Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Abaal Marinta Noble Peace Prize

$
0
0

Madaxweynaha wadanka Laberia, oo ah Haweeneeydii ugu horeeyay oo si demuqraadi ah loogu doorto madaxweeyninimo Qaaradda Africa, haweeneey u dhaqdhaqaada Xuquuqul Insaanka oo iyana u dhalatay Liberia iyo Gabar Yemeni ah ayaa Jimcihii shalay ku guuleeystay abaal marinta caalamiga ah ee loo yaqaan Nobel Peace Prize

Abaal marintan oo xambaarsan Lacag gaareeysa $1.5 million ( hal milyan iyo Bar ) ayaa loo kala qeeybiyay Madaxweynaha Liberia Ellen Johnson Sirleaf,  Haweeneyda kale ee reer Liberia ee nabadda u ololeeysa Leyma Gbowee iyo Haweeneey iyana u dhaqdhaqaaqda Demuquraadiyadda oo reer Yemen ah Tawakkul Karman

Tawakkul Karman  ayaa abaal marintan ku muteeysatay ineey tahay haweeney u istaagtay ineey ka soo horjeesato xukumadda kali taliska ah ee Yemen iyo doorka ay ku leedahay xaqiijnta xuquuqda dumarka Yemen.

Abaal marinta la gudoonsiiyay Tawakkul Karman ayeey gudigii magacaabay ku sheegeen ineey muhim u tahay nabadda dunida Carabta ee horu mareeysa. Halkaasoo ay ka jiraan dhaq dhaqaaqo xuriyad doon ah iyo kacdoono ka dhan ah xukumado wax ku amar taagleeya

Tawakkul Karman ayaa sidoo kale noqoneeysa haweeneeydii ugu horeeysay ee carbeed ee ku guuleeysata abaal marinta noocan ah.

Hadaba faahfaahin ku saabsan Tawakkul Karman oo uu Sanca inooga soo diray wariyeheena Jacfar Kuukaay halkan hoose ka dhageeyso


Baarlamanka KMG Somalia oo isku raacay in la baabi’yo wixii heshiis dhinaca badda ku saabsan oo la galay.

$
0
0

Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa laaday heshiisyadii ku saabsanaa Badda oo lala galay hey’ado caalami ah tan iyo wixii ka danbeeyay 1991 dii, waxayna ku tilmaameen dhamaan heshiisyadaas kuwa aan waxba ka soo qaad lahayn
Fadhigii maanta oo ay ka soo qeybgaleen 335 mudane waxaana shir guddoominayay ku ku xigeenka 1 aad ee Afhayeenka Cabdi weli Ibraahim Sh muudeey iyadoo dooda Baarlamaanka saameysayna ahayd arrimaha badda.
Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa si mideysan ugu soo horjeeday in la xadeeyo mar kale xuduudaha badeed iyo kuwa dhulka ee Soomaaliya ayaa waxa ay soo jeedinayeen inaan marnaba laga hadlin wax ku saabsan dhanka xadka oo horay looga diiwaangeliyay hay’adaha caalamiga ah.
 
Xildhibaan Cumar Islow ayaa aqriyay tallooyinka Xildhibaannada soo jeediyay
1.in lagu dhaqmo sharciga badda Soomaaliya ee la dajiyay sanadkii 1988 dii
2.in hay’adaha dastuuriga ah sida Madaxtooyada Baarlamanka iyo xukuumadda aysan awood u lahaan in ay wax ka bedelaan ama dib u eegis ku sameeyaan Xad badeedka Soomaaliya.
3.Waxaa la laalay ama la buburiyay dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii caalamiga ahaa ee lala galay hay’ado, dowladaha deriska ah iyo ururro caalami ah islamarkaana ku saabsanaa dhanka xadeynta badaha oo la gaaray wixii ka dambeeyay 1da bishii janaayo sanadkii 1991kii.
4. xadgudub kastaa oo loo geysto badaha Soomaaliya waxaa loo aqoonsanayaa duulaan bareer ah oo lagu soo qaaday qarannimada iyo siyaasada Soomaaliya.
5.Xukuumad walba oo loo igmado howsha dalka waxaa la farayaa in ay go’aankaan gaarsiiyaan dhamaman dowladaha deriska ah iyo hay’adaha caalamiga ah.
6.Cid walba oo ku xadgudubta waxa ay galeysaa dambi ah Khiyaanno qaran.
Markii uu Guddoonka Baarlamaanka codka u qaaday ayaa si siman Xildhibaannada ugu codeeyen go’aankan
Sidoo kale C/weli Muudey ayaa ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya in ay si degdeg ah baarlamanka u horkeento heshiisyadii ay la soo gashay hay’adaha caalmamiga ah iyo dowladaha caalamka qaarkood.
 
Isha Wararka Xaqiiqda 
HeeganTV  Muqdisho

Ciidamada Puntland oo Caawa Gaalkacyo ku Toogtay Nin Ganacsade ah

$
0
0

Gaalkacyo (RBC) Ciidamada Puntland ayaa caawa xilli ay hawlgal ka sameynayeen xaafada Israac ee waqooyiga Gaalkacyo ku toogtay mid ka mid ah ganacsatada deegaanka oo ku sugnaa agagaarka Dugsiga sare ee Cumar Samatar.
Dilka ninka ganacsadaha ah ayaa ka dambeeyey hawlgal ay ciidamadu ku doonayeen inay ku soo qabtaan nin ay ka shakiyeen oo ay ku raad joogeen kasoo sida la sheegay ku hubeysnaa bastoolad una baxsaday dhanka xaafada Israac.
Goob jooge Raxanreeb u waramay ayaa sheegay in ciidamada ay rasaas ku fureen ninkii ay ceyrsanayeen hase yeeshee waxay rasaastii haleeshay ninka ganacsadaha ah oo markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka balse markii dambe ku geeriyooday isbitaalka.
Magaca ninka ganacsadaha ee la dilay oo aan isku daynay inaan helno ayaan noo suurtagalin, laakiin waxay goob joogayaashu noo sheegeen in uu ka mid ahaa ganacsatada shidaalka ee Gaalkacyo.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay u suurtagashay inay qabtaan ninkii ay markii hore dabajoogeen oo ay ka soo qabteen xaafada Israac deedna ay xabsiga u taxaabeen iyagoo la wareegay bastooladii uu sitay.
Ma cadda waxa uu ahaa ninkan ay boolisku cerysanayeen iyo falka ay ciidamadu u doonayeen.
Saraakiisha booliska ee Gaalkacyo oo Raxanreeb caawa telefoon ku wacday ayay suuragali weysay inaan is helno si aan wax uga weydiino toogashada caawa ka dhacday xaafada Israac.
RBC Radio

Roob biyo dhig sameeyay oo garowe kada’ay.

$
0
0

Magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ay ka de’een roobab xoogani kuwaasoo ay dadku ku diirsadeen, sidoo kalena waxaa ay roobabku ka da’een meelo kale oo kamid ah deegaanada iyo Miyiga hoosyimaada caasimada dawlada Puntland xili ay deegaanadaas saacadihii ugu danbeeyey ka jireen kulayl dhanka Cimilada ah iyo xirnaan dhanka hawada ahi.
Roobab kale ayaa labadii cisho ee ugu danbeeyey ka da’ayey meelo badan oo kamid ah dhulka hoosyimaada degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ilaa deegaano kamid ah Howdka dhulkaas, sidoo kalena waxaa ay roobab xoogani labadii cisho ee lasoo dhaafay ka da’een meelo badan oo kamid ah Caduunka gobolka Mudug ee dhanka bariga ah ilaa xeebta gobolka Mudug kuwaasoo ay Roobabku wada gaareen islamarkaasna dadka iyo duunyaduba ku qabowsadeen Nimacada Alle.
Xafiiska wararka widhwidh online G/E.

Muwaadin suuriya ah oo lagu dilay wadankaasi.

$
0
0

Kooxo hubaysan oo madaxa soo duubtay ayaa magaalada Qimishli ee waqooyiga dalka Suuriya ku dilay xubin mucaarad reer  Suuriyaan ahaa oo kasoo jeeda qowmiyada Kurdiyiinta.
Mishcal Tamuu oo ahaa mcaarid Kurdish ah ayaa xubin ka ahaa xisbiga Al-Mustaqbal ee ay leeyihiin Kurdiyiinta oo laga Mamnuucay dalkaasi Suuriya, iyo weliba golihii ay dhowaan  mucaaradka Suuriya kusoo dhiseen dalka Turkiga ee loogu magacdaray golaha wadaniga ah ee Suuriya.
U dhaqdhaqaaha Kurdishka ah ee la dilay ee Mishcal Tamuu ayaa waxaa gurigiisa ugu soo galay 4 nin oo hubaysan oo masgaraati oo xabado ku ganay , waxana  kooxahaasi dhaawaceen wiil uu dhalay iyo gabadh ka tirsanayd kooxaha u dhaqdhaqaaqayaasha reer Syria oo lagu magcaabo Zaahida Rashkiilo.
Golayaasha isku xidhka kacaan-wadaaysha Suuriya ayaa sheegay in kooxaha dilay Mishcal Tamuu ay u muuqdeen kuwo , lasoo abaabulay, islamarkaana hawlgalka u fuliyey si kalsooni ku jirto.
Xafiiska wararka widhwidh online G/E.
 

Ciidamada qaranka Kmg Liibiya oo riixid ku sameeyay taageerayaasha col.Qadaafi iyo ciidamada daacada u ah qadaafi oo iska caabinaya.

$
0
0

Kadib weerarkii ugu cuslaa mudo asbuucyo ah oo ciidamada golaha qaranka ku meelgaadhka ah ee dalka Libya ku qaadaan magaalada Sirte ayaa xoogaga TNC waxaa u suuragashay in ay dib u riixaan dagaalyahamiintii taabacsan hogaamiyihii Libya ee awooda laga tuuray Col Mucamar Gaddafi.
Ciidamada golaha qaranka ku meelgaadhka ah ee Libya oo dagaalka u isticmaalaya hub aad u culus ayaa garaacay degaanada ay ku suganyihiin ciidamada daacada u ah Col Gadaafi, waxana dab qabsaday guryo badan oo ku yaaley magaalada Sirte , iyadoo magaalada ay weli ku  go’doonsanyihiin kumanaan qof oo meesha dagaalku qabsaday.
Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay  dagaalada kasoo cusboonaaday  magaalada sirte  jimcihii shalaytoiole , waxana sida dhakhaatiirta magaaladu sheegayaan  dhaawaca dadka rayidka ah uu marayaa 190 qof , iyadoo saacadba saacada ka dameysa qasaaruhu uu isasoo tarayo.
Dagaalka magaalada Sirte ayaa imanaya , iyadoo ku dhowaad laba bilood ay kasoo wareegtay markii ciidamada golaha qaranka ku meelgaadhka ah ee Libya   oo horay  u ahaa falaago dagaal kula jirtay xukunkii Mucamar Alqadaafi ay si guud u qabsadeen dalka Libya.
Ciidamada golaha qaranka ku meelgaada ee Libya ayaa magaalada sirte kasoo hujuumay  dhinaca Misrata  oo ah galbeedka iyo dhinaca Bengazi oo iyana ah dhinaca bariga , waxana ay  imika balan ku qaadayaan in dagaalka ay kusoo afjarayaan maalmo kooban.
Xafiiska wararka widhwidh online G/E.

Madaafiic caawa lagu garaacay Xaafado ka mida Huriwaa & Dagaal goos goos ah

$
0
0

Duqeymo xoogan ayaa caawa fiidkii lagu garaacay Xaafado ka tirsan degmada Huriwaa, iyadoo dagaal goos goos ah uu ka dhacayay fiidnimadii hore ee caawa goobihii maanta ay isku fidiyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda. Sida ay sheegayaan wararka nawaaxiga deegaanka Shiikh Cali Cabdulle iyo Xaafada Xaliimo Heyte ayaa rasaas ka socotay, inkastoo aanay sidaa u [...]

Cali Cabdalla Saalax oo sheegay in maalmaha soo socda uu ka dagayo madaxtinimada Yemen

$
0
0

Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa ku dhawaaqay inuu xukunka isaga dagayo maalmaha soo socda, kadib markii ay kordheen kacdoonka ballaaran ee lagala soo horjeedo Xukuumadiisa. Mr Saalax ayaa dhowr jeer oo hore sheegay inuu xukunka ka dagayo, hase ahaatee uu ku xirayay shuruudo marar badan bur buriyay xilliyadii u dambeeyay. Bishii hore oo [...]


Golaha Midnimada Beesha Karanle ee Yurub iyo Ameerika oo soo saaray war saxaafadeed

$
0
0

Beesha Karanle waxay cambaareyneysaa falkii argagaxa lahaa ee lagu gumaaday dhalinyarada ardayda aheyd kana dhacay xaruunta hargaha iyo saamaha, waxayna umadda, iyo dowladda soomaaliyeed uga tacsiyeynayaan geeridaas naxdinta iyo murugada badneyd. Beesha Karanle waxay umadda soomaaliyeed kala mid tahay dhibaatada ay kooxda Al-Shabaab ku hayaan dalka iyo diinta,waxayna umadda ugu baaqayaan iney meel uga soo [...]

Brack Ubama oo sheegay in ay wiiqday awooda al-qaacida.

$
0
0

Madaxweynaha dalkaasi Maraykanka Brack Obama ayaa hadal uu ugu talagalay sanad-guuradii 10aad ee kasoo wareegta dagaalkii maraykanku uu 10 sano  ka hor ku qaaday dalka Afghanistan ku sheegay in ururka Alqaacida uu u muuqdo mid laga adkaaday, waxana President Obama amaanay dadaalkii naf-hurnimada ahayd ee ay sameeyeen ciidamada dalka Maraykanka waaa sida uu hadalka u cabiraye.
Madaxweyne Obama ayaa xusay in marykanku uu usoo afjarayo dagaalada Afganistan iyo Ciraaq si masuuliyadi ku jirto, waxana uu tilmaamay in loo baahanyahay in dadaalkaasi la xoojiyo.
“ ka hor taban sano xiligan  oo kale  dalkeenu isagoo ka jawaabaya xad-gudubyadii 11kii September ,waxa uu uu galay dagaal ka dhana ah Alqaacida iyo kuwii hoyga siiyey ee daalibaan, markaa toban sano kadib markii  la sameeyey naf-huritaan ay ku dhinteen 1,800 (kun iyo sideed boqol) oo muwaadin oo American ah waxa muuqata in Alqaacida ay wiiqantay oo awoodeedii la yareeyey, maraykankuna waxa uu ku jiraa waqtigii uu ugu dhowaa ee lagu jebinlahaa Alqaacida iyo shabakadaheeda dagaalka” ayuu yiri madaxweyne Obama.
Sanad-guurada 10aad ee kasoo wareegtay dagaalkii lagu qaaday dalka Afghanistan ayaa kusoo aaday , iyadoo bilo ka hor la dilay hogaamiyihii ururka Alqaacida Sheikh  Usaama Benladen iyo xudbno sarsare oo ka tirsana ururka Alqaacida oo  uu ugu dameeyey hogaamiyihii Alqaacidada ee Jasiirada carbeed Sheikh Anwar Al-cawlaqi.
Xafiiska wararka widhwidh online G/E.

War Deg Deg Ah.Policka Galkacyo Oo Baris Sameeyay Gacantana ku Dhigay Shaqsiyaad Tuhumo Galeen.

$
0
0

Galkacyo(Puntlandi.com);- Ciidamada amaanka Magalada Galkacyo oo maalmihii udanbeeyay lagaliyay heegan aad u sareega magaladana ka bilaabay hawlgalo amni sugida ayaa cawa fiidkii Bartamaha magalada waxaa ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad laga shakiyay.
Ciidamada hawlgalka waday ayaa dabagal ku sameeyay shaqsi ay ka shakeyeen mudana ay ku dabajoogeen sida saraakiisha ciidanka horkacaysay ay sheegeen kaa oo markii ciidamada amar ku siiyeen in uu isku soo dhiibo isku dayay in uu iska caabiyo balse ciidamada ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigeen isaga oo aan waxyeelo gaysan.
Waxaa ay sheegeen saraakiisha amaanka in uu ku hubaysnaa bastoolad nooca ay adeegsadaan dadka waxlaaya iyadoo wararka qaarna sheegayaan in uu ka soo jeedo Gobolada koonfureed ee dalka Somaliya.
Ciidamada ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay dadkale oo qaarkood tuhuma galeen kuwa kalana sameeyay amardiido ciidan iyo wax lamida waxaana dhamaantood lagu hubsaday saldhiga dhexe ee magalada.
Hawlgalkan waxaa ka horeeyay mid lamida oo habeenkii tagay ay ciidamada ka sameeyeen magalada kuwaa ay ku soo qabteen tiro dad oo haatan baaris lagu hayo.
Puntlandi.com Xarunta Warar Deg Deg Ah.

Saracen training militia in Somalia

$
0
0

Source: The East African
By Joint Report
Sunday, December 12, 2010
 
Saracen International, a security company associated with Uganda’s Gen Caleb Akandwanaho, alias Salim Saleh, a senior advisor to President Yoweri Museveni, who is also his younger brother, has come under the international spotlight for its alleged involvement in training militia in Somalia’s semi-autonomous Puntland state.
Intelligence sources told The EastAfrican that President Museveni’s younger brother’s interest in this private military contractor has major regional security implications that could affect the efforts to restore peace in Somalia.
Last week, the Associated Press reported that a well-equipped military force was being created in northern Somalia with the help of Michael Shanklin, a former CIA officer and Pierre Prosper, an ambassador-at-large for war crimes issues under former President George W. Bush.
The training and the equipment — which is so far estimated at over $10 million — is being paid for by a mysterious “Muslim nation.”
These sources said that this deal usurps the mandate of the African Union Mission in Somalia (Amisom), which includes security training. Ironically, Uganda has the most troops in Amisom, with the rest coming from Burundi.
The source said that the African Union is concerned that Saracen’s advent could be a propaganda gift for Islamic fundamentalist groups like Al Shabaab, because they can argue that Amisom is in Somalia to make profits and do business, not to bring peace.
“If this is not nipped in the bud, it could bring the roof down on the head of the AU in Somalia because Uganda has the largest contingent there,” he said.
The revelation comes at a time when some AU officials and members are allegedly concerned about how Uganda is handling the affairs of its troops in Somalia.
The Amisom troops are paid $750 a month. Uganda docks  $200 from each soldier. Burundi, on the other hand, takes off the recommended $100.
It is understood that the AU, fearful that this could demotivate the troops, has complained to Ugandan authorities, who have agreed to deduct the standard $100 only from each soldier, and refund the rest.
Our source also said that there is “grumbling” in the AU that Uganda, because it went in with the most equipment, has already been compensated more than handsomely for use of its resources — nearly $28 million so far, compared with $170,00 for Burundi.
Bad memories
A Nairobi diplomat also told The EastAfrican that the entrance of Saracen “conjures up the ghost of [Democratic Republic of] Congo,” where Uganda initially intervened in 1998 to deal with anti-Kampala rebels, but got embroiled in the conflict there and was later accused by an international panel of plundering Congo’s resources.
These concerns, however, may be coming too late because Saracen seems to have been quick in establishing itself.
The AP reported that, “In recent weeks, Shanklin and Prosper met several Nairobi-based diplomats to discuss the contract between the Puntland and Mogadishu governments and a private security company called Saracen International.
Source: The East African
 

Madaxwayne Siilaanyo oo Gaadhay G.Sool +Sawiro

$
0
0

Madaxweynaha maamulka la magacbaxay Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefdi Wasiiro iyo Taliyaasha Ciidamada Booliska & Milateriga ee maamulkiis ayaa maanta gelinka hore booqday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyagoo joogey mudo saddex saacadood.
Wefdiga oo kasoo ambabaxay magaalada Burco oo ay shalay soo gaareen ayaa waxaa magaalada kusoo dhoweeyey dadweyne fara kutiris ah oo ku qanacsan maamulkaas oo ruxayay caleemo iyo calanka Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale booqday degaanka Gambara ee duleedka magaalada Laascaanood halkaas oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada Dowladda Puntland,waxaana uu la hadlay Ciidamada oo uu dhiirageliyey.
Kadib markii ay dib ugu soo laabteen magaalada Laascaanood ayuu Madaxweyne Siilaanyo jeediyey khudbad uu ku sheegay in maamulkiisu magaalada ay ka hirgelinayaan mashaariic horumarineed isla markaana xusey in Laascaanood ay lamid tahay magaalooyinka kale.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka reer Sool in ay ka shaqeeyaan amaanka magaalada kadib markii ay halkaas kusoo bateen falalka dilalka qorsheysan iyo qaraxyada lagula beegsanaayo horjoogeyaasha Somaliland ee gobolka Sool.
Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ayaa dib uga laabtay magaalada iyagoo dib ugu noqday magaalada Burco,waxaana si weyn maanta loo adkeeyey amaanka Laascaanood oo ka duwanayd sidii hore.waxaana magaalada wareegayay Ciidamo Milateri ah iyo gaadiid dagaal oo fara badan.
Tani waxay noqonaysa booqashadii u horeysay uu Madaxweyne Siilaanyo ku tego gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood tan iyo markii sanadkii hore uu noqday Madaxweynaha Somaliland,waxaana ay kusoo aadaysa xilli mudo afar sano ay maamulka Somaliland xoog ku haystaan magaalada oo ay kala wareegeen Ciidamada Puntland.
 
GalGalanews.com


Sawirada waxaa nasoo gaarsiiyey Xafiiska Warfaafinta Somaliland

Arsenal oo Sameyneesaa Xayeysiintii ugu Lacagta badneed England (Warbixin).

$
0
0

9 Oct 2011
Kooxda Arsenal oo Sanadkaan ku Billowday Horyaalka Ingiriiska Laba galbeyn iyo Guul darrooyin isdaba joog ah, ayaa u diyaar garowday in ay mar kale Xalliso dhibaatooyinka dhinaca Dhaqaalaha ah ee kooxda soo wajahay Sanadkii hore.
Arsenal ayaa hadda billowday Wada hadalo ay ku heleyso Xayeysiinta Fanaanadda lagu sameeyo tii ugu qaalisaneed abid Horyaalka Ingiriiska.
Arsenal iminka waxa ay heshiis kula jirtaa shirkadda Emirates oo ah Shirkad Duullimaad oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta, Waxa una soo billowday Heshiiskan 2006-dii, waxa uuna dhacaayaa 2014-ka.
Lacagaha ay Arsenal kasbatay Xilli Ciyaareedkii hore ayaa aad hoos ugu dhacay, iyadoo qiimeyntii la sameeyay bishii May ee Sanadkaan Arsenal  heshay 46.3 Milyan oo Gini, halka Man Utd oo ay Xifaaltamaan ay heshay 103.4 Milyan oo Gini, taas oo ah mid aad u kala fog.
Kooxaha Liverpool iyo Man Utd ayaa iminka heysta Rikoorka Xayeysiinta Fanaanadaha ee Horyaalka Ingiriiska.
Labada Kooxba waxa ay la galeen Shirkadaha ay hadda Xayeysiiyaan ee Standard Chartered (Liverpool) iyo AON (Man Utd) sanadkii 2009-ka Qandarasyo ay Sanadkiiba ku qaadanaayaan 20 Milyan oo Gini.
Iminka Arsenal waxa ay Wadahadalo la Billowday Shirkad aan magaceeda la sheegin, kaas oo ku kacaaya Sanadkii 25 Milyan oo Gini, waxa ayna noqoneysaa Tii ugu Qaalisaneed abid Horyaalka Ingiriiska.
Heshiiskan waxa uu 5 mar ka badan yahay heshiiska ay Arsenal hadda kula jirto Emirates oo ah 5.5 Milyan oo Gini sanadkii, maadaama uu qeyb ka yahay heshiiskan dhismihii garoonka Ashburton Grove oo loogu magac daray Emirates Stadium.
Wada hadaladaan ayaa hadii la isku afgarto waxaa Gunners-ka qasab ku noqonaaya in ay Kansasho Heshiiska ay Emirates kula jirto oo dhacaaya 2014-ka, taas oo laga doonaayo in ay magdhow bixiso.
Sidaan oo kale waxaa hore u smaeesay Chelsea oo lacag dhan 24 Milyan oo Gini ku kansashay Heshiis ay kula jirtay Shirkadda Umbro oo ka dhinnaa 5 Sano, waxa ayna Heshiis Cusub oo lacag badan leh la gashay Adidas.
Arsenal ayaa Faa’iido ka heleysa kadib Markii ay NBA-da Mareykanka kala soo Wareegtay Tom Fox sanadkii 2009-ka si uu Madax ugu noqdo Kooxda Dhaqaalaha u qaabilsan Gunners.
Macallinka Arsenal Arsene Wenger ayaa laga dhaadhiciyay bishii July ee Sanadkaan in uu Safaro Cayaareed ku Tago Bariga Fog ee Asia gaar ahaan Maleysia iyo China Cayaarihii u diyaar garowga “Xilliga ka hor”.
Safarkaan ayaa ahaa kii u horeeyay in kabadan 10 Sano oo ay Arsenal ku tagto meel ka baxsan Yurubta Galbeed.
Ujeedada Safar Cayaareedkan ayaa ahaa in la badiyo Taageerayaasha ay kooxdu ku leedahay Gobolkaas oo ah Gobol Kubadda Cagta aad looga Xiiseeyo Dhaqaale badana kasoo Xaroodo.
Arsenal ayaa u muuqata in ay dooneeso in ay ku guuleesato Tartanka dhinaca dhaqaalaha oo ay kula Jirto Kooxaha Waaweyn ee Wadanka Ingiriiska.
————————————————————————————————————
Mr: Ibrahim gedow Cawale ( biibbo ).
Tifaftiraha Somgoal.
Nairobi_Kenya
+2547-21-944591
injineerka3@hotmail.com

Arsenal oo Sameyneesaa Xayeysiintii ugu Lacagta badneed England (Warbixin).

$
0
0

9 Oct 2011
Kooxda Arsenal oo Sanadkaan ku Billowday Horyaalka Ingiriiska Laba galbeyn iyo Guul darrooyin isdaba joog ah, ayaa u diyaar garowday in ay mar kale Xalliso dhibaatooyinka dhinaca Dhaqaalaha ah ee kooxda soo wajahay Sanadkii hore.
Arsenal ayaa hadda billowday Wada hadalo ay ku heleyso Xayeysiinta Fanaanadda lagu sameeyo tii ugu qaalisaneed abid Horyaalka Ingiriiska.
Arsenal iminka waxa ay heshiis kula jirtaa shirkadda Emirates oo ah Shirkad Duullimaad oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta, Waxa una soo billowday Heshiiskan 2006-dii, waxa uuna dhacaayaa 2014-ka.
Lacagaha ay Arsenal kasbatay Xilli Ciyaareedkii hore ayaa aad hoos ugu dhacay, iyadoo qiimeyntii la sameeyay bishii May ee Sanadkaan Arsenal  heshay 46.3 Milyan oo Gini, halka Man Utd oo ay Xifaaltamaan ay heshay 103.4 Milyan oo Gini, taas oo ah mid aad u kala fog.
Kooxaha Liverpool iyo Man Utd ayaa iminka heysta Rikoorka Xayeysiinta Fanaanadaha ee Horyaalka Ingiriiska.
Labada Kooxba waxa ay la galeen Shirkadaha ay hadda Xayeysiiyaan ee Standard Chartered (Liverpool) iyo AON (Man Utd) sanadkii 2009-ka Qandarasyo ay Sanadkiiba ku qaadanaayaan 20 Milyan oo Gini.
Iminka Arsenal waxa ay Wadahadalo la Billowday Shirkad aan magaceeda la sheegin, kaas oo ku kacaaya Sanadkii 25 Milyan oo Gini, waxa ayna noqoneysaa Tii ugu Qaalisaneed abid Horyaalka Ingiriiska.
Heshiiskan waxa uu 5 mar ka badan yahay heshiiska ay Arsenal hadda kula jirto Emirates oo ah 5.5 Milyan oo Gini sanadkii, maadaama uu qeyb ka yahay heshiiskan dhismihii garoonka Ashburton Grove oo loogu magac daray Emirates Stadium.
Wada hadaladaan ayaa hadii la isku afgarto waxaa Gunners-ka qasab ku noqonaaya in ay Kansasho Heshiiska ay Emirates kula jirto oo dhacaaya 2014-ka, taas oo laga doonaayo in ay magdhow bixiso.
Sidaan oo kale waxaa hore u smaeesay Chelsea oo lacag dhan 24 Milyan oo Gini ku kansashay Heshiis ay kula jirtay Shirkadda Umbro oo ka dhinnaa 5 Sano, waxa ayna Heshiis Cusub oo lacag badan leh la gashay Adidas.
Arsenal ayaa Faa’iido ka heleysa kadib Markii ay NBA-da Mareykanka kala soo Wareegtay Tom Fox sanadkii 2009-ka si uu Madax ugu noqdo Kooxda Dhaqaalaha u qaabilsan Gunners.
Macallinka Arsenal Arsene Wenger ayaa laga dhaadhiciyay bishii July ee Sanadkaan in uu Safaro Cayaareed ku Tago Bariga Fog ee Asia gaar ahaan Maleysia iyo China Cayaarihii u diyaar garowga “Xilliga ka hor”.
Safarkaan ayaa ahaa kii u horeeyay in kabadan 10 Sano oo ay Arsenal ku tagto meel ka baxsan Yurubta Galbeed.
Ujeedada Safar Cayaareedkan ayaa ahaa in la badiyo Taageerayaasha ay kooxdu ku leedahay Gobolkaas oo ah Gobol Kubadda Cagta aad looga Xiiseeyo Dhaqaale badana kasoo Xaroodo.
Arsenal ayaa u muuqata in ay dooneeso in ay ku guuleesato Tartanka dhinaca dhaqaalaha oo ay kula Jirto Kooxaha Waaweyn ee Wadanka Ingiriiska.
————————————————————————————————————
Mr: Ibrahim gedow Cawale ( biibbo ).
Tifaftiraha Somgoal.
Nairobi_Kenya
+2547-21-944591
injineerka3@hotmail.com


Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

$
0
0

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada Maalinlaha ah ee ka baxa Idaacadda waxaana dhageystayaasha Radio Muqdisho ay dhageystaan habeen walba 09:30 fiidnimo marka laga reebo habeennimada Jimcaha.
Barnaamijka waxaa diirada lagu saaraa raad raaca ama falanqeynta dhacdooyinka maalintaas taagan kuwa ugu muhiimsan waxaana uu xambaarsan yahay macluumaad u badan Wareysiyo.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Koobaad Ee Bandhiga Wareysiyada 08-Octobar
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Labaad Ee Bandhiga Wareysiyada 08-Octobar
 

Ciidammada Dowladda Oo Howlgallo Ka Sameeyey Gedo(Dhageyso)

$
0
0

Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa qeybo ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay ka sameeyeen Howlgallo ay ku baacsanayeen Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.
Howlgalladan ayaa waxa ay Ciidammadu  si gaar ah uga sameeyeen wado isku xirta degmooyinka Beledxaawo iyo Garbahaareey ee isla gobolka Gedo halkaasi oo ay jidgooyooyin u yaaleen Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Shabaab kuwaasi oo dadka rayidka ah ku dhibaateeynayey.
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda ee ku sugan Gedo ayaa wareysi uu siiyey Radio Muqdisho isaga oo ku sugan xarunta gobolka ee Garbahaarey waxa uu ku sheegay in Ciidammadu howlgal ay qaadeen uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana la doonayey in Maleeshiyada dadka gobolka dhibaatada ku heysay wadada looga leexiyo uuna ku dhamaaday guul.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Wareysiga Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan
Xildhibaanku waxa uu sidoo kale tilmaamay in Howlgallada noocaan ah ay noqon doonaan kuwo sii socda ilaa inta guud ahaanba gobolka laga sifeynayo Maleeshiyada Kooxda Shabaab taasi oo haatan qorshaheeda uu yahay mid gebo gebo ah.
Howlgalkan ay ka sameeyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya gobolka Gedo ayaa qeyb ka noqonaya howlgallo noocaan ah oo ay Ciidammadu inta badan ka sameeyaan wadooyinka gobolka kuwaasi oo looga gol leeyahay burburinta Isbaarooyinka ay Maleeshiyada Shabaabku dhigteen wadooyinka gobolka Gedo.

Abwaan Hadraawi”Shabaab Hadlakooda Iyo Ficilkooda Isma Lahan”(Dhageyso)

$
0
0

Abwaanka Soomaaliyeed Prof Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ka mid ah Abwaaniinta ugu caansan dalkeena ayaa ka hadlay falkii foosha xumaa ee dhowaan Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab ku xasuuqeen dad Soomaaliyeed  oo Arday ubadnaa.
Abwaan Hadraawi oo Wareysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa ugu horeyn shacbiga Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dadkii halkaasi sida xaqdarada loogu laayey isagoo dhanka kalena inta dhaawaca ah Alle uga baryey in uu caafimaad siiyo.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Wareysiga Uu Radio Muqdisho La Yeeshay Abwaan Hadraawi
“Runtii dhacdadaasi aad ayaan uga xumahay waana cambaareynayaa waxaase nimanka Shabaab la yiraahdo laga doonayaa inay is waafajiyaan oraahdooda iyo ficilkooda waayo diin ayey sheeganayaan diintuna ma qabto in dad Shacab ah lalaayo oo dhiigooda la daadiyo” ayuu yiri Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.
Abwaanka ayaa waxa uu shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay in la doonayo inay ogaadaan dhibaatada mudada ay ku jireen sida ay uga bixin lahaayeen balse waqtigan ay ayaandaro tahay in dad Soomaalida ka mid ah ay ka shaqeeyaan in Umaddu dhibaato kusii jirto.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa codkiisa ku biiriyey qeybaha kala duwan ee Cambaareeyey qaraxii Afartii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku naf waayeen dad ka badan 70 ruux waxaana falkaasi foosha xun mas’uuliyadiisa sheegtay Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab.

Aaskii Faadumo Qasim Hilowle

M.Faroole oo Isbuucan u duulaya UK iyo M.Siilaanyo oo Laas-caanood Gaadhay

$
0
0

London:-Sida ay Noo xaqiijiyeen Sarkiil Sar Sare oo Aqalka Madaxtooyada PL ka Tirsan waxa dhawaan dalka Uk Gaar ahaan London u Sadcaalaya Madaxwaynaha PL Dr Faroole iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada sida la sheegay waxa safarkaasi ku wehelidoona Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir, in kastoo Wasiirka iyo Madaxwaynaha Mudo Mugdi ku kala Jiray haddana waxa Moodaa in Labadoodaba laga Casumay Shirka London.
Safarka Madaxwaynaha ayaa salka ku haya Casumaad uu ka Helay Jaaliyada PL ee UK kuwaasi oo leh Urur ay Awood badan ku leeyihiin Kooxda Aaran Jaan ee Degan Lodon.
PDF oo ah Urur  ay Hogaanka u hayaan Koox Taageerta Maamulka C/raxmaan Faroole ayaa London ka wada Qaban Qaabada soo dhawaynta Waftigaasi Madaxwayne C/raxmaan Faroole Hogaaminayo.
Ujeedka Safarka Madaxwaynaha ayaa ah inuu xog dalkii ka siiyo Jaaliyada Reer PL ee UK ku dhaqan waxana ay Dhegta u taagayaan  Masiibooyinka ka Aloosan Gudaha PL oo Tan  markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Somaliya ay ahayd Meel Nabdoon, Hase ahaatee Sanadkii 2009- Horaantiisa   ay PL ahayd Meel Amaankeedu sii Liicayo.
Safarka Madaxwaynaha PL ayaa ku soo aadaya xili Madaxwaynaha Maamulka Soomaaliya ka Goostay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu Gaadhay G.Sool oo Mudo Afar Sano ah ka Maqan Gacanta Puntland dadka Siyaasada C/raxmaan Faroole dura ayaa leh waa Nasiib daro in Faroole uu dalka ka Duulo xil Maamulka ay Xadka ku Dagaalamayaan ee Somaliland ay Safaro Aan Caadi ahayn ku Tageen Gobolo Ka Maqan PL.
Halkan ka Daawo Soo dhawaynta Siilaanyo
 
Isha Warka GalGalanews.com
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live