Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Jubbaland oo sheegtay inay diyaarisay ciidamadii...

0
0

Kn: Jubbaland ayaa sheegtay inay diyaarisay isla markaana ay heegankii ugu danbeeyay galisay ciidamadii ka qayb qaadan lahaa hawlgalka maleeshiyada Alshabaab looga xoraynaayo dalka.
Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo tababar u soo xiray ciidamada in muddo ahba leyli uga socday gobolka Gedo ayaa ku nuux nuuxsaday inay soo gabagaboobay diyaargarowgii ugu danbeeyay ee ay Jubbaland isugu diyaarinaysay ka jawaabista dalabkii madaxweyne Cabdullahi Farmaajo ee ahaa in hawlgal saf balaaran ah lagu qaado maleeshiyaadka Alshabaab.
Wuxuu sheegay in ka Jubbaland ahaan ay diyaariyeen ciidamadii hawlgalka ka qayb qaadan lahaa, guud ahaanna deegaamada Jubbaland ay ciidamadu ku jiraan heegan.
Hadalka Cabdirashiid Janan ayaa ku soo aadaya ayadoo ay gobolka Gedo soo gaareen ciidamo cusub oo ka socda dalka Itoobiya, kuwaasi oo lagu sheegay inay dalka ku soo galeen dalabkii Farmaajo isla markaana ay ka qaby qaadan doonaan hawlgallada la saadaalinaayo in la qaado, waaba hadii laga dhabeeyee.
storvideo: 


Gudaha Ka Eeg :Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ku...

0
0

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid ayaa xayiray telefiishanka Kalsan TV oo xarutiisa guud tahay Ingiriiska. Wasiirku wuxuu amray in la xidho dhamaan xafiisyada Kalsan TV ee Somaliland ku yaal. Xayiraadani waxaay xidhiidh la leedahay war uu sii daayay telefiishanku 3dii November 2017 kaas oo ku saabsan isku soo bax olole oo xisbiga talada haya ee Kulmiye uu ku lahaa Laascaanood.
Wasiirku wuxuu soo saaray go'aan maanta. Shir jaraa'd oo qabtay ayuu kaga dhawaaqay in uu kala noqday Kalsan TV ruqsadii uu ku hawlgalayay. Nuqul ka mid ah go'aanka Wasiirka oo ay aragtay Xarutu aya sheegay in la xayiray Kalsan TV kadib markii uu "telefiishanka Kalsan xadgudbyo ku sameeyey Qaranimada JSL, islamarkaan baahiyay 03 Nov 2017 war been abuur ah." Go'aanku sidoo kale wuxuu ku eedeeyey telefiishanka inuu khalkhal geliyay xasiloonida iyo nabad gelyada dalka.
Warka xayiraadda keenay ayaa ah mid la baahiyay 3dii November 2017, wuxuuna muujinayaa qas ka dhacay meel uu ka jiray isku soo bax ololaha ah oo uu lahaa xisbiga Kulmiye. Fiidyawga la baahiyay ayay ka muuqatay isku dhex yaac iyo rasaas ay rideen ciidamada amnigu. Wax qasaare ah lama sheegin.
Xayiraadani waa mid ka soo horjeedda Dastuurka iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka. Dastuurku wuxuu sheegayaa in warbaahintu ay madax banaan tahay, wuuna reebay wax kasta oo lagu cabudhinayo.
"Hadii ay dawladdu wax cabasho ah ka qabto warka uu baahiyay Kalsan TV, waxaay ahayd inay marto hanaan sharci halkii ay kala noqonayso ruqsadda. Xarunta Xuquuqal Insaanku aad bay uga walaacsan tahay talaabadan ay dawladdu qaaday xilli doorasho," ayuu yidhi Guleid Ahmed Jama, gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka.
Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay ogolaato in Kalsan TV uu hawlihiisa dib u bilawdo oo ay xayiradda ka qaado.
Human Rights Centre calls on the government of Somaliland to allow Kalsan TV to resume broadcasting
Today, the Minister of Information Osman Abdilahi Sahardid indefinitely banned Kalsan TV, the UK based Somali broadcaster, and ordered the closure of its offices in Somaliland. The ban is connected to coverage broadcasted by Kalsan TV which reported about incident that has happened on 3rd November at a ruling party campaign rally held in Laas Anood, east of Somaliland.
The Minister issued a decision today and held a news conference in which he announced that he revoked the license of Kalsan TV. A copy of the decision seen by Human Rights Centre says Kalsan TV is banned for "violating the statehood of Somaliland and broadcasting on 3rd November a false news". The decision also accuses the TV of disturbing the security and peace of the country.
The coverage which the ban is connected was broadcasted on 3rd November 2017 and shows "a disturbance" at a campaign rally in Laas Anood held by the ruling party, Kulmiye. The video clip aired on the television displays disruption at the rally and shots fired by the security forces.
The ban is contrary to the Constitution and the Universal Declaration of Human Rights. Article 32 of Somaliland constitution states that the media is independent and prohibits all acts that subjugate the media. Article 19 of the Universal Declaration of Human Rights says "everyone has the right to freedom of opinion and expression; this right includes freedom to hold opinions without interference and to seek, receive and impart information and ideas through any media and regardless of frontiers".
"If the government has an objection against the news item, it should use the legal channels instead of revoking its license. We are very concerned about the action of the government in an election period," says Guleid Ahmed Jama, the chairperson of Human Rights Centre.
Human Rights Centre calls on the government of Somaliland to allow Kalsan TV to resume broadcasting immediately.
-------------------
Guleid Ahmed Jama
Chairperson of Human Rights Centre, Hargeisa Somaliland
Lawyer at Xaqdoon Law Firm
Mobile: +252 63 4468227 Email: dafac02@hotmail.com
Twitter: @GuleidJ
Website: http://www.hrcsomaliland.orgwww.xaqdoonlawfirm.com
Blog: http://guleidjama.blogspot.com
storvideo: 

Alshabaab oo loo shiray, ayana shar la maqan

0
0

Kn: Shir ay isugu yimaadeen madaxweynaha Soomaaliya, Ra'iisul wasaaraha, madaxweynayaasha dawladda gobolleedyada, hogaanka laamaha amaanka ee Soomaaliya, wakiilka midowga Afrika, saraakiisha ugu saraysa AMISON iyo safiirada dawladaha ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa looga arinsaday sii laga yeeli lahaa Alshabaab.
Shirka oo uu shirgudoominaayay Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu qaadaa dhigay sidii Alshabaab dalka looga xorayn lahaa iyo sidii hawlgal midaysan oo hal meel laga hayo loogu qaadi lahaa deegaamada ay wali Alshabaab gacanta ku hayaan.
Madaxda AMISON ayaa soo dhawaysay fikirka ay soo bandhigeen madaxda Soomaalidu waxayna sheegeen inay wada shaqayn buuxda la imaanayaan dhan kooda. Shirka laguma soo qaadin istaraatiijiyo dagaal, lamana qaabaynin shacda lagu jaangoynayo ciribtirista Alshabaab, waxaase lag isku waafaqay oo kaliya in hawlgalka la mideeyo, Ashabaabna lala diriro.
storvideo: 

May U Meel Dayaan. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed ...

0
0

Waxa uu ku nool yahay dacalka waqooyi ee caalamka. Habeen keliya isuma arko inuu ka maqan yahay dalkiisii hooyo. Mararka qaar waxa ku wada kulma farxad iyo naxdin is barbar socda, oo xaalado kala duwan ku kala saabsan. Waxa dhib ugu filan dhawaaq aan laga fiirsan oo si yar loogu tiraabay, oo markiiba ay soo gudbiyeen baraha bulshada ee caalamkii ka dhigay ardaa la wada joogo. Taa beddelkeeda, waxa rayn rayn ugu filan dhanbbaal farxadeed oo soo gaadha.
Mar waxa uu is arkaa isaga oo hiiftaamaya oo haaraamaya cid masaafad ahaan ka fog. Mar na waxa uu is arkaa isaga oo iskii isu dejinaya oo nafku ku kallifayso inuu adkaysto, kana gaashaanto gocasho aanu xalkeeda gacanka ku hayn. Xilliyada qaar waxa uu miciin iyo dan moodaa inuu isaga jiro xaalad is illowsiin ah, haddana ma jooga'e waxa uu is arkaa isaga oo ku foogan falkii uu is diidsiinayey. Isaga oo tiisa la ildaran, ayaa waxa miciin iyo niyad-dejin soo biyada mid ka sii daran oo is na jahawareer dhex dabbaalanaya. Isagu se kan wareersan waxa uu dhaamaa waxoogaa waaya-aragnimo ah oo waddanka ayuu kaga danbeeyey. Xilliyada qaar talooyinka uu bixinayo iyo waaya-aragnimo warranka uu samaynayo wuu ku nafisaa oo shidaal fiican ayuu ka helayaa. Xitaa isaga oo og waxa la isku hayo ama hadalada la isku tuur tuurayaa inay yihiin wax bulshada lagu kala kasbanayo, haddana marka ay hadaladaasi marar badan soo noqnoqdaan waxay ku abuurayaan culays iyo diiqad.
"May u meel dayaan." Ayuu naftiisa ku yidhaahdaa isaga oo yaaban oo keligii is maqashiinaya. Waxa la joogaa xilli uu naawilayey in hore loo socday oo laga gudbay ducufnimo aan hadda la dugsan karin. Waqtigan la joogo waxa uu filayey in hufnaan iyo heersare la hiigsaday. Muu filayn soo hadalqaadka iyo daliil-ka-dhigashada xajiimooyin ku dhisan hadimooyin hore loogu dagmay. Ku darsada oo meesha soo muu dhigan in si aan gabbasho lahayn hayb hayb la isugu kala guri doono.
Yeelkeede, waxa uu haddana isku qanciyaa oo uu naftiisa ku yidhaahdaa: "Iska adkayso oo jidhka is geli waa laga gudbayaaye." Isqancintani waxa ay dawo uga noqotaa in uu gaadho heer quus ah oo qanaacadii qaldhabayso. Waxa se anfariir ku reeba marka uu arko qof weyn oo uu ku tirinayey xilkas iyo looga qaateen, marka inta uu afka furto uu ku tiraabo naxli iyo hadal aan tudhaale ku jirin oo uu dan ku gaadhayo. Waxa damqasho kale ku beerta kolka uu arko iyada oo aan dheg ba jalaq loo siinayn qaar badan oo ka mid ah mudanta bulshada, oo marka ay u adkaysan kari waayaan xaaladaha qaar ka hadlaya oo dadka wax u sheegaya, isla markaana laga doorbidayo ka wax qarribaya.
Marka aan abbaarta ku soo dhawaado, qoraalkan uu ciwaankiisu yahay "May u meel dayaan" waa dareen aan la wadaago dad badan oo reer Somaliland ah. Gaar ahaan in badan oo ku nool meelo waddanka ka baxsan. Waa dareen aan arkay inuu aad uga duwan yahay marka aad waddankii joogto. Maadaamaa oo qofku aanu dalkiisii hooyo joogin waxa uu wehel ka dhigtaan xogwaraysi la xidhiidha hadba xaaladda taagan. Inuu hadh iyo habeen ba ku fooganaado raacdaynta meeshii uu warkaa ka heli lahaa oo ay ugu badan yihiin baraha bulshada. Waxa uu qofku saaxiib dhow la noqdaa moobilkiisa, kombiyuutarkiisa ama wixii kale ee uu wararka iyo xogaha waddankii ku saabsan uu kala socon karo.
Xilliyadu kala adag, deegaannaduna kala xaalad iyo nolol ba duwan. Sida guud waqtiyada ugu badan ee dadka dibadaha ama qurbaha ku nool uu wererku la soo dersadaa waa marka ay jiraan khilaafaadyada siyaasadeed, waqtiyada doorashooyinka, xaalad amni darro oo waddanka la soo derista iyo marka nolosha guduhu adkaato maadaama oo qoysas badani isku tiirsan yihiin.
Dad badan oo aan ku jiro waxa dhib laxaad leh ku haya marka loo meel dayi waayo hadallada la odhanayo. Marka qabyaaladdu xadhkaha goosato ee ay qarannimada ka xoog roonaato. Dadka raba inay bulshada hogaanka u noqdaan marka ay qabiil iyo qabyaalad gaashaan ka dhigtaan si ay yoolkaa u gaadhaan. Bulshada in ka mid ahi marka ay doonayso danta guud inay u gawracdo dan gaar ah oo ay ku raadjoogto. Kolka ay dhegahaaga ku soo noqnoqonayaan hadalo naxli iyo niyadjebin abuuraya.
Waqtigan Somaliland waxa ka socda olole loogu baratamayo hanashada kursiga dalka ugu sarreeya oo ah madaxweynenimo. Saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI waxay ku jiraan tartan. Mid kastaaba waxa uu awoodda saarayaa inuu helo taageerayaal badan oo guusha gaadhsiiya. Guddida doorashaduna waxay muddeeyeen in 13 bishan November ay doorashadu dhici doonto.
Waxa aan rabaa in aan wax ka yar iftiimiyo wixii iiga baxay intii ololuhu socday. Sida guud waa olole nabad iyo degenaansho ku socda. Xisbi kastaana isku deyayo inuu hanto taageerada iyo codka bulshada. Marka laga yimaado barnaamijyada siyaasadeed ee xisbiyadu ku ololaynayaan, waxa soo baxday in ololeeyo jaantaa rogan noqday oo hadallo cunfi abuuraya la isku weerarayo ama la isku weeraray ba. Waxa dadka lagala xishoon waayey in dhegahooda lagu rido in sidii jawaan Xamar la gaynayo. Dhegaha iyo dubaaqa dadka waxa laga ilaalin waayey dib u xusuusinta xanuunkii iyo cuqddadii dagaalkii sokeeye ee umadda reer Somaliland dhex maray kana heshiisay. Waxa uu noqday olole uu maykarafoonku gacanta u galay dadka aan ehel u ahayn oo waxay doonaan ku hadlaya. Waxa ay noqotay in la qaddarin waayey oo run iyo been ba lagu ololaynayo. Waxa aad arkaysaa iyadoo la samaynayo waraaqo been-abuuur ah oo qarannimada Somaliland minjaxaabin ku ah.Intaas oo amuurood oo ugaamayaa marka ay igu kulmeen waxa aan cod dheer ku leeyahay: "May u meel dayaan."
Midda kale ee aadka iiga sii yaabisay ee aan ololaha ku arkay waxa weeyaan; weriyaashii Somaliland oo qaar ka mid ahi xisbiyada u ololaynayaan. Waa weriye oo shaqada uu qabanayo ee magaceeda uu sitaa waa mid ku dhisan mabaadi' ay ka mid tahay dhexdhexaadnimo. Wuu taageeri karaa xisbi iyo musharrax, laakiin sida dadka uma ololaynayo ee codkiisa ayuu ugu hiilinayaa maalinta doorashada iyo codbixinta. Taageeradiisa laabta ayuu ku haysanayaa oo ka uu taageersan yahay iyo ka aanu taageersanayn ba si isku mid ah ayuu ugu shaqaynayaa.
Gunaanadka waxa aan leeyahay dadka iyo dalka ba ha loo tudho, oo ha loo meel dayo hadalada iyo ficillada duminta iyo natiijo-xumida keenaya.
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)cabdiheersare01@hotmail.comhttp://heersare1.blogspot.no/
storvideo: 

Puntland: Baraha bulshada oo'kordhiyay wehel la'aanta

0
0

Adeegsiga baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ku oo dadka adeegsada tiradoodu badatay ayaa waxa ka dhashay in ay yaraadaan wada sheekaysigii dadka iyo doodihii fagaareyaasha Soomaalidu u bixisay fadhi ku dirriryada.

AMISOM: Waxaan qaadeynaa tallaabooyin dib-u-habeyn ah

0
0

Taliska ciidamada AMISOM, ayaa sheeegay inay qaadayaan tallaabooyin dib u habayn ah.

Saxafiyad Maraykan ah oo Zimbabwe loogu xidhay aflagaado madaxweyne

0
0

Saxafiyad u dhalatay dalka Mareykanka oo lagu soo oogay dacwad ah in ay baraha internetka ee bulshadu ku xidhiidho ku faafisay hadal ay doonaysay in lagu rido dowladda Zimbabwe ayaa loo diidey in lagu damaanad lagu sii daayo.

Saxafiyad Maraykan ah oo Zimbabwe loogu xidhay...

0
0

Saxafiyad u dhalatay dalka Mareykanka oo lagu soo oogay dacwad ah in ay baraha internetka ee bulshadu ku xidhiidho ku faafisay hadal ay doonaysay in lagu rido dowladda Zimbabwe ayaa loo diidey in lagu damaanad lagu sii daayo.
Maxkamad degmo oo ku taala magaalada Harare ayaa sheegtay in marka la eego khatarta kiiskeeda in maxkamad heer gobol ah oo keli ahi damiinad siin karto.
Martha O'Donovan ayaa waxa kale oo lagu soo eedeeyey in ay madaxweynaha meel kaga dhacdey kadib markii la sheegay in ay bogeeda Twitter-ka ku qortay qoraal ay ku sheegtay madaxweyne Mugabi qof aan cid kale dan ka lahayn oo waalan.
Haddii denbiyadan lagu helo waxa la xidhi karaa 20 sannadood, hase yeeshee saxafiyada way beenisay eedeymaha loo soo jeediyay oo waxay ku tilmaantey wax aan sal iyo raad toona lahayn.
storvideo: 


AMISOM: Waxaan qaadeynaa tallaabooyin dib-u-habeyn ah

0
0

Taliska ciidamada AMISOM, ayaa sheeegay inay qaadayaan tallaabooyin dib u habayn ah.
Tallaabooyinkan ayaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwa is daba-joog ah oo loogu talagalay qaabka ay u howl-galaan ciidmada AMISOM.
War ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa lagu sheegay in qorshahan uu la jaanqaadayo dhaqdhaqaaqa ciidamada milatariga Itoobiya ee hadda la arkay iyagoo ka gudbaya xadka Soomaaliya.
Madax hawlgalka AMISOM ayaa sheegay in ay toddobaadyada soo socda ay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqa istiraatiijiga ah, kaasi oo aan carqaladeynayn doonin bixinta adeegyada nabad-gelyada ee jira, si loo xaqiijiyo ammaanka dadka Soomaaliyeed.
Qaraarka golaha amniga ee Qaramada Midoobay ee 2372 (2017) wuxuu ku baaqayaa in xaalad ku saleysan si tartiib tartiib ah, looga saaro ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, ka dib tababar xoog ah iyo wacyi-gelin siinta ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliya.
storvideo: 

Iran: Sucuudigaa qorsheeyey iscasilaadda Xariiri

0
0

Iran ayaa iscasilaadii lama filaanka ahayd ee ra'isal wasaaraha Lubnaan, Sacad Al-Xariiri, ku tilmaantay mid loogu talo galay in xiisad lagaga abuuro Lubnaan iyo guud ahaan ba gobolka. Hadalkii uu jeediyey ee uu ku sheegay iscasilaadisa ayaa Al-Xariiri wuxu si ba'an ugu dhaliilay Tehran iyo dhaqdhaqaaga Shiicada Lubnaan ah ee Xisbullah ee ay Iran taageerto.

Iran: Sucuudigaa qorsheeyey iscasilaadda Xariiri

0
0

Iran ayaa iscasilaadii lama filaanka ahayd ee ra'isal wasaaraha Lubnaan, Sacad Al-Xariiri, ku tilmaantay mid loogu talo galay in xiisad lagaga abuuro Lubnaan iyo guud ahaan ba gobolka. Hadalkii uu jeediyey ee uu ku sheegay iscasilaadisa ayaa Al-Xariiri wuxu si ba'an ugu dhaliilay Tehran iyo dhaqdhaqaaga Shiicada Lubnaan ah ee Xisbullah ee ay Iran taageerto.
Talaabadan uu qaaday ayaa Lubnaan dib ugu celinaysa hubanti la'aantii siyaasadeed.
Sacad Al-Xaraiiri wuxu carrabka ku adkeeyey Iran markii uu jeedinayay hadalkii uu ku shaaciyey iscasilaadiisa, waxaanu ku eedeeyey Tehran in ay colaad iyo burbur ka abuurto meel kasta oo ay gacanteedu gaadho. Hadalkiisan uu ka jeediyey Sucuudiga ee aanu ka odhan Lubnaan dhexdeeda ayaa dad badan durbadiiba ku dhaliyey in ay arinta u arkaan go'aan Riyaad ka dambayso.
Mid ka mid ah la taliyeyaasha hogaamiyaha Sare ee Iran ayaa ku eedeeyey Sucuudiga in ay tallaabadan wada qorsheeyeen Maraykanka oo intan madaxweyne Trump hogaanka u qabtay si aad ah u taageera aragtida siyaasadeed ee Sucuudiga ka leeyahay Bariga Dhexe.
Dhamaan arimahaas oo dhami waxay sii kordhin doonaan walaaca ka jira Lubnaan oo ah in dalku haatan gego u noqday iska hor imaadyo heer gobol ah oo u dhaxeeya labada quwadood ee loolanku ka dhexeeyo.
storvideo: 

Sucuudiga oo xidh xidhay Amiirro musuq lagu eedeeyey

0
0

Xukuumadda Sucuudiga ayaa qaaday olole musuqmaasuqa lagula dagaalamayo, waxaana ololahaa lagu soo xidhay toban Amiir oo ay ku jiraan wasiirro sar sare iyo sidoo kale tobanaan wasiiro hore ahaan jiray, talaabadaas ayaa la sheegay in looga golleeyahay in lagu cidhib tiro musuqmaasuqa.

Sucuudiga oo xidh xidhay Amiirro musuq lagu eedeeyey

0
0

Xukuumadda Sucuudiga ayaa qaaday olole musuqmaasuqa lagula dagaalamayo, waxaana ololahaa lagu soo xidhay toban Amiir oo ay ku jiraan wasiirro sar sare iyo sidoo kale tobanaan wasiiro hore ahaan jiray, talaabadaas ayaa la sheegay in looga golleeyahay in lagu cidhib tiro musuqmaasuqa.
Dhaxal sugaha taajka boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, oo gudoomiye u ah guddi cusub oo la dagaalanka musuqmaasuqa loo xil saaray ayaad moodaa inuu gacan bidixaynayo ragga ka soo horjeeda.
Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegay xil ka qaadista dhawr shakhsi oo dalka magac ku lahaa in ay ka cadhaysiin doono muxaafidiinta. Waxaanu intaa ku daray in Sucuudiga oo ah bulsho nidaam qabyaaladeed ku dhisani aanu diyaar u ahayn is bedel degdeg ah.
Dhanka kalena warbaahinta Sucuudiga ayaa sheegtay in milatariga dalkaasi ku soo riday meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Riyaad gantaal ay masuuliyiintu sheegeen in laga soo ganay dalka ay deriska yihiin ee Yemen oo fallaagada Xuutiyiintu kula dagaalamayaan xukuumadda Sucuudigu taageero.
Telefishan ay Xuutiyiintu taageeraan ayaa se ku waramay in gantaalku ku dhacay bartilmaameedkii lala beegsanayey oo ah garoonka diyaaradaha Riyaad.
Xuutiyiintu tiro gantaalo ah ayay ka soo rideen xadka labada dal u dhexeeya laakiin midna ma soo gaadhin xarumaha waaweyn ee shacabku deganyihiin.
storvideo: 

Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Wasaaradda ...

0
0

Madaxweynaah dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ee Muqdisho ku sugan ayaa caawa 04 Nov 2017 kulan casho sharaf ah layeeshay Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad [ Oomaar ].
Kulanka casho sharafta ah ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa aqoon yahay Maxamed Cabdi Gandhi,waxaana ay casho sharaf kadib weftiga Madaxweynaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya yeesheen kulan ay kaga wadda hadleen arrimo la xidhiidh muhiimmadda ay leeyihiin dhismaha Garoomada Soomaaliya, maamulka hawada Soomaaliya, iyo koboca dhismayaasha ay dawladda Puntland ka samaysay dhismayaasha garoomada diyaaradaha.
Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in dhismaha garoomada diyaaraduhu ay wax weyn Soomaaliya kusoo kordhinayaan dhaqaale ahaan, horumar ahaan, iyo sahlidda adeegyada deg degga ah ee shacabku u baahan yihiin hadday gargaar tahay iyo haday adeeg caafimaad tahayba.
Sidoo kale Madaxweynaha Gaas ayaa cadeeyey in gacan ku haynta hawada Soomaaliya tahay wax qabad muhiimaddiisa leh, maadaama ay Soomaaliya muddo badan gacanteeda ka maqnayd maamulka hawadeedu, haatana ay si xor ah u maamulayso, taasi oo uu sheegay Madaxweynuhu inay tahay talaabo wanagsan oo hore loo qaatay.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad [ Oomaar ] ayaa xaqiijiyey in dawladda Puntland horumar lixaadle ka gaadhay dhismayaasha garoomada diyaaradaha madaama ay sadex sanadood guddohood ku hirgashatay sadex garoon oo caalmi ah [three International Airport], waxaana uu wasiirku xusay in taasi tahay horumar wanaagsan oo ay Puntland hormuud ugu tahay guud ahaanba Soomaaliya, isagoona Madaxweynaha dawladda Puntland ku amaanay dedaalka dheeriga ah ee uu ku bixiyey dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ee ay ugu horeeyaan garoomadaasi iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.
Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in dhismaha garoomada diyaaraduhu ay kow ka yihiin illaha dhaqaale ee dalka, isla markaana ay ka qayb qaadanayaan wax kasta oo horumar ah ee Soomaaliya u baahan yahay, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dawladda Puntland diyar u tahay wax kasta oo wanaag ah inay dalkeeda Soomaaliya ka taageerto khibrad ahaan iyo waayo aragnimo ahaanba.=DHAMMAAD=XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo Yeeshay Kulan Casho Sharaf ah. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

George Bush oo xaqiijiyay in uu u codeeyay Hillary Clinton

0
0

Madaxwaynihii hore ee Mareykankanka ee xisbiga Jamhuuriga George Bush ayaa xaqiijiyay in uu u codeeyay musharaxii xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton doorashada madaxwaynanimada ee 2016.


Caalin:-“Dowladnimo Lama Helaayo Inta Madaxdeenu Ku...

0
0

Waxaa wali ka Socda Magaaladda muqdisho shirka Madaxda dowladda Soomaliya iyo maamul goboleedyada kaas 29-kii bishii dhamaatay ka furmay magaalda Muqdisho.
Diblumaasi Maxamed Maxamud Nuur Caalin oo ku sugan magaalada Helsinki ee - dalka Finlad kana faalooda arimaha siyaasada oo lahadlay barnaamijka bartilmaameedka ee ka baxa idaacada Simba ayaa sheegay in shirkan ay ka soo bixi karto midnimo qaran iyo heshiis qaran sida uu aragtidiisa siyaasadeed ku cabiray.
Siyaasigan ayaa carabka ku dhuftay in nidaamka dowladnimada laga indho la,yahay wuxuuna sheegay in ay adag tahay in dowladnimada ay baahdo inta masuuliyiinta dowldda ay Hoteelo dagan yihiin shirarkoodana ku qabsadaan
Caalin ayaa sheegay in siyaasadan adag haatan dowlada Farmaajo ay wajaheyso looga gudbi karo inuu madaxweynaha la yimaado barnaamij siyaasaded uu kula shaqeeyo dowlad goboleedyada bulshadana u keeno buug siyaasadeed oo lagu qaato talo qaran iyo midnimo qaran oo lagu gaaro 2022-ka.
Diplumaasigan ayaa sidoo kale soo hadal qaaday daagalka uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya wuxuuna sheegay in dagaal lagalo aysan sahlaneyn balse loo bahanyahay in qorshe siyaasaded lala yimaado ayna diyaariyaan dadka aqoonta u leh arimaha dagaalka waxayna taasi fududeyn kataa buu yiri in laga guuleeysto Al-shabaab oo uu sheegay inaysan aheyn dagalamayal ku dagaal gala dababado.
Wuxuuna sidoo kale xusay in guusha dowlada ee ka dhanka ah Xarakada Alshabaab ay ku xirantahay in barlamanka labada aqal ay ansixiyaan sharciga ladagaalanka argagixisada.
storvideo: 

Puntland iyo Daacish oo dad ka qab qabtay Gobalada...

0
0

Ciidamada amaanka Puntland ayaa la sheegay in dad ay ka qab qabtay Buuraha Gobalka Sanaag kadib Howlgal ay halkaas ka sameeyeen Ciidanka amaanka.
Ciidamada Puntland ee Howlgalka sameeyay ayaa la sheegay in ay qabtayn ugu yaraan 5 kuwaas oo ay sheegeen in laga shakiyay oo baaritaan lagu sameyn doono loogana cabsi qabo in ay qorsheynayeen weeraro Gobalka ka dhaco.
Dhinaca Kale Daacish ayaa la sheegay in 9 qof oo Shacab ah ay ka qabatay Nawaaxiga deegaanka Buqa oo ay diyaaradaha Maraykanka duqeyn ka fuliyeen.
Daacish ayaa la sheegay in dadkaan oo dhinyaro u badan ay ka qabatay deegaan dhowr KM u jir Saldhigooda Buqa waxayna ku eedeeyeen in ay hagayeen Duqeyn lala beegsaday Fariisinka Daacish ee Buqa.
storvideo: 

Saudi princes, ministers targeted in anti-corruption...

0
0

Eleven princes were arrested in Saudi Arabia on Saturday following the formation of an anti-corruption committee by King Salman bin Abdulaziz Al-Saud, Saudi-backed broadcaster Al-Arabiya reported.
Three ministers were removed from their positions: Economy and Planning Minister Adel bin Mohammed Faqih, National Guard Minister Prince Miteb bin Abdullah bin Abdulaziz and Naval Forces Commander Admiral Abdullah bin Sultan bin Mohammed Al-Sultan, said Saudi TV, the government's official broadcaster.
King Salman ordered the new anti-corruption campaign as part of an "active reform agenda aimed at tackling a persistent problem that has hindered development efforts in the Kingdom in recent decades," a press release from the Saudi Ministry of Communications said.
The royal decree said the committee was needed "due to the propensity of some people for abuse, putting their personal interest above public interest, and stealing public funds" and will "trace and combat corruption at all levels," according to the release.
The committee, headed by Crown Prince Mohammed bin Salman, has the authority to investigate, arrest, issue travel bans and freeze the assets of those it finds corrupt.
The three ousted ministers were replaced, with Prince Khalid bin Abdulaziz bin Mohammed bin Ayyaf Al Muqren becoming National Guard minister, Mohammed bin Mazyad Al-Tuwaijri becoming the Economy and Planning Minister, and Vice Admiral Fahd bin Abdullah Al-Ghifaili taking on the role of Naval Forces Commander.
Source: CNN
storvideo: 

George Bush oo xaqiijiyay in uu u codeeyay Hillary...

0
0

Madaxwaynihii hore ee Mareykankanka ee xisbiga Jamhuuriga George Bush ayaa xaqiijiyay in uu u codeeyay musharaxii xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton doorashada madaxwaynanimada ee 2016.
Wiilkiisa, George W Bush, ayaa dhankiisa sheegay in uu ka walaacsan yahay in uu noqon doono madaxwaynihii ugu dambeeyay ee ka socda xisbiga Jamhuuriga inkastoo Trump qudhiisu yahay xisbiga Jamhuuriga.
"Ninkan ma yaqaano waxa ay ka dhigan tahay in aad madaxwayne noqoto," ayuu yiri George W Bush,
Hadalkan ayaa qayb ka ahaa Buug cusub oo cinwaankiisu yahay Jamhuuriyiintii ugu dambeeyay.
Qaybo hordhac ah oo Buuggan ku sabsan ayaa waxaa daabacay qaar ka mid warbaahinta Mareykanka.
"Ma jecli ,wax badana kama aqaan,balse waxa aan ogahay in uu yahay nin isla wayn ,kumana faraxsani in uu noqdo hogaamiye,"ayuu yiri George Bush,oo isagu madaxwayne ka ahaa Mareykanka intii u dhaxaysay 1989 iyo 1993.
Xilligii lagu guda jiray ololihii doorashadii madaxwaynanimada Mareykanka 2016 George Bush iyo wiilkiisa George W Bush midkoodna ma taageerin Trump.
Balse buugan cusub sida lagu qoray,George Bush ayaa xaqiijiyay in uu u codeeyay Hillary Clinton.
Hasa yeeshee George W Bush,ayaa isagu sheegay in warqaddii codeynta madaxwaynanimada uusan waxba ku qoran.
storvideo: 

AMISOM “Amaanka dalka waxaan ku wareejineeynaa...

0
0

Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa sheegay in ay u diyaar garoobayaan sidii Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed ay ugu wareejin lahaayeen guud ahaan amaanka dalka.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira oo ka qeyb galay kulan ay isugu yimaadeen madaxda dowladda Soomaliya iyo Howlgalka AMISOM ayuu ku xaqiijiyay qorshahaas.
"Dib u habeynta ciidamadeena ee saldhigyadooda sida dhaqdhaqaaqa ay ciidamada Milatariga Ethiopia sameeyeen ee lagu arkay iyagoo ka soo gudbaya xadka Soomaaliya , waxaa uu yahay u diyaargarowga sidii ciidamada qaranka Soomaaliya loogu wareejin lahaa mas'uuliyada ammaanka dalka Soomaaliya."ayuu yiri Francisco Caetano Madeira
Sidoo kale Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalada dhawaan ay qaadi doonaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa AMISOM aysan waxba u dhimi doonin xasiloonida iyo Ammaanka dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Wakiilka ayaa ugu baaqay ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed in ay qaataan tababaradda loogu talagalay si ay ula wareegaan guud ahaan amaanka dalka Soomaliya.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaraar tirsigiisu yahay 2372(2017) waxa uu ku baaqay in si tartiib tartiib ah ay ciidamada Midowga Afrika AMISOM ugu baxaan wadanka Soomaaliya kadib marka tababaro sare loogu qaadayo xirfada ciidamada qaranka Soomaaliya la siiyo.PUNTLAND POST
The post AMISOM "Amaanka dalka waxaan ku wareejineeynaa Ciidamada Soomaalida ah" appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live