Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ciidamada dowladda KMG oo baaris ku bilaabay suuqa Bakaaraha

0
0

Maalintii labaad ayaa waxay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ka wadaan suuqa Bakaaraha baaritaan ku wajahan dhinaca amniga, waxaana la sheegay in bakhaarada qaar laga helay maanta walxaha qarxa.
 
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG oo maanta booqday suuqa bakaaraha ayaa  sheegay in howsha baaritaan ee ka socota suuqa Bakaaraha ay tahay mid lagu xaqiijinayo ammaanka suuqa Bakaaraha.
 
Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliiska gobolka Banaadir Saacid C/llaahi oo ka mid ah saraakiisha suuqa booqatay ayaa warbaahinta kula hadlay gudaha suuqa wuxuuna sheegay in la baarayo goob walba oo ganacsi si loo hubiyo inaysan ku jirin waxyaabaha qarxa, markaas kadibna ganacsatada loo fasaxayo inay ka howl bilaabaan suuqa.
 
Taliye ku-xigeenka ayaa sheegay in baaritaanka ay ka qayb galayaan dhammaan ciidamada dowladda Soomaaliya qorshuhuna uu yahay in dadku ay si nabadgalyo ah ugu shaqeystaan Bakaaraha, isagoo sheegay intii howlgalku socday in la qabtay budooyinka laga sameeyo waxyaabaha qaraxa.
 
Guddoomiyaha maxkamada ciidamada dowladda KMG G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo isaguna ka mid ahaa saraakiishii ku sugnaa suuqa ayaa sheegay inay kormeer ku sameeyeen gudaha suuqa wax dhibaato ahna aysan arkin, isagoo xusay in ciidamadu ay ka shaqeynayaan ammaanka suuqa, ganacsatadana looga baahan yahay inay iyaguna qayb ka qaatan sugidda ammaanka suuqa.
 
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo ka mid ah xubnaha suuqa booqday ayaa isna sheegay in loo baahan yahay in ammaanka laga wada shaqeeyo, isla markaana uu suuqu noqdo mid ka amaan ah qulqulatooyin.


Daawo Sawirada 36 ka mid ah Dhaawayadii Qaraxii Argagixisada Fuliyeen oo Maanta loo Duuliyey Turkiga

0
0

Muqdisho (RBC) Waxaa duhurnimadii maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde laga duuliyey 36 ruux oo rayid ah kuwaasoo dhaawacyo ka soo gaareen weerarkii argagisanimo ee kooxda Al-Shabaab ku beegsadeen dad rayid ah maalimtii Talaadada.
Wiil yar oo ka mid ah dhaawacyada jirkiisuna guban yahay
Diyaarad ay leedahay shirkadda TURKISH AIRWAYS ayaa saaka waabarigii soo fariisatay garoonka taasoo ay la socdeen kalkaaliyaal iyo dhakhaatiir caafimaad, waxaana la saaray 36 ruux oo ka mid ahaa dadkii ugu darnaa dhaawacyada oo laga soo saaray isbitaalada.   Waxaana xusid mudan in dhaawacii 37-aad oo ahaa nin uu ku dhintay garoonka diyaaradda hoosteeda ka hor intii aan la saarin.

Diyaaradda qaaday dhaawacyada ayaa ah mid caafimaad oo dhaawcyadu ka heli karaan adeeg caafimaad inta ay hawada ku jiraan, waxaana sida la sheegay caawa ay ka degi doontaa garoon ku yaalla magaalada Ankara iyadoo dhaawacyada la geyn doono isbitaal dawlada Turkigu leedahay.
Qaar ka mid ah ciidamada Amisom oo dadka saaraya diyaaradda
DKMG ayaa hawsha dhaawacyada u saartay guddi wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirka caddaalada Ugaas Axmed Bile, wuxuuna wariyaasha u sheegay in qof kasta oo dhaawac ah loo ogolaaday in hal ruux oo ehelkiisa ah uu raaco.

Diyaaradda Turkish Airways oo dhaawacyada ka qaadeysa Garoonka Muqdisho
Waa qeybtii ugu horeysay oo ka mid ah dadki ku dhaawacmay qaraxii musiibada ahaa ee ay Al-Shabaab u geysteen indhaha dadka Soomaaliyeed, iyadoo ay jiraan dad kale oo fara badan oo iyaguna u baahan in caafimaad dibada loogu qaado maadaama dhaawacyadu ka dhashay qaraxa oo ku dhow 200 ruux ay u badan yihiin dad jirkoodu gubtay gudaha dalkana wax loogaga qaban waayey, siday sheegeen dhakhaatiirta.

Dawlada Turkiga ayaa noqotay dawladii ugu horeysay ee u soo gurmata dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed iyadoo dhanka kale ay dalka ku sugan yihiin hay’ado iyo shaqaale samafal oo Turkish ah oo caawinaya dadka barakacayaasha, Waxayna tallaabadani muujineysaa walaaltinimada shacabka iyo dawladda Turkiga u hayaan ummada Soomaaliyeed.
RBC Radio

Beesha Murasade oo lacag dul dhigtay Madaxa Sh Cali Dheere (Warbixin Xasaasi ah)

0
0

Tan iyo Waxii kadanbeeyay markii ay Al-Shabaab si farxad leh ay kusheegteen Qaraxii kadhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa is badalay fikirka qaar badan oo taageersanaa Al-Shabaab.
Beesha Murasade oo kamid ah beelaha ugu waa weyn Soomaaliya ayaa waxaa ay Odayaashooda sheegeen in ay lacag dul dhigayaan madaxa Afhayeenka AL-Shabaab Cali Dheere oo xabadka udhigtay Weerarkii arxan darada ahaa ee Muqdisho kadhacay.
Odayaashan oo kulamo kala duwna kuyeelanayay meelaha ay kaga sugan yihiin Muqdisho iyo wadamada kale ee Caalamka ayaa waxaa ay sheegeen in Cali Dheer uusan beeshooda kadhalan qofkii madaxiisa keenana lacag badan lasiin doono.
Wararka aynu kahelayno Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa kabilowday naceynbka Al-Shabaab waxaana odayaasha Beesha Muransade iyo qeybaha kale ee dadweynaha ay la murugaysan yihiin shacabkii lagu xasuuqay Muqdisho.
 
HeeganTV   Muqdiso

DKMG oo si Khaldan u Tuhuntay Wiil Arday ah

0
0

Asad Cabdi Saciid oo ka mid ahaa ardayda deeqda uga yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa DKMG ahi ku eedeysay inuu ahaa kii qaraxa fuliyey, in kasta oo markii dambe ay ka xudurdaaratay.

Madaxweynaha iyo saraakiil sarsare oo dawladda ka tirsan ayaa sheegay in laga yaabo in Asad Cabdi uu ahaa ninkii fuliyey qaraxii maalintii Talaadadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wareysi aanu la yeelanay aabaha Asad Cabdi qeybta hoose ka dhageyso.

DKMG oo si Khaldan u Tuhuntay Wiil Arday ah

0
0

Asad Cabdi Saciid oo ka mid ahaa ardayda deeqda uga yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa DKMG ahi ku eedeysay inuu ahaa kii qaraxa fuliyey, in kasta oo markii dambe ay ka xudurdaaratay.
Madaxweynaha iyo saraakiil sarsare oo dawladda ka tirsan ayaa sheegay in laga yaabo in Asad Cabdi uu ahaa ninkii fuliyey qaraxii maalintii Talaadadii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wareysi aanu la yeelanay aabaha Asad Cabdi qeybta hoose ka dhageyso.

Faaduma Q. Hilowle oo Geeriyootay

0
0

Alle ha u naxariistee waxa maanta magaalada London ku geeriyootay Faadumo Q. Hilowle oo ka tirsaneyd fanaantii qaranka hobolada ee Waaberi.

Muslimo Qaasim Hilowle oo la dhalatay Faadumo Qaasim ayaa sheegtay in Faadum Alle ha u naxariistee maanta lagu soo booday, oo aanay hore wax canuun ah uga cabaneynin.

Barnaamij arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.

Somali al-Shabab attack: Wounded airlifted to Turkey

0
0

Thirty six of the most severely wounded people in Tuesday’s suicide attack in Somalia’s capital, Mogadishu, are being flown to Turkey for treatment. Among those on board are teenagers who at the time of the blast were at the education ministry to see if they had won study scholarships to Turkey. The Islamist al-Shabab group [...]

Xukuumadda KMG oo shacabka ugu baaqday inay feejignaadaan

0
0

(Muqdisho, 6 Oktoobar 2011) Ku-Simaha Ra’iisul-wasaaraha ayaa shacabka ka codsaday inay noloshooda caadi ka dhigaan. “Cabsida ugu weyn ee ay argagixisada qabaan waa in nabadda iyo noloshu caadi ku soo noqdaan. Waxay u arkaan inay nabaddu tahay cadowgooda koowaad. Waa inaynaan u oggolaan inay hadafkooda ku guuleystaan,” ayuu yiri Mudane Cabdulwahaab Ugaas Khaliif. Ku-simaha wuxuu [...]


The Somali Government asks citizens to be more vigilant

0
0

(Mogadishu, October 6, 2011) The Acting Prime Minister asked the people to return to their normal life, saying the Government has done all it can to beef up security. “The major concern of the terrorists is that peace and normalcy are now returning to Somalia. They see peace is their enemy. We must not allow [...]

Dowladda Soomaaliya oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay dareenkoodu ka dhigaan mid caadi ah “War Saxaafadeed”

0
0

Xukuumadda oo shacabka ugu baaqday inay feejignaadaan, iyadoo Turkiguna u soo gurmday dadkii ku dhaawacmay qaraxa
(Muqdisho, 6 Oktoobar 2011) Ku-Simaha Ra’iisul-wasaaraha ayaa shacabka ka codsaday inay noloshooda caadi ka dhigaan. “Cabsida ugu weyn ee ay argagixisada qabaan waa in nabadda iyo noloshu caadi ku soo noqdaan. Waxay u arkaan inay nabaddu tahay cadowgooda koowaad. Waa inaynaan u oggolaan inay hadafkooda ku guuleystaan,” ayuu yiri Mudane Cabdulwahaab Ugaas Khaliif.
Ku-simaha wuxuu hadalkaan jeediyay kaddib markii uu soo gabagaboobay shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada. Inkastoo Xukuumaddu ay sameysay wax kasta oo ay awooddo oo ammaanka lagu adkeynayo, haddana wuxuu Goluhu shacabka weydiistay inay feejignaadaan oo la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, iyadoo markan ay argagixisada Al-Qaacida ku xiran ay beegsanayaan goobaha jilicsan ee ay dadku ku badan yihiin.
Dhinaca kale, Golaha Wasiirradu wuxuu u mahadceliyay dowladda Turkiga oo jawaab deg deg ah ka soo bixisay weerarkii argagixiso ee dhiigga badani ku daatay ee Muqdisho ka dhacay, iyadoo dalkeeda u dhoofisay 37 bukaan iyo tiro intaas la eg oo qoyskooda ah. Bukaannada oo u badnaa ardey waxay six un ugu dhaawacmeen qaraxii Talaadadii ka dhacay Muqdisho.
“Xukuumadda Soomaaliya waxay u mahadcelineysaa Xukuumadda iyo shacabka Turkiga oo u soo gurmaday dadkii ku waxyeelloobay weerarkii bahalnimada ahaa.”
Xukuumaddu waxay sidoo kale u mahadcelisay dhammaan dalalka muujiyay sida ay uga xun yihiin, ula jiraan shacabka Soomaaliyeed xilligan xasaasiga ah ee taariikhda Soomaaliya. “Saaxiibka wanaagsan waa kan ku caawiya xilliga aad u baahan tahay, caalamkana wuxuu muujiyay sida ay dhab u tahay oraahdaas.”
DHAMMAAD

Markab Saanad Militari u Wada Shirkadda Saracen International oo ku soo Xirtay Dekedda Boosaaso (Warbixin & Sawiro)

0
0

Boosaaso (RBC) Waxaa dekeda magaalada Boosaaso maalintii saddexaad ku xiran markab weyn oo sida la sheegay qalab militari u sida shirkadda Saracen International oo ah shirkad ajnabi oo sanad ka hor joojisay hawlgal ay ka waday Puntland.
Markabkan oo ka soo shiraacday wadanka Imaaradka Carabta ayaa badankiis wada shixnad militari oo isugu jirta dhar ciidan, guryaha la isku xirxiro, baabuuro, qalabka miinooyinka lagu baaro sida uu qiray wasiirka maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo wariyaasha kula hadlay Boosaaso.
Muxuu sheegay wasiirka maaliyadda?
Wasiir Faarax Cali Shire ayaa qeyb ahaan qiray in markabkan ay leedahay shirkadda Saracen International iyo inuu markab sido shixnad qalab militari ah ah wuxuuna yiri   “ Markabku wuxuu kaloo sidaa Qalab isugu jira, Guryaha la isku xirxiro, Taasi oo loogu talagalay in loo dhiso Ciidamada la dagaalanka Burcad-badeeda Puntland oo xaruntoodu tahay Boosaaso, Wuxuu kaloo sidaa gawaari raashinkaas lagu qaybinayo, loona keenay in abaaraha wax loogaga qabto ka dibna ay isticmaalayso Dowladda Puntland, 49 Baabuur, oo isugu jira baabuurta waaweyn, Booyado iyo  hal baabuur oo yar”.
Wasiirka maaliyadda Puntland- Faarax Cali Shire
Faarax ayaa intaa ku daray in sidoo kale markabka uu wado raashiin deeq ah oo ka timid dawlada Imaaraadka Carabta taasoo qeyb ah deeqaha caalamka ugu talagalay dadka abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliyeed.
Baarista macdanta iyo Saracen
Wasiirka ayaa intii uu shirkiisa jaraa’id ku guda jiray la weydiiyey in shirkaddan oo wadata ciidamo calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah ay ka qeybqaadaneyso macdan baarista deegaano ka mid ah gobolka Bari laga sameynayo oo beryahan la hadal hayey, hase ahaatee su’aashaaasi wasiirku toos ugamuu jawaabin.

Goormay soo laabatay Saracen?
Shirkadda Saracen International oo ah shirkad amniga qaabilsan waxay Puntland ka hawl bilawday sanadkii 2010 ka dib heshiis ay la gaartay DKMG Soomaaliya iyo Puntland.  Waxayna qorsheyneysay inay tababaro siiso ciidamada badda Puntland iyo kuwa xeebaha.
Hase yeeshee hawlgalka Saracen waxaa uu si deg deg ah u joogsaday ka dib Qaramada Midoobay iyo dawlada Mareykanka ka qeyliyeen qaabka qarsoodida ah ee ay shirkadda Saracen ku tagtay Soomaaliya.   Walaaca UN-ka iyo Mareykanka waxaa uu sii xoogeystay ka dib markii diyaarad agab militari u siday shirkaddan oo ka degi lahayd Garowe ay si khalad ah uga degatay garoonka diyaaradaha Hargeysa bilawgii bishii December 2010 taasoo maamulka Somaliland uu si weyn uga qeyliyey.
Saraakiil Qaramada Midoobay iyo kuwa Mareykan ah oo ka hadlay arinta Saracen waxay ku tilmaameen in qaab aan cadeyn shirkaddan ku timid Soomaaliya, iyagoo tuhun weyn ka muujiyey waxa ay qabaneyso shirkaddan oo sida la sheegay soo kireysatay calooshood u shaqeystayaal ajaaniib ah oo u badan saraakiil hore uga tirsanaan jiray sirdoonka Mareykanka iyo Ingiriiska.   Waxaana ugu dambeyntii Qaramada Midoobay iyo Mareykanka culeys ku saareen Puntland inay joojiso heshiiska ay la gashay shirkaddan bishii March 2011 [Halkan ka Akhri faahfaahinta]
Waxaana hadda cadeyn qaabka ay ku soo laabatay Saracen iyo haddii uu jiro heshiis cusub oo ka bedelan kii markii hore ay ku timid.  Wasiirka maaliyadda oo su’aalo badan wariyaashu weydiiyeena wuu ka gaabsaday inuu tafaasiil buuxda ka bixiyo waajibaadka cusub ee shirkaddan.

Dhanka kale iyadoo uu weli markabka u rarar Saracen uu taagan yahay dekeda Boosaaso ayaa waxaa hakad la geliyey hawshii dekedda ka socotay sababo lagu micneeyey amniga dartiis.
RBC Radio

TACSI: Marxuumad Fanaanadii Faadumo Qasim Hilowle

0
0

INAALILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN
WAXAAN HALKAN TACSI UGA DIRAYNAA 
 DHAMAAN QOOSKII IYO QARAABADII AY KA
BAXDAY ALAHA U NAXARIISTEE  
 FANAANDADII  FAAADUMO QAASIN HILOOWLE
OO KUGEERIYOOTAY XALAYTO 05/10/2011 MAGAALADA LONDON
 
WAXAA TACSIYADAYNAAYA  MAGACYADA HOOS KU QORAN
 
XASSAN IBRAAHIM NUUR[ XASSAN XEEGO]
XUSEEN  XAAJI DHAQANE
YUUUSUF MAXAMED CAYNAASHE
CALI MAXAMED JAMAC
CABDI NAASIR M JAAMAC
GARAAD WEMBELI 
 AADAMO JAANGOAN
 
DHAMAAN DADKAA IYO KUWAKALABA WAXAY LEEYIHIIN QOOSKII 
IYO EHELADII IYO DHAMAAN DADKA SOOMALIYEED SAMIR IYO IIMAAN 
MARXUUMADANA IN ILAAHAY DENBIGEEDA DHAAFO OO UU
UGUBEDELO XASANAAD IYO JANO
AAMIIN AAMIIN
 

OWN: Halkan Ka Dhayso Shir Qubadahii Laga Jeediyey Shir Maanta Laga Dhawaaqay Urur Siyaasadeedka WADANI

0
0

 
Hargeysa (OWN)-   waxanu halkan idiinku soo tabinayaa hadaladii laga jeediyey Munaasibad maanta ka dhacday Hotel Maansoor ee Caasimada Hargeysa taasi oo laga dhawaaqay Urur siyaasadeed Cusub oo la yidhaa WADANI, ururkaasi uu uu Gudoomiye ku meel gaadh ah u yahay Md. Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi Ciro.
 
Munaasibadaasi ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Afayeenkii  hore ee Xisbiga UCID MD. Xasan Codyare, Gudoomiyaha Ku meelgaadhka ah e ururkaasi Md. Cabdiraxmaan Ciro. Xildhibaano ka tirsan Ururka WADANI iyo Xisbiyada UDUB iyo KULMIYE, Salaadiin iyo masuuliyiin kale oo tiro badan
 
Dhagaysi Haboon:–

Saddam Mohamed Ahmed                                          
Oodweynenews.com/ Hargeysa Office 2            
Sadam151@hotmail.com

HAMBALYO URUR SIYAASADEEDKA CUSUB EE “WADANI” OO TAAGEERO BUUXDA KA HELAY WADANKA USA MARAYKANKA GUDOOMIYE KU MEEL GAADHANA KA YAHAY MUDANE CABDIRAXMAAN CABDILLAHI CIRRO

0
0

 
Hadaanu nahay qurba jooga S/LAND ee North America waxaanu hambalyo u diraynaa Urur Siyaasadeedka Cusub ee Lagaga dhawaaqay Maanta Oo taariikhdu tahay Oct 6. 2011 wadankii Ururkaas oo la magac baxay  "WADANI" Si Ku meel Gaadhana loogu sii doortay Gudoomiyaha Wakiilada Mudane Abdirahman Abdillahi "Cirro"
 
Waxaa maanta si aad ah looga soo dhoweeyey Magaalooyin fara badan oo ka mid ah carriga Maraykanka iyadoo. Gobolada ay taageerada xad-dhaafka ka heleen ay ka mid yihiin  Nashville, Tennessee, Atlanta Goerga, Verginia, Washington Dc, Seattle Washington, Marriland, Minnesota, California, Main Portland, Oakland, Kanas City, iyo meelo kale oo fara badan oo ka mid ah wadanka America. Iyadoo dhalin yaradu aad ugu riyaaqday urur kan cusub khadadka taleefanaduna ay Mashquuleen sidii laysugu hambalyey naayey xisbigan cusub ee Muddo la sugaayey bal in ay ku dhawaaqaan Garabkii cuslaa ee ka Go'ay xisbigii Ucid iyadoo ay wax weyn xisbigani ka bedeli doono wejigii siyaasadeed ee S/LAND . hadaba xisbiga oo ku yeelan doona wadanka America awood aad u saraysa waxaanu leenahay Hambalyo Hambalyo.  Gudoomiye Cirro  iyo Ururkaaga cusub ee aad ku meel Gaadhka u hogaaminayso.
 
Eng Abdirazak yassin maxamed
jmladam413@gmail.com
 
 
 

Kenya oo dad u xirtay Afduubkii Haweeneyda Faransiiska

0
0


Dowladda Kenya ayaa xabsiga dhigtay 7 qofood oo lala xiriirinayo afduubkii dhawaan xebaha ku yaalla xadka Soomaaliya loogu geystay haweneey u dhalatay dalka Faransiiska oo loo gudbiyay gudaha waddanka Soomaaliya.
Saraakiisha booliska waddanka Kenya ayaa warbaahinta u sheegtay in afduubkii ka dhacay goobaha dalxiiska ay ku lug lahaayeen dad ku sugan gudaha Kenya, iyagoo sheegay in howl gal looga jawaabayo ay fuliyeen ciidamada boolisku.
“Macquul maaha in qof uu ka imaan karo dalka dariska ah(Soomaaliya) uunna si toos ah u baaro guri oo uu kala baxo qof” ayuu yiri Taliyaha Booliska Kenya Mathew Iteere oo la hadlay saxaafadda.
Taliyuhu wuxuu sheegay in arrintaasi aysan sinna suura gal u ahayn ayna keentay in dowladda Kenya ay rumeysato in kuwa wax afduubtay ay heleen xubno kale oo caawiyay, kuwaas oo uu sheegay in ay ku dhuumanayaan gobolka.
Mr. Iteere ayaa ku nuuxnuuxsaday in qaar ka mid ah dadkaasi ay bartilmaameedsadeen ciidanku haddana la soo xiray, hase yeeshee kooxda ugu ballaaran kuwa falka geystay ayuu caddeeyay in ay ka soo talaabeen xadka.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dalka Kenya oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in dadka la xiray ay ku jiraan qaar ka mid ah ilaaladii goobta laga afduubtay haweeneyda Faransiiska ah, kuwaas oo iminka su’aalo la weydiinayo.
Taliyaha Booliska  Kenya ayaa sheegay in baarayaashu ay ogaanayaan sida ay wax u dhaceen iyo in uu jiray xiriir ay kuwa wax afduubtay la leeyihiin dad ku sugan gudaha Kenya, wuxuuna tilmaamay in burcadda wax afduubatay ay la shaqeeyeen dad ku sugan halka uu afduubku ka dhacay.
Kooxo hubeysan ayaa subaxnimadii sabtida afduubtay Marie Dedieu oo ah 66 jir u dhalatay dalka Faransiiska, xilli ay ku sugneyd xeebaha loo dalxiis tago ee Lamu, halka 11 September la afduubtay haweeneey kale oo u dhalatay Britain oo ninkeediina lagu dilay weerarkaasi, dhammaan dadkaasna waxaa la sheegay in lagu heysto gudaha waddanka Soomaaliya.
Yusuf Sheik Isse, Nairobi-Kenya.


Xog ku saabsan Gaarigii loo adeegsaday weerarkii is qarxinta ee Hargaha iyo Saamaha

0
0

Inkastoo Al-Shabaab ay si cad u sheegatay weerarkii is qarxinta ee lagu laayay dadka faraha badan, ayaa hadana qorshaha weerarkaas ahaa mid sil-silado ahaa oo qaabab badan oo xirfado ahaa loo isticmaalayay, iyadoo markii u horeysay la ogaaday Gaariga loo adeegsaday rasmi ahaan goobta uu ka yimid. Warar ay xooraansatay Shabakada Jowhar.com ayaa sheegaya in [...]

War Saxaafadeed: Dowlada KMG Ee Soomaaliya Oo Shacabka Ugu Baaqday Inay Feejignaadaan.

0
0

 
Muqdisho (OWN)- Ku-Simaha Ra’iisul-wasaaraha ayaa shacabka ka codsaday inay noloshooda caadi ka dhigaan. “Cabsida ugu weyn ee ay argagixisada qabaan waa in nabadda iyo noloshu caadi ku soo noqdaan. Waxay u arkaan inay nabaddu tahay cadowgooda koowaad. Waa inaynaan u oggolaan inay hadafkooda ku guuleystaan,” ayuu yiri Mudane Cabdulwahaab Ugaas Khaliif.
Ku-simaha wuxuu hadalkaan jeediyay kaddib markii uu soo gabagaboobay shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada. Inkastoo Xukuumaddu ay sameysay wax kasta oo ay awooddo oo ammaanka lagu adkeynayo, haddana wuxuu Goluhu shacabka weydiistay inay feejignaadaan oo la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, iyadoo markan ay argagixisada Al-Qaacida ku xiran ay beegsanayaan goobaha jilicsan ee ay dadku ku badan yihiin.
Dhinaca kale, Golaha Wasiirradu wuxuu u mahadceliyay dowladda Turkiga oo jawaab deg deg ah ka soo bixisay weerarkii argagixiso ee dhiigga badani ku daatay ee Muqdisho ka dhacay, iyadoo dalkeeda u dhoofisay 37 bukaan iyo tiro intaas la eg oo qoyskooda ah. Bukaannada oo u badnaa ardey waxay six un ugu dhaawacmeen qaraxii Talaadadii ka dhacay Muqdisho.
“Xukuumadda Soomaaliya waxay u mahadcelineysaa Xukuumadda iyo shacabka Turkiga oo u soo gurmaday dadkii ku waxyeelloobay weerarkii bahalnimada ahaa.”
Xukuumaddu waxay sidoo kale u mahadcelisay dhammaan dalalka muujiyay sida ay uga xun yihiin, ula jiraan shacabka Soomaaliyeed xilligan xasaasiga ah ee taariikhda Soomaaliya. “Saaxiibka wanaagsan waa kan ku caawiya xilliga aad u baahan tahay, caalamkana wuxuu muujiyay sida ay dhab u tahay oraahdaas.”
DHAMMAAD

Halkan Ka Daawo: Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo Ka Xogwaramaya Dhibooyin Ka Soo Gaadhay Deeqaha Waxbarasho ee Dalalka Qaar u Fidiyeen iyo Arimo Kale

Manager-kii shirkadda Apple oo u geeriyooday xanuunkii canserka Steve Jobs

0
0


Steve Jobs, waaka dharka madow gashan
Waxaa xalay ku geeriyooday dalka Maraykanka (USA) Managerkii shirkadda caanka ah ee Apple, Steve Jobs. Sidii aynu maqaalkeenii bisihii ogos 28 kaga soo hadalnay xaaladiisa caafimaadeed ee Steve Jobs. Waxanu u geeriyooday cudurka dilaaga ah ee Kansarka, oo hayey muddo 7 sanno ah, laga soo bilaabo 2004. Cudurka Kanserka oo kaga dhacay xaga qanjidhada boga. Da´diisuna waxay ahayd 56 jir. Waxa uu ka tegay 3 carruura iyo xaas, 2 hablood iyo wiil. Asalkiisii wuxuu ka soo jeedaa dalka Lubnaan (Lebanon) aabihii waxaa la odhan jiray Abdulfattah Jandali hooyadiina waxaa la odhanjiray Joanne Schieble. Waxaa soo korsaday, lamaanaha, Paul och Clara Jobs. Sidaas magacii loogu bedelay Steve Jobs.
Waxa macnoo ay iigu fadhidaa ma jirto ama macno ii samaynaysaa in aan noqdo ninka ugu taajirsan ehlu xabaalaha. Ta macno ii samaynysaa ee macno ii leh ama qiimo ii leh, waa marka aan ogaado habeenkii marka aan sii seexanayo in aan sameeyey wax qiimo leh macno leh. Waa hadal laga hayo, Steve Jobs, mar ay waraysanayeen Tv-ga ABC News, dhawr bilood ka hor intii aanu geeriyoon.

Waxaan isla maanta oo taariikhdu tahay 6 Oktoober, ku geeriyootay dalka Ingiriiska, fannaanadii caanka ahayd ee, Faadumo Qaasim Hirowle oo xanuun u jiiftay beryahanba.
Waxaa soo diyaariyey: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
Bahda mareegta caafimaadka
Emayl: Editor@caafimaadka.com
Emayl: Caafimaadka@gmail.com

Raxanreeb iyo Sawiradii Isbuuca 07/10/2011 (Photo News)

0
0


Halkaan waa xaruntii Hargaha iyo Saamaha oo ay ku shaqeyn jireen ilaa iyo Sideed Wasaaradood oo ka tirsan wasaarada dowladaha KMG waxaana haatan ay tahay mid Bur bursan  ka dib markii uu ka dhacay qarax xoog badan oo ay Al-Shabaab Sheegteen.

Halkaan Nala Daawaca Waa muuqaalkii Hore ee Xarunta Hargaha iyo Saamaha ka hor inta aysan Qaraxa la eegan ururka Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada KMG Soomaaliya.


Waa mid ka mid ah dadka sida xun ugu dhaawacmay Qaraxii xooganaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo ay ka danbeeyeen ururka Al-Shabaab waxa uuna xiligaan la geeyay Isbital oo lagu dabiibayaa.

Muuqaalka idiin Muuqda waxaa nin oday ah oo Da’ ka muuqato kaasi oo ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Muqdisho wuxuuna Salamayaa madaxweynaha Soomaaliya oo ku soo booqday Isbitalka.

Waa mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii xooganaa ee ka dhacay Muqdisho oo loo qaadayo wadanka Turkiga waxaana dhibanahaan uu ka midyahay in ka badan 30ruux oo oo dhaawacyo kala duwan qaba oo loo qaaday wadanka Turkiga.

Halkaan waa Isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxaana Isbitalkaan uu ka midyahay isbitaalada ugu waaweyn magaalada Muqdisho oo la gaarsiiyo dadka dhaawacyada ah.


Halkaan waa garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaana xiligaan taagan diyaarad laga leeyahay wadanka Turkiga sidoo kale garoonka gudihiisa waxaa taagan dad aad u badan.

Madaxweynah dowlada KMG Soomaaliya ayaa bilaabaya olo nadaafadeed oo ka bilowda magaalada Muqdisho si loo qaado waxyaabaha nadaafad darida ah sida Qashinka iyo Wasaqda.

Halkaan waa gudaha Dekada Magaalada Muqdisho ee Caalamiga ah xiligaan waxaa Dekada ku xiran Maraakiib iyo Doonyo, sidoo kalana waxaa banaanka hore yaala gawaari badan.

Halkaan waxaa suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ciidamad dowlada KMG ayaa manta ka bolaabay Howlgalo guri guri ah kaasi oo lagu baarayo dhamaanba Suuqa.

Muuqaalkaan waa magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta gobalka Galgaduud dhowaan ayaa waxa ka dhacay  dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Ahlu Suna waxaana xiligaan magaalada laga dareemayaa cilo baahsan.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live