Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Mareykanka oo shaaciyay tirada ay Alshabaab uga...

0
0

Muqdisho (- Online)-Afhayeen u hadashay Taliska Mareykanka oo lagu magacaabo Samantha Reho, ayaa sheegtay inay dileen ku dhawaad 100 maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab.
Samantha Reho, ayaa sheegtay in maleeshiyaadkaas lagu dilay weeraro is xigxigay oo todobaadkan ka dhacay Somalia, kuwaa oo ay fulinayeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.
Afhayeen Samantha Reho, waxa ay tilmaantay in weeraradaas ay kala dhaceen sabtidii iyo Jimicihii lasoo dhaafay, waxa ayna sheegtay in laga gaaray dantii laga lahaa.
Waxaa ay sheegtay in howlgalladii ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeelaha dhexe Al-Shabaab lagu gaarsiiyay Khasaare ballaaran, isla markaana la beegsaday goobo ay ku shirsanaayeen, sida ay sheegtay Samantha Reho.
Nuqul kamid ah haddalka Mr Samantha Reho ayaa ahaa "Waxaan ku dilnay howlgaladii dhacay ku dhawaad boqol maleeshiyo oo Shabaab ka tirsan"
"Waxaan qireynaa in duqeymaha dhacay uu jab xoogan kasoo gaaray al-Shabaab maadaama aan la beegsanay xarumo waaweyn iyo goobo qarsoodi ah oo uu uga socday shir"
Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Somalia Cabdriaxmaan Yariisow ayaa maalinimadii shalay sheegtay in howlgal ay fuliyeen ciidamada dowlada lagu dilay xubno ka tirsan al-Shabaab.
Sidoo kale, waxa uu sheegay ina lagu burburiya xero ay al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Yariisow ayaa ayaa sheegay in weerar qorshaysan oo hay'adaha amniga ay ka fuliyeen Degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada lagu dilay 81 maleeshiyo.
Dhinaca kale, Afhayeenka Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa beeniyay hadalka Wasiirka warfaafinta Somalia.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 


Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacadda Shabelle

Trump iyo KIm Jon Un oo qarka u saaran in ay fooda...

0
0

Mareykanka(SONNA) Xukuumadda Pyongyang ayaa waxa ay soo saartay jawaabtii ugu horraysay ee ay ka bixisay booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku marayo qaaradda Aasiya,gaar ahaan wadamada xulufada la ah Mareykanka.
War qoraala h oo ka soo baxay Madaxtooyada Waqooyiga Kuuriya waxaa gaashaanka loogu daruuray waxa ay ugu yeertay booqashada loogu durbaan tumayo dagaalka, taas oo aanan ka hor istaagi doonin Waqooyiga dhismaha barnaamijkeeda Nukliyeerka ee Dalka Kuyaala Assia ee Waqooyiga Kuuriya.
Madaxweynaha Wadanka Mareykan ayaa Dhanka kale bartiisa Twitter-ka ku qoray in uu la yaaban yahay sababta hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu u aflagaadeeyay kaddib markii uu yiri waa nin da' ah, hasayeeshee uusan weligii cay ugu jawaabayn oo uusan oranayn waa "nin gaaban oo buuran".
Bayaankeedii rasmiga ahaa ee ugu horreeyay ee ay dowladda Kuuriyada Waqooyi ka bixiso booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku marayo qaaradda Aasiya, ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Waqooyiga waxa ay ku sheegtay in ay booqashadan muujinayso inuu ku raadinayo dagaal dhanka nukliyeer ah.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay Bayaankan in hadallada aan ka fiirsiga laheyn ee uu ku dhawaaqayo ninka da'da ah ay dalkaasi ku sii dhiirigelinayaan inuu sii wado dhismaha barnaamijkiisa nukliyeerka.
Donald Jey Trump oo ku sugan waddanka Vietnam ayaa bartiisa Twitter-ka ugu soo jawaabay hadalka Kuuriyada Waqooyi isagoo su'aal galiyay sababta uu u aflageedaynayo Kim Jong-un oo uu ugu yeerayo inuu yahay nin da' ah, isagoo sheegay in uusan weligii ninkaasi ugu yeeri doonin inuu yahay nin gaaban oo buuran.
storvideo: 

Diyaarado Dagaal oo Xalay duqeeyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose

0
0

Afgooye ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay Saqdii dhexe diyaarado dagaal oo aan heybtooda la garaneyn ay duqeyn ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolkaasi.
Duqeyntan ayaa ka dhacday tuulada Daanyeerey oo qiyaas ahaan 8 KM u jirta Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Lama khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, mana jirto weli cid sheegtay masuuliyadda duqeyntaasi.
Balse duqeyntan ayaa imaaneysaa xilli shalay diyraadaha dagaalka Mareykanka ay duqeyn ka geysteen deegaanka Basra ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay maalin ka hor la wareegeen Al Shabaab.
The post Diyaarado Dagaal oo Xalay duqeeyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose appeared first on Shabelle.

Madaxweyne Siilaanyo oo Ethiopia Booqday

0
0

Dhinaca doorashadana, taliyayaasha ciidanka Amniga Somaliland ayaa sheegay inan wax walaac ah ka jirin dhinaca amniga, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan saddexda musharrax kan ku guulaysta tartanka madaxtinnimada.

Dheeman weyn oo laga helay Sierra Leone

0
0

Macdan qodayaal reer Sierra Leone ah ayaa waxay heleen dheeman cabbirkiisu yahay 476 carat, kaas oo ah kii 29 aad ee ugu weynaa ee dunida laga helo Dheemankan hadda la helay waxa laga soo saaray degmada Kono ee dalka Sierra Leone. Shirkadda heshayna waxay ku guulaysatay qandaraas ay dawladdu ugu ogolaatay in ay u iibgeyso dheemankaa suuqyada caalamka.

Rag hubeysan oo Askari ka tirsanaa ciidamada...

0
0

Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa barqanimadii maanta Askari ka tirsanaa ciidamada Maamulka Puntland waxa ay ku dileen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Dilkan ayaa ka dhacay Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu soo warramayaa in dilka kadib Raggii ka dambeeyay ay goobta isaga baxsadeen .
Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Yaasiin Maxamuud "Tumey" oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyay dilkaasi.
Waxaana uu tilmaamay in ciidamada ammaanku ay baraaitaano ka wadaan qeybo ka mid ah Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Muddooyinkii ayaa waxaa Gaalkacyo ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, iyadoona Laamaha Ammaanku ay markasto sheegaan in ay ka hor tagayaan dhibaatooyinka amni ee ka dhaca Magaaladaasi.
storvideo: 

Madaxweyne Siilaanyo oo Ethiopia Booqday

0
0

Toddobaadkan ayaa wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu magaalada Addis Ababa kulan la yeeshay Ra'iisal-Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxaana xukuumadda Somaliland sheegtay in waxyaabihii laga wada hadlay ay ka mid ahayd u fududeynta xadka labada dhinac ee dadka codbixiyayaasha ah, maadaama maalinta berri ah ah guud ahaan Somaliland looga dareerayo codaynta doorashada madaxtooyada. Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo shir-jaraa'id maanta ku qabtay Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay socdaalkii Ethiopia.
Dhinaca doorashadana, taliyayaasha ciidanka Amniga Somaliland ayaa sheegay inan wax walaac ah ka jirin dhinaca amniga, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan saddexda musharrax kan ku guulaysta tartanka madaxtinnimada.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:13:29
0:00:00 /0:13:29
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Dheeman weyn oo laga helay Sierra Leone

0
0

Macdan qodayaal reer Sierra Leone ah ayaa waxay heleen dheeman cabbirkiisu yahay 476 carat, kaas oo ah kii 29 aad ee ugu weynaa ee dunida laga helo Dheemankan hadda la helay waxa laga soo saaray degmada Kono ee dalka Sierra Leone. Shirkadda heshayna waxay ku guulaysatay qandaraas ay dawladdu ugu ogolaatay in ay u iibgeyso dheemankaa suuqyada caalamka.
Bishii maarso ee la soo dhaafay ayaa baadari Emmanuel Momoh waxa uu isna isla degmaas ka helay dheeman lagu qiyaasay inuu ahaa dhagaxii ugu waynaa ee Sierra Leone laga helo muddo nus qari ah gudaheed.
Waxaanu weriyaha BBC-da Umaru Fofana u sheegay in uu Ilaahay ballan ugu qaaday inuu lacagta laga siisto dheemankaa ku daryeeli doono bulshada halkaa ku nool. Baadarigaa Momoh dhagaxaa dheemanka ah ee uu helay waxa bishii hore loo iib geeyey magaalada New York.
Sierra Leone ayaa rajaynaysa in dheemankan ay haatan iibinaysaa noqdo mid ka duwan kii waayadii dagaalku socday loo bixiyey "dheemanka dhiigga leh" ee dakhliga ka soo baxa lagu geli jiray dagaalkii sokeeye ee dalkaa ka socday kow iyo tobanka sanadood.
Tobanaan kun oo qof oo reer Sierra Leon ah ayey jabhadihii dagaalka ku jiray ku qasbi jireen in ay ugu shaqeeyaan sida adoomaha oo kale oo ay dheemanka u qodaan, qofkii diidana waxay ka goyn jireen lugaha iyo gacmaha, xataa dhegaha iyo xubnaha taranka ayey ka goyn jireen.
Dheemankii ugu weynaa ee laga helo dalkan ayaa waxa berigaa loo bixyey "xidigtii Sierra Leone" waxaana laga soo saaray uun isla degmada Kono sannadkii 1972-kii.
Laakiin guud ahaan marka la eego taariikhda dheemanka kii ugu weynaa ee dunida laga helaa wuxu noqday kii loo bixiyey Cullinan Diamond oo laga helay Koonfur Afrika sannadkii 1905-tii waxaana loo kala jajabiyey gobol gobol yar oo lagu dhejiyey taajka boqorada Ingiriiska ee Elizabeth.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Codkaaga Ku Caymi Dalkaaga-2- Mustashar Axmed Xasan...

0
0

Codkaaga Ku Caymi Dalkaaga-2-
Mustashar Axmed Xasan Carwo
Waxaan maqaalkii hore ku soo qaaday qaar ka mid ah sifooyinka murashaxiinta Kulmiye kaga mudan yihiin murashaxiinta kale, maantana gadaal ayaan qaar kale ku sheegi doonaa. Laakiin aan toos ula hadlo bulshoweynta danyarta u badan ee dalkeena. Wallow horumar lexaad leh xukuumadda kulmiye dalka gaadhsiisay, haddana saboolnimada iyo shaqo la'aanta looma helin xal munaasib ah.
Ictiraaf la'aantu waxay toos u taabanaysaa horumarkeena, aniga oo ka qatan inaynu helno kaalmooyin iyo amaaho caalami ah oo horumarineed, haddana waxa ku jira barnaamajka talaabooyin cuddoon oo arrintan wax lagaga qaban doono. Dib u eegidda nidaamla cashuuraha si loo helo nidaam ku dhisan awoodda muwaadinka, lana hormariyo cashuurta tooska ah, halka manta cashuurteena badiya tahay tan kastamka ee dadban. Waxa iyana la xoojin doonaa isticmaalka shilina iyo talaabooyin wax ku ool ah oo lagula dagaalami doono sicir bararka.
Waxa barbar socon doonta barnaamaj dhismaha danta guud oo iska wax u qabso ah, kuwaas oo abuur doona kolkay hirgalaan shaqooyin jooto ah.
Xukuumadda Kulmiye waxay heshiisyo maalgashi la gashay DPW iyo xukuumadda Imaaradka, hirgelinta mashaariicda heshiiska ku qoran ee 2 da bilyan ee doolar ah, waa qaar shaqo abuur lexaad leh laga heli doono. Waana guulaha KUlmiye. Taas waxa lid ku ah xisbiga Wadani oo si badheedh ah u sheegay inuu laali doono heshiisyadaas.
Waana mid ay ku kala duwan yihiin labada xisbi. Mid waxuu rabaa in mashruuca weyn ee caalimeynta dekedda iyo abuurista suuqa xorta ah ee Cigaal saadaaliyey inay Berberi mustaqbalka noqon doonto Singaporta Africa oo Kulmiye ah, Wadanina waxuu rabaa in dib loo noqdo, oo dhulka loo qordeeyey horumarka Berbera eek or u qaaday ididiiladii Soomaliland guud ahaan, gaar ahaan reer Saaxil ay noqdaan meel gorayo ka haaday.
Ku dooro Kulmiye mustaqbal wacan oo horumar iyo hiigsi sare leh.
Horaa loo soconayaa ee dibu socod diid, codkaagana ku caymi dalkaaga.
Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha iyo Maalgashigasamotalis@gmail.comhttps://www.facebook.com/aharwo/?ref=bookmarks
storvideo: 

Taliyihii Caruurta toogan jiray oo Hadda Calaacalaya

0
0

12th November 2017 admin Category :
Daawo madaxdii maleeshiyaadkii SNM, oo sidii dhaqanka u ahayd been u sheegaya Bulashadooda, iyaga oo leh ciidamadeenii waxay joogaan duleedka magaalada Qaw oo ah halka ay sheegaan inuu xadkoodu yahay,
Sawirkani waa Cunug yar oo taliye Taani maleshiyaadkiisu ku tiigteen Kalshaale degmada Cayn
[embedded content]
storvideo: 

Wefti Ka Socda Dawladda Puntland oo Gaarey Degmada...

0
0

Wefti ay hormuud u yihiin Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Xaaji Nuur iyo Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa saaka 12 Nov 2017 kormer shaqo ku tegey duleedka magaalada Hadaaftimo, halkaasi oo ay kusugan yihiin ciidanka daraawiishta gobolka Sanaag.
Waftigani ballaadhan ee ka socdey dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku marayey gobolka Sanaag ee dawladda Puntland, ayaa la kulmay Saraakiisha ciidamada daraawiishta Puntland ee aagga Sanaag, waxayna kulan gaara la qaateen taliyaha ciidamada Daraawiishta gobolka Sanaag Gashaanle Sare Cabdullaahi Cumar Cashuur.
Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa waxaa uu sheegay in maalinta beri ah dhammaan la joojiyo dhaqdhaaqyada gaadiidka iyo shacabkaba xaaladda amniga gobolka awgeed, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay illaashadaan nabad gelyadooda iyo xasiloonidooda, isla markaana ay ka feejignaadaan wax kasta oo marin habaabinaya qadiyaddooda wadaninimo iyo tan taariikhdooda soo jireenka ahba.
Agaasime Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa xusay inaan wax sanaaduuq doorasho u eg oo ka yimaada dhinaca Soomaliland lasoo gelin karin Magaalooyinka Yube, Carmale, Damala-xagare, Shimbiraale oo dhamaantood ka tirsan degmada Ceerigaabo, isla mar ahaantaana waxa shacabka ku dhaqanka magaalooyinkaasi la farayaa inay ku ekaadaan guryohooda maalinta berito oo ay taarikhdu tahay 13 Nov 2017 xaalado Amni awgood, waxaana uu xaqiijiyey Agaasimuhu in cidanka masoo-jeesta yaasha ah ee dawladda Puntland diyaar u yihiin illaalinta xasiloonida iyo nabadgelyada xuduuddaha dawladda Puntland.
Dhinaca kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Xaaji Nuur iyo Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa kulan gaara la qaatay nabadoonada iyo waxgaradka degmada Hadaaftimo, kulankaas oo u jeedkiisu ahaa ka arrin-sashada nabad gelyada iyo xasiloonida degaanada hoos yimaada degmada Hadaaftimo iyo dhammaan gobolkaba.

Share this:
storvideo: 

Daawo: Taliyaha Ciidanka Booliska oo Fariin Nabad...

0
0

Daawo: Taliyaha Ciidanka Booliska oo Fariin Nabad Gelyo u Diray xiliga Lagu Guda jiro Doorashada Waxa ay Muwaadiniintu yeelayaan
[embedded content]
storvideo: 

Kulmiyow ku nacay mar haddii Wasiirkii waxbarashada...

0
0

Kulmiyow ku nacay mar haddii Wasiirkii waxbarashada Somaliland uu macallimiintii iyo ardaydiisii uu wasiirka u ahaa sidan ula hadlayo ( Halkan ka daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Nov 12th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Kulmiyow ku nacay mar hadii uu wasiirkii Waxbarashada ee dawladda Kulmiye uu dadkiisii si aan gabbasho lahayn ugu kala qaybinayo qabyaalad.
Wasiirka Waxbarasho ee dal waa ka lagu daydo, waa ka hoggaamiya midnimada ummadda amma haykalka lagu soo hirto ee manhajka ummadda hoggaamiya. Marxaladaha doorashada amma marka buuq iyo xaalad xumi dalka soo wajahdana samata bixiya. Dhinaca kale waa hoggaanka aqoonta iyo mufakiriinta dalka. Laakiin maanta Wasiir Abdillaahi oo loo hanweynaa way ka fiishtay.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 20 times.
storvideo: 

Boliiska Soomaaliya oo soo bandhigay Dawooyin qaab...

0
0

Halka lagu soo bandhigayey Daawooyinkan sida Daraagis ah loo isticmaalay oo ay cabashooyin Boliiska ugu soo gudbiyeen Haween si qaldan loo siiyey waxa joogay wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Boliiska Soomaaliya, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka.
Saraakiisha gacanta ku heysta baaritaannada Dawooyinka qaabka Daraagiska ah loo isticmaalay ee ka tirsan qeybta Dambi baarista ee CID-da ayaa masuuliyiinta sharraxaad ka siiyey baaritaannada horu-dhaca ah ee ay ilaa hadda sameeyeen iyo halka uu marayo baaritaannada xiga.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuullo Sheekh Axmed Gabelle, ayaa u mahadcelisay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee falalka lagu dhibaateynayo Haweenka Soomaaliyeed ka hortagaya.
Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay waxa sharciyada iyo xeerarka dalka ay ka qabaan falalka noocaan ah ee la xiriira in Dawooyinka loo Isticmaalo Hab Daraagis ah oo dhibaato u geysanaya Bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka Caddaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa muujiyey sida ay muhiim u tahay in laga taxadaro in dalka la soo geliyo Dawooyinka Daraagiska loo isticmaali karo oo Khatar badan u keenaya dadweynaha.
Ugu dambeyn wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa adkeeyey in hey'adaha amniga ay si adag uga hortagi doonaan falalkan, waxa uuna u mahadceliyey ciidammada Boliiska Soomaaliyeed.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Martida: Caasha Cabdulle Siyaad

0
0

[unable to retrieve full-text content]Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Caasha Cabdulle Siyaad oo ah Guddoomiyaha Ururka Hogaanka Waxqabadka Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho
storvideo: 

Wasiir Juxa oo raja beel ka muujiyay Hanaanka...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Somalia Cabdi Faarax Juxa ayaa tilmaamay in degaanadda qaar aysan suurto gal aheyn in laga sameeyo Gole Deegaanka Xaalad Amni awgeed balse Deganada kale sida ugu dhaqsiyah badan looga hirgalin doono.
Waxa uu Juxa caqabad adag ku sheegay in deegaanada qaar ay ka dhaqan galiyaan Golaha, iyadoo la wada ogyahay inay ku dhex nool yihiin kuwo quuta dhiiga oo uu ula jeedo cadowga al-Shabaab ee u taagan dhibaateynta kuwa ka shaqeeya maamul wanaaga.
Wasiir Juxa waxaa uu sheegay in maamul Goboleedyada looga baahan yahay inay qeyb ka qaataan in lameel mariyo Sharciga Gobolaha Deegaanka si dhaqso loo helo Gole Deegaan.
Wuxuu sheegay in qorshaha socda uu yahay dhismaha golaha deegaanka, meelaha qaar suuragal ay ka noqotay in la dhiso, halka meelaha qaarna weli caqabad dhanka ammaanka ay ka taagan tahay.
Waxa uu sheegay in Golaha Deegaanka ay sameysteen kaliya dhamaan Degmooyimka Somalia Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool oo kaliya waxaana ay ka kooban yihiin 27 Qof.
Sidoo kale, waxa uu qiray in maleeshiyada al-Shabaab ay caqabad muuqda ku tahay horumaro kala duwan oo dalka laga hirgelin lahaa, iyadoo Magaalooyinka qaar ee Koonfurta Somaliya ay go'doomiyeen Shabaab.
Dhinaca kale, Juxa ayaa sheegay in intooda badaan meel wanaagsan u marayo dhisitaanka Golaha Deegaanka iyo dhameystirka Sharciga Golaha Deegaanka balse ay muhiim tahay in leysla ogaado caqabadaha jira.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Warbixin: Il-dhaqaale oo ay Al-Shabaab ka hesho $10...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Dubai (- Online) - Warbixin ay soo saartay kooxda kormeerka cunqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee UN Monitoring Group ayaa lagu sheegay in dhoofka dhuxusha ee sharci-darrada ah ee Soomaaliya uu weli ka socdo koonfurta Soomaaliya.
Warbixinta oo sheegtay in dhuxusha badankeed laga dhoofiyo magaalada Kismaayo, ay kooxda Al-Shabaab canshuur badan ka qaadato, ayada oo jidgooyo dhigatay inta u dhaxeysa Buur Gaabo iyo Kismaayo.
Warbixinta waxa ay sheegtay in tani ay tahay il dhaqaale oo kooxda Al-Shabaab ay sanadkii ka hesho 10 milyan oo dollar.
Warbixinta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay tahay halka ugu badan ee dhuxushan la geeyo, ayna xarun u tahay shabakado dambiileyaal ah oo ku xadgudba cunaqabateynta dhoofka dhuxusha Soomaaliya saaran.
Marka laga reebo dalka Kuwait, ayay sheegtay warbixinta, in fulinta joojinta dhoofka dhuxusha ay tahay mid aad u liidata, gaar ahaan maamulka Jubbaland, Amisom iyo dowladda Imaaraadka Carabta, oo ah tan ugu badan ee dhuxusha soo dhoofsata.
Shaac ka qaadista warbixintan ayaa si yaab leh u tilmaameysa in Imaaraadka si dadban u maal-gelinayaan kooxda Al-Shabaab, maadaama 10-ka milyan ee sanadkii dhuxusha ay ka hesho badankeed ay ka imaneyso Imaaraadka.
Warbixinta QM ayaa sheegtay in u hoggaansanaan la'aanta xayiraadda dhoofka dhuxusha Soomaaliya ay caqabad ku tahay dadaallada dowladda Soomaaliya ay kula dagaalameyso xagjiriinta Soomaaliya.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Sawirro: Wasiirada Jubbaland oo war kasoo saaray...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa manta shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirada Jubbaland.
Kulankaan waxaa lagaga hadlay dar dar galinta hawlgalada amaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ugu horayn Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa golaha u sharaxay Safarkii dhawaan uu ku tagay Magaalada Muqdisho iyo heshiiskii madaxda Soomaalidu ay ku gaareen in meel looga soo wada jeesto dagaalka Al-Shabaab.
Madaxweynahu wuxuu sheegay in cadawga kaliyah ee Nolosha u diidan umada ay lama dhaafan tahay in lala diriro oo la iska dulqaado.
Waxaa uu sheegay in uu socdo abaabul xoog leh oo lagu bilaabayo hawlgal kama danbays ah oo dalka oo dhan laga samayn doono si Argagixisada loo wiiqo.
Dhinaca kale Wasiirka Amniga Mudane Cabdirashiid Janan oo waayadan hawlo shaqo ugu maqnaa gobolka Gedo ayaa faah faahiyay sida ay tahay xaalada gobolka gaar ahaan diyaar garoowga la xiriira hawlgalada dhawaan bilaabanaya.
Wasiirku wuxuu hoosta ka xariiqay in shacabka ay diyaar u yihiin in ay qaybtooda ka qaatan nabadaynta wadanka isla markana ay ka go'antahay sidii nabad waarta lagu heli lahaa.
Golahu wuxuu amaanay Shacabka deegaanka ee garab taagan Ciidamada isla markana diyaarka u ah in ay naftooda u huraan xoraynta dalkooda.
Taliyayaasha Ciidamada ayuu golahu ku booriyay in ay laban laaban adkaynta nabadgalyada Magaalooyinka mudada hawlgaladu ay socdaan.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Somaliland : Xayiraadda Baraha Bulshada WQ: Heersare

0
0

Somaliland: Xayiraadda Baraha Bulshada
WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)
Go'aankii ay guddida doorashooyinka Somaliland shirkadaha isgaadhsiinta kaga dalbadeen inay xayiraan barashada bulshada, waxa uu u muuqdaa go'aan salka ku haya laba daran mid dooro: In la helo nabad iyo degenaansho inta lagu hawlan yahay doorashada iyo natiijadeeda, lagana badbaado wararka been-abuurka ah ee bulshada kicinaya. In la lumiyey xorriyaddii hadalka ee bulshada iyo fikir wadaagistii ba, maadaama oo baraha bulshadu hadda noqdeen meelaha laga la socdo afkaarta bulshadsa.
Waxana tallaaban xayiraadda diidmo kala hor yimi u dhaqdhaqaaqayaasha iyo u doodayaasha xuquuqul insaanka ee Somaliland, oo iyagu cuskanaya qodobka danbe ee ah inay bulshadu xor u ahaato fikir cabbirista, isla markaana la jebiyey dastuurka Somaliland ee muwaadiniinta u damaanad qaadaya inay fikirkooda si xor ah u cabbiraan.
Guuleed Dafac oo ah guddoomiyaha xarunta xuquuqul insaanka HRC ee xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa, ayaa xarun ahaan waxay gafanta ku dhufteen go'aanka guddida doorashooyinka, waxana uu yidhi: "In baraha bulshada la xidhaa, waa cay iyo af-lagaaddo loo gaysanayo shacabka. Waxa ay ka dhigan tahay: garaadkooda ayaa hooseeya, oo la aamini kari maayo. Waa tallaabo keeni doonta, in dawladaha soo socdaa markay doonaan dadka ka xidhaan. Waa tacaddi iyo dhaqan keligii-talisnimo. Mana aha shaqada Guddida Doorashada inay arimahaas gasho. Waxaan ka codsanayaa Gudida hawlo badan baa u yaale, inay ka noqdaan amarkaas oo aanay cagaha la gelin wax sumcadooda, ta Somaliland iyo ta doorashada ba waxyeeli doona."
Mar kale Guuleed waxa uu sheegayaa inay dacwad u gudbiyeen maxkamadda sare ee Somaliland: "Waxa aanu Maxkamadda sare u gudbinay dacwad aanu kaga cabanayno go'aanka gudida doorashadu ku xayirayo baraha bulshada. Go'aankaas oo aanu u aragno inuu yahay mid ka dhan ah dastuurka iyo shuruucda dalka u taal."
Sida guud baraha bulshadu sannadihii u danbeeyey waxay noqdeen barkulanno lagu kulmo oo xogo kala duwan lagu wadaago. Waxa ay noqdeen sidii ardaaga goob la isku xog waraysto. Dadka qaar habeenkii marka ay seexanayaan moobilka legga ayey gashadaan si ay xogta ugu danbaysa u la socdaan. Kuwo kale salaaddii marka ay toosaan wax kale iyaga oo aan qaban indhaha ayey ku kala furaan. Kuwo kale waxay soo bandhigaan dhaliilaha u muuqda ee ka dhasha hannaanka hogaaminta dalka iyo sida loo saxayo. Qaar kale oo badani waxa ay dadka kula wadaagaan waxa u qabsoomay, guusha ay gaadheen iyo talooyin kala geddisan. Mar kale, dadka qaar waxay ba baraha bulshada u adeegsadaan niyaamyo gacansi. Kuwo kale eheladooda meelaha fog jooga ayay si joogto ah ugu la socdaan, oo waxay kaga raysteen telfoonkii lacagta badani kaga baxaysay.
Lama soo koobi karo saamaynta togan ee baraha bulshadu ku leeyihiin qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa se wanaagyadaa barbar socda dhincyo taban oo saamayntooda leh. Waxa ugu daran abuurista iyo faafinta wararka been abuurka ah ee loo yaqaanno "Fake news" oo hadda caalamku si weyn uga qaylinayo oo uu Maraykanu ugu danbeeyey. Waxana jira siyaabo loo xaqiijiyo wararka been abuurka ee baraha bulshada lagu baahiyo, waxaana qodobada guud la cuskado ka mid ah: In la xaqiijiyo isha warka, in si xeel dheer loo akhriyo ciwaanka iyo xogtaba, in loo fiiro yeesho qoraha, in la hubiyo xogaha la cuskayo ee la xiganayo, in la eego taariikhda la qoray, in loo dhug yeesho inuu yahay war kaftan ah iyo inuu dhab yahay, inuu yahay war aan dheelitiranayn ama aan dhexdhexaad ahayn, iyo ugu danbayn in wax la waydiiyo qof khabiir ku ah xaqiijinta xogaha iyo ilaha warka.
Bulshada Somaliland siyaabo kala duwan ayey uga falceliyeen go'aanka guddida doorashooyinka, iyagoo qaar badan oo ka mid ahi fikirkooda ku cabbireen facebook. Haddii aan soo qaato laba falcelinood, oo aan ku horreeyo qof ka soo horjeeda xayiraadda baraha bulshada isla markaana taageersan diidmada xuquuqul insaanka, waa Axmed-Khaliif Maxamed X Jaamac oo sidan yidhi: "Waan taageersanahay dacwaddaas guddoomiyahayga iyo bahda xuquuqal insaanku gudbiyeen. Somaliland ma geydo, garawshiiyana looma helaayo, in baraha bulshada loo xidho tirinta codadka. Waxa laga hadlayaa ma aha, jacayl Facebook iyo wax la mid ah, balse waa sawirka foosha xun ee Somaliland laga gudbinayo. Waa tallaabo mustaqbalka saamayn ku leh. Shuruucda dalku sidaas ma qabaan. Ta caalamkuna waa la mid. Waddan keligii teliye haysto uun baa albaabada la isu xidhaa."
Waxa fikirka sare ka soo horjeeda Cabdi Mire oo isaguna yidhi: "Wax walba waxa nagala weyn badbaada dalka. Micno yeelan mayso todoba cisho oo baraha bulshada la xidho intii propogando la faafin lahaa. Waan ku taageersanahay go'aanka ay gaadheen komishanku."
Baraha bulshada waxa ugu dhib badan Facebook oo ah meesha loogu faafinta badan yahay wararka been abuurka ah qiimaynta guud ee ii soo baxday. Sidaa darteed, aniga facebook oo aan culays badan ka tirsanayey, isla markaana aan ku tashanayey in aan hakiyo ama yareeyo isticmaalkiisa inta hawlaha doorashadu socdaan, ayaa waxa ila kulmay go'aanka guddida doorashooyinka oo runtii aan moodayey inay i ogaayeen. Waxa se aan u arkaa tallaabo lagu degdegay in guud ahaan ba la xiyiro baraha bulshada.
Cabdishakuur X. Muxumed Muuse (Heersare)Cabdiheersare01@hotmail.comhttp://heersare1.blogspot.no/
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live