Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

SAWIRKA MAANTA. Nin Dameerkiisa Oo Bukooday Riixaya

$
0
0

 
Sawirka Maanta ay Caalamiga ah ee Oodweynenews idiin soo gudbinayso,waa  sawir  ka turjumaya NAXARIISTA. ninkani markii uu ka bukooday dameerkii u shaqaynayay isagii ayaa ku riixaya gaadhigii  intuu   saaray, Sawirkan oo runtii  aad cajiib u ah isla markaana dad badani la yaabayaan , Hadaba waxaan filaynaa maanta inay  sawirkan sharaxaad ka bixin doonaan asxaaabta Sawir Hadhsato, Maxay idinla tahay?  DAAWASHO WACAN.

SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS


Waxaan aad ugu farxay markan Arkay calaamad lagu sameeyay Egal airport oo runtii wax wayn Katari doonta musuqa aafeeyey Wadanka, W.Q abdiqani salaf

$
0
0

 
Waxaa aad u muhiima in meel walba oo xafiis dawladeed ah lagu qoro telefonada masuuliyinta
Sare ee xafiiska ama hayada ama wasarada etc.  Waayo wax badan ayay wax ka taraysa in ay yaranto
Dadka lagu dhibaateeyo shaadhka dowlada iyo wax ka qabashada sidii loo yarayn laha musuqaa wadanka daashaday ee xafiis walba iyo haayad kastoo dowliya yaala sideedabana waxa caalamka
 
Laysku dhaafay (signs) ama calaamado ama qoraalo lagu qoro meelkasta oo ka turjumaya sida loola
Macaamilayo ama loola dhaqmayo xafiis hanoqoto ama qaybaha kala duwan ee dowlada iyo hayadaha kala duwan ee dalku leeyahay inkastoo ay somalidu tahay dad (oral sociaty) ama dad in wax hadal loogu sheego wax ku fahmi kara tusaale dee caalamka waxa la raaca uun hadaad marayso
 
Wado (traffic signs) hadii xita aad xafiis ku dhex jirto waxad raacaysa wa signs iyo calaamado wax kutusinaya adigoon cidna wax waydiin calaamadahaas oo (international) ah oo hadad china tagtana aad fahmi kartid hadad gelbeedka tagtana fahmi karayso oo yagu ku hagaaya meelkasta aduunka ad katagto hadaba somalidu way ka duwantay dadka kale  xitaa haduu (sign board) hortaagan yahay waxuu ka jecelyahay inuu qof wax waydiiyo taasuu ku qancaya wana sababta ay somalidu u noqotay rer wax sheeg hadana hadii labaro looguna dadaalo waxwayn ayay utari lahayd waxa laga yaba inuu nin xafiis kugu dhibo lakin aanad garanayn meel looga dacwoodo simply hadii dushiisa (cctv camera) ku xirantay ama telkii laga wacaayey kii ka sareeyay waxa laga yaba inuu boqo oo aanu laaluush ku waydiin ama aanu ku dhibin ee shaqadaada ku fududeeyo isagoo u baqaaya in shaqadiisa waxyeelo soo gaadho ama la eryo hadaba arintan wa arin muhiimadeeda u leh horumarka dalku gadhi karo wana arin si fudud lagula dagaalami karo musuqa wadanka aafeeyey
 
Waxaan manta ka arkay saxaafada sawir laga soo qaaday airportka hargeisa  (sign board) ama samuurad ku tala oo ku qorantahay hadi aad  dhib kala kulanto airportka soo wac maareeyaha iyo kuxigeenkiisa wan ku farxay wa arin wanaagsan wayo waxan xasuustay mar airportka hargeisa lay igu dhibay oo xita lacag laygu wadiistay laalush ah taasoo hadii ay sida maanta ku qoranan lahayd samuurad laga helayo telefona madaxda kala duwan aan u caban laha lakin nasiib daro waqtiga mayjirin wana arin cusub oo wax tarkeeda leh meel walba oo xafiisa wa in lagu qora qoraaladas ay ka muuqdan telefonada madaxda waliba waa in lahela telefonada hayada musumaasuqa ladagaama wa haday wax qabanayaane wa arin lacag aad u yari ku baxayso hadana wax tar wayn uleh bulshada wadankana lacag laga dhici jiray usoo xarayn karta
 
Gunti iyo gabo gabadii anagu mucaarid ahaan wax kastoo wanaagsan oo soo kordha ama talaabo kasta oo dhanka wanaagsan loo qaado wa soo dhawaynaynaa ishallah wayo mucaaridku wuxu raba wadanku inuu hagaago wana sababta loo sameeyay mucarid iyo muxaafid.

 
Allaa mahad iske leh dhamaanteed
 
Abdiqan ibrahim salaf(kaptanka)
Political activist
South africa cape town
captainsalaf@hotmail.com
abdiqanisalaf@facbook.com
———————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla,
 

Madaxweyne Siilanyo oo La Filayo Inuu Beri Kuwaa Bariisto Magaalada Burco iyo Amaanka Magaalada oo Si Weyn Loo Adkeeyay

$
0
0

 
Burco-(OWN)-Warar lagu kalsoonyahay oo ka soo bixiya ilo xidhiidh dhaw la leh madaxtooyada Somaliland ayaa laga soo xiganayaa in maalinta Beri ah uu ku soo beeganyahay magalaada Burco wefti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxweynah Somaliland Axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay ka mid yihiin qaar ka tirsan golihuusa wasiirada.
 
Waxaana la filayaa in safarka madaxweynaha oo ku koobnaan doona magaaloyinka Burco iyo oodweyne uu qayb ka yahay safarada aan hore loo shaacin in madaxweynuhu sida kediska mudooyinkii ugu danbeeyayba ugu baxayay Gobolada iyo Degmooyinka Dalka. 
 
Iayadoo ay taasi jirto aya waxaa arintani si weyn looga dareemayaa magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer iyadoo  xiligani habeenimada la yareeyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha magaalada iayadoo intaasi ay dheertahay in magalaada Lagu daadiyay ciidamo tiro badan oo maratka qaar baadhitaano ku samaynaya cid ale iyoi cidii ay ka kashakido. 
 
Ugu danbaytiina Bulshada Gobolka Togdheer ayaa labadii maalmood ee u danbeeyayba si weyn u hadalhayay imaanshaha madaxweynaha waxaanay arintani noqonaysaa markii ugu horaysay ee madaxweynuhu tago magaalada Burco tan iyo waqtigii uu ku guulaysatay Doorashadiimadaxtinimada ee dalka ka qabsoontay kal hore taasi oo magaalada Burcuna ka mid ahayd meelihii uu codka badan ka helay madaxweynuhu.

Maxamed Cawad Maxamed 
Oodweye News/Burco Office
E-mail:cawad05@hotmail.com

Hatahriibin Canabey. MAANSO cusub, By: Siciid cabdilahi‏

$
0
0

 
Maansadan kooban ee  lamagac baxdey Hatariibin canabay) waxaa iska leh  Siciid cabdilaahi, waxanay soo baxday  7\oktober 2011, 
 
Afeef majirto cidgara oo loojeedaa . halqabsiguna waa  erey bixin iyo abwaan caadadii, waxaanay midhahani igudhasheen markii aan arkay sawirka Hablo meel cidlo ah hurda oo diif iyo dal farabadani kamuuqdo:
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu:
Hablihii carfoonaa
casarkii markaytay
dugsiyada camirijiray
miyaacawnkan loogalay
Cadow aan tudhaynoo
ciil kaaga qabay baa
ku calaashan doonoo
lafahaaga cunayoo
cidla kaahelaayee
canabay walaaley
cimrigaa haraagoo
rabi kuma cadaabee
Hatahriibin Canabay,
 
Curdin soobaxaad tahay
cagaar iyo  manbaatahay
caashaqaad ku wacantay
mida loo cugtamayee
lacaleemosaareee
Rag cajebisay baad tahay
Canabay  hatow odhan
Culays kuuma soo hoyan
denbi aad lacarartana
cimrigaaba maad gelin
cawo iyo ayaanay
canabay walaaley
cuqdad baan kaqaadee
camalkaa  hafara gelin
caradaada  ku ekow
caafimaad kunoolow
cadceed kuumaquudheen
cabaar inaad lugeysana
cimriyaygay mataliyeen
Haraad kuguma ciileen
Adigaan cabaar qadin
cunto li i, kusocon abid
kacaweynin jeel carab
nafta lama cadaabee
hatahriibin canabay
cidla in aan kuhoyata 
waa camal tahriibeed
cadowgaagu badanaa
cadaan iyo madowbaleh
inay kugu casheeyaan
sidii bahal kucaydhshaan
cagta kuma fogaatidi
cunaa kudhagaanoo
kucalaashadaanoo
cuqdad kugu abuuraan
waa caadadoodee
caradaada joogo
calafkaaga  maad sugi
waxba yaan cataabini
curadyahay warbaa jira
ciirsi kaad kadhigata
cadow kaaga tegayoo
kucajiimi doonee
canabay walaalay 
cimrigaa haraagee
ceebta lama jecleystee
camalkaa ka dheerow
Hadiikale  cajuustii
cidla seexataa noqon.

Wscwrwr
  Siciid cabdilaahi
dalmarswed12@hotmail.com
———————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla,

Allaha U Naxariiste Waxaa Maanta Magaalada London Ee Cariga Ingriiska Ku Geeriyootay Fanaanada Caanka Ee Soomaaliyeed Faadumo Qaasim Hilowle

$
0
0

Oct 6, 2011 (Idhanka) – Faadumo Qasim oo aheyd fanaaniinta caanka ah ee Soomaaliyeed gaar ahaan fanaaniinti hobolada Waaberi goor dhaweyd oo barqadi ah ku dhimaray London ee dalka Ingiriiska.
Dhimashada fanaanada ayaa waxa ay ka danbeysay kadib xanuun ay baryahan la jiiftay waxaana geerideeda xaqiijiyey xubno ka mid ah qoyskeeda oo iyana ku sugan magaalada London.
Faadumo Qaasim ayaa weyn kasoo ciyaartay masraxa iyo fanka Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa heesaha kala duwan sida jaceylka, wadaniga iyo heesaha talan taaliga ee ay raga la qaadi jirtay.
Waxa ay si gaar ah caan ugu aheyd heesaha banaadiriga ama xamariga qofba sida uu u yaqaano oo ay ka aheyd fanaanada koowaad, iyadoo marka laga hadalayo dhanka raga ay inta badan lasoo qaaday heesaha fanaaniinta kala ah Axmed Naaji Sacad iyo Aweys Qamis Cabdalla Mabuuse.
Taageerayaal badan ayey ku laheyd masraxa Soomaaliyeed, waxaana heesaheeda kuwi ugu macaanaa laga xasuustaa, Ideey Igaar yahoow, Xabiibi, Ceelka Soo Jiid, Dalkeygoow, iyo heeso  oo fara badan.
Alla ha u naxariistee Faadumo waxaa ay kasoo jeeday qoysk caan ku ahaa fanka, waxaana dhalay fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Qaasim Hilowle kaasi oo ka mid ahaa dadki ugu horeeyey ee fanaaniinti Soomaaliyeed.
Mid ka mid ah wiilasheeda ayaa isna ah muusikiiste horyaal u ah raga garaaco muusikada, waxaana uu hada garaacay inta badan heesaha ay qaadaan fanaaniinta ku sugan dalka Ingiriiska.
Dhamaan shaqaalaha Shabakadda Warbaahinta Idhanka waxay Tacsi tiiraanyo leh u diraanyo leh u diraayaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Allaahna Janadii Fardoowso ka waraabiyo AAMIIN …AAMIINA

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Urur Siyaasadeed Cusub (WADANI) Oo Ay Xubno Ka Yihiin Raxan Xildhibaano Hore Uga Tirsanaa UCID

$
0
0

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hogaaminaya ku dhowaad labaatan xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada, isla markaana u baddan xubnihii golahaa kaga jiray xisbiga mucaaridka UCID, isla markaana ka mid ahaa garabkii
isbedel doonka ee dhawaan shaaciyay inay ka baxeen xisbiga UCID, ayaa maanta Xaflad balaadhan oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo la magac baxay Wadani.

Xafladii loo sameeyay wanqalka urur siyaasadeedkan cusub ee WADANI, waxa kasoo qeyb galay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada, xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada, xubno ka mid ahaa garabka ka baxay UCID, masuuliyiin kale, taageerayaal iyo marti sharaf kala duwan.
Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Ururkan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo furitaankii wanqalka ururka ka jeediyay khudbad dheer ayaa ka waramay asbaabaha ay uga digo rogteen xisbiga UCID, iyo waxa ururkani kaga duwan yahay axsaabta kale.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay ururkan wax ka aasaaseen tobaneeyo Xildhibaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada kaga jiray Xisbiga UCID.
C/raxmaan Cirro khudbad dheer oo uu ka jeediyay xafladaa ayaa u qornayd sidan:-
“1. Hordhac
a. Bisimilaahi raxmaani raxiim, Alxamdulillaah, Wassalaatu Wassalaamu Calaa Rasuulillaah……….
b. Mudanyaasha Golaha Gurtida, Mudanyaasha Golaha Wakiilada, Madaxda Axsaabta Qaranka, Sulaadiinta,Cuqaasha, Madaxda Axsaabta Qaranka, Culimaaudiinka, Siyaasisiyyinta iyo aqoonyahanka, Ururadda Bulshadda, Ururada aan dawliga ahayn, Haweenka , Dhalinyaradaa, saxaafadda iyo dhamaan marti sharafta Mudanayaal iyo Marwooyin waxaan idinka salaamayaa salaanta islaamka Salaamu calaykum wa raxmatulaahi wa baraakatuhu waxaanan si kal iyo laaba, qalbi muran, waji furan iyo niyad wanaagsan idiin ku soo dhawaynayaa walqasha urur-siyaasadeedka WADANI.

Barigii aynu dhalinyarada ahayn, inta i leeg baan sheegya, marka filim la galo ee uu dhamaanayo waxa hordhac la iska tusi jirya filimka habeen dambe la dhigayo waxaana la odhan jiray boorsaminto. Kulanka maanta waxa uu hordhac u yahay shirweynaha urur siyaasadeedka WADANI, oo aan fillimkii idiin soo bandhigi doono.

Mudanyaal iyo marwooyin

Maanta maalin wax ka sheeg maaha. Markaas annigu cidna wax ka sheegi maayo.
Tobankii sano ee dambeeyey waxaan ka mid ahaa asaasayaashii iyo madaxda Xisbiga UCID waxaanse hortiina ka cadeynayaa inaan maanta iska casilay xilkii aan ka hayey iyo xubinamdii Xisbiga UCID kana mid ahay aasayaasyaasha urur siyaasadeedka WADANI, markaan eegay Qod 5aad Faq 9aad, Qod 9aad Faq 2aad, Qod 9aad Faq 4aad, Qod 10aad, Qod 24 Faq 1aad iyo Qod 24 Faq 2aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxsaabta Siyaasadda lana tashaday garyaqaano oo ii cadeeyay in talaabadan aan qaaday ay waafaqsantahay Dastuurka iyo Xeerarka JSL (Reference President EGAL).

Sidoo kale doodo dhaadheer ka dib, waxa mudanyaasha Golaha Wakiilada JSL ee ka soo baxay UCID, oo aan ka mid ahaa , aan magacyadooda ku dhawaaqi doonaa go’aansadeen inay iska casilaan xubinamdii iyo xilalkii ay ka hayeen Xisbiga UCID kana mid noqdaan aaasayaasha Urur siyaasadeedka WADANI,

Md Bashiir X Xuseen Tukaale
Md Xaashi Xussen Caabi
Md Xuseen Maxamed Cigge
Md Ibraahim Mahdi Buubaa
Md Cabdulqaadir Askar Xasan
Md Mahdi Cabdilaahi Maxamuud
Md Maxamed Baaruud Shide
Md Faarax Maxamuud Cabdulle
Md Siciid Maxamed Cilmi
Md Maxamed Faarax Qabile
Md Muuse Maxamed Ismaaciil
Md Maxamed Jaamac Cali Guuleed
Md Jaamac Xasan Adan
Md Nasir Xaaji Cali Shire
Md Cabdilaahi Axmed Yuusuf


BACKGROUND

2. Sababaha Dhalashada WADANI
a. Ka garnaqii khilaafkii UCID, waxa Maxkamadda Sare JSL ka soo saartay Go,aan u qoraa sidan:
• Waxay go’aamisay in dhamaan hay’adaha Xisbiga UCID ee lagu doortay shirweynihii 2aad ee Xisbiga 27/6/2006 ay muddo dhaaf yihiin jiritaanka xaaladooda qaanuuneedna ay tahay mid ku meel gaadh ah inta laga qabanayo shirweynihii Xisbiga.
• Waxay maxkamadu go,aamisay in shirweynaha 3aad ee Xisbiga la qabto , laguna qabto muddo saddex bilood gudahood ah oo ka bilaabmeysa maalinta go,aankan lagu dhawaaqo, waxaanu shirweynuhu ka koobnaanayaa xubnihii ka qayb galay shirweynihii 2aad inta ka nool.
b. Waxaa go’aanka maxkamada ku cadaadinay jirin cid gaar oo loo xukumay ama la siiyey Xisbigii UCID.
c. Waxaad mudanayaal iyo marwooyin la socoteen go,aanka ka dib in aqlabiyad hogaankii, fulintii , Golihii dhexe, masuuliyintii Gobolada iyo laamaha dibedda ee UCID is casilayeen si joogta ah oo ay ugu dambeysay mudanyaashii Golaha Wakiilada ee UCID
d. Waxaan ku qanacnay in xaaadaha qaarkood danta Qaranku ka mudan tahay wax kasta.
e. Taas darteed waxaan ku qanacnay in go,aanka maxkamadda Sare JSL iyo Go,aan asaaska urur siyaasadeedka WADANI tixgeliyey kana horeysiiyey danta qaranka wax kasta.
f. Go aanka lagu aasaasay urur siyaadadeedka WADNI wuxuu ahaa mid loogu tudhayna Dalka iyo Dadka una danaynayna xasiloonida iyo wadajirka bulshada Somaliland.
MISSION
3. Muxuu u taaganyahayururka Wadani, Somaliland National Party?
a. Wadani wuxuu u taaganyahay SUGIDA amniga Qaranka
b. Waxauu u taaganyahay hagidda, hanka iyo hiigsiga muwaadiniinta Somaliland gaar ahaan dhallinyarada.
c. Waxauu u taagan yahay hirgalinta, himilooyinka Bulshada Somaliland higsanayso
d. WADANI wuxuu u taagan yahay ka rumaynta riyada Muwaadinka Somaliland ee ah inay ka helaan ictiraaf bulshada caalamka
e. Waxa uu u taagan yahay gaadhsiinta Somaliland horumar dhaqaale.
f. Wuxuu u taagan yahay ixtiraamka dastuurka iyo ku dhaqanka shuruucda( LAW & ORDER)
g. Wuxuu taagan yahay taabo gelinta talo wadaag, wada noolashad , dulqaad iyo sinaanta muwaadiniinta .
MABAADIIDA URUR-SIYAASADEEDKA WADANI
4. Siyaasadda ururka
a. Ururka Wadani waxa uu horseed ka yahay Siyaasad Xariir ah kana muuqdo bisayl hogaaminadeed
b. Ururka Wadani waxa uu ka soo horjeedaa, siyaasad guryo-noqosho ah
c. Ururka wadani wuxuu u taaganyahay siyaasad ku salaysan wadajir, isku-duubni iyo danta guud oo loo midoobo si loo hormariyo wadankeena Somaliland
d. Siyaasadda ururka Wadani waxa u sal ah, wada-shaqayn dhexmarta dhammaan inta ku foogan siyaasadda Somaliland, oo laga gudbo siyaasadda ku dhisan muran iyo khilaaf.
e. Ururka Wadani wuxuu ka shaqaynayaa sidii Dhallinyarada Somaliland, dumarka iyo dadka laga tirade badan yahay talada wadanka uga qayb gali lahaayeen, waxaanu taageeraynaa in hoos loo dhigo dada ay ku gelayaan dhallinyaradu golayaasha qaranka
f. Siyaasadda Wadani waxa mudnaan siinayaa deris wanaaga dawladaha Jaarka iyo wada-shaqayn ay ugu mudan yihiin dhaqaalaha iyo amnigu.
URURKA WADANI IYO BAAHIYAHA SOMALILAND
5. UrurkaWadani waxa uu aaminsanyahay in Somaliland baahiyaheeda ugu weyniyihiin:
a. Aqoonsi Caalamiya oo ay kaga mid noqoto bulshada caalamka si ay u hesho xuquuqdeeda ummadnimo una gudato waajibaadkeeda dawladnimo.
b. Midnimo dhexdeenna ah iyo gacmaha oo la is qabsado si aynu u noqonno qaran wadajira oo dan isku mid ah leh kana gudubno isu-fiirsiga hoose .
i. Si Somaliland u hesho Aqoonsi caalamiya, waxay u baahantahay aqoon iyo waayo-aragnimo diblumaasiyadeed, iyo xidhiidho caalamiya. Ururka Wadani iyo hogaankiisu waxa uu haystaa khibraddaas, aqoontaas, waayo-aragnimadaas iyo xidhiidhkaas.
ii. Sidoo kale, si aynu u gaadhno midnimo dhexdeenna iyo isku-duubni, waxa loo baahan yahay hogaan leh sifooyinka midnimno, dhexdhexaadnimo isla markaana aan wadan xajiin siyaasadeed, taasna waxa u taagan ururka Wadani
6. Ururka Wadani waxa uu tixgalinayaa
a .Xoriyada ,karaamada iyo qofnimada Wadaniga reer Somaliland.
b. Madaxbanaanida Saxaafada xorta ah.
c. Dhamaan Xuquuqda Wadaniga reer Somaliland iyo Cidii la noolba.
7. Balanqaadka Ururka WADANI.
a. Wuxuu WADANI ummadda reer Somaliland u balanqaadayaa hogaamin toosan.
b. Siyaasad Mudakara iyo Xuquuq siman.”
Dhinaca kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. C/Casiis Maxamed Samaale, waxanu sheegay inuu si kalsamiya u soo dhawaynayo ururkan Wadani oo uu u rajeeyay inuu noqdo sadexda urur ee u gudba xisbinimo.
Md. Cabdicasiis Samaale, waxa uu sheegay in siyaasiyiinta xisbiga UDUB ee sheegay inaanay ku galayn doorashada diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee lagu galay doorashadii madaxtooyada ee kalhore, waxaanu ku tilmaamay kuwo ka baqanaya inay ku hadhaan doorashada Goleyaasha deegaanka.
Guddoomiye Ku Xigeenku waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inuu ka hawl galo sidii ay dhawaan u qabsoomi lahayd doorashada Goleyaasha deegaanka.
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Xoghayihii hore ee xisbiga UCID Md. Muuse Xaaji Muxumed Guulleed (Muuse Inji) iyo Afhayeenkii hore ee xisbiga UCID Md. Xasan Xuseen Codyare, waxaanay ka warameen ahdaafta ururkoodan cusub oo ay sheegeen inuu noqon doono mid dimuqraadi ah.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Hargeysa ayaa sheegay inuu iska casilay xubinimadii xisbiga UCID oo uu ku biiray urur siyaasadeedkan Wadani.
Sidoo kale, Xildhibaan Cali Xaaji oo ka tirsanaa xisbiga UDUB, ayaa sheegay inuu ka baxay xisbiga UDUB kuna biiray urur siyaasadeedkan wadani.
Source-Cadceed

Yemen: Dhibaato Waxbarasho

$
0
0

Waalidiinta Somaliyeed ee ku jira Xerada Qaxootiga ee lagu Magacaabo Al kharas ee dalka Yemen ayaa Todobaadyadii ugu dambeeyey Caruurtooda ay Dhibaatooyin dhinaca Waxbarashada ka heysatey Iskuulada ku yaala Xeradaasi iyadoo isku dayo la doonayey in Arimahaas wax looga qabtana Aan ilaa haatan lagu Guuleysan

Hadaba wareeysi ay VOAda la yeelatay Faadumo Cabdulahi Cadaawe oo ah Gudoomiyaha Xerada Qaxootiga AL-kharas ee dalka Yemen halkan hoose ka dhageeyso

Dhaqaatiir ku xeeldheer daaweynta gubniinka oo dhaawacyadii qarixii Muqdisho ku dabiibaya Cusbitaalada dowladda Turkiga ee Ankara

$
0
0

Laba cusbitaal oo ka mid ah cusbitaalada ay dowladda Turkigu maamusho ayaa waxaa lagu daweynayaa hadda 36 qofood oo ka mid ah dadkii ku gubtay qarixii ay al Shabaabku magaalada Muqdisho ka fuliyeen.

Dhaqaatiir si gaar ah ugu xeeldheer daaweynta gubashada ayaa hadda gacanta ku hayaan daaweynta dhaawacyadan shalay laga soo duuliyay magaalada Muqdisho, dhaawacyadaas oo qaarkood aad looga deyrinayo xaaladooda.

Garoonka diyaaradaha magaalada Ankara ayaa waxaa dhaawacyadan ku soo dhoweeyay madax ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, wasiirka caafimaadka Turkiga iyo Ra'iisal wasaare ku xigeenka dowladda Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa dhexda u xiratay ka dhabeynta ballantii ay shacabka Soomaaliyeed u qaaday, ballantaas oo aheyn in ay barbar istaagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee walaalahood ah, waxaana tallaabadan Turkigu qaaday aad u soo dhoweeyay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.

halgankanet@gmail.com  


150 Arday oo la filayo in saacadaha soo socda ay u duulaan dalka Turkiga oo ay ka heleen deeq-waxbarasho

$
0
0

Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in ay dhanka Turkiga u duulaan 150 Arday, ardayadaas oo ku guleystay imtixaankii ay u galeen deeqdii waxbarasho ee ay dowladda Turkigu Soomaaliya u fidisay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa saxaafadda u sheegay in qarixii ka dhacay magaalada Muqdisho uusan hakin doonin hamiga Ardayada Soomaaliyeed iyo weliba hawsha dowladda Soomaaliya ee dhinaca waxbarashada.

Wasiir xigeenku wuxuu dhanka kale sheegay in ardayda maanta lagu wado in ay u ambabaxaan Turkiga ay yihiin dufcadii Sadexaad waxaana la filayaa in ay halkaas dhowaan ka bilaabaan waxbarashadooda jaamacadeed.

Arday fara badan ayaa ku dhimatay kuna dhaawacantay qarixii ka dhacay magaalada Muqdisho, qaraxaas oo ay sheegteen al Shabaabku.

halgankanet@gmail.com

Alshabaab Oo Ku Hanjabtay In Weeraro La Mid Ah Kii Muqdisho Ay Ka Fulin Doonaan Magaalooyinka Somaliland

$
0
0

fhayeenka Ururka Al-shabaab Cali Dheere oo shallay qirtay inay ka danbeeyeen qaraxyadii ay ku le’edeen in ka badan 80 qof oo u badnayd arday iyo caruurmagaalada Muqdisho ayaa isagoo maanta u waramaya midka mid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho ee taageersan wuxuu ku henjabay inay weeraro la mid ah kuwani ku qaadi doonaan wuxuu ku tilmaamay goobaha xarumaha u ah ayuu yidhi cadawga ilaahay.
Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay inay diyaar u yahiin wuxuu ku tilmaamay dhalinyaro naftooda hurayaal ah oo ka tirsan ayuu yidhi Muqaawamadu inay weeraro ku qaadaan goobaha ayuu yidhi daba dhilifka u ah cadawga ilaahay “weerarkaasi wuxuu ahaa mid aanu doonayno inaanu cadawga ilaahay ku wiiqno, manaan jeclayn inay ku dhintaan dad aan waxba gallabsan, waxaanu wiiqnay cadawga oo ogaaday in Mujaahidiintu ay meel walba joogaan” ayuu yidhi Cali Dheere.
Cali Dheere wuxuu sheegay inay Alshabaab qaadi doonaan weeraro kuwaasi oo kaleah oo ay ku beegsanayaan Hargeysa, Boosaaso, iyo Muqdisho “kuwa isku bahaystay inay cadawga ilaahay daba dhilifka u noqdaan ee doonaya inay mujaahidiinta kula diriraan xaqa iyo jihaadka waxaanu leenahay waanu idiin soo socona, waxaanu tusi doona mujrimiinta Hargeysa, Boosaaso iyo kuwa cadawga u shaqeeya inay gacanta mujaahidiinta ku bixi doonaan” ayuu yidhi Afhayeenka kooxdaasi argagixisada ah ee Alshabaab.
Sannadkii 2008-dii bishii October ayaa Alshabaab oo ah argagixiso u cadaw ah jiritaanka Somaliland waxay weerar qaawan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 35 qof ku qaadeen xarunta Madaxtooyada, Xaruntii Safaraadda Ethiopia iyo Xarunta Haayadda UNDP ee magaalada Hargeysa.
Source-cadceed

Muxaadaro Quraanka iyo Sayniska by Sh Mustafa X Ismaaciil

Dhaawac Ku Geeriday Ankara

$
0
0

Ankara-GMN-Warbaahinta Dalka Turkiga ayaa sheegtay in mid ka mid ah isbitaalada Magaalada Ankara uu ku geeriyooday mid ka mid ah dhawacyadii halitsta ahaa ee la gaarsiyey Magaalada Ankara
dhawacan wiilka dhalinyarada ah ee ku geeriyooday isbitaalka magalada Ankara ayaa dhaqaatiirtu waxa ay sheegeen inuu ahaa mid halis ah isla markaana uu geeriyoday intuu lagu guda jiray baxnaantiisa.
Saraakiisha caafimaadka isbitaalka magaalada Ankara ayaa sheegay inay ku guulaysteen baxnaaninta bukaan fara badan oo qabay dhawacyo halis ah kuwaas oo habeen ka hor la gaarsiyey isbitaal ku yaala dalka turkiga.
dhawcyadani la gaarsiyey isbtalada dalka turiga ayaa waxa ay ku waxyeeloobeen qarxii isnmidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho 4-Oc-2011 kaas oo masuuliyadiisa ay sheegtay Al-shabaab
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com

Xildhibaan Puntland ka soo Jeeda oo Labo Bilood u Xirnaa Ethiopia oo la Siidaayey

$
0
0

Gaalkacyo (RBC) Xildhibaan Xasan Maxamed Xaange oo ka tirsan mudanayasha barlamaanka Puntland ayaa dib u heley xoriyadiisa ka dib mudo labo bilood ah oo uu xabsi ugu jiray ciidamada Ethiopia.
Xildhibaan Xasan Xaange ayaa sida horaantii bishii Ramadan lagu xiray magaalada Jigjiga mar uu halkaasi u tagay arimo qoys sida ay sheegeen xubno ehekadiisa ka mid ah. Waxaana tan iyo mudadaasi uu ku jiray xabsi ay leeyihiin ciidamada Ethiopia.
Lama oga waxyaabaha keenay in xildhibaanka la xiro balse waxaa mudooyinkan socday dadaalo lagu siideynayo xildhibaanka oo ay wadeen odayaal ka soo jeeda deegaanka Ismaaulka Soomaalida iyo maamulka Puntland.
Warar  ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo haatan ku sugan Ethiopia uu masuuliyiinta Ethiopia kala xiriiray arinta xariga xildhibaanka.
Waxaa la filayaa in Xildhibaan Xaange oo ka mid ah mudanayaasha barlamaanka Puntland ee ka soo jeeda dhanka gobolka Mudug uu dib ugu soo laabto deegaankiisa, waxayna wararka sheegayaan iuu ka hadli doono xarigii ay u geysteen ciidamada Ethiopia iyo sababihii keenay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Ethiopian-ka xabsiga dhigaan masuul Soomaali ah waxayna sanadkii hore ciidamada Ethiopia magaalada Godey ku xireen xildhibaano ka tirsan barlamaanka KMG Soomaaliya.
Sidoo kale xildhibaan Barre Hiiraale oo ku dhowaad 9 bilood Ethiopia ugu xirnaa Doolow ayaa dhowaan la siidaayey.
RBC Radio

FBI began investigating Minn women in summer 2008

$
0
0

MINNEAPOLIS — An FBI agent testifying in the trial of two Minnesota women accused of funneling money to a terrorist group in Somalia says authorities began investigating them in the summer of 2008.
FBI Special Agent Michael Wilson testified Thursday in the case against 35-year-old Amina Farah Ali and 64-year-old Hawo Mohamed Hassan. They say they were helping the needy.
Wilson says agents in Minnesota got a tip from FBI headquarters that Ali had been in contact with a “prohibited group.” Agents set up a wiretap on Ali’s phones in September 2008.
Recordings of some of intercepted calls were played in court Thursday. Prosecutors used the calls and records from money transfer businesses to try to prove that Ali gave money to al-Shabab, which the U.S. considers a terrorist group.

Taliska Booliska ee Dowladda Soomaaliya oo sheegay in leesku halleen karaayo ammaanka Suuqa Bakaaraha

$
0
0

Taliska Ciidamadda Booliska ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay maanta sheegeen inay xaqiijiyeen ammaanka Suuqa Bakaaraha.
Taliye ku Xigeenka Ciidamadda Booliska ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Saciid Daahir Saciid, ayaa wuxuu maanta shaaca ka qaaday in Dowladda Soomaaliya ay si weyn u xaqiijisay ammaanka Suuqa Bakaaraha.
Taliye ku Xigeenka Ciidamadda Booliska ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliyada Saciid Daahir Saciid, ayaa wuxuu tilmaamay in Dowladda Somaliya ay ciidamo gaar ah u sameysay, sugidda ammaanka Suuqa Bakaaraha.
Wuxuu ganacsatada uu ugu baaqay inay dib u hawl-gallaan, wuxuuna ku booriyay in beri oo Sabti ah ay dib shaqadooda u bilaabaan, maadaama uu sheegay in ammaanka Suuqa Bakaaraha iminka leesku halleen karaayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay Suuqa Bakaaraha ay u sameysay ciidamo gaar ah, kuwaa oo ay u xil saartay inay suggaan ammaanka suuqaasi, waxayna sheegtay in hantida ganacsatada ay tahay mid ammaan ah.


Madaxweyne Sheekh Shariif Oo Khudbadii Salaada Jimcaha Kaga Hadlay Cawaaqibka Ka Dhalan Kara Dhiiga Muslimka Oo La Daadiyo(Dhageyso)

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif  Sheekh Axmed oo maanta ka hadlay Masjidka Shuhadaa ee madaxtooyada qaranka Salaadii Jimcaha kadib ayaa nasiib darro ku tilmaamay in magac diimeed ay Maleeshiyada Alshaabab  ku xasuuqaan dadka Soomaaliyeed isagoo ku dheeraaday xanuunka ardaydii lagu xasuuqay xaruntii hargaha iyo saamaha.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in maleeshiyada Alshabaab ay caaddeysteen leynta dadka muslimiinta ah iyagoo huwan magac diimeed si ay u xalaashadaan dhiigooda xurmeysan.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay cuquubada ka dhalan karta dilka qof muslim ah, isagoo soo daliilinayay Aayado Qur’aan ah iyo Axaadiis ka turjumeysa dhibaatada ka dhalan karta dilka dadka muslimiinta ah.
Halkan Hoose ka Dhageeyso Qudbada Madaxweynah
Dhageeyso codka Madaxweynaha
 

Qeybaha Bulshada Oo Si Isku Mid Ah Ugu Baaqay In Lala Dagaalamo Shabaab

$
0
0

Qaar ka mid ah aqoonyahannada iyo qeybaha bulshada gobolka banaadir ayaa ugu baaqay dadka Soomaliyeed in ay qaadaan tallaabooyin ay kaga jawaabayaan gumaadka ay alshaabab u geysanayaan dadka Soomaliyeed gaar ahaan musiibadii ka dhacday xarunta harakaha iyo saamaha.
Aqoonyanno, odayaal dhaqameed iyo wax garad maanta ka qeyb galay barnaamijka kulanka Jimcaha oo todobaad walba maalinta Jimcaha ah ka baxa Radio Muqdisho ayaa looga dooday falkii waxuushnimida ahaa oo ay maleeshiyaadk kooxda al shabab ka geysteen xarunta hargaha iyo saamaha iyadoo si isku mid ah shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku meel uga soo jeestaan sidii ay isaga qaban lahaayeen cadawgaan doonaya in uu bulshada Soomaliyeed ka dabar jaro wx garadka iyo aqoonyahanada.
Prof Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo ka mid ah barayaasha Jaamacada Xamar kana tirsan bahda waxbarshda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowlada kmg ah ku garab istaagaan dabar goynta kooxahan naxariis laawayaasha ah ee al shabaab isagoona dowlada kmg ah ku booriyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dardar galiso howlgalada lagu baabi’inayo Al shabaab shacabkuna ay sameeyaan kacdoon ka dhan ah kooxahan la meel dhigay gumeysiga ee al shabaab.
Sidoo kale Cabduqaadir Ibraahim Gacal Abkoow oo ka mida madaxda bulsha rayid ka ah ayaa shacabka ugu baaqay dhankiisa in ay difaacaan sharaftooda isla markaana ay ka hortagaan wax walbo oo caqabad ku ah noloshooda.
Ugu dambeyn Iimaam Cumar Macalin Abshir oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa qaba in  bulshada  aysan sugin in ay dowlada Kmg ah sameeyso howlgal hasayeehsee ay umadaa Soomaliyeed iyagu dareemaan dhibka lala doonayo.
Todobaadkii tagay ayeey aheyd markii ay maleeshiyaadka khawaarijta al shaab ay qarax naftii halignima ah ka sameeyeen xarunta hargaha iyo saamaha oo ay waqtigaas ku sugnaayeen arday aqrisanaysay natiijooyink imtixaanaad ay ku tagi lahaayeen dalka Turkiga iyadoo bulshada Soomaaliyee arintaasi si isku mid ah u cambaareeyeen.

Dhageeyso Warka Duhurnimo

Xilli Roobaadkii Guga Oo Ka Curtay Deegaanno Ka Mid Ah G/Mudug

$
0
0

Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa 24 kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug xilli ay abaaro xoogani ka taagnaayeen goobahaasi.
Gobolka Mudug oo ka mid ah gobollada ay abaarta ugu darani ka jirtay ayaa qeybo ka mid ah gobolkaasi waxaa 24 kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayay roobab Mahiigaan ah oo xareedda waray deegaanno 200 Km dhanka bari ka xiga Magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Roobabkan ayaa la sheegay in ay wateen dabeeylo xoogan isla markaana ay ku dhamaadeen xoolo farabadan oo ari ah kuwaas oo u adkeysan waayay dhibicda roobka oo saacado badan dushooda ku sucotay.
Curashada xilli roobaadka Guga ayaa imaaneysa xilli ay dalka ka jirto abaar daran oo galaafatay nolosha dad iyo duunyaba tiiyo ay sii dheertahay biyo la’aan ka jirtay gobollada qaar, waxeyna nimcadan hoos u dhigeeysaa dhibaayadii ka taagneyd dalka ee ka dhalatay abaarta.

Warka Tiknolojiga

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live