Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Waare oo kulan deg deg ah isugu yeeray...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


TACSI MADAXWEYNE: Marxuum Xasan Cawaale IN-NAA...

$
0
0

TACSI MADAXWEYNEIN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golaha wakiilada, guurtida, bahda waxbarashada, waxgaradka, waayeelka, haldoorka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo xalay oo ay taariikhdu ahayd 21.10.2017 ku geeriyooday dalka Jabuuti oo uu xaalad caafimaad u jiifay maalmahan.Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul ka baxay qaranka Somaliland, gaar ahaan bahda waxbarashada iyo siyaasada dalka, waxaanu marxuumku ka mid ahaa dadkii ka qayb qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, isagoo ka mid ahaa aqoonyahankii qalinka iyo tabaashiirta u qaatay inay dalka u soo saaraan jiilal aqoon iyo cilmi ku dhisan, taasi oo uu muddo ku soo jiray markii danbena uu ka mid noqday golaha wakiilada Somaliland ee wakhtigan jooga, balse ay tii Alle u timid Marxuumka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha wakiilada, guurtida, bahda waxbarashada, waxgaradka, waayeelka, haldoorka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUNXuseen Aadan Cige (Deyr)Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
storvideo: 

Manchester United oo Dhulka la Dhigey; Man City iyo...

$
0
0

Kooxda Manchester United ayaa guul darro naxdin badan kala kulantay kooxda Huddersfield Town kulan ka tirsan horyaalka Ingriiska.
United ayaa laba gool iyo gool ku dhameystay ciyaarta, taas oo ka dhigtay in naadiga Manchester ay dhibco kaga khasaaraan horyaalka.
Ciyaar-yahannada Aaron Mooy iyo Laurent Depoitre laba gool deg deg ah ka dhaliyay Manchester United daqiiqadihii 28-aad iyo 33-aad. Guushaasi
Marcus Rashford ayaa goolka madiga ah u dhaliyay naadiga Manchester daqiiqaddii 78-aad, laakiin kuma filnaan naadiga goolkaasi.
Waa guul daradii ugu horeysay Manchester ee ka soo gaarta horyalkaan tan iyo markii uu billowdey.
Dhanka kale, Kooxaha Manchester City iyo Chelsea ayaa guulo muhim ah gaarey.
City ayaa seddex gool iyo waxba kaga adkaatay kooxda Burnley; halka Chelsea-na ay afar gool iyo laba kaga adkaatay kooxda Watford.
storvideo: 

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xaflada...

$
0
0

Burco(Waaheen)Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa gobolada Bariga ayaa maanta magaalada Burco kaga qayb galay munaasibad loo sameeyey arday ka qalin jabisay Jaamacada Golis qaybteeda Togdheer.
Madaxweynaha oo khudbad u jeediyey Ardaydii ka qalinjebisay jaamacada golis ayaa yidhi "Dhammaan marti-sharafta, masuuliyiinta kala duwan, madaxda Jaamacadda, Macalimiinta iyo Ardayda "ASSALAAMU CALAYKUM WA-RAXMATULLAAHI WA-BARAKAATU".
Mudanayaal iyo Marwooyin,Ugu horreyn, sharaf weyn bay ii tahay, in aan idin kala soo qayb-galo xafladda qalin jebinta dufcadda 5aad ee Jaamacadda Golis ee Burco. Si gaar ah, waxaan u hambalyeynayaa, Ardayda maanta ka qalin-jebisay kulliyadaha Jaamacadda Golis ee Burco. Sidoo kale, waxa hambalyo iyo boggaadin mudan, waalidka ku soo tabcay, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay, guushan ay Ardaydu gaadheen.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Aniga oo madashan iyo munaasibaddan ka faa'iidaysanaya, waxaan jecelahay, in aan ku boggaadiyo Maamulka, Madaxda iyo Macalimiinta Jaamacadda Golis ee Burco, dedaalka iyo horumarka ay gaadhsiiyeen Jaamacadda, muddadii ay Jaamacaddu ka jirtay Gobolkan Togdheer. Waxaan qirayaa, in Jaamacadda Golis ee Burco, ay kaalin weyn, oo la mahadiyey ka qaadatay, horumarinta, tayeynta iyo casriyeynta waxbarashada gobolka.
Waxa kale, oo aan qirayaa in Jaamacadda Burco iyo Jaamacadda Golis Burco, ay labaduba horumar weyn ka sameeyeen, dhinaca tayada aqoonta, mudadii aan qarankan Odayga u ahaa. Is-beddelkaa laxaadka leh, waxa sabab u ah, siyaasadda wax-barashada ee aan dalka ku hoggaaminayey, iyo maamulka labada jamacadood, oo ay hormood u yihiin Prof. Saleeban Dirir Cabdi iyo Prof. Cabdi-xakiin Maxamed Cabdillaahi, oo halkan uga mahad-celinayo.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxa xusid mudan, in Ardayda ka bixi jirtay Dugsiyada Sare iyo kuwa Dhexe, ee Gobollada Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag, ay ahaan jireen kuwo aad u hooseeya, dhinaca derajada imtixaanaadka shahaadiga ah, marka la bar-bar dhigo Gobollada kale, wixii ka horreeyey 2010-kii. Xukuumadda Xisbiga Kulmiye, ee aan gadh-wadeenka ka ahay, waxay ku guulaysatay in ay waxbarashada ay kor u qaado, isla markaana ay isa-soo-gaadhsiiso gobolladii kala durug-sanaa. Waxa markhaati ma-doon u ah arrintan, in Gobolka Togdheer uu safka hore kaga jiray, sanadihii u dambeeyey, natiijooyinka imtixaanaadka shahaadiga ah (Dugsiyada Sare iyo Kuwa Dhexe). Ka Sokow, horumarka kala duwan, ee aanu ku soo kordhinay Gobolka Togdheer, waxa kor u kacay tirada iyo tayada waxbarashada kulliyadaha Jaamacadda Burco iyo Jaamacadda Golis Burco.
Duco-qabayaal,
Waxaan idinku guubaabinayaa, in aad ka fogaataan dhaqamada xun, ee aafeeya il-baxnimada iyo horumarka bulshoooyinka caafimaadka qaba, sida: kala-qaybsanaanta, qabyaaladda, tahriibka, dal nacaybka iyo bal-wadaha. Waxa kale, oo aan idinku dhiiri-gelinayaa, in ay-daan waxbarashada ka daalin, oo aad halkaa ka sii wadaan.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan, waxa maanta dalka ka bilaabmay ololihii Doorashada Madaxtooyada. Doorashooyinku, maaha kuwo inagu cusub, ee waxa aynu u leenahay khibrad iyo waayo-aragnimo. Hase-yeeshee, waxa jira da'yar badan, oo aan hore u codayn. Sidaa darteed, waxa waajib inagu ah, in aynu adkayno, nabadgelyada, midnimada iyo wada-jirka ummadda.
Waxa waajib inagu ah, in aan la isku ceebsan, kala duwanaanshaha aragtiyaha siyaasadda, cid-walba waa in lagu ixtiraamaa fikirka iyo aragtida uu aamin-san yahay. Waxaan shacbiga Somaliland, mar labaad ugu celinayaa, in aanay musharixiintu xaq idiinku lahayn, in ay idin dhex-dhigaan colaad iyo ciil-qab. Balse ay xaq idiinku leeyihiin oo keliya, in ay idin weydiistaan cod iyo caawimo.
Ugu dambayn, waxaan shacbiga ugu baaqayaa in ay doorashada ku galaan, nabad iyo deganaansho. Waxa reebban fidmo abuur iyo fad-qalallo.
Guuleysta,,, Guuleysta,,, Guuleysta,,,
Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay ciidanka qaranka, kaas oo laga hirgeliyey xarunta miiska saraakiisha ee gobolka Togdheer.
storvideo: 

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington

$
0
0

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington oo toddobaadkan xiiso gaar ah leh. Sahra Ciidle Nuur, ayaa soo jeedineysa.

Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka

$
0
0

Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka, waxa toddobaadkan soo diyaariyay Ridwaan Xaaji Cabdiwali.

Madaxweyne Waare oo la kulmay saraakiil ka tirsan...

$
0
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Midowga Africa AMISOM Iyagoo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo xaqiijinta amniga guud.
Madaxweyne Waare ayaa waxaa kulanka Saraakiisha AMISOM uu la qaatay ku wehelinayay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana kulanka la isku dhaafsaday sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Ciidamada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ka howlgala iyo kuwa Amisom iyo in si dhab ah uga qeyb qaataan sugida amniga guud ahaan deeganada Hirshabelle gaar ahaan Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo maalinta Isniinta lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka.
Taliyaha Sectar 5 ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM Gen Voctor oo saraakiishaasi hogaaminayay ayaa balan qaaday in si dhow ay u wada shaqeynayaan saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ka howgala gobolka ayna sii xoojin doonaan xaqiijinta amniga, sidoo kalena ay qorsheynayaan in ay ka shaqeeyaan dib u dhiska wadooyinka iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo uu midowga Africa fulinayo.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Amisom ugu mahadceliyay sida har iyo habeen ay ugu soo jeedaan sugida amniga, waxaana uu ku ammaanay doorkooda la xiriira garab istaaga Soomaaliya, waxaana uu si qoto dheer saraakiisha uu kaga warbixiyay sida mudnaanta koowaad uu u siinayo amniga iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in la iska kaashado howlaha horyaala ciidamada si gaar ah waxaa uu carabka ugu adkeeyay sidii loo xaqiijin lahaa amniga inta lagu gud jiro xafladda caleema saarka oo dhaceysa 23 bishan oo maalin uun ay ka harsantahay.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa mudada uu joogo xafiiska sidaan oo kale kulama Muqdisho kula soo qaatay Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Midowga Africa Amisom, iyo kuwa Soomaalida oo uu kala hadlayay arrimaha Amniga deegaanada Hirshabelle iyo sida muqadas ay u tahay in cadowga laga dulqaado bulshada ku dhibaateysan Deegannada Hirshabelle oo ay go'doomiyeen Al Shabaab.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Rag Hubeysan Oo Dil Iyo Dhaawac Ka Geestay Magaalada...

$
0
0

Dhimashada dadkaan iyo dhaawaca kuwa kale ayaa timid kadib markii rasaas lagu furay Arday ku sugneyd Afaafka hore ee iskuulka Al-cimra Qeybta uu ku leeyahay Xaafada Laba Dhagax degmada Warta-Nabada ee Gobolkaan Banaadir.
Xoogaa muran ayaa soo kala dhex galay Ciidamo ku sugnaa Goobta uu falka ka dhacay iyo Ruux watay Mootada Bajaajka taas oo keentay in dadkii ku soo xoomay oo ay Ardayda ka mid ahaayeen la rasaaseey ayuu Dalsan u sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka.
Xaalada Goobta ayaa daqiiqado kooban noqotay mid ay baqdin muujiyeen dadka Shacabka ah ee ku sugnaa Goobta la rasaaeeyay, waxana la sheegay ragii rasaasta furay ay Goobta ka baxsadeen.
Maamulka degmada Warta-Nabada weli kama hadlin dhacdadaas,balse xiriir aan la sameynay ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weydiino dhacdadaas.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Ciidamo ka tirsan dowlada oo rasaas ooda uga qaaday...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa rasaas ooda uga qaaday arday wax ka baraneysay iskuulka Al-cimra qeybtiisa xaafada laba dhagax degmada Warta-Nabada ee Gobolkaan Banaadir.
Ardayda la rasaaseeyay ayaa xiligaa ku sugneyd afafka hore ee iskuulka, waxaana la xaqiijiyay in rasaastaasi ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac.
Rasaasta ayaa timid kadib markii ciidamadu ay eryadeen ruux mooto bajaajle ahaa oo ku orday Iskuulka xili uu muran dhexmaray ciidamada iyo Bajaajlaha waxaana xigay rasaasta lagu furay ardayda.
Rasaasta kadib waxaa goobta ka baxsaday ciidamada rasaasta furay kadib markii ay baqdin ka muujiyeen in rasaasta ay kusoo baxaan ciidamo kale.
Goobjooge ayaa sheegay in rasaasta ay dhaawac kasoo gaartay labo kamid aheyd dadka goobta ku sugnaa, gaar ahaan ardayda.
Ciidamada dowlada ayaa qaabab ka fog anshaxa kula dhaqma ardayda iyo guud ahaan dadka shacabka ee ku howlan baadi-goobka nolol maalmeedkooda.
Geesta kale, waxaan falkaan ka hadal hay'adaha amaanka oo iyagu maamula ciidamada geysta falalka amni daro ee ka dhaca magaalada Muqdisho.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Halima Aden Explains Why Somalia Needs Your Support

$
0
0

The country of Somalia means a lot to me. It's the home I never got to see, but feel so connected to. My family is from Somalia and my mother fled due to the civil war, which has been ongoing for decades. Although I was born in Kenya, I will always be a Somali first.
My mother was the one who told me about the bombing that occurred in Mogadishu on October 14. A few weeks prior, she had just gotten back from Kismayo, a different city in Somalia. When we talked about her trip, she had so much hope and wanted to go back as soon as possible. She was absolutely devastated. My heart broke for the victims and their families.
Thankfully, my family is safe and were not in Modgishu. We checked in with family and friends and everyone is safe -- but far from alright. We are still mourning for the hundreds of innocent lives lost. Those killed were people, not numbers. This was a horrible tragedy that affected Somalis around the world. It is the deadliest bombing in the country's history. A lot of innocent lives were lost.
There was a lack of media coverage about the bombing, which was disheartening, but I'm grateful for all the people who have shown their support for Somalia.
France dimmed the lights on the Eiffel Tower to remember the victims, Turkey has shown support, as has Canada.
Tragedy is tragedy, no matter where it happens in the world. I think it's important that we pray for all the victims. Show compassion to your Somali coworkers and neighbors.
You don't know if that person just lost a parent, a friend, or their entire family. Teens have the power of reaching people an ocean away by simply using their social media to raise awareness. Your thoughts and prayers will let them know that they are not forgotten about.
I want the world to know that Somali people are resilient and will overcome this tragedy. I have always had hope for my country and I know this evil will not be how our chapter ends. Above all, I want people to know that Muslims are allies against terrorism -- not the enemy.
Source: - Teen Vogue
storvideo: 

Daacadnimo iyo Qorshe cad Muuse Biixi Baa leh

$
0
0

Assalaamu calaykum waraxmatulLahi wabaraakatu dhamaan muslimiinta oo dhan gaar ahaan reer Somaliland, Doodii sadexda musharax waxaa iiga soo baxay oo aanan ka filanayn Muuse sida daacada ah ee uu su'aashii ugu dambeysay ee barnaamijkaa lagu weydiiyey maxay kaaga fiican yihiin labadan musharax, Mansha'Allah halkaa waxaa iiga soo baxday in Muuse uu yahay nin daacada oo u qalma in dalkan lagu aamino, Madaama la wada ogyahay abaalkii uu dalkan gashtey, Waxa ugu qaalisan oo uu qof huraa waa naftiisa, Muuse xoriyadan aan ku seexano wuxuu u sadqeeyey naftiisa isagoo weliba dhalinyar ah kuna noolaan karayey america, Lakiin wuxuu ka door biday in uu dalkiisa ka xoreeyo nacasbkii macangaga ahaa ee ay weli nacabkeenu xusaan 21 October,Media somaliya eega sida ay maalintan iyo ragii xasuuqa noo geystay u weyneeyan,Mase ogtihiin inuu moorgan ku nool yahay madaxtooyada somaliya, Bal ka warama hadaynu inana geesiyaal ku sheegno ragaa geysta dilka oo aanu ku tilmaamno rag xoriyada u dagaalamaya sida tii ugu dambeysan ee ay kaga dhinteen inka badan 300 oo qofood, Miyeysan dareemeyn xanuunka ay leedahay marka lagu xasuuqo ee aad weydo ehelkaagii iyo dadkaagii aad jeclayd gaar ahaan ubadkaaga oo naftaada ka hormarin jirtay baahidooda iyo xanaanadooda. Lakiin inagu waanu ka roonaaneynaa oo waanu u ducaynaynaamuslinimo aawadeed oo diibnteena ayaa na faraysa inaanu sidaa yeelno, Lakiin wanaag kama sugeyno, Walaahi inaan been ku dhaaraneyn nin reer somaliya ah ayaa igu yidhi ciidamadan turkiga uu tababarayo Somaliland ayey u soo socdaan siday u midayn lahaayeen somaliya, Wuxuu noo haystaa inaanu ogeyn oo waa sababtaa tan Muuse aanu u dooraneynaa, Waxaanan aan maanta qalinka u qaatay inaan dadkeyga ku dhiiri galiyo maalinta adag nin adag ayaa loo baahan yahay ee nin jilicsan maanta ma'aha maalintuu talin jiray.Muuse waa nin leh astaamihiii hogaamiyaha oo daacada dadkiisa la tashada aqoonyahanada kuwii ugu sareeyey ee ugu hal-doorsanaa ay garab taagan yihiin, Waxaanan ku xasuustaa Muuse sidii Allaha u naxariistee Maxamed Ibrahim Cigaal ayuu marwalba dadkiisa hor istaagaa oo uu si toos ah ula hadlaa, Cigaal dabadii miyeynu aragnay nin madaxa oo si toosa noola hadla, Ku darsadoo cadawgeenu maalinta komishanka doorashooyinka iclaamiyaan inuu helay Muuse Biixi ayay hurdadii iyo rajadii midnimadii somaliweny ugu dambeynaysa, hurdana ma ladi doonaan.Waxaanan aad ugu qancay majarahiisa siyaasada dibada, Bal car waa kaa Ciro ha cadeeyo siyaasadiisa dibada, Hadalba wuxuu ku afgooyaa waxbaanu ka bedelaynaa habkii ictiraaf raadinta, Bal ha cadeeyo wadada iyo sida uu u bedeli doono.
Sharma'arke Maxamed Cumar Qotisheeq@hotmail.com
storvideo: 

Mareykanka oo dowladda Soomaaliya ka taageerayo...

$
0
0

Washington ( Sh. M. Network )-Dowladda Mareykanka ayaa lagu wadaa in door weyn ay ka qaadato taageerada ay siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku aadan dagaalka lagula Xarakada Al Shabaab.
Mareykanka ayaa waxaa uu shaaciyay in ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka caawinayaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab, kuwaas oo ay sheegeen in ay ka fulinayaan Koonfurta Soomaaliya.
Warkan ayaa yimid, kadib markii dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed "farmaajo" uu ku dhaawaqay duulaan xoogan oo lagu qaadayo Al Shabaab, kadib weerarkii dhawaan ka dhacay Zoobe.
Dowladda Mareykanka ayaa weerar milateri ka fulisay Soomaaliya markii talada dalkaasi uu la wareegay madaxweyne Donald trump.
Diyaaradaha dagaalka ee dalka Mareykanka, gaar ahaan kuwa aan cidi wadin ee loo yaqaan Droneska ayaa 19 weerar ka fuliyay Soomaaliya illaa iyo bishii January ee sanadkan.
Weerarkii ugu dambeeyay ayaa waxaa diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ku qaadeen goobo ay Al Shabaab kaga sugnaayeen gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya
storvideo: 

KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada...

$
0
0

Hargeysa(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Xisbiga Midnimada iyo horumarka ee KULMIYE, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay ololihiisa doorashooyinka madaxtooyada shalay dalka oo dhan ka bilaabmay, waxana caasimadda Hargeysa ku ibo furay kumanaan kamid ah taageerayaasha xisbiga oo ay wehelinayaan hoggaanka sare ee xisbiga iyo guddida ololaha gobolka Maroodi-jeex.
Kumanaan kamid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo isugu jira, waayeel, dhallinyaro iyo haween, ayaa isagu soo baxay barxadda khayrida Hargeysa, waxan kala qaybgalay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno kale oo hoggaanka xisbiga kamid ah, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo guddida ololaha KULMIYE ee gobolka Maroodijeex, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu guubaabinayo taageerayaasha, isla markaana loogu mahadcelinayo isu soo baxooda iyo taageerada ay xisbiga KULMIYE u muujiyeen.
Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex oo kusoo labistay astaanta uu xisbiga KULMIYE caanka ku yahay, isla markaana lulaya caleemo qoyan, wejiyadooda iyo shirkoodana kusoo xardhay calanka xisbiga KULMIYE, ayaa si waafi ah u muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin taageerada KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Khudbado kooban oo macno iyo miisaanleh, ayaa loo jeediyey shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa ee la dhacsan taageerada KULMIYE, waxana xubnihii halkaas ka hadlay oo ay kamid yihiin guddoomiyaha ololaha KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex Md. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Afhayeen Xasan Maxamed Gaafaadhi, Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, Yoonis Cali Nuur iyo guddoomiyaha xisbiga ee gobolka Maroodijeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil, waxana ay taageerayaasha ku guubaabiyeen inay maalinta codka ku hubsadaan xisbiga KULMIYE.Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaas kala hadlay taageerayaasha KULMIYE, ayaa si mugleh ugaga mahadceliyey taageerada laxaadka leh ee ay muujiyeen, waxana uu sheegay inay shacabka reer Maroodi-jeex caan ku yihiin taageerada KULMIYE, kuna suntan yihiin guulihii uu KULMIYE kasoo hoyn jirey doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka qabsoomay.

storvideo: 

Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Burco Kala...

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Burco Kala Qaybgalay Isu-soo Baxa Ololaha Doorashada Madaxtooyada Dardaaran Dhaxal-gal Ahna U Laqimay Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ka Mid Ah"waxaan uga mahad-celinayaa, guud ahaan, Shacbi-weynaha Somaliland, yuhuuntii, yidi-diilladii, iskaashigii iyo wada-shaqayntii, ay isla bar-bar taageen Xukuumadda Xisbiga KULMIYE, ee aan Odayga u ahay". Madaxweyne Silaanyo"Anigu, waxaan ummadda u dooray, in hogaamiyihii i bedeli lahaa, uu noqdo Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah siyaasi waayo-arag ah, oo ay ku duugan tahay karti, hufnaan iyo aqoon badani". Madaxweyne Silaanyo
Dhammaan Taageerayaasha faraha badan, ee Xisbiga KULMIYE, ee isugu soo-baxay, Fagaaraha Khayriyada Burco, waxaan idiin soo gudbinayaa salaan Xambaarsan Nabadgelyo iyo Naxariis Eebe "Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu".
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Farxad weyn bay ii tahay, in aan saaka, dib ugu soo noqdo goobtan, oo ay iigu dambaysay, wakhti aad u dheer. Xasuus dheer, ayey igu leedahay khayriyadan Burco, oo aan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, wakhtiyo badan, oo kala duwan, kala hadli jiray, aniga oo ah Musharax Madaxweyne. Eebe Mahaddii, maanta waxaan idin hor-joogaa, aniga oo ah Madaxweynihii Qarankan, isla markaana, aan naf-tayda cuud, cod iyo cudud toonna, idiinka rabin.
Xilkan Madaxweyne, ee aan wareejin doono muddo yar ka dib, kuma iman xoog iyo xeelad toona. Hase-yeeshee, waxaan ku haaneeday codkii ay ii hibeeyeen Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, ee Lixda Gobol Doorasho ee Dalka, ku kala sugan. Dhacdadan taariikhiga ahi, waxay saamayn ku leedahay, noloshayda qayb ka mid ah, isla markaana maaha, mid aan abidkay ilaawi karo.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Aniga oo munaasibaddan ka faa'iidaysanaya, waxaan jecelahay, in aan halkan uga mahadceliyo, Taageerayaashii habeen iyo maalin, mudada dheer, hiilka iyo hooda, ila hareera taagnaa. Mar labaad, waxaan si weyn ugu mahad-celinayaa dhammaan Wax-garadkii, Aqoon-yahankii, Waayeelkii, Haweenkii iyo Hal-doorkii Dhallinyarada, ee codkoodu suurtagaliyey, in uu KULMIYE guulaysto, isla markaana aan noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale, waxaan uga mahad-celinayaa, guud ahaan, Shacbi-weynaha Somaliland, yuhuuntii, yidi-diilladii, iskaashigii iyo wada-shaqayntii, ay isla bar-bar taageen Xukuumadda Xisbiga KULMIYE, ee aan Odayga u ahay.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waa hubaal, in Xisbiga KULMIYE, uu ku guulaystay hoggaamintii talada dalka, mudadii uu dalka dawladda ka ahaa. Waxa hubaal ah, in Taageerayaashii noo codeeyey, aanay guul-daraysan, oo aanay is-ciil kaambiyeyn, isla markaana, aanay fartoodii marnaba hiifayn. Waxaan leeyahay, KULMIYE wuu guulaystay, dhammaanteena waynu guulaysannay.
Duco-qabayaal,
Waxa Lib idiinku filan, in aan taladiinii, iyo tacabkiinii midna aan lagu khasaarin. Waxa Lib idiinku filan, in Xukuumaddii Xisbigii aad doorateen, la mahadiyey.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Abaalkii aad, aniga iyo Xisbiga KULMIYE u gasheen, waxaannu ku gud-nay, in aanu dalkii ka hirgelinay horumar balaadhan, iyo is-beddel laxaadle, oo sida cad-ceeda u ifaya. Waxaannu ciwad-celin idiinka dhignay, in aanu fulinay barnaamijkii Xisbiga KULMIYE, iyo ballamihii aanu idiin qaadnay. Waxaan leeyahay, Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, sidii aad noogu listeen, ayaanu idiinku hambaynay.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Xilkii aad ii doorateen, waxaan ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, aan ugu maamulay, si caddaalad, sinnaan iyo xaqsoor leh. Xaasha, Deegaan, deegaan kama xigsan, gobolna, gobol kale, kama jeclaysan, isla markaana, ma kala dhaweysan, intiinii ii codaysay, iyo intii iga codaysay. Waxaan dalka ku soo maamulay, muddadii aan qarankan, hoggaamiyaha ka ahaa, dulqaad, dad isku-wad, dan guud jacayl, dir-sooc la'aan, danaysi nacayb, iyo dareen Oday-nimo.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Dhawaan, waxa dalka ka dhici doonta, Doorashadii Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo lagu dooran doono, Madaxweynihii i beddeli lahaa, isla markaana Qarankan, hoggaamin lahaa shanta sanno ee soo-socota. Madhaxa iyo Max-suulka doorashadani, waa mid saamayn weyn ku leh, nolosha iyo mustaqbalka Shacabka iyo Muwaadiniinta Somaliland.
Sidaa darteed, waxa waajib ku ah, ruux kasta oo leh xaq cod-bixineed, in uu u miidaan dayo codkiisa. Waxaan idiinku baaqaya, in aad doorashada ku gashaan nabadgelyo iyo deganaansho. Sidoo kale, waxaan idiinku baaqaya, in aad ix-tiraamtaan aragtiyaha iyo afkaaraha idinka soo horjeeda. Anigu, waxaan ummadda u dooray, in hogaamiyihii i bedeli lahaa, uu noqdo Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah siyaasi waayo-arag ah, oo ay ku duugan tahay karti, hufnaan iyo aqoon badani.
Soomaalidu, waxay ku maahmaahdaa, Hebel, jid mala martay, jabad mala degtay, jidiin mala cuntay. Haddaba, waxaan leeyahay, Muuse ciyaar iyo caadifad, midna kuma dooran, ee aqoon dheer baan u leeyahay, kow iyo soddonkii sannadood, ee noloshayda u dambeeyey, wuxuu ka mid ahaa raggii garabka iyo gaashaanka ii ahaa, ee igu gedaannaa. Muuse, waxaan la maray jid-dheer, oo waxaan la degay jabad, oo xitaa ardaagii Geel-jirahana, wada seexannay. Sidoo kale, jidiinna wada cunnay, oo iska daa wax kale'e, jabad cidla ah, labadayada oo qudhi, annaga oo qatan afar caano-maal, hilib Sakaaro ku dubannay.
Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa dhammaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, in ay si buuxda isu bar-bar taagaan, isla markaana u codeeyaan Musharaxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE. Waxaan aamin-sanahay, in Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu yahay, hoggaamiyaha ugu habboon, ee halkaa ka sii wadi kara hiigsigii aan lahaa, iyo horumarka uu dalku u baahan-yahay mustaqbalka dhaw iyo ka dheer.
Gallad Eebee Leh, Guulna Somaliland baa Leh,
Guulaysta, Guulaysta, Guulaysta,

storvideo: 

Caasimadda Online oo heshay xog ku aadan haddii...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen illo wareedyo ka tirsan Villa Somalia, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si rasmi ah uga qeybgeli doono shirka dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ay ku yeelan doonaan Magaalada Muqdisho.
Kulankaan oo la filayo inuu dhaco 28ka Oktoobar 2017 ayaa waxaa lagu daray liiska Madaxweynayaasha kasoo qeyb geli doono madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf kaasoo ay sheegeen 17 Xildhibaan inay xilka ka qaadeen.
Warbaahinta Soomaalida qaarkood iyo shakhsiyaad ayaa baraha Bulshada ku faafiyey inuusan Xaaf ka qeyb geli doonin shirka Madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, isla markaasna uu Madaxweynaha Hirshabelle Waare Galmudug ku matali doono shirkaas.
Haddaba Caasimadda Online ayaa xiriir la sameysay Madaxtooyada Soomaaliya, waxayna soo ogaatay xaqiiq ku aadan inuu Xaaf ka mid yahay Madaxweynayaasha Casuumaada loo diray isla markaasna uu si rasmi ah uga qeyb geli doono shirka ka dhacayo Muqdisho.
Xogta ay heshay Caasimadda Online ayaa ah mid la isku haleyn karo 100%, wuxuuna gaar Muqdisho soo gaari doonaa Maalmaha soo socdo Inshaa Allah.
Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa horey usoo saaray qoraal ku aadan inuu Madaxweynaha Galmudug yahay Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxayna dowladda dhexe uga digeyn inay faragelin ku sameyso Maamul Goboleedyada.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay duleedka Gaalkacyo

$
0
0

Gaalkacyo ( Sh. M. Network )Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamo ka kala tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntland saacadihii la soo dhaafay ku dhexmaray duleedka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Ugu yaraan 6 Qof ayaa ku geeriyootay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen Ilo deegaanka ah.
Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Sangaduud oo 50 KM dhinaca Bari ka xiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Saraakiisha ciidanka Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay ciidamada Puntland in ay weerar ku soo qaadeen, balse ay iska caabiyeen, sida ay hadalka u dhigeen.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Maamulka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi.
Balse xaaladda deegaanka Sangaduud ayaa ah mid kacsan, iyadoona weli rasaas teel teel ah laga maqlayo deegaankaasi.
The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay duleedka Gaalkacyo appeared first on Shabelle.

Xil. Axmed Kijaandhe oo ku faanay Taageerayaasha...

$
0
0

Xil. Axmed Kijaandhe oo ku faanay Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE iyo Cududa uu muujiyay
[embedded content]
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Uganda (Sawirro)

$
0
0

 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar shaqo oo qaadanaya muddo hal maalin ah ugu amba baxay dalka Uganda, si uu dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni ugala hadlo in ay taageero ka gaystaan dagaal lagaga sifaynayo dalka argagixisada Alshabaab .
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneral C/wali Jaamac Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha iyo muhiimadda uu u leeyahay qorshaha dagaal ee ka dhanka ah Alshabaab.
Jeneral Cabdi Wali Jaamac Xuseen waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu hordhigi doono Madaxda uu la kulmaayo khatarta iyo dhibaatada Alshabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaasna uu ka codsandoono in ay garab ku siiyaan Ciidanka Soomaaliyeed dagaalka ay dalka kaga sifaynayaan cadowgaan.
“Safarkani waxa uu ku soo beegmey xilli Soomaaliya ay u baahantahay in garab muuqda ay u hesho dagaalka lagu dabargooynayo argagixisada Alshabaab. Madaxweynuhu waxa uu la wadaagidoonaa Madaxda uu la kulmaayo dareenka Shacabka Soomaaliyeed ay ka muujiyeen Alshabaab, gaar ahaan intii ka dambeysay qaraxii Soobe.” Ayuu yiri Jeneraal Cabdi Wali .
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu safarro shaqo kusoo mari-doonaa qaar ka mid ah wadamada dariska ah ee Soomaaliya ka taakuleeya dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoona Madaxda dalalkaas u soo bandhigi doono muhiimada uu leedahay dagaalka dowladdu ay qorshaynayso in ay ku qaado fariisimaha iyo goobaha ay dalka kaga suganyihiin Argagixisadu.
Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/bi-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/bi-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/bi-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 768px) 100vw, 768px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/222-1-300x283.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/222-1-446x420.jpg 446w" sizes="(max-width: 827px) 100vw, 827px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/111-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/111-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/111-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 768px) 100vw, 768px" />

The post Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Uganda (Sawirro) appeared first on Shabelle.

Xasan Cawaale Caynaan oo Jabuuti ku geeriyooday

$
0
0

22nd October 2017 admin Category :
Mid ka mid ah Siyaasiyiinta ugu caansanaa Hargaysa ayaa ku geeriyooday dalka Jabuuti
Allah ha u naxariistee waxa dalka Jabuuti ku geeriyooday Xasan Cawaale Caynaan, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan gobolada Waqooyi galbeed iyo Tohdheer ee Soomaaliya
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Uganda (Sawirro)

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar shaqo oo qaadanaya muddo hal maalin ah ugu amba baxay dalka Uganda, si uu dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni ugala hadlo in ay taageero ka gaystaan dagaal lagaga sifaynayo dalka argagixisada Alshabaab .
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneral C/wali Jaamac Xuseen oo shir jaraa'id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha iyo muhiimadda uu u leeyahay qorshaha dagaal ee ka dhanka ah Alshabaab.
Jeneral Cabdi Wali Jaamac Xuseen waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu hordhigi doono Madaxda uu la kulmaayo khatarta iyo dhibaatada Alshabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaasna uu ka codsandoono in ay garab ku siiyaan Ciidanka Soomaaliyeed dagaalka ay dalka kaga sifaynayaan cadowgaan.
"Safarkani waxa uu ku soo beegmey xilli Soomaaliya ay u baahantahay in garab muuqda ay u hesho dagaalka lagu dabargooynayo argagixisada Alshabaab. Madaxweynuhu waxa uu la wadaagidoonaa Madaxda uu la kulmaayo dareenka Shacabka Soomaaliyeed ay ka muujiyeen Alshabaab, gaar ahaan intii ka dambeysay qaraxii Soobe." Ayuu yiri Jeneraal Cabdi Wali .
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu safarro shaqo kusoo mari-doonaa qaar ka mid ah wadamada dariska ah ee Soomaaliya ka taakuleeya dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoona Madaxda dalalkaas u soo bandhigi doono muhiimada uu leedahay dagaalka dowladdu ay qorshaynayso in ay ku qaado fariisimaha iyo goobaha ay dalka kaga suganyihiin Argagixisadu.Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live