Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland iyo Abaal...

0
0

Hargeysa (Waaheen) - Waxa Khamiistii Doraad Magaalada Hargeysa lagu qabtay Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland oo Sannad kasta la qabto 9-ka bisha November.
Xuskan oo uu ku lamaanaa Abaal-marinta Cawke Media Award oo Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo soo qaban-qaabiyey Guddoonsiiyey Suxufiyiin ku tartamay Barnaamijyo ay ka diyaariyeen Arrimaha Bulshada, ayaa waxa ka qayb-galay Musharax Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Musharraxa Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa ka warramay dedaalka ay urur ahaan ugu jiraan Horumarinta Suxufiyiinta, isagoo xusay inay wax kasta oo ku qaadayso u marayaan.
Guddoomiye Xuuto wuxuu sheegay inay Xukuumadda dhalan doonta waydiisanayaan inay u dhisto Machadka Saxaafadda, isagoo xusay in Dhulkii laga dhisi lahaa Machadkaasi uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo bixiyey.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) wuxuu sheegay in tartanka saxafiyiinta qaarkood Abaal-marinada la guddoonsiiyey ay uga gol-leeyihiin dhiirigelinta Saxafiyiinta.
Musharraxa oo halkaa hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay sida saxaafadda iyo siyaasiyiintu u yihiin laba mihnadood oo aad u adag, isla-markaana ay lagama maarmaan tahay in saxaafaddu ay xoogga saaraan kobcinta garaadka bulshada iyo inay soo bandhigaan wixii qaldan maankana ku hayaan masuuliyadda ka saaran mihnadooda.
Musharruxu wuxuu si gaar ah uga hadlay Alle ha u naxariistee Aabbihii Saxaafadda Somaliland Maxamuud Cabdi Shide oo Maalintii uu Geeriyooday loo asteeyay Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland iyo Marxuum Cawke oo SOLJA u ugu Magac-dartay Abaal-marin la siiyo Suxufiyiinta sameeya Barnaamijyada wanaagsan ee khuseeya Arrimaha Bulshada, waxaanu yidhi "Labada marxuum ee midna aasaaska saxaafadda leeyahay, midna abaal-marinta loogu magac-daray, labadaba aad baan u aqaanay oo hawl wanaagsan bay qabteen, waanay mudan yihiin magacooda la xuso oo lagu daydo, dadka inaga dhintay ee saxaafadda ahina way badan yihiin, waanay mudan yihiin in iyagana la xuso."
Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna mahad-naq iyo amaanba u soo jeediyay wasaaradda warfaafinta oo uu tilmaamay inay si dhexdhexaadnimo ah u hawl-galeen, isla-markaana ay axsaabta siyaasadda ay u caddaalad sameeyeen. Waxa kale oo uu sheegay inuu rejaynayo in doorashadu si wanaagsan oo nabad-gelyo ah ay u qabsoonto "Adduunka waxaynu tusaynaa Somaliland inay ka duwan tahay Afrika iyo waddamada la jaarka ah oo aynu galayno doorashadii lixaad Insha Allaah oo nabad inoogu dhici doonta."
Maareeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland Khadar Maxamed Cakulle ayaa sheegay in caddaalad samaynta axsaabta qaranka uu ahaa amarkii uu bixiyay Madaxweynuhu oo ay raaceen, kuna shaqeeyeen, isla-markaana aanay jirin cid ku soo faro-gelisay hadday tahay Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xukuumaddaba.
Ugu dambayn, waxa halkaa Abaal-marino lagu guddoonsiiyey 7 Xubnood oo ka mid ah illaa 30 Suxufi oo ka qayb-galay Tartankaasi, kuwaasi oo War-bixinno ka qoray Qodobbo khuseeya Arrimaha Bulshada, waxaana Xubnaha Abaal-marinnada la guddoonsiiyey ka mid ahaa:- Nasiim Maxamed Muuse oo Tv-ga Qaranka ka socotay, Kaalinta Labaadna waxa galay Khaalid Ismaaciil Foodhaadhi oo ka socday SAAB Tv, Kaalinta saddexdaadna waxa galay Mubaarik Fu'aad Dhagacadde, dhinaca Idaacadda kaalinta koowaad waxa galay Maxamed Cabdi Qalinle oo ka socday Radio Hargeysa, Wargeysyada ama qoraalkana kaalinta koowaad Khadar Maxamed Xaashi oo ka socday Wargeyska Dawan.
storvideo: 


Reer Xingalool “Shabaab Kalkaale dooni mayno

0
0

10th November 2017 admin Category :
Banaabixii aan saaka soo gelinay wuxuu ahaa Damala xagare ee Hoos ka daawi kii maanta ka dhacay degmada Xingalool ee gobolka Sanaag
Shabaab kalkaale dooni mayno
Sheydaan hubeeye dooni maynoSomali diidka doonimayno
Sanduuqyadooda dooni mayno
Saaqidiinteey duufsadeen ( Marrabida) dooni mayno
Suntay sidaana dooni mayno
Somali qaybsan dooni mayno
Shabaab kalkaale dooni mayno
Sheydaan hubeeye dooni matno

storvideo: 

Wasaarada Deegaanka oo Biyo Xireen ka bilowday...

0
0

10th November 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Waxaa maanta si rasmi ah loo dhagax dhigay Biyo-xireen ay wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL kabilaabayso deegaanka Midi-gale oo katirsan degmada Badhan ee gobolka Sanaag, Biyo xireenkan waxaa uu qayb kayahay qorshaha wasaarada Deegaanku ay mudooyinkii lasoo dhaafay ku howlanayd kaas oo lagu kaydinayo biyaha roobka islamarkaasna looga hortagayo Biyo-yarida saamaynta kuyeelatay dhamaan bulshada, Wafti balaaran oo uu hogaaminayey Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL ayaa gaaray deegaanka Midigale halkaas oo ay siwayn ugu soo dhaweeyeen maamulka gobolka Sanaag, Maamulka degmada Badhan iyo boqolaal dadweyne kuwaas oo waftiga kusoo dhaweeyey si heer sare ah iyagoo muujinayey sida ay ugu faraxsanyihiin booqashad waftiga wasaarada Deegaanka iyo dhismaha biyo Xireenkan.
Soo dhawayn kadib waxaa magaalada Midigale lagu qabtay shir balaaran oo kusaabsan sidii loo samayn lahaa biyo Xireenka deegaanka Midigale kaas oo ay ka qaybgaleen qaybaha kaladuwan ee bulshada, Gudoomiyaha gobolka Sanaag, gudoomiyaha degmada Badhan, Maamulka deegaanka Midigale iyo marti sharaf kale oo badan, Wasaarada Deegaanka ayaa shirkaas faahfaahin dheeri ah uga bixisay biyo Xireekan iyo faa'iidada uu u yeelan doono bulshada, Deegaanka, duunyada iyo duurjoogtaba kuwaas oo la qiray inay waxbadan ka badali doonto nolosha dadka deegaanka.
Gudoomiyaha degmada Badhan Mudane, Cabdirisaaq Axmed Ciise, maamulka deegaanka Midigale iyo dadweynaha deegaanka ayaa sheegey in ay ku faraxsanyihiin in loo celiyo biyaha Malaayiinka fuusto dhan ee xili-roobaadwalba ka khasaara waxaana ay sheegeen inay ka shaqayn doonaan in biyo Xireenkan lagu guulaysto dhismihiisa ayna garbo u noqon doonaan.
Gudoomiyaha gobolka Sanaag Mudane, Maxamuud Ismaaciil Jaamac (Ciyoon) ayaa siwayn uga mahadceliyey wasaarada Deegaanku qorshaha ay ku timid deegaanka iyo dhismaha biyo Xireenka Midigale oo uu sheegey inay qaybwayn ka tahay qorshayaasha dawlada Puntland ee ah in la hormariyo kaabayaasha nolosha, Gudoomiyuhu wuxuu bulshada qaybaheeda kaladuwan ka codsaday inay ilaashadaan hantidooda islamarkaasna ay ku dadaalaan in laga faa'iidaysto biyo Xireenka.
Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka Mudane, Maxamuud Ciise Maxamed (Maareeye) oo ka hadlay dhagax dhiga Biyoxireenka Midgale ayaa dadweynaha deegaanka uga mahadceliyey soo dhawaynta ay u sameeyeen wuxuuna sheegey in ay dhiirigelin u noqon doonto, Wasiirku wuxuu sheegey in biyo Xireenkan marka la dhameeyo loogu talagalay inay ka faa'iidaystaan dhamaan qaybaha kaladuwan ee bulshada isagoo sheegey in Biyo Xireenka Midigale uu qayb ka yahay qorshaha wasaarada Deegaanku ay ku doonayso in lagu kaabo nolosha dadweynaha, Maareeye dhanka kale wuxuu dadweynaha deegaanka ugu baaqay inay dib u beertaan dhulka islamarkaasna ay soo celiyaan Beerihii deegaanku caanka ku ahaa kuwaas oo biyo la'aan darteed dadku isaga dhaafeen.
Daawo sawirrada
Post navigation
- Reer Xingalool "Shabaab Kalkaale dooni mayno Gobolka Sanaag Baa laysku haystaa dib danbe u maqli maysaan -
storvideo: 

Gobolka Sanaag Baa laysku haystaa dib danbe u maqli...

0
0

10th November 2017 admin Category :
Dagaalkii kharaaraa ee Damalo Xagare kabacdi, waxaa mar kale la isugu yimid degmada Ceerigaabo, waxaana heshiis lagu gaaray in degmada laga saaro maleeshiyaadkii SNM. Waqti yar kabacdina waxaa la gaaray "heshiiskii afarta qabiil ee 1991," kaas oo ahaa heshiis taabagalay tan iyo biloowgii sannadkii 2004.

Dagaalkii kharaaraa ee Damalo Xagare kabacdi, waxaa mar kale la isugu yimid degmada Ceerigaabo, waxaana heshiis lagu...
Opslaet af Radio Daljir pa 10. november 2017

storvideo: 

Madaxweynaha Puntland oo Degmada Dhudhub u...

0
0

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 134 November 11 2017 ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah degmada DhudhubGuddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.Madaxweynaha Dawladda Puntland.Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cali Maxamed Ismaaciil si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha degmada Dhudhub.
  1. Waxaa Jaamac Maxamed Saciid si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Dhudhub.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiisay Madaxweynuhu.=DHAMMAAD=XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Madaxweynaha Puntland oo Degmada Dhudhub u magacaabay Guddoomiye iyo ku-xigeen appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Kenya oo soo bandhigtay Magacyada Rag ay madaxooda...

0
0

Nairobi (Caasimadda Online) -Ururka Al-Shabaab ayaa u muuqdo inuu awood dheeri ah kusii yeelanayo gudaha dalka Kenya, kadib weeraro iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay deegaano ka mid ah dalkaas.
Haddaba Wasaaradda amniga gudaha Dalka Kenya ayaa soo bandhigtay Magacyada labo Nin oo ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin Xarakada AL-shabaab islamarkaana ay dowladda dooneyso in lasoo qabto sida ugu dhaqsiyaha badan nolol iyo geeri.
Axmed Siciid Cumar iyo Cali Zira ayaa lagu kala sheegay Magacyada labaas dhin, kuwaas oo ay dowladda Kenya ku sheegtay in ay dambiilayaalyihiin islamarkaana dowladdu ku daba jirto.
Laba Malyan oo Lacagta Kenya ah ayaa loo ballan qaaday in la siin doono cid kasta oo keento macluumaad iyo xog ku saabsan labadaan Shaqsi ee sida weyn loo raadnayo.
Wasaaradda amniga gudaha Kenya ayaa sawirrada iyo magacyada Raggan raacisay Taleefannada laga heli karo laamaha amniga,waxaana ay shacabka Kenya ka codsatay in ay si dhow ula shaqeeyaan Hay'adaha ku dabajira Raggan.
Barta Twitterka ee Wasaaradda Amniga Kenya ayaa dadka Kenyaanka ah qaarkood ku dhaleeceynayeen dowladda in aysan wax ka qaban dhibaatadad Qabiilka Lua ku heysata dhinaca Uganda iyada oo dowladda ku dhaliilay in aysan arrintaas wax ka qaban.
Sidoo kale dadka qaar ayaa dowladda ku dhaliilayay in Saraakiisha Wasaaradda amniga gudaha qaarkood ay yihiin dambiilayaal mas'uul ka ah dhimashada 100 Qof oo doorashadii lagu muransanaa ee bishoo la soo dhaafay ka dhacday Kenya la dilay.
Dadka qaar ayaaba Bogga wasaaradda ku qorayay in xitaa haddii Raggan ay raadinayaan ay ku jiraan sariirtooda hoosteeda aysan la wadaageyn,maaddaama kuwa la raadinayo iyo kuwa raadinaya aysan waxba is dhaamin sida ay ku doodayaan.
Arrintaan ayaa kusoo aadeyso waqti ay dowladda Kenya cadaadis badan kala kulmeyso weerarada ay Al-Shabaab ka geesanayaan gudaha dalkaas.
Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ka barbar dagaalamo dagaalyahano badan oo kasoo jeedo dalka Kenya, waxaana dhawr jeer shaashadaha laga daawaday Mintidiin ka tirsan Shabaab oo Kenyaan ah kuwaas oo farrin adag u dirayo dalkooda.- OnlineXafiiska Beydhabo-@live.com
storvideo: 

AMISOM conducts training on basic crime scene...

0
0

The African Union Mission in Somalia (AMISOM) isconducting a 10-day training course on basic crime scene management for SouthWest Police officers in Baidoa. Twenty officers drawn from the Criminal Investigations Department (CID) areattending the course, which is part of a series of specialized training programmesbeing conducted by AMISOM Police. Participants are expected to cover a number of topics during the [...]
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo Daahfuray Ololaha Nabad...

0
0

Madaxwenaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Mas'uuliyiin ka tirsan Goleyaasha shacabka, Aqalka sare, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Benaadir iyo mas'uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayay Ololaha Nabad gelyada Gobolka Benaadir, kaasi oo ka dhacday xarunta dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Xafladda waxaa kaloo ka qeybgalay qeybaha kala kuwan ee bulshada, fanaaniin, ciidamada qalabka sida iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhacdadii xanuunka badneyd ee 14-kii October uu ahaa musiibo Qaran, waxaana uu intaa ku daray dhallinyarada inay gacan ka geysteen sidii ay walaalahood ugu gurman lahaayeen.
"Dhallinyarada, dhaqaatiirta, kalkaaliyeyaasha caafimaadka, kooxaha gurmadka deg dega iyo dhamaan qeybaha bulshada waxa ay u istaageen sidii la isugu gurman lahaa, furitaanka shir-wareegga Ololaha Nabad gelyada Degmooyinka Gobolka Benaadir waxa uu wax badan ka qaban doonaa xoojinta Nabad gelyada" ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir.
Guddoomiyaha ayaa xusay in bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Madaxda dalka inay qeyb ka noqdaan shir wareegga uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Benaadir, gaar ahaan golaha Wasiirada in ay ka qeyb galaan shir wareegga degmada lagu qabanayo ee uu Wasiirku deganyahay.
Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay qiiro gelisay markii uu arkay dhalinta isugu timid shirka, oo madaxda u soo gudbisay fariimaha xambaarsan sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa sugidda amniga.
"Dalkan waa dal isku filnaan kara, haddii si sax ah looga faa'iideysto kheyraadka ku jira dalkeena, waxkasta oo naga halaabaya waxaa sabab u ah Nabadgelyo la'aanta, marka waxaa loo baahanyahay inaan is xoreyno, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha isku tashato" ayuu yiri Wasiir Beyle.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo ayaa xustay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saareyso sidii loo heli lahaa bankiga dhiiga lagu keydiyo, waxaana ay intaa ku dartay inay soo gaartay kaalmo lacageed oo dhan 36,725, dollar oo ay soo gudbiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, saxaafadduna ay la wadaagi doonto.
Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo daah furay shir wareegga Ololaha Nabadgelayda Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xaalad dagaal,
"Dalkan waxa uu ku jiray toban sano xaalad dagaal, shacabka waxaa laga rabaa inay gacan siiyaan ciidanka oo ay taageeraan dowladooda" ayuu yiri Madaxwene Farmaajo oo xusay in shacabka iyo madaxdooda ay ku dhex jiraan kuwa danleey ah oo aan dooneynin in dalka uu horumar gaaro.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad caado ka dhigtay inaysan dalka ka hanaqaadin dowladnimo, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu aysan ogolaan doonin in bulshada la geliyo qal qal siyaasadeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in musiibadii 14-kii dhacday ay keentay in dowladdu ay marti geliso shirkii ay ka qeyb galeen Madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo la isku afgartay in si wada jir ah dalka looga xoreeyo cadowga dhibaateynaya Ummadda Soomaaliyeed.
"Waxaan u mahadcelinayaa doorkii dhallinyaradu ay ka qaateen musabadii dalka ka dhacday oo ay sameeyeen gurmad Qaran, oo ay isugu soo baxeen inay dalkooda ka xoreeyaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed" ayuu yiri Madaxweynaha.
"Waxaa noo balan ah inaad dalkaan xoreysaan, inaad qalinka dhigtaan oo aad gacmaha isqabsataan oo aad doorkiina ka xoreynta cadowga ah qaadataan" ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 


Daawo Sawirrada: Jubbaland oo Isaga Jeebeysan...

0
0

Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa ka dhoofiyay Garoonka Kismaayo eedeysane C/risaaq Warsame Axmed oo ku eedeysan inuu gabar ku kufsaday Magaalada Boosaaso, kadibna rasaas uu kaga dhuftay xubinta taranka.
Ninkaan ayaa isaga oo ka jeebeysan gacmaha waxaa laga dhoofiyay Magaalada Kismaayo, iyadoo ay hareer socdaan Saraakiisha ciidamada Booliska Jubbaland.
Puntland ayaa ka codsatay Jubbaland in sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta loogu soo geliyo Ninkaasi oo la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada badda Puntland.
Ehelada Gabadha lagu dhibaateeyay Magaalada Boosaaso ayaa dalbaday in maxkamad la soo taago dambiilaha dhibaatada u gaystay gabadhooda.Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Shir Ka...

0
0

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid ayaa maanta magaalada Muqdisho Ka daahfuray kulanka Madasha wadatashiga wasaaradaha arimaha gudaha, dib u heshisiinta iyo Gobolka banaadir.
Barnaamijkaan oo lagu Magacaabo Hannaanka qaran ee Wadajir ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu ka socon doonaa Saddex maalin.
Waxaa ka qeyb galaya Wasiirradda Arrimaha Gudaha maamul goboleedyadda.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaraya wada shaqeynta dowladda Dhexe iyo maamulada dalka jira iyo sidoo kale baahinta maamulka dowladnimadda.Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Ciidamada Ammaanka Masar Oo 10 Qof oo Argagixiso Ah...

0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Masar(SONNA) Ciidamada ammaanka Dalka Masar ayaa sheegay inay dileen 10 qof oo ka mid ah ururada Arggagixsada ee dalkaasi ku sugan kadib Hawlgal oo laga fuliyey gobolka woqooyiga ee Siinaay.
Warar waxay intaasi ku darayaan in diyaaradda APACHE ee Wadanka Masar jimcihii ay u suura gashey inay Duqeeyaan Saldhigyo ay lahaayeen kooxda Argagixisada ah iyo gaadiid ay wateen duqayntaas oo ka Dhcdey gobolka koonfureed magaalada loo yaqaan SHEEKH SWAID.
Goobtaasi oo la duqeeyey waxa ku dhintey afar qof oo ka mida argagixisada lix kale oo ka midana waxa lagu dilay goob Aanay ciidamada amaanku magacaabin.
Dadka argagixisada aha ayay dawladda Masar ku eedaysey inay diyaarinayeen hawlo arggagixisanimo iyo inay Rabeen inay wadanka ka geystaan qaraxyo.
Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen 7 qalabka qaraxa ah kaa soo ay ugu Talagaleen inay ku wax yeeleeyaan ciidamo marayay jidka.
Waqtiyadan dambe ciidamada ammaanka Masar ayaa waday hawl galo lagu xaqiijinayo ammaanka Kaa soo lagaga sifaynayo gobolada Arggagixisada o ka dhigatey gabaad.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous article13 Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Basra

storvideo: 

Trump iyo Putin oo ku heshiiyay sidii loola dagaalami lahaa kooxda IS

0
0

Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Mareykanka Donald Trump ayaa isku afgartay qoraal ku saabsan sidii looga adkaan lahaa kooxda la baxday dowladda Islamka.

Wararka Dibada: Daawo Xassan Nasrallah “Sacuudiga...

0
0

Hogaamiyaha ururka xisbilah ayaa ku eedeeyya dowladda Sacuudiga in ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Lubnaan, todobaadyo uun ka dib markii uu iscasilay rai'sul wasaarihii Lubnaan Sacad al Xariiri.
Xassan Nasrallah ayaa sheegay in Mr Xariiri uu la hayste u yahay xukuumadda Sacuudiga.
Nasrallah ayaa sheegay in Sacuudiga ay dagaal ka dhex hurinayaan dadka reer Lubnaan.
Waxa uu sidoo Sacuudiga ku eedeeyay in ay ku kicinayaan Israa'iil oo ay kaashanayaan.
Ururka awooda badan ee Shiicada ee Xisbulahi ayaa waxa taageera dowladda Iran oo ay si wayna isaga soo horjeedaan Sacuudiga .
Xariiri ayaa isagu iscasilaadiisa ku saleeyay khatar uusan sheegin waxa ay tahay oo naftiisa soo wajahday.
Hasa yeeshee madaxwaynaha Lubnaan Michel Aoun iyo siyaasiyiinta kale ee sarsare ee Lubnaan ayaa waxay dalbanayeen in mr Xariiri uu dib ugu soo laabto Lubnaan .
Mr Aoun ma uusan aqbalin iscasilaada Xariiri uu iska casilay xilka raisul wasaaraha.
Mr Xariri si toos ah uma uusan hadal tan iyo wixii ka dambeeyay iscasilaadiisii oo ahayd mid lama filaan ah.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Trump iyo Putin oo ku heshiiyay sidii loola...

0
0

Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Mareykanka Donald Trump ayaa isku afgartay qoraal ku saabsan sidii looga adkaan lahaa kooxda la baxday dowladda Islamka.
Warkan waxaa shaaciyay aqalka Kremlin-ka Ruushka looga arrimiyo.
Madaxweynaha wadanka Ruushka iyo dhigiisa Mareykanka Donald Trump ayaa si kooban u kulmay xilli ay ka wada qeyb galayeen shirka iskaasiga dhaqaalaha ee wadamada Aasiya oo ka dhacaya wadanka Vietnam.
Labada dhinac ayaa ansixiyay bayaan ay soo diyaariyeen khubaro labada dhinac ka socotay kaasi oo ku saabsan colaada wadanka Suuriya.
Af-hayeen u hadlay aqalka Kremlin-ka ee dalka Ruushka ayaa arrintaasi u xaqiijiyay wakaalada waraarka ee Interfax .
Interfax ayaa sidoo kale ku soo warrantay in labada madaxweyne ay si kooban u wada hadleen xili ay ku sii jedeen goob lagu sawirayay madaxda ka soo qeyb gashay shirkaasi.
Waxaa kullankaasi ka sii horeeyay kullan kale oo ay yesheen xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tellerson iyo dhigiisa Ruushka, Sergey Lavrov sida ay wakaalada u sheegeen ergo ka socotay Ruushka.
Madaxwayne Putin iyo dhigiisa Mareykanka Trump ayaa markii ugu horeysay yeeshay kulan fool ka fool ah bishii July markaasi oo ay ka wada qaybgaleen kulankii wadamada G20 ee ka dhacay Jarmalka.
storvideo: 

Barnaamijka Hamblayada iyo Heesaha

0
0

Barnaamijka Hamblayada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inala socodsiinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)


US drone strike in Somalia kills ‘several’ al...

0
0

A drone strike in Somalia carried out by the United States military Friday has killed "several" al-Shabaab militants.
The U.S. Africa Command said in a statement that the strike occurred in Lower Shabelle region, some 20 miles north of the country's capital, Mogadishu.
This is the 23rd airstrike the U.S. military said it has carried out this year against the Al Qaeda-linked militant group and the far smaller Islamic State group in Somalia.
The Trump administration approved expanded military operations earlier this year against extremists in the Horn of Africa nation.
In March, President Trump signed a command allowing the military authorization to carry out airstrikes in Somalia against the militant group, ABC News reported.
Previously, the military was not allowed to conduct airstrikes against the jihadist group unless the African Union or U.S.-backed Somali government troops were being attacked.
The latest drone strike was carried out in coordination with Somalia's government, the statement said.
Al-Shabaab has been blamed for the massive truck bombing in Mogadishu last month that killed more than 350 people.
The deadly Oct. 14 attack signals the jihadist group was still prevalent in the African nation. It was Somalia's worst-ever attack and one of the world's deadliest in years.
Earlier this month, the U.S. carried out its first airstrike against ISIS fighters in Somalia, targeting a small but growing cell that emerged in the northern Puntland region just two years ago. Many of the fighters split off from al-Shabaab.
storvideo: 

Ciidamada Dowladda oo burburiyay xaruntii Qaraxyada...

0
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay howlgallda ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee laga fuliyay qaar ka mid ah Gobollada Dalka.
Wasiir Yariisow ayaa xusay in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa saaxiibada ay howlgallo ka fuliyeen Gobollada Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoos iyo Jubbooyinka ayna jiraan Khasaaro loo geystay maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah Goboladaasi.
"Howlgallada waxaa garab socda weeraro qorsheysan oo ay fulinayeen hay'adaha amniga, waxaana labo weerar oo gaar ah laga fuliyay degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada, waxaana weeraro loo adeedsaday miinooyin la geliyay xarumahaas, kadibna la qarxiyay, waxaana ka dhashay qasaaro xoog leh,sida ay noo sheegeen Hay'addaha Ammaanka waxaa halkaas lagu dilay 81 maleeshiyo, waxaa kaloo jirtay in jidka loo galay gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaasi oo doonayay inay falal argagixiso ka geystaan Gobolka Gedo" ayuu yiri Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.
Mudane Yariisow ayaa ayaa sidoo kale sheegay in Weerarradaasi ciidammada geesiyaasha ah ay qaadeen in lagu burburay Agab badan oo Qaraxyada laga sameeyo, sida TNT, RDX, Potasium Nitrate, sodium nitrate iyo sawaariiq lagu qiyaasay ilaa Laba ton iyo Hub kale oo ay ku jireen Gaadiidka dagaalka, macluumaadka la helay ayaa muujinaya in Jab xooggan ay ku naqdeen weerarraas Al-shabaab lagu qaadey.
Howlgalladan waxaa si taxadar leh u fuliyey ciidammada Soomaaliya oo si nabad ah ugu soo laabtay xarumihii ay ka tageen.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya ayaa markale uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay u garab taaganyihiin ciidamada qalabka sida, isagoo ku booriyay inay sii labo jibaaraan.
storvideo: 

Sawirro:-RW Kheyre oo Shir-Guddoomiyay Shirka Amniga...

0
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayey howlgalka ciidamada ee Shabeelooyinka ka socda iyadoo beesha caalamka ay goob joog ahaayeen.
Shirkan muhiimka u ah amniga ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madiera, Safiirka Midowga Yurub Veronica Lorenzo, Safiirada UK, US, Uganda, Ethiopia, Italy, China, Kenya iyo Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiiro iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Mudane Xuseen Carab Ciise iyo marti sharaf kale.
Ra'iisul Wasaaraha oo shirka furay ayaa khudbad ku aadan horumarka dhanka amniga halkaas ka jeediyey isagoo sheegay in shirkii London ee bishii May, dhammaan howlihii lagu heshiiyey ay Dawladda Federaalka sameysey welina wado qorshaha hubinta ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qiimeyn lagu soo sameynayey bishii hore welina socota. Wasaarada Gaashaandhiga ayaa khubaro iyo Wasiir ku xigeenka u dirtay gobollada dalka oo lagu soo tiro koobayey ciidamada XDS laguna dhiirigelinayey howlgalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah. Ra'iisul Wasaaraha ayaa u sheegay beesha caalamka in Soomaaliya ay diyaar u tahay soo celinta amniga iyo kala danbeynta, ugana mahadceliyey beesha caalamka doorkooda ku aadan xasilinta dalka.
RW Khayre ayaa ka codsaday beesha caalamka inay fursadan hadda jirta ee shacabka uu diyaarka u yahay in lala dagaalo kooxaha argagaxisada ah looga baahanyahay inay waxii kaalmo ah si deg-deg ah ula soo gaaraan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM si loo dar-dargeliyo howlgalada lagu jihaadayo argagaxisada. RW Khayre ayaa u mahadceliyey wadmada ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay kaalin mug leh uga qaataan dagaalada lagula jiro kooxaha argagaxisada ah. RW Khayre ayaa sheegay booqashadii Madaxweynaha ee wadamada deriska ay ay madaxda dalalkaas isku raaceen in la dardargeliyo howlgalada military eek a dhanka ah kooxaha argagaxisada ah.
RW Khayre ayaa ugu danbeyntii sheegay in Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah ay isla meel dhigeen hirgelinta Istraatejiyada Amniga Qaranka oo shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya la isla meel dhigay dhammaan qorsheyaasha amniga dalka kuna heshiiyey in si adag looga wada qeyqaato howlgalka dalka looga sifeynayo kooxaha argagaxisada ah.Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 

In ka badan 80 xubnood oo Al-shabaab laga dilay

0
0

Militeriga Maraykanka ayaa sabtida maanta shaaciyey in xubno ka tirsan mintidiinta Al-shabaab ay ku dileen duqeyn cusub oo diyaaradahooda drone-ka ay ka fuliyeen Soomaaliya.
Bayaan uu soo saaray Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta habeenkii jimcaha lagu qaaday degaan ka tirsan Shabeellaha Hoose oo qiyaastii 32km Waqooyi kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Mudisho. Hawlgalkaan ayaa lala kaashaday dowladda Soomaaliya,sida bayaanka lagu xusay.
Duqeynta jimcihii xalay,ayaa ahayd tii 23 aad ee militariga Maraykanku ka fuliyey Soomaaliya tan iyo bilowgii sannadkaan,waxaana duqeymahaasi lagu beegsaday Al-shabaab iyo Daacish,iyadoo maamulka madaxweyne Trump uu sannadkaan ballaarriyey hawlgallada ka dhanka ah mintidiinta xagjirka ah ee Soomaaliya.
Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan(Yariisow) ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ugu yaraan 81 xubnood oo ka tirsan al-shabaab lagu dilay hawlgal ciidanka Soomaaliya ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
"waxaa labo weerar oo gaar ah laga fuliyay degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada, waxaana loo adeegsaday miinooyin la geliyay xarumahaas, kadibna la qarxiyay, waxaana ka dhashay khasaare xoog leh,sida ay noo sheegeen Hay'addaha Ammaanka waxaa halkaas lagu dilay 81 maleeshiyo",ayuu yiri Yariisow.PUNTLAND POST
The post In ka badan 80 xubnood oo Al-shabaab laga dilay appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka

0
0

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka waxaan ku soo qaadanaynaa qoddobo ay ka mid yihiin doorashooyinka Somaliland, waxaana soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live