Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

R/wasaare Kheyre “Siddeed bilood ayaa wada...

$
0
0

Muqdisho (SONNA), Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa ka qeyb galay Caawa kulan loogu magac daray Kacdoonka Nabadda oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarro Soomaaliyeed, kaasi oo loogu baroor diiqayey dadkii ku waxyeeloobay musiibaddii ka dhacday isgooyka 14ka Oktoobar Ex Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.
Kulanka, ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galey masuuliyiin Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka tirsan, dhalinyaro iyo qaar kamid ah Ururada bulshada rayidka ah.
Qaar kamid ah kooxaha fanka, ayaa Munaasabadda ka qaaday heeso wadani ah oo u badnaa kuwa lagu baraarujinayo bulshada, gaar ahaan dhalinyaradda oo ku saabsan siddii ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen horumarka iyo nabadda dalka iyo sidoo kale iska xoreynta kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Shiikh Yuusuf Alcadaala, ayaa munsaabaddaasi ka sheegay in isbadal dhanka horumarka ah Soomaaliya ay hiigsaneyso, isagoo xusay in dhalinyararadda Soomaaliyeed ay yihiin laf dhabarka Qaranka.
Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa dhalinyaraddii soo qaban qaabisay munaasabadda Kacdoonka Nabadda uga mahad celiyey doorkooda ku aadan Isxilqaanka ay muujiyeen, waxaana dhalinyaradda uu ku boggaadiyey sida ay u muujiyeen darreenkooda ku aadan musiibadii Zoobe iyo siddii ay uga fal celiyeen, waxaana uu carabaabay in Dhalinyaradda hadda ay usoo jiisteen midnimada dalka.
R/wasaare kheyre, ayaa sheegay in Xafiiska uu joogo muddo dhan Siddeed bilood isaga iyo Madaxweynahana wali aysan is khilaafin, muranna uu soo kala dhex gelin, arrintaas ayuuna ku tilmaamay in ay tahay mid ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed, maadaama horey ay u arki jireen Madaxda ugu sarreysa ee dalka oo arrimo siyaasadeed isku haya.
Ugu dambeyntii R/wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in miisanada 2018 ee maanta Golaha wasiiradda XFS ay ansixiyeen markii ugu horreeysay lagu soo daray lacago loo qoondeeyey Tayeynta Waxbarashada, Caafimaadka iyo Afka Soomaaliya, waxaana uu xusay in 2018 Dowladda ay dhisi doonto Akadheemiyad Afka Soomaaliga ugaar ah, laguna dhisi doono lacag shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin.
storvideo: 


Wiilka reer Galdogob Fariintan yuu u dirayey?

$
0
0

14th November 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Labo Cisho ka hor, waxaan dhegaysanayey Hooyo Soomaaliyeed ee ku nool degmada Hadaaftimo ee goblka Sanaag, iyada oo leh waa argagxsanahay oo waxa nala dul keenay labaatn Tikniko ah , oo waxaan u cabsi qabnaa Caruurta iyo waayeelka aan qaxi karin sidii aan ka yeeli lahayn, marka SNM sidii dhaqanka u ahayd ay xabbadaha nagu furaan.
Inataa markaa dhegaystay, hase ahaatee aan ogahay in ciidamo badan oo Puntland ah ayna ka fogayn Hadaaftimo oo amnigoodu sugan yahay reer hadaaftimo, ayaan waxaan furay meelaha Bulahada Soomaaliyeed ku kulmaan. Waxaan ugu horaysiisyey koox kaligood xariifyada ah, oo afka Ingiriis wax ku qura oo ka soo wada jeeda beesha Daaroood.
Markiiba waxay Ishaydu ku dhacday qoraalkiisa Cabdisalaam Caato, oo ahaa afhayeenkii hore ee dawladdii Cumar Cabdirashiid, kana soo jeeda beesha Xerta, ee Goldogob qaybta ka degta. Waxaan qoraalkiisii ka mid ahaa. " Dadyahoow Soomaaliyeed waa inaynu daacd noqonaa, Walaalaheena Somaliland aad ayeey inooga horeeyaan Inaga . Waa inaynu u hambalyeeynaa guushooda , kheyrna u rajeeynaa.
Bulshada ku nool gobolada Sanaag iyo Sool marna ku ducayn maayaan in Soomaaliya labo loo lakala gooyo. Cabdisalaam caato , hadaad aaminsan tahay Daarood oo kala qaybiyo waqooyi iyo Koonfur in beesha Leelkase ee aad ka soo jeedo ay saami fiican ka heli doonaan Koonfurta Soomaliya xisaab khaldan ayaad isku dhufatay, waxaadna u geftay Qarankii shalay kaa dhigtay afhayeenka

Lets be honest nation, our brothers in #Somaliland is way ahead of us. Let us congratulate them and wish them kheir.
Incredible video of a candidate making phone calls, reminding people to vote for him tomorrow.#SomalilandVotes #Somalilandelections pic.twitter.com/ZE6LslPGMT
-- Abdisalam Aato (@AbdisalamAato) November 12, 2017

Post navigation
- Dhinac u Xaglinta VOA iyo BBC Ceel Daahir ilaa Hadaadaftimo. Hadaaftimo ilaa Baraagaha Qol -
storvideo: 

Deeq loo qeybiyey qoysas kamid ah reer guuraagii ku...

$
0
0

Urur weynaha Haweenka Puntland ee sagaalka gobol oo kaashanaya hay'adda Forum SYD,ayaa maanta magaalada Garoowe ka qaybiyey deeq ka kooban raashinka noocyadiisa kala duwan,waxaana deeqda la siiyey qoysas ku cayroobay abaartii "SIMA",kuwaasoo isaga yimid saddex xero oo ku yaalla daafaha magaalada.
Wakiilka hay'adda Forum SYD ee mashruuca taakulaynta dadkii ku cayroobay abaartii"SIMA" Maxammed Cabdi Xaashi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in hay'addiisa ka go'antahay in ay caawiyaan dadka ay baro-kicisay abaarta,balse aan dhammaan baahiyaha jira la dabooli karin,wuxuuna ugu baaqay qoysaska ku tabaaloobay abaarta in ay baahiyaha ugu daran soo gudbiyaan,si wax looga qabto."Waxaad u baahantahay haddaanad qeexi karin,tusaale ahaan,adiga oo biyo raba haddaad shiminto dalbato,shiminto ayaa laguu keenayaa,marka waxaa la rabaa inaad ka hadashaan baahida muhimka ah maadaama ay jiraan baahiyo badan oo aan la dabooli karin.Waa baahannahay haddaad aniga igu tiraahdaan,waxaan oronayaa waa baahian yihiin oo keli ah,laakin haddii aad qeexdaan waxaan idiin dalbayaa wixii aad codsateen",ayuu yiri Xaashi.
Faadumo Axmed Cabdi oo ku hadlaysay magaca dadkii deeqda loo qeybiyay ee ka soo baro-baxay degaannada miyiga ah xilligii abaarta ayaa si weyn ugu mahadcelisay guddoomiyaha Ururka Haweenka Puntland Marwo.Khadro warsame Jaamac oo wakhti badan gelisay wax u qabashada dadkii ku ceyroobay abaartii"SIMA"."Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa guddoomisada urur weynaha sagaalka gobol ee haweenka Puntland oo har iyo habeen u taagan caawinta inta dhibaataysan gaar ahaanna dadka ku waxyeelloobay abaarta ee aan aniguba ku jiro,waxaan ilaahay uga baryayaa in uu ajar iyo xasanad ka siiyo,waxaan leenahay guddoomiyaha Alle ha ku barakeeyo",ayey tiri Faadumo.
Guddoomiyaha ururka haweenka Puntland ee sagaalka gobol Marwo.Khadro Warsame Jaamac ayaa sheegtay in deeqdaan aanay meel kale ka imaan balse ay tahay dhaqaale kooban oo ay iska uruuriyeen hay'adda Forum SYD iyo urur weynaha haweenka Puntland kadib markii ay arkeen dhibaatada haysata dadkii ay baro-bixisay abaartii SIMA/Oday-ka-weyn ee dalka soo martay."Deeqdaan waa dhaqaale aan iska uruurinay iyo maskax aan isku darnay kadib markaan aragnay dhibaatada haysata reer guuraagii ay cayraysey abaarta ee wax la'aanta ku soo dhacay,waxaan ka danqanaya hooyooyinka uurka leh ee wax ay afka geliyaan waayey iyo carruurta dayac iyo rafaadka qabta ee ka soo jeeda qoysaska abaartasi xoola tirtay"ayey tiri Khadro.Sawirro.PUNTLAND POST
The post Deeq loo qeybiyey qoysas kamid ah reer guuraagii ku cayroobay abaartii SIMA. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Sawirro: Doorashada Somaliland

Suxufigu waa barbaariye dahsoon -faallo Bashiir Cali...

$
0
0

Marka aynu ka soo tagno ababinta guriga iyo hooyada iyo guud ahaan bey'adda guud ee bulshada amaba waxbarashada tooska ah ee ka timaadda fasalka iyo tarbiyeynta macallinka, waxaa isaguna intaa soo raaca barbaariyaha dahsoon oo ah suxufiga dhabta ah ee aan caajisin ilbiriqsi walibana bulshada u soo tabiya akhbaar laga ma maarmaan u ah iyo casharro isugu jira macluumaad guud iyo anshax toosin, isaga oo si toos ah iyo si dadbanba u adeegsanaya fasalladiisa faraha badan ee kala ah " Telefishinnada, Idaacadaha, Wargeysyada iyo mareegaha websaydyada internetka" oo aan filayo in ay kumayaal kor u sii dhaafayaan, waana dadaal bogaadin leh oo uu suxufiga dhabta ahi mudan yahay in lagu ammaano laguna hambalyeeyo.
Haddaba dhaliisha iyo ammaantuba ma aha mid loo wada dhan yahay, waxeyse ku yimaaddaan kartida iyo firfircoonida la is dheer yahay ee ku saleysan kaalinta wax qabad ee uu qof waliba soo bandhigo, taasoo abaal celinteeda la kala mudan yahay bulshaduna ay ka tahay marqaati cad oo aan qarsooneyn, sidaasi darteed suxufiga aan tilmaamayow ( Gari laba kama wada qoslisee) waxaad ogaataa ammaantaada ka dib, in aysan agtaada ka fogeyn oo ay dhaliishuna markeeda ku ugaarsaneyso.
Lasoco casharradaada wacyi gelinta ah ee isugu jira codka muuqaalka leh iyo qoraalladaada faraha badan in ay dhageystaan amaba akhristaan carruur iyo waayeel rag iyo dumarba leh weliba u nugul in ay qaataan waxa aad u sheegeyso, sidaa awgeed, waxaa lagaaga baahan yahay in aad ahaato mid had iyo jeer saaxiib la ah dhanka wanaagga iyo anshax toosinta una janjeera dhismo qaran.
Dhaliisha weriyayaasha qaarkood ay leeyihiin waa un afka hooyo oo ka cabanaya, maxaa yeelay beryahan waxaan arkaa qoraallo nuxurka af soomaaliga wax u dhimaya carruurtana luminaya oo u baahan in si ka fiirsi leh loo tifaftiro. Tusaale ahaan qaar baa waxey qoraan " dagaallamyaal baa xalay weeraray meel heblaayo" waa khalad soo kordhay ereyga dagaallame mid jira maaha ee waa dagaalyahan, haddii wadar laga dhigayana waa dagaalyahanno, sidoo kale waxaa jira erey kale oo isaguna maalmahan uu isticmaalkiisu badan yahay kaasoo ah ( Faaruj +Faarujin + faarujiyay) tusaale ahaan waxaa la qoraa ciidamo ayaa xalay faarujiyay xeradii ay daganaayeen) faarujis af soomaali maaha, kalmadda asalkeedii hore waxey aheyd carabi ah ( faaruq + faaruqin + faaruqiyay ) waxaana loo baahnaa haddii carabi ahaan loo adeegsanayo in la yiraahdo " ciidamo hebel ayaa faaruqiyay xeradii ay ka deganaayeen magaalada daafteeda" ... waxaase kaba sii wanaagsan in la adeegsado erey soomaali ah kaasoo noqonaya " ciidamo hebel ayaa xalay saqdii dhexe banneeyay oo ka guuray xeradii ay deganaayeen" runtii waa arrin tifaftir iyo dib u eegis u baahan.
Waxaa kale oo khaladdaadkaasi la mid ah qaabka loo adeegsado magac u yaallada sida:-Aniga ... Adiga .. Isaga .. Iyada ... Annaga .. Iyaga, dhammaan ereyadan waxey inta badan suxufiyiinta wax qorta gaar ahaan kuwa idaacadaha ka hadla ay raaciyaan xarafka ( Na' ) oo naxwa ahaan si khalad ah u raacaya, tusaale ahaan waxey leeyihiin:- wasiir hebel ayaa soo kormeeray meel heblaayo ( isagoona ) u kuur galay xaaladda jirta, dabcan na'daasi meesha saa'id ayey ku tahay naxwa ahaanna wax jira maaha, laakin sida saxda ah waxey noqoneysaa " isaga oo u kuur galay, iyada oo u kuur gashay iwm" qaab adeegsiga nuucan ah ee keenaya in magac u yaallada ( Na' ) la raaciyo waa ugub af ahaan ku wada baahay soomaaliya oo idil woqooyi iyo koofurba, waxaana loo baahan yahay in isticmaalka ereyadan dib u sixid lagu sameeyo, sidoo kale waxaa gebi ahaanba aan la daryeelin adeegsiga xarfaha laba laabma oo haddii aan sidooda loo isticmaalin keeni kara inuu ereygu isu beddelo macna ahaan iyo naxwa ahaanba.
Anigu sahkhsi ahaan, waxaa iga talo ah:- Ururrada saxaafadda ku bahoobay gaar ahaan hor joogayaasha ururradaasi iyo milkiilayaasha, TV-yada, Idaacadaha, Wargeysyada iyo websaaydyaduba in ay weriyayaasha kala qeyb qaataan tifaftirka qoraalladooda, isla markaana tababarro u fidiyaan suxufiyiinta yar yarka ah ee hadda soo hana qaadaya, taasoo aan is leeyahay guul iyo iska war qab guud bey u keeni kareysaa iyaga iyo bulshaweynta u heellan ee akhbaarta ka sugeysa.
Ugu danbeystii guubaabadeydu waxey tahay:- Suxufiga dhabta ahow, ogsoonow in aad tahay Bare laga dab qaado oo maalin walba casharro cusub laga barto, sidaasi darteed ha noqonin mid ardaydiisa ka liita ... u hiilli afkaaga hooyo kana ilaali jajabinta xanafta leh iyo turxaamaha luuqadeed ee laga yaabo in ay ilmuhu si khaldan ugu soo barbaaraan .... U hiilli dulmanaha aan hadli karin ee ku magansanayo lagana yaabo inuu adiga un garab iyo qareennimo kaa sugayo.
U hiilli caddaaladda iyo garsoorka adiga oo aan runta iyo xaqiiqadaba ka indha qabsaneynin ... Ka fogoow caadifadaha isku milan ee khatarta xanbaarsan ee ay ka mid yihiin "siyaasadda, qabyaaladda iyo diinta" iskana ilaali oo yeysan caddaaladda kaa fogeynin "af ku hiillo iyo qalin ku hiillo, af gardaran iyo qalin gardaran" afkaagu run ha sheego qalinkaaguna run ha qoro, taasaana adduun iyo aakhiraba wanaag iyo ajir kuu ah, isla markaana kala saareysa suxufiga dhabta ah iyo midka bowsiga ah ee aan weli indha dillaacsan gacmihiisuna aanay soo gaarin qoyaanka inqaasta.
Bashiir Cali Xuseen.Barbaariye@hotmail.com
storvideo: 

MACNAHA KA DAMBEYSA ISQARXINTA ALSHABAAB

Ila qosol qaraxyada Muqdisho

Daawo muuqaalka hees Baadigoob Qaali Ladan


HORDHACA TAFSIIRKA SHEEKH MOHAMED DIRIR

QURAAN KARIIM SHEEKH SUDAN U DHASHAY

Weerar ka dhacay California oo dad ay ku dhinteen

$
0
0

Weerar toogasho ah ayaa ka dhacay iskuul hoose oo ku yaalla California.

Weerar ka dhacay California oo dad ay ku dhinteen

$
0
0

Weerar toogasho ah ayaa ka dhacay iskuul hoose oo ku yaalla California.
Ugu yaraan afar qof ayaa dhimtay, sidoo kalena ninkii hubeysnaa ayaa ku dhantay weerarka.
Ma cadda in wax caruur ah ay ka mid yihiin dadka weerarka ku dhintay. Dhawr qof oo ay ku jiraan laba caruur ah ayaa ku dhaawacmay toogashada oo ka dhacay deegaanka Tehama ee waqooyiga California.
Ninkan hubeysan, oo sitay qoriga daran-dooriga u dhaca iyo laba bistoolad oo kale ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay dhowr goobood ilaa uu ka dialy laba askari oo booliska ka mid ah.
Maraykanka ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacayay toogasho wadareed.
25 qof ayaa lagu dilay kaniisad ku taalla Texas horraantii bishan, 58 ruuxna waxaa lagu dilay bishi Octoobar goob lagu caweeyo oo ku taalla Les Vegas.
storvideo: 

Taliyaha milateriga Zimbabwe oo lagu eedeeyay khiyaano qaran

$
0
0

Xisbiga haya talada waddanka Zimbabwe ee Zanu-PF ayaa waxa uu khiyaano qaran ku eedeeyay janaraalka ugu sarreeya dalka, xilli ay soo baxayso saansaanta xiisad u dhaxeysa Madaxweyne Mugabe iyo milateriga.

Taliyaha milateriga Zimbabwe oo lagu eedeeyay...

$
0
0

Xisbiga haya talada waddanka Zimbabwe ee Zanu-PF ayaa waxa uu khiyaano qaran ku eedeeyay janaraalka ugu sarreeya dalka, xilli ay soo baxayso saansaanta xiisad u dhaxeysa Madaxweyne Mugabe iyo milateriga.
Janaraal Constantino Chiwenga ayaa waxa uu shalay ka digay inuu diyaar u yahay inuu faragelin sameeyo kaddib markii Mr Mugabe uu todobaadkii tegay xilka ka qaaday ku-xigeenkiisii.
Waxaa loo malaynayaa in 93 jirkan uu isku dayayo inuu dhabaha u xaaro xaaskiisa Grace si ay xilka ula wareegto.
Waxaa soo baxayaa astaamo muujinaya in ay kala qeybsanaan u dhaxeyso Madaxweyne Mugabe iyo milateriga kaddib markii uu madaxweynuhu todobaadkii hore xilka ka qaaday ku-xigeenkiisii, Emmerson Mnangagwa.
Qaar ka mid ah garabka dhalinyarada ee xisbiga Zanu-PF ayaa taageeray fikirka ah in ugu dambeyntii ay xilka la wareegto xaaska Mr Mugabe, hasayeeshee arrintaasi ayaa waxaa si xooggan uga soo horjeestay madaxweyne ku-xigeenkii hore.
Milateriga ayaa sidoo kale si caro leh uga hadlay xilka qaadistii madaxweyne ku-xigeenka, iyadoo taliyahooda janaraal Constantino Chiwenga uu ku goodiyay inuu faragelin sameyn doono.
Taasna waxa ay horseedday diidmo xooggan oo ka timid xisbiga Zanu-PF, oo bayaan uu soo saaray waxa uu ku eedeeyay taliyaha milateriga inuu ku dhaqaaqay khiyaano qaran iyo carqaladeyn uu u gaystay ammaanka qaranka.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xisbigu uusan abid aqbalayn handadaad iyo in ay markale ku celinayaan in siyaasaddu ay ka sarreyso qoriga.
Garabka dhalinyarada ayaa sidoo kale soo jeediyay in janaraalku uusan taageero buuxdo ka haysan milateriga.
Dhowr baabuur oo ah nooca gaashaaman ayaa lagu arkay waddooyinka waa weyn ee bannaanka magaalada caasimadda ah ee Harare, gawaaridan ayaa la sheegay inay ka soo tageen xerada milateri ee Inkomo, taas oo ka mid ah saldhigyada milateri ee ugu waa weyn dalka, hasayeeshee joogitaankooda ayaa ilaa iyo haatan ah mid aan sidaas muhiim u ahayn.
storvideo: 

Somaliland oo weli baraha bulshadu ku xiriirto ay xiran yihiin

$
0
0

Somaliland waxaa maalintii labaad xayiran baraha ay bulshada ku wada xiriirto, taas oo guddiga doorashooyinku ay ku sheegeen inay kaga hortagayaan in faafinta warar been abuur ah.


Soomaali ka mid noqotay guddiga hagta waxbarashada magaalada Hopkins ee Mareykanka

$
0
0

Soomaali badan ayaa dhawaanahan waxa ay ka soo dhexmuuqdeen siyaasadda Mareykanka gaar ahaan kuraasta loo tartamo ee gobolka Minnesota, oo saddex xubnood ay ku guulaysteen.

Mareykanka oo kala hadlay Aung San Suu kyi...

$
0
0

Xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka, Rex Tillerson, ayaa ku sugan dalka Myanmar si uu ugala hadlo hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi, dhibaatada qowmiyada tirada yar ee muslimiinta Rohingya.
Tillerson ayaa sidoo kale u balansan inuu la kulmo madaxa ciidamada qalabka sida ee Myanmar.
Mr Tillerson ayaa la filayaa inuu ugu baaqo hoggaamiyeyaashan in lasoo afjaro rabshadaha ka taagan gobolka Rakhine, oo sababay in lix boqol oo kun oo muslimiinta Rohingya ah inay u qaxaan bilihii lasoo dhaafay dalka Bangaladesh.
Cadaadis caalami ah ayaa saaran Aung San Suu Kyi, iyada oo xoghaya guud ee Qaramada Midoobay, Antonia Gutterres uu sidoo kale ugu baaqay inay waxka qabato dhibaatada heysata qaxootiga Rohingya, kaddib markii uu kula kulmay shirka ASEAN ee ka dhacayay dalka Philipine horraantii toddobaadkan.
storvideo: 

Faransiiska oo ka digay in la iska fogeeyo Trump iyo Putin

$
0
0

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump iyo Vladimir Putin ay halis ku yihiin qiyamka Yurub, furfurnaantooda iyo dulqaadkooda, balse haddii la go'doomiyo aysan Yurub waxba ka dheefaynin.

Waiirka arrimaha dibadda XFS oo qaabilay Danjiraha...

$
0
0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Yusuf-Garaad Omar Ahmed ayaa maanta ku qabilay Muqdisho Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Soomaaliya H.E. Mr. Qin Jian, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.
Safiirka China ee Soomaaliya Amb.Qin Jian ayaa sheegay in Xisbiga Shuuciga ee China "CPC" shirkoodii qaran ee 19,aad ee October qabsoomay lagu go'aamiyay in Xisbiga uu dadaal ku bixiyo nooc cusub oo xiriir caalami ah oo ku dhisan xushmad isdhaafsi, cadaalad iyo iskaashi faaido u leh labada dhinac, isagoo caddeeyay in China ay taageereyso dadaalka Soomaaliya ay ku ilaalinayso madax banaanideeda qaran, badbaadada dhulkeeda, nabaddeeda, ammaankeeda iyo horumarkeeda, isagoo muujiyay in dowladdiisu danaynayso weji cusub oo xiriir labada dal ay yeeshaan si loo xoojiyo howlaha nabadda iyo horumarka Soomaaliya.
Wasiir Yuusuf Garaad Cumar xmed ayaa yididiillo ballaaran ka muujiyay in xiriirka Soomaaliya-China uu galo waa cusub oo dana wadaag ah, isagoo boggaagiyay guulaha laga gaaray shirka Qaran ee 19,aad ee Xisbiga Shuuciga ee China "CPC", waxa uuna ka mahadceliyay taageerada China ay u fidiso Soomaaliya, isagoo sheegay in mashaariicdii China ee hore uga fulay Soomaaliya ee weli muuqda ay yihiin wax caddeyn ugu filan xiriirka saaxiibtinimo ee qotada dheer ee labada dal iyo labada shacab ay wadaagaan.
Kulankan oo ku dhammaaday jawi guul xambaarsan, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Asia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mr. Shirwa Abdullahi Ibrahim iyo diblomaasiyiin kale oo ka tirsan Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Muqdisho.
storvideo: 

Faransiiska oo ka digay in la iska fogeeyo Trump iyo...

$
0
0

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump iyo Vladimir Putin ay halis ku yihiin qiyamka Yurub, furfurnaantooda iyo dulqaadkooda, balse haddii la go'doomiyo aysan Yurub waxba ka dheefaynin.
"Haddii aad go'aansataan in aad dib uga riixdaan Yurub iyo qiyamkeeda, idinka oo ku leh waxaad khayaamaysaan qiyamkanaga, markaas garabkaaga ayay ka bixi" ayuu u sheegay BBC.
Dad badan ayaa u arka in Maraykanka iyo Ruushku ay jir diidayaan qiyamka gudaha ballaaran ee furfurnaanta.
Madaxweyne Macron ayaa ka hadlayay Abu Dhabi, halkaas oo uu xariga kaga jaray madxafka cusub ee Louvre Museum.
Wuxuu sheegay in ay tahay calaamad muujinaysa dulqaad iyo kala gadisnaansho gobolka ah.
"Waxaan dhexda u taagannahay dagaallo iyo mashaakillo ka aloosan dalal Muslim ah," ayuu yiri Macron isaga oo waraysi bixinaya dhawaan. "Waxaa muhiim ila ah in la taageero kuwa difaacaya Islaamka furan". Ayuu sii raaciyay.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live