Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xog laga helay ismiidaamiyihii qaraxa Zoobe iyo...

0
0

MUqdisho (- Online) - Saraakiisha Baaraysa Weerarkii lagu dilay in ka badan 300 Qof Sabtidii ayaa aaminsan in Ismiidaamiyuhu uu ka aargudanayay Howgal ka dhacay August Deegaanka Bariire, sida ay daabacday Jariiradda The Guardian.
Warbixinta Wargayska waxay intaasi ku dartay in Ninka waday Gaariga Wayn ee Xasuuqa ka gaystay KM5 uu horay u ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda, kaasoo markii dambe ku biiray Kooxda Alshabaab. Waxaana Wargaysku leeyahay waxay Baarayaasha Kiiskan noo xaqiijiyeen in Ninka falka gaystay uu ka caraysnaa Weerarkii ka dhacay Beer ku taala Bariire.
Weeararka KM 5 waxaa ku dhintay in ka badan 300 qof, taasoo ka dhigan inuu yahay Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Caalamka wixii ka dambeeyay 11 September. Wali burburka Dhismayaasha ayaa laga baadi goobayaa Maydad. Iyadoona la la'yahay illaa iyo 100 Qof.Al-Shabaab ma sheegan Masuuliyadda Weerarkaasi, balse Xubin ka tirsan Kooxda oo la qabtay wuxuu Baarayaasha u sheegay in Kooxdoodu ay masuul ka yihiin Weerarkaasi.
Baare ayaa u sheegay Wargayska in hadda arrintu u cadahay, Wuxuuna sheegay in Weerarka ay ku lug lahaayeen 2 Gaari oo mid yahay kan xasuuqa gaystay oo ay ku sheegeen inuu siday 350kg oo Qaraxyo ah iyo Gaari kale oo ah Toyota Noah. Isagoona ku doodaya in 2-da Gaari ay ku wajahnaayeen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ah goob si wayn loo waardiyeeyo, ayna ku yaalaan Xarunta Qaramadda Midoobay, Safaaradaha intooda badan iyo Xarunta Ciidanka Midowga Afrika.
Qorshaha ayaa ahaa in Gaariga yar lagu billaabo Weerarka, kaas oo loo qorsheeyay inuu ku hor qarxo Albaabka Medina Gate ee laga galo Xeradda Xalane, si uu wadada ugu xaaro in Gaariga wayn uu si fudud ku galo, taasoo ah Xeelad ay Maleeshiyaadku u dajiyeen Weerarkooda.
Gaariga yar Qaraxa kadib ayeey Ciidamaddu ku joojiyeen meel Boqolaal Mitir u jirta halka Weerarka u qorshaysnaa, kadibna Ismiidaamiyihii ayaa la qabtay, lana xiray, Gaarigiina wuu qarxay.
Darawalkan Gaarigan yar ee la qabtay waxa uu ahaa Nin waqti badan ku soo jiray Maleeshiyadda Alshabaab, kana qayb galay Weerarkii Hotel Jaziira ee Sanadkii 2012-ka, markaas oo la weeraray Hoteelka, iyadoo uu dagan yahay Madaxwaynihii hore Xasan Sh oo xilligaas aan wali la caleema saarin.
Ismiidaamiyaha gaystay Xasuuqa faraha badan ee waday Gaariga TM ka waxay baarayaashu u sheegeen The Guardian inuu ku biiray Ciidanka Soomaaliya 2010-kii, kadibna uu ka goostay Ciidanka, kuna biiray Kooxda Alshabaab 5 Sanno kadib oo ku beegan 2015-kii.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 


Italy Ma Usoo Bixi Doonta Koobka Aduunka

0
0

Waxaa galabta lagu dhawaaqay isku aadbka ciyaaraha lagu kala soocayo xulalka ugu danbeeya ee Qaarada Yurub ee aadi doona koobka aduunka ee sanadka danbe ka dhici doona dalka Russia.

Reer Bosaaso oo Gurmad Dhaqaale u Sameeyey Dadkii Ku...

0
0

18th October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Lacag Aruurin ayaa Caawa Laga Sameeyay Magaalada Boosaso,taas oo loo aruuriyey Dadkii Ku Waxyeeloobay Weerarkii Isgoyska Zoobe - Muqdisho.
Halkan Hoose ka Akhriso Shirkadaha iyo Shacabka Magaalada Bosaaso Lacagtii ay Bixiyeen.
Shirkadaha Dahabshil/Somtel : $ 30,000 (Sodon Kun Oo Doolar).
Shaqaalaha Shirkadda Golis Waxey Ku Deeqeen : $ 10,000 (Tobon Kun Oo Doolar).
Madaxweyne Gaas Wuxuu Jeebkiisa Ka Dhiibey 10,000 $ (Tobon Kun Oo Doolar).
Wasiiro madasha joogey Waxay ku deeqeen 1,000 $, (Kun doolar) Shirkado Ganacsi, Carwooyin iyo Shaqsiyaad ayaa Labaxay Tobanaan Kun Oo Doollar.
Sidoo kale Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Ayaa ku Deeqday 50,000 (Konton Kun Oo Doolar).
Post navigation
- Madaxweynaha Puntland oo Kulan Aan Cadi Ahayn Laqaatay Golaha Wasiirada Puntland. Somalia bombing may have been revenge for botched US-led operation -
storvideo: 

Italy Ma Usoo Bixi Doonta Koobka Aduunka

0
0

WASHINGTON. D.C --
Waxaa galabta lagu dhawaaqay isku aadbka ciyaaraha lagu kala soocayo xulalka ugu danbeeya ee Qaarada Yurub ee aadi doona koobka aduunka ee sanadka danbe ka dhici doona dalka Russia.
Talyaaniga ayaa si toos ah ugu soo bixi waayay marki ugu horreysay ku dhawaad 20 sano, balse hadda waxaa ka xigta inuu ka mid noqdo xulalka ka qeybgali doona ciyaaraha aduunka ee 2018-ka, laba is arag oo uu la dheeli doono xulka Sweden.
Xulalka kale ee Yurub, waxay isugu aadeen sidaan. Waqooyiga Ireland ayaa fooda dari doonta Switzerland. Hadii ay kasoo badiyaan waxay noqoneysaa marki ugu horreysay oo ay aadi doonaan koobka aduunka muddo 31 sano ah kadib.
Xulka kale ee ay mataanaha yihiin ee Jamhuuriyadda Ireland ayaa ku dhaceysa xulka . Halka Croatia ay la ciyaari doonto Greece.
Ciyaarahaan ayaa dhici doona bisha November ee soo socota.
storvideo: 

Faah-faahinta Kulamadi Caawa ee Koobka Yurub

0
0

Waxaa caawa fiidkii xilliga Yurub dhacay ciyaaro xiiso leh oo ka tirsan wareega koowaad ee koobka kooxaha horyaalada Yurub.

Faah-faahinta Kulamadi Caawa ee Koobka Yurub

0
0

WASHINGTON. D.C --
Waxaa caawa fiidkii xilliga Yurub dhacay ciyaaro xiiso leh oo ka tirsan wareega koowaad ee koobka kooxaha horyaalada Yurub.
Kooxda Liverpool ayaa wacdaro la yaab leh ka dhigtay dalka Slovenia kadib marki ay 7-0 kusoo xaaqday kooxda Maribor.Goolasha waxaa min laba kala dhaliyay Roberto Firmino iyo Mohamed Salah, halka saddexda kalana ay kala qeybsadeen Philippe Coutinho, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Trent Alexander-Arnold.
Waxay aheyd guushuu ugu cusleyd ee ay abid koox Ingiriis ah kusoo gaarto meel ka baxsan Britain tartanka Yurub.
Kooxaha kale ee British-ka ah ee guulaha kasoo hooyay koobka Yurub waxaa ka mid ah Manchester City oo 2-1 ku maquunisay kooxda Napoli ee dalka Talyaaniga.
Manchester City 20-ki daqiiqo ee ugu horreeyay ciyaarta ayay iska boobsiisay Napoli, waxaana goolasha u dhaliyay Raheem Sterling iyo Gabriel Jesus. Naoli oo ciyaar wanaagsan soo bandhigtay qeybti danbe ayaa heshay laba rigoore, kii hore waxaa khasaariyay Dries Mertens waxaa ka qabtay goolhaye Ederson, balse rigoorihi labaad waxaa gool u dhaliyay Amadou Diawara. Wuxuu ahaa goolkiisi ugu horreeyay ee uu u dhaliyo Napoli.
Ciyaaraha kalana kooxda difaacaneysa koobka ee Real Madrid ayaa ku dhacday in ay magaalada Madrid uga badiso naadiga Tottenham ee dalka Ingiriiska. Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay bar-barro 1-1 ah. Tottenham ayaa hogaanka ciyaarta ku qabatay gool uu kooxdiisa ka dhaliyay Raphael Varane oo difaaca uga ciyaara Real Madrid, balse Real waxaa goolka bareejada rigoore ugu dhaliyay Ronaldo.
Spartak Moscow waxay 5 - 1 ku qabatay Sevilla. Feyenoord waxaa 2-1 ku cuntay Shakhtar Donetsk. Besiktas waxay 2-1 ku khaarijiday Monaco. Porto waxay 3-2 kusoo khasaartay kooxda RasenBallsport Leipzig, halka APOEL Nicosia iyo Borussia Dortmund ay ku kala baxeen 1 - 1.
storvideo: 

Mooryaantu ma naxdo

0
0

18th October 2017 admin Category :
Akhriso mid ka mid ah qaswadayaasha Soomaaliya halkaa dhigay qoraalka uu soo dhigay Baraha Bulshada. Halka Soomaali inteeda kale ay Gurmad ugu jiraan sidii ay deeq iyo dawooyin u g aaarsiin lahaayeen Umaddii Soomaaliyeed ee dhibka loogu gaystay magaalada muqdisho

XASUUQII ZOOPE SU'AALO BADAN AYAA KASOO LAABTAY!Maalin Sabti ah 14 bishaan ayay ahayd markii weerar argagixiso oo...
Opslaet af Mahad Salad pa 17. oktober 2017

storvideo: 

Sawirro: Habkii taliyayaasha Amisom ay uga qeyb...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Waxaa weli isbitaalada Muqdisho ka socda Gurmadka dhiiga loogu yaboohayo dhaawacyada ay waxyeelada kasoo gaartay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Gurmadka dhiiga ayaa waxaa hadda socda wajiga labaad oo ay ku gurmanayaan Taliyayaasha, Saraakiisha iyo Ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaalada Muqdisho.
Saraakiisha bixineysa Gurmadka dhiiga ayaa waxaa ku jira Saraakiil cadaan ah oo kasoo kala jeeda wadamada reer galbeedka ee garabka siiya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Federaalka ah ee Somalia.
Taliyayaasha dhiiga bixiyay ayaa waxaa ugu horeeyay taliyaha guud ee ciidamada AMISOM General Osman Noor Soubagle kaa oo dhiiga looga shubay xarun caafimaad oo ku dhex taalla taliska guud ee ciidamada AMISOM ee Xalane.
Sidoo kale waxaa dhiig shubay askay ka tirsan ciidamada AMISOM kuwaas oo sidoo kale muujiyay dareenkooda ku aadan musiibadii 14-ka bishan Oktobar ka dhacday isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho.
Taliyayaasha, Saraakiisha iyo Ciidamada AMISOM ee dhiiga ugu yaboohay dhaawacyada ayaa la sheegay in dhammaantooda ay yihiin Muslimiin isla markaana ay dareenka la qeybsanayaan walaalahooda Soomaalida.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Sawirro: Qalabkii sahlay in DF ay soo saarto dadkii...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa ku guuleysatay badbaadinta dhaawacyo farabadan oo ku hoos jiray dhismooyinkii ku burburay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Dowlada Federaalka ayaa sidoo kale soo saartay tirro Meydad ah oo ku hoos jiray dhismooyinka burburay, maalmo kadib Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe.
Dowlada ayaa waxaa badbaadinta iyo helida Meydadka iyo dhaawacyada ka saaciday qalab casri ah oo ay keentay Qaramada Midoobay oo lagu ogaanayo dadka nool ee ku hoos jira burburka dhismooyinka.
Dowlada Federaalka ayaa waxaa qalabkaasi u hagaayay shaqaale u tababaran sheegista dhaqdhaqaaqa iyo in qof nool uu ku hoos jiro burburka ka dhashay qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Shaqaalaha iyo qalabkooda oo laga dalbay dalka dibadiisa ayaa saacadihii ugu danbeeyay lagu wareejiyay goobta oo weli laga shakisan yahay inay ku jiraan dad nool nool.
Sidoo kale, Shaqaalaha caafimaadka iyo hay'addaha gurmadka deg dega ah ee ku howlan musiibada ayaa sheegay in mar hore loo baahnaa qalabka.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

DF oo go’aan KMG ah ka qaadatay gaadiidka xamuulka...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Xukuumada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan gaadiidka xamuulka lagu xanibay Dekadda magaalada Muqdisho.
Maryan Aweys Jaamac oo ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Somalia, ayaa sheegtay in si KMG ah gaadiidka xamuulka ay ugu sii jiri doonaan Dekadda sababo la xiriira dareenka shacabka oo aad u kacsan.
Wasiirada ayaa sheegtay in ay ka fakarayaan habka ugu haboon ee Gaadiidka Dekada Muqdisho ka qaada xamuulka loogu fasixi lahaa magaalada, waxa ayna cadeysay in qorshaha ugu dhow uu noqon doono in xili gaara loo sameeyo.
Wasiirada ayaa sheegtay in shacabka magaalada ay aad uga naxsan yihiin musiibadii ka dhacday Isgooyska Zoobe, sidaa aawgeed aysan suuragal aheyn in gaadiidka xamuulka ah lagu fasaxo magaalada.
"Xukuumadu go'aan cad ayay ka qaadan doontaa qaabka ay gaadiidka xamuulka ah ku isticmaali karaan waddooyinka Muqdisho si looga badbaado halistooda"
Sidoo kale, Wasiirada waxa ay sheegtay in Shaqaalaha Dekedda ay si weyn uga qeyb qaadanayaan Gurmadka loo fidinaayo dadka dhibaateysan.
Dhinaca kale, waxaa hada socda gurmad kala duwan oo loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii 14-kii bishan maalin Sabti ah ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaa oo loo adeegsaday Gaari nooca weyn.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

XASUUQII ZOOBE SU’AASHII GURMADKA KA DIB NOOGA DHIG!!

0
0

XASUUQII ZOOBE SU'AASHII GURMADKA KA DIB NOOGA DHIG!!
Oct 18, 2017 -

Waxan jeclaystay inaan qodob-qodob u dul istaago dhaliisha Xil. Mahad Salaad ee aan waqtigeeda la joogin qaarkeedna aan ka turjumaynin xaqiiqda jirta laguna marin habaabinayo gurmadka ay shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka aan saxiibka nahay la garab istaagayaan dhibanayaashii ay ku habsatay masiibadii ka dhacday Sabtidii hore Isgoyska Soobe.
Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa "Qadiyad walba xiligeeda laga hadlaa" qofka waxaa fiican inuu misaan saaro marxaladaha lagu jiro ka hor inta uusan wax amaanin ama uusan dhaliilin, waxaa jirta xili laguu dhago raaricinayo, lagugu amaani, ama lagaa abaal marin hadii aad soo jeediso dhaliil, balse nasiib daro dhaliisha uu qalinka u qaatay Xildhibaan Mahad Salaad oo cinwaankeedu "XASUUQII ZOOPE SU'AALO BADAN AYAA KASOO LAABTAY!" dhamaan dadkii fal-celinta ka bixiyey 90% waxay naqdiyeen qoraalkiisa kuna tilmaameen midaan xiligaan munaasab ahayn.Qodobada dhaliisha ah ee Mahad Salaad ayaan mid mid u dul istaagayaa:1. Gurmadka Deg Dega ah: Waxaan ku sugnaa meel aan ka fogayn goobta qaraxu ka dhacay, gawaarida dam-damiska ah iyo Ambalasyadu waxay goobta soo gaareen wax ka yar 30 daqiiqo, waxayna bilaabeen in ay daad gureeyaan dadka dhaawaca ah dabkana damiyaan,
2. Ka hadlka dhacdada: Marka dowladu arinta ka hadlayso waxaa lagama maarmaan ah in ay hayso tirakoob sax ah, si looga fogaado is bar baryaacii horay u jiri jiray iyo kala hadlakii xiliyada qaraxyadu dhacaan, waxaa hadli jiray dowladihii hore. Afhayeenka Wasaarada Amniga, Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta, Afhayeenka Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Booliska, waxayna sheegi jireen hadlo badan oo isburinaya, taas oo shacabka niyad jab u keeni jirtay, balse dowladu waxay go'aansatay in macluumadka la aruuriyo kadibna masuul loo xilsaaray uu ka hadlo. Arinta kale dhibka meesha ka dhacay baaxadisa ayaa sabab u ah in wax badan la ogaado.
3. Tacsida madaxweynaha: Tacsi boog ma daaweyso kaliya waxaa ay muujisaa sida looga xun yahay waxa dhacay, madaxda qaranku waxaa dadaalkooda isugu geeyeen sidii loo ilaalin lahaa amniga, loogu gurman lahaa dadka dhibaataysan, wadamada saxiibka aa nahayna loo weydiisan lahaa gar gaar bani'adanimo. Taas ayaa ka muhiimsan tacsi lagu hormaro.
4. Sheegida 30 oo dhimasho ah: Sida aan ku naqaano masiibooyinka noocaan ah waxaa markasta dhacda in khasaaruhu uu mar marka kale ka soo bato, kuna bilowdo tiro yar ilaa maalmo kadib la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee ka dhacay meesha.
5. Gaariga wadadu soomaray: Inta Muqdisho joogta waa og yihiin wadooyinka ay isticmaalaan gawaarida waaweyn iyo kuwa aya ka xiran tahay. Laga soo bilaabo Isgoyska Taleex ilaa Soobe iyo Banaadir ilaa wadada Xamar ka baxda waxaa ay u furnayd gawaarida waaweyn oo habeen iyo maalinba marta. Mana jirin sabab loola yaabo ama loo celiyo gaari weyn oo maraya wadadaas, waa sax in la is weydiiyo sababta loo soo baari waayey ee loo soo daayey, taasna waa isla xisaabtan hada socoda waana sugayna natiijada ka soo baxda baaritaanka.
6. Gurmadka dadka: Taarikhda intii Xamar qarax ka dhacayey waa qaraxii aysan dowladu u kala harin madaxdeeda iyo maamulka gobolka Banaadir, heer waxaa madaxdu gaartay in galab iyo subaxba ay booqdaan isbitaalada, goobaha gurmadku ka socodo, qaabilitaanka wufuuda keenaysa gurmadka, daabulida dhaawacyada iyo iyadoo waliba hab maamus ahaan ay noo muuqatay Ra'iisul Wasaare Kheyre oo ku soo dhaweynaya garoonka saraakiil caafimaad iyo wasiiro, isagoo u muujinaya ilaa xadka ay ku farax san yihiin gurmadka ay la soo gaareen, waxaa marna doorkiisa la inkiri karin Godoomiye Taibit oo habeen iyo maalin u taagnaa gurmadka iyo caawinta dadka dhibataaysan isagoo waliba shaqada gacmaha kula jiray oo qofna aan ku aaminaynin.
Xildhibaan Mahad waxaan xasuusinayaa inuu ka mid ahaa madaxdii ka qayb galaysay xafladii 1 Luuliyo 2016, ee ka socotay gobolka Banaadir, halkaas oo heeso iyo ciyaaro kala duwan ka socodeen, halka qarax ka dhacay 6 saac ka hor xaflada Hotel Naaso Hablood 1 ee ku yaala No. 4 ay ku naf waayeen 20 qof, intaa kabadan ku dhaawcmeen. Waxaa dad badan habeenkaas la murugaysnaayeen Wasiir Burci Xamsa oo ahaa Diwaankii Soomaaliya, qolkiisu ku dumaay aan Maydiikisa xataa laga soo saarin ilaa subixii danbe.
Xildhibaane habeenkii xaalku ma kula saxsanaa, mase ka hadashay in aysan munaasab ahayn xafladayn iyadoo dhiiga shacbku quban yahay laamiga no, 4 gala, Wasiir dowlada ka tirsana XFS wali meydkiisa aan laga soo bixin qolkiis oo ku dumay.
Mudane Xildhibaane ma xisaabin karno wax dhacay xiligaad masuuliyad weyn ka soo qabtay dowladii hore, galaangal badana aad u lahayd, walina amaan mooyee dhaliil kaamanaan maqal, fadlan isku day inaad qoraalada u badasho dhiiri galin dhanka gurmadka ah iyo wacyi galin bulsho, xiligii la is dhaliili lahaa lama joogo, fagaaryaal badan oo siyaasada lagu falanqeeyo ayaan naga horeeya ee fadlan qaybtaada ka qaado gubaabinta shacabka Soomaaliyeed si loo helo gurmad deg deg ah, mucaarad iyo mu'ayidna aan u wada jeesano samatabixinta walalheena dhibaataysa.
By-Diraac Salaad Fagaase Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Akhriso:-Yaa ka dambeeyay Qaraxii Zoobe (Warbixin)

0
0

London ( Sh. M. Network )-Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Britain ayaa warbixin dheer ka qoray qaraxii maalintii Sabtida ahayd ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku Naf waayeen in ka badan 300 ruux oo ku sugnaa Isgoyska Zoobe ee degmada Hodan.
Wargeyska oo soo xiganayo Saraakiil ayaa sheegay in ruuxa Naftii huraha ahaa uu ka tirsanaan jiray ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, deegaan ahaana uu ka soo jeeday deegaanka Bariire oo bishii hore ciidanka dowladda iyo kuwa Mareykanka howlgal ay ka fuliyeen ku dileen 10 ruux oo shacab ahaa.
Waxa uu sidoo kale intaasi ku daray in qaraxa uu ahaa mid loogu aargudayay dadkii ku geeriyooday weerarkii Bariire ee Mareykanka uu qeybta ka ahaa.
Gaadiidka qaraxyada la qorsheeyay in lagu fuliyo ayaa ka koobnaa 2 gaari sida ay xaqiijiyeen Saraakiil u warramay wargeyska oo uu soo xigtay.
Kan koowaad ayaa ahaa gaari Noah, gaariga labaad waxa uu ahaa mid xamuul ah oo siday walxo qarxo lagu qiyaasay 350Kg.
Labada gaari ayaa u jeedkooda waxa uu ahaa in lagu weeraro garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaasi oo ay ka agdhow yihiin xarumaha hay'adaha QM, sidoo kalena fariisin u ah ciidanka AMISOM oo tiradooda ay gaarayso 22,000 oo Askari, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha u warramay wargeyska The Guardian.
Qaraxa koowaad ee gaariga Noah oo ay fashiliyeen ciidanka dowladda ayaa qorshihiisa ahaa in lagu weeraro Iridka Madiina Gate, si uu halkaasi ugu furo gaariga kale qaraxa ahaa oo doonayay in gudaha uu u gudbo.
Wargeyska ayaa xaqiijiyay in gaariga wayn ee ku qarxay Isgoyska Zoobe lagu celiyay dhowr Bar Control oo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda, balse aysan suurta galin in la xakameeyo oo uu ugu dambeyn ku qarxay Isgoyska Zoobe oo shacab fara badan ay ku waxyeeloobeen.
Saraakiisha ayaa sidoo kale tilmaamay in ninka waday gaariga Noah ah uu ku dhaawacmay hadda ka hor weerar ka dhacay Hotel Jasiira oo uusan shaacin xilliga uu ahaa.
Wargeyska The Guardian ayaa soo xiganayay laba sarkaal oo uusan magacooda shaacin.
storvideo: 

Kulankii loo balasnaa ee Xildhibaamada Golaha...

0
0

Guddoomiyaha Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya Prof. Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in maanta uu baaqday kulan ay ku yeelan lahaayeen Xaruntooda.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in maanta Shacabka Soomaaliyeed ay dhigayaan Bamaanbax ay ugu duceynayaan dadkii dhamaaday sidaas darteedna Golaha Shacabka ay la qeybsanayaan murugtaas kulankiina la baajiyay.
Xildhibaanada ayaa ka qeyb gali doono Banaanbaxa kaas oo ka dhici doono meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Kumanaan Shacab ah ayaa ka qeyb Gali doona Banaanbax Duco ay oo loo sameynaayo dadkii Shacabkii ahaa lagu dhameeyay Qaraxii Zoobe ee dhacay 14-kii Bishaan.
storvideo: 

Akhriso:-Yaa ka dambeeyay Qaraxii Zoobe (Warbixin)

0
0

London ( Sh. M. Network )-Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Britain ayaa warbixin dheer ka qoray qaraxii maalintii Sabtida ahayd ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku Naf waayeen in ka badan 300 ruux oo ku sugnaa Isgoyska Zoobe ee degmada Hodan.
Wargeyska oo soo xiganayo Saraakiil ayaa sheegay in ruuxa Naftii huraha ahaa uu ka tirsanaan jiray ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, deegaan ahaana uu ka soo jeeday deegaanka Bariire oo bishii hore ciidanka dowladda iyo kuwa Mareykanka howlgal ay ka fuliyeen ku dileen 10 ruux oo shacab ahaa.
Waxa uu sidoo kale intaasi ku daray in qaraxa uu ahaa mid loogu aargudayay dadkii ku geeriyooday weerarkii Bariire ee Mareykanka uu qeybta ka ahaa.
Gaadiidka qaraxyada loo qorsheeyay in lagu fuliyo ayaa ka koobnaa 2 gaari sida ay xaqiijiyeen Saraakiil u warramay Wargeyska oo uu soo xigtay.
Kan koowaad ayaa ahaa gaari Noah, gaariga labaad waxa uu ahaa mid xamuul ah oo siday walxo qarxo lagu qiyaasay 350Kg.
Labada gaari ayaa u jeedkooda waxa uu ahaa in lagu weeraro garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaasi oo ay ka agdhow yihiin xarumaha hay’adaha QM, sidoo kalena fariisin u ah ciidanka AMISOM oo tiradooda ay gaarayso 22,000 oo Askari, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha u warramay Wargeyska The Guardian.
Qaraxa koowaad ee gaariga Noah oo ay fashiliyeen ciidanka dowladda ayaa qorshihiisa ahaa in lagu weeraro Iridka Madiina Gate, si uu halkaasi ugu furo gaariga kale qaraxa ahaa oo doonayay in gudaha uu u gudbo.
Wargeyska ayaa xaqiijiyay in gaariga weyn ee ku qarxay Isgoyska Zoobe lagu celiyay dhowr Bar Control oo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda, balse aysan suurta galin in la xakameeyo oo uu ugu dambeyn ku qarxay Isgoyska Zoobe oo shacab fara badan ay ku waxyeeloobeen.
Saraakiisha ayaa sidoo kale tilmaamay in ninka waday gaariga Noah ah uu ku dhaawacmay hadda ka hor weerar ka dhacay Hotel Jasiira oo uusan shaacin xilliga uu ahaa.
Wargeyska The Guardian ayaa soo xiganayay laba sarkaal oo uusan magacooda shaacin.
The post Akhriso:-Yaa ka dambeeyay Qaraxii Zoobe (Warbixin) appeared first on Shabelle.

Akhriso+ Warbixin: Banaan bax lagu wado in maanta uu...

0
0

Waxaa maanta galinka dambe lagu wadaa in - Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka ay ka dhacaan banaan baxyo waa-wayn kasoo looga soo horjeedo laguna muujinaayo dareenka iyo sida ay bulshada Soomaaliyeed kaga daqnadeen Qaraxii bahalnimo ee 14 bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho. Banaan baxyadaan ayaa waxaa la qeyb qaadan doonaa Ma'suuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa Maamul Gobleedyada qeybta ka ah Dowladda dhexe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. - Soomaaliya ee Muqdisho ayaa Saaka laga dareemayaa u diyaar garowga iyo qaban qaabada banaanbaxa lagu wado in uu ka dhaco galinka dambe ee Maanta Magaalada Muqdisho. Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa dhamaan ah kuwo Maanta ka qeyb qaadan doona Banaanbaxa lagu muujinaayo sida bulshada Soomaaliyeed kaga xun yihiin weerarkii waxushnimo ee dhawaan ka dhacay Isgoyska Zoobe kaasoo khasaaro Iskugu jira Naf iyo maalba uu ka dhashay. Shalay ayay ahayd markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in maanta Arbacada ah oo ku beegaan Maanta ay dhigaan banaanbaxyo ilaahay loogu barinaayo in bulshada Soomaaliyeed samir iyo iimaan kasiiyo dadkii ku dhamaaday Qaraxii Zoobe ay dhigaan oo ay dareenkooda tusaan in bulshada. Qaraxii [...]
storvideo: 


Ciyaar-yahaan Dunida Caan ka ah oo ka hadlay Qaraxii...

0
0

Laacibka u dhashay Brazil dhinaca Daafacana ugu Ciyaara Kooxda Chelsea ee ka dhisan Britain David Luiz ayaa soo jiitay quluubta taageerayaasha kubada cagta ka dib markii uu bogiisa rasmiga ah ee Twitter uu soo dhigay fariin uu uga murugoonayo xasuuqii dhowr maalmood ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku nafwaayeen in ka badan 300 ruux, tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeyn.
Daafaca reer Brazil ayaa bogiisa Tiwtter ku soo qoray: "Waa wax laga naxo oo qalbi jab ah quluubteena waxaan siinay Somalia" waxaana ka muuqday dareen iyo Murugo Xanuun badan oo ka dhalatay Xasuuqii ka dhacay Muqdisho.
Taageerayaal badan oo Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay xiddiga reer Brazil sida dareenka leh ee uu uga hadlay musiibadii ka dhacay Muqdisho, waxaana soo qaadanay qaar ka mid ah.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

XIldhibaan Bootaan Ciise Caalin oo Dalka India ku...

0
0

India(SONNA) Allaha unaxriistee waxaa Dalka Hindiya ku geeriyooday Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka tirsanaa Mudanayaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo in muddo ah xanuunsanayay.
Geeridiisa ayaa timid markii lagu sameeyey qaliin loogu talagalay in lagu bad baadiyo nolosha xildhibaankaasi oo muddooyinkii ugu dambeyeey xanuunsanaa.
Balse Alla ha u naxriistee Xildhibaanka wuxuu Xalay galinkii dambe ku dhintay Isbitaalkan ku yaala Dalkaasi Hindia.
Xildhibaana Prof Maxamed Cumar Dalxa oo katirsan Guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay geerida xildhibaanka.
"Allaha u naxriisto Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin way ina soo gaartay geeridiisa in uu dalka Hindiya uu ku geeriyooday waa uu xanuunsanayay muddooyinkan,runtii marxuumka wuxuu kamid ahaa xildhibaanada lagu soo doortay magaalada Imbagaati ee Dalka Kenya ilaa waqtigan Dowladda ayuu kujiray". Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.
Meydka Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa haatan ku jira isbitaalkii uu ku geeriyooday,waxaana la filayaa in dhawaan meydkiisa dib loogu soo celiyo dalka.
storvideo: 

Xubin katirsan guddiga doorashada Kenya oo is...

0
0

Jahwareer siyaasadeed ayaa kataagan Dalka Kenya,Masuul sare oo ka tirsan guddiga doorashada ee Kenya ayaa is casishay kadib markii shaki uu ka galay in dalku uu doorasho xalaal ah qaban karo toddobaadka soo socda taasi oo caqabada ku noqonaysa hanaanka doorashadii la qorsheynayay. Roselyn Akombe ayaa sheegtay in guddigu ay ahaayeen lahaysteyaal siyaasadeed oo aysan waxba isku waafaqikarin ama qaadan karin wax go'aan ah,waxaana ay intaasi ku dartay in is casilaadeedi ay salka ku haysao arrimahaasi. Dr Akombe oo ku sugan magaalada New York ayaa sheegtay in markii ay ku sugnayd Kenya ay xataa u baqday nafteeda ka dib markii ay hanjabaado badan la kulantay. Raila Odinga oo ah madaxa xisbiga mucaaradka ah ee dalka Kenya ayaa toddobaadkii hore ka haray doorashadadii ku celiska ahayd isaga oo sheegay in uusan rumaysnayn in doorasho caddaalad ah ay dhici doonto. Lama oga halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka siyaasadeed ee dalkaasi Kenya,balse haatan waxaa soconaya dadaalo ku aadan sidii ay doorashooyinkaasi u qabsoomi lahaayeen wallow muran badan uu jiro.
storvideo: 

BBC oo booqatay qoyskii qaraxa Soobe lagaga dilay Maryam

0
0

Maryan Cabdullaahi, waxa ay dhameysatay kulliyadda caafimaadka, maalmo ka hor qalin-jibinteeda ayey ku dhimatay qaraxii Muqdisho.

BBC oo booqatay qoyskii qaraxa Soobe lagaga dilay...

0
0

Maryan Cabdullaahi, waxa ay dhameysatay kulliyadda caafimaadka, maalmo ka hor qalin-jibinteeda ayey ku dhimatay qaraxii Muqdisho. Wariyaha BBC Cali-Nuur Salaad ayaa booqday qoyska Maryan oo la kulmay aabaheed oo Ingiriiska uga soo safray in uu xafladda qalin jebinteeda ka qeyb qaato.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live