Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

VIDEO Deeq lacageed oo la gaarsiiyey 32 caruur ah oo...

0
0

[embedded content]
Qaraxii dalka somaliya ka noqday lama iloobaan ayaa dadkii u dhintay waxaa ka mid ah dad fara badan oo uu galaaftay noloshooda waxaa ka mid ahaa Cabdulaahi maxamuud siyaad ( Cabdulaahi yariisow oo ahaa delaal u shaqo tagi jiray seylada iibka geela ee duleydka Magaalada Muqdisho
balse ka tagay 32 caruur ah halka qaarkood umusha lagula jiro iyo kuwa kale oo aan weli qaan gaarin
qaar kood aan la helin hilbaha iyo xubnaha jirkooda
hadaba gabdho somaliyeed oo ku nool dalka Sweidhan oo ka jawaabayey baaqyadii isdaba jooga ahaa ee masuuliyiinta dowlada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ka imanayey ayaa gaarsiiyey deeq lacageed oo ka ay ku diirsadeen
Axmed Sheikh Cali Kalaay oo ay u so wakiisheen Baarliin Cali Xasan iyo Fowsiya iskoor ayaa ku wareejiyey adeerka ilmaha oo isne ka mahadceliyey
masiibada qaraxa sooze ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 500 qof waxaana ku dhaawacmay boqolaal ruux oo wada somali ah waxaana xusid mudan in ay ersanayaa qof kale oo isla somali ah waxaana jira kuwa oo kale oo ku naafoobay qaraxaas halka qaarkoodna ay ispitaalada weli yaalaan
Cidkasta oo dooneysa in ay wax tarto hakala xariirto cinwaanada iyo taleephonada hoos
storvideo: 


Gaas: Lama hakin doono dhismaha dekedda Boosaaso

0
0

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inaan la hakin doonin dhismaha dekadda Boosaaso.
Hadalkiisa ayaa yimid xili weli ganacsatada iyo dowladda isku mari la'yihiin kordhinta khidmadaha dekedda oo la sheegay inay samaysay shirkadda P&O oo dhowan lagu wareejiyay dekedda.
Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan ka jeediyey magaalada Garoowe maanta. Warbixintan waxaa kasoo diray Nuux Muuse Birjeeb.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:03:09
0:00:00 /0:03:09
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Ozil: Hala isiiyo N10, haddii aan joogayo Arsenal

0
0

[unable to retrieve full-text content]Ku soo dhawaada xubinta ciyaaraha, oo qodobbo dhowr ah oo xiiso leh oo ay ka mid yihiin: Ozil oo shuruud ku xirey in uu qandaraas cusub u kordhiyo Arsenal iyo qodoobbo kale, aad ku dhageysan doontaan. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.
storvideo: 

Kullan Dhexmaray Ra’iisal Wasaar Ku-xigeenka...

0
0

Raiisul wasaare ku xiggeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo oo Magaaladda Sharma-sheekh kaga qaybgalay shirka dhalinyarada ayaa wuxuu kula kulmay Raiisul Wasaaraha Dalka Masar Sherif Ismail Mohamed.
Labada masuul, ayaa waxay ka wada hadleen Arrimaha Amniga, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo Waxbarashada.
Ra'iisul Wasaaraha Masar, ayaa ballan qaaday inay dawladdiisu ka caawin doonto Soomaaliya dhammaan arrimahaas ay ka wada hadleen, isagoo sheegay inay mar walba ay barbar istaagayaan shacabka Soomaaliyeed.
Ra'iisul Wasaare ku xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Dowladda Masar, waxayna ay ka wada hadleyn dhinacyo badan oo arrimaha amaanka ay ugu muhiimsaneyd, waxaana R/wasaare ku xiggeenka Soomaaliya uu Masar kaga qeyb galayaa shirka dhalinyaradda adduunka oo halkaasi lagu qabanayo.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Jaamacadda Banha ee dalka Masar Dr. Yusuf Al-qadi ayaa shaaca ka qaaday inay Jaamacadiisu 5 deeq waxbarasho oo lacag la'aan u fidisay Jaamacadda Ummadda ee Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Jaamacadda Banha ee dalka Masar Dr. Al-Qaadi oo la hadlayay Jaridka, ayaa sheegay in qaraarkaasi ay gaartay Jaamacadiisa uu yahay mid astaan u ah heerka uu gaarsiisan yahay cilqaadka iyo xiriirka Taariikhiga ah ee Masar iyo Somalia oo qarniyo soo jiray iyo qadarin loogu muujinayo shacabka Soomaaliyeed isbarbartaga iyo saaxibtinimada ay u muujiyeen Masar.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Warbixin: Soomaalida iyo doorashada Mareykanka

0
0

Dhowr iyo Toban qof oo Soomaali ah ayaa u istaagay in-ay u tartamaan qabashada xilal kala duwan magaalooyinka Boston, oo gobolka Massachusetts ah, Minneapolis iyo St. Paul oo Minnesota ah, gobolka Iowa iyo waliba magaalada Seattle ee gobolka Washington oo ku yaalla galbeedka dalka Mareykanka.

Waxaa guuleystey oo soo baxay dhowr qof oo ka mid ahaa musharaxiintaasi Soomaali-Mareykanka ee sanadkan u tartamey xilalka kala duwan.

Sahra Cabdi Ahmed ayaa warbixintan ka...

Walaac amni oo ka jira Waqooyi Bari Kenya

0
0

Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in gaadiidka rakaabka laga mamnuucay maalintii saddexaad inay isticmaalaan jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Gaarisa iyo Mandheera.

Barnaamijka musharaxiinta Somaliland Qeybta Labaad

0
0

Musharaxiinta ku loollamaya doorashada madaxtinimada ayaa haatan samaynaya ololihii ugu dambeeyey ee ay codbixiyayaasha kula wadaagayaan barnaamijkooda siyaasiga ah.

DANJIER KEATING: Madaxda Qaranka waa inay...

0
0

Muqdisho (PP) - Ergayga Qaramada Midoobey ee Somalia Michael Keating, ayaa ka hadlay rajadooda ku aaddan in la dhaqan-galiyo heshiiskii 05-tii bishan dhex-maray Madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamul-goboleedyada dalka ee ka dhacay Muqdisho.
Danjire Keating, wuxuu sheegay in heshiiskii dhex-maray madaxda Qaranka uu ahaa mid guul, wadajir iyo midnimo ku soo dhammaaday. Wuxuuna intaa ku daray isagoo warbaahinta la hadlayay inay qabaan rajo weyn, wuxuuna ku caddeeyay hadalkiisa inuu jiro farqi kala geynaaya Dowladda hadda jirta iyo middii hore ee dhacday.
Sidoo kale, Ergayga ayaa tilmaamay in Dowladda Somalia ee hadda jirta ay heysato fursado ay ku dhaqan galinkarto Qodobada ay la saxiixatay maamullada, halka dowladii hore ay ku furnaayen kacdoono siyaasadeed.
"Waxaan Qirayaa in Dowladda Somalia ee hadda jirta ay heysato fursado badan oo aysan haysan Dowladdii hore, farqiga u dhexeeya ayaa ah in Dowladdaan jirta ay haysato taageero shacab oo ka difaaci kara kacdoon siyaasadeed," ayuu yiri Keating.
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. "Sidaas darteed Waxaannu ku rajo weyn ka qabnaa in Dowladda Federaalka ah hada jirta ay sideeda u dhaqan-galiso heshiisyada jira si ay Somalia uga hanaqaado halka ay taagan tahay."
Dhanka kale, Danjire Michael Keating ayaa xusay inay filayaan in Dowladda ay ka fursado badnaan doonto middii hore, balse ay ka rajeynayaan inay ka dhabeyso himiladeeda dhanka siyaasada iyo horumarka.
Ugu dambeyn, Ergayga QM ee Somalia ayaa tilmaamay in Somalia ay cagta-saartay dhabadii horumarka, wada jirka, midnimada iyo iskutashiga iyagoon cidna ka dhawraynin tageero iyo gacan qabashoba.PUNTLAND POST
The post DANJIER KEATING: Madaxda Qaranka waa inay Hirgaliyaan Heshiiskii lagu saxiixay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Muqdisho oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo...

0
0

Ku-simaha taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xarunta taba-barka Booliiska Somaaliyeed ee General kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax badan laga beddelayo hannaanka sugida amniga caasimadda Somaaliya.
Taliye Afrax ayaa tilmaamay in ay samaynayaan qorshe cusub oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho,iyadoo markii ugu horreysay la hirgelinayo sanaadiiq lagu uruurinayo ra'yiga dadweynaha ee ku aaddan horumarinta ammaanka.
Shacabka caasimadda Muqdisho,ayuu ka codsaday in ay Booliska ka gacan siiyaan qorshahan cusub si loogu guulaysto xasilinta magaalada,halka uu ciidankana ugu baaqay in ay shacabka soo dhoweystaan,taaso uu ku tilmaamay"habka ugu fiican ee lagu wado shaqeyn karo".
Amniga magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayey bilihi ugu dambeeyey,waxaana lagu qaaday weerarro argagixiso dhowr ah,kuwaaso uu ku jiray qaraxii ugu khasaaaraha badnaa ee Taariikhda Soomaaliya,kaasoo lagu beegsaday Isgoyska Soobe,islamarkaana ay ku dhinteen ugu yaraan 358 ruux,laakiin hay'adaha ammaanka ee Muqdisho,sida Booliiska,Nabad Sugidda iyo kuwa Xasilinta caasimadda ayaa dhankooda sii waday hawlgallada,lamana oga qorshahan cusub iyo sida u wax uga beddelayo amni-darrada magaaladaPUNTLANDPOST
The post Muqdisho oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo sanaadiiqda Ra'yiga dadweynaha. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Barnaamijka musharaxiinta Somaliland Qeybta Labaad

0
0

Doorashada Somaliland ka dhacaysa maalinta Isniinta ee foodda innagu soo haysa, ayaa la filayaa inay ka qabsoonto illaa Kun iyo lix boqol iyo laba iyo afartan (1,642) goobood oo ku kala yaalla gobollada Somaliland.
Waxaana doorashada ka hawl-gelaya in ka badan 18,000 oo isugu jira shaqaalaha komishanka iyo hawl-wadeenada goobta codbixinta.
Musharaxiinta ku loollamaya doorashada madaxtinimada ayaa haatan samaynaya ololihii ugu dambeeyey ee ay codbixiyayaasha kula wadaagayaan barnaamijkooda siyaasiga ah, waxana la filayaa in ololaha doorashadu berri soo xidhmo.
Haddaba ku soo dhowaada qayb labaad oo ka mida warbixinno aan ku eegaynay barnaamijyada ay ku ololaynayaan Xisbiyada Somaliland, waxaana noo soo diyaariyay wariyeheena Ismaaciil Xuseen Farjar oo haatan magaalada Hargeysa ku sugan.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:12:48
0:00:00 /0:12:48
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Walaac amni oo ka jira Waqooyi Bari Kenya

0
0

Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in gaadiidka rakaabka laga mamnuucay maalintii saddexaad inay isticmaalaan jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Gaarisa iyo Mandheera.
Go'aankan ay dowladda Kenya ku hakisay baabuurta rakaabka ayaa yimid ka dib markii isniintii la soo dhaafay maleeshiyo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ay jidka u galeen gaari rakaab ah iyo ciidamo boolis ah oo galbinayay deegaanka Daba City oo Mandheera ka tirsan.
Wariyeheenna Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa arrintan ka wareystay wariyeheenna Gaarisa Maxamed Faarax Shire.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:04:20
0:00:00 /0:04:20
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Warbixin: Soomaalida iyo doorashada Mareykanka

0
0

Dhowr iyo Toban qof oo Soomaali ah ayaa u istaagay in-ay u tartamaan qabashada xilal kala duwan magaalooyinka Boston, oo gobolka Massachusetts ah, Minneapolis iyo St. Paul oo Minnesota ah, gobolka Iowa iyo waliba magaalada Seattle ee gobolka Washington oo ku yaalla galbeedka dalka Mareykanka.
Waxaa guuleystey oo soo baxay dhowr qof oo ka mid ahaa musharaxiintaasi Soomaali-Mareykanka ee sanadkan u tartamey xilalka kala duwan.
Sahra Cabdi Ahmed ayaa warbixintan ka diyaarisey.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:06:04
0:00:00 /0:06:04
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Somaliland oo diyaarineysa shaqaalaha doorahada

0
0

Iyadoo saddex maalmood ay ka hadhay doorashada madaxtooyada Somaliland, ayaa guddida doorashadu waxay shaqaalaha iyo agabkii doorashada ay u kala rareen goobaha codaynta ee gobollada.
Afhayeenka guddidaas Siciid Cali Muuse ayaa VOA u sheegay in in ka badan dhawr iyo toban kun oo qof ay ka shaqaynayaan, kuwaas oo isugu jira ardayda jaamacadaha, ciidamada amniga iyo hawlwadeenno kale.
Afhayeenka oo u waramay weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa ugu horrayn ka hadlaya meelaha ay u kala direen shaqaalaha iyo agabka.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:05:13
0:00:00 /0:05:13
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Xubno Dhalinyaro Ah Oo Ka Tirsan Xisbiga WADANI Oo...

0
0

Xubno Dhalinyaro Ah Oo Ka Tirsan Xisbiga WADANI Oo Hada Iska Casilay Kuna Biiray KULMIYE
[embedded content]
storvideo: 

Shacabka Hargeysa oo BBC-da uga warramay waxa ay ka rajeynayaan doorashada madaxtinimada

0
0

Iyadoo maanta ay tahay maalintii ugu dambaysay ee ololaha doorashada madaxtinimada ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.


Khasaaro ka dhashay fatahaada webiga Juba

0
0

Roobab todobaadkan ka da'ay qeybo badan oo Soomaaliya ka tirsan ayaa saameeyay dad isugu jira xoolo dhaqato iyo beeraley.

Uganda oo markale ku celisay in Kumanaan Askari ay u soo direyso Somalia

0
0

Kampala (Sh M Network)—Taliska militariga ee Dalka Uganda, ayaa markale ku celiyay in ay diyaar u yihiin in kumanaan askari oo dheeraad ah ay soo diraan Dalka Soomaaliya.
Richard Karemire oo ah Afhayeenka Ciidamada Dalka Uganda, ayaa waxuu sheegay in Dowladda Uganda ay diyaar u tahay in 5 kun oo askari ay u soo daabusho Dalka Soomaaliya.
Waxaa uu intaasi ku daray in Ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan Dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab, islamarkaana ay xoojinayaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Afhayeen Richard Karemire ayaa shaaciyay in Xukuumadda Kampala ay ka go’an tahay in marwaliba ay ka qeyb qaadato howlgallada lagu xasilinayo Soomaaliya.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Afhayeenka waxaa uu tilmaamay in Ciidamo kale oo dheeraad ah ay u soo diri doonaan hadii Beesha Caalamka ay bixiyaan dhaqaalaha loogu talagay howlgallada qeybta ka yihiin Ciidamada AMISOM.
Sikastaba, hadalka Taliska militariga ayaa waxuu imaanayaa xili Madaxweynaha Uganda uu u sheegay Mareykanka in uu diyaar u yahay in Ciidamo dheeraad ah uu diro Dalka Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.
The post Uganda oo markale ku celisay in Kumanaan Askari ay u soo direyso Somalia appeared first on Shabelle.

Xaakim Cabdiqawi oo mar kale loo doortay golaha garsoorka Maxkamadda HAUGE

0
0

Garsooraha Soomaaliyeed ee xubinta ka ahaa Garsoorka Maxkamadda Caalamiga ah, ayaa mar kale loo doortay inuu golahaasi kamid ahaado.

Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku beegsaday Al Shabaab

0
0

Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa waxuu sheegay in Weerar dhanka cirka ahaa ay ku beegsadeen Xubno ka mid ah Xarakada Al Shabaab.
Bayaanka Taliska AFRICOM ayaa lagu xusay in duqeyntan ay ka dhacday Degaan hoostaga Gobolka Baay, oo qiyaas ahaan 100km dhanka Galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.
Waxaa Bayaanka Mareykanka lagu qeexay in duqeynta lagu dilay dhowr Dagaal yahan oo ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab.
Mareykanka ayaa sidan oo kale todobaadkii la soo dhaafay waxaa weerar dhanka cirka ahaa ay uga fuliyeen Duleedka Degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Mareykanka ayaa waxuu u muuqdaa in uu kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab oo Dagaal kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerarka dhanka cirka ahaa ee lagu beegsaday Xubno ka tirsan Xarakada.
 
The post Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku beegsaday Al Shabaab appeared first on Shabelle.

Xaakim Cabdiqawi oo mar kale loo doortay golaha...

0
0

Warar goor dhowayd naga soo gaadhay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa sheegaya in xaakimka Soomaaliyeed ee Cabdulqawi Axmed Yuusuf mar kale dib loo doortay inuu garsoore ka ahaado maxkamadda caalamiga ah ee garsoorka ee fahdigeedu yahay magaalada Hague.
Garsoore Cabdulqawi ayaa maxkamaddaasi garsoore kasoo ahaa sagaalkii sano ee lasoo dhaafay, waxaana mar kale dib loogu doortay inuu ka mid noqdo 15-ka garsoore ee maxkamaddaasi sida ay VOA u xaqiijiyeen saraakiil Soomaali ah oo ku sugan New York.
Cabdulqawi ayaa ka mid ahaa shan garsoore oo maanta uucod u qaaday Golaha Guud ee Qaramada Midobay ee magaalada New York.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live