Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Konton iyo seddex laga dilay ciidamada Masar

$
0
0

Mas'uuliyiinta dowladda Masar waxaa ay shegeen in ugu yaraan konton iyo seddex kamid ah laamaha ammaanka ee dalkaasi iyo shan iyo toban Kamid ah koox Islaamiyiin ah oo ka dagaalama dalkaasi ay dhinteen, ka dib markii uu dagaal ku dhexmaray dhulka saxaraha ee galbeedka Masar.
Wasaarada arrimaha gudaha ee Masar ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in ciidamadani la rasaaseeyay iyagoo isku dayaya inay weerar ku qadaan goob ay ku dhumaalesanayaeen kooxda weerarka geysatay oo u dhaw deegaanka Bahariya.
Warar laga soo xigtay saraakiil katirsan laamaha ammaanka ee Masar ayaa sheegaya in kooxda weerarka geysatay ay ahayeen kuwa aad u yaqaana halka uu dagaalka ka dhacay, taasi oo caqabad ku noqotay taliyihii ciidamada Masar hogaaminayay in uu dalbado ciidamo gurmad ah.
Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan in kooxda weerarka geysatay ay katirsanyihiin urur lagu magacaabo Hasm, kuwaa oo horay u bartilmaameedsan jiray ciidmadda dowladda Masar.
Dowladda Masar ayaa ururkan la magac baxay Hasm ku tilmaamay inay yihiin garab katirsan ururka ikhwaanul Muslimiinka Masar, inkastoo ikhwaanku uu horay u beeniyay eedeeymaha dowladda Masar.
Ciidamada Masar ayaa halkaasi u jiheystay ka dib markii ay heleen warar sheegaya in deegaanadaasi ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda weerarka geystaya, balse intii ay halkaasi kusii socdeen ayaa waxaa dhexda u galay dagaalyahano katirsan kooxda weerarka geysatay, kuwaa oo adeegsanayay bamabooyin iyo baasuukayaal.
Xukuumadda Qaahira ayaa in muddo ah dagaal kula jirtay kooxo Islaamiyiin ah oo kasoo horjeeda dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Cabdifataax Al-sis.
storvideo: 


Xisbiga Waddani Oo Munaasibad Balaadhan Ku Soo...

$
0
0

"Ninkaa La Iigu Sheegayo Mujaahidka, Ilayn Habartii Madfacu Ku Dhacayba Waa Mujaahidade, Bal Ninkaa Oo Nin Mujaahid Ah Ama Islaan Mujaahidad Ah Oo Uu Guri Kala Soo Baxay, Wuu Ka Xanaaqi Jiray Markuu Madaxweynuhu Igu Yidhaahdo Halkaa Guri Ka Dhis, Walaahi Wuu Ka Xanaaqi Jiray" Xildhibaan Nacnac
Hargeysa (Waaheen) - Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa munaasibad balaadhan ku soo dhaweeyey siyaasiyiin miisaan iyo magac ku leh siyaasada Somaliland oo ku soo biiray xisbigaasi.Siyaasiyiintan oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac, Cabdilaahi Jawaan iyo Dubale Cali Yare iyo siyaasiyiin kale oo tiro badan ayaa maanta munaasibad soo dhaweyn ah loogu qabtay magaalada Hargeysa.
Munaasibadaasi oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta xisbiga Waddani oo uu horkacayo Murashaxa xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) iyo gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde ayaa ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Murashax Cabdiraxmaan Ciro waxaanu haldalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi "Waxa maamuus, milgo iyo farxadba ii ah inaan ka soo qaybgalo munaasibadan sida aad ka arkayseen labaatan xubnood oo Somaliland siyaasiyiintii ugu caansanaa ah, oo xildhibaanadii ugu caansanaa ah iyo hablihii oo halkan xoogooda caqligooda iyo tamartooda ku soo biiryey waxa ay ummaddu doonayso oo isbadal ah.
Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa gudidii qabanqaabada oo munaasibadan si weyn u bishay, u qurxisay xildhibaan dheeg ayaa sheegay oo yidhi waa munaasibadii ugu caansanayd ee ugu miisaanka badnayd ee aan arko.
Raga ka soo qaybgalay waa ragii iyo hablihii Somaliland ugu mudnaa taasi waxay muujinaysaa miisaanka raga halkan maraya oo Commissioner Cabdilaahi ka mid yahay oo xildhibaan Nacnac ka mid yahay oo Ina-Dube Cali Yare ka mid yahay iyo dhamaan raga sawiradooda aad halkan ku arkaysaan oo siyaasiyiin caan ah. Waa ragii bilaabay dimuqraadiyada ee asxaabtii ugu horeeyey sameeyey aabihiina waad garanaysaanoo waa ragii ugu caansanaa Somaliland, taasi waxay muujinaysaa iyadoo ay ka hadhsan tahay sadex wiig oo kaliya doorashadu in shacbigu uu qaatay inuu isbadalka taageero oo uu ka soo guurayo xisbiga la badalayo una soo guuraya xisbiga bedelaya oo Waddaniya.
Waxaanu leenahay soo dhawaada gacmo furan ku soo dhawaada, qalbi furan ku soo dhawaada, maanta Somaliland anaga hadafka xisbigu waxa weeyi in shacbiga Somaliland la walaaleeyo oo la mideeyo oo qoqobka laga saaro oo bari iyo galbeed laga saaro oo daandaan laga saaro, xisbiga kulmiye taa wuu ka duwan yahay siyaasadiisu waa inuu ummadda qaybiyo oo qoqobo oo kala saaro malaha taa wuxuu isleeyahay waxbaad ku helaysaa laakiin waxaanu isleenahay waxba ku heli maysid.
Ahdaafta xisbiga ayaanu rabnaa inaad nagu doorataan, Barnaamijka xisbiga inaad nagu doorataan oo wax ka qabanaya ictiraafkii inagu raagay ee aanu waynay, siyaasadii uu wax kaga qabanayeyna wuu idiin soo bandhigay, ragii ka midho dhalin lahaana waa Maxamed Bixii Yoonis iyo rag la mid ah.
Maxamed waa diblomaasi caalami ah oo halka ugu saraysa Qaramada Midoobay, waa wasiirkii hore ee arimaha dibada Somaliland, intii uu xilka hayey waxa uu ku dedaalay in mashaariic horumarineed uu dalka keeno." Ayuu yidhi Murashax Cabdiraxmaan Ciro.
Sidoo kale Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac ayaa halkaasi uga duceeyey Mujaahidiintii usoo halgantay dalkan Somaliland iyo sidoo kale weerarkii Masiibada ahaa ee ku dhacay dalka aynu jaarka nahay ee Somaliland 14-kii bishan October, Xildhibaan Nacnac isagoo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Waxa la I waydiiyaa aniga Waar heedhe miyaanad Nacnac ahayn? Mayee waa isagii, oo Siilaanyo saaxiibkii Miyaanad ahayn? Waa isagii. Madaxweynuhu miyuu ku soo fasaxay? Waanu isku soo ducaynay.
Maalintaan ka imanayey waxaan ku idhi Soomaalidii hore guribay dhisan jirtay, Guri laba daryaale ah ayay dhisan jirtay, waxa guriga dhexdiisa ka samaysnaan jiray bahal la odhan jiray Udub, Udubka haduu Xar galo gurigu wuu soo dumaa, intaanu igu soo dumin ayaan ka soo cararee ogaada. Markaa waxaan idin leeyahay waxyaalaha aan uga cararay waynu ka wadahadli doonaa, imika waa yoomul shuhadaa, ninkaa la iigu sheegayo mujaahidka ilayn habartii Madfacu ku dhacayba waa Mujaahidade, Bal nin mujaahid ah ama islaan mujaahidad ah oo uu guri kala soo baxay, wuu ka xanaaqi jiray markuu madaxweynuhu igu yidhaahdo halkaa guri ka dhis, Walaahi wuu ka xanaaqi jiray, waxa uu odhan jiray waar ma mujaahid uunbaad na hor wadaa, markaa waxaan leeyahay badan way dambaysaa oo waynu isku iman doonaa." Ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Siyaasiga Caanka ah ee Cabdilaahi Jawaan iyo Masuuliyiin kale oo ku soo biiray xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.
storvideo: 

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Digay in Qabyaaladu ka...

$
0
0

"maanta ololaha aynu ku jirnaa sumad qabyaaladeed ayuu leeyahay aynu isu tagno oo qabyaalada u jiidno xaga dawladda oo yaanay iyadu qaranka liqin"
Hargeysa (Waaheen )- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa bulshada reer Somaliland ku boorriyay in ay ka xoroobaan qabyaalada, isla markaana ay ka shaqaysiiyaan caqliga iyo garashada, maadaama oo qaranku isla qaatay in lagu dhaqmo nidaamka dimuquraadiyada iyo hannaanka xisbiyada badan.Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey xaflad ballaadhan oo xisbiga KULMIYE ku soo dhawaynayey waxgaradka iyo hormoodka mid ka mid ah beelaha reer Somaliland oo cududooda ku taageeray xisbiga, waxa uu tilmaamay in aanay dawladnimo jiraynin hadddii qabyaaladu ka xoog badato qarannimada.
Guddoomiye Muuse waxa uu bulshada reer Somaliland ku booriyay in ay ilaaliyaan dimuquraadiyadda oo ay ka xoroobaan qabyaalada, waxaannu yidhi "Waxaynu dhisanay xisbiyo, dimuquraadiyad iyo caqli ha la isku raaco ayeynu go'aansanay, haddana waxaad moodaa inay qabyaaladii ina jiidanaayso, dadkeena soddan sanno ka yari may arag qabyaalad xumaanteeda, manay arag qaran Soomaaliyeed oo sharaf leh, manay arag dad Soomaaliyeed oo horumar samaynaya, Somaliland oo kirif girif leh uun baad aragteen, waxa halkaa ina geeyayna waa qabyaalad, maanta ololaha aynu ku jirnaa sumad qabyaaladeed ayuu badankeeda u eegyahay, haddii la dayn kariwaayo oo ay dadka jiidanayso dhammaanteen aynu isugu tagno oo qabyaaladda u jiidno dhinaca dawladda ee aanay qabyaaladu qaranka liqin, hawsha ugu weyn ee aannu KULMIYE ahaan wadnaana waa taas."
Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu xusay in dastuurka qaranku u damaanad qaadayo muwaadinnimada qof kasta oo labadiisa waalid ku noolaayeen Somaliland 26-kii June ee 1960, "Dastuurkeena waxa ku jira laba qodob oo muhiim ah oo aanay cidina dhaadin, marka hore wuxuu odhanayaa yaa reer Somaliland ah, muwaadin waxa ah baa la yidhi qofkii labadiisa waalid ku noolaayeen Somaliland 26-kii June sannadkii 1960, wixii ka horreeyay, tafiirtiisu waxay noqonaysaa reer Somaliland," ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
"Waxaan doonayaa in aynu isla fahano oo ay noo caddaato waxa aynu isku taageerayno maadaama oo aad KULMIYE taageerteen, walaalayaal waxa dhagaheena barjeeyay qabyaalad oo maqaaxi kasta waxa lagaga sheekaynayaa annaga ayaa laandheere ah iyo annagaa badan, xilligii Nabi Muxamedna (NNKH) waxa ugu laandheeraysnaa Bilaal oo eedaankii salaadda loo dhiibay," ayuu intaa raaciyey.
Waxa kaloo uu ka digay saamaynta ay qabyaaladdu ku yeelan karto qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi, "Qaran ku noqonmayno oo barri dawlad lagu hoggaamin kari maayo, qaran qabiilku ka adag yahay qaran noqon maayo. Maalin kasta waxaynu aragnaa ciidamada dalka jooga haddii askari is yidhaahdo soo qabo nin dambiile ah oo wax dilay waxaaba dhacda mararka qaarkood in reerka meeshaa jooga xataa sheekhoodu ay qori soo qaataan oo yidhaahdaan ma anaga oo reer hebel ah ayaa wiilkayaga la soo qabanayaa."
Waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, "Waxaan qabyaaladda ugu dheeraanayaa taageeradiina ayaa ka duwan kuwa kale, dareenka qarannimo ee aad muujiseen ayaan maanta ugu dheeraaday, xisbiga KULMIYE waxa lagu asaasay midnimo iyo qarannimo oo naga niyo ah oo aannu ugu soo halganay in dadku walaaloobo oo qaran noqdo oo qabyaaladda laga baxo, laakiin nasiib-darro wali qabyaaladdii waa xoog oo dadka way jiidanaysaa," ayuu yidhi.
storvideo: 

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay Dalka Masar

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Masar(SONNA) Dowladda Masar ayaa faah faahin ka bixisay dagaal u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo kooxhaha arga gixisada,iyadoo Wasaarada Arrimaha gudaha Masar ay sheegtay in ugu yaraan 53 ka tirsan ciidamada ammaanka ay ku dhinteen isku dhacyo ka dhacay Saxaaraha galbeedka Masar.
Sidoo kale Wasaarada arrimaha gudaha Dalka Masar ayaa sheegtay in 15 ka tirsan kooxaha argagixisada lagu magacaabo Xasm lagu dilay weerarkan.
Kolonyo ciidamada ammaanka ayaa kooxahaasi weerar ku qaaday halkaasi oo ka dhacay dagaal u dhexeeya labada dhinac.
Dowladda Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo hubaysan oo ka dagaalama dalkaasi,iyadoo inta badan weeraradu ay u dhacaan qaab ku dhufo ka dhaqaa ah.
Laamaha ammaanka Masar ayaa waxa ay ku tilmaameen kooxdan Hasm in ay yihiin garabka hubaysan ee ururka Akhwaanul Muslimiinta.
Balse kooxdan ayaa beenisay in ay ka tirsan yihiin ururka Akhwaanul muslimiinta.
Kooxdani Xsma ayaa la rumaysan yahay in ay qayb ka yihiin kooxo weeraro la bartilmaameedsada laamaha ammaanka ee Masar.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDowladda Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha rasmiga ah ee qaixii Soobe

storvideo: 

Judge refuses to release suspect in Kansas bomb plot...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
A federal judge has refused to release pending trial a Kansas man accused of plotting to bomb a mosque and an apartment complex housing Somali refugees.
U.S. District Judge Eric Melgren ruled Friday that Gavin Wright is a flight risk and a danger to the community.
Wright and co-defendants Patrick Stein and Curtis Allen are charged with conspiring to detonate truck bombs at an apartment complex in the meatpacking town of Garden City in western Kansas. Wright also faces a separate count for allegedly lying to investigators.
They've pleaded not guilty.
Melgren says the evidence suggests Wright was deeply involved in planning these atrocities and intended to carry out the plan to fruition. He says few charges are more serious than that of planning to commit an act of terrorism.
Source: AP
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Kulankii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo...

$
0
0

Kulankii uu madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Abdulahi Farmaajo isugu yeeray labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa baaqday. Kulankan ayaa u baaqday Codsi ka yimid Dhanka Madaxtooyadda Soomaaliya , ayadoo Madaxtooyada ay codsatay in kulankaasi dib loogu dhigo. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u dalbaday in la isugu yeero labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya balse arimo farsamo awgeed ayaa kulankaasi dib loogu dhigay. Wixii Warar ah ee kusoo kordho wararka la xiriira kulankaasi dib ayan idinkaga soo gudbin doonaa haddii uu rabi idmo.
storvideo: 

Faah faahin ka soo baxayso dhaawacyada la geeyay...

$
0
0

Qaar ka mid ah Dhaawacyaddii la geeyey dalka Turkiga ayaa Xaaladooda caafimaad kasoo reyneysa, iyadoo lagu guuleystay qaliino lagu sameeyey qaar ka mid ah 35-ta bukaan ee la geeyey xarumaha caafimaadka ee Dalka Turkiga. Dhawaacyada loo qaaday dalka Turkiga ayaa waxaa loo qeybiyey afar isbitaal oo ka mid ah isbitaaladda ugu wanaagsan ee dalka Turkiga , 22 qof waxaa la jiifiyay Polati Hospital , 3 qof oo carruur ah waxaa la dhigay Deshkapi Hospital, 8 qof Ankara Namune Hospital halka 2 qof la seexiyay Ataturk Hospital. Xaalada 10 ka mid ah dhaawacyada loo qaaday Dalka Turkiga ayaa ku jira xaalad adag, qaarkood coma ayay ku jiraan, kuwaasi oo la ogoleyn in la booqdo, qaarna goobta baxnaanada AMA ee gargaarka gaarka ah ayaa la jiifiyay, kuwaasi lagu guuleystay qaliinadooda, isla markaana ah kuwa la wareysan karo. Waxaa socdo dadaalo isdaba joog ah, qorsheyn iyo isbedelid bukaanada haddii loo arko in isbitaal kale lagu wareejiyo, si loo baxnaaniyo. Wasaaradda caafimadka ee Turkiga ayadoo kaashanaysa safaaraddda Soomaaliya iyo guddiga ardayda waxaa qof waliba oo bukaan ah loo sameeyay qof u turjumo, maadaama ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Turkiga ay aqoon u leeyihiin luuqadda dalkaasi, taasi oo fududeyneysa in ehelada la socda dhaawacyada [...]
storvideo: 

“Nimcada Nabadgelyada waxa garta dadka aan haysan”:...

$
0
0

"Dadku markay yihiin Alle yaqaan iimaan leh, oo Ilaahay SW ka edebsaday, amniga ay doonaan ayey helayaan.." Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.
Hargeysa- (Waaheen) Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday in dadku marka ay Ilaahay SW adeecaan, nabadgelyo helaan, hadii ay caasi noqdaana nabadgelyo darro haleeli doontoSheekh Dirir oo khudbadii maanta kaga hadlay nimcada nabadgelyada iyo sida loo ilaashanayo ayaa sheegay in nimcadaa garanayaan dadka aan haysan, ee dagaalo ku dhaceen ama qaxaysa, ee dalkoodii iyo duunyadoodiiba waaya, waxaanu yidhi,
"Nimcada nabadgelyada waxa garta dadka aan haysan , ee dagaalo ku dhaceen ama qaxaysa, ee dalkoodii iyo duunyadoodiiba waaya. Dadkaa ayaa dareemi kara qiimaha ay leedahay.
Islaamku qiimo weyn ayuu siiyey, miisaan weyna wuu saaray, si dhab ahna wuu u qiimeeyey nimacada nabadgelyada ayuu sheegay Sheekh Dirir, waxaanu yidhi,
"Islaamku qiimo weyn ayuu siiyey, miisaan weyna wuu saaray, si dhab ahna wuu u qiimeeyey nimcada nabadgelyada. Waan ka tacsiyadeynayaa walaalaheena reer Muqdisho dhibaatadii ku dhacday, iyagoo dhaawac weyn ka soo gaadhay nimcada ama ka haysto.
Ha moodina dhibaatooyinka dhacaya ee Muslimka meel ay joogaanba ka dhacaya, ama kuwa aad ehel tihiin iyo jaarkiina ku dhacaya, inuu kaa maqan yahay, macnaha islaamku si can ah ayuu u fikiraa, ayuu sheegay Sheekh Dirir, waxaanu yidhi,
"Qofka Muslimka ah si caalami ah ayuu u fikiraa, walaalkaaga Afrikada dhexe lagu gawracayo ama ka Arakaan lagu gawracayo ama ka Muqisho, Ciraaq, Shaam lagu gawracay waa isugu keen mid, dhibka midkood soo gaadha, adiga wuu ku gaadhay, dadkuna way isku wada xidhan yihiin.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in qoys deganaa masaafo saddex boqol oo mitir gurri u jira masaajidka Rusheeya nin iyo xaaskiisi socdaal ku tageen Muqdisho khamiistii ama Jimcahii hore, waxaanu raaciyey,
"Qoyskaasi waxay u tageen Muqdisho inay ka qeybgalaan in qof ehelkooda oo ku dhintay tacsidiisa ka qeybgalaan, labadiiba qaraxii ayey ku dhinteen, sagaal caruur ah oo ay ka tageena agteena ayey joogaan. Dadku ma kala maqna sidaa ayey iskugu xidhan yihiin.
Nimcada nabadgelyada Ilaahay SW waxuu ugu mano sheegtay ummadii Islaamka ee nabi Maxamed NNKH horkacayey ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo yidhi,
"Ilaahay waxuu yidhi, 'waxaad xusuusataan nabi Maxamed NNKH iyo asxaabtiisa, markaad Makka joogteen, ee tamarta yaraydeen, ee la idin dhibayee, la idin tun-jilaycsanayey Ilaahii idiin hiiliyey.
Marka qofku nabadgelyo, caafimaad iyo arsaaqdiisa haysto, noloshii aduunyada wax ka maqan ma jirto ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo yidhi,
"Marka qofku nabadgelyo, caafimaad iyo arsaaqdiisa haysto, noloshii aduunyada wax ka maqan ma jirto. Nebi Maxamed NNKH ayaa tilmaamay, 'Bulsho-yahay kina nabadqaba, ee reerkiisa la jooga, ee jidhkisuna u caafimaad qabo, waxuu cunayey maalintaana haysta, aduunyadii wax ka maqani ma jiraan.' Waa qiimayn uu Rasuulku NNKH saaray nolosha asaasiyaadkeeda, iyadoo Nabadgelyada loo horaysiiyey.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Nabadgelyadu tahay natiijada iimaanka, waxaanu yidhi,
"Dadku marka yihiin dad Alle yaqaan ah oo iimaan leh, oo Ilaahay SW ka edebsaday, amniga ay doonaan ayey helayaan, laakiin hadii aanay iimaan lahayn, ilbaxnimo iyo awood kasta ha sheegtaane, ma helayaan amniga. Dunida meelaha loogu cabsi badan yahay waa Maraykanka oo dadku xagiisa eegayaan, taasina waa iimaan la'aanta. Ilaahay SW ayaa yidhi, 'dadka Ilaahay rumeeyey, een dulmi la iman waxay helaan nabadgelyo"
Sababo nimcada nabadgelyadu ku sugnaato ayaa jira ayuu sheegay Sheekh Maxamed, waxaanu yidhi isagoo ka hadlaya,
"In Ilaahay la adeeco waa sababaha lagu helo nabadgelyada, oo dadku aanay Ilaahay SW caasiyin ama kuwo ka firdhaday oo falaagoobay noqon, ee kuwo adeecaya oo ka talloqaata doqdaan. Ilaahay SW waxuu tusaale innagu siiyey dad nabadgelyadii ay haysteen ku waayey markii ay adeeci waayeen, "magaalo iska degenayd, oo xasiloonayd oo arsaaqadeeda meel walba ka heli jirtay, marka ayey Ilaahay SW nimcooyinkiisii ayey diideen (nimcadii diinta), markaa ayuu Ilaahay SW dhadhansiiyey hugii cabsida iyo gaajada" hadii ay timaado diin la'aan cabsi, gaajo iyo qaxootinimo way imanayaan. La soco qeyb labaad insha alaah.
--
Mohamoud Ali WalaaleyeTell. 00-252-63-4001235Freelance Reporter
storvideo: 


Ku foolle: Muwaadiniinta Reer Somaliland gude iyo...

$
0
0

Casar-dheere wanaagsan, idil ahaantiiba waa Cabdinaasir oo idinka soo bariidinaya Hargeysa. Wanaagsan ammin kasta oo farriintani idin soo gaadho. Dhambaalkani wuxu si gaar ah ugu wajahan yahay dadyowga reer Somaliland ee gudaha dalka jooga iyo kuwa debedda jira ba.Somaliland xilli aad u xasaasi ah ayay ku jirtaa, degmo aan wanaagsanayn xagga ammaankana waa ku taal. Qaranku waa curdin, saxaafadduna dabarka ayay goosatay xorriyad awgeed. Xilli doorasho ayaan ku jirnaa dadka ololeyaasha siyaasadda hor kacayaa shacabka ma jahayn, ereyo badan oo xanaf leh ayay hawada isku mariyaan. Dadku inta badan ma fahansana waxa aan wada leenahay iyo waxa kala leenahay. Qarannimada waan wada leenahay, dadkuna axsaabta way ku kala jiraan. Ragga hoggaanka ku loolamayaa dhammaantood waa gayaan in ay majaraha dalka qabtaan, dooddooda ugu adagna waa anigaa kaaga habboon dalka iyo mayee anigaa kaaga habboon. Saddexdu ba dalka way u soo shaqeeyeen, hawshoodu haba kala badnaatee.
Arrimahan ayaan qof ahaan ku talin lahaa;1. Qofku ciddii aragti ahaan xisbi kale taageersan yaanu u arkin cadow iyo qof xun.2. Ololaha si akhlaaq wanaag iyo dhawrsanaani ku jirto inaan u maamulanaa waa wanaagsan tahay, haweenka iyo dhallinyarta aadka u da'da yar xil gaar ah baa innaga saaran, is dhex galkooda iyo in ay daaqadaha qoorta kala soo baxaan oo dadka caayaan xisbinimada iyo Qarannimada ba uma wanaagsana.3. Balwadaha yaan axsaabtu dhiiri-gelin oo dad cusub la barin balwada xilliga ololuhu waa xilliga da' yartu balwadaha ugu badan bartaan.4. Gadhwadeennada ama hoggaanka xisbiyadu akhlaaq wanaag iyo dhowrsoonaan badan ha muujiyaan sababtoo ah taageereyaashu iyaga ayay eeganayaan.5. Ammaanka si wada jir ah aan u ilaashanno oo waan ka warqabnaa wixii walaalaheen Koonfurta ku dhacaye aan yar iyo weyn ciidanka la shaqaynno.6. Wixii wanaagsan ee Somaliland ka dhaca ee dhiiri-gelinaya hannaanka dumuqraadiga ah waa in aan aad u buunbuunninaa oo qofkasta afkii uu ku qori karo ku qoro si wanaagga waddankeena ka jiraa dunida u wada gaadho.7. Ololuhu waa wakhti kooban oo dhammaan doona dadku yay isku seegin wax aan waxba ahayn.8. Saxaafaddu doorkan samaha ha ka shaqayso, haddii naxli iyo xumaan la naaxnaaxiyaa wax tarayaan qajeel ayaan ka soo shaqaynay.9. Tudhaale ayuu waddanku innooga baahan yahay.10. Waddankeennu dawladaha Africa ugu dumuqraadisan ayuu ka mid yahay, shacabkeennuna waa xor. Taasi ayaa u baahan in aan ku baanno oo dunida gaadhsiino mucaarid iyo muxaafid ba.11. Wanaagga iyo samaha xisbiga aad taageerto adiga oo aan cid kale ugu sii istaagin ayaad sheegi kartaa.
Anigu Cabdinaasir ahaan, waxa aan ballan qaadayaa in aan intaa ololuhu socdo wanaagga iyo isku soo dhoweynta ka shaqeeyo, Qarankana wax wanaagsan ka gudbiyo qoraal ahaan. Axsaabtu way ii siman yihiin, goortan midna dhalliili maayo, kii wanaag sameeyana waan sheegi doonaa. Muhiimadduna waa Qaranka oo guulaysto.
RABBI GALLADDII
storvideo: 

Madaxweynaha Somaliland Oo Goob-joog U Ahaa Heshiis...

$
0
0

Madaxweynaha JSL iyo Hogaamiyaha Khaatumo Oo Maanta Si Rasmi Ah U Kala Saxeexaday Heshiis Nuxurkiisu Ahaa Kamid Noqoshada Khaatumo ee Somaliland
Caynaba(Waaheen)Magaalada Caynaba ee xarunta gobolka saraar waxa maanta lagu soo gabo-gabeeyay wadahadaladii u socday dawladda somaliland iyo khaatumo, wadahadalaadaasi oo socday labadii sanno ee u danbeeyay taasi oo ka dhalatay gogoshii nabadeed ee madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland u fidiyay dadka deegaanada Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle.
Wadahadaladani oo si weyn labadii sano ee u danbeeyay uga socday dalalka imaaradka, jabuuti, itoobiya iyo Somaliland gudaheeda ayaa maanta kusoo gaba-gaboobay Caynaba. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hogaamiyaha khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh oo si wada jira u saxeexay heshiiska ay gaadheen labada dhinac ayaa waxa hadalka qaatay Prof: galaydh oo si weyn u sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska maanta lagu kala saxeexday caynaba, waxa uu sheegay Galaydh in dastuurka Somaliland oo la furaa yahay dawladda kaliya ee reer Sool, iyo Sanaag bari isagoo ballan qaaday inuu heshiiskaasi sida uu yahay uu u fulin doono.
Shirkaasi muhiimka ah ee ay Somaliland iyo Khaatumo ku kala saxeexdeen magaalada Caynaba galabta 20/20/2017, ayuu madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ka jeediyey khudbadan: "Madaxda-dhaqanka, Madaxda Khaatumo, Madaxda Dawladda, Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Marti-sharafta kale, ee madashan fadhida, dhammaantiin, waxaan idiin soo gudbinayaa salaan Xambaarsan Nabadgelyo iyo Naxariis Eebe "Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu"
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Milgo iyo Maamuus weyn bay ii tahay, in aan maanta ka soo qayb-galo munaasibaddan taariikhiga ah, ee lagu soo af-jarayo, khilaafkii dheeraa ee u dhexeeyey Somaliland iyo Khaatumo. Sharaf weyn bay ii tahay, Madaxweyne ahaan, in aan maanta ku guulaysanno, xal u helidda khilaafkaa, dhaawaca ku ahaa midnimada iyo wada-jirka Umada Somaliland. Dhinaca kale, waa Eebe Mahaddii, in aanu, aniga iyo saaxiibkay Prof. Cali Khaliif Galaydh, oo aanu wadaagno, sooyaal taariikheed oo dheer, aanu bogsiinnay boogihii iyo nabaradii labada dhinac, isla markaana aanu maanta isku mabda iyo mawqif siyaasadeed nahay.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Xal-u-helidda khilaafka ina soo dhex-galay, wuxuu ahaa mas'uuliyad umad ahaan ina saaran, si gaar ahna, wuxuu ahaa xil noo saaran labadayada Oday, ee jaalka ah. Tan iyo intii, Qarankan Jamhuuriyadda Somaliland, dib loo yag-leelay, waxa jiray tabashooyin iyo saluug, ay tirsanayeen beelaha deegaanada Gobolka Sool, Xaysimo, Buuhoodle iyo Sanaag Bari. Nasiib darro, ma dhicin in si rasmi ah, marnaba khilaafaadkaa, loogu xalliyo hab-dhaqan ama mid siyaasadeed toona.
Hogaamiye ahaan, markii aan haaneeday hogaanka dalka, bilowgiiba, waxaan ku baaqay wada-hadal iyo gogol nabadeed. Xukuumaddaydu, waxay xoog saartay, dardar-gelinta siyaasad ku dhisan nabadayn, wada-hadallo iyo dib-u-heshiisiin. Mudadii labada sanno, ee u dambaysay, waxaanu agaasinay shir doceedyo gaar-gaar ah, oo aanu ku marti-qaadnay Madaxda Dhaqanka iyo Kuwa Siyaasadda, ee deegaanadaa Gobolka Sool. Shirarkaas goos-gooska ah, ee kala du-duwanaa, ugamaanu jeedin in aanu ku qaybino, ama ku kala qo-qobno wax-garadka bulshada ku dhaqan deegaanada kor ku xusan.
Hase-yeeshee, waxay ujeedadu ahayd, in ay u noqdaan gogol xaadh, shir-weyne balaadhan oo ay ku wada xaajoodaan Somaliland iyo Wax-garadka deegaanada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle. Waxa mudan, in aan si gaara u xuso Shirweynihii Magaalada Adhi-cadeeye, iyo Kii Awr-boogays, ku dhex-maray Xukuumadda Somaliland, iyo Beelaha Maxamuud Bari, Hijiinle iyo Cabdiraxmaan Harti. Waxaan jecelahay, in aan halkan ka bogaadiyo, Garaadadii, Cuqaashii, Wax-garadkii iyo hal-doorkii, ka-qayb-qaatay qabsoomida shirkaa, iyo meel marinta go'aamadii ka soo baxay. Sidaa darteed, waxaanu dhawri doonaa, dhammaan heshiisyadii is-kaashiga, iyo wax-wada qabsiga ahaa, ee dhex-maray labadayada dhinac. Waxa waajib ku ah, hogaamiyaha i bedeli doona dhawaan, inuu dhaqan-geliyo go'aamada Shirkii Awr-boogays.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan soo dhaweynayaa, midnimada iyo heshiiska maanta aanu kala saxeexanayno, maamulka iyo madaxda khaatumo, kaasoo Shacbiga Somaliland u hor-seedaya; Horumar, iskaashi iyo isku-duubni. Waxaannu fulin doonaa heshiiskan, ka kooban Saddex iyo Tobanka Qodob, isla markaana, waxa waajib ku ah, hogaamiyaha i bedeli doona, dhaqan-gelinta go'aamada heshiiskani uu xambaarsan yahay.
Waxaan kula dardaarmayaa, kuna adkaynayaa Madaxweynaha aan xilka ku wareejin doono, 13-ka bisha December, 2017-ka, in uu mudnaan siiyo, dib-u-dhiska iyo horumarka deegaanada Gobollada Sool, Buhoodle, Xaysimo iyo Sanaag Bari. Sidoo kale, waxaaan kula talinayaa in uu qaban-qaabiyo shir-weynihii guud ee baaqday. Midnimada iyo Wada-jirka Umada Somaliland, waa mid leh muhiimad weyn, oo aan marnaba, mad-madow la gelin Karin.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Laba ILAAH Baa u Daawo Qaaday, Labana Iyagaa Daawo Qaatay". Haddaba, waxaan leeyahay, umadda Somaliland, ILAAHAY ayaa u daawo qaaday, oo waa kuwo wadaaga dal, dad, daaq, deegaan, debci, diin iyo dhaqan guun ah.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Si loo xaqiijiyo, isla markaana loo xoojiyo Midnimada Shacbi-weynaha Somaliland: Waxaan aamin-sanahay, in la qayb-sado, hawsha, halabadda iyo hantida Qarankan, Curdinka ah. Waxaan aamin-sanahay, in Beelaha iyo Bulshada Somaliland yihiin, kuwo siman oo leh xaq, xuquuq iyo xurmo isku mid ah. Waxaan aamin-sanahay, in cadaaladdu tahay, waxa keliya ee ay umadi ku walaaloobi karto, ama jiritaankeedu uu ku waari karo.
Walaalayaal,
Waxaan gar u arkaa, in ay jid iyo daw tahay, in dhib iyo dheef la wadaago. Waxaan gar u arkaa, in wixii qal-damay la saxo. Waxaan gar u arkaa, in la dheeli tiro awood qaybsiga talada dalka. Waxaan gar u arkaa, in la idinka tiro, tabashada iyo turxaan kasta oo aad tirsanaysaan. Waxaan xal u arkaa, in loo baahan-yahay in dib u eegis lagu sameeyo, Saami-qaybsiga Kuraasta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, uu yeelan doono, mustaqbalka. Walaalayaal, mar labaad ayaan ku celinayaa, oo waxaan leeyahay, ma nihin, dad kala tagi kara, mana nihin dad kala tashan kara, ee waxaynu nahay dad isku dan, iyo isku dal ah. Waxaynu nahay, dad ka dhigan Sakaaradii la yidhi "Laba Tun, oo la kala qalo ma leh".
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan kula dardaarmayaa, Bulshada Somaliland in ay wada-tashadaan, oo isku-tashadaan, isla markaana ay adkeeyaan nabada, midnimada, kalsoonida iyo is-aaminka dhexdooda. Ugu dambayn, waxaan hambalyeynayaa, Xubnaha Guddidii Wada-hadalka, laba geesoodka ahayd, ee ka kala socotay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Khaatumo, kuwaas oo bud-dhig u ah guushan. Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa, Dr. Cali Khaliif Galaydh, oo muujiyey geesinimo iyo go'aan
adayg, si uu u mideeyo dadka iyo dalka Somaliland".
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu dhammaanteen inoo dembi dhaafo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu tacabka, talada iyo tawfiiqda inoo Hagaajiyo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu Boggeena iyo Beerkeena, Burcad isu-mariyo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu tubta toosan, inagu hanuuniyo,
ALLAHAYOW, Aamiin, Aamiin, Aamiin
Gunaanadkii shirkana Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa akhriyey nuxurka heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu yidhi" Waxa weeyi nuxurku :-
In la helo cadaalad iyo sinaan iyo nabad ku wadada noolaansho.
in la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland.
in khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed.
in la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha.
In dastuurka dib loo furo si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan guddi joogto ahna arrinkaas loo saaro.
In dawladda Somaliland, ururada samafalka iyo hay'adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga samayn lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
In ciidamada hubaysan ee Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa, jirintaankiisa iyo danahiisa.
storvideo: 

Hooyo labo wiil ku weyday weerarkii Muqdisho

$
0
0

Iyadoo toddobaad laga joogo markii uu dhacay qaraxii lagu halaagsamay ee ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, ayaa weli waxaa socda gurmadka loo fidinayo dhibanayaasha iyo dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay.
Qaraxaasi ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dhaxlay dhacdooyin xanuun iyo uur-kutaalo ku reebtay qoysas badan oo Soomaaliyeed.
Dadka uu saameynta ku yeeshay qaraxaasi waxaa kamid ah hooyo lagu magacaabo Xaawa Tahliil Gulleyd oo BBC-da u sheegtay in ilma ay dhashay iyo kuwa ay ehel yihiin ba ku weyday qaraxii Soobe xili ay ku guda jireen xisaabinta hanti u taalay labo carwo si ay uga bixiyaan sako.
''Hooyo waxaan weerarka ku waayay labo kamid ah wiilasheyda, mid aan habirir u ahay, mid ay qaraabo ahayeen ilmaheyga iyo xaaska mid kamid ah wiilasheyda oo carwa ku lahaa isgoyska Soobe,'' sidaasi waxaa BBC-da u sheegtay hooyo Xaawo.
Xaawa Tahliil oo u muuqatay qof samarsan ayaa u sheegtay BBC-da in caruurta iyo hantida ku burburtay weerarka ay tahay wax uu Ilaahay siiyay, haatan uu isaga oofsaday.
Mar aan wax ka weydiinay darenkeeda, maadaama caruurteda ay ku dhinteen weerarka ayaa waxay tiri waxaan ku shukriyay Allah weyn, waxaana xiliga uu weerarka dhacayay ay sheegtay inay ku sugneed deegaanka Hobyo.
''Markii la isoo sheegay geerida ubadkeyga waxaan ku sugnaa deegaanka Hobyo, oo waxaan halkaasi la joogay waalidiinti idhashay, waxaana Xamar imid iyadoo caruurteydi la aasay'' waxaa sidaasi BBC-da u sheegtay hooyo Xaawo.
Dowladda Soomaaliya ayaa xalay shaacisay tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qarixii dhawaan ka dhacay isgoyska soobe ee magaalda Muqdisho.
Wasiirka warfaafinta Soomalaiya Eng. Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in la xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen 358 qof iyo halka 228 qofna ay ku dhaawacmeen.
Wasiirku waxa uu sheegay in sidoo kale nolol iyo geeri la la'yahay 56 qof halka 99 qof oo kolkii hore dhaawac ahaan cusbitaalada loo dhigay hadda cusbitalka laga saaray.
Sida uu sheegay Eng. Yariisow, 122 qof oo dhaawac ah ayaa loo qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaanna waddamada Kenya, Turkiga iyo Suudaan si halkaa loogu soo daweeyo.
Tiro kale oo dhaawac ah ay jiifaan cusbitaalada Muqdisho.
Dhanka kale, wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow ayaa sheegay in dhowr qof loo soo qabtay qaraxa, balse waxa uu ka gaabsaday in wax faafaahin ah uu ka bixiyo maadaama buu yiri uu wali baaritaan socdo.
storvideo: 

Somalia to declare ‘state of war’ against al-Shabab

$
0
0

Somalia’s president is set to declare a “state of war” against the al-Shabab terror group, a military official said Friday.
President Mohamed Abdullahi Mohamed will soon announce the declaration against the group, which has been blamed for the country’s deadliest attack, a Somali army official said on condition of anonymity because he was not authorized to speak to the press.
The official said the Somali government expects the U.S. to play a “supportive” role in a new offensive which the president is set to launch Saturday, according to the Associated Press.
Somali Army spokesman Capt. Abdullahi Iman said early Saturday that through the offensive, the government aims to eliminate fighters from al-Shabab’s “fortresses” located in the Lower Shebelle and Central Shabelle regions of southern Somalia.
On Saturday, a massive truck bomb exploded in the Somali capital, Mogadishu, killing at least 358 people and injuring scores more.
The post Somalia to declare ‘state of war’ against al-Shabab appeared first on Shabelle.

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo War...

$
0
0

War-murtiyeed kasoo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Shanta Madaxweyne dowlad goboleed, ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka iyo qodobo kale.
War murtiyeedka oo ka koobnaa 8 qodob ayaa ugu horeyn looga tacsiyadeeyay umadda Soomaaliyed qaraxii ay dadka badan ku dhinteen 14-kii bishaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.
Sidoo kale War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka mashquulsan tahay arrimihii Amniga, isla markaana ay xoogga saareyso siyaasado dadka iyo dalka sii kala fogeynayo.Hoos ka Aqriso War-murtiyeedkaPUNTLAND POST
The post Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo War-murtiyeed ka soo saaray xaalada Amni dalka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Hordhaca Sawirada : Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Oo...

$
0
0

Hordhaca Sawirada : "Labada Murashax Ee Kale Taladoodu Waxay Saarteen Salaadiintoodii, Anna Waxaan Taladayda Saartay Ilaahay, Waxaa Ii Soo Hambalyeeyay Dad Ku Dhaw 200,000,(Laba-Boqol Oo Kun Oo Qof ,) Hambalyana Waxaan Uga Baahi-badanahay Cod-ka oo aad I Siisaan ..," Khudbadii Murashax Faysal Cali Waraabe Ka Jeediyay Magaalada Burco .
storvideo: 

Somalia to declare ‘state of war’ against al-Shabab

$
0
0

Somalia's president is set to declare a "state of war" against the al-Shabab terror group, a military official said Friday.
President Mohamed Abdullahi Mohamed will soon announce the declaration against the group, which has been blamed for the country's deadliest attack, a Somali army official said on condition of anonymity because he was not authorized to speak to the press.
The official said the Somali government expects the U.S. to play a "supportive" role in a new offensive which the president is set to launch Saturday, according to the Associated Press.
Somali Army spokesman Capt. Abdullahi Iman said early Saturday that through the offensive, the government aims to eliminate fighters from al-Shabab's "fortresses" located in the Lower Shebelle and Central Shabelle regions of southern Somalia.
On Saturday, a massive truck bomb exploded in the Somali capital, Mogadishu, killing at least 358 people and injuring scores more.
storvideo: 


Golaha maamul goboleedyada oo soo saaray qoraal yaab...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Qoraal kasoo baxay golaha iskaashiga maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa lagu eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dhanka kale looga hadlay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Ugu horreyn golaha ayaa tacsi ka diray dadkii ku dhintay qaraxii Zoobe, waxaana uu sheegay golaha iney muuqato in weli aanay cidna mas'uuliyaddeeda qaadan wixii dhacay.
Xukuumadda ayaa lagu eedeeyay in weli ay ka mashquulsan tahay arrimaha amniga, kuna mashquulsan tahay sidii dadka iyo dalka lagu sii kala fogeyn lahaa waa sida qoraalka ku xusane.
Sidoo kale golahan ayaa sheegay iney walaac ka qabaan qorshaha xukuumadda oo ay sheegeen in miisaaniyaddii amniga iyo tii dowlad gobleedyada loogu talogalay ugu leexisay arrimo siyaasadeed.
Halkaan hoose ka akhriso qoraalka:
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Safiirka Marekanka ee Malaysia oo booqatay iskuulka...

$
0
0

Danjiraha Marekanka u fadhiya dalka Malaysia, Kamala Shirin Lakhdhir ayaa booqashadii ugu horeysay ku tagtay iskuulka Soomaalida (Somali Community School) oo ay wax ku bartaan ku dhawaad 218 ardey oo Soomaali ah. Dugsigan oo waxbarashada aasaasiga ah ee ka billaabata xanaannada carruurta ilaa fasalka sagaalaad ay ardeydu ku qaataan, wuxuu ku yaalla xaafadda ay Soomaalida ku badan-tahay ee Gombak oo ka tirsan magaalada Kuala Lumpur ee - Malaysia. Danjire Kamala Shirin, ayaa inta ay booqashada ku jirtay waxaa ay kormeertay qaybaha uu iskuulka ka koobanyahay, bilowgii horaba waxaa ay ka tacsiyeesey qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee 14 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay caddeysay inay ka xuntahay qaraxaas. Ardeyda wax ka barata iskuulka, ayay fursad u siisey inay su'aallo waydiiyaan, waxaana ay warbixin ka siiyeen xaaladda iskuulka iyo baahiyaha uu qaba, danjiraha waxay muujisay inay ku faraxsantahay booqashada ay ku tagtay iskuulka bulshada Soomaalida, iyadoo marka xaqiijisay inay mar kale soo booqan doonto. "Danjiraha waxay sheegtay inay waxbadan ka caawineyso iskuulka, waxaa ugu weyn ee ay noo sheegtay inay fasal cusub ku soo kordhin doonto iskuulka." ayuu yiri Cabdifitaax Maxamed Cabdulle oo ah aas aasaha iskuulka bulshada Soomaaliyeed oo hadalkiisa ku daray, "Waan uga mahadcelinay booqashada, ardeyda [...]
storvideo: 

Gaalkacyo: Barakacaal la gaarsiiyay lacag iyo agab kale

$
0
0

Deeqdaan oo isugu jirtay bacaha roobka iyo lacag ayaa waxaa mas'uuliyiin ka tirsan kuwa Maamulka Gobalka Mudug iyo Degmada Galkacyo ay gaarsiiyeen qaar ka mida qoysaska abaaraha ku xoola beelay ee ku sugan xeryaha barakacayaasha Gaalkacyo. Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegayin deeqdan ay tahay mid ay ku soo tabaruceen dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Brigham ee dalka Ingiriiska, kuwaasi oo la xanuunsaday dhibaatada heysta dadka Soomaaliyeed. Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobalka Mudug Cabdi Xuseen oo isna ka hadlay goobta deeqda lagu bixinayay ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadiisa in loo wada istaago ugurmashada bushada Soomaaliyeed ee ay haystaan dhibaatooyinka kala duwan. Dhinaca kale magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa ka socanaya arruurinta gurmad looga qeyb qaadanayo caawinta walaalaheena Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii 14kii bishan ay koooxda naf iyo nolal diidka Ummadda ee Al-Shabaab ka geysteen isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho ee - Dalkeena.
storvideo: 

Safiirka Marykanka ee Malaysia oo booqatay iskuulka...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Kuala Lumpur(SONNA)-Danjiraha Marekanka u fadhiya dalka Malaysia, Kamala Shirin Lakhdhir ayaa booqashadii ugu horreeysay ku tagtay iskuulka Soomaalida (Somali Community School) oo ay wax ku bartaan ku dhawaad 218 ardey oo Soomaali ah. Dugsigan oo waxbarashada aasaasiga ah ee ka billaabata xanaanada carruurta ilaa fasalka sagaalaad ay ardeydu ku qaataan, wuxuu ku yaalla xaafadda ay Soomaalida ku badan-tahay ee Gombak oo ka tirsan magaalada Kuala Lumpur ee - Malaysia. Ambassador Kamala Shirin , ayaa inta ay booqashada ku jirtay waxaa ay kormeertay qeybaha uu iskuulka ka kooban-yahay, bilowgii horeyba waxaa ay ka tacsiyeesey qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee 14 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay caddeysay inay ka xuntahay qaraxaasi. Ardeyda wax ka barata iskuulka, ayay fursad u siisey inay su'aallo weydiiyaan, waxaana ay warbixin ka siiyeen xaaladda iskuulka iyo baahiyaha uu qabo, danjiraha waxay muujisay inay ku faraxsantahay booqashada ay ku tagtay iskuulka bulshada Soomaalida, iyadoo markaasi xaqiijisay inay mar kale soo booqan doonto. "Danjiraha waxay sheegtay inay wax badan ka caawineyso iskuulka, waxaa ugu weyn ee ay noo sheegtay inay fasal cusub ku soo kordhin doonto iskuulka." ayuu yiri Cabdifitaax Maxamed Cabdulle oo ah aasaasaha iskuulka bulshada Soomaaliyeed,Waan uga mahadcelinay booqashada, ardeyda iyo macallimiinta ayaana halkan ku soo dhaweeyay." ayuu raaciyay hadalkiisa. Dugsiga waxbarashada aasaasiga ah ee bulshada Soomaalida Malaysia ardeyda ayaa sidoo kale ku qaadata casharo diini ah,wuxuu shaqeynayay tan iyo sannadkii 2011-kii markaa oo ardeydii ugu horreeysay waxbarashada loo billaabay - muddada ku dhawaad afar kun oo ardey Soomaali ah ayaa ka faa'iideysatay, kuwaaso hadda wax ka barta dugsiyada sare ee Malaysia, sida u SONNA u sheegay aasaasaha iskuulka, Cabdifitaax Maxamed Cabdulle.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleXasuuqa Rohinga oo saameynta ugu badan ku yeeshay Caruurta.
Next articleXasuuqii KM5: Buun dagaal oo u yeerey Soomaali

storvideo: 

Xasuuqii KM5: Buun dagaal oo u yeerey Soomaali

$
0
0

Muqdisho(SONNA):-Soomaalida waxa ay si geesinimo leh u wajeheen dhibaatooyinkii ka dhashay Xasuuqii isgoyska Zoobe ee KM5 ee ay ku nafwaayeen in kabadan 300 oo qof oo isugu jiray caruur, haween, odoyaal, iyo dhalinyaraba. Waxa uu ahaa mid gilgilay quloobteenna, waxa aynu weynay xidigo dhalinyaro ah oo soo hanaqaadayay, weli waxaa Cusbitaalada jiifa dad badan oo nagu qaali ah. Haddaba maxay tahay fariinta uu xambaarsanyahay xasuuqii ka dhacay isgoyska Zoobe?.
Waxa aan doonayaa in aan maqaalkaan uga warbixiyo fariinta aan isleeyahay waa uu xambaarsanaa gumaadkii nagu dhacay, balse inta aan u galin, waxa aan jeclahay inaan tacsi u diro ehelada iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii aan waxba galabsan ee nabaddiidku naga gumaadeen, Aniga oo Eebbe uga baryaya in uu Janadiisa ka waraabiyo, si taa lamid ah waxa aan caafimaad deg-deg ah Allaah uga baryayaa dadkii dhaawucu soo gaaray.
Intaa kadib, waxa aan qabaa in fariintii uu xambaarsanaa xasuuqaas ay tahay dagaal loo iclaamiyay Soomaali islamarkaana waxa uu ahaa buun dagaal oo yeerey ama u dhawaaqay Soomaali, shaki kuma jiro cidda dagaalka lala galayo in ay yihiin kooxda sida arxandarrada ah u leysay dadkii ku dhintay xasuuqii isgoyska Zoobe ka dhacay, kooxdaas waxa ay dabarjaridda shacabka soo wadeen tan iyo 2007, waa nabaddiidka Alshabaab.
Murugada laga dareemayo guryo badan oo Muqdisho ku yaalla waxa ay cadeeyneysa in shacabka ay yihiin kuwa rasmiga ah ee ay arggagixisada beegsanayaan. Midnimadii ay shacabku muujiyeen kadib gumaadkii dhacay waxa ay ahayd mid aan horay uga dhicin Soomaaliya intii ay nabaddiidku wadeen xasuuqa shacbiga oo runtii cabsi badan ku beertay nabaddiidka, waa arin ay tahay in dawladdu ay ka faa'ideysto.
Haddaba, fariintan dagaalka iclaaminaysa waa in ay ka jawaab celiyaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo wada jira si aysan mar kale u dhicin xasuuq ama fal kale oo ay nabaddiidku ka fuliyaan SoomaaliyaMaxaa la gudboon Hay'adaha Amniga?
Waxaa marag ma doonta ah in Hay'adaha Qaranka ugu xilsaaran amniga ay ku mashquulsanyihiin kadaba degista qasaarihii dhacay, waxa ay har iyo habeen u taaganyihiin ilaalinta nafta iyo maalka shacbiga.
Hay'adaha amniga waxaa hortaalla fursad wayn oo hadii ay ka faa'ideystaan wax ka badeli karta xaaladda amni ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka si xasillooni buuxda looga dhaliyo dalka. Fursaddu waa in shacabku uu gartay cadoowgooda islamarkaana ay kaceen oo ay u baahanyihiin abaabul ka yimaada dhanka dawladda si looga gun gaaro kacaankooda.
Qorshooyin hor leh oo mataaneya shacabka iyo ciidanka amaanka waa arinta ugu muhiimsan ee looga fadhiyo dawladda, balse hadii aysan sida ugu dhakhsiyaha badan loo hindisin qorshooyinkaas islamarkaana loo hirgelin waxaa dhici doonta in ay lunto fursadda ilaa iyo haatan taagan.
Sidaa awgeed, waxa aan hay'adaha ku shaqada leh amaanka u soo jeedinayaa in la sameyo maalmo ay si wadajir ah u hawlgalaan shacabka iyo ciidamada, si wadajir in loo hawlago waxa aan ula jeedaa in Degmooyinka laga bilaabo olole lagu mideeynayo ciidanka iyo shacabka.Shacabka iyo dagaalka ay geli doonaan
Ku dhawaad tobon sanno oo ay kooxaha nabaddiidku daadinayeen dhiigga dadweynaha, waxaa shacabku garowsaday in ay ka dhiidhiyaan gumaadka lagu hayo ee galaafatay nolosha tiro badan oo Soomaali ah. Hadaba, waxaa la gudboon shacabka in aysan ka labalabeeyn dagaalka ku waajibay in ay la galaan arggagixisada kasoo ka kooban qaybo badan.
Waxaa laga yabaa in ay jiraan qaabab badan oo ay tahay in shacabku kula dagaalamaan arggagixisada, balse qodobada maskaxdeyda ku jira waa inta soo socota:-

  • Isgarab taagidda dhamaan Ciidamada Qalabka Sida, iyada oo lala wadaagayo xogaha muhiimka ah;
  • Ka qaybqaadashada dagaalka fikriga ah iyada oo la adeegsanayo waraabihinta, qaybtan waxaa aad u muhiim ah in Culumadu ay horkacdo;
  • Dhalinyaradu in ay wax ka qoraan dhibaatooyinka arggagixisada islamarkaana lagu koriyo jiilka soo socda si aysan maskaxdooda marnaba uga dhaadhicin fikirka xag-jirnimada;
  • Bahda Warbaabinta in ay soo saaraan barnaamijyo lagu taageerayo ciidamada, maadaama bahdan ay dhibanayaal u yihiin arggagixisada.

Shaki kuma jiro in dhamaan qodobadan aan kor kusoo sheegay aan waxba laga qaban Karin hadii aysan dawladda abuurin jawi fur-furnaan ah oo shacabka looga qaybgelinayo qorshayaasha xasilinta iyo nabadeeynta dalka.Mahadcelin
Dhaawac saameeyn wayn nagu leh aayaa inagaaray 14, Oct oo aanan marnaba quloobteena ka bixi karin, waxaa jiray dhalinyaro ka qaybqaatay xalinta musiibadii inagu dhacday oo runtii muujiyay wadaniyad, Soomaalinimo, iyo karti; waxa ay mudanyihiin ammaan iyo mahadcelin.
Waxa aan halkan mahadcelin uga dirayaa kooxda Bukaan-la-roorka ee Aamin oo shaqo adag u haya dadka Soomaaliyeed islamarkaana muujiyay geesinimo iyo hawlkarnimo intii ay socdeen gargaargii loo fidinayay dadkeenii dhibtu ka soo gaartay musiibada.
Dhanka kale, waxaa jiray dhalinyaro iskood isku abaabulay oo la baxay magaca Gurmad252 oo iyagana qabtay hawl baaxad leh oo aan horay Soomaaliya uga dhicin, waxa ay gargaar dhinacyo badan leh u fidinayeen dadkii ku jiray Isbitaalada, haba ugu muhiimsanaato in ay isku raadinayeen dadkii kala lumay iyaga oo xogta si daahfuran ula wadaagayay dadweynaha. Waxa ay dadka Soomaaliyeed dareensiiyeen awood ka qarsoonayd oo ay dhalinyarada leedahay.
Ugu dambayn, waxa aan soo jeedinayaa in labada koox ee aan kor ku soo sheegay ay dawladda abaalmarin guddoonsiiso si loo dhiirageliyo mutaddawacnimada oo ah qaabka ugu wanaagsan ee aan si xawli ah dalkeenna dib ugu dhisi karno. W/Q:--Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live