Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maraykanka oo Duqeeyay Daacish-ta Soomaaliya

$
0
0

Diyaaradaha Maraykanka ayaa laba jeer duqeeyay saldhig maleeshiyada taageersan Daacish ay ku leeyihiin deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda dicaafa Maraykanka ayaa VOA u xaqiijiyay duqeynta, wuxuuna sheegay in hal qof uu wax ku noqday. Wararka ayaa sheegaya in la bartilmaameesaday hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdulqaadir Muumim.
Deegaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay.
Mas'uuliyiinta Gobolka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlay qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha.
Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaa khasaraha ka dhashay duqeynta ay la beegsadeen maleeshiyada taageersan kooxda Daacish.
Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa Duqeyntan wax ka weydiiyay, Gudoomiyaha Qandala Jaamac Maxamed Quurshe.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:02:05
0:00:00 /0:02:05
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


US strikes ISIS fighters in Somalia for 1st time

$
0
0

The U.S. military for the first time has conducted two airstrikes against Islamic State group fighters in Somalia.
A U.S. official says the strikes were carried out in northeastern Somalia, with the first around midnight local time and the second later in the morning.
The official was not authorized to discuss the mission publicly so spoke on condition of anonymity.
ISIS-linked fighters are a growing presence in the Horn of Africa nation long threatened by the al Qaida-linked extremist group al-Shabab.
A Somali security official says at least six missiles struck in Buqa, a remote mountainous village roughly 60 kilometers (37 miles) north of Qandala town in Somalia’s northern state of Puntland. The official spoke on condition of anonymity because he was not authorized to speak to the media.
The post US strikes ISIS fighters in Somalia for 1st time appeared first on Shabelle.

US strikes ISIS fighters in Somalia for 1st time

$
0
0

The U.S. military for the first time has conducted two airstrikes against Islamic State group fighters in Somalia.
A U.S. official says the strikes were carried out in northeastern Somalia, with the first around midnight local time and the second later in the morning.
The official was not authorized to discuss the mission publicly so spoke on condition of anonymity.
ISIS-linked fighters are a growing presence in the Horn of Africa nation long threatened by the al Qaida-linked extremist group al-Shabab.
A Somali security official says at least six missiles struck in Buqa, a remote mountainous village roughly 60 kilometers (37 miles) north of Qandala town in Somalia's northern state of Puntland. The official spoke on condition of anonymity because he was not authorized to speak to the media.
storvideo: 

Garowe:- Ardey shaaciyay inuu u tartamayo hogaaminta...

$
0
0

Cabdulaahi Cali Aadan oo ah Musharax u tartami doona Gudoomiyaha Ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Garowe ayaa caawa kulan uu ku shaacinayo musharaxnimadii la qaatay ardeyda Jaamacadaha,Qaar ka mid ah dhalinyaradda magaalada iyo Warbaahinta.
Wuxuu soo bandhigay Ardeygaan musharaxa ah, waxqabad uu horey uga soo qeybqaatey arrimaha bulshada sida Abaaraha,Dayactirka wadooyinka magaalada,Ololaha barnaamijka ku celi waxaad baratey dhulkaaga hooyo oo qeyb ka ahaa Tababaro iyo Wacyi galin dhalinyaro ay ka samaysay magaalada Garowe.
Musharax Cabdulaahi Aadan ayaa sheegay haddii uu ku guulaysto muddo sanad ah inuu hogaamiyo Ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika inuu isbedel kusoo kordhin doono dhiirigalinta waxbarashada iyo nidaamka isku xirka Ardeyda Jaamacadaha.
Wuxuu sheegay inuu sii xoojin doono barnaamijyo horey loo hindisay kuwaas oo qeyb ka ahaa sadaqeysiga cilmiga iyo la dagaalanka jahliga.
Ugu dambeyntii dhamaan dhalinyaradii kasoo qeybgalay xafladda ayaa sheegay inuu noqonayo Cabdulaahi Cali musharaxii ugu horeeyay oo doonaya inuu u tartamo doorashada Ardeyda Jaamacadda oo qabta kulan noocaan oo kale ah , waxayna sheegeen inuu yahay shaqsi u qalma hogaaminta Ardeyda. Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Garowe:- Ardey shaaciyay inuu u tartamayo hogaaminta Ardeyda Jaamacadda appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Madaxweynaha Oo Ka Qayb-galay Sannad Guurada 24-aad...

$
0
0


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta ka qaybgalay sanad guurada 24-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka Booliska Somaliland, isagoo madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhisme dabaqa oo markii u horaysay ay yeesheen ciidanka booliska Somaliland, kaasi oo noqon doona xarunta guud ee looga arrimiyo ciidama booliska, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay dhismahaasi iyo gaadiid tiro badan oo aad u qalabaysan oo ay ciidamadu yeesheen markii u horaysay 24 kaa sanno, munaasibadaasi oo ahayd mid qiimo gaara u leh qaranka iyo madaxweynahaba, waxa khudbado ka jeediyey hoggaanka hawl-gelinta Ciidanka Booliska Somaliland, Gashaanle sare Cabdiqani Ciise Maygaag (Geney) oo isagu ka hadlay kiisaskii sanadkan 2017, isbarbar dhigna ku sameeyey 2016-2017, taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo guuto cabdilaahi Fadal Iimaan oo isna ka hadlay waxqabadka u soo kordhay booliska intii uu gacanta ku hayey, Wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha, Maxamed Muuse Diiriye oo ka hadlay arrimaha nabadgelyada iyo dedaalada ciidanka booliska.
Waxaana munaasibadaasi soo xidhay oo khudbad ka jeediyey madashaasi madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu yidhi"Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taliye Ku-xigeenka, Saraakiisha iyo dhammaan Ciidan weynaha Booliska, Xubnaha Xukuumadda iyo Marti Sharafta kale,
Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay, in aan maanta ka soo qayb galo, munaasibadda Xuska Sannad Guurada 24aad, ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Madashan qiimaha badan, waxaan jecelahay, in aan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan hawada u mariyo, dhammaan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan uga mahad-celinayaa Ciidanka Booliska iyo dhammaan Ciidammada kale ee Qaranka, sida hagar la'aanta ah ee ay u guteen waajibaadkooda shaqo, muddadii toddobada sanno ahayd, ee aan dalka hoggaaminayey.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Dalkeenu wuxuu ku yaallaa Gobol, ay colaadaha iyo xasaraduhu ku badan yihiin. Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah, in aynu sii xoojinno amniga iyo xasiloonida Qarankeena. Waxa Eebe mahaddii ah, in Nabadda iyo Degenaanshaha, uu dalkeenu maanta ku naaloonayo, ay tahay mid ku timid dedaalka iyo kartida Xukuumadda Xisbiga Kulmiye. Waxaan aamin-sanahay, in maanta aynu hirgelinay nidaam wacan, oo lagu sii dhisi karo, laguna sii horumarin karo Tayada, Xirfadda iyo Aqoonta Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa xusid mudan, bilicda iyo quruxda derajooyinka garbihiinna ka muuqdaa, in ay ka mid-yihiin dedaallada iyo wax-qabadka Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ay hir-gelisay. Derajooyinkaasi, waxay kaalin weyn ka qaateen maamuuska, habyadda iyo kala dembaynta ciidammada dalka. Dhinaca kale, waxaan kula dardaarmi doonaa Madaxweynaha aan xilka ku wareejin doono, in uu halkaa ka sii wado daryeelka, horumarinta iyo tayeynta Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaynu ku jirnaa gebagabadii, iyo maalmihii ugu dambeeyey, ee Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay, taasoo talada dalka haysay laga soo bilaabo 27-kii, bishii 7-aad, sannadkii 2010-kii. Dhinaca kale, haddii RABBI idmo, waxa foodda inagu soo haysa Doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, oo qabsoomi doonta 13-ka, bisha 11-aad, ee sannadkan 2017-ka. Sidaa darteed, waxaan dhammaan Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland ku amaanaya doorka weyn ee ay ka qaateen hab-sami u socodka iyo u diyaar-garowga hawlaha Doorashada Madaxtooyada.
Sidoo kale, waxaan ku kal-soonahay, in aad xil mug leh iska saari doontaan amniga qaranka, gaar ahaan xuduudaha dalka iyo goobaha doorashooyinka.Waxaan Shacbiga Somaliland ugu baaqayaa, in ay is-garab taagaan, isla markaana gacan siiyaan, geesiyaasha Ciidammada Qaranka, ee habeen iyo maalin heeganka u ah, sugidda nabadgelyada iyo ka hortagga falalka lagu dhaawacayo xasiloonida dalka.
Ugu dambayn, waxaan dhammaan Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland farayaa, in ay heegan buuxa galaan, isla markaana u diyaar garoobaan hawlaha Doorashada Madaxtooyada".
storvideo: 

Saadaasha Madaxweynaha iyo ku xigeenka ay shacabka...

$
0
0

Saadaasha Madaxweynaha iyo ku xigeenka ay shacabka reer Somaliland dooran doonaan ( Daawo warbixin laga diyaariyey )
Waxa Daabacay staff-reporter on Nov 4th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Doorashada sannadkan ka dhacaysa Somaliland ayaa ah mid aad iyo aad u adag, waa mid in la saadaaliyaa ay dhib badan tahay. Waxana ay u eg tahay doorasho guul iyo guul darro mid uun ugu dhammaan doonta shacabka, dalka iyo xisbiyada tartamaya.
Ka suxufi ahaan ( Ahmedweli Goth ), way igu adag tahay in aan dadka reer Somaliland uga sheekeeyo ama u qaybiyo qabiil, waxase ay dadka siyaasadda Somaliland faalleeyaa ka eegaan dhinaca qabyaaladda iyo gobolladu sida ay u kala taageersan yihiin musharrixiinta. Maaddaama aanu mabda' iyo wax la mid ahi meesha ku jirin. Laakiin natiijada doorashadu waa mid inna hor iman doonta 13ka bisha November wixii ka danbeeya.
Shabakadda Awdalpress.com ayaa iyadu ka maagtay in ay soo nashriso hab beeleedka shirarka loo qabto, ee taageerada amma diidmada lagu muujiyo. Waxanan u aragnaa in muuqaalladaa qabiil ay yihiin arrimo ama mooshinno ay shakhsiyaad soo abaabuleen, iyaga oo dano gaar ah leh. Shacabkana u isticmaalaya food-saar. Isla markaana ka been sheegaya rabitaanka shacabka. Taasi oo dhaawac ku ah damiirka iyo siyaasadda xisbiyada amma xisbiyadaba sumcaddooda wiiqaysa.
Sidoo kale waxa naga reebban in aan bar tilmaameedsanno shakhsiyaadka tartamaya amma taageerayaasha u ah xisbiyada. Inkasta oo ay dhalliishu mararka qaar tahay toosin, sidaasi daraaddeed ay jiraan shakhsiyaad aan ku aragno dhalliilo waaweyn oo siyaasadeed amma wax ma tarayaal ah, oo xisbi walba ku jira. Gaar ahaanna waxa aan shacabka reer Awdal farta ugu fiiqnaa ama dhalliishooda si guud ugu sheegnaa siyaasiyiinta socod baradka ah ee ka soo jeeda gobollada galbeeda. Ee ku mirqaansan qabyaaladda iyo kala qoqobka shacabka, waxanan leenahay waa in ay da'yartu ka foojignaadaan.
Sidaasi daraaddeed, awdalpress.com waxa ay bannaanka iska taagtay qabyaaladda loo kala qaybiyey shacabka iyo mabda' la'aanta aanay shacabku wax mabda' ah ku kala dooranayn musharrixiinta. Xaalku marka uu halkaa marayana waxa aan ka Awdalpress editor ( Ahmedweli Goth ) ahaan u sheegayaa shacabka aadka noo xiiseeya in aannaan shaqo ku yeelan doonin arrimo qabiil. Haddii aan hore ugu khaldannayna waxan shacabka u soo jeedinayaa reelli gelin.
Haddaba haddii aan si kale u eegno doorashada iyo ifafaalaha sida la qiyaasi karo, waxa aan idiin soo gudbinaynaa warbixin laga diyaariyey doorashada iyo saadaasha doorashada.
[embedded content]La soco faallooyin xaqiiqda ka tarjumaya oo aan soo qori doonno. Iyo rabitaanka shacabka da'da yar oo aan hoosta uga xarriiqi doonno sida ay jecel yihiin.
Awdalpress
This post has been viewed 120 times.
storvideo: 

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo dib u...

$
0
0

Qoryooleey (SONNA) - Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku guuleystay inay dib u dayactir ku sameeyaan buundada Degmada Qoryooleey, kaasi oo kalhore ay qarxiyeen maleeshiyada Al-Shabaab oo u jeedkoodu ahaa inay hakad geliyaan isu socodka gaadidka iyo dadweynah ee buunadada isticmaala, maadaama ay kala qeybsado buundada Degmada.
Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo ay wehliyaan ku-xigeenka Maaliyadda iyo Maamulka Degmada Qoryooleey ayaa xariga ka jiray buundada, kaasi oo dib u habeyn lagu sameeyay.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Degmada Qoryooley Cabdi Axmed ayaa sheegay in dayactirka buundada uu in muddo ah socday maamulka Degmaduna uu gacan ka geystay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa buundada.
Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa u mahadceliyay Maamulka Degmada iyo bulshada ku dhaqan Degmada Qoryooleey waxa uuna sheegay in argagixsada Shabaab ay cadaw ku yihiiin horumarka bulshada.
Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose iyo Masuliyiintii la socotay ayaa booqday isbitaalka Degmada Qoryooleey, isagoo kulan la qatay Maamulka Isbitaalka iyo howlwadeenada ka howlgalla, waxaana intaasi kaddib ay booqdeen suuqa weyn ee Degmada iyo waaxyaha ay Degmada ka koobantahay.
Maaamulka Gobolka Sheblelaha Hoose ayaa Degmada Qoryooley waxa uu ka hirgeliyay leerarka cadceedda ku shaqeeya, kaasi oo ay si weyn u soo dhaweeyeen shacabka Degmada, waxaana Mas'uuliyiinta Gobolka iyo Maamulka Degmada ay xilli habeen ah ku dhax socdeen gudaha magaalada iyagoo ganacsatada ka xog warestay xaaladaha Amni ee Degmada.
Maxamed Cali Cumar Jubba
storvideo: 

Ciidamada Puntland oo howlgallo ka sameeyay Waqooyiga Gaalkacyo

$
0
0

Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa howlgallo maanta ballaaran ka sameeyay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Howlgalladan oo ahaa kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga sameeyeen Xaafadaha Israac iyo Garsoor ee Waqooyiga Magaaladaasi Gaalkacyo.
Wasiirka Amniga Puntland Axmed C/laahi Yuusuf “Dowlad” oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay adkeyn doonaan ammaanka deegaanada Maamulkaasi, si looga hortago wax kasato oo khatar ku ah amniga Puntland.
Waxaana uu tilmaamay in heegan buuxo la galiyay ciidamada Puntland, si ay u xasiliyaan amniga Gaalkacyo iyo guud ahaan deegaanada Maamulkaasi.
Howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Bar Control oo ay ciidanka Puntland ku leeyhiin Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, halkaas oo ay ku dileen Askar ka tirsanaa Maamulkaasi.
The post Ciidamada Puntland oo howlgallo ka sameeyay Waqooyiga Gaalkacyo appeared first on Shabelle.


Mareykanka oo Muwaadiniintiisa ku amray inay degdeg...

$
0
0

Dowladda Mareykanka ayaa ku amartay dhammaan muwaadiiniinta kasoo jeedda dowladda Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya in ay si deg deg uga soo baxaan Magaalada Muqdisho.
War kasoo baxay Howlgalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhamaan shaqaalaha Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Muwaadiniinta kale inay isaga baxaan Muqdisho illaa amar dambe.
Waxaa lagu sheegay warka in ay muhiim tahay in la badbaadiyo Shaqaalaha Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.
"Soomaaliya weli waa mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan adduunka. Maraykanku ma lahan safaarad laga soo bilaabo 1991 waxana uu ku baaqay ammaan" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mareykanka.
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa bishii lasoo dhaafay waxaa dhacay weerarkii ugu xumaa ee ka dhaca dalka, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 350 qof.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Cabdiraxmaan Cabdishakuurow Badda maxaad ku darsan...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Maalmihii ugu dambeeyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si rasmi ah u bilaabay inuu dhaqangeliyo ololahii ay dowladda Imaaraadka Carabta usoo wakiilatay ee ahaa in la qalqal geliyo dowladda Soomaaliya isla markaasna meesha laga saaro Madaxweyne Farmaajo oo talada dalka hayo wax ka yar hal sano.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur u aragtay inuu yahay Shakhsiga mudan inuu hoggaamiyo ololahaan, maadaama uu horey u iibsaday Badda Soomaaliya oo uusan u daahi doonin duminta dowlanimada Soomaaliya.
Haddaba waxaa is waydiin mudan waa Kuwa Cabdiraxmaan Cabdishakuur, maxaa iska badalay, muxuuse ka xujin doonaa Iibka Badda Soomaaliyeed?Waa Kuma Cabdiraxmaan Cabdishakuur??
C/raxmaan C/shakuur, wuxuu ahaa ninkii Cumar Cabdirashiid kala qeyb qaatay iibsiga qeybo kamid ah Badda Soomaaliya isagoo ka faa'iideysanayay Wasaaraddii uu ka hayay Xukuumaddii kowaad ee Dowladdii Shariif Sheekh Axmed ee ahayd, Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.Heshiiskii Qarsoonaa.
Heshiiskii qarsoodiga ahaa ee Kenya lagula galay iibsiga Dhul-badeedka Soomaaliya waxaa mas'uuliyad ku lahaa C/raxmaan C/shakuur oo ka tirsanaa Xukuumadii hore ee Cumar C/rashiid, C/raxmaan ayaa la sheegay inuu kamid ahaa Mas'uuliyiintii Dawlada Kenya ka qaateen lacag gaaraysa 50 Milyan oo Dollar, Mas'uuliyiinta iyo Dawlada Kenya waxaa u dhexeeyey oo Dalaal U ahaa Shirkado Shisheeye, lacagtii laga qaatay Kenya ee looga iibsaday Badda Soomaaliya ragii qaatay kuma heshiin ee waa ay sii kala dhaceen.
Lacagta xoogeedii waxaa dhacay dalaaliintii, Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur ee loo haysto Iibinta Badda Soomaaliya waxaa soo raacay Mas'uuliyiin kale oo Soomaali ah oo ay kamid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Prof. C/raxmaan Ibbi iyo Prof. Maxamed Gaandi.
Hadaba Dowlada Kenya waxaa ay daba joogta dhaqaalihii uga baxay iibsiga Badda Soomaaliya, waxaana ay hada wadaa dhaqaale kale oo ay ku doonayso inay ku meel mariso go'aankeedi ahaa inay lawareegto dhul-badeed balaaran oo ay Soomaali leedahay.Cabdiraxmaan Cabdishakuurka cusub waa kuma?
Cabdiraxmaan Cabdishakuur weli isma badalin, Baddii uu iibiyeyna ilaa hadda dowladdii uu lacagta ka qaatay waa siin la'yahay kadib markii ay kusoo baxeyn Soomaalida oo dhan isla markaasna la ogaaday qorshaha uu watay iyo lacagaha xaaraanta ah ee uu ku qaatay iibsashada Badda Soomaaliya.
Hadda Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu wadaa olole xooggan oo ay maalgelinteeda leedahay dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna shirar lagu duminayo dowladnimada Soomaaliya ka bilaabay Magaalada Muqdisho.
Ololaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur wado waxaa qeyb weyn ka ah Siyaasiyiin badan oo horey xilal uga soo qabtay dowladihii soo maray Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan: Sheekh Shariif, Cumar Cabdirashiid, Odawaa, Faarax Cabdulqaadir iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa doonayo inuu mar kale kasoo muuqdo Siyaasadda Soomaaliya si uu ugu adeeggo danaha dowladda Imaaraadka Carabta maadaama uu ku fashilmay iibinta Badda Soomaaliya, waxaase is waydiin mudan waxa Cabdiraxmaan Cabdishakuur u xigi doono iibinta Badda Soomaaliyeed?- OnlineXafiiska Nairobi-@live.com
storvideo: 

Ciidamada Puntland oo howlgallo ka sameeyay...

$
0
0

Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa howlgallo maanta ballaaran ka sameeyay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Howlgalladan oo ahaa kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga sameeyeen Xaafadaha Israac iyo Garsoor ee Waqooyiga Magaaladaasi Gaalkacyo.
Wasiirka Amniga Puntland Axmed C/laahi Yuusuf "Dowlad" oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay adkeyn doonaan ammaanka deegaanada Maamulkaasi, si looga hortago wax kasato oo khatar ku ah amniga Puntland.
Waxaana uu tilmaamay in heegan buuxo la galiyay ciidamada Puntland, si ay u xasiliyaan amniga Gaalkacyo iyo guud ahaan deegaanada Maamulkaasi.
Howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Bar Control oo ay ciidanka Puntland ku leeyhiin Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, halkaas oo ay ku dileen Askar ka tirsanaa Maamulkaasi.
storvideo: 

Rai'sul wasaarihii Lubnaan oo iscasilay sheegayna in uu naftiisa u baqayo

$
0
0

Rai'sul wasaarihii dalka Lubnaan Sacad al-Xariri ayaa ku dhawaaqay in uu is caslay taasi oo noqotay tillaabo lama filaan ah.

Rai'sul wasaarihii Lubnaan oo iscasilay...

$
0
0

Rai'sul wasaarihii dalka Lubnaan Sacad al-Xariri ayaa ku dhawaaqay in uu iscaslay taasi oo noqotay tillaabo lama filaan ah.
Mr Xariiri ayaa sheegay in uu u baqayo naftiisa islamarkana ay taasi tahay sababta uu xilka uga dagay.
Shir jaraaid oo uu ku qabtay caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh , ayuu Mr Xariri waxa uu si kulul u canbaareeyay ururka Xisbullah iyo Iiraan.
Waxa uu sheegay in meel kasta oo ay Iiraan soo gasho ay cabsi iyo burbur la soo daristo.
Sacad al-Xariri ayaa sheegay in xaaladda ay maanta Lubnaan marayso ay la mid tahay tii dalkaasi ka jirtay markii la dilayay aabihii Rafiq sanaddii 2005.
Mr Xariri ayaa qabtay xilka raisul wasaaranimada bishii December ee aanu soo dhaafnay.
Mr Xariira ayaa Sacuudiga booqday dhowr jeer maalmihii la soo dhaafay .
Sacuudiga ayaa waxa ay si wayn isaga soo horjeedaan dowlada Iiraan oo taageerta kooxda Shiicada ee Xisbullah.
storvideo: 

Ururka Haweenka Qaranka oo 50 Haween ah baray...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA) - Ururka Haweenka Qaranka ayaa maanta tababbar u soo gabo gabeysay 50 haween ah oo la baray farsamada gacanta, gaar ahaan tolidda dharka, iyadoo munaasabaddii lagu soo gabo gabeynayay ay ka qeyb galeen xubno kala duwan iyo madaxda ururka.
Qaar ka mid ah haweenkii la baray farsamada gacanta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin xirfadaha la baray, sida tolidda dharka, ayna ku maareeyn doonaan noloshooda.
Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Marwo Madiino Maxamed Warsame oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in haweenka tababbarka loo soo xiray ay ka kala yimaadeen 17-ka degmo ee Gobolka iyo qaar ka mid ah xeryaha Barakacayaasha.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay inay joogteyn doonaan tababbarada gacanta ee la siinayo haweenka, si ay noloshooda u maareeyaan, waxaana ay dowladda Shiinaha uga mahadcelisay sida ay gacanta uga geysteen taaba gelinta tababbarka.
Tababbarka oo socday muddo afar bilood ah ayaa haweenkii ka faa'iideystay waxaa wajiyadooda laga dheehan karay farxad, maadaama la siiyay xirfado ay ku shaqeysan karaan.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMaamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo dib u dayactiray buundada Degmada Qoryooleey "SAWIRRO"

storvideo: 

Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle.


TOOS U DAAWO:- Kulanka Is Dhexgalka iyo Wacyigelinta...

$
0
0

Akhristayaasheenna sharafta leh waxaan halkaan idiinkugu soo gudbineynaa muuqaalka Tooska ah ee Kulanka Is Dhexgalka iyo Waxyigelinta Bulshada Dowladda iyo bahda Warbaahinta ee Xasilinta Dalka. Kulanka oo ka soconaya xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya waxaa ka qeybgalaya Wasiirka Warfaadinta DFS , Wasiirrada Warfaafinta Dowlad goboleedyada,Xildhibaanno, Bahda warbaahinta, Culumaa'udiin, guddiga gurmada qaran iyo [...]
storvideo: 

AMISOM re-aligns troop compositions across Somalia...

$
0
0

AMISOM is undertaking a series of troop movements, aimed at re-aligning contingent compositions in various forward operating bases across Somalia.
Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Francisco Caetano Madeira said: "The realignment of our troops in forwarding operating bases across the Sectors including the movement of Ethiopian military contingents who are currently seen crossing the border from and into Somalia, represents calculated activities, in readiness for the transitioning of security responsibilities to the Somali National Security Forces. Over the coming weeks, AMISOM's strategic troop movements will continue, without disrupting the provision of the existing security services, to ensure the safety of the people of Somalia, who remain at the core of AMISOM's operational consideration."
United Nations Security Council Resolution 2372 (2017) calls for a gradual, conditions-based, withdrawal of AMISOM troops from Somalia, following an intensive training and upskilling of Somalia's National Security Forces.
"We must congratulate the Somali security forces for their determination and focus in completing all training and ensuring they are prepared to assume security responsibilities over territories that are currently secured by AMISOM," Ambassador Madeira said.
storvideo: 

Somalia Oil, Gas & Mining 2018 Summit

$
0
0

4th November 2017 admin Category :

  • SOMALI NEWS IN ENGLISH

After a series of highly successful events in the Oil & Gas Sector, IRN is delighted to bring to you the
Somalia Oil, Gas & Mining Summit 2018 on 29-30 March in Nairobi, Kenya.
The new regulatory framework, the Downstream Law, recently passed by the Somalian Government and the improvement of security standards in the country have led to an increase in the appetite of investors and IOCs to set up new operations in this market.
Apart from the Government, key institutions within the Somalian State such as the national oil company and the Central Bank will have the chance to update attendees on the newly developed PSAs model and the legal framework affecting the upstream and downstream sectors.
International banking institutions such as the World Bank and the African Development Fund will be also providing an update on current funding schemes targeting such capital intensive sectors.
In general terms, this Summit is intended to enable economic growth in Somalia and specially, to boost the long term development of the Oil, Gas and Mining sectors.
Post navigation
- Previous Post
storvideo: 

Maraykan muxuu ogyahay?

$
0
0

Kn: Dawladda Maraykanka ayaa muwaadhiniinteeda ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Garoonka Aadan Cadde iyo xerada Xalane ku amray inay isaga qaxaan.
Warka ka soo baxay qayb hawlgalka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa xanbaarsanayd digniintii ugu cuslayd taasi oo lagu sheegay inay khatar aad u saraysa ku soo waajahantahay Garoonka Aadan Cadde.
Maraykanku ma sheegin khatartu nooca ay tahay iyo cidda ka danbaysa marka laga reebo amarka ay ku siiyeen dadka wadankooda u dhashay ama haysta dhalashadooda inay isaga baxaan Muqdisho.
Shacabka Muqdisho ayaa is waydiinaya hadii Maraykanku og yahay cidda duulaanka soo ah muuba halkooda ugu tago oo burburiyo, mise timir laf baa ku jirta ayay leeyihiin.
Arintan ayaa ku soo aadaysa xili madaxdii dalka at gorodda iskula jiraan oo wali gaari la'yihiin heshiis looga gudbi karo jawiga siyaasadeed ee haatan dalku ku jiro.
storvideo: 

Dhageyso Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live