Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Deg-deg: Masuul goordhaw lagu dilay Kismaayo

$
0
0

Kn: War hadeer na soo gaaray ayaa tibaaxaya in xildhibaan Cabdikariim Jaamac Cilmi oo ku magac dheer Tima Farasle lagu dilay magaalada Kismaayo. Marxuumka ayaa ka tirsanaa xildhibaanada maamul goboleedka Jubbaland.
Wali xog dheeraad ah kama hayna geerida marxuumka, waxaanse Alle uga baryaynaa naxariis eheladii uu ka baxayna Samir iyo iimaan.
Wixii war ah ee ka soo kordha kala soco KismaayoNews
storvideo: 


Puntland oo gurmadka ka qayb qaadatay

$
0
0

Kn: Diyaarad siday deeq daawo iyo Lacag isugu jirtay oo ay soo direen shacabka Puntland iyo maamulkooda ayaa soo gaartay magaalada Muqdisho.
Deeqda waxaa garoonka diyaarada Aadan Cabdille Cusmaan ku gudoomay gudoomiyaha labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad iyo masuuliyiin kale oo kamid ah gudiga gurmadka masiibada qaran.
Xubnihii waday deeqda ayaa ka cudurdaartay daahitaanka jawaabta shacabka Puntland ka bixiyeen masiibadii Xamar taasi oo ay ku sababeeyeen diyaarado iyo keyd laaEU(tm)aan ay la qabaan umadda Soomaaliyeed laakiin ugu yaraan ay soo dadaaleen inta karaan kooda ah si ay xanuunka ula qaybsadaan walaalahooda masiibadu ku habsatay.
storvideo: 

Baroordiiq loo sameeyay masiibadii Zoobe oo ka...

$
0
0

Kn: Kumannaan shacab iyo masuuliyiin isugu jiray ayaa dibad-baxyo ka dhigay magaalooyin badan oo dalka kamid ah taasi oo lagu muujinayay sida guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga murugaysanyihiin masiibadii ka dhacday caasimadda qaranka Soomaaliyeed.
Meelaha banaanbuxu ka dhacay waxaa kamid ah caasimadda Muqdisho, xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, Baydhabo, caasimadda maamulka Puntland, Garoobe, Buuhoodle iyo magaalooyin kale oo badan. Dadka waxaa madaxa ugu xirnaan weer guduudan (maro guduudan) oo astaan u ah dhiiggii walaalahood ee la qubay.
Sidoo kale kulan ay qaateen golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa daqiiqado aamus iyo istaag lagu muujinaya in Soomaaliya lagula qaybsado murugada loo sameeyay.
Dibadbaxa Xamar waxaa ka qayb galay madaxweyne Farmaajo, raaEU(tm)iisul wasaare Kheyre, wasiiro, xubno ka socday labada aqal iyo masuuliyiinta gobolka banaadir.
Guud ahaan dareenka dibadbaxayaashu muujinayeen ayaa ahaa maya mardanbe inay tanoo kale dhacdo.
storvideo: 

Guddoonka Golaha Shacabka, Wasiirro iyo Duqa...

$
0
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Saciid Faarax (Juxa), Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Fowziya Abiikar Nuur, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay deeq dawo ah oo ka timid dowlad goboleedka Puntland. Sidoo kale deeqda daawada ah waxaa la socday wafdi ka dhaqaatiir ah iyo Wasiirka Caafimaadka ee Punland, kaasi oo sheegay in kaalmadan ay tahay mid ay ugu talagaleen dadkii ku dhaawacmay weerarkii 14-kii bishan ka dhacday Muqdisho. Mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay madaxda Dowlad Goboleedka Puntland sida ay uga qeyb qaadanayaan ka maamul ahaan howlaha gurmadka.
storvideo: 

Garisa oo dhiiga loo shubay Xamar

$
0
0

Kn: Shacabka ku nool magaalada Garisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa maanta saf u galay inay dhiigga u shubaan dadkii ku dhaawacmay masiibadii ka dhacday Xamar.
Boqolaal isugu Jira bulshda qaybaheeda kala duwan ayaa saf u galay inay ugu deeqaan dhiigooda walaalahooda ku waxyeeloobay qarixii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee dadka badani ku halaagsameen.
Dhiigga oo lagu kaydinayo qaboojiyeyaal ayaa la filayaa in ilaa iyo baritoole la gaarsiiyo Xamar. Qaar kamid ah dadweynihii dhiiga shubayay ayaa wargayskani u sheegay inay dhinacna ka murugaysanyihiin masiibadii dhacday dhinacna ku faraxsanyihiin inay nasiib u helaan inay dhiigga u shubaan walaalahooda dantu kala gaysay waa siday hadalka u dhigeen.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaallo tacsi ah ka helay...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaallo tacsi ah waxaa soo gaarsiiyey hoggaamiyaasha qaar ka mid ah waddamada dariska iyo kuwa caalamka kuwaasi oo muujiyay dareenkoodi ku aaadan mashaqadii 14kii bishan ka dhacday Muqdish.
Waxaa kamid ah madaxda khadka telfoonka kula soo xiriirtay.Madaxweynaha Dalka Turkiga,Suudaan.Raiisul Wasaarayaasha Itoobiya iyo Swedan,waxaa sidoo kale madaxweynaha uu heley dhambaalo tacsi ah waxaana ka mid ah madaxdaasi Xoghayaha guud ee QM,Raiisul Wasaaraha Jarmalka iyo kan Ingiriiska.
Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey madaxda la soo xiriirtay sida ay Soomaaliya ula qeyb-sanaayaan dareenkooda walaaltinimo iyo kan saaxiibtinimo.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu u sheegay Madaxdii la soo xiriirtay, in dagaalka lagula jiro argagixisadu uu yahay mid caalami ah sidaas daraadeedna ay tahay in si wada jir ah loo wajaho.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweyne Farmaajo "Ilaaheey waxa uu isku soo dhaweeyey quluubteenna, si aan u aragno cadowgeenna u lana-dagaallanno"

storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo “Ilaaheey waxa uu isku soo dhaweeyey quluubteenna, si aan u aragno cadowgeenna u lana-dagaallanno”

$
0
0

18 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kaga qayb galay garoonka kubadda cagta Banaadir ee magaaladda Muqdisho bannaan-bax lagaga soo horjeedo kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.
Madaxweynaha, ayaa halkaas kula hadlay kumanaan shacab ah oo ka soo qayb galay bannaan-baxaan, isaga oo kula dar-daarmay in ay ilaaliyan midnimada iyo amniga, kana qayb qaataan sidii loo dabar goyn lahaa cadowga sida arxan darrada ah u gumaada shacabka Soomaaliyeed.
“Meel kasta oo ay Soomaalidu joogto maanta waa isu dhawdahay. Ilaaheey waxa uuna isku soo dhaweeyey quluubteenna si in u aragno cadawgeenna ulana dagaalanno, anaga oo difaacaneyna dadkeenna iyo dowladdeena.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyey dhammaan qaybihii Bulshada ee kaalinta muhiimka ah ka qaatay howlaha gurmadka iyo samata bixinta dadkii ku dhaawacmay falkii argagixisanimo. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey Ciidamada Qalabka-Sida dadaalkii muhiimka ahaa ee ay kaga qayb qaateen howlaha gurmadka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Dhammaan shacabka iyo dowladdu waxa ay muujiyeen isku duubni, taasina waa tilmaamta rajada maanta ay qabaan shacabka Soomaaliyeed, balse jawaabta aynu ka bixinno dhammaanteen musiibada dhacda ayaa noqonaysa midda la ina ku qiimeeyo.”
Sidoo kale, bannaan baxaan waxaa hadallo ka jeediyey Raiisul Wasaaraha Xukuumada, Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Taabid Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda iyo kuwa bulshada rayidka ah.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22555060_14988980035... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22555060_14988980035... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22555060_14988980035... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22555060_14988980035... 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22552807_14988989635... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22552807_14988989635... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22552807_14988989635... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22552807_14988989635... 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22552397_14988989401... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22552397_14988989401... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22552397_14988989401... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22552397_14988989401... 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22539890_14988984435... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22539890_14988984435... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22539890_14988984435... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22539890_14988984435... 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22528407_14988980001... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22528407_14988980001... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22528407_14988980001... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22528407_14988980001... 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22528165_14988983835... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22528165_14988983835... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22528165_14988983835... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22528165_14988983835... 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22519500_14988986268... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22519500_14988986268... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22519500_14988986268... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22519500_14988986268... 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22519139_14988979968... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22519139_14988979968... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22519139_14988979968... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22519139_14988979968... 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22519161_14988991101... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22519161_14988991101... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22519161_14988991101... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22519161_14988991101... 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22519102_14988986301... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22519102_14988986301... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22519102_14988986301... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22519102_14988986301... 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22489850_14988983868... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22489850_14988983868... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22489850_14988983868... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22489850_14988983868... 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22491562_14988990868... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22491562_14988990868... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22491562_14988990868... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22491562_14988990868... 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22450141_14988989601... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22450141_14988989601... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22450141_14988989601... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22450141_14988989601... 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22491959_14988988201... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22491959_14988988201... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22491959_14988988201... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22491959_14988988201... 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" />
The post Madaxweyne Farmaajo “Ilaaheey waxa uu isku soo dhaweeyey quluubteenna, si aan u aragno cadowgeenna u lana-dagaallanno” appeared first on Shabelle.

Ololaha dhalinyarada gobolka Sanaag ee Gurmadka...

$
0
0

18th October 2017 admin Category :
Badhan: fagaaaraha Dugsiga Alfurqaaan ayaa waxa lagu qabtay kulan lagu taageerayo dadkii wax ku yeelobay qaraxii Sabtidii 24/Oct ka dhacay magaalada Muqdisho.Kulankankan waxa ka soo qaygalay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamud Ciyoon, Maayarka degmada Badhan C/risaaq Axmed, Maamulka Dugsiga Alfurqaan, Aqoonyahan iyo boqolaaal ardayda ah.Ardayda Dugsiga Alfurqaan ayaa lacag u ururiyey ay ugu deqeen gurmadka ay dhalinyarada gobolka Sanaag wadeen.ardayda ayaa sitay boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhegyo taageeara ah iyo kuwo lagu cadaynayey midnimada dadka Soomaliyeed, waxa kaloo goobta laga akhriyey Gabayo, buraambur iyo heeso wadani ah.Wixi faahfaahin ka dawada wararka habeen danbe ee Tv yada.
storvideo: 


Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, geeridii ku timid Marxuum Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ahaa xubnaha Baarlamanka Soomaaliya, isla mar kaana ku geeriyooday dalka India, xanuun hayay awgeed.
Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha  sheegay in Marxuum Xildhibaan Bootaan uu ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon Baarlamanka, sidaa darteedna Baarlamanka iyo shacabkuba ay tebi doonaan hawshii wanaagsaneyd ee uu u hayey.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
——DHAMMAAD——
The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin appeared first on Shabelle.

war deg deg ah laamaha Amniga DF Soomaliya oo...

$
0
0

war deg deg ah laamaha Amniga DF Soomaliya oo caawa helay Baqaar walxaha qaraxa lagu keediyo
Oct 18, 2017 -
Sida laga soo xigtay masuul sare oo ka tirsan laamaha Amniga Dowlada Soomaliya ayaa sheegay in hoowl ga' xoogan uu socda. 3 maalin u danbeysay iyadoona dowlada heshay wax badanoo macluumaad ah
Masuulkaan ayaa sheegay in saacada soo socda saaxafada loo soo bandhigi doono aqbaaraadkii la aruuriyey maal.mahaan laamaha amniga qabteen
War hada soo dhacay ayaa sheegay in baqaar walxa qaraxa laga sameeyo la qabtay kaa oo sida loo maleynayo goobtaa laga soo daabuli jiray qalbka walaxa qarxo
Qabashada baqaarkaan l Ku yaalo magaa'ada Muqdisho Laga helay walxaha wax lagu qarxiyo ayaa aad waxaa ugu farxay laamaha amniga iyagoona sida la sheegay la haayo dhowr qof oo looga shakisan yahay inay qarax ma leegi jireen Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Dowladda oo Ka Hadashay Askari La Sheegay in uu...

$
0
0

War Saxafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa lagu beeniyay Warar ay baahiyeen Idaacadaha ka Howlgala Magaalada Muqdisho iyo wargesyadda caalamka.
Taliska ayaa sheegay in Wararka ay baahiyeen Idaacadaha Muqdisho uu Yahay mid waxba aan ka JirinHalkaan hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka
Warka ay baahiyeen Idaacadaha Muqdisho ka Howlgala iyo wargeys laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa ahaa Askari ka Tirsanaan Jiray Xoogga Dalka Soomaaliya inuu ku Lug Lahaa Qaraxii 14 Bishaan ka dhacay Muqdisho.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Tilmaamay in Qaraxii ka dhacay Zoobe ay Fuliyeen Al-shabaab balse waxa uu Intaasi ku Daray Ciidamada Xoogga Dalka ay Al-shabaab ku weeraraan Gobolada Dalka.
'''Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya waxa ay weerar ku qaadaan Goobaha ee Al-shabaab ka Joogaan Gobolada Dalka Soomaaliya waxaan Fulinaa Howlgalo aan ku dilno ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu Yiri Warsaxafadeed kasoo Baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka''
Taliska Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Sidoo kale sheegay in ay leeyihiin Afhayeen u Hadla Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya kaa oo ka Hadlay Howlgalada Ciidamada ay Fuliyaan iyo Xaalada Adag ee Soo Wajaha Ciidamada Xoogga Dalka.
Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay sheegay in dhawaan ay bilaawi doonaan Howlgal Al-shabaab lagu weerari doono Goobaha ay Joogaan.PUNTLAND POST
The post Dowladda oo Ka Hadashay Askari La Sheegay in uu Fuliyay Qaraxii Isgoyska Zoobe appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Kulan la leh Laamaha...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddiyada Joogtada ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa saakay lagu wadaa in kulan Su'aalo lagu weydiinayo masuuliyiinta Laamaha Ammaanka dalka ay kula qaataan xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana Laamaha Ammaanka wax laga weydiin doonaa qaraxii 14 kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Degmada Hodan, kaasi oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad fara badan oo shacab ahaa.
Xildhibaan Sidiiq Warfaa Xoghayaha Guddiga Joogatada Difaaca Baarlamaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in maanta qorshuhu yahay in ay kulan la yeeshaan Laamaha Ammaanka, si wax badan looga ogaado Qaraxii dhawaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana uu shaaca ka qaaday in kulankaasi waxyaabihii ka soo baxa ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa weli wada baaritaano dheeri ah oo ku aadan mashaqadii ka dhacday Isgoyska Zoobe, iyadoona Laamaha Ammaanka looga fadhiyo soo bandhigida Natiijada ka soo baxday baaritaanadaasi.
storvideo: 

Al-Shabaab oo sheegatay dilka Xildhibaan ka tirsan...

$
0
0

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay dilkii ka dhacay Kismaayo ee loo geestay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.
Al-Shabaab ayaa sheegay in dilkaasi ay ka danbeeyeen waxayna sheegeen in dilkaas uu yahay kii ugu horeeyay oo loo geesto Xildhibaan ka tirsan Jubbaland.
In kastoo Al-Shabaab ay sheegteen dilkaasi ayaa warar kale ayaa xaqiijinaya in dilka Xildhibaanka uu salka ku haayo muran kala dhaxeeyay Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland murankaas oo ka dhashay is qab qabsi la xariira dhul ku yaala Kismaayo.
storvideo: 

Talyaaniga oo qaaday talaabo ku dayasho mudan oo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-War qoraala oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada dalka Talyaaniga Angelino Alfano, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladiisa ay garab muuqda ka qaadaneyso musiibadii ka dhacday Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladu ay bixineyso lacag dhan 300,000 oo Euro si ay u siiso Bisha Cas ee Soomaaliyeed kadib weerarkii isgoyska Zoobe bilowgiii Todobaadkan.
Wasiir Angelino Alfano, ayaa sheegay in cadadka dhaqaalahaasi ay kasii badan doonto taakuleynta maadaama ay sii kororeyso musiibada ka dhalatay Qaraxii Zoobe.
Angelino Alfano, waxa uu intaa raaciyay in lacagtaasi loo adeegsan doono waxyeelada ka dhalatay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho.
Angelino Alfano, ayaa sheegay in Talyaaniga mar walba uu jecel yahay inuu muujiyo taageeradiisa Somalia, gaar ahaan qoysaska hada dhibanayaasha ah iyo kuwa dhaawacmay.
Talaabadani ay qaaday Dowlada Talyaaniga ayaa ah mid ku dayasho mudan, waxaana xusid mudan in dowladaha qaar ee carabta laga la' yahay talaabo ceynkaan ah.
Si kastaba ha ahaatee, weerarkii 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 295 qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa 330 oo qof, kaasi oo lagu tilmaamay in uu ahaa mid musiibo Qaran.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in la Dhisayo Ciidamo...

$
0
0

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Mudane Maxamed cabdullahi farmaajo ayaa mar uu qudbad u jeedinyay dad dibad-baxayaal isugu yimid Studio Koonis kuwaa oo ka baroor diiqayay dadkii dhimashada iyo dhaawaca ku noqday Weerarkii 14 bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaalada muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Shacabka ugu baaqay iney Qorayga-qataan iskana dhiciyaal Cadawga, sida hadalka uu udhigay
Sido kale Madaxweynha ayaa sheegay iney bixinayaan Qarashaadka ku baxaya Ciidamo uu sheegay in loogu magac dari doono Ciidamada Difaaca Dadweynaha.Waxuu Madaxweynha intaasi raaciyay Shabaab inta ay Soomaaliya joogaan in aan Gumeysi laga bixi doonin.
Dhageyso..Cod 1 Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya (2)
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Madaxweyne Farmaajo oo Baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo shalay khudbad u jeediyay Kumanaan Shacab ah, ayaa ugu baaqay in ay muqadas tahay Difaacida Dalka, Dadka Iyo Diinta.
Waxaana uu ku dhiiri geliyay guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed in ay u istaagaan Difaaca Qaranka Soomaaliyed
Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah iyo Midnimo, si looga hortago in ay dhacdo dhibaato la mid ah tii Zoobe.
Dhawaan ayey ahayd markii qarax dad badan oo shacab ahaa ay ku dhinteeen uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, kaas oo Xanuun iyo Murugo ku reebay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
The post Madaxweyne Farmaajo oo Baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed appeared first on Shabelle.

Dhageyso: Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay fashilka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay Qaraxii musiibada ahaa ee sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgooyska Zoobe.
Madaxweyne Geelle waxa uu sheegay in markii la'eego tanka Qaraxaasi uu ahaa mid culus, isla markaana uu dareemaayo in maleeshiyaadka Alshabaab ay u fuliyeen ciil ku uruuray aawgii.
Madaxweyne Geelle waxa uu tilmaamay inuusan arag misna maqal Qarax lamid ah kan ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxa uuna ku sifeeyay mid ay Shabaabka ku goconeyso khasaarihii kasoo gaaray weeraradii lagu qaaday saldhigyadooda.
Waxa uu Geelle sheegay in markii ay Shabaabku arkeen inay guul darro soo wajahday, ay bilaabeen inaysan ayaguna waxba reeban, si ay niyadda uga dilaan shacabka Somaliyeed, ee rajada dowladnimada u soo iftiintay, sida uu hadalka u dhigay.
Geelle ayaa cadeeyay in maleeshiyaadka Alshabaab aysan ka fiirsan Qaraxaasi, waxa uuna sabab ka dhigay gumaadka loo geystay carruur, ciroole iyo dhalinba.
Waxa uu Geelle sheegay inuu fashilmay weerarka Alshabaab, kadib markii ay ku xasuuqeen dad shacab oo aan waxba galabsan
Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa xusay inay aad uga xanuunsadeen dhibaatadii ku dhacday shacabka reer Muqdisho, adduunkana aanay ka dhicin dhibaatadaasi oo kale.
[embedded content]
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Maraykanka oo Hindiya ammaanay Shiinahana u digay

$
0
0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in Marayku uu doonayo in uu sii xoojiyo xiriirka uu la leeyahay Hindiya iyadoo uu sare u sii kacoyo galaangalka uu Shiinuhu ku leeyahay Aasiya.

Madaxweyne Farmaajo oo Baaq u diray Shacabka...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo shalay khudbad u jeediyay Kumanaan Shacab ah, ayaa ugu baaqay in ay muqadas tahay Difaacida Dalka, Dadka Iyo Diinta.
Waxaana uu ku dhiiri geliyay guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed in ay u istaagaan Difaaca Qaranka Soomaaliyed
Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah iyo Midnimo, si looga hortago in ay dhacdo dhibaato la mid ah tii Zoobe.
Dhawaan ayey ahayd markii qarax dad badan oo shacab ahaa ay ku dhinteeen uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, kaas oo Xanuun iyo Murugo ku reebay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
storvideo: 

Maraykanka oo Hindiya ammaanay Shiinahana u digay

$
0
0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in Marayku uu doonayo in uu sii xoojiyo xiriirka uu la leeyahay Hindiya iyadoo uu sare u sii kacoyo galaangalka uu Shiinuhu ku leeyahay Aasiya.
Hindiya ayuu ku tilmaamay "saaxiib" ay wadaagaan "xiriir istaraatiijiyadaysan", isaga oo intaas ku daray "in aysan marnaba xiriirkaas oo kale la samaysan doonin Shiinaha oo ay ku nool yihiin bulsho aan dimuqraadi ahayn".
Wuxuu sheegay in Shiinuhu uu mararka qaar ku dhaqmo wax ka baxsan xeerarka caalamiga ah, isaga oo tusaale u soo qaatay muranka badda Koonfurta Shiinaha.
Hadalkiisa ayaa ku soo aaday ka hor booqashada uu toddobaadka soo socda ku tagi doona dalka Hindiya.
Dhanka kalana madaxweyne Donald Trump ayaa booqasho ku tagi doona dalal Aasiya ku yaalla oo uu ka mid yahay Shiinaha bisha Nofembar.
Tillerson oo ka hadlaya xarun cilmibaaris oo caalami ah oo Washington ku taalla ayaa sheegay in ay doonayaan in ay xiriir wax ku ool ah la yeeshaan Shiinaha balse aysan ka soo dabci doonin meesha ay ka taagan yihiin sharciga iyo wax u dhimitaanka uu shiinuhu ku hayo madaxbannaanida dalalka dariska ah iyo wax kaste oo aan u wanaagsanayn Maraykanka iyo dalalka dariska ah.
Tillerson ayaa intaas ku daray in Hindiya aysan wadaagin dimuqraadiyadda oo kali ah balse ay sidoo kalana ka siman yihiin hiigsiga mustaqbalka.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live