Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qarixii Soobe: Farmaajo oo todobo arrimood u sheegay...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo la hadlay boqollaal qof oo isugu tagay garoonka Koonis, ayaa u tacsiyeeyay ehellada dadkii ku dhammaaday qarixii Sabtidii ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa dhacdadaas ku tilmaamay xusuuq loo geystay dad Soomaaliyeed. Weerarkii Soobe waxaa ku dhintay ugu yaraan 281 qof, 300 oo kalena way ku dhaawacmeen.
Hadaba Qodobada ugu muhiimsan ee Madaxweyne Farmaajo uu ka hadlay ayaan halkan ku eegeynaa:
Ka jawaabidda falkii dhacay
Madaxweyne Farmaajo ayaa ururka Al-Shabaab ku eedeeyay in ay masuul ka ahaayeen weerarkii isgoyska Soobe, kaas oo loo adeegsaday gaari xamuul ah.
Alshabaab ma aysan iska fogeynin eedeynta dowladda, mana aysan sheeganin mas'uuliyadda weerarka.
"Maalintii falka uu dhacay ee 14kii Oktobar waa maalin ay umadda Soomaaliyeed xasuusan doonaa 100ka sano ee soo socota," ayuu tilmaamay madaxweynaha.
"Waxay isugu jireen Hooyo, Aabe, caruur, wiilal iyo gabdho oo aan waxba galabsan oo gacan ka xaq daran ay dishay," ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Dadkii ku dhintay weerarkaas ayuu ku tilmaamay mujaahidiin, "Faataxada aan u marno si Alle janada u geliyo," ayuu yiri madaxweynuha oo sidoo kale u duceeyay kuwa dhaawaca ah ee isbitaallada ku jira.
"Waxaa lagu xasuusan doonaa sida dhallinyarada Soomaaliyeed uga jawaabaan musiibada dhacday iyo xasuuqaas umadda Soomaaliyeed loo geystay. Sida aan ugu jawaabno Al-Shabaab waa wax ay aqrisan doonaan dhallaanka soo socda, taariikhdana way ku qormidoontaa."
Madaxweyne Farmaajo ayaa wacad ku maray in si degdeg ah uga jawaabi doonaan falkaas ka dhacay Soomaaliya, "si lamid ah jawaabihii ay ka bixiyeen dhibaatooyiinkii dalka soo maray."
Farmaajo ayaa markii la doortay sheegtay in Al-Shabaab uu baabi'in doono laba sano gudahood, wuxuuna u sheegay dhallinta ka mid ah in ay muddo koobadn isku soo dhiibaan.
"Haddii aynaan ka jawaabin waxa maanta ay sameeyeen, dhibaatadaan way sii soconeysaa illaa hilbeheena aan ka aruursano dhulka. Ma u dulqaadaneysaa midddaas?" ayuu yiri madaxweynaha.
Midnimo iyo waddaniyad
Dibadbaxa waxaa madaxweyne Farmaajo ku wehliyay qaar ka mid ah madaxda dowladda federeelka
Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in dhibaatadii dhacda ay ku badalayaan midnimo iyo waddaniyad. "Musiibadan dhacday waxay ahayd dhibaato kulligeen nagu wayn," ayuu yiri madaxweynaha.
Ka dib markii la doortay, Farmaajo waxayaabihii ugu horeeyay ee uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa in dadka ay dalkooda jeclaadaan, sidoo kale ay qeyb ka noqdaan dib u heshiisiin lagu midoobayo.
"Waxaa doonaynaa in dhallinyarada Soomaaliyeed u kacaan sidii dhallinyaradii horee Soomaaliyeed ay ugu keceen dhibaatooyiinkii dalkan uu soo maray."
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhowaanahan wajaheysay culeesyo kaga imaaday dhanka maamul goboleedyada iyo arrintii Qalbi Dhagax loogu wareejiyay Ibootiya.
Al-Shabaab iyo dilalka
"Waxaan ognahay oo qormaysa in Oktobar 14keeda wixii dhacay in ay ka turjumayso, wixii horey loo soo maray oo ay Shabaab geysteen in aynaan ka jawaabin," ayuu madaxweyne Farmaajo u sheegay dibadbaxayaasha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in "Al-Shabaab waxay u socdaan in marba mark aka dambaysa ay yiraahdaan intii hore oo aan dilnay, ka badan in aan dilno weeye."
Arrinta mushaarka ciidamada sugaya amniga waxay ahayd waxyaabaha uu muhiimadda siinayay madaxweyne Farmaajo. Wuxuuna sheegay in ay ka go'an tahay la dagaallanka Al-Shabaab.
"Waxay billaabeen inay dilaan 10, waxay ku xijiyeen 20, waxay ku xijiyeen 100, hadana waxay marayaan in ay dilaan 300 oo Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan," ayuu yiri Farmaajo.
Wuxuu Al-Shabaab ku eedeeyay in ay go'aansadeen in ay Soomaaliya "yeelan dhaqaatiir iyo mutacallimiin", wuxuuna sheegay in aanan looga jawaabin.
Wuxuu sidoo kale sheegay in "Al-Shabaab ay doonayaan in ay baabi'iyaan Soomaalida oo dhan".
Tan iyo intii xukuumadda cusub ay la wareegtay hoggaanka dowladda federaalka, waxaa caasimadda laga ka howlgalayay ciidamo loogu magacdaray xasilinta caasimadda, kuwaas oo dadaalo badan ay sameeyeen ka dib, waxaa soo hagaagay amniga.
Balse, tallaabadaa ayaa hadda u muuqato in ay taageero uga baahan tahay shacabka. Madaxweynaha ayaa dibadbaxayaasha waydiiyay "Ma sugeysaan illaa Al-Shabaab ay na dhammeeyaan?", waxayna ugu jawaabeen "Maya".
Dhiiragelinta Dhallinyarada
Dhallinyarop badan ayaa isugu tagay garoonka Koonis, kuwaas oo dhageystay khudbada madaxweynaha iyo madaxda kale
Inta badan madaxda marka ay hadlayaan waxay ku hal qabsadaan dhiiragelinta dhallinyarada iyo in howlaha amniga ay qeyb ka noqdaan.
Farmaajo ayaa yiri: "Waxaan idiin sheegayaa dhallinyarooy, idinkaa la rabaa in aad u jawaabtaan Al-Shabaab," ayuu ku kiciyay dhallintii ku sugnayd garoonka Konis.
Wuxuu ka dalbaday in dhallinta hadda ay la mid noqdaan kuwii Soomaaliya ka xureeyay gumaystaha.
Waxyaabaha dowladda madaxweyne farmaajo looga fadhiyay waxaa ka mid ahaa in ay sameyso barnaamij shaqo loogu abuurayo dhallinyarada, taas oo uu ballan qaaday ka dib markii la doortay.
Dhowaanahanna waxaa Muqdisho ka socda shaqa abuur la sheegay in dhallinta loo sameynayo si looga hakiyo tahriibta iyo dagaallada.
"Dhallinyaro, waxaa la idiinka rabaa in aad u kacdaan umadda Soomaaliyeed oo dhiigiina u hurtaan, oo aad u dhimataan dalkiina, oo aad dhisataan dalkiina, waa waxa kuwa hadda jooga iyo kuwa dhallan doono ay idiinka sugayaan".
"Dhallinyaro, iskoolaad dhigataan, markaad dhamaysaan, xagee u shaqo tageysaan? Ma meel jidadka la idiinku xasuuqayo?"
Madaxweyne Farmaajo wuxuu dhallinta ku dhiirageliyay: "Musiibadaan waa in aad u bedeshaan midnimo, wayna billaabatay."
Ciidanka Difaaca Dadwaynaha
Magaalada Muqdisho waa meesha ay ka dhacaan weerarada sababa dhimashada ugu badan ee shacabka gaarta. Hoteello, maqaayado iyo meelo kala duwan oo kale ayaa weeraro lala eegtay.
"Waxaan idiinkugu baaqayaa maanta oo maalin taariikhi ah, oo anagoo ka jawaabayna maalintii madoobeey oo Shabaab shacabkeenu xasuuqeen. In aan dhisano difaaca shacabka oo aan la dagaallanno Shabaab," ayuu tilmaamay Farmaajo oo si wayn ay ugu sacbinayeen dadkii fagaaraha isugu tagay.
Madaxweyne farmaajo ayaa u muuqday in uu si adag u dhiiragelinayay dhallinyarada, inta badan khudbadii uu ka jeediyay Konis.
Balse muusan cadeyn in ciidamada difaaca dadwaynaha laga hirgelinayo dalka oo dhan, ama in ay ku kooban yihiin Muqdisho oo keli ah.
"Waxaa la idiinka rabaa in aad difaacdaan hooyooyiinkiina, U kaca difaaca deriskiina, u kaca difaaca qarannimadiina," ayuu yiri Farmaajo.
Madaxwaynaha wuxuu salaamay dadkii isu soo baxay
"Difaaca dalka waa muqdas, difaaca dadku waa muqadas, difaaca diintu waa muqadas, dib uma noqonayno, anigaana u horeeya oo safaka hore galaya".
Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in ciidanka difaaca dadwaynaha ay billaabayaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.
Farmaajo ayaa yiri: "Qof kastoo Soomaali ah waa in uu qoriga qaato, qof walba waa in uu difaaca ka qeybgalo. Waxaa kow ka ah shaqaalaha dowladda, waxaa labo ka ah idinka, shacabka Soomaaliyeed."
"Hadeynaan is difacin, Al-Shabaab halkan ayay soo galayaan, dalkaanna nolol uma hayaan. Waxaan ku ballanay siduu dalkan ku noqon xor. Inta ay shabaab joogaanna waa gumeysi, dalkaanna xor ma aha."
Marka laga hadlayo weerarkii ugu dambeeyay ee Soobe waxaa lagu tilmaamay in qasaaraha uu ka badan karo sida la moodayo.
Cabdiraxmaan Sahal waa cilmi baare arrimaha xagjirnimada, BBC-da u sheegay sababta aysan Al-Shabaab u sheegan weerarkaa. "Waxay u aamuuseen waxaa weeyaan qaraxan waxa lagu gumaaday shacab, carruur iyo dumar. Qasaaraha aad buu u badan yahay, taas marka waa dhagar in qofka wixii uu sameeyay uu ka aamuso, waxaa laga yaabaa in ay leeyihiin haddii aad sheegataan khilaaf dhexdiina ah armuu yimaadaa" ayuu yiri.
Balse madaxweyne Farmaajo ayaa yiri: "Xor uma ahidiin in aad dhaqaalo samaysataan, xor ma u ihidiin in aan shaqeysataan, xor kama aha in aad aqoon samaysataan, xor uma nihin in adduunka noo yimaado oo na maalgashado. Waa balaayo na hortaagan. Aan u midowno difaaca dalka."
Wuxuu madaxweynaha qiray in dhaqaale gaarayo 14 milyan oo dollar oo loogu talagalay la dagaallanka Al-Shabaab iyo in la sameeyo xarrumo lagu xareeyo agoonka waalidkooda ay ku dhinteen dagaallada Al-Shabaab.
Kala Qeybsanaanta
Farmaajo wuxuu ku adkeeyay shacabka iyo siyaasiyiinta in ay midoobaan
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in la joojiyo khilaafka. "Waxaan idiinkiugu baaqayaa in aydaan tagin caasimo shishiiye oo dalkan aydaan ku soo noqon adinkoo burburinaayo,"
"In aan kala qeybsanaano waa xaaraan. Dhibkaan dhacay aan cashar ka qaadano oo aan midowno, siyaasiyiinta ay ugu horeeyaan."
"Waxaa idiin sugaayo Shabaab, marka in aan u midowno waan ku qasbannahay. Waxaan idiin waydiisanaynaa, shacabkiina dhinac ka soo gala, Safka soo gala. Aan u midowno sidaan shacaab uga adkaan lahayn, aan u midowno sidaan dalka u xorayn lahayn. Ka taga, ha aadinna -ha la idiinkaga yeerayo," ayuu yiri madaxweynaha oo u muuqday in uu canaananyay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladdiisa.
Inkastoo madaxwayna uusan si toos ah uga hadlin arrinta khilaafka ee maamul goboleedyada kala dhexeeyo, hadana wuxuu si adag ula hadlay siyaasiyiinta guud.
"Waxa is haysto Soomaali ma ah, waa dad walaalo ah Soomaalida. Waa lagu dhexjiraa Soomaali, weligoodna waa lagu dhexjiray, iyagaana la isku adeegsanaayay. Ma dooneysaa in la isku kiin diro? ma dooneysaa in hub la isugukiin dhiibo? Anigu yeelimaayo, Ma yeelaayo," ayuu hoosta ka xariiqay madaxweynaha.
Shanta madaxweyne ee maamul goboleedyada oo dhowaan ku shiray Kismaayo ayaa ku dhaliilay dowladda wadashaqeynta ay la leeyihiin. Arrintaa ayaana ka dhalatay go'aannada is khilaafsan ee laga qaaday khilaafka dalalka Khaliijka.
Wuxuu intaa ku daray, "nin siyaasi ah ka yeelimayno in nalagu soo diro, uu xabad nagu noqdo, uu na qarxiyo, iyadoo shabaabkuna saas yihiin. Waxaan idiinkula talinaynaa, soo gala dagaalka, aan dalka xoreyno, ka dib anaga aan isu soo jeesano."
Dardaaran iyo is cafin:

BBC oo booqatay qoyskii qaraxa Soobe lagaga dilay Maryam
"Dhibaatooyiin badan iyo musiibooyiin ayaa dalkan ka dhacay, muddo badanna aan ku soo jirnay. Dhibaatooyiinkaas waxaa sabab u ah in aan Alle ka fogaanay," ayuu yiri Farmaajo oo la hadlayay dibadbaxayaashii isugu tagay garoonka Konis.
Wuxuu intaa ku daray, "anaga waan isu naxariisan waynay, waan is cafin waynay. Marka Alle waxaan waydiisanaynaa in uu nacafiyo. Kulligeen aan Ilaahay dib ugu noqono. Anagana aan is cafino, wixii dhacayna aan ilowno."
Shalay, qeybo ka mid ah Soomaaliya waxaa ka dhacay dibadbax ka dhan ah weerarkii Soobe.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaali walaalo tahay, "haddii aan Alle cafis waydiisan oo aynaan is cafin, dhibaatadaan way soconeysaa."
Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii ka qeybgalay howlaha gurmadka loo sameeyay dadkii dhibaatada ay ku gaartay qarixii ugu xumaa ee Soomaaliya ka dhaca.
Dhallinyarada Gurmad252 iyo dowladda Soomaaliya caawiyay ayuu sidoo kale u mahadceliyay, madaxweyne Farmaajo.
Bog Facebook laga sameeyay oo ay aasaaseen dhallinyarada Gurmad ayaa gacan ka gaysanaya in la aqoonsado dadka la dilay iyo kuwa wali lagu la ya'yahay weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee Soomaaliya ka dhaca muddo toban sano ka badan.Xigasho: BBC Somali- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 


Talyaaniga oo Malaayiin doolar ugu deeqay Soomaali...

$
0
0

Sidoo kale Wasiir Angelino Alfano ayaa waxaa uu tilmaamay in Talyaaniga uu taageeradiisa Soomaliya uu sii wadi doono,balse si gaar ah waxaa lagu sheegay in talyaaniga ay door muhiim ah ka qaadanayso sidii ay gurmad ugu fidin laheyd muwaadiniinta soomaaliyeed ee lagu laayay isgooska Zoobe.
"Waxaan balanqaadaynaa inay sii wadi doono taageerada aan siinayso Soomaaliya,300,00 oo Euro waxaan ugu tala galnay in wax looga qabto Dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay isgooska Zoobe ee Magaalada" Sidaasi ayaa waxaa lagu yiri warkan qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska wasiirka arimaha dibada Dalka Talyaaniga.
14 Bishan ayay markii Shacab aan waxba galabsan lagu xasuuqay isgooska zoobe ee magaalada muqdisho,iyadoona Dad badan ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen,inkastoo markii ay mashaqada dhacday ay dalal badan gurmad u sameeyay Shacabka ku dhaawacmay qaraxa.
Hayeeshee weli waxaa soconaya gurmadka loo sameynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay isgooska Zoobe ee Muqdisho.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada dalka Talyaaniga ayaa lagu sheegay in ay ku deeqday lacag dhan 300,000 oo Euro si ay u siiso Bisha Cas ee Soomaaliyeed,kadib Qaraxii lagu xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsanin ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen,kaaasi oo ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
storvideo: 

Dayactir Lagu Bilaabay Goobtii Uu Qaraxa Ka Dhacay...

$
0
0

Waxaa Maanta la bilaabay dib-dhis lagu sameynayo Wadada Isgoyska zoobe taas oo ku burburtay qarixii khasaaraha badan gestay ee 14 Bishaan ka dhacay halkaas.
Waxaa la arkayay iyada oo Maanta uu ku socdo hismaha, waxaana halakasi jooga Gawaarida loogu talo galay dhismaha Wadooyinka noocyaooda kala uwan kuwaas oo laami saaraya Wadada.
Burbur xoogaan ayaa soo gaaray Wadada Zoobe balse xalay uu guoomiyaha gobolka Banaair uu ugu Magacdaray 14 Octoper, hismayasha ka aghow iyo laamiga intabada blse haatan dayactir lagu bilaabay.
Dhismaha laamiga ayaa sii socon doona, iyada oo la rajeynayo in Maalmaha soo socda Wadadaas oo qarixii u xirantay ib loo furo.Hoos Ka Daawo Dayactirka laamiga

Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia oo ka...

$
0
0

Kuala Lumpur(SONNA) Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia ayaa kulan tacsi iyo duco ah u qabatay dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmey qaraxii 14 bishan Oktoobar ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Kulanka oo lugu qabtay caasimadda Malaysia ee Kuala Lumpur oo ay degganyihiin jaaliyadda ugu badan ee Soomaaliyeed ee Malaysia waxaa ka qaybgalay safiirka Soomaaliya u fadhiya Malaysia, Abuukar Cabdi Cismaan,guddoomiyaha jaaliyadda, ururrada bulshada,aqoon-yahanno, Haween , dhallinyaro iyo xubno kale oo bulshada qaybaheeda ka socday.
Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia, Cabdullaahi Cigaal ayaa kulanka ka sheegay inay aad uga xunyihiin qaraxa ay ku dhinteen ku dhawaad saddex boqol oo ruux oo shacab Soomaaliyeed ah, wuxuuna sheegay jaaliyadda Soomaaliyeed inay diyaar u tahay inay ka qayb-qaadato gurmadka la garsiinayo dadkii wax ku noqday qaraxa, inta wuxuu ku daray mahadcelin uu u direy dhammaan dowladaha iyo bulshadii kale ee ka qayb-qaadatay gurmadka la gaarsiiyay Muqdisho, wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Malaysia oo qaraxa cambaareysey muujiseyna inay si weyn ugu xuntahay, waxaana daarta dheer ee Kuala Lumpur Tower, laga daarey midibka baluuga ah ee calanka Soomaaliya.
"Niyadeydu way oyneysa, waana ka xunahay dhibkii ka dhacay Muqdisho,jaaliyadda Soomaaliyeed waxay dhibka la qaybsaneysa bulshada Soomaaliyeed, waxaana diyaar u nahay wixii nooga aadan ee tabarteenna ah inan tarno waalalaheen uu dhibka gaarey." ayuu yiri guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia.
Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Malaysia, Abuukar Cabdi Cismaan ayaa hadal ka jeediyay kulanka jaaliyadda oo dad badan ay ka soo qaybgaleen, wuxuu sheegay bulshadda Soomaaliyeed inuu gaarey dhib weyn oo aan horey ugu dhicin, wuxuu tacsi u direy dadkii qaraxaa ku geeryoodey, isagoo caafimaad u rajeeyay dadka ku dhaawacmey, wuxuu sheegay inuu la kulmay madaxda dowladda Malaysia oo u ugu horreeyo ra'iisul wasaaraha dalkan, Najiib Razak iyo amiirka dalka Qatar oo booqasho ku jooga Malaysia, dhammaan wuxuu sheegay mas'uuliyiinta inuu warbixin ka siiyay sida ay wax u dhaceen ayna ballanqaadeen inay garab istaagayaan bulshada Soomaaliyeed ee u qaraxa dhibaatada garsiiyay.
" Wixii dhacay waxay ahayd wax aan horey dalkeenna ugu dhicin, dowladda Soomaaliya oo madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha ugu horreeyo dhibka ayay la qaybsadeen shacabka Soomaaliyeed, bulshada caalamkana way noo soo gurmadeen, waxaan rajeynaya dhibka inan ka dhaxalno isku dubnaan." ayuu yiri safiirka oo inta ku darray " Dhibaatadan Soomaali ma geysan ee qof Soomaali ah oo qalbiga iyo niyadda shisheeye ka ah ayaa geeystay waan ka guuleysan doonna cid walba oo dhibaateyneysa bulshada dowladda taas ayaa ka go'an shacabkana waa inay dowladda garab istaagan oo ay taageerraan."
Aqoonyahannada kulanka ka qaybgalay oo ay ka mid ahaayeen barayaal jaamacadaha Malaysia wax ka dhiga iyo mas'uuliyiin kale oo goobta joogtay ayaa dhankooda cabirey sida ay dhacdadaa ugu xunyihiin, haween iyo dhallinyaro kale ayaa dhankooda suugaan dhibka dhacay ku soo bandhigey, iyagoo dalbanayay shacabka Soomaaliyeed inay midooban si dhibka looga gudbo.
Gabagabadii, ka qaybgalayaasha kulanka ayaa dhaqaalo aruurin sameeyay si jaaliyadda ay uga qayb-qaadato gurmadka la gaarsiinayo dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxii darnaa ee ka dhacay caasimadda dalka.Iman Mohamed Jama
Email: Deegaan1994@gmail.comKuala Lumpur, Malaysia
storvideo: 

Dowladda Soomaaliaya oo ka hadashay dhaawacyadii loo...

$
0
0

Wasiirka Arrimaha Dibada Dowladda Federaalka SoomaaliyaYusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay warar soo baxayay oo sheegayay in dhaawacyadii Soomaalida ee Sudan la geeyay ay la kulmeen dayac.
Yuusuf Garad Cumar oo War qoraala oo kooban soo dhibay bartiisa Facebook-ga ayaa xaqiijiyay in ay jirtay cabashooyin ay dhaawacyadaasi qabeen, isagoo sheegay in inta badan la xalliyay.
"Waxaan hadda sheegi karaa in inta badan dadka dhaawaca ah la xalliyay cabashadii ay qabeen. inta yar ee hartayna waxaa qorshuhu yahay in isla maanta la xalliyo".ayuu qoraalkiisa ku yiri Yusuf Garaad.
Wuxuuna sii raaciyay "Howl wanaagsan waxaa qabatay Danjiraha iyo Diblomaasiyiinta Soomaalida ee Khartoum, Mahadi ha ka gaarto, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Danjiraha Qadar ee Khartoum, sii hayaha Safaaradda Qadar ee Muqdisho iyo mas'uuliyiinta dalka Sudan oo xalka qeyb ka ahaa".
Dhankale wararka laga helayo magaalada Khartoum ee dalkaas ayaa sheegaya in xalay uu geeriyooday mid kamid ah dadkii dhaawacyada qabay ee halkaas la geeyay.
Maalintii Talaadada ayay ahayd markii 23 qof oo qaba dhaawacyo culus ka soo gaaray qaraxii Muqdisho ay diyaarad Military oo Qadar leedahay ka dejisay garoon Ciidan oo ay leedahay Sudan.
Dowladda Qadar ayaa markii ay dhaawacyada u qaadaysay Sudan sheegtay in ay qabto kharashaadka ku baxaya, iyadoo ka cudur daaratay in ay geyso dalkeeda.PUNTLAND POST
The post Dowladda Soomaaliaya oo ka hadashay dhaawacyadii loo qaaday Sudan appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Waa tee magaalada ay khatarta ugu badan kala kulmaan...

$
0
0

Caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa lagu sheegay inay tahay magaalada ugu khatarta badan ee ay halisaha kala kulmaan haweenka.
Daraasaddan ayaa lagu helay ra`yi ururintii ugu horreysay ee caalami ah ee laga sameeyay waxa ay haweenku kala kulmaan magaalooyinka, taas oo laga qaaday in ka badan 10 milyan oo qof.
Ra`yi ururintan ayaa laga sameeyay 19 magaalooyin waaweyn halkaas oo khubarrada arrimaha haweenka la weydiiyay sida haweenka looga difaaco tacaddiyada jinsiyadeed.
Magaalada London ayaa noqotay magaalada weyn ee u roon haweenka, waxaana soo raaca magaalooyinka Tokyo oo Japan ah iyo Paris oo Faransiiska ah.
Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa sheegay in haweenku ay haatan door weyn ku leeyihiin bulshada London, ayna ka qayb qaataan sida adeegyada dadweynaha, fanka, ganacsiga iyo siyaasadda.
Dadka u ololeeya xuquuqda haweenka ee magaalada Qaahira ayaa takoorka haweenka ay la kulmaan u aaneeyay caadooyinka qarniyo jirsaday ee Masar ka jira, iyagoo sheegay in tallaabo walba oo horumar ah oo lagu caawinayo haweenka ay aad u adagtahay.
Waxaa sidoo kale xaddidan fursadaha ay haweenku u helaan daryeel caafimaad oo wanaagsan, dhaqaalaha iyo waxbarashada.
Shahira Amin, oo ah weriye can ah oo Masar u dhalatay ayaa sheegtay in wax walba oo magaalada ku saabsan ay ku adagtahay haweenka, sida xitaa inay waddooyinka maraan oo u sababi karta inay la kulmaan tacaddi.
Magaalada Karachi ee dalka Pakistan, Kinshasa oo ku taalla Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo caasimadda Hindiya ee Delhi ayaa ku soo xiga Qaahira, sida daraasadda lagu sheegay.
Magaalooyinka Delhi iyo magaalada Brazil ku taalla ee Sao Paulo ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ugu daran ee ay haweenku kala kulmaan tacaddiyada jinsiyadeed iyo kufsi.
Inkasta oo magaalada Delhi lagu xusay daraasadda haddana waxaa ka jira shuruuc adag oo ku wajahan dembiyada kufsiga kaddib markii sanadkii 2012 ay koox burcad ah haweeney ku kufsadeen gudaha bas ay saarneyd, kiiskaas oo caro sababay.
storvideo: 

Daalibaan oo weerar ku dishay 43 askari

$
0
0

Wasaaradda gaashnaadhigga Afghanistan ayaa sheegtay in ugu yaraan 43 askari la dilay kadib markii Daalibaan ay maanta weerar ku qaadeen saldhiga milatari oo ku yaalla koonfurta dalkaas.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo kulan...

$
0
0

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar) ayaa maanta kulan mahadcelin ah la qaatay wafdigii ka socday dowladda Jabuuti ee ka qeyb qaatay u gurmashada dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe km5 ee magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa mid is xogwareysi iyo mahadcelin uu Ra'iisul wasaare ku-xigeenka dalka u jeedinayay Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyada Jabuuti Mudane Jaamac Cilmi Cokane oo ay ku jireen dhaqaatiir, kuwaasi oo ka qeyb qaatay inay baxnaaniyaan dhaawacyadii qaraxii Muqdisho. Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyada Jabuuti Mudane Jaamac Cilmi Cokane ayaa sheegay in isaga iyo dhaqaatiirta la socotay ay u yimaadeen inay baxnaaniyaan dhaawacyadii qaraxii ka dhacay Muqdisho, isla markaana ay markasta garab taaganyihiin Walaalood Soomaaliyeed. Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar) ayaa uga mahadceliyay wafdiga ka socday Jabuuti ee 16-kii bishan soo gaaray Muqdisho, ee isugu jiray dhaqaatiir iyo dawooyin ay ugu talagaleen dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe, kaalintii ay ka qaateen wax u qabashada Walaalahood, isagoo xusay in Walaalaha reer Jabuuti ay ku weynyihiin qaluubta shacabka Soomaaliyeed oo aan markasta iloobi karin sida ay u garab taaganyihiin. Nasro Jabiiba
storvideo: 


Daalibaan oo weerar ku dishay 43 askari

$
0
0

Wasaaradda gaashnaadhigga Afghanistan ayaa sheegtay in ugu yaraan 43 askari la dilay kadib markii Daalibaan ay maanta weerar ku qaadeen saldhiga milatari oo ku yaalla koonfurta dalkaas.
Sagaal askari oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarkan saaka aroortii lagu qaaday saldhigga ku yaalla gobolka Kandahar, ayada oo lix kale la la' yahay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in 10 dagaalyahan oo Daalibaan ah la dilay.
Bayaan ay soo saareen oo ay ku sheegtay mas'uuliyadda, ayey Daalibaanka waxay ku sheegeen in 60 askari ay ku dileen weerarka.
Weerarka ayaa ka billowday qarax baabuur oo ismiidaamin ah, waxaana xigay dabley ku xoomay saldhigga.
Waa weerarkii saddexaad oo dhimasho badan oo Daalibaan ay ku qaadaan saldhig ay leeyihiin ciidamada ammaanka toddobaadkan.
Ugu yaraan 52 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday saldhig booliis oo ku yaalla magaalada bari ee Gardez, taaladadii, ayada oo weerar kaas la mid ahna isla maalintaas lagu qaaday gobolka koonfureed ee Ghazni.
storvideo: 

Saxaafadda Soomaaliyeed oo isku raacay in dhex...

$
0
0

Muqdisho (SONNA) Kulan ay isugu yimaadeen Saxaafadda Soomaaliyeed, ayaa maanta ku qabtay Magaaladda Muqdisho, waxaana kulanka goob joog ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Wasiirka Owqaafta iyo arrimha diinta, Agaasimmaha Guud ee Wasaaaradda Wafaafinta, Agaasimeyaasha Warbaahinta Madaxa banaan, Agaasimaha Telefashinka Qaranka, Agaasimaha Radio MMuqdisho iyo Wariyeyaal Soomaaliyeed, iyaggoo ka hadlay doorka Warbaahinta laga rabo.
Mudane Cabdullaahi Xirsi oo kamid ah Masuuliyiinta Telefashinka Universal kuna hadlayey afka warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka, ayaa sheegay in aysan dhex dhexaad ka noqon doonin Xasuuqa iyo Gumaadka Nabad diidka Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay u geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, isagoo sheegay in ay ku guda jiraan uruurinta lacag ay ugu talo galeen in loogu gurmado dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii Zoobe.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo kulankaasi ka hadlay, ayaa soo dhoweeyey go'aanka ay qaateen Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka, isagoo ku baaqay in laga wada qeyb qaato horumarka dalka iyo sidoo kale in loo gurmado dadkii ku dhaawacmay Musiibadii Zoobe ka dhacday.
Warbaahinta Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Wasiir Yariisow, in dadka dhibaneyaasha ah Codkooda meel sare la gaarsiiyo, loona fududeeyo in warbaaahinta ay ka hadlaan, si loogu soo gurmado.Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya, Iimaan Cabdulaahi Cali, ayaa sheegay in kan wasaarad ahaan ay diyaariyeen Culimo Soomaaliyeed oo ka shaqeyn doonna Wacyi galinta Bulshadda, si aan loo marin habaabin Bulshadda, isagoo warbaahinta ugu baaqay in laga qeyb qaato wacyigelintaasi.
Ugu dambeyntii kulanka kadib, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta iyo Agaasimeyaasha Warbaahinta dalka, ayaa booqday goobtii qaraxa uu sabtii lasoo dhaafay ka dhacay ee KM5, halkaasi oo ay ka socotay olole dib loogu dayactiayo waddadaasi.

storvideo: 

Banaanbax baroordiiq ah oo ka dhacay Gaarisa

$
0
0

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay Magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyiga Bari Kenya, si ay ugu baroor diiqaan dhacdadii 14-kii October ee Isgoyska Zoobe.
Ururada bulshada oo kaashanaya maamulka Gaarissa iyo hay'adda lanqayrta cas ayaa goobta ay dadka isugu soo baxeen ka billaabay qorshe dhiig loogu bixinayo dadkii magalada Muqdisho qaraxa loogu geystay.
Wariyeheenna Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan Gaarisa ka soo diray.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:04:41
0:00:00 /0:04:41
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Hab cusub oo lagu soo kordhinayo xawaaladaha

$
0
0

Lacagta xawaaladaha ee laga diro dibadaha ayaa qeyb muhim ah kaga jira dhaqaalaha dalal badan oo soo koraya, gaar ahaan Soomaaliya, oo deeqaha shisheey, iyo lacagaha maalgashiga labadaba lagu diro xawaalad.
Laakiin dadka fallanqeeya arrimaha dhaqaalaha ayaa ka digaya ahmiyadda adeegga xawaaladda aaney si wanaagsan u fahamsaneyn hey'adaha shisheeye ee dejiya xeerarka lacagta iyo Bangiyada, taasoo halis gelineysa baraaraha iyo nolosha malaayiin qof.
Sida uu London kaga soo waramayo Henry Ridgwell farsamo cusub oo casri ah ayaa balaarineysa suuqa xawaaladaha iyadoo yareyneysa lacagta wax lagu xawillo. Ibrahim Xassan Dandurey ayaa inoo haya warbixinta.
storvideo: 

Afghanistan: Dad is qarxiyay oo baabi'iyay...

$
0
0

Ugu yaraan 43 askeri ayaa ku dhimatay ka dib markii laba weerar oo is qarxin ah lagu qaaday saldhig militari oo ku yaalla gobolka Kandahar ee Koonfurta Afghanistan.
Sida wararku sheegayaan sagaal qof ayaa dhaawacantay, lix kalena waa la la'yahay. Toban xagjiriin ah oo weerarka qaaday ayaa sidoo kale dhimatay, sida la sheegay.
Weerarka oo ka dhacay degmo lagu magacaabo Maiwand, waa weerarkii seddaxaad ee ugu xoogga badnaa ee lagu qaaday ciidamada Afghanistan.
Ururka Taliban ee dalka Afghanistan ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.
Laba maalmood ka hor, dablay iyo dad is qarxiyay oo Taliban ka tirsanaa ayaa dilay 41 qof, ka dib markii ay weerar ku qaadeen xero tababar oo ku taalla magaalada Ghardes ee Bariga Afghanistan.
In ka badan 150 qof ayaa ku dhaawacantay weerarkaas. Cisbitaal deegaanka ku yaalla ayaa sheegay in dhaawaca uu yahay xad dhaaf, waxayna dalbadeen dhiig lagu shubo dhibanayaasha.
Isla maalintaa, ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhimatay qarax gaari loo adeegsaday oo lagu qaaday gawaarida gaashaaman ee gudoomiyaha gobolka Ghazni.
Militariga iyo booliska Afghanistan waxaa sanadkan gaaray dhibaatada ugu badan oo kaga imaanaysa ururka Taliban.
storvideo: 

Wasaaradda Maaliyada Maxa u Kordhay Todobadii Sanno...

$
0
0

Wasaaradda Maaliyada Maxa u kordhay Todobadi Sanno ka dib July/2010 ilaa December/2017''Qaybta KowaadWasaaradda Maaliyadu waxa lagu asaasay qodob dastuuriya ah oo lambarkiisu yahay qodobka afar iyo Toban(14), kaas oo ka hadlaya cashuuraha iyo takaalifta; taasi waxay cadaynaysaa in shay kasta asaas u yahay in loo helo dhaqaale, dhaqaalahaasi wuxu ku xidhan yahay sida u muwaadinkasta iyo muwaadinadkasta uga qayb qadato cashuur bixinta, taass waxa sal u ah cadaalada iyo xilkasnimo. Wasaaradda waxaa soo maray wasiiro fara badan oo kala karti iyo aqoon badan; waxaa ugu horeeyey wasiir Ismail Hurre Buuba(Prof: Buuba) ilaa imika oo ay xilka hayso Samsam oo Madaxweynaha imika talada haya u magaacabay xilkaas, isaga oo ka mid ahaa wasiiradi maaliyadda soo maray wakhtigii Madaxweyne Cigaal 1998-kii; Wasiirada Maaliyadda soo maray badidoodu way nool yihiin.Dawladdi hore ee UDUB waxay wareejisay dayn dhan 21 milyan; xukumadan imika talada haysaa waxa la rajaynayaa inay wareejiso lacag u dhaxaysa 30-40 milyan oo dollar, way ka yaraan karta ama way ka badnaan karta; oo ka imaya lacagtii kharashaadkii la dhimay sanadaha: 25% ee 2016 iyo 30% ee 2017; Wasaaradaha dalka iyo Ha'yadaha dawlada ee kala duwan waxay dayn u sii galeen misaaniyadihii kala aha 2016 & 2017; waana dayn ku taagan Qaranka oo ay dhaxli doonto xukumadda cusub ee tartankeedu dhextaagan yahay saddexda musharax ee kala ah (Eng. Faysal; Muj.Aqon. Muse & Dr. Abdiraxman) waxay kaga bixi karaan oo keliya inaan loo eegin reernimo oo keliya loo eego aqoon, kartii iyo garabsiinta madaxweynaha ku guulaysta inuu taladda dalka qabto, meelahaas oo kala ah Bangiga dhexe; Hanti-dhawrka, Xisaabiyaha Guud & Wasaaradda Maaliyadda. Taas waxay sabab u noqonaysaa in sarifku soo u dhaco iyo in la kantarool dhaqaalaha dalka.Wasaaradda Maaliyadu waxay ku dhaqantaa xeerarka kala duwan oo la xidhiidh shaqada maalinlaha ee ay qaran u hayso; waxa ka mid xeerka Gadista, xeerka cashuuraha toosan, xeerka wada marista, xeerka kastamadda, xeerka xadgudubyada maaliyadda, xeerka kala wareejinta hantida, xeererka waxa la ansixiyey dhamaantood 1996; laga soo bilaabo 2007 waxa la asaasay qayb ka shaqaynaysaa dib u habaynta nidaamka maaliyadda; waxa la baabiyey 2010-ka markii ee xukumadda Axmed Siilaanyo xilka qabsatay. Waxaynu halkan ku soo bandhigi doona qaybo ka waramaya saddexda wasiir ee soo maray wasaaradda maaliyadda xilligii madaxweynaha imika taladda haysa u magacaabay wasiirada hoos ku xusan:Qaybta Labaada Eng. Maxamed Xaashi July/2010 ilaa March/2012Qaybta Saddexaada C/Asis Maxamed Samaale March/2012 ilaa Feb/2015Qaybta Afraad Samsam Maxamed Adan Feb/2015 ilaa imika Sept 2017Waxaynu ka eegi doona qodobo Gagaaban oo la xidhiidha waxqabadka dawladnimo ama u bahaan in la cadeeyo qaabka loo qabtay. Waxa ka mid ah:Miisaaniyada dalka side ayuu maamulay iyo qaabka u isticmaali jiray, tusaale ahaan marka la adaroosayo side ayaa loogu qoonden jiray wasaaradaha kala duwan ee dalka iyo waxa lagu saleen jiray.Masuuliyadiisa side ayuu uga soo bixi jiray intu xilka hayey, cashuur bixiyeyaashu ma heli jireen marka arrin uga baahdan; hawlaha shaqo.Dib u habeeynta maaliyaddu side ayuu uga qayb qaatay wasiir waliba muddo xileedkiisi, sidoo kale intee in leeg ayuu ku darsaday hawshan ilaa imika socotay ee jihadu ka luntahay.Nidaamka shaqaalaynta shaqaalaha wasaarada maaliyada muxu u raacay, ma mid sax mise mid habaab kale loo maray. Tusaale ahaan shaqaalaha wasaaradu waa 1,500 shaqaala iyo ilaa laba boqol oo tabareeriya; wasiirkasta intee ayuu qoray muxu ku kordhiyey intuu xilka hayey; waxaad xisaabta ku darasta in shaqaalihii wakhtigii Amb. Cawil shaqaynaayey wasaaradda waxay tiradoodu dhamayd ilaa lix boqol oo shaqaala (600 shaqo )
Waxaan ka codsanayaa cid kasta oo macluumad dheerad ah ka haysaa arrimaha kor ku xusan inay xidhiidh ilaa soo samayso si aan xaqiiqada ugu dhawaado, igama aha cid gaara wax ka sheeg; laakinse waxa weeye masuuliyadii dalka loogu dhiibay xage ayuu la maray; ma dariiq sax ah mise waxba ka qaloocday.
Yusuf Mohamed Hussein
storvideo: 

Mareykanka oo weynaya qeyb ka mid ah maraakiibtiisa...

$
0
0

Washington (Caasimadda Online) - Warbixin dhowr Page ka kooban oo ay qoreen baarayaal Mareykan ah ayaa ka dardaar warinaysa mustaqbalka ciidanka badda Mareykanka oo mar kamid ahaa kuwa ugu awoodda badan caalamka uguna hormarsan.
Warbixinnada ayaa sheegaya in si tartiib tartiib ah uu Mareykanku uluminayo awooddiisi dhanka badda taas bedelkeedna dowlado yaryar ay soo korayaan oo ay dhisanayaan ciidamo badda ah iyagoo sameysanaya hub casri ah.
Marin biyoodyada caalamiga ah ayaa muhiim u ah ganacsiga iyo awood ballaarsiga sidaas oo ay tahay haddii mareykaku dhanka awoodda badda ka daciifo wuxuu noqon doonaa dal aan laloolami Karin dowlado xifaaltan dhan walba ah kala dhaxeeyo sida Ruush-ka iyo shiinaha.
Baarayaal ku takhasusay arrimaha difaaca Badda waxay saadaalinayaan in waqti aan dheerayn ay ciidamada Badda ee Maariiniz-ka loo yaqaan ay lumin doonaan sedax meelood hal meel awoodoodi.
Shabakadda Jeffens News ee laga leeyahay wadanka Mareykanka ayaa maqaal dheer oo ay ku daabacday Boggeeda internetka waxay si xeeldheer uga faallootay habacsanaanta lama filaanka ah ee ku timid ciidanka Badda Mareykanka "Ciidanka Badda Mareykanka si tartiib tartiib ah ayay usii daciifayaan waxaana lafilayaa in marka lagaaro sanadda 2020 ay lumiyaan sedax meelood meel hubkii iyo maraakiibtii ay ku howlgelayeen" ayay tiri Jeffens News.
shabakadda oo soo xiganaysa Brian McGrata oo ah falanqeeya melleteri ayaa sheegtay in hadda ay taagantahay khatar ku wajahan ciidanka badda Mareykanka balse aysan ku baraarugsanayn mas'uuliyiinta dowladda Mareykanka.
"waxaa daruuri ah in dib loo eego qalabka ay isticmaalaan ciidanka Mareykanka sida in dayactir waxgal ah lagu sameeyo maraakiibta iyo hubka ciidamada, waxaana waajib ku ah wasaaradda Gaashaandigga iyo Taliska Maariiniz-ka in ay bixiyaan qarashka ku baxaya" sidaas waxaa yiri Brian McGrata oo ah khabiir Melleteri.
Jeneraalkan Mareykanka ayaa dhibaatada ka taagan ciidanka Badda mas'uuliyadda dusha uga tuurtay madaxda mareykanka isagoo dhibaatada ugu daran usababeeyay dhaqaala darro "waxaa jira mashaakil dhanka miizaaniyadda ah oo dhib weyn ugeystay Heykalka ciidanka badda" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Jeneraal Brian McGrata.
Jeffens News waxay warbixintan dhowrka Page ka kooban ku sheegtay in qaar kamid ah Maraakiibta gujisyada ah iyo kuwa wax baabi'iya ay ku dhowyihiin howlgab halka qaar kale aysan u wanaagsaneyn in ay u shaqeeyaan dowlad weyn oo loola jeedo Mareykanka.
"Dhowwaan howlgab ayay noqonayaan maraakiibta gujisyada iyo xambaara gantaallada Kuruuzka sida Mobile Pay iyo Bunker Hill oo cimrigoodu kor u dhaafay 35 sanadood" sidaas waxaa lagu caddeeyay warbixinta ay faafisay Jeffnes News.
ilo wareedyo isla shabakaddaas ay heshay waxay xaqiijinayaan in marka lagaaro sanadda 2026 ay dowladda Mareykanku weyn doonto 11 kamid ah maraakiibta ugu waaweyn ee ciidanka Badda sababa laxiriira gaboow iyo dayactir la'aan.
Warbixinta ayaa saadaalinaysa in mareykanka ay horyaallaan laba khiyaar oo kala ah in uu dib udayactir ku sameeyo maraakiibtan oo kuna bixiyo lacago ballaayiin dollar ah ama uu iibsado maraakiib kale oo gujisyo ah.
Falanqeeyayaasha u dhuun daloola melleteriga Mareykanka waxay saadaalinayaan in mareykanka xilligan la joogo uusan ku fikirayn dib uhagaajinta maraakiibta gaboowday balse laga yaabo in maraakiibtaas aysii shaqeeyaan iyadoo aan loo adeegsanayn arrimo dagaal.
Bishii lasoo dhaafay waxaa shaqada laga eryay laba taliye oo katirsanaa ciidamada Badda Mareykanka kadib shilal tobaneeyo askari ku dhinteen oo ka dhacay badaha qaaradda Asia gaar ahaan Japan iyo sangabuur.
Donald Trump ayaa lafilayaa in uu saxiixo mashruuc ballaaran oo lagu dhisayo markab dagaal oo nuuciisu casri yahay kaasi oo lacagta ku baxayso ay tahay ballaayiin dollar ah waxaana qandaraaska dhismaha Markabkaas qaadatay mid kamida shirkadaha ugu weyn ee farsameeya maraakiibta oo fadhigeedu yahay gobolka Florida.
Duufaanno khasaariyay lacago malaayiin dollar ah iyo dagaalka aan joogsiga laheyn ee Mareykanku wajahayo ayaa loo sababeynayaa in hoos u dhac ku yimaad awooddiisa melleteri waxaana jira in dowlado kale ay soo ciriirsanayaan booskiisa sida Ruush-ka Turkiga iyo shiinaha oo awoodoodu sii laba kaclaysay sanadadii tagay.
Loolanka dhanka hubka ah ee kajira gaziiradda Kuuriya ee qaaradda Asia ayaa iyana qeyb ka ah dagaalka qaboow ee America wajahayso marka lagasoo tago dagaalka ay kula jirto jamaacaadka Jihaadiga ah.Source: Jeffens News- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 


War Deg Deg ah:- Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo ku...

$
0
0

Ra'iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo Galabta kula hadlay Magaalada Muqdisho Boqolaal Dhalinyaro ah oo u badan kuwii ka qeyb qaatay Gurmadkii loo fidiyay Dadkii Qaraxii Musiibada ahaa uu ku Haleelay Isgoyska 14-October Ex-Zoobe ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Shacabkeeda ay bilaabi doonto Dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo Dalka oo dhan looga saari doono.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dagaalkaas uu bilaaban doono Sabtida soo socota islamarkaana uu noqon doono midkii Dalka oo dhan looga saari lahaa Al-shabaab oo lagu soo Afjari lahaa Dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Hadalka Ra'iisul Wasaaraha ayaa imaanaya Xilli Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Galaaftay Nolosha in ka badan 300 oo Qof ay Dadka ku nool Muqdisho Dareenkooda sida ay uga Xun yihiin ay Muujiyeen.
storvideo: 

Maxaa Sababay Dib u Dhaca Shaacinta Natiijada...

$
0
0

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhigtay shir jaraa'iid oo xalay lagu waday in lagu soo bandhigo natiijada horudhaca ah ee baaritaanka weerarkii argagaxiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho 14kii bishan.
Baaritaanka Qaraxii Isgoyska Zoope ayeysan weli dowladu ka hadlin walow ay jiraan warbixino kala duwan oo ay qaar kamid ah saraakiisha dowlada si hoose u siiyeen saxaafada, arrintaasi oo loo aaneenayo dib u dhaca ku yimid warbixintii ay dowlada damacsaneyd inay xalay soo bandhigto.
Su'aalo badan ayaa la iska weydiinayaa qaabka loo fuliyey weerarkan, gaar ahaan sida ay u suurto gashay in gaariga qaraxa fuliyey looga soo siidaayey ugu yaraan hal kontarool oo ay ciidamada dowlada ku istaajiyeen.
Dhinaca kale xubno kamid ah saraakiisha baaritaanka wada ayaa sheegaya in ay jiraan gacmo ka baxsan dowlada oo culeys ku saaraya dowlada in la koobo xogta lasiinayo shacabka ee ku aadan baaritaanka, taasi oo qaarkood saameyn ku yeelan karta shirkado waaweyn oo la sheegay inay u shaqeenayeen qaar kamid ah ragga gacanta lagu hayo ee loo heysto inay wax ka ogaayeen weerarkaasi.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Talyaaniga oo €300,000 Ugu Deeqay Hay’adda Bisha Cas

$
0
0

Dowladda Talyaaniga ayaa EU300,000 oo Yuuroo ugu deeqday Hay'adda Bisha cas ee Caalamiga ah,taas oo iyana ku wareejin doonta Hay'adda Bisha cas ee Soomaaliyeed.
Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga Angelino Alfano,ayaa sheegay in lacagtaas ay ugu taka galeen in Hay'adda bisha cas ee Soomaaliyeed ay u adeegsato daweynta dadka ay waxyeellada ka soo gaartay Qaraxii billoowgii todobaadkan ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Angelino Alfano.,waxaa uu sheegay in lacagtaas loogu talagalay in Isbitaallada Gudaha loogu iibiyo dawo si iyagana ay ugu dabiibaan dhibbanayaasha ku waxyeelloobay Qaraxa 14kii Bishan ka dhacay Isgoyska Soobbe ee Magaalada Muqdisho.
Hay'adda Bisha cas ee Soomaaliyeed ayaa sheegtay in lix ka mid ah shaqaalaheeda ay ku dhinteen weerarkaas sidoo kalena ay tiro kale uga dhaawacmeen.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Hay’adda Samsam oo maanta deeq lacageed gaarsiisay...

$
0
0

Masuuliyiinta Hey'adda Samsam Foundation ee magaaladda Muqdisho waxaa ay maanta deeq gaarsiiyeen qaar kamid ah Bukaanada ku jira Isbitaaladda kuwaas oo dhibaatado kasoo gaartay Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho Sabtidii aan soo dhaafnay. Dr Maxamed Yuusuf Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in dhawaacyadda u baahan yihiin in lagarab istaago, maadaama qaarkood ay ka soo jeedaan qoysas aad u dan yar. Madaxa Hay'adda Samsam Sheceyb C/ladiif Sheekh Bashiir ayaa waxaa uu tilmaamay in Qorshuhu yahay inay tagaan inta badan Isbitaaladda lajiifiyey Dadkii u dhaawacmay Musiibadda ka dhacday Muqdisho. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya sidoo kalena kamid ah Guddiga Gurmadka Qaran C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa waxaa uu sheegay in dadku inay isgarab istaagaan ay aad muhiim u tahay waxaana uu u mahadceliyey Madaxda Hey'adda Samsam Foundation sidda ay dadka u garab taagan yihiin.
storvideo: 

DEG DEG: Ra’iisal Wasaare Kheyrre oo Ku Dhawaaqay...

$
0
0

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo Galabta kula hadlay Magaalada Muqdisho Boqolaal Dhalinyaro ah oo u badan kuwii ka qeyb qaatay Gurmadkii loo fidiyay Dadkii Qaraxii Musiibada ahaa uu ku Haleelay Isgoyska 14-October Ex-Zoobe ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Shacabkeeda ay bilaabi doonto Dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo Dalka oo dhan looga saari doono.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dagaalkaas uu bilaaban doono Sabtida soo socota islamarkaana uu noqon doono midkii Dalka oo dhan looga saari lahaa Al-shabaab oo lagu soo Afjari lahaa Dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Hadalka Ra'iisul Wasaaraha ayaa imaanaya Xilli Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Galaaftay Nolosha in ka badan 300 oo Qof ay Dadka ku nool Muqdisho Dareenkooda sida ay uga Xun yihiin ay Muujiyeen.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live