Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Waa Kuma Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine )...

$
0
0

Waxa Maqaalkan Kooban Aan Qalinka Ugu Qaatay In Aan Xuso Shaqsiyan Cida Uu Yahay Mustafe Shiine Badhasaabka Hore Maroodi Jeex Iyo In Ay Dhalinyarada Imika Siyaasada Gelaysaa Ay Ku Daydaan Oo Ay Maraan Dhabada Uu Maray Si Aad Hadafkaaga Ugu Rumayso Somalida Dhibta Ugu Weyn Ee Haysta Waxa Weeye In Ayna Qirin Shaqsigeeda Oo Aanay Dhiiri Gelin Taasu Waa Ta Keentay In Somaliland Ka Kori Weydo Nidaamka Reeraysiga Oo Hoy Iyo Gabaad U Noqday Jaahilka Oo Ku Gabado Hadaba Hadaan U Daadego Muhiimada An Qalinka Ugu Qaatay In Aan Maanta Ku Suureeyo Kuna Xuso Mustafe Cabdi Ciise Shiine Waa Dhalinyaradii Ugu Garaadka Iyo Fahanka Badnayd Ee Soo Marta Saxaafada Somaliland Mustafe Shiine Waxa Uu ShAqada La Bilaabay Aabahay Oo Sida Uu Mustafe Shiine Aniga Ii Sheegay Ahaa mACALINKII sanadki 1991 Wargeyskii Xorriyo Ee Hargeisa Ka Soo Bixi Jiray Hadaba Aniga Oo Doonaya Shaqsiyan Cida Uu Yahay Mustafe Shiine Ayaan Waydiiyay Abdilaahi Adan Omar Wayab Waxa Ii Sheegay In Uu Ahaa Shaqsiyada Dedaal Badan Oo jecel In Uu Shaqadiisa Siday Tahay U Guto Jecelna In Uu Dadka Dhegaysto Si Uu Cilmi Uu Kororsado Sida Uu Sheegay Mustafe Shiine Marka Jaraaidka La Dhameeyo La Rawaxo Waxa Uu Habeenkii Oo Dhan Akhri Jiray Wargeys Waxa Maqaal La Qoray Si Uu Ugu Faaidaysto Taasuna Waxay Ku Tusaysaa Sida Ay Maskaxdiisu Ugu Furan Tahay In Mar Walba Wax Barto .
Anigoo Ku Daba Jira Baadhistaa Mustafe Waxa Ee Sheegay In Siyaasiyiinta Somaliland Kuwaada Ugu Adkaa Waayadaa Ilaa Imika Uu Maqaal Ka Qoray Farshaxamaysay Oo Gubtay Siyaasigaa Weliba Uu Aamini Waayay In Mustafe Shiine Ka Qoray Taasu Waa Geedigiisa Horumar Ee Saxaafada Ka Sameeyay Ilaa Uu Ka Gaadhay Heerka Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Solja Taasu Waxay Ku Timi Dedaalkiisa Xoogana Weligiina Laguma Sheegin Jileec Shaqo Inta Badan Warbaahintu Waa Shaqooyinka Ugu Adag Ee La Qabto Walow Xiligaas Ay Ka Adkaydba Oo Aanay Guud Ahaanba Jirin Waxa Gadiidi Ah Iyo Qalab Fiican Tahay Taasu Waxay Tusaale Uu Tahay In Cida Ka Soo Baxdaa Ay Tahay Hawl Kar Mustafe Shiine Qolya Ku Dhaliila In Uu Leeyahay Wahsi Shaqo Waa Been Waa Ninka Shaqadaas Ka Shaqayn Jiray Habada ahadaan Guntii Iyo Geba Gabadii Qoraalkaygan Aan Isugu Soo Biyo Shubto Mustafe Shiine Waxa Salaanka Siyaasadeed Ka Soo Koray Xiliyadii Madaxweyne Rayaale Oo Uu Ahaa Madaxa Wargeyskii Maandeeq Ilaa Uu Soo Maray Mareeye Ku Xigeenka Madbacada Ilaa Heer Badhasaabnimo Taasu Waxay Ka Dhigan Tahay In Mudo Shan Degreeto Madaxweyne Ku Soo Baxday Magaciisa Taasna Waxa Kaga Mid Noqday Golaha Siyaasadeed Hadaba Anigoo Qoraalkaygan Yar Aan Ku Soo Koobi Karayn Waxyaabaha Wanaagsan Ee Uu Qabtay Waxaan Halkan Ugu Hibaynayaa Mustafe Abdi Isse Shiine Oo Maanta Xilka Badhasaab Nimo Laga Qaaday Isagoo Isaguna Kaga Dareen Celiyay In Uu Si Niyad Sami Ah Ugu Wareejin Doono Taasu Waxay Ku Tusaysaa Bisilkiisa Siyasadeed Taas Oo Yartahay Siyaasi Dhalinyar Ah Deganaanta Mustafe Shiine Kale Leh
SAMATAR ABDILAHI WAYAB
CEO AND FOUNDER XORRIYA ONLINE NEWS
HARGEISA ,SOMALILAND
storvideo: 


Somali PM visits Mogadishu blast victims in Ankara

$
0
0

Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre on Thursday met the injured victims of the recent Mogadishu blast who have been receiving treatment in a hospital in Ankara
Thirty-five Somalis, including three children, injured in the truck bombing were airlifted to Turkey for medical treatment following an Oct. 14 truck bomb which killed at least 358 people and injured 228 others in Mogadishu.
"Our brothers in this country [Turkey] stood by us when we needed [them] the most," he said during his visit at Ankara Numune Hospital.
The hospital visit was a part of Kayre's three-day official visit to Turkey.
Earlier on Thursday, Khayre met Turkish President Recep Tayyip Erdogan and Prime Minister Binali Yildirim to discuss bilateral relations, regional and international issues.
storvideo: 

Madaxweynaha Puntland oo Sagootiyey Guddoonka Labada...

$
0
0

26th October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 26 October 2017 garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku sagootiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Mudane Maxamed Cismaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee DFS Mudane. Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ku-xigeenkiisa iyo wufuudda kele ee safarkooda ku wehelinayseyba.
Sagootinta weftiga ay horkacayeen Guddoonka Labada Aqal ee DFS ayaa waxaa Madaxweynaha kuwehelinaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dawladda Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Guddomiyayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka DFS ayaa soo kormeeray ka hor inta aanay Garoowe ka ambabixin qaar kamid ah Wasaaraddaha dawladda Puntland oo ay kamid yihiin, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Degaanka iyo Duurjoogta, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska iyo Wasaaradda Caafimaadka, waxaana ay dhammaantood masuuliyiinta Wasaaraddahaasi iyo weftiga ay hogaaminayeen Gudoomiyayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya is dhaafsadeen Su'aalaad, Jawaabo iyo is xowaraysi ku qotoma shaqooyinka ay qabtaan Wasaaradduhu iyo xidhiihdka u dhexeeya iyaga iyo Wasaaraddaha dhiggooda ah ee DFS, iyagoona kulamo gaar la qaatay Madaxda Wasaaraddahaasi.
Sidoo kale Madaxweyne Gaas, Guddomiayaha Golaha Wakiillada Puntland iyo masuuliyiinta goleyaasha DFS ayaa kormeeray garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe kaas oo dhismihiisu marayo meel gebogebo ah lana soo dhamaytiridoono dhawaan dhismihiisa, waxaana uu kamid yahay garoonku kaabayaasha dhaqaale ee muhiimka u ah shacabka reer Puntland ee uu dhismihiisu ka socdo dalka.
Madaxweynaha dawladda Puntland oo sagootiyey wufuudda ay hogaaminayeen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay Puntland iyo shacabkeedaba sharaf weyn u tahay imaanshahoodu, arkaan horumarka iyo quruxda dawladnimo ee Puntland ka jirta.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay inay Guddoonka Baarlamaanka DFS is waydaarsadeen talooyin iyo xogo ku saaabsan sidii Soomaaliya loo horumarinlahaa loona gaadhsiin lahaa meel ay u qalanto inay joogto oo ah dhanka horumarka, bilicda, dawladdnimada, Fadaraaliisamka iyo waxkasta oo wanaagsanba.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dawladda Puntland ayaa dhankiisa masuuliyiintani ku booriyey inay joogteeyaan booqashooyinkooda ay ku imaanayaan Puntland, taas oo suura gelinaysa in la wanaajiyo lana dardargeliyo wada shaqaynta Goleyaasha Baarlamanaka DFS iyo Golaha Wakiillada dawladda Puntland.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kubooriyey maamullada kale ee dalka inay yimaadaan Puntland arkaan horumarka iyo dawladnimada ka jirta si ay iyana u horumariyaan maamulkooda una gaadhsiiyaan meesha ay Puntland ka joogto dhanka horumarka, kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, shuruucda, kala danbaynta iyo nidaamka fadaraaliisamka ee ka jira Puntland.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa dhankiisa isna tilmaamay in ay tahay wax lagu tusaalo qaadan karo wada shaqaynta hufan ee ka dhexaysa golaha sharci dejinta dawladda Puntland iyo tan golaha fullinta Puntland iyo sidoo kale doorka ay ku leeyihiin dhismaha dawladda dhaqanka Puntland iyo shacabkooduba oo iyana door wanaagsan kule dhismaha dawladda Puntland.
Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay dhowaan ku yeelan doonaan Puntland gaar ahaan caasimadda Garoowe xafiisyo labada Aqal ee Baarlamaanka dawladda Fadaraalka Soomaaliya, si ay u meelmarto wada shaqaynta goleyaasha fullineed ee Puntland iyo DFS.=DHAMMAAD=XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
storvideo: 

Gaas oo Garoowe Kusoo Xidhay Shirweynaha...

$
0
0

26th October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26 October 2017 Garoowe kusoo xidhay shirweynaha kalluumaysiga Soomaaliya oo 24 -26 bishan October 2017 ka soconayey Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.
Shirweynahan oo ay kasoo qayb galen Masuuliyiin ka kalayimi DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS iyo ganacsatada reer Puntland ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey xidhitaankan shirkani Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo masuuliyiinta Wasaaraddaasi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland iyo hay'addaha shaqo wadaaga la ah Wasaaradda Kalluumaysiga.
Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn soo dhoweeyey wufuudda ka kala yimid dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliy, kuwaas oo ka qayb galay shirkani, waxaana uu Madaxweynuhu tilaamay in khayraadka maanta Soomaaliya laysku haylaynkaraa yahay Kalluumaysiga.
Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay kalluumaysiga sharci darada ah ee Soomaaliya waddamada shisheeye ku xaalufiyaan baddeeda uu yahay masiibo qaran ayna dawladda Puntland sidaasi ku timaantay June 2014, Madaxweynaha ayaa xusay in laban-laab ka badan tahay faa'iidada ay ka helaan jiriifayaashu badda Soomaaliya macaawimada beesha caalamku ugu deeqaan Soomaaliya.
Dhinaca kale Madaxweyna ayaa sheegay in ay lamid tahay ama ka xuntahay jariifkaasi tan shacabka Soomaaliyeed qaarkood sameeyaan taas oo ah in ay dhoofiyaan argoosato tarmaysa oo sidda hal milyan oo ukun ah, waxaana uu Madaxweynuhu ku booriyey kalluumaysatada iyo shacabka Soomaliyeed in la illaaliyo oo la daryeelo argoosatada iyo waxyaalaha kale ee manfacale ee ku jira badda.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga Soomaaliya iyo khayraadka Badda ayaa dhankiisa sheegay in DFS ku heelan tahay sidii ay wax uga qaban lahayd jariifka sharci darada ah ee ka jira guud ahaan badaha Soomaaliya, isla markaana waxa uu tilmaamay in loo bahan yahay in meel looga soo wad- jeesto joojinta jariifkaasi.
Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed inay la jaanqaadan adduunyada horumartey, isla mar'ahaantaana ay ka faa'iidaystaan khayraadkooda badda iyo kan farsamoba ee ay ku horumari karaan dalkooda iyo ganacsigoodaba.=DHAMMAAD=XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
storvideo: 

Somali PM visits Mogadishu blast victims in Ankara

$
0
0

Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre on Thursday met the injured victims of the recent Mogadishu blast who have been receiving treatment in a hospital in Ankara
Thirty-five Somalis, including three children, injured in the truck bombing were airlifted to Turkey for medical treatment following an Oct. 14 truck bomb which killed at least 358 people and injured 228 others in Mogadishu.
“Our brothers in this country [Turkey] stood by us when we needed [them] the most,” he said during his visit at Ankara Numune Hospital.
The hospital visit was a part of Kayre’s three-day official visit to Turkey.
Earlier on Thursday, Khayre met Turkish President Recep Tayyip Erdogan and Prime Minister Binali Yildirim to discuss bilateral relations, regional and international issues.
The post Somali PM visits Mogadishu blast victims in Ankara appeared first on Shabelle.

Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Turkiga

$
0
0

Kn: Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo socdaal ku tagay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa maanta la kulmay dhiggiisa.
Ra'iisul wasaaraha dalka Turkiga Binali Yaldrim ayaa hoyga uu Ankara ka degan yahay ku qaabilay ra'iisul wasaare Kheyre. Labada masuul ayaa ka wada xaajooday sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Turkigu u kordhin lahaa taageerada uu siiyo dawladda Soomaaliya gaar ahaan dhanka tababarista ciidamo qaran iyo qalabayntooda, taasi oo ay isla qaateen labada ra'iisul wasaare.
Sidoo kale Kheyre ayaa mahadnaq uu ka siday madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed u gudbiyay ra'iisul wasaaraha Turkiga, asagoo u sheegay in Soomaalidu u hayso abaalka ay u galeen xiliyada ay ugu baahi badnaayeen.
Kheyre ayaa la filayaa inuu la kulmo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Turkiga isla mar ahaantaana soo booqdo dhaawacyadii dalkaasi la geeyay ee qarixii Zoobe.
storvideo: 

Axmed Madoobe oo dagaal iclaamiyay

$
0
0

Kn: Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta asagoo dirayska ciidanka ku labisan gaaray saldhigga ay ciidamada daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin Buulo-guduud ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Alshabaab ee gacanta ku haya gobolka Jubbada Dhexe iyo degmooyinka Jamaame iyo Xagar.
Axmed Madoobe oo ciidanka la hadlayay ayaa sheegay in la soo dhameeyay diyaar garawgii loogu jiray in guluf dagaal lagu bixiyo deegaamada ay haystaan Shabaabku, hadeerna la joogo xiligii horay loo socon lahaa ee la xorayn lahaa deegaamada maqan. Axmed wuxuu intaasi ku daray in uu ciidamada dhex joogi doono si uu ula qaybsado diihaalka iyo rafaadka ay u marayaan inay Shabaabka kaga sifeeyaan deegaamada ay wali gacanta ku hayaan.
Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe wuxuu ciidamada u geeyay dhaqaale mooraal dhisid ah oo lagu dhiiri galinayo ciidamada ku sugan difaaca hore oo saldhigoodu yahay Buula-guduud.
Ciidamada daraawiishta Jubbaland oo kaashanaya sirdoonka iyo nabadsugidda Jubbaland ayaa baryihii danbe maleeshiyaadka Alshabaab ula diriraayay nidaamka jabhadaynta ee kooxo kooxo buraashadda biyaha loogu dhaansanaayo duurka. Xeeladan oo Shabaabku isticmaali jireen ayay ciidamada daraawiishta Jubbaland markay u isticmaaleen Shabaabka ku gaarsiiyeen khasaare lixaad leh. Waxaa u danbaysay shalay markii ay deegaamada Wirkooy iyo Baar-sanguuni ay ku kala cayriyeen maleeshiyaad Shabaab ah oo halkaasi isku uruursanayay.
storvideo: 

Reysal wasaaraha soomaaliya ayaa sameeeyey wax lagu...

$
0
0

Reysal wasaaraha soomaaliya ayaa sameeeyey wax lagu farxo
Oct 26, 2017 -
Reysal wasaaraha soomaaliya mudane xasan cali kheyre Waxa uu sameeyey taariikh kadib markii hooyo soomaaliyeed uu ka dhageestay warbixin ku saabsan wiilkeeda oo xanuunsan kuna soo dhaawacmay weerarkii iyo qaraxii ka dhacay pizza house ee muqdisho.
Reysalwasaaraha soomaaliya xasan cali kheyre ayaa hooyadii ku yiri aamus waa la bixinaayaa lacagtaas ee waxaad ii sheegtaa imisa waayee lacagta lagu qalaayo wiilka.
Maamadii soomaaliyeed ayaa tiri wiilkeygiyow waa $3,000 (sadex kun dollar) wiil la socday reysalwasaaraha ayuu ku amray in hadda la siiyo lacagtaas waliba accoun-kiisa laga bixiyo.
Hooyada soomaaliyeed oo aan fileyneyn inuu masuul soomaaliyeed uu sidaas lacagtiisa ugu bixiyo dadka dhibaateysan ayaa ooyin la dhacday reysal wasaaraha ayuu ku yiri hooyo wiilka waa wiil soomaaliyeed waxa uuna ka mid yahay dadka uu u deego oo uu xilkan u haayo.By Hassan Mohamed Hussein Mutawakil Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 


Dacaayadda Raqiiska ah ee SNM

$
0
0

26th October 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

SNM Dad shacab ah oo hubaysnayn ayeey xabbad ku fureen.Sawirku waa Wiil yar oo dhaawaca ah, oo ka soo jeeda Beesha Warsangeli isaga oo gurigiisii Badhan jooga oo midnimada Soomaaliya ilaalinaya ayaa xabbad waxa loogu dhuftay soo raac beesha Isaaq iyo SNM
Nin magaciisa ku sheegay Dr.Saleebaan oo ku sugnaa yahay Cisbitaalka degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, ayaa isaga oo la hadlaya Idaacad ka mid ah kuwa SNM wuxuu sheegay in degmada Badhan ay ku dagaalameen Somaliland iyo Puntland.
Warkaasi waa Been, Saleebaan iyo kuwa la mid ah oo dadka xabadeeyey waa kuwa mushahaarka ka qaata maamulka SNM iyo Alshabaab.
Dad shacab ah oo aan hubaysnayn oo aaminsan in Beeli beel kale ayna u dawladayn karin, ayaa iyaga oo ka soo hor jeeda doorashada beelaha Isaaq ay ku doonayeen in ololaheeda maanta laga bilaabo degmada Badhan, waxay bilaabeen Mudaharaad ay arintaa kaga soo hor jeedaan.
Marabiddi u shaqaynaysay maamulka beelaha Isaaq ay ku wada midaysan yihiin ee SNM, markii ay arintaa arkeen si ay gudoomiyahooda oo lagu magcaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo ku sugan degmada Ceerigaabo u raali geliyaan, waxay bilaabeen inay dadkii xabbad ku furaan iyaga oo haba yaraatee wax digniin ah siin. Waana markii sadexaad oo taliyahani degmooyinka gobolka Sanaag uu dad ku xabadeeyey. Maanta haddii uu dili lahaa Todoba qof oo hoos ku qoran oo hadda dhaawaca ah sheekadu sida waa ka duwanaan lahayd.
1 Cali Weyne oo ka soo jeeda Beesha Reer Garaad
2- Majagure Beesha Reer Garaad
3-Ina Ciise Dhiif Beesha Warlabe
4-Cabdi Wayd Beesha Dir
5- Ina Shire Saalax Caato Beesha Aadan Siciid
6 Ina Faan faan Beesha Adan Siciid
7 Xasan Dekeli Beesha Adan Siciid
Ugu danbayntii haddii aad doonayso inaad Ka qayb qaadato gurmadka looga hortagayo doorashada xaaraanta ah ee khasabka ah ee SNM, fadlan la xiriir Ururka SSP oo ah ururka qura oo fashilin kara huuhaada SNM Iyo Sanaag baa doorasho ka dhacaysaa. Maanta lama joogo maalintii dhex dhexaad laga noqon lahaa SNM iyo SSP oo isku haya gobolka Sanaag . Beesha Isaaq dhexdhexaad kama noqon siyaasadda Soomaaliya oo Somaliland ayeey ku midaysan yihiin. Adiguna dhex dhexaad ha ka noqon SSP iyo SNM
Post navigation
- Gaas oo Garoowe Kusoo Xidhay Shirweynaha Kalluumaysiga Soomaaliya.
storvideo: 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Oo Caawa...

$
0
0

Wafdi balaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Caawa soo gaaray Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay degmada. Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweyne Waare ayaa waxaa qeyb ka ahaa Marwada Madaxweynaha Hirshabelle, Madaxweyne ku Xigeenka maamulka Hirshabelle, Guddoomiyaha Baarlamaanka Wasiiro,Xildhibaanno ka tirsan Maamulka, iyo mas'uuliyiin kale waxaana Xarunta Degmada Warsheekh ku soo dhaweeyay mas'uuliyiin kale duwan oo ugu horeyo Guddoomiyaha Degmada Warsheekh Ra'iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) Xildhibaanada Qaranka Drs Mina Xaaji Sibbis Culimo'udiin, Odayaal iyo qeybaha kale duwan ee ku dhaqan Degmada Warsheekh. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo wafdigiisa ayaa Caawa waxaa Xaflad balaaran oo lagu soo dhaweynayo loogu sameeyay islamarkaana hadda ay ka socotaa xarunta Maamulka Degmada, waxaana ku sugan goobta xafladda fanaaniin iyo barbaarta gaashaaman oo ku soo bandhigay heeso ka turjumaya nimcada eebe uu ku maneystay hirshabelle iyo Qaranimada Soomaaliya. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo Marwadiisa ayaa caawa ku hoyanaya Magaalada Warsheekh, iyo sidoo kale dhamaan Mas'uuliyiinta la socda, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka. ---Dhamaad---- Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabelle
storvideo: 

Daawo: Sida loo qoro kitaabka qur’aanka iyo...

$
0
0

Doha (- Online) - Rasuulka SCW ayaa sheegay inuu dadka ugu khayr badan yahay Qofka Barta Qur'aanka ee Hadana dadka Barra, Hadaba Bal Qiysaas Qiimaha iyo Darajada uu Alle agtiisa ku yeelan doono Qofka bartay Qur'aanka ee hadana Gacantiisa ku Qoray, iyadoo Malaayiin qof ay kasii Faa'iidaysan doonaan.
Cubeyda Maxamed Saalax oo u dhashay dalka Suuriya, wuxuu ku beermay Jacaylka Qoritaanku Yaraantiisii, iyadoo waalidku ay ku igu dhiiri geliyeen, Wuxuuna sheegay inay Qoraanimadu ay Rabo in la geliyo Dedaal badan, Wuxuuna ku guulaystay inuu Qoro Kitaabka Qura'aanka Kariimka ah.
Wuxuu ka qayb galay Tartamo waa wayn oo lagu Qabtay meelo kala duwan oo ay ka mid tahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, Kuwaasi oo Guulo uu ka gaadhay."Qoritaanka Kitaabka Quraanka ee dalka Qadar wuxuu ahaa Tartan ay Qababtay Wasaarada Awqaafta iyo Diinta ee Qadar, waxaana ka qayb galayey 120 Qoraa oo kala yimid Daafaha Dunida, Waxayna ahayd dhowr wareeg, Wareega Koobaad Qoraa kasta waxaa laga dalbaday inuu Qoro Laba Bog, Waxaana soo baxay 7 Qoraa, Iyadoo markaasi laga dalbaday inuu midkasta Qoro laba Juz, Kadibna Waxaa kasoo baxay Laba Qoraa, waxaana laga dalbaday inay Qoraan Kitaabka Qur'aanka oo dhamaystiran, Wuxuu alle Qadaray inay aniga Guushu i raacdo.
Waxay ii ahayd RIYO aan alle ka Baryi Jiray Inaan Qoro Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah, Alle mahadii way ii Rumowday oo Ducadii Alle waa ii Ajiibay.Waa dareen aan Lasoo Koobi karin, Kitaabkii aad Gacantaada ku Qortay oo ay dadku Akhrinayaan, Weliba marka Lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan"Ayuu yidhi.
[embedded content]
storvideo: 

176 oo ka qelin jebiyay Kuliyadda Caafimaadka ee...

$
0
0

176 oo ka qelin jebiyay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir
Oct 27, 2017 -

Ardaydii ugu badneyd abid oo tiradoodu gaareyso 176 dhaqtar ayaa ka qelin jebisay kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, iyadoo xaflad arintaas la xiriirta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xafladan oo aheyd mid ardayda qelin jebisay ay ku difaacanayeen buugga qelin jebinta ayaa waxay ku soo bandhigeen cilmi baarisyo dhowr bilood socday oo ay ka sameeyeen xaaladaha dhinaca Caafimaadka ee ka jira qaar ka mid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho, xeryaha Barakacayaasha iyo xaafadaha qaarkood.
Waxaa munaasabadan ka qeyb galay Masuuliyiin iyo macalimiin ka tirsan Jaamacadda Banaadir, ardayda difaacaneysay buugga qelin jebinta, aqoonyahano, waalidiin iyo marti sharaf kale.
Hormuudka kuliyadda caafimaadka Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo munaasabadaas ka hadlay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ardaydan qelin jebisay ay wixii maanta ka dambeeya yihiin dhaqaatiir wax qali kara, daweyna kara, isagoo xusay inay muujiyeen dadaal badan oo waqti dheer qaatay, ayna la mid yihiin hadda ka dib dhaqaatiirta ka baxday Jaamacadaha caalamka maadaama buu yiri ay heystaan shahaado caalamka laga aqoonsan yahay oo ay ku howlgeli karaan kuna doonan karaan waxbarasho kale.
"Anigoo ku hadlaya magaca Maamulka, Macalimiinta hormuudyada iyo mu'asasada Jaamacada Banaadir waxaan ku faraxsanahay inaan si rasmi ah ugu dhowaaqo in 176 dhaqtar ay ka qelin jebiyeen kuliyadda Caafimaadka ayna wixii hadda ka bilowda yihiin dhaqaatiir" Dr. Biday oo halkaas ka tiriyey magacyada 20-ka arday oo galay kaalimaha ugu horeeya Wuxuuna xusay inuu kaalinta koowaad ku guuleystay arday magaciisa la yiraahdo Dr. C/llaahi Yuusuf Maxamed Cumar, halka kaalimaha labaad iyo sadexaad ay kala galeen Drs. Ifraax C/Nuur iyo Dr. Maxamed Siyaad Xasan.
Dr. Maxamed Maxamuud Fuje oo ka tirsan aasaasayaasha iyo Macalimiinta Jaamacada Banaadir ayaa isna kulankaas ka sheegay in ardayda ka qelin jebisay kuliyada Caafimaadka Jaamacada Banaadir ay yihiin kuwa ugu nasiibka badan maadaama kuliyadaas ay ku kulmeen macalimiintii ugu badneyd ee ka soo baxay Jaamacaddii hore ee Ummadda.
Dr. Maxamed Yuusuf ah oo gudoomiyaha Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ahna agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa isna hambalyada ka sokow ardayda qeylin jebisay ku wargeliyey in wixii hadda ka dambeeya ay si buuxda xubno uga yihiin Ururka dhaqaatiirta, ayna ogaadaan iney yihiin masuuliyiin qeyb ka ah horumarinta Caafimaadka bulshada.
Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardayda qelin jebisay, uuna farxada la wadaagayo wuxuuna sheegay in ardaydan ay yihiin kuwii ugu badnaa ee mar kaliya ka qelin jebiya kuliyadda Caafimaadka mudadii 15-ka sano aheyd ee ay jirtay. Wuxuu sheegay in Jaamacadda Banaadir ay ka qalinjebiyeen 726 takhtar oo ka hawlgala dhammaan gobollada Soomaaliya, taasoo uu xusay iney tahay guul u soo hoyatay Jaamacadda iyo calaamad muujineysa kaalinta hore ee ay kaga jirto horumarinta Caafimaadka dalka.
"Waa maalin farxadeed maanta maadaama ay jaamacada Banaadir ka qelin jebiyeen dufcadii 10aad ee soo dhameysata kuliyadda dhaqtarnimada ka dib lix sano oo dedaal dheer iyo Juhdi badan la soo waday wixii maanta ka dambeeya waxaad tihiin dhaqaatiir, masuuliyad buuxda ayaana idinka saaran Caafimaadka bulshadiina Soomaaliyeed" ayuu yiri Dr. Dalmar.
Waxa uu sheegay in Jaamacada Banaadir la aasaasay sanadkii 2002 xilli aysan jirin wax dhaqaatiir Soomaliyeed oo muddo 12 sano ah ka soo baxay jaamacado, burburka dalka ka jiray awgeed, wuxuuna xusay in jaamacadu ay guul u tahay in 15 sano ka dib ay soo saartay boqolaal dhaqtar taasoo uu sheegay in jaamacada iyo dhaqaatirta aasaaasayba ay baal dahab ah kaga galeen taariikhda, isagoo ugu dambeyna hadalo dardaaran ah u jeediyey dhaqaatiirta qelin jebisay.
Guddoomiyaha Muasasada Jaamacadda Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in jaamacadda Banaadir ay buuxisay kaalintii Jaamacadda Umadda ee xiligii beri-samaadkii dalka ka jirtay, ayna soo saartay dhaqaatiirtii ugu badneyd Somalia.
Dr. Bushkuleeti oo ardayda qelin jebisay u sheegay in waxbarashadii rasmiga aheyd ay maanta u bilabatay aysan maankooda gelinin in waxbarashadii ay halkaas ku dhamaatay.
Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacada Banaadir ayaa intii ay socotay xafladaas ka tacsiyadeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuumad Drs. Maryan C/llaahi Maxamed oo ka mid aheyd dhaqaatiirka qelin jebineysay sanadkan balse nasiibku u saamixi waayey, taasoo ka mid aheyd dadkii ku naf waayey musiibadii 14-kii bishan ka dhacday Isgoyska Zoope, iyadoo ka qeyb galayaasha munaasabadan ay muujiyeen murugo iyo tiiraanyo ay la qeyb qeybsanayaan qoyskeeda, waxayna Alle uga baryeen inuu janadii ka waraabiyo eheladii ay ka baxdayna samir iyo Iimaan ka siiyo.
Marxuumad Drs. Maryan C/llaahi Maxamed ayaa 177 ku noqon laheyd dhaqaatiirta sanadkan ka qelin jebiyey Jaamacada Banaadir ka dib lix sanadood oo ay soo qaateen waxbarasho adag, waxaana marxuumadu ay kaalinta 12aad ka gashay 20-ka arday ee ugu horeeya 177-da dhaqtar ee qelin jebiyey.
Sidoo kale, Maamulka iyo Mu'asasada Jaamacada Banaadir ayaa Munaasabadaas ka shaaciyey iney go'aansadeen wixii hadda ka dambeeya inay si lacag la'aan ah wax uga barato Jaamacada Cabiir Abuukar Maxamed Daahiye oo ka tirsan ardayda Kuliyadda Caafimaadka taasoo labadeeda waalid ku weysay Musiibadii Zoope, waxaana munaasabadaas ay ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Israsaaseyn Dhimasho Iyo Dhaawac Sababtay oo ka...

$
0
0

Ugu yaraan hal Ruux ayaa dhintay sedax qof oo shacab ahna dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib iska hor'imaad xooggan oo maanta ka dhacay Ex-koontarool Afgooye.
duhurnimadii maanta ayay Ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka ku dagaallameen Ex-koontarool Afgooye, kadib markii uu khilaaf soo kala dhax galay.
Goob joogayaal ayaa sheegay in Ciidamada dagaallamay ay isku qabteen lacag laga qadayay Quri ku yaal agaasi, kadib markii Ciidamadii Guriga lacagta ka qadanayay ay kuwa kale oo iyana doonayay lacagta gurigaasi laga qadayay isku maan dhaafeen halkaasina ay ka dhalatay is rasaaseyn sababtay Dhimasho Iyo dhaawac.
Majirto Cid ka hadashay ilaa hada is rasaaseynta maanta dhaxmartay ciidamo ka wada tirsan Dowlada Soomaaliya.
Dagaalka noocan oo kale ayaa caadi ka noqday Fariisimaha Ciidamada Dowlada kadib marka ay is qilaafaan oo aynanan jirin cid kala dhax gasha ama ciqaab marsiisa Sarakiisha Hogaamisa Ciidamada Dagaalamay.
storvideo: 

Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle.
Hoos riix si aad u Dhageysato:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/war-ka-idaacadda-11.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/war-ka-idaacadda-11-... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/war-ka-idaacadda-11-... 539w" sizes="(max-width: 300px) 100vw, 300px" />

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/Warka-Duhur-Shabelle-271017.mp3
 
 
 
 
The post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle.

Xaaf oo u muuqda in ay heysato laba daran mid dooro

$
0
0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa u muuqda in ay heysato laba daran mid dooro, kadib markii Galmudug ay cabasho xoogan ka keentay rag ay ku sheegtay qaswadayaal oo ku soo qulqulaya Magaalada Cadaado, kana wada olole ka dhan ah maamulka uu hoggaamiyo (Xaaf).
Xaaf ayaa u muuqda in hal lug ay u taalo Muqdisho, halka lugta kalena uu kula jiro Cadaado, taasi oo aan kala jeedno in marka Muqdisho uu yimaado uusan fileyn in soo dhaweyn uu kala kulmo Dowladda iyo in marka uu Cadaado ka soo tago uu ka cabsi qabo in Doorasho la qabto sidaasina meesha looga saaro.
Magaalada Cadaado waxaa ku sugan Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaanada qaar ee ka tirsan maamulka oo aan u rooneyn Xaaf, maadaama ay xurguf ka dhaxeyso, lagana yaabo marka uu Hoggaamiyaha Galmudug yimaado Muqdisho in ay qabtaan Doorasho Madaxweyne.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Risaala u sheegay in Madaxweyne (Xaaf) uu Cadaado ka wado kulamo uu kula tashanayo xubnaha isaga u dhow, waxayna ka wada hadlayaan waxa laga yeelayo arrinta ku aadan shirka Muqdisho.
War-saxaafadeed Galmudug ka soo baxay maalin ka hor ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Golaha Sharcidejinta Baarlamaanka FS, Wakiilka Xoghayaha Guud QM ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedya DFS waxay kaga codsatay in culayska saaran Galmudug laga qaado, si ay uga soo qeyb galaan shirka Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Maxaad ka ogtahay labada arin ee xasaasiga u ah...

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]
storvideo: 

Gudoomiye Thaabit oo sheegay in Hal Wado Ay...

$
0
0

Thaabit Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa marka hore soo hadal qaaday Wadooyinka Muhiimka ah ee weli xiran iyo qorshaha kaga degsan Maamulka gobolka Banaadir.
Waxa uu qiray in ay jiraan Wadooyinkaas xiran isaga oo tusaalo u soo qaatay Wadada Tarabuunka iyo kuwo kale oo muhiim ah oo ay degan yihiin Safaarado balse qorshuhu yahay sida uu sheegay in dib loo furo.
Dhan kale waxa uu Gudoomiye Thaabit ka hadlay xadeynta Gawaarida nooca xamuulka qaada ee Habeen iyo Maalin mara Wadooyinka Muqdisho, iyo cabsida Shacabka kaga timid tan iyo wixii ka dambeeyay markii 14 Bishaan Gaari Weyn uu ku qarxay Isgoyska Zoobe kaas oo dhaliyay khasaaro badan.
Waxa uu sheegay in Gawaaridaas loo sameyn doono Wadooyin gooni ah oo ay isticmaali doonaan sida uu hadalka u dhigay.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Ancelotti oo Baddalaya Conte

$
0
0

Iyadoo shaki weyn uu ka jiro mustaqbalka tababaraha kooxda Chelsea Anotinio Conte ayay Chelsea bilowday inay sii carbuunadto macalinka badalka u noqon doono Conte, haddii uu kooxda ka tago.

Ancelotti oo Baddalaya Conte

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Iyadoo shaki weyn uu ka jiro mustaqbalka tababaraha kooxda Chelsea Anotinio Conte ayay Chelsea bilowday inay sii carbuunato macalinka badalka u noqon doono Conte, haddii uu kooxda ka tago.
Wargeyska The Sun ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in Carlo Ancelotti oo ah tababare u dhashay Talyaaniga uu dib ugu soo laaban doono kooxdiisii hore ee Chelsea marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.
Conte ayaa uga tagaya Chelsea khilaafaad dhinaca farsamada ah oo soo kala dhexgalay isaga iyo maamulka sare. Waxaa la filayaa inuu qabto xilka tababaraha kooxda AC Milan.
Ancelotti ayaanan wax shaqa ah hadda heyn, kadib marki laga soo eryay xilka tababaranimo ee Bayen Munich ee dalka Jarmalka bishi lasoo dhaafay.
Horay wuxuu usoo leyliyay kooxaha AC Milan, Chelsea, Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.
storvideo: 

Ra’iisul wasaare Kheyre oo la kulamay madaxweynaha Turkiga

$
0
0

Ankara ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalkaasi Rajib Dayid Ordugan.
Kulanka labada mas’uul ayaa la xariiray sidii dowladda Turkiga ay kaga qeyb qaadan lahayd dadaallada lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in madaxweynaha Turkiga ay isla soo qaadeen qoddobo dhowr ah oo ku aadan xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo sidii dowladda Turkiga ay gacan uga siin lahayd dagaalka cusub ee lala galayo Xarakada Al Shabaab.
Waxaana uu tilmaamay Ra’iisul wasaaruhu in dowladda Turkiga ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada sidii dib loogu soo celin lahaa lahaa Nabadda Soomaaliya.
Madaxweynaha dalkaasi Turkiga Rajib Dayid Ordugan ayaa uga mahadceliyay booqashadiisa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dowladda Turkiga ay sii laba jibaari doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.
Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladdii ugu horreysay ee gurmad caafimaad u soo dirta Muqdisho, kadib qaraxii 14 kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Mqudusho.
 
The post Ra’iisul wasaare Kheyre oo la kulamay madaxweynaha Turkiga appeared first on Shabelle.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live