Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya; " Dowladda Soomaaliya ha la taageero haddii kale Alshabaab iyo Xisbul Islaam ayaa dalal kale u sii gudabaya"

0
0

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Moses Wetangula oo saxaafada la hadlay ka dib markii uu Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya Nayroobi kula kulmay ayaa sheegay in ay lama huraan tahay bari-taageerida dowladda Soomaaliya si looga hortago in talada Soomaaliya ay gacanta u gasho kooxaha Alshabaab iyo Xisbul islaam.

Alshabaab iyo Xisbul Islaam haddii iyadoo loo soo marayo dowladda Soomaaliya aan laga taqalusin wuxuu qabaa Moses Wetabgula in mashaakilku uusan Soomaaliya ku ekaan doonin oo uu u sii gudbi doono Mandaqada Bariga Afrika guud ahaan dalaka deriska la ah Soomaaliya haba ugu horeeyaane.

Tan iyo wixii ka dambeeysay markii Alshabaabku dhabarka u rideen mas'uuliyada Qaraxyadii magaalada Kampala ayaa waxaa si gaar ah isha loogu hayay dhaqdhaqaaqyada Soomaalida iyadoon loo kala aaba-yeeleyn dalka ama deegaanka ay markaas ku sugan yihiin waxaana mudan in maanka lagu hayo Soomaalida badan oo hadalkii Alshabaab xabsiyada adduunka qaarkood u jiifa.

halgankanet@gmail.com


Mushaar la'aan ayay ahaayeen saddex bilood

0
0

Maamulka cusub ee Somaliland ayaa sheegay in ay maanta bilaabayaan bixinta mushaarka shaqaalaha dowladda oo aan la qaadan muddo saddex bilood ah.

Wasiirka Cusub ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi oo u waramayay BBC ayaa ku dhawaaqay in
maanta ay bilaabayaan bixinta maushaarkii shaqaalaha dawladda ka maqan.

Wasiirku waxa uu sheegay in ugu yaraan laba bilood mushaarkooda ay siin doonaan shaqaalaha.

Shaqaalaha dowladda Somaliland, oo ay ku jiraan ciidamada booliiska ayaan muddo saddex bilood ah qaadan wax mushaar ah.

Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sidoo kale waxa uu ka
hadlay arri mo kale oo ay ka mid yihiin nidaamka cashuur ururinta oo ay
dhawaan xoojisay xukuumadda cusubi, la dagaallanka musuq-maasuqa, iyo
qorshihiisa guud ee la xiriira wadashaqeynta wasaaraddiisa iyo
ganacsatada.

Dagaalkii ugu horeeyay bishan Ramadan oo ka dhacahy muqdisho: yaa bilaabay?

0
0

Ugu yaraan sagaal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, 12 kalena waa ku dhaawacmeen dagaallo culus oo galabta ku dhexmaray Muqdisho ciidamada dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka.

Dagaalka oo ka dhacay xaafadaha degmada Hodan, ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay 12 qof.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday duqeyn iyo hub culus.

Kooxaha gargaarka ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in tiradu ay intaa ka sii kororto.

Dagaalkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee dhexmara dowladda iyo mucaaradka intii lagu jiray bishan barakeysan ee Ramadan.

Guddoomiyaha degmada guriceel oo isku day dil ka badbaaday

0
0

Wararka aan ka heleyno degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in qarax nooca remoteka ah loo dhigay gudoomiyaha degmada Guriceel Cusman ciise Taardhuleed uu dab qabadsiiyey isla markaasna burburiyey gaari uu la socday guddoomiyuhu.

Qaraxa oo la aaminsanyahay inuu ahaa kuwa meelaha fog laga hago ayaa ka sakoow burburka soo gaaray gaariga gudoomiyaha waxaa ku dhaawacmay labo caruura oo uu dhalay iyo nin dhalinyaro ah oo ku ganacsanayay guriga agagaarkiisa.

Gudoomiye Cusmaan Ciise Taardhuleed oo la hadlyay wax yar uun kadib markii uu ka badbaaday qaraxa loo dhigay Idaacada hornAfrik ayaa ILAAHAY uga mahad celiyay sida uu uga badbaadiyay qaraxaasi wuxuuna xaqiijiyay inay dhaawacyo fudfudud ay soo gaareen caruur uu dhalay.

Ma jirto ilaa hada koox sheegatay iney ka danbaysay qaraxa ka dhacay Guriceel hase yeeshee degamadaasi ayaa amaankeedu soo hagaagayay tan iyo markii ay maamulka degmadaasi la wareegeen culumaa,udiinka Ahlu-sunna Walajaamaca.

Qaaliyeey Ku waanno Qaado..Qaybtii 1aad.wmv

Gudoomiyaha degmada Guriceel ee maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca oo qarax Miino ka badbaaday

0
0

Cismaan Ciise Nuur, Gudoomiyaha maamulka degmada Guriceel ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka badbaaday Qarax Miino oo sida muuqata meesha loogu aasay xili uu ku sii jeeday Hoygiisa.

Gudoomiyaha ayaa waxaa qaraxan lagula eegtay bar Kaantarool oo aan sidaas uga fogeyn Hoygiisa sida dadka deegaanka laga soo xigtayna qaraxan ayaa ahaa mid aad u xoog badan oo hugunkiisa laga maqlay meelo aad uga fog goobta uu ka dhacay.

Qaraxan oo sababay dhaawaca afar qofood oo ilaalada Gudoomiyaha ka tirsan ayaa waxaa markii uu dhacay ka dib goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna oo aad u fara badan.

Ma jiraan ilaa iyo hadda koox ama shaqsiyaad sheegtay mas'uuliyada Qaraxan marka laga soo tago tira dad ah oo ay maamulka Suufiyiintu u xirixireen tuhun.

Qaraxyada noocan oo kale ah ayaa aad ugu badan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaana inta badan geysta kooxo iska soo horjeeda oo aan dan ka laheyn tahluukada ay sameeynayaan cida wax ku noqoneysa gaar ahaan shacabka oo inta badan iyagoon warqabin qaraxyadan ku baaba'a.

halgankanet@gmail.com

Qaaliyeey ku waano Qaado ( Qaybtii 2-aad)

Waxaa sii kordhaya qasaarihii ka dhashay dagaalkii xalay fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay dowladda iyo Xisbul islaam

0
0

Dhimashada inta la hubo ayaa hadda gaareysa Shan iyo Toban Qofood halka dhaawucuna uu Lixdameeye sii cagcageynayo ka dib dagaalkii shalay afurkii waqtiga Muqdisho ka dhacay agagaarka Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Dagaaladan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Xisbul Islaam ayaa waxay ka sokoow qasaaraha ka dhashay abuureen argagax iyo welwel hor leh maadaama dagaalku waa halkiisee magaalada afarteeda dhinac sida u caadada ah ay Madaafiicda goobta ku garaaceen ciidamada AMISOM.

Dhinacyada dagaalay oo aan dheg jalaq u siin qasaaraha soo gaaray shacabka ayaa guulo kala sheegtay waxayna weli ku doodayaan in dagaalkaas uu ahaa mid waqti munaasib ah dhacay inkastoo dadka deegaanka iyo waxgaradku ay aad uga xumaadeen dagaaladan dabada dheeraaday ee weliba sii socda xili Ummadaha islaamka ah meel kastaba ha joogaane ay gudanayaal waajibka Alle dul saaray ee Soonka.

halgankanet@gmail.com


Madaxweyne Shariif oo Khartoum kulan kula qaaday madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albshashiir

0
0

Madaxweyne Shariif oo shalay ka baqoolay magaalada dagaalada ka daashay ee Muqdisho isaga iyo Mas'uuliyiin kale oo la socday ayaa markii uu gaaray Khartoum wuxuu la kulmay dhigiisa Suudaan Al-Bashiir.

Shariif iyo Al-Bashiir ayaa ka wadahadlay xaalada uu hadda dalka Soomaaliya marayo, dagaalada ka socda Muqdisho, Dowladda iyo qorshaheeda nabadda iyo weliba xiriirka labada dal ee mudada dheer jiray.

Safarka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xili magaalada Muqdisho ay ka dhaceen dagaalo lagu baab'iyay shacabka ku guda jira Gudashada Soonka Waajibka ah.

halgankanet@gmail.com

Muxaadaro Cusub Cadaabul Qabriga Sh Yuusu Axmed Qeebta 8

Muxaadaro Cusub Cadaabul Qabriga Sh Yuusu Axmed Qeebta 9

Manchester United oo bilaw fiican samaysay

0
0

Manchester United ayaa si sahlan uga badisay kooxda New Castle oo iyadu dhowaan ku soo biirtay Premier League-ga Ingiriiska.

ciyaartan oo ka dhacday garoonka ama minanka kooxda Manchester ee loo
yaqaan Old Trafford, waxay ku dhammaatay saddex iyo eber ay si xarrago
leh ugu badisay Manchester United. goolasha Manchester waxaa kala
dhaliyay Berbatov, Flecher iyo Ryan Giggs.

Kooxda New Castle fursaddii ugu fiicanayd ee ay
heshay waxaa ka khasaariyay Andy Carroll kaddib markii uu goosha dhinac
mariyay kubad uu keligiis madaxa la helay meel afar tallaabo oo keliya u
jirta goosha manchester.


tababaraha manchester Sir Alex Ferguson
waxaa uu si weyn u ammaanay laacibka Paul Scholes oo kooxdiisa dhexda
uga ciyaara oo isagu xalay ahaa maskaxda ka dambaysa goolasha ay
Manchester dhalisay.

 

US Judge Throws Out Piracy Charges Against 6 Somalis - Voice of America

0
0

A U.S. judge has dismissed piracy charges against six Somali men
accused of attacking a U.S. Navy ship off the Horn of Africa in April,
although the group still faces several lesser counts.

Attorneys
for the men had argued the defendants' actions did not amount to piracy
because they did not board or take control of the USS Ashland in
the Gulf of Aden or take anything of value from it.  U.S. District
Judge Raymond Jackson in the eastern city of Norfolk, Virginia agreed
Tuesday, ruling that the government failed to establish that any of the
"unauthorized acts of aggression" committed constituted piracy under the
law.

Prosecutors accused the six of opening fire on the USS Ashland from
a small skiff.  The U.S. vessel returned fire, sinking the skiff and
killing one occupant.  All others on board were captured.  The U.S.
Justice Department has declined to comment on the case.

Defense lawyers for five other Somalis accused in a similar attack on the frigate USS Nicholas on March 31 are also seeking dismissal of the piracy count, which carries a mandatory penalty of life in prison if convicted.

The
Associated Press news agency reported that a separate hearing for the
five is scheduled for September 9 before a different judge in Norfolk.

All
11 Somali defendants have pleaded not guilty and are being held until
trials later this year for additional charges, including attacking to
plunder a vessel, acts of violence against people on a vessel, and
assault with a dangerous weapon on U.S. officers and employees.

Somalia's
neighbor, Kenya, had initially agreed to prosecute the suspected
pirates.  However, the U.S. took the men into custody after Kenya said
its court systems were overburdened.

Somali pirates have
hijacked dozens of ships over the last few years, taking in tens of
millions of dollars in ransom payments from ship owners.  Hijackings
have continued this year despite patrols off Somalia's coast by warships
from the United States, the European Union, NATO and China.

Somalia's central government, fighting an Islamist insurgency, lacks the power and resources to combat piracy.

Some information for this report was provided by AP, AFP and Reuters.

"Distuur Laqdabu iyo luggoyo madadaalo dheh" (fikrad)

0
0

Waxaa cajiib ah in ummaddii Somaaliyeed oo
dhiig bax iyo qax aan ka dhamaan in meelinba loola yimaadu sheeko
rakhiis ah oo kuwa watta ey u tahay madadaalo iyo waqti ku gaar kuwa loo
sheegaayana ey u tahay lumis dhaqaale iyo waqti. Lumista waqti iyo
dhaqaale waa ku dheereyn halaaga iyo burburka ; maxaa wacay lama abaarin
xal u helida dagaal joogta ah iyo dejinta inta qaxa ogu baaba'san
agagaarka Xamar iyo gudaha Xamar iyo gobolada loomana hurin dhaqaalaha
la geliyey qoris waraaqo.  Shaki kuma jiro in musiibada ummad eysan
aheyn mid ka baxsan hab dhaqankiida iyo lumista dhowrkii ummadnimo oo
lumey.  Maanta Somalia dhibku wuu  wada gaarey ummad iyo shacab ahaan
laakinse wey is kala saareyn isuna qeybiyeen deegan gobol oo aan
dhaafsiisneyn siyaasiinta yagleelatey maamul goboleed. Run ahaantii
Maamul goboleed inta isku duwatey una hirgashey waxey  u xoob
siibanayaan gaar isu taag ka madax banaan Somalia ; maxa wacay waxaad ka
aragtaa inta aan u dhalan in la qixiyo laguna eediyo nabad la'aan
yihiinna shisheeya ku soo qaxay gobolka.
Waa mahad Alle haddii ey jiraan gobolo somaalidu ku seexdaan nabad iyo xabad la'aan.
Shacabka Somaaliyeed waxay moogan yihiin in
musiibada labaatanka sano jirsatey walina aan xal loo heyn yihiin
siyaasin kuwii abuurey walina wada. Waxaa yaab ah in sayaasinta Somalia
ey'yan marna ku soo bixin cod shacab iyo rabitaan shacab Somaaliyeed. 
Ahkriste waxaa ayaduna cajeeb ah in shacabku yihiin xaabada lagu shido
dabka ummadda ;  siyaasina uu sheegtu in uu mas'uul ka yahay.   Kan lagu
qeybsadey magac qabiil  laguna xalaaleystey lahaanshihiisa iyo ku
dhowrsi tag ama ku dagaal gal waa shacabka Somaaliyeed.   Kan qaxey
gaajo iyo cudurna u dheertahayna waa shacab. Soo marka akhriste ma ahaa
kan dhiig bax iyo qax u jooga ah maalin walba uu yahey kan mindida
daabkeed haya oo isu xiiraaya una ah siyaasiga maadada uu u isticmaalo
dantiis gaar ahaaneed.  Waa in kan jirin oo daawo doonka ah yahay kan
abuuraaa cudurka ; kan cabaadiye oo halaagsamey  uu yahay isagu kan ka
denbeeya halaaga.  Waa shacab dibane ah  waana shacab kan loo isticmaalo
xumaan oo dhan.
Waxaa maanta cajiib ah in la wado Distuur la
leeyahay shacabka ayaa cod looga dooni. Waa riwaayad dadka loo digi
ayaguna aan is ogeyn runtiina ah maqane jooge oo muqaal ahaan isu
mooqda.  Heykalka dowladeed ee maanta ka jira Xamar ma yahay mid qaadi
karaa mas'uuliyadda sameyn Distuur?  Ma awooda in uu cod bixin sameeyo
isago aan xukum Xamar?  Shacabka codka laga qaadi yey yihiin xaggina
joogaan? Xaalad Nabadeed ma jirta cod lagu qaado? Shacab baahan xabadina
ku socottu maalin kasta qax u joogna ah iyo cod bixin ma is qaban
karaan??  Heykalka Dowladdu jidka Macka e'yeysan nabed iyo heybad
dowladnimo ku marin sii cod qaadis u niyeysteen??                  

     
Maanta Madaxweynaha Somalia iyo R/wasaarha
dhamaan inta wasiir ah iyo baarlamaan waa dheeq ku nool  ama ceyr 
qaatayaal "Socailwalfare" weeye run ahaan.  Wadan iyo shacabka uma ahaa
kuwa u adeega kuna nool shacabkood; yaa leh mudnaanta cod bixin   iyo
awooda fulinta Distuurka ?
Distuurka ya lagu maamuli haddaan xaalad
xaqiiq ahaan uusan maanta ka jirin dal iyo shacab la xukumo Somalia? 
Kharajka lagu khasaariyey sameynta iyo isu keenidda aqoon yahan maa loo
leexsho dhaqaalaha iyo aqoon yahankaba in ey raadiyaan sidii xal loogu
heli laha somaalia? Waxaa xaqiiq ah kuwa wada ololaha Distuur jecelna in
loogu yeero Dowlad in ey aamineen in aan la heli karin xal inta aan la
helin isu tanaasul iyo u daneynta shacab iyo wadan?
Ogu dhambeyn hadal deyn meyno walow aan ogahay in
badan oo  iga aragti iyo aqoon badene ey ka hadleyn/hadlaan maxaa wacay
qofna eelkiisa looma galo. Wadanka annaga leh annagana
buburiney/burburineynaa, waxaa isu kala qeybiyey oo isla markaasna ku
qaba halaag iyo musiibo waa annaga. Ogowna inta naga fa'ideysata oo naga
mid ah cidla wax kuma noqon ee waan ka dhigney waxa ey
yihiin..............
Allow sahal. 

Dhoore

 Wa Billaahi Towfiiq
Dhoore

Fikrada qoraalka waxey u khaas tahay qoraha: Jawaabta waxaad ku soo diri kartaa halgankanet@gmail.com

Xulka K/Cagta Somalia Rajo ka qaba iney u soo gudbaan wareega labaad ee ciyaaraha CECAFA ee ka socda dalka Eriteriya

0
0

Ciyaartoyda xulka kubadda cagta ee somalia ee Dadoodu ka hooseyso 20ka
sano ayaa mar kale la yaab ka dhigey taratanka ciyaaraha bariga iyo
bartamaha qaaradda africa ee 20ka sano ee ka socda dalka Eritrea.
Xulka Somalia ayaa kulankii 2aad ee groupka ay ku jiraan ee A la yeeshey
xulka Tanzania ciyaartaasi oo ahayd mid aad u adkeyd garoonkana uu ka
da”ayey roob xoog badan,ayaa  xulka tanzania ay gool ku hormareen
daqiiqadii 40aad ee qeybtii hore markii uu qalad uu sameeyey no-4 ee
x.somalia uu ka faaideystey weeraryahanka tanzania taasi oo ay gool ku
dhaliyeen tanzania.
Laakiin ciyaartoyda xulka somalia oo muujinaya dadal iyo karti dheeri ah
ayaa waxaa ay halkii kasii wadeen weeraro ay ku qaadayeen goolka xulka
tanzania,ugu danbeyntiina u suurta gashey inay iska soo gudaan goolkii
lagu lahaa,xidiga lagu magacaabo Baaruud ayaana ka dhigey ciyaarta1-1
daqiiqadii 60aad ee qeybtii danbe.
Somalia ayaa halkaasi ka sii wadey weeraro ay ku qaadayeen goolka xulka
Tanzania iyada oo fursado dhowr ah iska qasaariyey,lakiin daqiiqadii
70ad ee ciyaarta ayaa garsoorihii kulanka waxaa uu penalty ama rigoore
ka dhigey xulka somalia markii xidiga khadka dhexe ee lagu magacaabo
C/kariin x.uu jalaafey no.9aad ee tanzania isagaiina la siiyey Rozze,
nasiib wanaag goolhayaha xulka somalia Khaalid cali mursan ayaa
badbaadiyey rigoorihii taasi oo ciyaarta ka dhigtey in gebi ahaanba ay
ku soo idlaato 1-1
Xulka qaranka somalia oo guruubkoodu ka kooban yahay 5 xul ayaa ilaa
iminka waxaa ay urursadeen 2dhibic,maadaama ay Sudan iyo Tanzania la
galeen bar-bardhac,waxaana kulanka kale ee sadexaad ay ciyaari doonaan
19ka bishan oo ah galabnimo khamiis ah waxaana ay la kumi doonaan Kenya
oo la xusuusto in under-17kooda daaqadda laga saarey horaantii
sanadkan,markii labadii kulan ee Djaboute iyo kenya lagu ciyaarey ay 
somalia ku soo baxdey 3-1.
Si
kastaba xulka somalia ayaa waxaa ay garoonka Asmara ka heleen
taageerayaal aad u fara badan oo somali iyo Eritrean isugu jira waxaana
la sheegey inay yihiin xulka labaad ee ugu taageeraha badan marka laga
soo tago marti geliyayaasha Eritrea,waxaana xusid mudan in kulanka ugu
danbeeya ay la leeyihiin isla Eritrea iayada oo groupka laga doonaayo
2xul oo keliya.
.
C/xafiid C/samad Zaciimka
sports journalist muqdisho
zaciimka02@hotmail.com


lix nin oo lagu waayay burcad baddeednimo

0
0

Makamad ku taala dalka Mareykanka oo ku gacan seertay dacwad burcadbaddeednimo ka dhan aheyd rag Soomaali ah oo lagu hayo Mareykanka.

Xaakin Raymond Jackson ayaa xukumay in danbiyada ragga loo heysto
aysan ku jiray dhac iyo in ay xoog ku fuuleen oo ay la wareegeen markab
dagaalka ee Mareykanku leeyahay, sidaa darteedna uusan danbiga la soo
oogay u dhigmin burcadbadeednimo.

Eedeysanayaashan oo lagu maxkamadeenayay gobolka
Virginia, ayaa wali waxaa lagu qaadayaa danbiyo kale oo ay ka mid
yihiin gacan ka hadal, mu'aamarad iyo weerar.

Lixdan nin ee Somaalida ah ayaa beeneeyay in ay galeen danbiyada lagu soo oogay.

Dacwada ayaa la filayaa in ay dib u furanto bisha October ee soo socota.

 

Duqayn ka Dhacday Muqdisho

0
0
Madaafiicda ayaa bilaabantay fiidnimadii hore kadib markii ay dhowr hoobiye lagu tooray saldhigyo milatari oo ay deganyihiin ciidamo katirsan DKMG iyo kuwa AMISOM.
Dadka ku dhaawacmay madaafiicdaasi ayaa la sheegaya in ay ilaa 6-qaf oo u badnaa rayid salaadda taraawixda ku tukanayay masjid ku yaal deegaanka Wa

rdhiglay sida ay VOA-da u sheeg

een dad ku sugnaa halka mashaqada ay ka dhacday.

Ma jiraan dhinacyada is haya cid sheegatay mas’uuliyada khasaaraha soo gaadhay dadka rayidka balse magaalada  ayaa saakay u muuqata mid degan inkastoo amaanka Muqdisho uusan ahayn mid sugan.

Madaafiicda ayaa bilaabantay fiidnimadii hore kadib markii ay dhowr hoobiye lagu tooray saldhigyo milatari oo ay deganyihiin ciidamo katirsan DKMG iyo kuwa AMISOM.   

Dadka ku dhaawacmay madaafiicdaasi ayaa la sheegaya in ay ilaa 6-qaf oo u badnaa rayid salaadda taraawixda ku tukanayay masjid ku yaal deegaanka Wardhiglay sida ay VOA-da u sheegeen dad ku sugnaa halka mashaqada ay ka dhacday.   

Ma jiraan dhinacyada is haya cid sheegatay mas’uuliyada khasaaraha soo gaadhay dadka rayidka.

Taliyaha ciidamada AMISOM oo dalbaday ciidamo tira badan in la keeno dallka somalia

0
0

Taliyaha ciidamada AMISOM General Mugisha, oo wereysi siinayey wargeyska New Vision ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidamo dheeraad ah oo gaaraya illaa iyo afartan kun loo soo diro gudaha dalka Soomaliiya si la isaga caabiyo mucaaradka waa sida uu hadalka u yiriye.

Taliyaha Amisom oo warbixin siinayey taliyaha ciidamada Lugta ee wadanka Ugandha  General Katumba Wamala iyo diblomaasiyiin kale oo booqasho ku tagay xarunta ciidamada Amisom ee Muqdisho ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in wadamada hore u balan qaaday in ay ciidamo u soo diraan dalka Soomaaliya ayna ka dhabeyaan balan qaadyadii ay horey u sameeyeen Madaxda Midowga Afrika.

Meyjar Genaral Mugisha ayaa xusay in ciidamadoodu ay wax weyn haatan ka qabteen gudaha dalka Soomaaliya ayna dagaal kula jiraan dagaalyahano daacad u ah Al-qaacida ee Shabaab kuwasi oo horjoogayashoodu ay yihiin ajaanib dambiyo kala duwan ka soo galay wadamadooda iyo kuwa ka soo dagaalamay dalal ay ka mid yihiin Ciraaq iyo Afgaanistaan.

Taliyaha ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee howlaha nabad ilaalined u joogo dalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in Madaxda Midowga Afrika ay horey u yabooheen in ay Soomaaliya u soo dirayaan ciidamo gaaraya 8,kun oo Askari haatan ay ka joogaan oo kaliya Soomaaliya  6-kun oo ka kala socoto dalalka Ugandha iyo Burundi, waxaana uu intaa ku daray in wadamo ay ka midyihiin Gana iyo Nijeriya ay balan qaadeen balse aysan weli soo dirin ciidamadooda uuna rajeynayo in ay arintaasi fuliyaan.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in taliyaha Amisom uu ka dhawaajiyey in Soomaaliya aysan u joogin nabad ilaalin oo kaliya balse ay sidoo kale u joogaan taakuleynta dadka Soomaaliyeed ee dhibatada mudada dheer ju jiray.
Arintaani ayaa kusoo aadaysa xilli dhawan Hogaamiyayaasha Midowga Afrika ay isku afgarteen in la kordhiyo ciidamada loo dirayo gudaha dalka  Soomaaliya si meesha looga saaro islaamiyiinta Soomaaliya ku martiqaaday ajaanib shisheeye oo doonaya in ay ka taqalusaan Dowladda lagu hareereysan yahay ee Somalia.

Ciidamadii Mareykanka ee dagaali jiray dalka Ciraaq oo halkaasi isaga baxay saaakay

0
0

Kuwii ugu danbeeyay ciidamada Mareykanka ee dagaalka ka waday dalka Ciraaq ayaa maanta oo Khamiisa taariikhdun isaga baxay Dalka Ciraaq, ka hor labo Isbuuc xilligii rasmiga ee horey u qabsadeen inay ku baxayaan dalkaasi.

Ciidamadan oo gaaraya 50 kun oo askari kuna hubeysan tobanaan gaadiidka gaashamana ayaa Saaka aroortii hore isaga baxey Ciraaq iyaga oo uga gudbey dhanka xuduudka Dalka Kuwait oo lagu wado iney uga sii gudbnaan Dalka Afganistan.
Waxaa la arkayey Warbaahinta Dalka Mareykanka oo soo tabinaya muuqaallada ciidamadan oo Dalka Ciraaq uga sii gudbiya dhanka xuduudka Dalka Kuwait.
Sidii horey hogaanka ciidamada Mareykanku u sheegay waxey aheyd iney ciidamadoodu dalka Ciraaq ka dhamaadaan dhamaanka Bishan August, balse labo Isbuuc ayey ka soo hormareen.
Marka laga reebo ciidamada Dagaalada ee Mareykanka ee saaka isaga huleelay Ciraaq waxaa jiri doono ciidamo ku hari doona, howshooduna ay tahey tababaro ay siinayaan kuwa Dowlada Ciraaq iyo kuwo kala qeyb qaata waxey ugu yeeraan la dagaalanka Argagaxisada.


Guud ahaan ciidamada Mareykanka waxaa lagu wadaa iney ka wada dhamaadaan Dalka Ciraaq dhamaanka sanadka 2011, siduu dhigayo heshiis horey u dhex marey Dowladaha Mareykanka iyo Ciraaq.


Ciidamada Mareykanka intii ay ku sugnaayeen Dalka Ciraaq waxey ka geysteen gabood falo badan oo ay kula kaceen Shacabka reer Ciraaq iyo sidoo kale dhibaatooyin baxaadle oo in muddo ah aanu dalka ka soo kaban doonin.

Isha Warka; islamtoday.net

Xigasho somalimirror

Ciidamo ka tirsan Alshabaab oo dhowr jaho ka degay degmada Afgooye iyo bandow XI ku soo rogay

0
0

Ciidamo ka tirsan Ururka Alshabaab ayaa laba dhinac ka degay magaalada Afgooye iyadoo sida loo maleeyo doonaya iney la wareegaan magaalada Afgooye oo ah magaalada keliya ee Ururada Xisbul Islam haatan xukumo.

Xisbul Islam oo sida loo maleeyo  Arrinkaasi kahor tagaya ayaa sheegay iney bandow tahay magaaladu xilliyadii habeenkii ah  gudaha degmada Afgooye kaasi oo si toos ah
uga dhaqan galay habeenkii xalay Degmada Afgooye, waxaana dadka
deegaanka lagu wargeliyay in uu bilaabanayo Bandowga sagaalka habeenimo
salaadda Taraawiixda kadib kuna ekyahay xilliga salaada Subax la gaaro.


Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Ururka Xisbul Islam iyo Alshabaab waxa ay
dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadeen Degmada Afgooye, waxaana qorshaha u
socda Alshabaab uu yahay sidii ay Xisbiga ugala wareegi lahaayeen
Maamulka Degmada Afgooye iyadoo Xisbiguna Arrinkaasi uu aad uga feejigan
yahay.


Xisbul Islam deegaannada ay ka arimiyaan ayaa waxaa sida ay doonaan dad
ugu dila Alshabaab iyadoo Ururka Alshabaab deegaannada ay ka arimiyaan
Xisbul Islam aysan wax dhaq dhaqaaq ah ka sameyn Karin.


Dhowaan ayay aheyd markii dil lagu eedeeyey Ururka Alshabaab loogu geystay
deegaanka Ceelasha biyaha Maxamed Tahliil kaas oo ahaan jiray nin u ololeeya nabadda iyo taakuleynta dadka tabaaleysan

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live