Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Kheyre oo...

0
0

Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe, iyadoo ay si weyn u soo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulkaasi. Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galaya Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, isagoo halkaasi la filayo inuu ka jeediyo Khudbad. Sidoo kale waxaa magaalada Jowhar gaaray wafuud kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka sida Madaxweyneyaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo sidoo kale marti kale oo lagu casuumay Munaasabada. Amaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagu arkayo gudaha iyo daafaha magaalada ciidamo aad u sugaya amaanka, iyadoo shacabka Magaalada Jowhar ay qeyb ka qaadanayaan soo dhaweynta wafuuda kala duwan. Xaflada caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa si toos ah ugala socon kartaan Telefishinka Qaranka Soomaaliya SNTV, Radio Muqdisho iyo Baraha Bulshada Warbaahinta Qaranka.
storvideo: 


Ruushka: Magaalada Raqqa khariidadda adduunkaa laga...

0
0

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Ruushka ayaa xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ku eedeeyay in duqayntoodu "khariidadda dunida ka tirtay" magaalada Raqqa ee dalka Suuriya, arrintaasina ay dhacday intii ay wadeen dagaalkii ka dhanka ahaa Kooxda isku magacawda Iawladda Islaamka
Xoogagga Dimuqraadiga ah ee Suuriya ee magacooda loo soo gaabiyo SDF ayaa sheegay in ay toddobaadkii hore la wareegeen magaalada Raqqa, Axaddiina waxay sheegeen in ay la wareegeen meesha saliidda ugu badan laga soo saaro ee dalka Suuriya.
Sawirrada laga helayo magaalada Raqqa ayaa muujinaya in ay aad u baabaday, Ruushkuna wuxuu burburka la simay midkii ay xulafo u gaysateen magaalada Dresden ee dalka Jermalka intii lagu gudo jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ayaa sheegay in ay isku dayeen in ay yareeyaan halista soo wajahaysa shacabka.
Ruushka laftirkiisana waxaa lagu eedeeyay in uu dambiyo dagaal ka gaystay Xalab ka dib markii uu halkaas duqaymo ka gaystay sannadkii hore.
Dambibaareyaal ka socda Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkii hore sheegay in dad badan oo shacab ah ay ku dhinteen magaalada Raqqa.
Qolyaha xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa ee Suuriya waxay sheegeen in ay ku dhinteen inta u dhaxaysa 1,130 ilaa 1,873 ruux oo shacab ah, dadkaas intooda badanna ay ku dhinteen duqaymihii uu Maraykanku hogaaminayay ee ciidammada SDF ee ay ku midaysan yihiin malayshiyaadka Kurdiyiinta ah iyo kuwa Carabta gacanta ka siiyay in ay magaaladaas guul ka gaaraan.
Afahayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegay in burburka raqa uu u egyahay kii magaalada Dresden.
Wuxuu sheegay in ay hadda u muuqato in Reer Galbeedku ay u degdegayaan arrimaha gargaarka si ay u daboolaan caddaymaha dambiyada ay gaysteen.
Xulafada uu Maraykanku hogaaminayo waxay sheegeen in ay meelo cayiman duqaynayeen ayna qaadayeen tallaabooyin looga golleeyahay in lagu yareeyo khasaaraha.
SDF ayaa todobaadkii hore guul ka sheegatay magaalada Raqqa ka dib markii ay afar billood dagaal ugu jireen dib uga qabsashada kooxda Dawladda Islaamka isku magacawda oo magaaladaas ka arriminaysay saddex sano.
Intaas ka dibna waxay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen xarunta shidaalka laga soo saaro ee Al-Omar, oo ah meel muhiim ah oo ay malayshiyadu dhaqaale ka heli jirtay.

  • Suuriya: Duqaynta oo biyihii ka jartay magaalada Raqqa
  • Xulafada Maraykanka oo markii u horaysay diyaarad dagaal ka soo riday Suuriya

Dagaalka ka dhanka ah malayshiyada ayaa hadda diiradda saaraya gobolka Deir al-Zour ee Suuriya oo ah meesha kali ah ee ay ku xoog badan yihiin.
Ciidammada Suuriya oo ay xoojinayaan quwadaha diyaaradaha Ruushka iyo malayshiyaadka Iiraan ayaa sidoo kale weerar ku haya kooxaha xag jirka ah.
storvideo: 

Trump: Twitter la'aantiis madaxweyne ma noqon lahayn

0
0

“Xaqiiqdii shaki ayaa igaga jira inaan madaxweyne ahaan lahaa, baraha bulshada la’aantood” ayuu yiri.

Trump: Twitter la'aantiis madaxweyne ma noqon...

0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa difaacay isticmaalkiisa barta twitter-ka iyo siyaasiyiinta uu kula doodo, isaga oo sheegay, in mararka qaar ay taas ku qasabto "Inay sameeyaan wiixi laga rabay".
Trump ayaa u sheegay Fox News "Xaqiiqdaa mararka qaar wax bay caaweysaa, haddaan si daacad kuula hadlo"
Sharci dejiyayaasha Jamhuuriga ayaa marar badan soo jeediyey in Trump uu joojiyo isticmaalkiisa tirada badan ee Twitter-ka, hase yeeshee wuxuu yiri "Xaqiiqdii shaki ayaa igaga jira inaan madaxweyne ahaan lahaa, baraha bulshada la'aantood"
Waxa uu sheegay in baraha bulshada ay yihiin hab uu fikradihiisa ugu gudbiyo dadka, ayada oo aysan beddelin warbaahinta, sababta oo ah buu yiri "Waxaa jira warbaahin been abuur ah, oo iila dhaqanta si aan dhex dhexaad ahayn"
"Dadka doonaya inaan soo tweet garayn waa cadowga, dadka aan jecleyn wixii dhacay iyi guushii aan ka gaaray doorashada."
storvideo: 

Taliyaha booliska Puntland oo shaqada laga joojiyey,...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Garoowe (- Online) - Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, taas oo shaqadii looga joojiyey xabsi gurina lagu xukumay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.
Xeer Madaxweyne Lr. 126 October 22 2017, kuna saabsan shaqa kajoojin iyo xabsiguri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.
Markuu arkay:- Dastuurka dawladda Puntland.
Markuu qiimeeyey:- Falalkii uu kukacay taliyaha ciidanka Booliska Puntland taariikhdu markay ahayd 21 October 2017.
Wuxuu Xeeriyey:-
1. Waxaa S/Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg) laga joojiyey shaqada Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.
2. Waxaa sidoo kale S/Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg) laga dhigay (xab siguri) ilaa amar danbe.
Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Daawo: ” Maalinta Barwaaqada Ayeynu Tartamaynaa ee...

0
0

Daawo:" Maalinta Barwaaqada Ayeynu Tartamaynaa ee Maanta Dadkaa La badbaadinaya .. Maanta Fagaaraa la joogaa dadka Reer Somaliland waa loo tartamayaa ninkii laba beelood ku tartamaaya.." Eng Xirsi Cali X. Xasan
[embedded content]
storvideo: 

Senator shaaciyey sir ku saabsan ciidamada ay...

0
0

Muqdisho (- Online) - Senator Axmed Xaashi Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka, ayaa sheegay ciidamada Imaaraadka ay ku tababaraan Magaalada Muqdisho inay yihiin ciidan ka madax banaan Dowladda Federalka Somaliya.
Xildhibaanka ayaa sheegay ciidankaan inaysan hoostagin Taliska Militariga Dowladda Federalka Somaliya, isaga oo sheegay waxyaabaha uu isku casilay Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Somaliya inay qayb ka tahay amar diidada ciidankaasi ay sameeyaan.
Wuxuu sheegay Ciidamada Imaaraadka ay ku tababaraan Isbitaalkii hore ee Xoogga dalka Somaliya inay yihiin ciidan si toos ah u hoostagga Safaarada Imaaraadka Carabta ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Axmed Xaashi, ayaa wuxuu sheegay inuu garan waayay illaa hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Imaaraadka Carabta ay sameystaan ciidan gaar ah, isaga oo isweydiiyay ujeedka ciidankaan.
Axmed Xaashi Maxamuud, ayaa wuxuu sheegay in arintaan la doonaayo in si rasmi ah wax looga qabto, maadaama Ciidamadan ay yihiin kuwa Somali ah, markii horena ay meesha gaysteen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo damiin ka noqday xilligii la qoraayay.
Ciidamada Imaaraadka ayaanan baro cayiman ku laheyn Magaalada Muqdisho waxayna ku jiraan kaliya Isbitaalka Xoogga dalka, marka loo baahdo ciidankaasi ayaa amar waxaa la waydiistaa Saraakiisha Imaaraadka Carabta ee ciidankaasi ay hoostagaan, kuwaasi oo bixiya amarka ciidamadan ay ku hawlgalaan.
Mushaarka ay qaataan Ciidamadan oo ah mid ka sareeya mushaarka kale ee ay qaataan ciidamada Militariga Dowladda Somaliya, ayaa waxaa mushaarka si toos ah u siiya Safaarada Imaaraadka Carabta ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Assertive UPDF To Expand Al Shabaab Hunt in Somalia

0
0

Uganda’s specialized military and intelligence units will this week expand their overt and covert operations in Somalia in the wake of a massive bombing that killed almost 400 people in Mogadishu last week.
This was agreed during bilateral talks between President Museveni and Somali President Mohammed Abdullahi at State House, Nakasero on Sunday.
President Abdullahi said he had “fruitful” talks with Museveni on “security cooperation.”
He further stated that Museveni “Promised full support as we embark on new offensive against Alshabaab.”
Officials said the head of Ugandan Contingent Commander, Brig Kayanja Muhanga, would start sending into the battlefield highly experienced officers to hunt down and kill Al Shabaab fighters.
Uganda had decided to reduce the number of troops in danger zones after being overstretched with insufficient funding and minimal aerial support.
But the bombing which left hundreds dead and many more with broken limbs appears to be changing Uganda’s counter terrorism strategy in the horn of Africa.
The President’s office said in a statement that “Museveni and his Somali counterpart, Mohammed Abdullahi, have held bilateral talks on matters of mutual interest affecting both countries, Uganda and Somalia.”
It did not say a word on Ugandan troops’ shifting role in Somalia where it had primarily been focused on maintaining stability in liberated areas and assisting Somali forces.
The development could as well see Uganda’s stay in Somalia prolonged in an open-ended campaign against the militants.
The Chief of Defence Forces (CDF), Gen David Muhoozi recently traveled to Somalia where he met with senior Somalia commanders on building the country’s security forces to manage its challenges.
Officials say Uganda lacks the vast resource base needed to conduct long-term counter-insurgency operations unless African Union is willing to cut down on its bureaucracy in releasing funds for AMISOM operations.
The United Nations Security Council recently extended its authorization of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) until 31 May 2018, approving a reduction of its uniformed personnel to a maximum 21,626 by 31 December 2017, with an eye towards the gradual handover over of responsibilities to Somali security forces.
Unanimously adopting a new resolution, the Council decided that the downsizing – the first ever for the African-led operation – would include a minimum of 1,040 AMISOM police personnel and five Formed Police Units.
A further reduction (from the current maximum of 22,126) to 20,626 uniformed personnel by 30 October 2018 would follow, unless the Council decides to accelerate that pace, taking into account the capabilities of Somali security forces.
The Council decided that AMISOM’s priority tasks would be, among other efforts, to conduct targeted offensive operations against Al-Shabaab and other armed opposition groups, including jointly with the Somali security forces, and to mentor the latter in cooperation with the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and in line with national security structures.
Contacted about this development last month, UPDF spokesperson, Brig Richard Karemire said the UNSC resolution was “binding on us as a troop contributing countries on a UN mandated mission. There will be more discussions on the shape that reduction will take in to ensure that gains made are preserved.”
He further said tasks will be transferred from AMISOM to Somali Security forces in a gradual and conditions based manner.
But this strategy is likely to change with large-scale bombings in the Capital City.
The contingent commander described the attack which analysts consider the deadliest in the history of the war-torn country as a cowardly act, saying that the people of Somalia with the support of AMISOM will triumph over terrorism.
“This is an act of cowardice by the terrorist group, Al-Shabaab, and it is intended to coerce the civilian population into fearing and supporting them, but it is an act of cowardice and we shall defeat it,” Brig. Kayanja said last week.
The post Assertive UPDF To Expand Al Shabaab Hunt in Somalia appeared first on Shabelle.


Assertive UPDF To Expand Al Shabaab Hunt in Somalia

0
0

Uganda's specialized military and intelligence units will this week expand their overt and covert operations in Somalia in the wake of a massive bombing that killed almost 400 people in Mogadishu last week.
This was agreed during bilateral talks between President Museveni and Somali President Mohammed Abdullahi at State House, Nakasero on Sunday.
President Abdullahi said he had "fruitful" talks with Museveni on "security cooperation."
He further stated that Museveni "Promised full support as we embark on new offensive against Alshabaab."
Officials said the head of Ugandan Contingent Commander, Brig Kayanja Muhanga, would start sending into the battlefield highly experienced officers to hunt down and kill Al Shabaab fighters.
Uganda had decided to reduce the number of troops in danger zones after being overstretched with insufficient funding and minimal aerial support.
But the bombing which left hundreds dead and many more with broken limbs appears to be changing Uganda's counter terrorism strategy in the horn of Africa.
The President's office said in a statement that "Museveni and his Somali counterpart, Mohammed Abdullahi, have held bilateral talks on matters of mutual interest affecting both countries, Uganda and Somalia."
It did not say a word on Ugandan troops' shifting role in Somalia where it had primarily been focused on maintaining stability in liberated areas and assisting Somali forces.
The development could as well see Uganda's stay in Somalia prolonged in an open-ended campaign against the militants.
The Chief of Defence Forces (CDF), Gen David Muhoozi recently traveled to Somalia where he met with senior Somalia commanders on building the country's security forces to manage its challenges.
Officials say Uganda lacks the vast resource base needed to conduct long-term counter-insurgency operations unless African Union is willing to cut down on its bureaucracy in releasing funds for AMISOM operations.
The United Nations Security Council recently extended its authorization of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) until 31 May 2018, approving a reduction of its uniformed personnel to a maximum 21,626 by 31 December 2017, with an eye towards the gradual handover over of responsibilities to Somali security forces.
Unanimously adopting a new resolution, the Council decided that the downsizing - the first ever for the African-led operation - would include a minimum of 1,040 AMISOM police personnel and five Formed Police Units.
A further reduction (from the current maximum of 22,126) to 20,626 uniformed personnel by 30 October 2018 would follow, unless the Council decides to accelerate that pace, taking into account the capabilities of Somali security forces.
The Council decided that AMISOM's priority tasks would be, among other efforts, to conduct targeted offensive operations against Al-Shabaab and other armed opposition groups, including jointly with the Somali security forces, and to mentor the latter in cooperation with the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and in line with national security structures.
Contacted about this development last month, UPDF spokesperson, Brig Richard Karemire said the UNSC resolution was "binding on us as a troop contributing countries on a UN mandated mission. There will be more discussions on the shape that reduction will take in to ensure that gains made are preserved."
He further said tasks will be transferred from AMISOM to Somali Security forces in a gradual and conditions based manner.
But this strategy is likely to change with large-scale bombings in the Capital City.
The contingent commander described the attack which analysts consider the deadliest in the history of the war-torn country as a cowardly act, saying that the people of Somalia with the support of AMISOM will triumph over terrorism.
"This is an act of cowardice by the terrorist group, Al-Shabaab, and it is intended to coerce the civilian population into fearing and supporting them, but it is an act of cowardice and we shall defeat it," Brig. Kayanja said last week.
storvideo: 

Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle

Wareysi: Agaasimaha isbitaalka Medina

0
0

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waa weyn ee lagu xusuusan karo masiibadii dhowaan ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ah sida ay bahda caafimaadka Soomaalidu uga jawaabeen iyo gurmadkii ay bixiyeen haddii ay yihiin adeegyada ambalaasyada iyo dhakhaatiirta.
Dr. Maxamed Yuusuf waa agaasimaha cisbitaalka Medina, waxa uu idaacadda VOA u sheegay in qaar badan oo ka mid aha dhakhaatiirta wax badbaadiyey ay yihiin kuwii kasoo qalin jebiyey jaamacadaha waddanka.
Haaruun Macruuf ayuu u warramay. Ugu horraynna waxa uu ka hadlayaa tirada dhakhaatiirta soo qalin jebisay ee hawlgasha.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:06:13
0:00:00 /0:06:13
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Madaxweynaha JFS oo si diirran loogu soo dhaweeyey Addis-ababa (Sawirro)

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayo qaar ka mid ah wadamada dariska ah ayaa gaaray magaalada Addis-ababa ee Xarunta dalka Itoobiya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis, musiiliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Mudane Workneh Gebeyehu.
Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo sidii loo dar-dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka argagixisada isla markaasna loo midayn lahaa qorshayaasha wadamada geeska Afrika ee ay ku wajahaayaan ka hor-tagga khatarta argagixisada.
Saacadaha soo socda  waxaa kulan gaar ah yeelandoona Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyadoona ay si qoto dheer uga hadli doonaan xiriirka iskaashiga ee labada dal gaar ahaan dhinacayda la xiriira dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyey in uu gaaridoono dalka Jabuuti si madaxda dalkaas ay isaga waraystaan amniga Gobolka, isaga oo hordhigidoona muhiimadda ay leedahay in la dar dargeliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.
Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/11-5-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/11-5-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/11-5-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 768px) 100vw, 768px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22-2-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22-2-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22-2-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 768px) 100vw, 768px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/300-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/300-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/300-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 768px) 100vw, 768px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/44-4-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/44-4-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/44-4-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 768px) 100vw, 768px" />
 
The post Madaxweynaha JFS oo si diirran loogu soo dhaweeyey Addis-ababa (Sawirro) appeared first on Shabelle.

Danta Dalka ayaa ka weyn Xisbiyada

0
0

Danta dalkaa ka weyn Xisbiyada
W/Q: Guuleed Axmed Xaashi
Waxaynu ku kal duwanahay Xisbiyada aynu kala taageerno, waxa aynu ku kala aragti duwanahay Siyaasadda, waxaynu ku kala duwanahay qabaa'ilka. Laakiin kuma kala duwanin jiritaanka Somaliland, kuma kala aragti duwanin in aynu u baahanahay dal barwaaqo ah oo muwaadinku ku helo xuquuqdiisa. Kuma kala duwanin dal nabad iyo xasilooni ka jirto. Xisbiyadana waxa lagu gaadhayaa uun helida inta aynu kor u sheegnay iyo inkale oo dhammaan wanaagsan.
Xisbiyaduna waxa ay ku kala aragti duwan yihiin uun sidii loo gaadhi lahaa Somaliland barwaaqo ah. Ma jiro Xisbi diyaar u ah in uu dalkan hoos u dhigo, mid waliba waxa uu raadinayaa Somaliland wanaagsan inkasta oo sidii loo gaadhi lahaa lagu kala aragti duwan yahay. Musharaxiintu maaha coday, waa saaxiibo iskaga keen dhow, inta inaga inoo muuqataa aad ayay u yartahay marka la eego xidhiidhka ka dhaxeeya Musharaxiinta tartamaya.
Musharaxa soo baxaa waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, noqon maayo Madaxweyne Habar Awal, noqon maayo Madaxweyne Habar Yoonis noqona maayo Madaxweyne Ciidagale. Intii u codaysay iyo intii ka codaysaba waxa uu u yahay Madaxweyne . Hadalada iyo ficilada maantu taariikh uunbaa ka hadha, afka ayaynaan iska xumayn, cadaawad aan jirin ayaynaan dadka u horseedin, isku dir iyo nacayb reeraha ka dhaxeeyana ayaan la abuurin . Maalinta Ololaha sidaad doonto u dabaal dag, ixtiraam maalinta kuwa kale, xaafadiina ha u diidin calamaanta iyo xafiisyada Xisbiga aanad taageersanayn, ogowna waxa ugu weyn ee aad musharaxaaga u tartay in uu yahay codka aad maalintaa bixisay.
Cadaw badan oo gudaha iyo dibadaba jooga ayaynu leenahay, waxa ay hadh iyo habeen ku fikiraan sidii dagaalo iyo qalalaase la inoogu soo dhax tuuri lahaa, waxay ku fikiraan in aynu la mid noqo walaalaheen Soomaaliya Illahay dhibta haka dul qaadee, waxa ay ka naxaan wanaageena, waxana ay ku farxaan dhibteen.
Maanta oo kale waa maalmaha cadowgu ka faa'idaysan karo, Illahay kama dhigeen waxa ay maleegi karaan shirqoole si aynu isku dilno, wali dadkeenu umay bislaan Dimuqraadiyadda iyo Siyaasada si fudud ayaa loo kala dili karaa, la iskuna diri karaa. Maanta oo kale dhammaanteen waa in aynu heegan galnaa, dhammaanteen doon ayaynu saaranahay hadday dagtana cidna inaga badbaadi mayso. Ma rabno dagaal sokeeye, ma rabto wiil iyo abtigii oo colowba mana rabto gacal iyo sokeeyo kala gurta, Somaliland waxa ka xumaadaa waxa ay ka xumaadeen dhammaanteen.
Si gaar ah waxa saaran ciidanka amaanka in la ilaaliyo amniga guud iyo ka gaarka ah ee saddexda Musharax ee midkood Madaxweyna inoo noqon doono.
Fadlan sii baahi hadday fariintani ku qanciso. Mahadsanid
Gaaxnuug2013@gmail.com
storvideo: 

Madaxweynaha JFS oo si diirran loogu soo dhaweeyey...

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayo qaar ka mid ah wadamada dariska ah ayaa gaaray magaalada Addis-ababa ee Xarunta dalka Itoobiya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis, musiiliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Mudane Workneh Gebeyehu.
Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo sidii loo dar-dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka argagixisada isla markaasna loo midayn lahaa qorshayaasha wadamada geeska Afrika ee ay ku wajahaayaan ka hor-tagga khatarta argagixisada.
Saacadaha soo socda waxaa kulan gaar ah yeelandoona Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyadoona ay si qoto dheer uga hadli doonaan xiriirka iskaashiga ee labada dal gaar ahaan dhinacayda la xiriira dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyey in uu gaaridoono dalka Jabuuti si madaxda dalkaas ay isaga waraystaan amniga Gobolka, isaga oo hordhigidoona muhiimadda ay leedahay in la dar dargeliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 

Dhageyso: “Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa isku diraya...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa wuxuu eedeeyay Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland, oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan Galmudug.
Maxamed Xaashi (Carabey) ayaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ku eedeeyay in labadan maamul ay ka shaqeynayaan sidii khilaafka ka dhextaagan Madaxda Galmudug dusha uga saari lahaayeen Dowladda Federaalka.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay muhiim in ay tahay khilaafka Galmudug ka dhexjira in loo madax banaaneeyo shacabkeeda iyo Madaxdeeda, si aayahooda ay uga tashadaan, balse ay faragelin ku hayaan Puntland iyo Jubbaland.
"Waxaa maalmahan jiray warar soo baxayay oo uu ka hadlayo Madaxweynaha Puntland kaasi oo ah in Dowladda Federaalka ay fara gelin ku heyso Galmudug, arrintaasi waa mid xaqiiqada ka fog, Jubbaland dhankeeda arrintan faraha ayay la soo gashay, balse waxaan cadeynayaa arrinta Galmudug ka jirta in aysan cidna waxba ka quseyn." Ayuu yiri Carabey.
Madaxda maamulka Galmudug ayaa xilligan waxaa ka dhextaagan khilaaf, ilaa hadda aanan la xalin, waxaana khilaafkan uu saameyn ku yeeshay hormarka iyo xaaladaha kale ee jira degaanada Galmudug.
http://www.-.net/wp-content/uploads/2017/10/MADAXWEYNE-KUXIGENKA-GALMUDUG-OO-PUNTLAND-IYO-JUBALAANBA-KU-EEDEEYAY-IN-AY-FARA-GALIN-KU-HAAYAAN-MAAMULKA-GALMUDUG.mp3- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


“Hargeysaay Aniga Midbaad Ii Tahay, Caasimadii...

0
0

Musharax Ciro Oo Taageerayaashiisa - Ah U Sheegay In Sicir-Bararka Dhaqaale-yahanada Kulmiye U Taag-La'yihiin Aanu U Taag Heli Doonin Hogaamiye Milatari Ahi"Walaalayaal Maanta Ma'ahayn In Kulmiye Cod Idiin Soo Doonto, Waxay Ahayd Inuu Wajiga Maro Ku Duubto Oo Uu Khajilaad La Dhuunto Laakiin Waxay Ogyihiin Inaynu Nahay Mujtamac Hab Qabiil U Dhisan Oo Ilawshiyo Dhow" Musharax Cabdiraxmaan Ciro
Hargeysa, (ToggaHerer) - Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Isbadal doonka ah ee Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa maalintii koowaad ee ololaha doorashada xisbiga Waddani kala qaybgalay boqolaal kun oo qof oo ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa.
Musharax Cabdiraxmaan Ciro oo khudbad taariikhi ah u jeediyey shacabka - ee isugu soo baxay Fagaaraha Beerta Xoriyada Hargeysa oo tiro badni awgeed uu fagaarahaasi qaadi waayey taageerayaasha xisbiga Waddani.
Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa xaalada dalku marayo kaga waramay khudbadiisa waxaanu xusay in dalkani uu u baahan yahay isbadal xukuumad shacab ah oo ka saarta xaalada uu ku sugan yahay, waxaanu Musharaxu khudbadiisa uu ku bilaabay oo uu yidhi "Waxaan idiinka mahadcelinayaa inaad taagan tihiin saacado badan una dulqaadateen inaad cadceeda taagan tihiin. Waxaan doonayaa inaan maanta la hadlo shacbiga - Somaliland, waxaan fariin u dirayaa shacbiga Somaliland aqlabiyada iyo bulsho weynta isbadal doonka ah ee maanta dalka meelkasta banaanada u taagan muujinta dareenkooda.
Waa maalintii sadexaad ee ololaha doorashooyinka madaxtinimada dalka, maanta oo Isniin ah waxay kow u tahay banaan baxyada badbaadada qaranka, waxay kow u tahay shacabka rajo doonka ah, waxay kow u tahay maalmaha inooga hadhay doorashada, waxay kow u tahay dib u soo noolaynta ididiilada dalka, waxay kow u tahay bahweynta isbadal doonka ee xisbiga rajada shacbiga ku midoobay.
Cod dheer waxaan ugu baaqayaa shacbiga Somaliland, waxaan leeyahay maanta waa dharaar aad kala dooranaysaan mustaqbal iyo meel la'aan, waa dharaar aynu hiil u doonayno qaran inawada deeqa, waa dharaar aynu ka hiilin doono qoqobka iyo kala qaybinta codka la idinkaga doono.
Waxaan dib idiin xusuusinayaa balanqaadyadii Kulmiye ee buray xagay ka baxday waxbarashadii bilaashka ahayd sidee maanta yahay adeegyada caafimaadku, dayaca ciidamadu heerka uu gaadhay musuqmaasuqa xadka goostay, ictiraafka rubuc qarniga aad naawilayseen ee iridaha loo laabay, waxaan idin xusuusinayaa sicir bararka iyo aafada maanta socota ee dhaqaale-yahanada Kulmiye u taagla'yihiin inaanu hogaamiye milatari ahina taag iyo tamar midna u haynin.
Waxaan idin xusuusinaya hantida ummadda ee la xaraashay iyo dulaynta loo geystay nidaamka dawladnimo, waxaan ayaan daro ah in baqaha Kulmiye cabsi ku kiday shacbiga doorashada, kuna kalifay kala qaybinta shacbiga. Hargeysaay aniga midbaad ii tahay, caasimadii dalkaad ii tahay, codkiina oo midaysan baan doonayaa. Codkiina ugu hiiliya xisbiga Rajada shacabka ee isbadal doonka Waddani. Walaalayaal bal aynu eegno dhibaatooyinka waaweyn ee ina haysta oo isugu jira kuwo Kulmiye abuuray iyo kuwo hore u jiray oo Kulmiye xalin kari waayey ugana sii daray. Dhibaatooyinkaa oo xalintoodu u baahan tahay sanado badan oo shaqo ah waxay isugu jiraan kuwo - Hargeysa gaar u ah, iyadoo wadanka intiisa kale uu la qabo.
Walaalayaal aniga oo arkaya inaad milic taagan tihiin, hadana milicda waxa ka sii kulul duruufaha gacan ku samayska ah ee dawladdnimada xumaatay ka dhashay ee aynu la noolnahay.
Arinteenu maanta maaha doorasho saddex qof oo la kala dooranayo laakiin waa doorasho la kala dooranayo isbadal iyo in wadanku ku sii jiro xaalada uu ku jiro, waa hiil loo hiilinayo midnimada iyo isku duubnida ummadda guud ahaan oo laga hiilinayo falsafada Kulmiye ee laba gacmood isku dhiib ama qori isku dhiib.
Walaalayaal maanta ma'ahayn in Kulmiye cod idiin soo doonto waxay ahayd inuu wajiga maro ku duubto oo uu khajilaad la dhuunto laakiin waxay ogyihiin inaynu nahay mujtamac hab qabiil u dhisan oo ilawshiyo dhow, waxay isku dayayaan inay indho sarcaad idiin dhigaan oo beenta idiinku soo celceliyaan. Waxa tusaale idiinku filan sidii uu Waddanku ahaa todoba sano ka hor, bal waxaad dib u xasuusataa halka ay joogtay todoba sano ka hor midnimadeenu, halka ay joogtay dawladdnimadeenu, rajadeena ictiraafka iyo maanta halka ay marayso, sicirbararka, Musuqmaasuqa iyo kala qoqobka dadweynuhu." Ayuu yidhi Musharax Ciro.
storvideo: 

Xisbiga Ucid oo Ku Baaqay in la Joojiyo Ololaha...

0
0

"Yaanay Idin waalin Muse Biixi iyo Cirro Waa Very Local meel la isla Marayo Ma oga Baahida Dadkeenu marayso Ma oga, Kursigaa u Muuqda Berito markay Qabtaan Meel Ay mariyaan garan Maayaan agenda ma leh Kurisgaa waxaan ahayn Kolba Suldaan bay diranayaan Caruurtay Qabiil ku abuurayaan"
Hargeysa/ToggaHerer Gudoomiyaha xisbiga Ucid ahna Musharaxa Xisbigaas Eng Faysal Cali Xuseen ayaa ku baaqay in la Joojiyo Ololaha Habeenkii La Wado Mar uu ka Hadlayay Ololaha Habeenkii Wuxuu Yidhi:-
"Hadaynu dimuqraadiyad qaadanay maaha in aynu fusuq keeno hana bilaabamo Ololahu Lixda Subaxnimo Ilaa Lixda Galabnimo Habeenkii dadku waa nasanayaa taageerayaashuna waa in ay asluub kumaraan , habalaha iyo wiilasha is dhex yaacayana la joojiyo khayriyadana ha la kala sooco."
Mar uu ka hadlaayay Maalinta Jimcaha oo Xisbigiisu u lahaa Maalinta Ololaha Wuxuu Yidhi:-"Maalinta Beri waxaan Ka Qaybgali doonaa Isu Soo Baxa Boorama oo aan tagi doono Jimcuhu Waa MaaliN Cibaado , Waxaana ku Jirta Saacadtu Ijaaba Maalintaa ma ordi doona anagu Lacagta Faraha badan ee baxaysayna Sadaqad Baanu ku bixin doonaa Lixda Gobol ba wixii aanu gaadhsiin karno Dadka Nugul , Agoomaha barakacayaasha"
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Musharax Faysal Cali Waraabe oo Digniin u Diray...

0
0

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Musharaxa xisbiga ayaa hambalyeey Mar uu maanta Hoygiisa ku qabtay Shir Jaraa`id Heshiiskii ay wada gaadhaan Jamhuuriyada Somaliland iyo Khaatumo, Waxaanu kale oo digniin u diray Siyaasiyiin Ku Sugan Magaalada Buuhoodle Waxaanu Yidhi:-
"Waxan la hadlayaa Ina Garaad Soofow Caruurta iyo Maatida Reer Buuhoodle Mustaqbalka ha kaga ciyaarin tacliin bay u baahan yihiin Biyo Ayay u Baahan yihiin, Buuhoodle Soomali weyn ma geyn kartid , Cabdi Walina waxaan leeyahay hadii aad dhaqdhaqaaq samaysid balan inta aan doorashada iska dayno in aan Garoowe nimaadno"
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Musefeni oo Soo Dhaweeyey In La Dar Dargeliyo La...

0
0

Madaxweynaha Yugandha oo aqalkiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowlada Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa salka ku heysa arrimaha amniga iyo iskaashiga ka dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo dalalka ay ka yimaadeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Madaxweynaha Yugandha oo isagu laf dhabar u ah hawlaha Amisom maadaama ciidamada ugu badan ee AMISOM ka yimaadeen dalkiisa ayaa sheegay inuu taageersan yahay in hawlgalada lagula dagaalamayo Al Shabaab in la dar dar geliyo.
Kulankii ay wada yeesheen madaxda labada dal ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay qaar kamid ah Taliyayaasha ka socda militariga Ugandha qeybtooda qaabilsan hawlgalada AMISOM ee koonfurta Soomaaliya, iyadoo la sheegay in guddi loo saaray inay kasoo baraan degaan iskaashiga ciidamada dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ee la dagaalanka Al Shabaab.
Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musefeni ayaa horey uga dalbaday dalalka deeqda bixiya iyo Qaramada Midoobay in sare loo qaado miisaaniyada AMISOM isla markaana lasiiyo diyaarado dagaal oo ay kula dagaalamaan Al Shabaab, codsigaasi oo oo aysan fulin dalalka bixiya dhaqaalaha hawlgalka AMISOM.
Musefeni ayaa la rumeysan yahay inuu xiligaasi qaatay in ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Ugandha inaysan gelin hawlgalo dheeraad ah illaa inta laga dhameystirayo codsigooda.
Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Kambala ayaan la ogeyn in ay wax badan ka bedali doonto hawlgalada AMISOM ay ka sameeyaan koonfurta Soomaaliya.
Dowlada Federaalka ayaa todobaadkan iclaamisay hawlgal balaaran oo ka dhan ah AL Shabaab, balse hawlgalkaasi ayaan suurtagal noqon doonin AMISOM la' aanteeda.
Safarkan ayaa kusoo beegmay 7 maalmood kadib markii uu dhacay qaraxii isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad gaaraya 358 qof.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Sawirro: Farmaajo oo si aan horay loo arag loogu soo...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku maraaya qaar ka mid ah wadamada dariska ah ayaa maanta gaaray magaalada Addis ababa ee Xarunta dalka Ethiopia.
Farmaajo ayaa waxaa booqashada Ethiopia ku wehlinaayay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada kuwaa oo soo dhaweyn wanaagsan ka helay dowlada Ethiopia.
Mas'uuliyiinta Garoonka kusoo dhaweysay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ethiopia Workneh Gebeyehu.
Farmaajo ayaa sheegay in booqashadiisa ay la xiriirto sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka Al-Shabaab isla markaasna loo midayn lahaa qorshayaasha wadamada geeska Afrika ee ay ku wajahaayaan ka hortagga khatarta argagixisada.
Farmaajo ayey caawa wada kulmi doonaan Ra'isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn iyadoona ay si qoto dheer uga hadli doonaan xiriirka iskaashiga ee labada dal gaar ahaan dhinacayda la xiriira dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live