Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Conte: Wax Dhib ah Kama Taagna Tababarka Chelsea

0
0

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa meesha ka saaray inay jiraan qalalaase ka taagan hababka uu naadiga u tababaro.


Ergooyinka soo dhisay Galmudug oo eedeeyay Dowladda...

0
0

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maanta waxaa kulan ku yeeshay Qaar ka mid ah xildhibaanada Labada Aqal ee ka soo jeeda degaanada Galmudug iyo Ergooyinkii soo dhisay maamulkaas.
Kulanka ayaa ujeedkiisa wuxuu ahaa sidii looga arrinsan lahaa xaalada maamulka Galmudug oo la ogyahay in khilaaf uu ka dhexjiro Madaxda Sare ee maamulka Galmudug.
Kulanka kadib qaar ka mid ah Ergooyinka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen in ay masuul ka tahay xaalada siyaaseed ee ka taagan degaanada Galmudug, ayna ku mashquulsan tahay duminta maamulka.
Waxay sheegeen Dowladda Federaalka in Cadaado ay geysay dad ay sheegeen in ay doonayaan in ay ku bedelaan Madaxda hada ka jirta maamulka Galmudug, taasi oo ay tilmaameen in ay ku maalgelineyso Hantidii Dowladda, ee loogu tala galay Ciidamada, iyo howlaha kale ee Dowladda.
Sidoo kale waxay sheegeen kulankan ay yeesheen in aysan kaga soo horjeedin Dowladda Federaalka, oo hormarka aysan hortaagneyn, balse keliya ay doonayaan in la dejiyo xiisada ka taagan Galmudug.
Ergadan ayaa waxay kaloo sheegeen in saakay ay dacwad u gudbiyeen Guddoonka labada Gole, taasi oo ay sheegeen in ay dib u celineyso dib u heshiisiinta iyo maslaxadii Soomaaliyeed.
Madaxda maamulka Galmudug ayaa xilligan waxaa ka dhextaagan khilaaf, ilaa hadda aanan la xalin, iyada Galmudug ay sheegtay khilaafkaas in ay gadaal ka riixayaan Madaxda Dowladda Federaalka.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Juventus oo 1-aad Noqotay Naadigii ugu Qarshka Badnaa CL Sanadkii Tagay

0
0

Kooxdii Finalka looga adkaaday Champions League, ayaa noqotay naadigii ugu faa'idada qarashka badneyd horyaalkaasi, iyagoo heley lacago gaaraya 110.4 million oo euro ($130.3 million), sida ay EUFA sheegtay Jimcahii maanta.

Conte: Wax Dhib ah Kama Taagna Tababarka Chelsea

0
0

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa meesha ka saaray inay jiraan qalalaase ka taagan hababka uu naadiga u tababaro.
Warar soo baxayay ayaa sheegayay in kooxda Blue-ska ay ka daashay jadwalka tababar ee Conte oo loo arkey in uu ciqaab ahaa.
Balse, tababaraha Talyaaniga u dhashay ayaa sheegey in boqolkiiba 70 uu tababarka kooxda uu ka yar yahay sidii uu ahaa sanadkii hore ee ay ku guuleysteen horyaalka.
storvideo: 

Juventus oo 1-aad Noqotay Naadigii ugu Qarshka...

0
0

Kooxdii Finalka looga adkaaday Champions League, ayaa noqotay naadigii ugu faa'idada qarashka badneyd horyaalkaasi, iyagoo heley lacago gaaraya 110.4 million oo euro ($130.3 million), sida ay EUFA sheegtay Jimcahii maanta.
Leicester City ayaa noqotay naadiga labaad, iyadoo ka sara martay naadiga Real Madrid oo horyaalkaasi ku guuleystay waxayna heshey 1.6 million oo euro, sababtoo ah kooxda horyaalka Ingriiska ku guuleysatay ayaa saamiga ugu badan xaqiiqaadka baahinta iska laheyd.
Kooxda tababare Zinedine Zidane oo markii labaad oo isku xigta ku guuleystay horyaalka Yurub ayaa heshay lacago gaaraya 81 million oo euro.
storvideo: 

Deg deg: Qarax ka dhacay Banaadir iyo faahfaahin ku...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inuu ka dhacay Qarax baabuur lagu xiray inta u dhaxeyso Banaadir iyo Digfeer.
Wararka hordhaca ah ee laga helayo qaraxaas ayaa sheegayo inuu ahaa mid lagu xiray gaari uu lahaa shakhsi.
Sida wararka sheegayaan qaraxaas wuxuu geystay khasaaro dhaawac, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo jidka marayey.
Ninkii lahaa gaariga ayaa la sheegay inuusan xilligaas ku jirin, balse labada qof ee dhaawacmay ay ahaayeen kuwa jidka marayey.
dhaawacyada labadaan qof ayaa la dhigay Isbitaal Kalkaal oo u dhow meesha qaraxa ka dhacay.
Gaariga Qaraxa lagu xiray ayaa ahaa Surf cadaan ah oo xilligaas meel yaalay qofkii lahaana uu meelaha ka dhawaa.
Qaraxaas ayaa qalqal ku abuuray dadkii la og dhawaa, wuxuuna kusoo aadayaa xilli aysan dadka Muqdisho weli iloobin Qaraxii Zoobe ka dhacay, waxaana xusid mudan inuu qaraxaas ka dhacay Banaadir oo aan sidaas uga fogeyn halka musiibada ka dhacday.
lama ogo waxa uu ahaa qofka gaarigiisa qaraxa loogu xiray.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Al-shabaab oo durba kala carar bilaabay.

0
0

Militariga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta si nabad ah kula wareegay degaanno ka tirsan gobolkaasi,kadib markii ay Al-shabaab ka baxeen,ka hor intaan ciidanku gaarin,sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee (SONNA).
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay gaareen degaannada Mareerey,Sabiible iyo Caanoole oo dhammaantood ka tirsan Sh/Hoose,kadib markii Al-shabaab banneeyeen,balse ma jirto cid ka madax-bannaan oo warkaasi xaqiijisay.
Al-shabaab ayaa degaannadaasi uga baxay culays kaga yimid dhanka militariga Soomaaliya,waxayna u firxadeen dhulka hawdka ah,iyadoo ay weli ku raad joogan Ciidanka Xoogga Dalka,sida ay Wakaaladdu soo werisay.
Todobaadkii tegay qarax ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday,ayaa Mogadishu ku dilay in ka badan saddex boqol oo ruux,tiro kale oo badana waa ku dhaawactay,waxaana lagu tilmaamay kii ugu khasaaraha badnaa taariikhda Soomaaliya.
Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxaasi,inkastoo dowladda Soomaaliya ku eedaysay ururka Al-shabaab ee dagaalka xooggan kala horjeeda ciidanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka.
Dibad-baxyo ballaaran oo lagu cambaareynayo qaraxaasi ayaa la isugu soo baxay qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka ah oo ay ku jirto caasimadda Mogadishu,waxaana mar qura kacay dareenka shacabka Soomaaliyeed oo ka gilgishay xasuuqa lagu laayey rayidka aan waxba galabsan.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed cabdullaahi(Farmaajo) oo Arbacadii kumannaan dibad-baxayaal ah kula hadlayey Garoonka kubadda cagta Konis ee magaalada Mogadishu,ayaa ku baaqay'in loo midoobo dagaalka al-shabaab"oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen qaraxaasi lagu hoobtay.
"Waxaan idiin sheegayaa, dhallinyaro, Haddaad iskuulka dhammaysaan xageed u shaqa tegeysaan? meel jidadka la idiinku xasuuqayo. Waa in aad u istaagtaan difaaca naftiida, difaaca hooyooyiinkina, difaaca deriskiina iyo difaaca dalkiina," ,ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Axaddii la soo dhaafay, sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo diiday in magaciisa la xigto,ayaa PUNTANDPOST u sheegay in Dowladda Soomaaliya qorshaynayso dullaankii ugu ballaarnaa oo lagu qaadayo al-shabaab,islamarkaana looga fal-celinayo qaraxii Soobe.
sarkaalka ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu taliyaasha ciidanka kala hadli doono sida loo dejinayo qorshaha dagaalkaas cusub ee lagu qaadayo Al-shabaab,iyo magaca ugu habboon ee loo bixin karo.
Khamiistii shalay Ra'iisulwasaare Xassan Cali Khayrre oo la hadlayey dhalinyaro ku sugan Xarunta looga gurmanayo dadkii ku waxyeelloobay qarax,ayaa sheegay in wixii sabtida ka dambeeya dalku dagaal geliyo.
khayrre ayaa ugu baaqay dhalinyarada iney u istaagaan sidii dalka looga xoreyn lahaa al-shabaab oo uu ku tilmaamay"koox caadaysatay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed".
" Cududda ugu badan ee dalku leeyahay waa idinka. maanta haddii aan isku geyno awooddeena, waxaa hubaal in dhib danbe aysan shabaab noo geysan karin" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre.
Wuxuu rajo ka muujiyey in dhalinyara Soomaaliyeed dhiigga ay ugu deeqayan dhibbanayasha qarax,mid lamid ah ay ugu deeqaan difaaca dalka iyo dagaalka furimaha hore.
"Dhiigga aan ku bixinayno Isbtlitaallada insha allahu waxaan ku bixin doonnaa furimaha dagaalka. Madaxweynaha ayaa nagu hoggaaminaya dagaalka idinkuna u diyaar garooba difaaca dalkiina hooyo, kana qeyb qaata in ay nabad ku seexdaan caruurteena iyo hooyooyinka maalin walba barooranaya",ayuu mar kale yiri Khayrre.
Dhinaca kale taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa la kulmay Taliyaha AMISOM Gen: Cusmaan Nuur Subagle iyo saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, oo uu kala hadlay dagaalka al-shabaab.
"Kulankan muhiimka ah ee aynu maanta halkan u fadhino ujeedkiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in Soomaaliya laga ciribtiro Argagixiso "ayuu yiri Gorod.
Madaxweyne Farmaajo ayaa warqad codsi ah u diray labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo ka dalbaday in ay kulan deg deg ah isugu yimaadaan maalinta sabtida ah,si uu ugu jeediyo khudbad ka hadlaysa in dalku xaalad dagaal galay.Duullaanka weyn.PUNTLAND POST ayaa ogaatay in madaxweyne Farmaajo khudbaddaasi ku iclaamin doono duullaan weyn oo lagu qaadayo al-shabaab,kaasoo looga falcelinayo qaraxii Soobe.
Duullaanka ayaa laga bilaabi doonaa gobolka Shabeellaha Hoose oo lagu tuhunsanyahay in laga soo abaabulay qaraxii Soobe.
Diyaaradaha Drones-ka Maraykanka ayaa warar ka qaar sheegayaan in ay ka qayb qaadan doonaan duullaanka,balse PUNTLAND POST ma xaqiijin karto warkaasi.
PUNTLAN DPOSTCabdiraxmaan Ciise Cumar
The post Al-shabaab oo durba kala carar bilaabay. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo lagu eedeeyay in Dal Shisheeye uu u gacan galiyay Muwaadin Soomaaliyeed.

0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Iyadoo inta badan Shacabka Soomaaliyeed ay si aad u hadal hayeen eedeymo loo jeedinayay Maareeyaha Cusub ayaa waxaa hadana soo ifbaxaya dhaliilo ku aadan in Maareeyuhu ku  lug leeyahay in Muwaadin Soomaaliyeed  loo gacan galiyo dal Shisheeye.
Muuse Xabad Tife oo arrintaas wax kala socday ayaa Shabelle u xaqiijiyay in dowladda Talyaaniga uu u gacan geliyay Maareeyaha Dekedda Muqdisho Axmed Waashington Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Xaashi Cumar Xasan isagoo ku oogay Kiis been abuur ah oo ku aadan in Muwaadinkaas Soomaaliyeed uu ku lug lahaa dilka Muwaadiniin ka soo jeeda waddankaasi Talyaaniga.
Waxaana uu shaaca ka qaaday Muuse Xabad Tife in Maareeyaha Dekedda Muqdisho uu Marqaatiyo been abuur ah ku furay Muwaadinkaas Soomaaliyeed isagoona arrin lala yaabo ku tilmaamay in shaqsigii falkaas arxan darrada ah ku kacay in loo Magacaabo Maareeyaha Dekedda Muqdisho.
“ Gacan galin kaliya uguma ekeen  Muwaadinkaas Soomaaliyeed ee  Xaashi Cumar Xasan , waxaa kaloo uu u diyaariyay dowladda Talyaaniga Marqaatiyaal been abuur ah si ay ugu marag furaan dhibanahaasi laga been abuurtay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay  Muuse Xabad Tife oo arrintaan faah faahin ka siinayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn Muuse Xabad Tife ayaa tibaaxay in Dadka Soomaaliyeed ay niyad jabineyso in shaqsi Cadow dadkeena u gacan gelinaya xil ay u Magacaawdo Dowladda Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Maareeyaha Dekedda Muqdsho oo dhowr jeer Kiiskaan lagu eedeeyay ayaan weli wax war ah ka soo saarin, maadaama arrintani dad badan  oo Soomaaliyeed u arkaan Fadeexad hareysay.
The post Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo lagu eedeeyay in Dal Shisheeye uu u gacan galiyay Muwaadin Soomaaliyeed. appeared first on Shabelle.


Dhageyso Warka Haben ee Idaacadda Shabelle.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo lagu eedeeyay in Dal...

0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Iyadoo inta badan Shacabka Soomaaliyeed ay si aad u hadal hayeen eedeymo loo jeedinayay Maareeyaha Cusub ayaa waxaa hadana soo ifbaxaya dhaliilo ku aadan in Maareeyuhu ku lug leeyahay in Muwaadin Soomaaliyeed loo gacan galiyo dal Shisheeye.
Muuse Xabad Tife oo arrintaas wax kala socday ayaa Shabelle u xaqiijiyay in dowladda Talyaaniga uu u gacan geliyay Maareeyaha Dekedda Muqdisho Axmed Waashington Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Xaashi Cumar Xasan isagoo ku oogay Kiis been abuur ah oo ku aadan in Muwaadinkaas Soomaaliyeed uu ku lug lahaa dilka Muwaadiniin ka soo jeeda waddankaasi Talyaaniga.
Waxaana uu shaaca ka qaaday Muuse Xabad Tife in Maareeyaha Dekedda Muqdisho uu Marqaatiyo been abuur ah ku furay Muwaadinkaas Soomaaliyeed isagoona arrin lala yaabo ku tilmaamay in shaqsigii falkaas arxan darrada ah ku kacay in loo Magacaabo Maareeyaha Dekedda Muqdisho.
" Gacan galin kaliya uguma ekeen Muwaadinkaas Soomaaliyeed ee Xaashi Cumar Xasan , waxaa kaloo uu u diyaariyay dowladda Talyaaniga Marqaatiyaal been abuur ah si ay ugu marag furaan dhibanahaasi laga been abuurtay" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muuse Xabad Tife oo arrintaan faah faahin ka siinayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn Muuse Xabad Tife ayaa tibaaxay in Dadka Soomaaliyeed ay niyad jabineyso in shaqsi Cadow dadkeena u gacan gelinaya xil ay u Magacaawdo Dowladda Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Maareeyaha Dekedda Muqdsho oo dhowr jeer Kiiskaan lagu eedeeyay ayaan weli wax war ah ka soo saarin, maadaama arrintani dad badan oo Soomaaliyeed u arkaan Fadeexad hareysay.
storvideo: 

Gudaha Ka Eeg :“Dadku markay yihiin Alle yaqaan...

0
0

Hargeysa- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday in dadku marka ay Ilaahay SW adeecaan, nabadgelyo helaan, hadii ay caasi noqdaana nabadgelyo darro haleeli doonto
Sheekh Dirir oo khudbadii maanta kaga hadlay nimcada nabadgelyada iyo sida loo ilaashanayo ayaa sheegay in nimcadaa garanayaan dadka aan haysan, ee dagaalo ku dhaceen ama qaxaysa, ee dalkoodii iyo duunyadoodiiba waaya, waxaanu yidhi,
"Nimcada nabadgelyada waxa garta dadka aan haysan , ee dagaalo ku dhaceen ama qaxaysa, ee dalkoodii iyo duunyadoodiiba waaya. Dadkaa ayaa dareemi kara qiimaha ay leedahay.
Islaamku qiimo weyn ayuu siiyey, miisaan weyna wuu saaray, si dhab ahna wuu u qiimeeyey nimacada nabadgelyada ayuu sheegay Sheekh Dirir, waxaanu yidhi,
"Islaamku qiimo weyn ayuu siiyey, miisaan weyna wuu saaray, si dhab ahna wuu u qiimeeyey nimcada nabadgelyada. Waan ka tacsiyadeynayaa walaalaheena reer Muqdisho dhibaatadii ku dhacday, iyagoo dhaawac weyn ka soo gaadhay nimcada ama ka haysto.
Ha moodina dhibaatooyinka dhacaya ee Muslimka meel ay joogaanba ka dhacaya, ama kuwa aad ehel tihiin iyo jaarkiina ku dhacaya, inuu kaa maqan yahay, macnaha islaamku si can ah ayuu u fikiraa, ayuu sheegay Sheekh Dirir, waxaanu yidhi,
"Qofka Muslimka ah si caalami ah ayuu u fikiraa, walaalkaaga Afrikada dhexe lagu gawracayo ama ka Arakaan lagu gawracayo ama ka Muqisho, Ciraaq, Shaam lagu gawracay waa isugu keen mid, dhibka midkood soo gaadha, adiga wuu ku gaadhay, dadkuna way isku wada xidhan yihiin.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in qoys deganaa masaafo saddex boqol oo mitir gurri u jira masaajidka Rusheeya nin iyo xaaskiisi socdaal ku tageen Muqdisho khamiistii ama Jimcahii hore, waxaanu raaciyey,
"Qoyskaasi waxay u tageen Muqdisho inay ka qeybgalaan in qof ehelkooda oo ku dhintay tacsidiisa ka qeybgalaan, labadiiba qaraxii ayey ku dhinteen, sagaal caruur ah oo ay ka tageena agteena ayey joogaan. Dadku ma kala maqna sidaa ayey iskugu xidhan yihiin.
Nimcada nabadgelyada Ilaahay SW waxuu ugu mano sheegtay ummadii Islaamka ee nabi Maxamed NNKH horkacayey ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo yidhi,
"Ilaahay waxuu yidhi, 'waxaad xusuusataan nabi Maxamed NNKH iyo asxaabtiisa, markaad Makka joogteen, ee tamarta yaraydeen, ee la idin dhibayee, la idin tun-jilaycsanayey Ilaahii idiin hiiliyey.
Marka qofku nabadgelyo, caafimaad iyo arsaaqdiisa haysto, noloshii aduunyada wax ka maqan ma jirto ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo yidhi,
"Marka qofku nabadgelyo, caafimaad iyo arsaaqdiisa haysto, noloshii aduunyada wax ka maqan ma jirto. Nebi Maxamed NNKH ayaa tilmaamay, 'Bulsho-yahay kina nabadqaba, ee reerkiisa la jooga, ee jidhkisuna u caafimaad qabo, waxuu cunayey maalintaana haysta, aduunyadii wax ka maqani ma jiraan.' Waa qiimayn uu Rasuulku NNKH saaray nolosha asaasiyaadkeeda, iyadoo Nabadgelyada loo horaysiiyey.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Nabadgelyadu tahay natiijada iimaanka, waxaanu yidhi,
"Dadku marka yihiin dad Alle yaqaan ah oo iimaan leh, oo Ilaahay SW ka edebsaday, amniga ay doonaan ayey helayaan, laakiin hadii aanay iimaan lahayn, ilbaxnimo iyo awood kasta ha sheegtaane, ma helayaan amniga. Dunida meelaha loogu cabsi badan yahay waa Maraykanka oo dadku xagiisa eegayaan, taasina waa iimaan la'aanta. Ilaahay SW ayaa yidhi, 'dadka Ilaahay rumeeyey, een dulmi la iman waxay helaan nabadgelyo"
Sababo nimcada nabadgelyadu ku sugnaato ayaa jira ayuu sheegay Sheekh Maxamed, waxaanu yidhi isagoo ka hadlaya,
"In Ilaahay la adeeco waa sababaha lagu helo nabadgelyada, oo dadku aanay Ilaahay SW caasiyin ama kuwo ka firdhaday oo falaagoobay noqon, ee kuwo adeecaya oo ka talloqaata doqdaan. Ilaahay SW waxuu tusaale innagu siiyey dad nabadgelyadii ay haysteen ku waayey markii ay adeeci waayeen, "magaalo iska degenayd, oo xasiloonayd oo arsaaqadeeda meel walba ka heli jirtay, marka ayey Ilaahay SW nimcooyinkiisii ayey diideen (nimcadii diinta), markaa ayuu Ilaahay SW dhadhansiiyey hugii cabsida iyo gaajada" hadii ay timaado diin la'aan cabsi, gaajo iyo qaxootinimo way imanayaan. La soco qeyb labaad insha alaah.
storvideo: 

Askar ka tirsan booliiska Masar oo Qaahiro lagu dilay

0
0

Ugu yaraan 14 ka tirsan booliiska dalka Masar ayaa ku dhintay isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada ammaanka iyo koox looga shakisan yahay in ay mintid yihiin.

Askar ka tirsan booliiska Masar oo Qaahiro lagu dilay

0
0

Ugu yaraan 14 ka tirsan booliiska dalka Masar ayaa ku dhintay isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada ammaanka iyo koox looga shakisan yahay in ay mintid yihiin.
Is risaasaynta ayaa bilaabatay ka dib markii booliiska ay u dhaceen xaafada Bahariya oasis,oo ku taalla maqaalada Qaahira ,halkaasi oo ay ku dhuumanayeen kooxdan.
Kooxdani oo isku dayayay in ay baxsadaan ayaa waxa ay rasaas ku fureen booliiska .
Kooxdani laga shakisan yahay ayaa waxa ay rasaasta ka soo ridayeen dhismooyiin dhaaheer .
Wararka ayaa sheegaya in mintidiintani ay ka tirsan yihiin kooxda lagu magacaabo Hasm, oo horey weeraro ula bartilmaameedsaday ciidamada ammaanka.
Balse arrintani ku saabsan in ay yihiin kooxda Hasm wali lama xaqiijin.
storvideo: 

Weeraro ismiidaamin ah oo lagu qaaday Misaajido ku...

0
0

Saraakiisha dalka Afqanistan ayaa waxay sheegeen in 60 qof lagu dilay laba weerar oo ismiidaamin ah oo lagu qaaday Misaajido.
Weerarka kowaad ayaa lagu qaaday Misaajid ay leeyihiin Shiicada oo ku yaalla magaalada Kabul .
Weerarkan ayaa waxa ku naf waayay ku dhawaad 40 qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur.
Dhanka kale weerar bambaano ayaa lala bartilmaameedsaday Misaajid ku yaalla gobolka Ghor,.
Weerarkan waxaa ku dhintay abaanduule maleeshiyaad gacan saar la leh dowladda iyo 19 qof oo kale.
Tirada ku dhimatay labada weerar ayaa laga cabsi qabaa in ay korodho.
Ilaa iyo imika ma jirto cid sheegtay masuuliyada weeraradan.
Kooxda la baxday dowladda Islamka ayaa horey weeraro ula bartilmaameedsaday goobo ay ku noolyihiin dadka Shiicada ee Afaqanistaan.
storvideo: 

18 dal oo dhaqaali uruurin laga bilaabay

0
0

Kn: Soomaalida ku nool daafaha caalamka ayaa maanta oo Jimce ah bilaabayay uruurinta tabarucaad ay ugu gargaarayaan walaalahooda ku waxyeeloobay masiibadii Xamar.
Ilaa iyo 18 dal oo shanta qaaradood ku kala yaala ayaa laga bilaabay dhaqaale uruurinta, waxaana arinta isku-dubaridkeeda lahaa culimo uu hor-kacayo Sh. Maxamed Idriis.
Ayadoo Soomaalida dalka hooyo ku sugan ay muujiyeen dareenkooda isla mar ahaantaana ay dhaqaale ahaan uga qayb-galeen masiibadii ka dhacday Muqdisho ayaa hadana waxaa si abaabulan uga bilawday Soomaalida dibadda ku nool dadaal loogu jiro in loogu gurmado dadkii ku dhibaatoobay Xamar.
Sideed iyo tobanka dal Soomaalida ku nool ayaa la filayaa inay ka soo baxdo dhaqaale ka badan dhaqaalaha ay beesha caalamku inoogu manno sheegato. Hadii quwaddeena Alle ina tusana waxaynu noqon karnaa dalka ugu qanisan, uguna xoogga badan Geeska Afrika.
storvideo: 


Gudaha Ka Eeg :Madaxweynaha Somaliland Oo Goob-joog...

0
0

Magaalada Caynaba ee xarunta gobolka saraar waxa maanta lagu soo gabo-gabeeyay wadahadaladii u socday dawladda somaliland iyo khaatumo, wadahadalaadaasi oo socday labadii sanno ee u danbeeyay taasi oo ka dhalatay gogoshii nabadeed ee madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland u fidiyay dadka deegaanada Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle.
Wadahadaladani oo si weyn labadii sano ee u danbeeyay uga socday dalalka imaaradka, jabuuti, itoobiya iyo Somaliland gudaheeda ayaa maanta kusoo gaba-gaboobay Caynaba. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hogaamiyaha khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh oo si wada jira u saxeexay heshiiska ay gaadheen labada dhinac ayaa waxa hadalka qaatay Prof: galaydh oo si weyn u sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska maanta lagu kala saxeexday caynaba, waxa uu sheegay Galaydh in dastuurka Somaliland oo la furaa yahay dawladda kaliya ee reer Sool, iyo Sanaag bari isagoo ballan qaaday inuu heshiiskaasi sida uu yahay uu u fulin doono.
Shirkaasi muhiimka ah ee ay Somaliland iyo Khaatumo ku kala saxeexdeen magaalada Caynaba galabta 20/20/2017, ayuu madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ka jeediyey khudbadan: "Madaxda-dhaqanka, Madaxda Khaatumo, Madaxda Dawladda, Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Marti-sharafta kale, ee madashan fadhida, dhammaantiin, waxaan idiin soo gudbinayaa salaan Xambaarsan Nabadgelyo iyo Naxariis Eebe "Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu"
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Milgo iyo Maamuus weyn bay ii tahay, in aan maanta ka soo qayb-galo munaasibaddan taariikhiga ah, ee lagu soo af-jarayo, khilaafkii dheeraa ee u dhexeeyey Somaliland iyo Khaatumo. Sharaf weyn bay ii tahay, Madaxweyne ahaan, in aan maanta ku guulaysanno, xal u helidda khilaafkaa, dhaawaca ku ahaa midnimada iyo wada-jirka Umada Somaliland. Dhinaca kale, waa Eebe Mahaddii, in aanu, aniga iyo saaxiibkay Prof. Cali Khaliif Galaydh, oo aanu wadaagno, sooyaal taariikheed oo dheer, aanu bogsiinnay boogihii iyo nabaradii labada dhinac, isla markaana aanu maanta isku mabda iyo mawqif siyaasadeed nahay.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Xal-u-helidda khilaafka ina soo dhex-galay, wuxuu ahaa mas'uuliyad umad ahaan ina saaran, si gaar ahna, wuxuu ahaa xil noo saaran labadayada Oday, ee jaalka ah. Tan iyo intii, Qarankan Jamhuuriyadda Somaliland, dib loo yag-leelay, waxa jiray tabashooyin iyo saluug, ay tirsanayeen beelaha deegaanada Gobolka Sool, Xaysimo, Buuhoodle iyo Sanaag Bari. Nasiib darro, ma dhicin in si rasmi ah, marnaba khilaafaadkaa, loogu xalliyo hab-dhaqan ama mid siyaasadeed toona.
Hogaamiye ahaan, markii aan haaneeday hogaanka dalka, bilowgiiba, waxaan ku baaqay wada-hadal iyo gogol nabadeed. Xukuumaddaydu, waxay xoog saartay, dardar-gelinta siyaasad ku dhisan nabadayn, wada-hadallo iyo dib-u-heshiisiin. Mudadii labada sanno, ee u dambaysay, waxaanu agaasinay shir doceedyo gaar-gaar ah, oo aanu ku marti-qaadnay Madaxda Dhaqanka iyo Kuwa Siyaasadda, ee deegaanadaa Gobolka Sool. Shirarkaas goos-gooska ah, ee kala du-duwanaa, ugamaanu jeedin in aanu ku qaybino, ama ku kala qo-qobno wax-garadka bulshada ku dhaqan deegaanada kor ku xusan.
Hase-yeeshee, waxay ujeedadu ahayd, in ay u noqdaan gogol xaadh, shir-weyne balaadhan oo ay ku wada xaajoodaan Somaliland iyo Wax-garadka deegaanada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle. Waxa mudan, in aan si gaara u xuso Shirweynihii Magaalada Adhi-cadeeye, iyo Kii Awr-boogays, ku dhex-maray Xukuumadda Somaliland, iyo Beelaha Maxamuud Bari, Hijiinle iyo Cabdiraxmaan Harti. Waxaan jecelahay, in aan halkan ka bogaadiyo, Garaadadii, Cuqaashii, Wax-garadkii iyo hal-doorkii, ka-qayb-qaatay qabsoomida shirkaa, iyo meel marinta go'aamadii ka soo baxay. Sidaa darteed, waxaanu dhawri doonaa, dhammaan heshiisyadii is-kaashiga, iyo wax-wada qabsiga ahaa, ee dhex-maray labadayada dhinac. Waxa waajib ku ah, hogaamiyaha i bedeli doona dhawaan, inuu dhaqan-geliyo go'aamada Shirkii Awr-boogays.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan soo dhaweynayaa, midnimada iyo heshiiska maanta aanu kala saxeexanayno, maamulka iyo madaxda khaatumo, kaasoo Shacbiga Somaliland u hor-seedaya; Horumar, iskaashi iyo isku-duubni. Waxaannu fulin doonaa heshiiskan, ka kooban Saddex iyo Tobanka Qodob, isla markaana, waxa waajib ku ah, hogaamiyaha i bedeli doona, dhaqan-gelinta go'aamada heshiiskani uu xambaarsan yahay.
Waxaan kula dardaarmayaa, kuna adkaynayaa Madaxweynaha aan xilka ku wareejin doono, 13-ka bisha December, 2017-ka, in uu mudnaan siiyo, dib-u-dhiska iyo horumarka deegaanada Gobollada Sool, Buhoodle, Xaysimo iyo Sanaag Bari. Sidoo kale, waxaaan kula talinayaa in uu qaban-qaabiyo shir-weynihii guud ee baaqday. Midnimada iyo Wada-jirka Umada Somaliland, waa mid leh muhiimad weyn, oo aan marnaba, mad-madow la gelin Karin.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Laba ILAAH Baa u Daawo Qaaday, Labana Iyagaa Daawo Qaatay". Haddaba, waxaan leeyahay, umadda Somaliland, ILAAHAY ayaa u daawo qaaday, oo waa kuwo wadaaga dal, dad, daaq, deegaan, debci, diin iyo dhaqan guun ah.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Si loo xaqiijiyo, isla markaana loo xoojiyo Midnimada Shacbi-weynaha Somaliland: Waxaan aamin-sanahay, in la qayb-sado, hawsha, halabadda iyo hantida Qarankan, Curdinka ah. Waxaan aamin-sanahay, in Beelaha iyo Bulshada Somaliland yihiin, kuwo siman oo leh xaq, xuquuq iyo xurmo isku mid ah. Waxaan aamin-sanahay, in cadaaladdu tahay, waxa keliya ee ay umadi ku walaaloobi karto, ama jiritaankeedu uu ku waari karo.
Walaalayaal,
Waxaan gar u arkaa, in ay jid iyo daw tahay, in dhib iyo dheef la wadaago. Waxaan gar u arkaa, in wixii qal-damay la saxo. Waxaan gar u arkaa, in la dheeli tiro awood qaybsiga talada dalka. Waxaan gar u arkaa, in la idinka tiro, tabashada iyo turxaan kasta oo aad tirsanaysaan. Waxaan xal u arkaa, in loo baahan-yahay in dib u eegis lagu sameeyo, Saami-qaybsiga Kuraasta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, uu yeelan doono, mustaqbalka. Walaalayaal, mar labaad ayaan ku celinayaa, oo waxaan leeyahay, ma nihin, dad kala tagi kara, mana nihin dad kala tashan kara, ee waxaynu nahay dad isku dan, iyo isku dal ah. Waxaynu nahay, dad ka dhigan Sakaaradii la yidhi "Laba Tun, oo la kala qalo ma leh".
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan kula dardaarmayaa, Bulshada Somaliland in ay wada-tashadaan, oo isku-tashadaan, isla markaana ay adkeeyaan nabada, midnimada, kalsoonida iyo is-aaminka dhexdooda. Ugu dambayn, waxaan hambalyeynayaa, Xubnaha Guddidii Wada-hadalka, laba geesoodka ahayd, ee ka kala socotay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Khaatumo, kuwaas oo bud-dhig u ah guushan. Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa, Dr. Cali Khaliif Galaydh, oo muujiyey geesinimo iyo go'aan adayg, si uu u mideeyo dadka iyo dalka Somaliland".
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu dhammaanteen inoo dembi dhaafo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu tacabka, talada iyo tawfiiqda inoo Hagaajiyo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu Boggeena iyo Beerkeena, Burcad isu-mariyo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu tubta toosan, inagu hanuuniyo,
ALLAHAYOW, Aamiin, Aamiin, Aamiin
Gunaanadkii shirkana Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa akhriyey nuxurka heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu yidhi" Waxa weeyi nuxurku :-
In la helo cadaalad iyo sinaan iyo nabad ku wadada noolaansho.
in la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland.
in khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed.
in la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha.
In dastuurka dib loo furo si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan guddi joogto ahna arrinkaas loo saaro.
In dawladda Somaliland, ururada samafalka iyo hay'adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga samayn lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
In ciidamada hubaysan ee Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa, jirintaankiisa iyo danahiisa.
storvideo: 

Soomaalida Norway oo mahad-celin u jeedisay Turkiga

0
0

Kn: Masuuliyiin matalayay Soomaalida Norway ayaa manta ubax mahadnaqeed gudoonsiiyay safiirka dawladda Turkiga u fadhiya dalka Norway.
Soomaalida ayaa uga mahadcelisay dalka Turkiga caawimaadda joogtada ah ee walaalnimadu ku dheehantahay ee had iyo goor ay la garab taaganyihiin Soomaaliya. Safiirka Turkiga, Safak Gokturk ayaa sidoo kale Soomaalida uga mahadceliyay dareenkooda walaalnimo, wuxuuna sheegay inay dawladdiisa ka go'antahay in la sii xoojiyo xiriirka qatada dheer ee ka dhexeeya labada dal.
Masuuliyiinta Soomaalida ayaa safiirka u sheegay inuu madaxweynaha Turkiga ka gaarsiiyo salaan ay uga sidaan Shacabka Soomaaliyeed.
storvideo: 

Death toll from truck attack rises to 358

0
0

Somali authorities on Friday evening announced the death toll from last Saturday’s deadly truck bomb attack in the capital Mogadishu had risen to 358.
“The attack claimed 642 victims, including 358 deaths and 228 injuries, with 56 other people also missing,” Information Minister Abdirahman Omar Osman told a press conference.
A total of 122 seriously injured people were airlifted for medical treatment in Turkey, Kenya, and Sudan, he added.
Internal Security Minister Mohamed Abukar Islow said the government had arrested several people over the deadly attack.
The militant group al-Shabaab, blamed for the deadly bombing, evacuated the districts after learning that a well-armed force was heading their way, he added.
Prime Minister Hassan Ali Khaire declared war against al-Shabaab after the truck bomb attack.
The post Death toll from truck attack rises to 358 appeared first on Shabelle.

Farmaajo, nabadoon Soomaaliyeed baan rabaa inaan noqdo

Death toll from truck attack rises to 358

0
0

Somali authorities on Friday evening announced the death toll from last Saturday's deadly truck bomb attack in the capital Mogadishu had risen to 358.
"The attack claimed 642 victims, including 358 deaths and 228 injuries, with 56 other people also missing," Information Minister Abdirahman Omar Osman told a press conference.
A total of 122 seriously injured people were airlifted for medical treatment in Turkey, Kenya, and Sudan, he added.
Internal Security Minister Mohamed Abukar Islow said the government had arrested several people over the deadly attack.
The militant group al-Shabaab, blamed for the deadly bombing, evacuated the districts after learning that a well-armed force was heading their way, he added.
Prime Minister Hassan Ali Khaire declared war against al-Shabaab after the truck bomb attack.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live