Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Afganbi ka Socdo Dalka Zimbabwi

$
0
0

Dhaqdhaqaaq ciidamada xoogga ee dalka Zimbabwi ay wadaan ayaa loo maleynayaa in uu ku saleysanyahay inqilaab xukumada madaxweyne Robert Mugabi lagu fulinayo. Uguyaraan sadex qarax ayaa ka dhacay magaala madaxda dalkaasi ee Harare aroornimadi maanta, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dadkan oo caasimada ku sugan ayaa intaas ku darey in ay arkayeen gaadiidka ciidanka xoogga oo wadooyinka waaweyn ee caasimada wareegaya, saacdo un ka dib markii ay xaley la wareegeen warbaahinta dowlada...


Tvgii Qaranka Zimbabwe oo lala wareegay iyo Militari...

$
0
0

Haraare ee xarunta Dalka Zimbabwe,Ciidammo Militariga dalkaasi Zimbabwe ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen xarunta guud ee telefishinka qaranka ee magaciisa loo soo gaabiyo ZBC,xili ay jiraan xisado siyaasadeed.
Waxaa la maqlayaa Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaallo dhanka waqooyi, inkastoo aysan caddayn waxa ay xaaladdu ku sugan tahay,Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal hadal ah oo ka soo yeeray madaxweyne Robert Mugabe 93 jir ah,dadweynaha reer ZImbabawe ayaa aad u walaacsan
Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay "khiyaano qaran" ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo.
Taliyaha ciidamada Militariga Dalka Zimbabwe Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii.
Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu wali shaqaynayso.
Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay "khiyaano qaran" ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo.
Chiwenga ayaana sheegay in milatarigu uu u diyaarsan yahay in uu soo afjaro khilaafka xisbiga Zanu-PF
Xiisadduna waxay cirka isku sii shareertay Talaadadii markii gawaari qafilan lagu arkay iyaga oo ka boos qaadanaya duleedka wadooyinka magaalada caasimadda ah ee Harare, inkastoo uusan caddayn ujeedadoodu.Milatari la wareegay telefishinka qaranka Zimbabwe.
storvideo: 

Afganbi ka Socdo Dalka Zimbabwi

$
0
0

Dhaqdhaqaaq ciidamada xoogga ee dalka Zimbabwi ay wadaan ayaa loo maleynayaa in uu ku saleysanyahay inqilaab xukumada madaxweyne Robert Mugabi lagu fulinayo. Uguyaraan sadex qarax ayaa ka dhacay magaala madaxda dalkaasi ee Harare aroornimadi maanta, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Dadkan oo - ku sugan ayaa intaas ku darey in ay arkayeen gaadiidka ciidanka xoogga oo wadooyinka waaweyn ee - wareegaya, saacdo un ka dib markii ay xaley la wareegeen warbaahinta dowlada ee ZBC. Dadweynaha ayaa sheegay in warki xaley ee 11-ka habeenimo uu baaqdey, halkiisina lagu badaley madadaalo heeso u badan.
Talaadadi ayey dowlada Zibabwi qiyaano qaran ku eedeysay taliyaha ciidamada xooga, ka dib markii sida ay sheegeen uu ku goodiyey in uu farogalin ku sameeyey siyaasada dalka. Warbixin uu soo saarey xisbiga talada hayo ee ZANU-PF ayaa Talaadadii lagu sheegay in ay ka walwalsanyihiin in ay ciidamadu wadaan afganbi.
Hasa ahaatee, sida aanu ka soo xiganay laanta Zimbabwi ee VOA-da, taliye ku xigeenka ciidanka oo ka hadley warbaahinta dowlada ayaa dadweynaha reer Zimbabwi usheegey in ay isdajiyaan, waxaanu uu yiri; wax afganbi ah kama jiro dalka. Jeneraal Sibusiso Moyo, oo ah taliye ku xigeenka ciidanka ayaa sida oo kale shaaciyey in uu Madaxweyna Robert Mugabi nabad qabo.
storvideo: 

Sawirro: Magacyada Raggii ka danbeeyay Qaraxii Zoobe...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Hay'adaha amniga dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa muddo bil kadib soo bandhigay magacyada iyo Sawirada ragga loo hayo Qaraxii 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Hay'adaha amniga oo weli baaritaan ku haya ragaasi ayaa sheegay in qaarkood ay yihiin qiraal, halka qaarna ay weli ku dhiman yihiin macluumaadka laga doonaayo.
C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo ah Wasiirka Warfaahinta Xukuumadda Federaalka Somalia, oo arrinta Qaraxa ka hadlay ayaa sheegay in tirada ragga loo hayo Qaraxa ay yihiin 5 dhalinyaro oo falka qirtay.
Waxa uu Wasiirku sheegay in ragga lasoo bandhigay sawirkooda uu kamid yahay dhagar qabihii isku Qarxiyay isgoyska Zoobe ee kaxeynayay Gaarigii TM-ka ahaa.
RAGGA LOO QABTAY QARAXA ZOOBE EE LASOO BANDHIGAY AYAA KALA AH:
1-Mukhtaar Maxamuud Xasan oo ku magacdheer (Gardhuub)
2-Cabdiwali Axmed Diiriye (C/qani) oo ahaa Madaxa Qaraxyada Gobolka Banaadir, waxa uuna ka hoos shaqeyn jiray Gardhuub.
3-Xasan Aadan Isaaq oo ahaa Darawalkii Gaariga NOAH-da, ahaana isku xirihii weerarkii Zoobe, inta uusan wareejin NOAH-da ayaa la qabtay.
4-Cali Yuusuf Waceys (Ducaale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyay inuu NOAH-da isku Qarxiyo.
5-C/laahi Cabdi Warsame, iyada oo ugu dambeyn Darawalkii ka xeynayay Gaarigii TM-ka ahaa ee Zoobe ku Qarxay lagu magacaabi jiray Maadey (Cusmaan Xaaji).
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

DEG DEG:-Wasiirka Gargaarka Xukuumadda oo is casishay

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xuukuumadda Soomaaliya Dr Maryan Qaasim ayaa sheegtay in ay is casishay, kadib qoraal kooban oo ay soo dhigtay Barteeda twitter-ka .
Kama hadlin sababaha keenay is casilaadeeda, balse waxa ay tilmaamay in ay gabi ahaan isaga tagay shaqadii Wasaaraddaasi.
Lama oga illaa iyo haatan sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya is casilaada Wasiirkii Gargaarka oo ka mid ahayd wasiirada ugu fir fircoonaa Xukuumadda Soomaaliya.
Waa wasiirkii labaad oo is casilay, tan iyo markii la soo dhisay Xukuumadda Kheyre, iyadoona dhawaan uu i scasilay Wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid C/laahi Maxamed.
storvideo: 

Ra’isilwasaare Kheyre oo Gaaray Baraawe iyo Al...

$
0
0

Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu gaaray Ra'silwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.
Wafdiga Ra'isilwasaraha ayaa waxaa halkaasi ku soo Dhoweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh oo halkaasi kaga sii horeeyay.
Sidoo kale waxaa magaaladaasi Baraawe gaaray wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Micheal Keating.
Dhanka kale Warar ay warbaahinta Puntland Post ka heleeyso Baraawe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe oo ay maamulaan AMISOM.
Lama oga qasaaraha madaafiicdaasi ka dhashay hayeeshee Al-Shabaab ayaa ku soo beegay Madaafiicdooda xiligii ay soo dageen Wafdiga Ra'isilwasaare Kheyre.Faahin Faahin Dheeraad ah Dib ugala soco Puntland Post Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Ra'isilwasaare Kheyre oo Gaaray Baraawe iyo Al-Shabaab oo Madaafiic ku Garaacay Garoonka Baraawe appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Sawirro:-Ra’iisul wasaare Kheyre oo gaaray Magaalada Baraawe

$
0
0

Baraawe ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Masuuliyiin kale.
Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay magalaada Baraawe ee xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la xiriirta u kuurgalka xaaladaha ciidamada iyo howlgallada ka dhanka Ah Al Shabaab ee ka socda Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.
Ammaanka magaalada Baraawe ayaa siweyn loo adkeeyey, waxaana ku sugan magaaladaasi Danjirayaasha QM iyo Midowga Africa ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Fransisco Madera.
Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23660030_80642071619... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23660030_80642071619... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23660030_80642071619... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23660030_80642071619... 80w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23660030_80642071619... 265w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23660030_80642071619... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23660030_80642071619... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23660030_80642071619... 560w" sizes="(max-width: 1080px) 100vw, 1080px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/brr-300x225.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/brr-80x60.jpg 80w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/brr-265x198.jpg 265w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/brr-696x522.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/brr-560x420.jpg 560w" sizes="(max-width: 768px) 100vw, 768px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23634053_80642069953... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23634053_80642069953... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23634053_80642069953... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23634053_80642069953... 80w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23634053_80642069953... 265w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23634053_80642069953... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23634053_80642069953... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23634053_80642069953... 560w" sizes="(max-width: 1080px) 100vw, 1080px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23627229_80642067953... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23627229_80642067953... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23627229_80642067953... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23627229_80642067953... 80w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23627229_80642067953... 265w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23627229_80642067953... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23627229_80642067953... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/23627229_80642067953... 560w" sizes="(max-width: 1080px) 100vw, 1080px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/khe2-747x420-300x169... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/khe2-747x420-696x391... 696w" sizes="(max-width: 747px) 100vw, 747px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/kheyre-baraawe2-631x... 300w" sizes="(max-width: 883px) 100vw, 883px" />
The post Sawirro:-Ra’iisul wasaare Kheyre oo gaaray Magaalada Baraawe appeared first on Shabelle.

Sawirro:-Ra’iisul wasaare Kheyre oo gaaray Magaalada...

$
0
0

Baraawe ( Sh. M. Network )-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Masuuliyiin kale.
Ujeedada socdaalka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay magalaada Baraawe ee xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la xiriirta u kuurgalka xaaladaha ciidamada iyo howlgallada ka dhanka Ah Al Shabaab ee ka socda Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.
Ammaanka magaalada Baraawe ayaa siweyn loo adkeeyey, waxaana ku sugan magaaladaasi Danjirayaasha QM iyo Midowga Africa ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Fransisco Madera.Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 


Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo iscasishay

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim ayaa goor dhow ku dhawaaqday in ay isaga tagtay xilkii Wasiirnimo ee xukuumadda Soomaaliya.
Maryan Qaasim ayaa ka mid aheyd Wasiiradda uu soo Magaacay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre markii xukuumadda lasoo dhisay.
Wasiiradda ayaa Twitterkeeda ku sheegtay in ay xilka iska casishay mana bixin Faahfaahin badan.
Horay ayaa waxaa isku Casilay Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha ciidamada xoogga.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Daawo Sawiradda Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta...

$
0
0

Home WARARKA GUDAHA Daawo Sawiradda Ra'iisul wasaare Kheyre oo maanta gaaray Baraawe
SHARE
Facebook
Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleShirka horumarrinta magaallooyinka Africa oo Rome ka furmay+Sawirro

storvideo: 

Uganda iyo sudan oo ku baaqay in la xoojiyo taageerada AMISOM

$
0
0

Kampala ( Sh. M. Network )-Dalalka Uganda iyo Sudan ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay dardar geliyaan taageerada la siiyo ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya.
Warkan ayaa imaanaya, xilli dhawaan Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ay sheegeen in ciidamada AMISOM laga dhimayo 1,000 askari, taas oo la xiriirta dhaqaala yari soo wajahday howlgalka AMISOM.
Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka Al Shabaab iyo sugida amniga iyo degenaashaha dalka.
Dowladda Uganda ayaa ah dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana dhawaan ay sheegtay in ay diyaar u tahay in Soomaaliya ay u soo dirto ciidamo dheeraad ah oo qeyb ka noqday howlgalka Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika.

The post Uganda iyo sudan oo ku baaqay in la xoojiyo taageerada AMISOM appeared first on Shabelle.

Uganda iyo sudan oo ku baaqay in la xoojiyo...

$
0
0

Kampala ( Sh. M. Network )-Dalalka Uganda iyo Sudan ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay dardar geliyaan taageerada la siiyo ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya.
Warkan ayaa imaanaya, xilli dhawaan Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ay sheegeen in ciidamada AMISOM laga dhimayo 1,000 askari, taas oo la xiriirta dhaqaala yari soo wajahday howlgalka AMISOM.
Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka Al Shabaab iyo sugida amniga iyo degenaashaha dalka.
Dowladda Uganda ayaa ah dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana dhawaan ay sheegtay in ay diyaar u tahay in Soomaaliya ay u soo dirto ciidamo dheeraad ah oo qeyb ka noqday howlgalka Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika.
storvideo: 

Dr Maryan Qaasim oo ka hadashay sababta ay isaga casishay golaha wasiiradda

$
0
0

Maryan Qaasim ayaa intaas ku dartay in aysan xukuumadda mucaarad ku ahayn, iyada oo sheegtay in ay go'aansatay in ay siyaasadda faraha kala baxdo, bulshadana ugu adeegto sidii kale oo suurtogal ah.

War Deg Deg ah Wasiirkii Gargaarka iyo Maareeynta...

$
0
0

Waxaa Goordhow is Casishay Wasiirkii Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Xuukumada Federaalka Soomaaliya Drs Maryan Qaasim.
Wasiirka oo Goordhow la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay isaga tagtay xilkii ay ka heeysay Xukuumada Federaalka Soomaaliya.
Qoraal Kooban oo Ay Soo Dhigtay Twitterkeeda ayeey ku Sheegtay in ay iska Casishay xilkaasi Sababo iyada u gaar ah.
Lama Oga sababta rasmiga ah oo ay isku casishay Wasiiirkii Gar Gaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Xukuumada Soomaaliya.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Australia oo Usoo Baxday Koobka Aduunka

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Xulka qaranka Australia ayaa marki afraad oo xiriir ah usoo baxay maanta ciyaaraha aduunka ee sanadka soo socda ee 2018-ka ka dhici doona dalka Russia, kadib marki ay 3-1 ku garaacen xulka Honduras.
Is aragi hore ee labadan xul oo ka dhacay dalka Honduras ayaa kusoo dhamaaday 0-0 ah, laakin kulanki maanta oo ka dhacay magaalada Sydney ayaa ka duwanaa kii todobaadki hore.
Goolka hore waxaa kooxdiisa Honduras ka dhaliyay Henry Figueroa, goolasha kalana Australia waxaa siiyay ciyaaryahan Jedinak.
Austrlia ayaa noqday xulki 31-aad ee usoo baxay ciyaaraha aduunka ee sanadka danbe, waxaa la sugayaa mid ka mid ah xulalka Peru iyo New Zealand. Is aragi hore waxay labada dal isku mari waayeen bar barro 0-0 ah.
storvideo: 


Nin Soomaali ah oo ka hadlay sida uu u dhacay "inqilaabka milatari" ee Zimababwe

$
0
0

Milateriga Zimbabwe ayaa hadal uu ka baahiyay telefishinka dowladda ee dalkaasi ZBC waxa uu ku sheegay inuu beegsanayo wax uu ku tilmaamay "dembiilayaal ku xeeran madaxweyne Robert Mugabe".

Robert Mugabe oo xabsi guri la geliyey iyi wararkii...

$
0
0

Harare (- Online) - Milatariga ayaa la wareegay awoodda dalka Zimbabwe, balse madaxweyne Robert Mugabe oo wadooda dalkaasi hayay tan iyo 1980 ayaa la sheegay inuu badqabo.
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay inuu la hadlay Mugabe oo u sheegy in laga dhigay xabsi guri balse uu aad u fiican u yahay.
Ciidammo ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen xarunta guud ee telefishinka qaranka ee Zimbabwe ee magaciisa loo soo gaabiyo ZBC, iyadoo badhtanka lagaga jiro xiisadda sii koraysa ee dalkaasi ka jirta.
Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaallo ayaa laga maqlay dhanka waqooyi, inkastoo aysan caddayn waxa ay xaaladdu ku sugan tahay.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal hadal ah oo ka soo yeeray madaxweyne Robert Mugabe 93 jir ah.
Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu wali shaqaynayso.
Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay "khiyaano qaran" ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo.
Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii.
Chiwenga ayaana sheegay in milatarigu uu u diyaarsan yahay in uu soo afjaro khilaafka xisbiga Zanu-PF
Xiisadduna waxay cirka isku sii shareertay Talaadadii markii gawaari qafilan lagu arkay iyaga oo ka boos qaadanaya duleedka wadooyinka magaalada caasimadda ah ee Harare, inkastoo uusan caddayn ujeedadoodu.Milatari la wareegay telefishinka qaranka Zimbabwe.
Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay "khiyaano qaran" ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo.
Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii.
BBC
storvideo: 

Waa tuma Grace Mugabe, xaaska madaxweynaha Zimbabwe?

$
0
0

Grace waa 52 jir, 40 sano ayay ka yartahay ninkeeda Robert Mugabe kaas oo Zimbabwe madaxweyne kasoo ahaa tan iyo sanadkii 1980-kii.

Waa tuma Grace Mugabe, xaaska madaxweynaha Zimbabwe?

$
0
0

Iyada oo dalka Zimbabwe ay ka socdaan isbadalo waaweyn xili ciidamada militariga dalkaas ay sheegeen in ay la wareegeen awoodda, ayaa waxaa halkan kaga hadlaynaa taariikhda xaaska madaxweyne Mugabe oo la aaminsanyahay in iyada darteed ay ciidamada gadood u sameeyeen.
Grace ayaa lagu waday in loo magacaabo madaxweyne ku xigeenka Zimbabwe si ay marka dambe iyada xilka ugala wareegto ninkeeda oo 93 jir ah, waxaana dhacday in madaxweyne ku xigeenkii Zimbabwe Emmerson Mnangagwa xilkii laga qaaday kadib markii ay isku dhaceen Grace.
Grace waa 52 jir, 40 sano ayay ka yartahay ninkeeda Robert Mugabe kaas oo Zimbabwe madaxweyne kasoo ahaa tan iyo sanadkii 1980-kii.
Xisbigiisa ZANU-PF ayaa u xushay in uu markale isu taago xilka madaxweynenimo sanadka soo socda, balse dhawr jeer ayuu safaro caafimaad oo dibedda ah u baxay sanadkan gudihiisa. Waa caafimaad daradaas iyo gaboowga sababta ugu badan ee loo tuhmayo in ay majaraha u hayso xaaskiisa Grace.
Mrs Grace ayaa ku caan baxday in ay tahay taageero weyn oo ninkeeda ay u hayso, iyada oo xitaa mar laga soo xigtay in xitaa haddii uu dhinto Mugabe uu heli karo codad badan.
"Waxay dhaheen in aan noqon rabo madaxweyne, maxaa diidaya taas?" ayay tiri Grace oo qiratay in ay doonayso in ay qabato xilka dalka ugu sareeya.
Sanadkii 2014-kii ayay eedeysay madaxweyne ku xigeenkii hore Joice Mujura oo ay ku eedeysay in ay tahay haweenay ku caan baxday musuqmaasuq iyo rakaato, xan iyo been, waxayna ku baaqday in xilka laga qaado.
Mugabe ayaa xilka ka qaaday Joice, wuxuuna ku badalay Emmerson Mnangagwa oo horey u ahaa wasiirkii caddaalada ee Zimbabwe.
Balse isagii ayay haddane isku dhaceen, todobaadkii hore ayaana xilka laga qaaday kadib markii dhawr jeer meel fagaaro ah ay Mugabe ugu baaqday in uu shaqada ka eryo Emerson.
Grace ayaa Zimbabwe ka noqotay ganacsato awood badan, iyada oo beer ku lahayd duleedka magaalada Harare, waxa ay sidoo kale ku caanbaxday xagga samofalka.
Waxaa jirta waddo lagu magacaabo Dr Grace Mugabe Way oo u dhow xarunta dhexe ee xisbiga talada haya ee ZANU-PF, waxayna tani muujinaysaa damaca siyaasadeed ee marwada koowaad.
Darajada Dr ayaa la xiriirta in iyada oo 49 jir ah ay shahaadadeeda PhD ka qaadatay jaamacadda Zimbabwe, waxaana la aaminsanyahay in labo bilood oo kaliya ay ku heshay shahaadada, taas oo aanan ahayn wax aanan suurtogal ahayn.
Waxaa si caddaalad ah loogu doodi karaa in Mrs Mugabe ay aad ugu wanaagsantahay xagga hadal-jeedinta, iyada oo taageerayaasheeda ay aad ugu jecelyihiin marka ay khudbadaha jeedinayso. Waxa kale oo ay aad ugu jecelyihiin labiskeeda iyo xaragadeeda.
Bartamihii 1980-naadkii, xisbiga ZANU-PF ayaa Mugabe siiyay dhul aan sidaas u weyneyn oo ku yaala duleedka Harare, si uu guri uga dhisto, balse muddo aad u dheer ayuu iska banaanaa dhulkaas illaa ay Grace noloshiisa kusoo biirtay.
Maanta qoyska Mugabe waxa ay Zimbabwe ku leeyihiin hanti aad u tiro badan oo isugu jira beero, guryo iyo waliba xoolo nool meelo kale duwan dalka.
Waxaa lagu yaqaanaa in ay tahay qof ad adag, iyada oo marar lagu eedeeyey in ay dhulkoodii xoog uga saartay dad beeralay ah.
Markii ay biloowday olole balaaran oo ay dalka oo dhan meel fagaaro ah hadalo uga jeedinaysay ayaa waxaa soo ifbaxay sida ay hadalka u heli ogtahay, iyo waliba hadaladeeda kululul, iyada oo inta badan digniin u jeedin jirtay dadka ay siyaasadda isku hayaan.
Dadka ay afka ka weerartay waxaa ka mid ah marxuumad Heida Holland oo buug ka qortay Mugabe, taas oo ay sheegtay in ay u dhimatay maadaamaa uu habaaray Mugabe beentii ay ka qortay awgeed.
Dadka reer Zimbabwe waxa ay u ahayd ruwaayad ay ku maadaystaan maadaamaa xogaha dhex yaala xisbiga ay fagaaraha ka sheegi jirtay, islamarkaasna si aan ka waabasho lahayn u dhaleeceyn jirtay qofkii ay doonto.
Dadka siyaasadda u dhuun duleela ee Zimbabwe ayaa Grace ku tilmaamay in ay dalkaas ka noqotay qof awood badan oo xitaa go'aamin kartay qofka badalaya Mugabe, haddiiba aysan iyada badalin.
Si kastaba ha ahaatee lama oga halka ay ku sugantahay Grace xili taliyeyaasha ciidanka ee awoodda la wareegay la sheegay in ay iyada si gaar ah u raadsanayaan, kuna eedeeyeen in ay madaxweynaha si qaldan uga faa'iidasatay.
storvideo: 

Sawirro: Sidee ayaa Kheyre loogu soo dhaweeyay...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u ballaaran. Safarka Ra'iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jira Maamullada dalka, si u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga.
Ra'iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka.
Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa qudbad dheer u jeediyey shacab aad u tiro badan oo ka qayb qaadanayey soo dhaweynta waftiga ayaa uga mahadceliyey sida sharafta leh oo ay u soo dhaweeyeen.
"Waxaan aad ugu farax sanahay sida wanaagsan oo aad noo soo dhaweyseen, Waxaana halkaan iiga muuqda sida reer Baraawe diyaar ugu yihiin dawladnimada, waxaana naga go'an inaad heshaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay,"ayuu yiri R/W Khayre.
"Baraawe waxay ahayd magaaladii aan ka dhoofay 1989kii, markii aan dalka ka baxayay waad ku mahadsantihiin martigelintiina xiligaas iyo xiligan, Magaaladani waxay qeyb ka qaadatay fidinta diinta islaamka, dadkeeduna waxay caan ku yihiin sharaf, karti, halgan iyo wax soo saar"ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo la hadlayay shacabka magaalada Baraawe, kana codsaday madaxda Koonfur-galbeed in si deg-deg ay ugu soo guuraan magaallo madaxda maamulka oo ah degmada Baraawe.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyn tilmaamay in degmada ay sii joogi doonaan qeybaha kala duwan ee Ciidamadda, isla markaana looga baahan yahay shacabku iney ka qeyb qaadaan dagaalka lagu xoreynayo deegaanada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixsada ah.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live