Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Akhriso Qodobada ugu muhiimsan ee xoogga lagu saari...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Mugdisho uu ka furmo shirka madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Shirkan oo ay horay u iclaamisay dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa daba jooga shir ay dhawaan maamul goboleedyada Soomaaliya ku yesheen magaalada Kismayo, halkaa oo ay kaga dhawaqeen madal ay ku mideysanyihiin maamul goboleedyada Soomaaliya.
Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Gas oo ah hogaamiyaha madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya aya horay u sheegay inay aqbaleen casuumaada shirka Muqdsiho, ayna sidoo kale ka qeyb galayaan.
Shirkan ayaa waxaa uu noqoqnaya kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka tan iyo intii uu soo shaax baxay khilaafka u dhaxeeya labad dhinac.
Waxaana warraku ay sheegayaan in shirkani diirada lagu saari doono arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin

  • xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada
  • Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dib udhiska ciidammada Soomaaliya.
  • Dib u eegista dastuurka oo horay u baaqday .
  • siyaasadda arrimaha dibadda oo ah halka uu ka bilowday khilaafka soo kala dhexgalay maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe kadib markii qaar kamid ah maamulada Soomaaliya ay kasoo horjeysteen go'aanka dhexdhexaadnimada ee ay dowladda dhexe ka qaadatay xasaradaha ka aloosan bariga dhexe.
  • Dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya

Qaar kamid ah maamul goboleedyada ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe faragelin ay ku heyso maamulada. Waxaana Shirkan oo aan la ogeyn waxa kasoo bixi kara iyo inta maalmood ee uu qaadan doono lagu wadaa inuu ka qeyb galo ra'iisul wasaarha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo hadda safar shaqo ugu maqan wadanka Turkiga.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo kusoo qul...

0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo qul qulaya madaxda dowlad goboleedyada dalka oo qaarkood ay soo gaareen magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka uu ku casuumay madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Masuuliyiin katirsan dowladda ayaa madaxda dowlad goboleedyada dalka kusoo dhaweynaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, madaxdaas oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa).
Masuuliyiin katirsan dowladda ayaa SONNA u xaqiijiyey in laga u wado in galinka dambe ee maanta uu Muqdisho ka furmo shirka madaxwenaha Soomaaliya uu ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada dalka, kaasi oo looga hadlayo arrimo ay kamid yihiin la dagaalanka Argagixisada iyo wada shaqeynta dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada.
Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey u iclaamiyey in 28-ka bishaan Muqdisho uu ka furmayo shirka madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo arrimo badan lagu falanqeyn doono.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleGuuddoomiye Jawaari iyo wefdi uu hoggaaminayo oo u amba baxay Dalka Suudaan
Next articleR/wasaare Khayre oo safarkiisii Turkiga soo gaba gabeeyay

storvideo: 

Maxkamad Xukun ku riday dhalinyaro Soomaliyeed

0
0

Puntland Post-Maxkamad ku taalla magaaladda Frankfurt ee dalka Jarmalka waxa ay danbi ku heshay labo muwaadin oo dalkaasi udhashay oo ku biiray kooxo Islaamiyiin ah.
Maxkamadda ayaa qofka koowaad oo lagu magacaabo Abshir waxa ay ku xukuntay labo sano iyo toban bilood xabsi ah,kadib markii uu ku biiray ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.
Maxkamada ayaa sheegtay Abshir in uu 4 bilood uu ku tababaranayay Saldhig ay maamulaayen Al-shabab 2012-ka.
Saraakiil Ninkaan u doodeysay ayaa shaaca ka qaaday in Abshir uu xaalad caafimad uga soo baxay Al-shabaab uuna beeninayo in uu u dagaalamay dagaalamayaashoodi.
Dhinaca kale Maxkamada ayaa waxaa ay xukun Labo sano iyo Siddeed bilood ah ku riday muwadin Turkiyaan ah oo la sheegay in uu ka bar bar dagaalamay kooxda Daacish ee Syria
Sanadkii 2016-kii shan nin ayeey maxkamad ku taal dalka Jarmalka xukun ku riday,ka dib markii ay ku biiri rabeen ururka Al-Shabaab.Cabdiqani Boos Puntland Post
The post Maxkamad Xukun ku riday dhalinyaro Soomaliyeed appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Xaaf iyo Waare ma waxaa haya siyaasad xumo mise...

0
0

Markii Jubbaland ay wajaheysay loolankii siyaasadeed ee dowladdii Xasan Sheekh ee meesha ka saartay jiritaankeeda, waxa garabka ugu weyn ay ka heshay waxay ahayd maamulka Puntland, waxaana ka dhaxeeya isbaheysi siyaasadeed oo adag.
Sidaas darteed, isbaheysi kasta oo labadaas maamul dhex mara waa wax la fahmi karo, haba ku dhisnaado dano siyaasadeed, ama sida ay u badan tahay mid qabiil.
Waxaase is-weydiin mudan; isbaheysi ay madaxweynaha Galmudug Xaaf iyo kan HirShabelle Waare ay la galaan Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe, maxay tahay danta ugu jirta, haddii ay la galaanse, ma yahay mid ku dhisan dan guud oo labada dhinac ah, mise dhinac ayaa ku adeeganaya dhinac.
Waxaan arrintan is-weydiiyey markii aan arkay laba arrin. Tan koowaad, dhismaha golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo guddoomiye looga dhigay Gaas, ku xigeenna Waare, ayada oo xoghayaha guud ee golahaas uu qaatay Cabdi Cali Raage, oo ah maskaxda aqooneed ee Axmed Madoobe.
Marka ay noqoto urur, xoghayaha waa ka xoog badan yahay guddoomiye ku xigeen, mararka qaarna guddoomiyaha. Sidaas darteed side Xaaf iyo Waare ku aqbaleen in Axmed Madoobe iyo Gaas, ay qaataan labada xil ee ugu sarreysay golahaas, maadaama ay isku dhinac yihiin.
Waxaa macquul ah laba arrin midkood, inaysan fahamsaneyn qaab dhismeedka ururka iyo awoodaha shaqsiyaadka, iyo inay fahamsan yihiin oo ay raali ka yihiin, ayada oo Xaaf xilkiisa ay dowladda qashaadka gelisay uu ilaashanayo, halka Waare uusan kala jecleyn.
Waxaa taas ka darran Cali Cabdi Raage ayaa isaga oo sheegaya inuu wakiil ka yahay dhammaan maamul goboleedyada wuxuu isku dayey inuu gobolka Banaadir ka reebok a qeyb galka shirka madaxweyne Farmaajo ku casuumay maamul goboleedyada.
Gobolka Banaadir kama mid ah federaalka, hase yeeshee waxaa degan saddex milyan oo qof, oo u baahan matalaad, ay dhaafsiisay dowladdii tan ka horreysay.
Dadkan, marka ay noqoto nidaamka federaalka Soomaaliya ee qabiilka ku dhisan, waxaa matala xildhibaanada laga soo doortay HirShabelle iyo Galmudug, sidaas darted Xaaf iyo Waare waxay si dadban matalaad ugu yihiin dadka degan Muqdisho.
Haddii ay sidaas jirto, oo aan ognahay sababta Axmed Madoobe iyo Gaas ay caqabadda ugu yihiin gobolka Banaadir, sidee ayey Xaaf iyo Waare raali uga noqdeen in gobolka Banaadir gees loo riixo, oo uu riixo urur ay xubno ka yihiin, Haddii ayaga aysan u doodin gobolka Banaadir, yaa u doodaya.
Ma siyaasad xumo ayaa haysa mise dadnimo xumo?W/D: Cabdirizaak MuuseEmail: abdrizak1111@gmail.comAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan - Online. - Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada -@live.com Mahadsanid
storvideo: 

Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Muqdisho

0
0

PP - (Muqdisho): Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho.
Wafdigan waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdi Faarax (Juxa).
Madaxweynaha Galmudug ayaa qeybta VIP-da kulan gaar ah kula qaatay wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Faarax (Juxa), iyo xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda deeganada Maamulka Galmudug.
Magaaladda Muqdisho waxaa shalay soo gaaray Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh aadan, kaasi oo xalay ilaa shalay kulamo la qaatay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaliya.
Waxaa lagu wadaa sidoo kale in ay Muqdisho soo gaaraan Madaxda dhamaan Maamul Goboleedyada dalka ka jira oo lagu wado in galabta shir uga furmo Muqdisho.
Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Baaritaanka doorkii Ruushka ee doorashadii Mareykanka

0
0

Wararka laga helayo warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sheegaya in dacwadihii ugu horreeyay ee ku saabsan faragelinta la sheegay in dowladda Ruushka ay ku sameysay doorashadii ka dhacday Mareykanka sannadkii aynu soo dhaafnay loo gudbiyay waaxda dembi baarista ee Mareykanka.
Tallaabadan ayaa waxaa maalintii sabtida oggolaaday guddi garsoorayaal oo laga soo xulay dadweynha Mareykanka. Waxaana ilaa iyo iminka aan la ogeyn waxa dacwadan ay ka kooban tahay iyo dadka lagu tuhmayo.
Baaritaanadan oo uu horkacayo Robert Mueller ayaa bilowday bishii May ee sannadkan, waxaana guddigan ay shegeen inay baarayaan suurta galnimad in Ruushka uu farageliyay doorashadii Mareykanka iyo in kooxdii ololaha doorashada ee madaxweyne Trump uu wax xiriir ah kala dhaxeeyay xukuumadda Moscow.
Madaxweyne Trump ayaa jimcihii aynu soo dhaafnay sheegay in wax xiriir ah oo qarsoodi ah uusan kala dhaxeynin Ruushka, waxaana sidoo kale eedeymahaasi beeniyay dowladda Ruuhska.
storvideo: 

Baaritaanka doorkii Ruushka ee doorashadii Mareykanka

0
0

Wararka laga helayo warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sheegaya in dacwadihii ugu horreeyay ee ku saabsan faragelinta la sheegay in dowladda Ruushka ay ku sameysay doorashadii ka dhacday Mareykanka sannadkii aynu soo dhaafnay loo gudbiyay waaxda dembi baarista ee Mareykanka.

Aqoon yahan Mohamed Suldaan Saleebaan Ali ayaa si...

0
0

Aqoon yahan Mohamed Suldaan Saleebaan Ali ayaa si rasmi ah u caddeeyey in uu hiil u yahay xisbiga Waddani
Waxa Daabacay staff-reporter on Oct 28th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Mohamed Suldaan Saleebaan oo ah wiil uu dhalay Suldaanka guud ee beelaha Samarroon Suldaan Saleebaan Ali, oo xilligan deggen dalka Sweden ayaa shaaciyey in uu taageeradiisa siyaasadeed la bar-bar joogsaday xisbiga Waddani.
Ku taageerada iyo ku biiristan Mohamed Suldaan Saleebaan uu ku biiray xisbiga Waddani, ayaa ah mid muddaba la filayey, waxana uu noqonayaa shakhsi xisbiga iyo taageeradiisaba kaalin mug leh ka qaata. Sidoo kale isaga iyo shakhsiyaad kale oo miisaan leh ayaa noqon doona mus-danbeedka xisbiga ee jiidaha galbeedka.

Aqoon yahan Mohamed oo immiga wax ka dhiga dugsiyo ku yaalla dalka Sweden oo khadka telefoonka aan kula xidhiidhanay, ayaa noo soo diray qoraal gaaban oo uu ku qoran bartiisa FB uu ku leeyahay.
Qoraalkiina sidan ayuu u qorraa:
Walaal la helyaaba hinniini=====================================Maanta oo ay taariikhdu tahay 27-10-2017 waxan si toos ah ugu biiray xisbi xaakimka soo socda ee Wadani____________________________________________Taariikhda waa markii iigu horeysay ee aan ku biiro xisbi ka mid ah xisbiyada siyaasadda Somaliland.Sababta ugu weyn ee aan maanta siyaasadda ugu biirayaa waa dadkaygii reer Somaliland oo ku gudo jira ololaha doorashada ee lagu soo dooranayo hogaamiyayaashii dalka xukumi lahaa (5) shanta sano ee soo socota.Markaan darsay, qiimeeyey siyaasadda (3) saddexda xisbi ku tartamayaan, waxa ii soo baxday in xaq iyo baadil tartamayo. Sidaa darteed maanta laga bilaabo waxan ku biiray xisbiga rajada shacabka ee d. Waxanan halkan ka cadaynayaa in wixii talo iyo tusaale aan hayo ku biirin doono xisbiga Wadani.Waxan halkan fariin dardaaran ah uga dirayaa dhammaan dadka wax garadka ah ee aanu talo wadaaga nahay.Walaalayaal waxa maanta tartamaya xaq iyo baadil. Waxa inagu waajib ah in aynu u hiilino xisbiga Wadani ee ay hogaaminayaan sama-wadaaysha Dr- Cabdiraxmaan Cirro iyo Amb- Maxamed Cali.Dani waa seeto walaalayaal, ee yaanay ina seegin maanta.Fadlan u codeeya xisbiga Wadani.Guul WadaniMaxamed Suldaan SaleebaanSweden
Awdalpress
This post has been viewed 55 times.
storvideo: 


UPDATE: Death toll from Mogadishu blasts rise to at least 13

0
0

The death from twin car bombings in Somalia’s capital Mogadishu has risen to at least 13 people, including a Police commander and former MP.
The attack began with a car bomb exploded at the gate of Nasa Hablod Two hotel in Mogadishu’s Hamarweyne and was followed by a second car bomb in minutes later.
Reports said gunmen stormed the building following the 1st blast, and are fighting inside as Somali security forces trying to end the deadly siege.
Al Shabaab has claimed credit for the attack, according to a statement from the militant group posted on its affiliated websites.
This is developing story – more to come soon.
The post UPDATE: Death toll from Mogadishu blasts rise to at least 13 appeared first on Shabelle.

Warkii ugu Dambeyey ee Qaraxyadii Muqdisho

0
0

Kooxo hubeysan ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday hotel Naasa-hablood Laba oo ku yaalla degmada Xamarweyne, gelinkii dambe ee maanta.

Dhallinyaro Taageersan Kulmiye oo Weeraray Hoyga Cirro

0
0

Koox dhalin yaro oo tageerayaal u ah xisbiga Kulmiye, ayaa xalay isa soo hor dhoobey hoyga guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, kuwas oo lagu eedeyay inay dhagxaan ku tuureen hoyga guddoomiyaha oo xilligaasi ka maqnaa.
Sidoo kale, waxay cidiamada rasaas ku kala eryeen dhalinyaradii qaarkeed oo la sheegey in ay ciidamada boolisku soo xireen haddana su'aalo ay ku socdaan.
Guddoomiyaha kumeel gaark aah ee xisbiga Waddani ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somaliland, C/qaadir Xaaji Ismaacil Jirde, ayuu Jamaal Axmed Cismaan uga waramay sidey wax u dhaceen.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:04:55
0:00:00 /0:04:55
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Maleeshiyaad weli ku jira Hoteel Naasa-Hablood 2 iyo...

0
0

Muqdisho (- Online) - Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday Hoteel Naasa-Hablood Two, oo ku yaalla Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.
Gudaha Hoteelka ayaa waxaa laga dhexmaqlayaa rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayaan maleeshiyaadka ka dhex dagaalameysa gudaha Hoteelka iyo ciidamo ka tirsan dowlada oo ku hareereysan Hoteelka.
Ciidamada ku hareereysan Hoteelka ayaa la sheegayaa in laga soo rasaaseynaayo dariishadaha Hoteelka, waxaana xusid mudan in maleeshiyaadka ay leyrarka u dansadeen Hoteelka.
Cumar Cabdiraxmaan oo kamid ah Saraakiisha ku sugan goobta ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaadka ay ka dhex dagaalamayaan Hoteelka, isla markaana ay dansadeen leyrarka Hoteelka si aan loogu gurman dadka lagu dhex heysto Hoteelka.
Sarkaalkan ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay dariishadaha Hoteelka kasoo tuurayaan Bam gacmeed, waxa uuna xaqiijiyay in ciidamada dowlada ay ku adkaaneyso inay galaan Hoteelka maadaama uu mugdi yahay gabi ahaan Hoteelka.
Waxa uu sarkaalkan sheegay in gudaha Hoteelka laga maqlaayo dhawaqa dad loo badinaayo inay yihiin kuwa lagu dhex heysto Hoteelka, hase yeeshee aysan qaadi karin talaabo cad maadaama Hoteelku yahay mugdi isla markaana ay maleeshiyadu tuureyso Bam gacmeedyo iyo rasaas aan loo meel dayin.
Ciidamada amaanka oo ku hareereysan Hoteelka ayaa dadaal ku bixinaaya sidii ay kusoo afjari lahaayen dagaalka ka dhex socda gudaha Hoteelka.
Khasaaraha dhimasho ayaa la sheegayaa inuu kor u dhaafayo 14, halka dhaawacuna uu gaarayo ilaa 20 oo la kala gaarsiiyay xarumaha caafimaadka.
Dhinaca kale, Meydad go' go' ay ayaa weli tuban afafka hore ee Hoteelka, iyadoo gudahuna uu yahay mid ay is dul yaalan meydadka iyo dhaawacyada.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

DAAWO SAWIRRADDA: Qaraxii ka dhacay Hoteel Naasa...

0
0

Halkaan ka dhageyso wareysiga
Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Sawirro cusub: Burbur xoogan oo ka dhashay Qaraxii...

0
0

Muqdisho (- Online)-Burbur xoogan ayaa ka dhashay Qaraxyadii is xigxigay ee ka dhacay Hoteel Naasa-Hablood oo caawa ay ka dhex dagaalamayaan maleeshiyaadka Alshabaab.
Burburka xoogiisa ayaa ka dhacay afafka hore ee Hoteelka oo uu ku Qarxay gaarigii hore waxaana halkaa laga qaaday meydadka ku dhawaad 7 ruux oo u badnaa dad shacab ah oo wadada maraayay iyo Ilaalada Hoteelka.
Burburka ka dhashay Qaraxa ayaa waxaa kamid ah gaadiid raax iyo kuwo ay wateen mas'uuliyiinta degan Hoteelka kuwaa oo yiilay halka lagu baakimo gaadiidka.HOOS KA DAAWO QAAR KAMID AH SAWIRADA BURBURKII KA DHASHAY QARAXII KOOWAAD

storvideo: 

Daawo khasaaraha xooggan ee ka dhashay qaraxyadii...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii ka dhacay Hoteel Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho, Waxaana sidoo kale uu Qaraxu Saameeyay Goobo Gacansi oo ku dhowaa iyo Hotelka Central.
Qaraxyada iyo rasaasta ayaa waxaa ku dhintay mas'uuliyiin uu kamid yahay Xildhibaan hore C/naasir Gaarane iyo Taliyihii Booliska degmada Dayniile Maxamed Yuusuf Fanax oo horay u soo noqday Taliyaha Booliska degmada Yaaqshiid.
Goob jooge ku sugan goobta ayaa sheegay inay dad badan ku Nafwaayeen Qaraxa, Wuxuuna sheegay inay dhimashado gaadhayso ilaa 20-Ruux, Isagoo ka waramay sida wax u dhaceen.
[embedded content]
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


UPDATE: Death toll from Mogadishu blasts rise to at...

0
0

The death from twin car bombings in Somalia's capital Mogadishu has risen to at least 13 people, including a Police commander and former MP.
The attack began with a car bomb exploded at the gate of Nasa Hablod Two hotel in Mogadishu's Hamarweyne and was followed by a second car bomb in minutes later.
Reports said gunmen stormed the building following the 1st blast, and are fighting inside as Somali security forces trying to end the deadly siege.
Al Shabaab has claimed credit for the attack, according to a statement from the militant group posted on its affiliated websites.This is developing story - more to come soon.
storvideo: 

Khasaaraha Weeraradii Hotel Nasa-Hablod Laba oo...

0
0

Muqdisho (PP) - Saraakiil ka tirsan booliiska Somalia oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay weerarradii Hoteel Nasa-hablood laba oo ku yaalla degmaad Xamar-weyne ee Muqdisho inay kor u dhaafayaan 20-qof, dhaawucuna uu intaas ka badan yahay.
Weerarkan ayaa dadkii ku dhintay waxaa ka mid ah xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaankii hore ee Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabi jiray C/naasir Gaarane, sidoo kalena waxaa ku dhintay sarkaal ciidan oo aad loo yaqaanay.
Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarkan ayaa weli ku dhex jira hoteelka, halkaasoo la sheegay inay kula dagalamaayaan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia.
Hay'adaha ammaanka Dowladda Somalia ayaan si rasmi ah weli uga hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkaas, waxaase ay sheegeen inay ka wabixin kasoo saari doonaan marka hawl-galkooda ay soo af-jaraan.
Qaraxyada lagu weeraray hoteelka Nasa-hablood laba ayaa si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho, waxaana qarxyadan ay mar kale dambqiyeen qalbi-jabkii shacabka kasoo gaaray weerarkii Isgoyska Zope ee Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen dad ku dhaw 400-qof.
Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegay in sababta ay u weerareen hoteelka Nasa-hablood ay tahay inay deggenaayeen mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia iyo inuu leeyahay Wasiirka Amniga Somalia Ducaale, inkastoo aanu Wasiirku ka hadlin sheegashada Al-shabaab.
Ugu dambeyn, Hoteel Nasa Hablood Laba ayaa ku yaalla Dhismihii hore ee Safaaradii Shiinaha ee Somalia, isagoo ku dhaw Hoteelkii hore ee Shabeele, waana goob aad u mashquul badnayd, inkastoo ay horay khataro badan ula kulantay, balse weerarkan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee Hoteelkaan lagu qaado.DAAWO: SAWIRRADA WEERARKII HOTEEL NAASA-HABLOOD LABA EE MUQDISHO;PUNTLAND POST
The post Khasaaraha Weeraradii Hotel Nasa-Hablod Laba oo Kordhay iyo Rasaas weli la Maqlayo appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Sawiro: Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) -Waxaa maanta gelinkii dambe Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Casir iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee maamulkaas.
Safarka ay mas'uuliyiintaan ku imaadeen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sabab u ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo casuumaad u sameeyey si arrinta Galmudug loogu dhameeyo wadahadal.
Dowladda Soomaaliya ayaa Mas'uuliyiintaan dajisay meel ay u diyaarisay, waxaana la filayaa inay dhawaan ka qeyb galaan kulan uu Madaxweynaha hoggaaminayo oo loo qaban doono madaxda Galmudug ee is khilaafsan.
Madaxda Galmudug ayaa is khilaafsanaa muddo, waxaana dowlada Soomaaliya lagu eedeeyey inay iyada sabab u aheyd Khilaafkaas sida uu sheegay Madaxweyne Xaaf.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa maanta isna soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna ka qeyb geli doonaa Shirka madaxda Maamul Goboleedyada Berri uga furmi doono Magaalada Muqdisho
Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada:
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo si kulul uga hadlay Qaraxyada...

0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeynaaya muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii argagixisada ahaa ee lala beegsaday Hoteel Naaso hablood.
Madaxweynahu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday weerarkaas arxan darrada ah.
" Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Janadiisa ku manaysto, dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee lagu laayey weerarkaan. Intii dhaawacanta iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in Alle uu siiyo caafimaad deg-deg ah."
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay weerarkaan mid ay doonayso argagixisada Alshabaab in ay ku cabsi galiso shacabka Soomaaliyeed ee ku baraarugay musiibadii 14ka Oktoobar, taas oo horseedday midnimo iyo istaakulayn ay muujiyeen shacabku dal iyo dibadba.
"Waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee is garab-istaagay xilligii adkaa iyaga oo muujinaya sida ay uga go'antahay in ay ka qayb qaataan abaabulka lagu nabadaynayo dalka."
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in falalka noocaan oo kale ah aysan marnaba niyad-jab ku noqonayn qorshayaasha iyo howlgallada dowladda ay kaga hortagayso dhibaatada ay ku hayaan shacabka argagixisada Alshabaab.DHAMMAADXasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post
The post Madaxweyne Farmaajo oo si kulul uga hadlay Qaraxyada iyo weerarada ka socdo Muqdisho appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Muqdisho:-Mid ka mid ah raggii hubaysnaa oo isku...

0
0

Wararka Muqdisho laga helayo iminka oo ay beegan tahay saacadda Soomaaliya abaare saqdhexe 2:00 PM ayaa sheegaya inuu isku qarxiyay ciidanka mid ka mid ah raggii hubaysnaa ee gudaha u galay Hotelka Naasa-hablood.
Ku dhawaad 10 ka mid ah ciidanka nabad sugida Alfa Group iyo sarkaal taliye u ahaa oo lagu magacaabo Guuleed ayaa dhintey ka dib markii uu iska soo tuurey dabaqa kore mid ka mid ah raggii hubaysnaa oo sida la sheegay isku qarxiyay xilli ay qaar ka mid ah ciidanku hoosjoogeen dhismaha hotelka sida uu u xaqiijiyay PUNTLAND POST sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya.
Hawlgalka lagula dagaalamayo kooxda gudaha u gashay Hotelka ayaa sii xoogeystay, waxayna sheegeen masuuliyiin u hadlay Dowladda Federalka Soomaaliya inay soo afjari doonaan saacaddaha soo socda, wallow uu u muuqdo mid sii socon doona saacado badan .
Weerarka Alshabab ku qaaday Hotelka Naasa-hablood sida la xaqiijiyay dadka ku dhintay waxaa ka mid ah Wasiirkii Arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow, Xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamanka Soomaaliya, Saraakiil iyo Dad shacab ah oo kor u dhaafaya 30 qof.
Sidoo kale dadka kasoo badbaaday dhismaha hawlgalku weli ka socdo waxaa ka mid ah Siyaasi Salaad Cali Jeelle, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Saalim Caliyoow Ibrow iyo Cabdulaahi Cumar Bootaan.
Ciidamada ka qeybqaadanaya hawlgalka ka socda Hotelka Naasa-Hablood ayaa soo badbaadiyay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Saalim Caliyow, Halka Siyaasi Salaad Cali Jeelle iyo Cabdulahi Cumar Bootaan goor dambe oo saq dhexe ah ay kasoo dhaceen mid ka mid ah daaqadaha dhismaha hotelka Naasa-Hablood.
Si rasmiya looma xaqiijin karo baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarka shalay galab lagu qaaday Hotelka , waxaana weli socda hawlgalka lagula dagaalamayo kooxda gashay gudaha oo sida la rumaysan yahay dad badan laayay ka dib qaraxyadii ka dhacay Afaafka horre ee Hotelka Naasa-hablood.Kala soco faahfaahinta PUNTLAND POST.
The post Muqdisho:-Mid ka mid ah raggii hubaysnaa oo isku qarxiyay ciidanka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live