabteen ku dhaleeceeyay dowladda dhexe ayaa iyaguna cambaareeyay qaraxa, waxana ay ku baaqeen in meel looga soo wada jeedsado Al-shabaab, meelna la'iska dhigi siyaasadda la'isku hayo.
Balse ururka Al-Shabaab kamaysan hadlin weerarkaa dadka badan ay ku dhinteen, mana jirto koox sheegtay illaa iyo hadda.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u gurmadaan dadka, gaar ahaan wuxuu baaq u diray dadka leh xirfadda caafimaad in ay tagaan goobaha caafimaadka si loo daweeyo dhaawacyada boqolaalka ah.
Dadka intooda badan waxa ay shubayeen dhiigooda, halka kuwa kale ay ka qeybqaadanayaan hawlaha gurmadka, sida burburka dhismayaasha oo wali hoostooda laga baadi goobayo dadka laga yaabo in ay ku hoos jiraan.
Xarunta Hargaha iyo Saamaha dadka ku sugan waxa ay sameeyeen ciwaano baraha bulshada oo ah oo loogu magacdaray Gurmad252, halkaas oo ay ku baahinayaan xogaha la xiriira qaraxa, sida dadka wali maqan, kuwa la hayo ee balse ehelkooda wali aanan helin, magacyada dadka dhintay, waxayna sidoo kale ka jawaabayaan wicitaanka dadka ehelkooda maqanyihiin.
Magaalada Gaalkacayo, koox dhalinyaro ah ayaa lacago ay uruuriyeen ku iibiyay shixnad daawo ah oo loo soo rarayo magaalada Muqdisho.
Dalka Sweden dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku sugan ayaa uruuriyay lacag ka badan $12,000 doolar oo ay ugu talagaleen gaadiidka gurmadka degdega ah ee Amin sida uu wargeyska Quartz u sheegay Cabdi Caddoow oo abuuray ciwaan bogga yabooha lacageed lagu uruuriyo ee GofundMe.
Dadka inta badan isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan Facebook waxa ay sawirkooda koowaad saarteen astaan muujinaysa murugada qaraxa, halka shirkadda Facebook ay dadka u ogolaatay in ay isticmaalaan adeeg uu qofka ku sheegayo in uu badqabo.
Dad badan oo shalay isugu soo baxay fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa dhaleeceeyay ururka Alshabaab, waxayna iyaga oo caraysan ku baaqeen in meel looga soo wada jeedsado Alshabaab.
Dareenka banaanbaxayaasha waa mid ay la wadaageen dad badan oo aanan tagin dibadbaxa, dhacdadanna waxay ahayd mid mideysay quluubta Soomaalida oo dhan, in ka badan dhacdooyinkii kale ee dalka soomaray.
Inkasta oo dowladda ay samaysay dadaal aad u baaxad weyn illaa heer madaxdii ugu saraysay ay ka qeybqaadanayaan gurmadka, haddana qaraxa Soobe wuxuu banaanka soo dhigay dhaliisha weyn ee dowladda marka ay timaado in wax laga qabto masiibo heerkan la'eg ee qaraxyadu sababaan.
Adeegyada dab damiska iyo gaadiidka gurmadka degdegga ah ee dhaawacyada daadgureeya eek a howgala Muqdisho dhammaan waa kuwa gaar loo leeyahay.
storvideo: 

UNHCR oo Walaac ka muujisay Xaaladda Nololeed ee...

$
0
0

Nairobi ( Sh. M. Network )-Hay'adda UNHCR ayaa ku baaqday in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo in ka badan 12,000 Qoys oo ka soo barakacay Gobollada Dalka, kuwaas oo soo buux dhaafiyay Kaamamka Ku yaalla Magaalada Caasimadda ah Muqdisho.
Hay'adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa sheegtay in xaalad nololeed tii ugu xumayd ay haysato kumanaan kun barakacayaal ah oo ku sugan Magaalada Muqdsiho.
Warbixin ka so baxday Xafiiska hay'adda UNCHR ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ka badan 12,000 Qoys oo qaxooti ah ay ku so biireen kuwii horay ugu noolaa Kaamamkasi, Islamarkaana ay hada ladaala dhacayaan daruufo daran oo dhinaca nolasha ah,
Hay'adda ayaa sheegtay in barakayaashaasi ay hada la il daranyihiin dhibaatooyin dhowr ah oo iskugu jira Cunno la'aan Biyo yari iyo Hooy la'aan , ismarkaana ay u baahanyihiin gargaar Caalami ah.
Sidoo kale Hay'adda UNCHR ayaa xustay inta badan baracayaashani ay ka yimaadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, sida Marko, Qoryooley, Kuntuwaaray iyo deegaano kale.
Sikastaba ma'ahan markii ugu horeyay oo ay hay'adda UNHCR walaac ka muujiso xalaadda nolosha dadka barakayaasha ah ee kusugan gudaha Soomaliya
storvideo: 

Double standards: ‘Why aren’t we all with Somalia?’

Agaasimaha Wakaaladda SONNA oo Sacuudiga kulan kula...

$
0
0

Jiddah (SONNA) Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxman Heybe iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee ku sugnaa Magaaladda Jiddah ee Dalka Sacuudiga, halkaasi oo ay uga qeyb galeen shirweynihii 5-aad ee Wakaaladaha wararka Islaamka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda Wakaaladdaha Wararka Islaamka ee Shirkaasi kasoo qeyb galay.
Madaxda ay la kulmeen Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo wafdigiisa waxaa kamid ah Wakaaladaha Pakistan, Tunisia, Aljeria, Jordan, Imaaraadka Carabta, sucuudiga iyo maleysia, waxayna kala hadleyn Xoojinta xiriirka kala dhaxeeya, Iskaashi iyo Wadashaqeyn, siddii ay isku dhaafsan lahaayeen Khibradaha iyo in Mustaqbalka dhow ay galaan Hishiisyo wax ku ool ah.
Agaasimaha Wakaaladad Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Mudane Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxman Heybe, ayaa sheegay in Madaxda Wakaaladdihii ay la kulmeen uu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii dib loogu soo celin lahaa Maqaamkii Wakaaladda SONNA ay ku laheyd Caalamka, ayna u balan qaadeen Fulinta Codsigii uu ujeediyey.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live