Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Waa kuma ninka lagu tuhunsanyahay weerarka New York ?

$
0
0

Waxa uu Maraykanka tagay sanadkii 2010-kii , isaga oo ka yimid dalka Uzbekistan, halkaas oo uu ku dhashay sanadkii 1988-dii.


Waa kuma ninka lagu tuhunsanyahay weerarka New York ?

$
0
0

Magaciisa waa Sayfullah Saipoy, sida ay qortay warbaahinta Maraykanka, waana ninka lagu tuhunsanyahay in uu geystay weerarka magaalada New York ee loo adeegsaday gaariga. Illaa 11 qof ayaa ku dhimatay weerarkaas.
Waxa uu Maraykanka tagay sanadkii 2010-kii , isaga oo ka yimid dalka Uzbekistan, halkaas oo uu ku dhashay sanadkii 1988-dii.
Waxaa la rumeysanyahay in uu ku noolaa gobolada Ohio, Florida iyo New Jersey tan iyo intii uu heley kaarka cagaaran ee u fasaxaya in uu ka shaqaysto dalka Maraykanka.
Wadaad Uzbek ah oo Maraykanka ku nool oo lagu magacaabo Mirrakhmat Muminov ayaa sheegay in wiilkan ay duufsadeen kooxo xag jir ah oo internetka uu kala xiriiray.
Wadaadkan oo BBC-da u waramay ayaa sheegay in qiyaas ahaan 70,000 qof oo Uzbek ah ay ku noolyihiin Maraykanka, kuwaas oo badankood ku nool magaalada New York oo uu weerarka ka dhacay.
Markii ugu horaysay oo ninkan uu sharciga ku xad gudbay ayaa ahayd sanadkii hore, xiligaas oo lagu ganaaxay xadgudub xagga gaadiidka ah.
Waxaa la rumeysanyahay in uu ka kici doono dhaawaca xabbada booliiska, kadibna la waraysan doono.
Waxaa jira aragtiyo la qabo oo ah in ninkan uu kaligiis maleegay weerarka, oo aysan jirin qorshe balaaran oo weerar lagu geysanayo, ama ay jirto cid soo abaabushay si toos ah.
Ninkan ayaa ka yimid magaalada Peterson, New Jersey, halkaas oo uu gaariga kasoo kireysay, islamarkaasna ay ku noolyihiin illaa 30,000 kun oo muslimiin ah.
Wasaarada arrimaha dibedda ayaa sheegtay in ay baareyso in ninkaas uu yahay nin dalkooda u dhashay.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaleeceeyay weerarka.
Haddii la xaqiijiyo dalka uu u dhashay ninkan in uu yahay Uzbepakistan, ma noqon doono qofkii ugu horeeyay ee dalkan u dhashay ee weerar lagu eedeeyo, sanadkii hore waxaa 15 sano oo xarig ah lagu xukumay weeraro uu ka qorshaynayay gudaha Maraykanka.
storvideo: 

Mogadishu’s free ambulance service: A godsend to...

$
0
0

Mogadishu -- While most people run away from the site of a bomb explosion, the dedicated staff members of the Aamin Ambulance company rush to the scene to offer first aid to victims and ferry the injured to hospitals.
For the past ten years the rescuers have remained true to their calling, offering emergency medical aid to those in need.
Dr. Abdulkadir Abdirahman Adan, the founder of the 24-hour free ambulance service in Mogadishu, says he was motivated to start the voluntary service by the deplorable state of health services in the city.
"When I came back to the country, there was a war going on and people were using wheelbarrows to get patients to hospitals. It led to deaths on the way to hospitals, the persons carrying the patient would be tired. That motivated me to respond and set up Aamin Ambulance services. It has helped to stop deaths," Dr. Adan observes.
In a general climate of apprehension, Dr. Adan and his colleagues had to think seriously about the name they would use for the service to win the trust of the people.
"The word Aamin, if I put 'I' before it, it becomes 'Trust Me'. We chose this name because people in Somalia are not used to having volunteers. So, I wanted them to trust my voluntary service. I chose the name because I wanted their trust,"Dr. Adan explains.
The ambulance service has grown over the years, and today it boasts a team of 35 nurses, paramedics, and drivers, along with a fleet of ten vehicles.
The increase in the number of employees and the demand for the service have stretched the available resources to the limit, forcing the founder to seek assistance from well-wishers and international organizations.
"The initiative came from Somalis in the diaspora. They have so far collected between $25,000 and $28,000, the walkie-talkie radios that UNDP (United Nations Development Programme) donated to us and the ten grams of gold from my wife," the ambulance founder says.
The medical doctor is particularly grateful to UNDP for the walkie-talkies, which he said will drastically change the way Aamin Ambulance operates especially in emergencies.
"When there is an emergency, everyone tries to make a telephone call and there is a jam on the telephone networks. But the walkie-talkies will make a difference. They will simplify communication among us, coordination among ambulances and collaboration with hospitals," the dentist-turned-philanthropist explains.
Dr. Adan, who still practices dentistry in Mogadishu, explains that his team faces enormous challenges and physical risks as first responders to emergencies, as they witness traumatizing scenes.
"Sometimes some soldiers fire at us or block you from accessing the scene to rescue someone," he explains.
Although he is no stranger to blast sites in Mogadishu, Dr. Adan singles out the attack on 14 October at the city's Zoobe junction, in which more than 300 civilians were killed, as the worst he has ever seen.
"We could see people who were burning who could not move but were still talking, yet we could do nothing. We could see people who had died as they were driving in vehicles, people bleeding, people buried in the rubble and yet we could not help. It was an explosion that traumatized us," he recalls.
Dr. Adan is undeterred by the challenges he and his employees face and has great plans for Aamin ambulance services.
"My dream is to reach every district, every village in the regions, everywhere in Somalia, so that my ambulances can reach there and serve them. In the next five to ten years, I can reach two to three regions," Dr. Adan says.
The ambulance service founder adds that, with adequate support, he could have a footprint in every region of Somalia within the next ten years.
Source: UNSOM
storvideo: 

Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre”Ma Aqbaleyno In Al...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la dar-daarmay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ay tababareen isla markaana qalabeeyeen dawladda Imaaraadka Carabta, lagu wareejinayay taliska guud ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ra'iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday dugsiga tababarka ee gacanta ay ku hayso dawladda Imaaraadku, ayaa ciidamada ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen xoreynta dalka. Waxuuna u sheegay in looga fadhiyo door lixaad leh iney ka qaataan ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab.
"Ciidamadani waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go'an tahay in aan dalka ka xoreyno kooxaha argagixisada ah, kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa in aad noqon doontaan kuwo sharaftii iyo kala dambeyntii qaranka Soomaaliyeed soo celiya. Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre oo u mahadceliyey dawladda Imaaraadka ee gacanta ku haysay ciidamadani.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay in dawladdu ay muhiimadda koowaad siineyso sidii ay xuquuq dhameystiran u heli lahaayeen ciidamadu, si ay u gutaan waajibaadka ka saaran difaaca dalkooda.
"Waxaa la idin saaray masuuliyad weyn oo ah difaaca dalkiina Hooyo iyo inaad argaixisada ka xoreysaan, anaguna waxaan ka shaqeyneynaa inaad heshaan waxa aad u baahan tihiin. Madaxda qaranka oo anigu ugu horeeyo waxay idin kugu imaan doonaa furimaha dagaalka, waana idin garab istaageynaa" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan CIiidanka Xoogga dalka.Halkaan hoose ka dhageyso Codka Ra'isulwasaaraha
http://www.-.net/wp-content/uploads/2017/11/Xasan-Cali-Kheyre-.mp3

storvideo: 

Madaxweyne Trump oo amray in aad loo baadho dadka...

$
0
0

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa faray wakaaladda ilaalada xuduudaha ee dalkaas in ay adkeeyaan baadhitaanka dadka ajaanibka ah ee gala Maraykanka. Waxaanu amarkan soo saaray ka dib weerarkii Manhattan ee sideedda qof lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawcay.
Boolisku waxay sheegeen in nin ka soo haajiray dalka Uzbekistan oo magaciisa la yidhaa, Sayfullah Saipoy, uu dilay sideed qof 11 kalena dhaawacay ka dib markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.
Booliska Uzbekistan ayaa isaguna u ballan qaaday Maraykanka inuu ka caawin doono baadhitaanka lagu hayo shilkaa dhacay, waxaana sidaa lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga internet-ka ay ku leedahay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanku.
Madaxweyne Trump wuxu yidhi "waa la adkaynayaa ilaalada xuduudaha suurto galna noqon mayso in loo ogolaado xubnaha ururka la baxay Dawladda Islaamka in ay Maraykanka soo galaan markii lagu jabiyey Bariga Dhexe."
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku eedeeyey xisbiga Dimuqraadiga ah in uu ka hor yimid isbedelka uu isagu damacsanaa. Waxa kale oo uu sheegay in uu isagu doonayey in talaabo adag oo degdega laga qaado ninkaas waxaanu ku tilmaamay habka garsoorka Maraykanka inuu yahay wax lagu qoslo.
Mar sii horraysay ayaa badhsaabka gobolka New York, Andrew Cuomo, waxa uu dhaleeceeyey jawaabtii Trump ka bixiyey weerarkaas ee uu ku qoray boggiisa Twitter, taas oo uu ku tilmaamay in ay madaxweynaha ku ridday dabinkii ay argagixisadu u dhigeen.
Wuxu sheegay in qoraalada madaxweynaha ee Twitter-ku ahaayeen kuwo xaqiiqada ka fog oo aan wax tar lahayn.
storvideo: 

DAAWO SAWIRRADA: Shirka wadatashiga ee arrimaha...

$
0
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa sawirada shirka wadatashiga Wasaaradda Warfaafinta JFS, Wasaaradaha Warfaafinta Maamul Goboleedyada iyo Warbahinta gaarka ah ee looga hadlayo horumarinta Warbaahinta Soomaalida. Sawir Qaade:- Cabdishakuur Axmed Cali
storvideo: 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxweyne...

$
0
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari" ayaa magaalada Khartuum ee Xarunta dalka Suudaan kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka dalkan Suudaan Xasabuu Maxamed Cabdiraxmaan oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada wadan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa inta kulankooda uu socday waxa ay isla soo hadal qaadeen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinaca amniga ee labada wadan, dimoqraadiyeynta, horumarinta adeegyada bulshada iyo siyaabaha tooska ah ee wax wada qabsiga labada dhinac ee dhinaca dimoqraadiyeynta. Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulanka uu guul kusoo dhamaaday isagoo u mahad celiyay shacabka iyo Dowlada Suudaan.
storvideo: 

Pakistan: Nin loo xidhay maxaad xaas labaad u guursatay

$
0
0

Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa nin ku xukuntay lix bilood oo xadhig ah maadaama oo uu xaas labaad guursaday isaga oo aan ogolaansho ka haysan afadiisii hore.


Pakistan: Nin loo xidhay maxaad xaas labaad u guursatay

$
0
0

Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa nin ku xukuntay lix bilood oo xadhig ah maadaama oo uu xaas labaad guursaday isaga oo aan ogolaansho ka haysan afadiisii hore.
Maxkamadda oo ku taal magaalada Lahore ayaa waxa ay ninkaa ka diiday dooddii uu isku difaacayey ee ahayd in diintiisu u ogoshahay in uu min yaraysto maadaama oo uu Muslim yahay.
Hase yeeshee xaaskiisii hore ayaa ku dooday in ninkaasi aanu xaq u lahayn inuu gabadh kale guursado isaga oo aan ogolaansho qoraal ah iyada ka haysan, falkaa uu ku dhaqaaqaynaya ahaa mid xad gudub ku ah xeerka qoska ee dalka u yaal.
Garsoorihii maxkamadda ayaa waxa kale oo uu ninkaa ku xukumay in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan laba kun oo doolar.
Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuda aadanaha ayaa xukunkaa ku tilmaamay mid lagu diirsado oo ragga ka dabri doona godadlenimada, haweenkana ku dhiirigelin doona in ay maxkamadaha ka dalbadaan in ay xuquuqdooda u ilaaliyaan.
storvideo: 

“Ninka Shalay Aad Halkan Ku Soo Dhaweyseen Toos Ayuu...

$
0
0

Xisbiga Waddani Oo Mar Kale Maanta Cududiisa Taageero Ku Soo Bandhigay Beerta Xoriyada Hargeysa Ee Xisbiyada Kale Ka Maageen Baaxadeeda "Ninka Shalay Aad Halkan Ku Soo Dhaweyseen Toos Ayuu Xamar Uga Soo Duulay, Waa Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada, Fariinbuu Idiin Sidaa Kulmiyow, Car Hadaad Rag Tihiin Fariintaasi Dadka La Wadaaga" Gudoomiyaha Ku Meelgaadhka Ah Ee Waddani, Cabdiqaadir Jirde
Hargeysa, (Waaheen) - Taageerayaal mug iyo miisaan leh oo ku abtirsada xisbiga Waddani ayaa mar kale cududooda ku muujiyey fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.
Halkaas oo ay kala soo qaybgaleen masuuliyiinta sarsare ee xisbiga Waddani oo uu horkacayey Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde, Xoghayaha Guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Madaxa Kaambaynka xisbiga Waddani Xamse Cabdilaahi Khayre iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.
Ugu horayn Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo khudbad halkaasi uga soo jeediyey taageerayaasha xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa ku soo bandhigay isku soo baxa maalinta ololahooda ayaa waxa uu yidhi "Waxa aynu halkan kaga hadlaynaa been qaawan oo aynu halkan marada kaga faydnay ayaa hadana qaar aad moodo inay tawtawlayaal yihiin ay ku celiyaan oo ay yidhaahdaan Xamar iyo Farmaajo, waar waxaa miyaanaydaan kaba waantoobayn sawtii la qaawiyey maaha.
Hadii Xamar cidi eed ku qaadaysana ninka shalay aad halkan ku soo dhaweyseen toos ayuu Xamar uga soo duulay, waa Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada, waad togtihiin fariimuu idiin sidaa Kulmiyow fariinbaa la idiinku soo dhiibay bal fariintaasi dadka la qaybsada Xamar la idinka soo faray, car hadaad rag tihiin nala qaybsada.
Waxa kale oo aanu halkan ka sheegaynaa, Madaxweynuhu si fiican ayuu yeelay oo digreeto ayuu ka soo saaray oo waxa uu yidhi hantida dawlada yaan lagu ololaynin, waxaanu haynaa hantidii dawlada oo gawaadhidii dawlada oo taarikadii laga badalayo oo lagu dhajinayo mida shicibka.
Wasiiro ayaa maalindhaweyd Ambassador hotel yimid oo taarikho shicib ahi ay ku dhagsan tahay, waxaa dhacay ayaa la yidho oo dawladu miyey ku siisay gaadhiga mayee ololaha ayaa la ii diray oo Laascaanood ku tag ayaa la I yidhi, waxaasaa meesha socda.
Waxa kale oo aan idiin sheegayaa in kaadhadhkii codbixinta la iibsanayo, kaadhadhka xafita, meel dhigta oo yaan shilling la idinka siisanin aad iyo aad kaadhadhkiina u ilaashada. Waa la bilaabay waxa la doonayaa in been lagu ololeeyo, waxaanu idiin sheegaynaa oo aanu idiin cadaynaynaa Kulmiye waxa ka go'an gar iyo gardaraba inuu kursigaa yimaado ayaa kulmiye ka go'an miyeynu ka yeelnaa.? Maxaynu nidhaahnaa? Badaluu, Badaluu, Kulmiye waxaanu leenahay badda ka cab.
Waxa weeyi dalkan waa la dhacay oo waa la boobay oo carabkaa la mariyey sideedii sanadood waxba lagagama tagin shan sanadood oo dambe miyeynu ugu darnaa Lafaha ha feenteen, lafaha ayay doonayaan inay feentaan, miyeynu ka yeelnaa? Waar dalkani waxa uu u baahan yahay dhaymo, wuxuu u baahan yahay in la buuleeyo, wuxuu u baahan yahay in la soo nooleeyo, cida kaliya ee soo noolayn kartaana waa xisbiga Waddani, nagu taageera, Illaahay ha ina guuleeyo." Ayuu yidhi Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani oo halkaasi khudbad uga soo jeediyey taageerayaasha xisbiga Waddani ee maanta isugu soo baxay fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.
storvideo: 

Bare Hiiraalaha Xildhibaanka noqday

$
0
0

2nd November 2017 admin Category :
Siyaasiyiinta beesha Hawiye ayaa soo helay xildhibaan ka soo jeeda beesha sade Daarood oo ay isticmaalaan sidii Bare Hiiraale. oo markii maamulka Jubbaland la dhisayey ay siyasiyiinta ay Diyaarad iyo Markab ku soo qarin jireen si uu u fashiliyo maamulkii markaa la dhisayey ee Jubbaland
Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta khudbad ka jeediyay kulankii Baarlamaanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu is casilo,
[embedded content]
storvideo: 

Somali Govt troops regain fresh areas in Lower Shabelle region

$
0
0

Somali government forces, along with the African Union troops pushed Al Shabaab militants out of fresh areas in Lower Shabelle region following a joint operation.
Abdifitah Hajji Abdulle, the governor of Lower Shabelle region, told Radio Shabelle that the allied soldiers recaptured Mukay Dumis, Digta Goosaarow and Iidow Gudow villages.
Abdulle said the operation will continue until Al Shabaab fighters being eliminated from the whole region, as he put it.
Al Shabaab is yet to comment on the governor’s claim of retaking new territories from the Al Qaeda-affiliated Islamic Militant group.
The post Somali Govt troops regain fresh areas in Lower Shabelle region appeared first on Shabelle.

Somali Govt troops regain fresh areas in Lower...

$
0
0

Somali government forces, along with the African Union troops pushed Al Shabaab militants out of fresh areas in Lower Shabelle region following a joint operation.
Abdifitah Hajji Abdulle, the governor of Lower Shabelle region, told Radio Shabelle that the allied soldiers recaptured Mukay Dumis, Digta Goosaarow and Iidow Gudow villages.
Abdulle said the operation will continue until Al Shabaab fighters being eliminated from the whole region, as he put it.
Al Shabaab is yet to comment on the governor's claim of retaking new territories from the Al Qaeda-affiliated Islamic Militant group.
storvideo: 

Fursado Shaqo oo Ka Banaan Dowlad Goboleedka Galmudug.

$
0
0

Aviation & Transport Director General JD Commerce and Industry Director General JD Constitution & Reconciliation Director General JD CSC (Director of Recruitment and Coordination (Job Description) Disability & Humanitarian Affairs Director General JD - Copy Disapora & Investment Director General JD EMPLOYMENT APPLICATION-FORM Endowment & Religious Affairs Director General JD Environment & Forestry Director General JD Fisheries & Marine Resources Director General JD Health Director General JD Information & Culture Director General JD Interior & Local Government Director General JD Internal Securities Director General JD Justice & Judiciary Director General JD Livestock & Agriculture Director General JD Ministry of Finance Job Description Ministry of Labor Director General JD Parliament Planning Ports & Maritime Transport Director General DG Post & Communications Director General JD Public Works & Rebuilding Director General JD State House (Job Description) Water & Electricity Director General JD Woman & Family Affairs Director General JD Youth & Sport Director General JD
storvideo: 

Xildhibaan Goodax Barre “Waxaa jira Xidhibaano...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa been abuur ku tilmaamay warar sheegaya in ciidamada dowladda ay isaga soo baxeen furimaha dagaalka.
Waxaana uu tilmaamay in ciidamada dowladda federaalka ay ku shaqeeyaan dhibaatooyin adag, loona baahanyahay in lagu dhiira geliyo Difaaca Dalka.
Sidoo kale Xildhibaan C/laah Goodax Barre aya hoosta ka xariiqay in xubno ka tirsan Baarlamaanka ay doonayaan in ay wiiqaan awooda Xukuumadda Soomaaliya.
Waxaan uu ugu baaqay Xildhibaanadu in aysan niyad jabin ciidanka Xoogga iyo madaxda Qaranka oo uu xusay in ay dadaalo ugu jiraan, sidii dalka looga saari lahaa Al Shabaab.
Hadalkan ayaa Xildhibaan Goodax Barre waxa uu ka jeediyay kulankii shalay ee Golaha Shacabka, kaas oo uu shir guddoomiyay Cabdiweli Sheekh Ibraahim Mudey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.
storvideo: 


Dilkii Bin Ladin macluumaad la xiriira oo CIA-du...

$
0
0

Laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa baahisay ku dhowaad 470,000 oo faylal oo la helay intii uu socday howlgalkii 2011-kii lagu dilay hoggaamiyihii hore ee Al-Qacidda, Osama Bin Ladin.
Waxyaabaha cusub waxaa ka mid ah xusuus qorkiisii u gaarka ahaa, codad iyo dukumiintiyo iyo muuqaallo, uu ka mid yahay muuqaalka arooskii wiilkiisa Xamsa.
Waa markii afaraad oo CIA ay baahiso waxyaabo la xiriira Bin Ladin oo la helay intuu socday weerar lagu qaaday dhisme uu ku dhuumayay oo ku yaalla magaalada Abbottabad ee Pakistan.
Qaar ka mid ah faylasha ayaa la qarinayay muddo waxaana laga baqayay in amniga Mareykanka ay wax u dhimaan, sida sirdoonka ay sheegeen.
"Maanta waxaan shaacineynaa warqado, muuqaallo iyo codad iyo waxyaabo kale oo dadka Mareykanka ay fursad ugu helayaan in ay ogaadaan qorshaha iyo shaqada ururada argagixisada," ayuu ku sheegay qoraal, agaasimaha CIA-da.
Aflaan iyo filimada caruurta
Sida lagu xusay qoraalka CIA-da, warqadaha waxaa ka mid ah "cadeymaha kala qeybsanaanta hadda u dhexeysa Al-Qacidda iyo ururka la baxay dowladda Islaamka" sidoo kale, "sida ay Al-Qaciida iyo xulafadeeda ugu kala duwan yihiin istiraatiijiyadda iyo arrimaha diinta."
Waxyaabaha la baahiyay, waxay sidoo kale muujinayaan in "shabakaddan argagixisada ay dadaalka gelisay sidii ay uga faa'ideysan lahayd kacdoonkii dalalka Carabta," iyo sida ay ugu xoogga u saareen in ay "hurmariyaan muuqaalka warbaahintooda," sida CIA-da sheegtay.
Kombuyuutar la qabtay intuu howlgalka socday waxaa laga helay aflaanta Hollywood-ka, aflaanta caruurta iyo seddax barnaamij oo ku saabsan Bin Ladin.
Sidoo kale, muuqaalka wiilka Bin Ladin, Xamza ayaa ka mid ah waxyaabaha la helay. Hadda waa 20 sano jir, lamana oga meesha uu ku nool yahay.
Muuqaallo horey loo baahiyay waxay muujinayeen in Bin Ladin uu wiilkiisa u diyaarinayay in uu ka dhaxlo hoggaanka ururka Al-Qacidda.
storvideo: 

Jabuuti iyo Marocco oo Gaaray Heshiisyo Muhiim ah

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Rabad-(SONNA) Labada dal Jabuuti iyo Marocco ayaa kala saxiixday heshiisyo dhanka iskaashiga siyaasadda iyo booqashooyinka.
Dhinaca Dowladda Jabuti waxaa heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka arrimaha Dibadda, ahna afhayeenka rasmiga ah ee Xukuumadda jabuti Mahmud Ali Yuusuf oo wafdi uu hogaaminayo haatan booqasho rasmi ah ku jooga magalada Rabad ee caasimadda dalka Marocoo.
Dhinaca Dowladda Marocco waxaa iyana heshiiskaasi u saxiixay wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaasi Nasir Boridha,waxaana qodobada heshiiskaasi ka mid ay inay labada dowladood ay mar walba ka wada arrinsadaan arrimaha siyaasadda iyo dhinaca dalka ku galka fiisaha oo wax shuruud ah ku xirneyn iyo waliba dhanka horumarinta dibolomaasiyadda.
Telefishinka Jabuuti ayaa baahiyay inay laba wasiir ay ka wada munaaqashoodeen arrimo badan ay ka mid yihiin arrimaha aminiga, dhaqaalaha, Ganacsiga iyo ka hortagga xadgudbiyada argagixisada.
Wasiirka arrimaha Dibada Jabuti Mahmud Ali Yusuf ayaa ka codsaday Dowladda Marocco inay safaarad ka furato magaalada Jabuti ee xarunta dalka jabuti, taasoo dowr weyn ka qaadanaysa sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee walaalaha ah.
Wasiirka arrimaha Dibadda ee marocco ayaa isna soo dhaweeyay codsigaasi wuxuuna sheegay in labada wadan oo iminka u furmay boq cusub ee xagga horumarinta cilaaqaadka ah.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleKulan looga hadlayay baahiyaha ka jira Hirshabeelle oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

storvideo: 

Tanzania oo gubtay kumannaan digaag sharci darro lagu geliyay dalkeeda

$
0
0

Qiimaha wadarta digaagga la laayay, ayaa lagu qiyaasay $5000 oo dollar, sida saraakiishu sheegeen.

Tanzania oo gubtay kumannaan digaag sharci darro...

$
0
0

Dhaqaatiirta xannaanada xoolaha ee dalka Tanzaniya ayaa la sheegay in ay laayeen 6,400 oo digaag oo si qarsoodi ah looga gudbiyay xuduudda ay la wadaagto Kenya.
Qiimaha wadarta digaagga ayaa lagu qiyaasay $5000 oo dollar, sida saraakiishu sheegeen.
Digaagga ayaa la gubay "ayadoo laga baqayo in cuduro, sida hargabka shimbaraha ay ka dillaacaan," sida daqaaqiirta ay ku warrameen.
Gabar 23 sono jir ah oo ganacsato ah, laguna magacaabo Mary Matia, ayaa lahayd digaagga la gubay. Waxaana lagu laayay meel u dhow magaalada Namanga oo ku taalla xuduudda Tanzaniya iyo Kenya.
Sida uu sheegay Charles Murira oo ah dhaqtarka qaabilsan xoolaha, "Mary waxay jebisay xeerka ganacsiga xoolaha ee 2006-dii."
Sharcigaas wuxuu xakameynayaa "dhammaan, dhoofinta digaagga iyo shimbirayah" ka dib hargabka ka dillaaacay dalalka Bariga Afrika.
Haweeneyda lahayd digaagga ayaa dalbatay in ay dib ugu celiso Kenya, balse waalaga diiday. Dhaqaatiirta ayaa go'aansaday in ay gubaan.
Charles Murira, wuxuu sheegay "Fasax la'aan ayaa dalka la soo geliyay, waxaana u maleynayaa in meesha laga keenay xittaa aysan fasax ka haysan. Waynagu adagtahay in aan ogaano. Haddii cudur uu dillaaci lahaa, maynaan ogaaneen halka uu ka soo bilowday."
Dhacdada ku maysan farxin dad badan oo ku nool deegaanada ku yaalla xuduudda Kenya iyo Tanzaniya.
Labada dal waxaa dhowaanahan u dhexeeya muran dhanka xuduudda ah, waxaana deggan dad xoolo dhaqato ah oo isu gudbo.
Khilaaf dhanka diblumaaasiyadda ayaa soo kala dhexgalay labada dhinac ka dib markii Tanzaniya lagu xiray xoolo dhaqato ka tirsan qowmiyadda Maasai.
Waxay xoolahooda oo gaaraya kumannaan neef oo lo' ah ay la aadeen dhanka dalka Tanzaniya oo ay ka raadsanayeen daaq.
Dhanka kale, dowladda Tanzaniya ayaa qowmiyadda Maasai ku eedeysay "in ay dheceen 4,000 oo neef oo lo' ah" oo laga leeyahay dhanka Tanzaniya.
Dowladda Tanzaniya waxay hadda ku hanjabeysaa in ay musaafurin doonto dhammaan Maasia-da Kenya ee ku dhool dhanka dalkeeda.
Labada dhinac ayaa ciidamo boolis ah geeyay xadka, si xaaladda kacsan ay wax uga qabtaan.
storvideo: 

Axmed Madoobe;-‘ Xildhibaanada Ha Tagaan Furuha...

$
0
0

Axmed Madoobe oo Xildhinbaanada Labada Aqal ee kasoo jeeda deegaanada Jubbaland Xalay Casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Xildhibanada kasoo Jeeda deegaanadaasi iney Qarashaadkooda ku bixiyaan Dagaalka Adag Ee lagula jiro Islaamiyiinta Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.
"Wadankeenu wuxuu kasoo kabanayaa dhibaato adag oo u baahan in tartiib tartiib aan uga soo kabano taas ayaana wanaagsan in aan wada xusuusnaano in dalkan lawada leeyahay go'aamadiisuna ay saamaynayaan cid walba oo dalkan wax ku leh" ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe
Madaxweynaha Jubaland Axmed Islaam Axmed Madoobe ayaa ugu sugan Magaalada Muqdisho shirka wadatashiga Khilaafaadka Dowlada Dhaxe iyo Maamul Gobaleedyada Ee ka soconaya Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay xildhibaanada kasoo jeeda deegaanadaasi iney xaadiraan Furumaha Dagaalka oo ay bulshada la kheybsadaan Dhibaatada.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live