Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

YARIISOOW: QM waxaan ka codsanaynaa inay xoojiyaan...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa warbixin kooban oo ku aaddan horumarka warbaahinta dalka u gudbiyey hay'adaha QM, gaar ahaan saraakiishooda warfaafinta u qaabilsan.
Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisoow] oo kulan la qaatay saraakiishan Qarmada Midoobey ayaa u sheegay in Soomaalidu ay yihiin dad aad u jecel warbaahinta, loogana baahanyahay inay dadaalkooda warbaahinta uu noqdo mid taageeraya qorsheyaasha dowlada federaalka ee ku aadan horumarinta warbaahinta dalka.
"Waxaan idin kaga mahad-celinayaa dadaalkiina ku aaddan sidii shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa waxqabadka hay'adaha QM iyo Horumarka dalka ka jira. Hase yeeshee waxaa loo baahanyahay in dadaalkiina uu noqdo mid waafaqsan qorshaha iyo istraatejiyada warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya si waxqabadkiina u noqdo mid dhiirigelinay hay'adaha dowliga ah si shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan in Dowladooda ay horumar joogta ah sameyneyso," ayuu yiri Wasiir Yariisoow.
Kulankaan ayaa ahaa mid labo maalmood u socday saraakiisha warfaafinta u qaabilsan dhamman hay'adaha QM ee dalka k howlgala oo ay ku diyaarsanayeen qorshe sanadeedkooda. Wasiir Yarisow ayaa ku ammaanay hay'adaha QM doorkooda ku aadan inay caalamka u soo jeediyaan sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa iyo doorkooda adeegyada aasaasiga ah, kana codsaday in dhammaan adeegyada ay fuliyeen loo baahanyahay inay si dhow oo toos ah ugala shaqeeyaan hay'adaha Dowlada Federaalka ah si loo xoojiyo awooda dowlada Federaalka Soomaaliya.
Ugu dabmeyn, Wasiir Yariisow ayaa ugu dambeyntii siiyay warbixin ku aadan horumarka warbaahinta dalka, qorsheyaasha iyo istraatejiyada Wasaarada Warfaafinta ee Dowlada Federaalka, kana codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Warfaafinta oo u xilsaaran horumarinta warbaahinta dalka.PUNTLAND POST
The post YARIISOOW: QM waxaan ka codsanaynaa inay xoojiyaan Doorka Dowladnimo ee Somalia appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


RW Ku xigeenka “Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada in...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka qeyb galay shirka Dhalinyarada adduunka, ayaa magaalada Sharm al-Sheikh ee dalka Masar uga qeyb galay dhowr doodood oo lagu falan-qeynayey caqabadaha haysta dhalinyarada adduunka iyo sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa fikradaha xagjirnimada ah.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada dhanka xagjirnimada ah ee haysta dhalinta Soomaaliyeed. Waxuuna ka mahadceliyey dadaalka la geliyey sidii xal loogu heli lahaa aafada xagjirnimada iyo muhiimadda ay leedahay abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada la siiyo.
"Shirkani wuxuu muujinayaa in dhallinyaradu ay awood u leeyihiin inay billaabaan isbaddal waxtar leh. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhalinyarada Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed inay taageeraan horumarka iyo Nabadda, kuna gacan seyraan afkaarta xambaarsan xagjirnimada". Ayuu ku yiri R/Wasaare ku xigeenka dalka.
Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa u xaqiijiyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka go'an tahay dawladda taageerista dhallinyarada. "Waxaan diyaar u nahay caawinta dhallinyarada annagoo siineyna waxbarasho wanaagsan iyo fursado shaqo oo uga maarmaan kooxaha Argagixisada. Waxaan ayaga ugu baaqayaa inay taageeraan nabadda iyo isku soo dhaweynta bulshada" ayuu yiri.
Shirka Dhallinyarada Adduunka oo ujeedkiisu yahay helitaanka nabadda, barwaaqada, isdhexgalka iyo horumarka adduunka oo dhan ayaa la qabtaa sanadkiiba mar, waxana sanadkan ka qeyb galaya 3,200 qof oo ka kala socda 113 waddan oo ay weheliyaan Madaxweynaha Masar, Madaxweynaha Chad, Ra'iisul Wasaaraha Equatorial Gunnie iyo Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 

DEG DEG:- Qarax Gaari Oo Goordhow Ka Dhacay Muqdisho

$
0
0

War goordhow soo baxey ayaa waxa uu sheegayaa in qarax Gaari uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan.
Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Ruux aan weli la garan waxa uu ahaa.
Gaariga xiliga uu la qarxayay ayaa waxa uu marayay inta u dhaxeysa Warta Siigaale iyo Xarunta Magareeshinka ee laga soo qaato Baasa Boorada.
Shaqsigii Gaariga watay ayaa la sheegay in dhaawac culus uu soo gaaray isla markaana loola cararay Isbitaal.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa haatan gaaray Goobta kuwaas oo xiray Wadada soo gasha Goobta uu qaraxa ka dhacay.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

“Hal Milyan Oo Loogu Talo Galay Dhismaha Dekada...

$
0
0

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha xilkiisa lagu muransan yahay isaga oo xalay la hadlayay xubno ka tirsan Xildhibaanada iyo wasiirada Galmudug waxa uu ka hadlay halkii ay ku dambeysay lacagtii loogu talo galay dhismaha Dekada Magaalada Hobyo.
"Runtii lacagtii loogu talo galay dhismaha dekada Hobyo ee halka Milyan aheyd waxa ay ku baxday difaaca dagaalkii nagula soo qaaday ayuu yiri Xaaf.
Sidoo kale waxa uu sheegay in uu haatan diyaar u yahay in uu jeebkiisa ka bixiyo lacagtaas so Dekada loogu dhiso ayuu yiri Xaaf.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Ciidamada Galmudug oo howlgallo ka sameeyay deegaanada Maamulkaas

$
0
0

Cadaado ( Sh. M. Network )- Ciidamada ammaanka ee Maamulka Galmudug ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolllada Mudug iyo Galgaduud.
Waxaana howlgalladaasi ciidamadu ay ku soo qab qabteen kooxo Maleeshiyaad ah oo dhac ka geysanayay deegaanada maamulkaasi Galmudug.
Taliye ku xigeenka Booliska Galmudug Korneyl Cabdi Jaamac Cabdulle “Xabeeb” oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in gacanta ay ku soo dhigaan Rag uu tilmaamay in dhac ay ka geysanayeen qeybo ka mid ah Gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Waxaana uu shaaca ka qaaday in haatan ay ku xiran yihiin Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Galmudug, islamarkaana xusay in cadaalada ay hor keeni doonaan Raggaasi.
Sidoo kale Korneyl Xabeeb ayaa digniin u diray Maleeshiyaadka Isbaarooyinka dhigta deegaanada Galmudug, kuwaas oo ay dhibaato ku qabaan dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada Maamulkaasi.
Waxaana uu tilmaamay in ay ka hortagi doonaan kooxahaasi ooay qaadi doono howlgallo ka dhan ah Isbaarooyinkaasi.
Hadalkan ka soo baxay Galmudug ayaa imaanaya, xilli weli deegaano ka tiran Gobollada Mudug iyo Galgaduud ay yaalaan Jidgooyooyin dhowr ah oo lacago looga qaado gaadiidka isaga kala gooshay deegaanada Maamulkaasi Galmudug.
The post Ciidamada Galmudug oo howlgallo ka sameeyay deegaanada Maamulkaas appeared first on Shabelle.

Ciidamada Galmudug oo howlgallo ka sameeyay...

$
0
0

Cadaado ( Sh. M. Network )- Ciidamada ammaanka ee Maamulka Galmudug ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolllada Mudug iyo Galgaduud.
Waxaana howlgalladaasi ciidamadu ay ku soo qab qabteen kooxo Maleeshiyaad ah oo dhac ka geysanayay deegaanada maamulkaasi Galmudug.
Taliye ku xigeenka Boolika Galmudug Korneyl Cabdi Jaamac Cabdulle "Xabeeb" oo la hadlay Iadaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in gacanta ay ku dhigaan Rag hubeysan oo uu tilmaamay in dhac ay ka geysanayeen qeybo ka mid ah Gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Waxaana uu shaaa ka qaaday in haatan Raggaasi ay ku xiran yihiin Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Galmudug, islamarkaana xusay in cadaalada ay hor keeni doonaan Raggaasi.
Sidoo kale Korneyl Xabeeb ayaa digniin u diray Maleeshiyaadka Isbaarooyinka dhigta deegaanada Galmudug, kuwaas oo ay dhibaato ku qabaan dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada Maamulkaasi.
Waxaana uu shaaca ka qaaday in ay ka hortago doono kooxahaasi, islamarkaana ay qaadi doono howlgallo ka dhan Isbaarooyinkaasi.
Hadalkan ka soo baxay taliska Galmudug ayaa imaanaya, xilli weli deegaano ka tiran Gobollada Mudug iyo Galgaduud ay yaalaan Jidgooyooyin lacago looga gaadiidka isaga kala gooshay deegaanada Maamulkaasi Galmudug.
storvideo: 

Warbixin ku saabsan AMISOM oo la sheegay inay xiriir...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Wargeyska The East African ayaa qoraya in uu jiro xiriir Ganacsi oo ka dhaxeeya Al-shabaab iyo Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Wargeyska oo soo xiganaya ilo ka mid ah Ciidamada AMISOM,Dowladda Soomaaliya iyo Dadweynaha rayidka ah ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab ay meelaha qaar wada shaqeeyaan. Waxaa uu tusaale u soo qaatay Marka gaadiidka waaweyn ee wada Badeecadaha Ganacsiga ay lacago ka qaadayaan labada dhinacba.
Waxaa uu sheegayaa in Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab ay baro koontarool oo isu muuqda ku leeyihiin Gobollada qaar ee Soomaaliya islamarkaana marka Gaari Xamuul ah uu mid ka mid ah labada dhinac koontroolkiisa tago laga qaado lacag dhan $50 Doollar,iyada oo dhinaca 1aad marka uu lacagta qaato uu Rasaas hawada u ridayo,isaga oo u baaqaya dhinaca kale una sheegaya lacagta laga qaaday Gaariga ku soo wajahan.
Marka uu Gaariga tago dhinicii kale ayaa isla lacagtii la weydiinayaa iyada oo marka lacagtaas $50 ah laga qaado uu dhinacaas Rasaas Hawada u ridayo si uu dhinicii kale ugu xaqiijiyo in uu lacagtii ka qaaday.
Sanadkii Hore Ciidamo ka socda Dalka Uganda ayaa la qabtay iyaga oo Ganacsi ka sameynaya Hubka iyo Shidaalka AMISOM,kana iibinaya Ganacsato iyo xubno ka tirsan Al-shabaab.
Degaanka Jannaale oo ay Saldhig ku lahaayeen Ciidamada AMISOM ayaa 2015kii waxaa weerar ku ekeeyay Xarakada Al-shabaab,waxaana ku dhintay Askar tiro badan,xilligaas Hubka Al-shabaab ay ku weerareen Xeradaas waxaa ay dowladda Uganda xaqiijisay inAskar ka mid ah Uganda ee degganaa Jannaale ay AL-shabaab Hub ka iibiyeen.
Askartii loo xiray waxaa ka mid ahaa Nin sidii Ciidamada Uganda ay u garaaacayeen Xaniyaha beelay islamarkaan dib loogu celiyay Uganda isaga oo aan nolol iyo geeri midna heysan. Qareen uu qabsaday ayaa ku guul darreystay in uu kiiska Ninkaas qiil u helo,waxaan Maxkamadda ay ku xukuntay dil kaddib markii uu jebiyay xeerarka Ciidanka Dalka Uganda.
Isha:The East African.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Madaxweyne Gaas oo la kulmay Ergayga Qaramada...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay ergayga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating.
Labada mas'uul ayaa kulankooda xoogga ku saaray sidii looga wada qeyb qaadan lahaa hormarka iyo sidoo kale xoojinta ammaanka Soomaaliya.
Keating ayaa sidoo kale sheegay in madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Gaas ay ka wada hadleen sidii loo xoojin laha dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab iyo Kooxda Daacish ee ka dagaalama Soomaaliya.
Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen doorka xafiiska QM uu ka qaadan karo hormarada dalka Soomaaliya iyo xoojinta taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya iyo dowladd goboleedyada xubnaha ka ah.
Kulankooda ayaa imaanaya, xilli maalmihii daMbe ay Magaalada Muqdisho ay ku sugnaayeen hoggaamiyaasha dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo kulamo kala duwan la qaadanayay madaxda sare ee dalka iyo sidoo kale mas'uuliyiinta Ururada daneeya Soomaaliya.
storvideo: 


Madaxweyne Gaas oo la kulmay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay ergayga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating.
Labada mas’uul ayaa kulankooda xoogga ku saaray sidii looga wada qeyb qaadan lahaa hormarka iyo sidoo kale xoojinta ammaanka Soomaaliya.
Keating ayaa sidoo kale sheegay in madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Gaas ay ka wada hadleen sidii loo xoojin laha dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab iyo Kooxda Daacish ee ka dagaalama Soomaaliya.
Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen doorka xafiiska QM uu ka qaadan karo hormarada dalka Soomaaliya iyo xoojinta taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya iyo dowladd goboleedyada xubnaha ka ah.
Kulankooda ayaa imaanaya, xilli maalmihii daMbe ay Magaalada Muqdisho ay ku sugnaayeen hoggaamiyaasha dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo kulamo kala duwan la qaadanayay madaxda sare ee dalka iyo sidoo kale mas’uuliyiinta Ururada daneeya Soomaaliya.
The post Madaxweyne Gaas oo la kulmay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya appeared first on Shabelle.

Daawo: Xisbiga Ucid Oo maalintii ugu Dambaysa...

$
0
0

Daawo: Xisbiga Ucid Oo maalintii ugu Dambaysa ololaha Doorashada Oo Hab Cusub Oo Xisbiyada Kale kaga dayan doonaan ku badalay Ololahoodii hore
[embedded content]
storvideo: 

Taliska AMISOM oo Baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed

$
0
0

Afmadow ( Sh. M. Network )-Taliska AMISOM ee Soomaaliya ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidanka AMISOM oo howlgallo ka wada gudaha dalka, dagaalna kula jiro Xarakada Al  Shabaab.
Taliyaha ciidanka AMISOM Gen. Cismaan Nuur “Subagle” oo ku sugan Gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan degmada Afmadow ayaa sheegay in ay muhiim u tahay taageerada shacabka Soomaaliyeed ,si howlgalkooda uu u noqdo mid mira dhala.
Sidoo kale Generaal Subagle ayaa u mahadceliyay ciidanka Maamulka Jubbaland oo uu tilmaamay in ay qeyb ka qaateen dagaalka Al Shabaab, waxaa uuna intaasi ku daray in ay ka go’an tahay in ay kaalin muuqato ka qaataan doorka Nabadeynta Soomaaliya.
AMISOM  ayaa dalka Soomaaliya ku sugan tan iyo sanadkii 2007dii, wixii intaasi ka dambeeyay waxa ay dagaalo kala duwan la galeen Al Shabaab,  iyadoona dagaalladaasi ay uga dhinteen Askar aad u fara badan.
Waxaana xusid mudan in taliska AMISOM uu shaaciyay in ay bilaabi doonan dhamaadka Sanadkan qorshaha ay uga baxayaan Soomaaliya, ayna dhawaan dalka ka saari doonan askar tiradoodu ay gaarayso illaa 1,000 askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM
The post Taliska AMISOM oo Baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed appeared first on Shabelle.

Taliska AMISOM oo Baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed

$
0
0

Afmadow ( Sh. M. Network )-Taliska AMISOM ee Soomaaliya ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidanka AMISOM oo howlgallo ka wada gudaha dalka, dagaalna kula jiro Xarakada Al Shabaab.
Taliyaha ciidanka AMISOM Gen. Cismaan Nuur "Subagle" oo ku sugan Gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan degmada Afmadow ayaa sheegay in ay muhiim u tahay taageerada shacabka Soomaaliyeed ,si howlgalkooda uu u noqdo mid mira dhala.
Sidoo kale Generaal Subagle ayaa u mahadceliyay ciidanka Maamulka Jubbaland oo uu tilmaamay in ay qeyb ka qaateen dagaalka Al Shabaab, waxaa uuna intaasi ku daray in ay ka go'an tahay in ay kaalin muuqato ka qaataan doorka Nabadeynta Soomaaliya.
AMISOM ayaa dalka Soomaaliya ku sugan tan iyo sanadkii 2007dii, wixii intaasi ka dambeeyay waxa ay dagaalo kala duwan la galeen Al Shabaab, iyadoona dagaalladaasi ay uga dhinteen Askar aad u fara badan.
Waxaana xusid mudan in taliska AMISOM uu shaaciyay in ay bilaabi doonan dhamaadka Sanadkan qorshaha ay uga baxayaan Soomaaliya, ayna dhawaan dalka ka saari doonan askar tiradoodu ay gaarayso illaa 1,000 askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM
storvideo: 

Shir ku saabsan tacadiyadda ka dhanka ah caruurta...

$
0
0

Shir ku saabsan wada hadalada bulshadda qaybeheeda kala duwan sida laamaha aminga,gudoomiyaasha xaafadaha,barakacayaasha,wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska ayaa maanta lagu qabtay maagaalada Garowe ee caasumada Dowlada Puntland.
Hay,adda GRT oo ka shaqeysa tacadiyadda ka dhanka ah haweenka iyo caruurta ayaa soo qabanqaabisay shirkan, waxaana daahfurtey Maamo Safiyo oo ka socotay Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland,waxayna sheegtay in falalka ugu badan ee ka dhaca deeeganada Puntland loo gaysto haweenka iyo caruurta,Iyadoona xustey inay goob joog u ahayd kiisas badan oo noocaan oo kale ah kuwaas oo badankooda wax laga qabtay.
Dhinaca kale Muxubo Siciid Maxamed oo ah madaxa ilaalinta tacadiyadda ka dhanka ah caruurta iyo haweenka ee Hay,adda GRT ayaa sheegtay inay kasoo diyaariyeen barakacayaasha iyo dadka kale ee loo gaystay kufsiga iyo tacadiga kiisas badan.
Ugu dambeyn Bashiir Yuusuf Maxamuud oo ah madaxa Hay,adda GRT ayaa sheegay inay ka go,an tahay sidey gacan weyn uga geysan lahaayeen u qareemida iyo dabargoynta kufsiyadda iyo tacadiyadda loo gaysto haweenka iyo caruurta,wuxuuna fariin u diray cid kasta oo ku lug leh ka shaqaynta arimahaan inay xoojiyaan sdiii meesha looga saari lahaa tacadiyadda noocaan oo kale ah. Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Shir ku saabsan tacadiyadda ka dhanka ah caruurta iyo haweenka oo lagu qabtey Garowe appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Kolonyadda UN-ka oo maanta labo qof ku jiirey Garowe.

$
0
0

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee Konoco ka dib markay jiireen gaari yar oo labo qof ay la socdeen kolonyo ka mid ah gadiidka UN -ka oo ishareer yaacaya wadada.
Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa loo xaqiijiyay inay ku dhimatey shilkaan gabadh la socotey gaariga yar, halka dhaawac culus uu soo gaarey darawalkii gaarigaas oo lagu magacaabo Cabdiqani Faruur-dheer.
Dhacdadaan oo ahayd mid argagax leh ayaa mid ka mid ah gadiidka kolonyadda UN-ku dusha ka mareen gaari yar oo ay la socdeen labadaas qof oo midkood geeriyooday, xilli gadiidka UN-ku si xawliya isu hareer yaacayeen jid cadaha loo maro garoonka macmalka ah ee Konoco.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Kolonyadda UN-ka oo maanta labo qof ku jiirey Garowe. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

RW ku Xigeenka Soomaaliya oo Magaalada Sharmal...

$
0
0

Raiisul wasaare ku xiggeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa Magaaladda Sharma-sheekh kula kulmay Raiisul Wasaaraha Dalka Masar Sherif Ismail Mohamed.
Labada masuul, ayaa waxay ka wada hadleen Arrimaha Amniga, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo Waxbarashada.
Ra'iisul Wasaaraha Masar, ayaa ballan qaaday inay dawladdiisu ka caawin doonto Soomaaliya dhammaan arrimahaas ay ka wada hadleen, isagoo sheegay inay mar walba ay barbar istaagayaan shacabka Soomaaliyeed.
Ra'iisul Wasaare ku xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Dowladda Masar, waxayna ay ka wada hadleyn dhinacyo badan oo arrimaha amaanka ay ugu muhiimsaneyd, waxaana R/wasaare ku xiggeenka Soomaaliya uu Masar kaga qeyb galayaa shirka dhalinyaradda adduunka oo halkaasi lagu qabanayo.
storvideo: 


Ozil: Hala isiiyo N10, haddii aan joogayo Arsenal

$
0
0

Ku soo dhawaada xubinta ciyaaraha, oo qodobbo dhowr ah oo xiiso leh oo ay ka mid yihiin: Ozil oo shuruud ku xirey in uu qandaraas cusub u kordhiyo Arsenal iyo qodoobbo kale, aad ku dhageysan doontaan. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.

Gaas: Lama hakin doono dhismaha dekedda Boosaaso

$
0
0

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inaan la hakin doonin dhismaha dekadda Boosaaso.

DHAGEYSO Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle

Minister Eng. Yarisow requested and urged UN...

$
0
0

H.E. Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Minister of Information, Culture & Tourism of the Federal Republic of Somalia provided an update on the progress of the media development in Somalia to Strategic Communications teams of UN agencies working for the country. Minister Eng. Yarisow briefed officials from UN agencies, in particular strats comms teams and [...]
storvideo: 

Weerar culus oo ka dhacay deegaanka Basra iyo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Jowhar (- Online) - Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa weerar culus galabta ku qaaday Saldhig ay ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Basra oo ka tirsan degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Maleeshiyaadka oo ku hubeysnaa Gaadiid iyo Hub culus ayaa Saldhiga weerar uga soo qaaday laba Jiho, waxa ayna iska caabin kala kulmeen ciidamada dowlada ee ku sugnaa Saldhiga.
Dagaalka oo saacado qaatay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo ay ciidamada Saldhiga goor danbe ay heleen gurmad ciidan.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo u waramaayay warbaahinta ayaa sheegay inuu arkay meydadka ku dhawaad Siddeed ruux oo labada dhinac isugu jira, halka dhaawacana uu gaaray 11 oo ay ku jireen dad shacab ah.
Ciidamada dowlada ayaa caawa deegaanka Basra kawada howlgalo lagu baadi-goobaayo Alshabaabkii weerarka ku qaaday Saldhiga, waxaana kacsan xaalada Basra.
Si kastaba ha ahaatee, degaanka Basra ayaa ka mid ah degaano Ciidamada Dowladda Somalia ay todobaadkan kala wareegeen Al-shabaab.- OnlineXafiiska Jowhar-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live