Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo: ” Waxaanu doonaynaa in naloo tiriyo Gooboha...

$
0
0

Daawo:" Waxaanu doonaynaa in naloo tiriyo Gooboha Maroodijeex iyo Gabiilay oo aanu ka shaki sannahay" Ciro Oo Sheegay in aanay ku kalsoonayn Kominshanka iyo goobihii ay Codka Kulmiye ku badnaayeen
[embedded content]
storvideo: 


Dowladda: Waxaa la qabtay 29 Shabaab ah

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in howlgallo qorsheysan lagu soo qabtay 29 qof oo lala xiriirinayo ururka Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil ururkaasi ka tirsan.

Dowladda: Waxaa la qabtay 29 Shabaab ah

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in howlgallo qorsheysan oo ay hay'adaha amaanka Soomaaliya ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose in lagu soo qabtay 29 qof oo lala xiriirinayo ururka Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil ururkaasi ka tirsan.
Hadalkan ayaa laga sheegay kullan golaha Wasiirada ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, oo sidoo kalea looga hadlay arrimo kale oo ku saabsan dowladda.
Wariyeheenna Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan inoo soo dirtay.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:03:03
0:00:00 /0:03:03
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Daawo”Ehelada Gabar Dhibaato loogu geystay Boosaso...

$
0
0

Bosaso-[Puntland Post]-Magaalada Bosaso ayaa lagu qabtay kulan ballaaran, kaasi oo looga hadlayey dhacaddi iyo kufsi dhawaan loo geystay gabar Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa waxa soo qaban qaabiyey Ehelada gabadha dhibatada loogaystay waxana ka soo qeyb galay bulshada qeybaheeda kale duwan.
Kulanka waxaa looga hadlay seddex qodob oo kala ah
1-Mahad loo mahad celiyey mamaulka Jubbaland oo eedeysanaha gacanta kus oo dhigay.
2-Puntland oo laga codsay in eedeysanaha sharciga horkeento
3-Cambaareen falkii xumaa ee loo gesytay Faa'izoDaawo Dadka kulanka ka hadlaya oo Fariin u diraya Puntland
Cabdiqani Boos Puntland Post -Bosaso
The post Daawo"Ehelada Gabar Dhibaato loogu geystay Boosaso Oo Xukuumada Puntland Fariin u diray appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dhageyso Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.

Kooxo Hubeysan oo caawa weeraray Kontarool Ciidamada DF ku leeyihiin Degmada Yaaqshid

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Kooxo Hubeysan ayaa Caawa weeraray Kontarool Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Xaafadda Ceymiska ee degmada Yaaqshid.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo ku bilowday Hub Daryankiisa uu aad u xoogan yahay ayna xigeen Rasaasta daran dooriga u dhacda  lagu qaaday Kontarool ay Ciidamada Xasilinta Caasimadda ay ku leeyihiin Xaafadda Ceymiska ee degmada Yaaqshid.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka dhashay dagaal fool ka fool ah oo  dhexmaray Ciidamada Kontaroolka la weeraray ku sugnaa iyo Kooxaha weerarka halkaas ku soo qaaday.
Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda weerarkaasi hase ahaatee Al Shabaab ayaa horay weeraro la beegsaday fariisimo Ciidamada dowladdu ku sugan yihiin.
Sidoo kale lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay xilliga oo habeen ahayd aawgeed.
Wixii ku soo kordha kala soco Radioshabelle.com.
 
The post Kooxo Hubeysan oo caawa weeraray Kontarool Ciidamada DF ku leeyihiin Degmada Yaaqshid appeared first on Shabelle.

Taliyaha nabadsugidda Jubbaland oo ka cudurdaartay...

$
0
0

Kn: Khaalid Sh. Cabdullahi, taliyaha ciidamada nabadsugidda ee Jubbaland oo loo soo bandhigay inuu qabto xilka hogaanka nabadsugidda qaranka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka cudurdaartay.
Khaalid oo lagu amaano sida uu nabad ugu soo dabaalay magaalada Kismaayo ayaa hogaamintiisu waxay soo jiidatay madaxda qaranka taasi oo kaliftay inay dalbaan inuu jagadii Sanbalooshe iska casilay u qabto si uu amaanka Muqdishana u muunadeeyo sida Kismaayo oo kale.
Nasiib xumo, Khaalid waa ku gacansayray dalabka madaxda qaranka, asagoo ku cudurdaartay inuusan hadeer diyaar u ahayn qabashada xilkaasi. Diidmada Khaalid ayay dadka qaar ka agdhawi ku micneeyeen in Khaalid laf ahaantiisu aaminsanyahay inaan amaanka Xamar shaqsi kaliya wax ka badalin karin ee ay u baahantahay in marka hore hay'adda nabadsugidda lafteeda la kala shaandheeyo, kadibna hogaankeeda loo madax baneeyo hawlaha nabadsugidda.
storvideo: 

Kooxo Hubeysan oo caawa weeraray Kontarool ...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Kooxo Hubeysan ayaa Caawa weeraray Kontarool Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Xaafadda Ceymiska ee degmada Yaaqshid.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo ku bilowday Hub Daryankiisa uu aad u xoogan yahay ayna xigeen Rasaasta daran dooriga u dhacda lagu qaaday Kontarool ay Ciidamada Xasilinta Caasimadda ay ku leeyihiin Xaafadda Ceymiska ee degmada Yaaqshid.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka dhashay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray Ciidamada Kontaroolka la weeraray ku sugnaa iyo Kooxaha weerarka halkaas ku soo qaaday.
Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda weerarkaasi hase ahaatee Al Shabaab ayaa horay weeraro la beegsaday fariisimo Ciidamada dowladdu ku sugan yihiin.
Sidoo kale lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay xilliga oo habeen ahayd aawgeed.
Wixii ku soo kordha kala soco Radioshabelle.com.
storvideo: 


Daawo: ” Nimankan Siyaasiyiinta ah Ee Waxaan ka...

$
0
0

Daawo:" Nimankan Siyaasiyiinta ah Ee Waxaan ka shaqaynayaana Nabad ku noolaan maayaan Haday nabadgelyadu Faraha ka baxdo ... Wixii dhacana Cidii ka masuul ahayd Ayaa ka masuul ah " Taliyaha Ciidanka

[embedded content]
storvideo: 

Wadaniland ayaan Noqoneenaa

$
0
0

16th November 2017 admin Category :
Doorashadii maamulka Hargeeysa ayaa lagu shubtay, waxaana iska caddeed awalba in doorasho beeleed aysan meelna gaareen. Haddeerna iyagii uunbaa qabyaaalad hoos isugu dhigay. Hadaba, waxaa magaalada Burco ka billoowday mudaaharaad looga soo horjeedo arrintaas ku shubashada ah; qaar ka mid ah dadka mudaaharaadayey ayaa sheegay ineey sameesanayaan maamula la yiraah Wadaniland.
[embedded content]
Allsanaag.com
storvideo: 

Xog: Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo caawa la...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Nairobi (- Online) - War hadda naga soo gaaray magaalada Nairobi ayaa sheegaya in madaxweyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Sheekh Maxamed Sheekh ay caawa ku wada suga yihiin halkaas.
Labada mas'uul ayaa waxaa Nairobi ku casuumay urur goboleedka IGAD oo wada-hadallo dib u heshiisiin u qabanaya, sida ilo-wareedyo ka tirsan Galmudug ay u sheegeen - Online.
"Ma ahan kaliya in Nairobi ay ku wada sugan yihiin ee waxaa kuu xaqiiji karaa in caawa labadoodaba ay hal hotel wada degan yihiin" ayuu yiri qof la hadlay - Online, oo arritan xog ogaal u ah.
Labada mas'uul ayaa la filayaa inay halkaas ku wada yeeshaan wada-hadallo heshiis looga gaarayo arrinta Galmudug, oo labada dhinacba ay qeybo ka mid ah gobollada maamulkaas kala muumulaan, inkasta oo aysan caddeyn xilliga ay furmayaan wada-hadallada.
Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa marar badan oo ay isku dayda ku guul-darreystay inay labada dhinac heshiis dhex dhigto, waxaase hadda muuqata in xalka uu dhow yahay.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo u safraya Dalka Imaaraadka...

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Farmaajo ayaa todobaadka soo socda ku wajahan dalka Imaaraadka Carabta,kadib casumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalkaasi,sida ay tilmaamayso xog hoose oo laga helay Villa Soomaaliya.
Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa salka ku haya arrimo ka mid yihiin xallinta khilaaf la sheegay in uu ka dhexeeyo labada dal,kaasoo ka dhashay faro-gelinta Imaaraadka ee siyaasadda gudaha Soomaaliya,gaar ahaanna arrimaha maamul goboleedyada.
Muranka Khaliijka ayaa sidoo kale la filayaa in lagu soo qaado kulanka ay yeelan doonaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Imaaraadka Carabta todobaadka soo socda.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa go'aan dhex-dhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka ka taagan gacanka Carabta,laakiin qaar kamid ah maamul goboleedyada ayaa taageeray dhinaca Sacuudiga iyo Imaaaraadka Carabta,taasoo uu ka dhashay muran ka dhex aloosmay maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in madax Soomaalida oo ay ku jiraan kuwa maamul goboleedyada iyo dowladda Imaaraadka Carabta uu shir uga furmi doono magaalada Dubai,balse ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta.PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Farmaajo oo u safraya Dalka Imaaraadka Carabta. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobe oo ka dayrinaya xaalada Yaman

$
0
0

Hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobe ayaa soo saaray codsi degdeg ah oo ay u jeediyeen xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yamen.

Hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobe oo ka...

$
0
0

Hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobe ayaa soo saaray codsi degdeg ah oo ay u jeediyeen xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yamen.
Hay'adaha ayaa ka dalbaday Sacuudiga in ay si buuxda ay go'doominta uga ka qaadaan dalka Yamen.
Waxa ay sheegeen hay'adahani gargaarka ee Qaramada Midoobe in go'doomintaasi ay halis galinayso noolasha malaayiin qof oo dalka Yamen ku nool.
Madaxda hay'adaha UNICEF,WHO iyo hay'ada cunada aduunka ee WFP ayaa waxa ay sheegeen in go'doominta qayb ahaan la qaaday horraantii todobaadkan aysan ku filnayn.
Hay'adahani ayaa sheegay in imika caruur badan ay halis ugu jiraan cuduro islamarkana ugu yaraan 20 milyan oo qof ay grgaar u baahan yihiin.
7 milyan ayay hay'adahu sheegeen in ay qarka u saaran yihiin macaluul.
storvideo: 

Habar jeclo iyo SNM

$
0
0

17th November 2017 admin Category :
26 hogaamiye ee Maleeshiyaadka SNM, 21 ka mid ah waxay ka soo jeedaan beesha Sacad Muuse. Beesha uu Cabdiraxmaan Ciro ka soo jeedo ee Habar yoonis labo hogaamiye ayeey ku lahaayeen. Labadiina xilka waa laga qaaday. Sababtaas ayaa ku kaliftay inay maanta taayirada gubaan oo kooxdii Ina Mire ay xaafadaha shiidaan
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
storvideo: 


Suldaanka Fiqi shini oo taageeray SNM

$
0
0

17th November 2017 admin Category :
Khaatumadii Cali Khaliif, Beesha Fiqi shini ee Hawiye, ayeey Suldaan u sameeyeen si Hawiye oo markaa Xasan Culusoow hogaaminayey ay u raali geliyaan si maamul goboleed uu ugu aqoonsado
Hoos ka daawo Suldaankii Khaatumo u samaysay Beesha Fiqi Shini oo lacagta badan ku bixisay caleemo saarkiisa oo maanta ku jiibinaya Irirsamaale.
[embedded content]
storvideo: 

Kulmiye oo dabaal degaya

$
0
0

17th November 2017 admin Category :
Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Habar jeclo iyo Boqor buur madow oo bilaabay dabaal deg, halka beeshii la tartamaysay ay Taayiro gubayaan
We will miss this madness if Kulmiye loses! #Beddeluu #SomalilandVotes
Opslaet af Abdi Addow Nabadoone pa 12. november 2017

storvideo: 

Cawimaad mise curyaamin: Maxay tahay sababta uu...

$
0
0

Waxaa indhaeenna ku badan kiintaallada haruurku ka buuxo, tanagyada saliidda lagu cabbeeyay, kiishashka lagu ningaxay boorashka macaan ee nafaqadiisu waqti yar haweenka iyo caruurta macaluushu hayso ku cayiliyo. Dhammaan alaabtaan waxaa ku sawiran calanka buluuga iyo casaanka isugu jiro ee lagu xardhay xidigiha ee Maraykanka, hoosna waxaa far waaweyn lagu dhigay "USAid" gargaarka Maraykanka.
Nacfigaan kali kuma nihin ee waxaa sideenna oo kale helo dhammaan walaalaheenna ku nool qaaradda madow. Sanadki hore (2016) wuxuu Maraykanku bixiyay raashin qiimihiisu yahay 2.2 bilyan doolar. 80% raashinkaan waxaa la siiyay Afrika. Hadaba side ku billaabatay raashin bixintaan yaase faaiido ku qabo?Goormaa la billaabay?
Dagaalki labaad ee adduunku wuxuu dhaawac xooggan gaarsiiyay waddamadii galbeedka Yurub. Gaajo, macaluul iyo maal la'aan ayaa ku dhacday. Maraykaynku oo ay xulufo ahaayeen kana tun waynaa ayay u muuqatay inuu gargaar u fidiyo saaxiibadii inta ay soo kabanayaan. Gargaarku uu Maraykanku siinayay Yurub wuu noocyo badnaa cunnaduna qayb ayay ka noqotay.
Waxay dowladdi Maraykanka ee waqtigaas ogaysiisay beeralaydooda inay soo saaraan raashin aad u tiro badan. Soo saaridda raashinkaan lacag xooggan ayuu maraykanku ku bixiyay. Wixii kasoo haro intuu dalku u baahanyahayna waxaa uu u dhoofiyay Yurub oo naftu haysay. Fakerki si qurux badan ayuu u shaqeeyay. Reer Yurub waa noolaadeen oo raashin caloosha u buuxiyo ayay heleen. Maraykanku sharaf iyo karaamo ayuu ku helay caawinta saaxiibadii. Beeralaydi waa taajireen oo lacag dowalad bixinayso oo aan xisaab lahayn ayaa usoo xarootay, maal galin iyo isbaalarin ayayna u dhaqaaqeen.
Marki ay Yurub cagaheeda ku istaagtay, waxay iska joojisay kaalmadi ay heli jirtay waxay u sheegtay waddamadii wax siin jiray inay waxooda haystaan. Waa ayaa ku baryay beeralaydi Maraykanka ee baqaaradu u buuxeen, qorshayn tobannaan sano ah oo ay raashin ku dhoofiyaanna dajistay. Waxay billaabeen inay dowladda cadaadis ku saaraan inaysan joojin lacagti ay siin jirtay raashinkaanna meel u raadiso. Waxay shirkadaha ka ganacsado raashinka uu Maraykanku soo saaro ku yeesheen dad matalo labada aqal ee dalka. Waxay maal galiyeen looyaro iyo ururo u doodo. Ishi muuqatay ayaa noqotay Afrika oo macaluul la tiicaysay. Sidaas ayaa raashinki Yurub loo rari jiray loogu weeciyay qaaradda madow.
Laakiin markaan cashar fiican ayaa laga bartay caawinti Yurub. Waxaa soo baxday haddii loo hagar baxo cidda la kaalmaynayo inay dagdag isugu filnaan sidaasna gacantaada ooga bixi. Sidaa darteed waa in wax loo bixiyaa si ay gacanta ugu jiraan raashinkana loogu qubo. Tallaabo walba oo ka maaransiin kartana waa in lasoo xiraa. Ma jiro sharci sidaan u qoran laakiin qaabka wax u dhacaan ayaa tusayo.Yaa faaiido ku qabo?
Shaki kuma jiro in dad badan oo Afrikaan ah innaguna aan ku jirno nacfigu wax naga soo gaaro. Maalin gaajo kaa bi'iyaa ama islaan kuu umushay siisataaba kiish boorash ah oo aad bilaash ku heshay cidina ma diiddo. Laakiin faaiidada ugu badan ee raashinka waxaa helo dadka Maraykanka oo isagu jiro noocyo badan.
Dhammaan raashinka uu bixiyo Maraykanku waxaa uu ka baxaaa dalkiisa isaga ayaana laga soo raraa. Sanad walba dowladdu waxay siisaa beeralayda lacag kaalmo ah si ay u soo saaraan raashin xad dhaaf ah. 11% in ka badan qiimaha caadiga ee raashinku suuqa ka joogo ayaa lagu siiyaa shirkado gaar ah inay kordhiyaan raashinka ay soo saaraan. Lacagtaan tartan ayaa loo galaa ciddii ku guulaysato ayaa mashruuca la siiyaa. Sanadki 2012ki labo sadexdaad (1.2 milyan oo tan) raashinki cawimaadda u bixiyay maraykanku waxaa laga gaday sadex shirkadood oo kaliya (ADM, Cargill iyo Bunge).
Sidoo kale waxaa faaiido xoog badan ku qabo raashinka qaaradda madow lagu qubo, shirkadaha gaadiidka leh sida kuwa baabuurta xamuulka ah iyo maraakiibta. Nus ka mid ah lacagti raashinka lagu bixiyay sanadki hore ee aan kor ku soo sheegnay waxaa qaatay maraakiib iyo baqaaro. Taasi waxay ka dhigantahay in , inkastoo 2.8 bilyan doolar raashin lagu magacaabay 1.4 bilyan tirisboot ayaa loo qaatay, haddana xisaabta nagu qoran waa ku jirtaa. 1.4taan nama soo wada gaarto. Hayadaha maraynaka ee raashin qaybinta u xilsaaran waxay rukhso u haystaan inay qaar iibiyaan oo qarashka ay ka helaan isticmaalaan. Sanadki 2001-di dakhligi soo galay 7 hayadood oo maraykanka ugu waaweyn sida CARE, 25% wuxuu ka yimid raashin ay caddaysteen.
Marki caqliga lagu eego, sida uu Maraykan wax u wado yaab ayay leedahay. Qiimaha uu maraakiibta ku bixiyo waxay kuwa caadiga ka qaalisan tahay 46%, waqtiga raashinka ku geeyaanna waxay kuwa dalalka kale dheer yihiin 14 asbuuc. Taasi waxay ka dhigan tahay in khasaare lacageed ugu jiro dowladda maraykanka, sidoo kalana dadka baahan aysan cunnadoodi waqtigi loo baahnaa ku helayn.
Arrintaan waxaa hagayo sharci la qoray 1950-ki oo oranayo "raashinka deeq ahaanta loo siiyo dalalka shisheeye waa in laga iibiyaa beeralayda maraykanka, gudihiisa lagu diyaariyaa, marakiibtiisana lagu qaadaa xitaa haddii ay suura gal tahay in la helo meelo ka raqiisan". Sharcigaan waxaa u dalbanayay 50% kaliya laakiin dowladda Taraam ee hadda soo gashay waxay rabtaa inay ka dhigto 100%. Waa markaan marka aad fahmayso waxay soomaaliddu kaga jeeddo "caqli gaalo iyo indho quraanjo midna lama arko".
Laakiin haddii aad toosh iftiin badan isticmaasho way kuu muuqan ujeedka dowladdu khasaaraha badan u galayso iyadoo qiimo ka jaban heli karto. Raashinkaan waxaa uu keenaa faaiidooyin fara badan. Waxaa ku nool malaayiin qof oo maraykan ah. Kuwa leh beeraha iyo kuwa ka shaqeeyo, kuwa leh maraakiibta iyo kuwa ka shaqeeyo, baqaarada lagu kaydiyo, kuwa ka shaqeeyo diyaarinta iyo jawaan galinta, kuwa leh shirakadaha sameeyo suntan cayayaanka ka ilaaliso iyo inta ka shaqayso, gawaarida waaweyn ee lagu daad gureeyo liisku waa buug muggiis.
Intaas waxaa dheer, in shirakada ka ganasado arrintaan ay awood ku yeesheen baarlamaanka dalka sidaas darteed aan la jiiri karin rabitaankooda. Sanadki 2005ti Buush dowladdiisi ayaa soo jeedisay in rubuc ka mid ah (1.2 bilyan doolar) miisaaniyadda lagu gadayo raashinka deeqda ah loo qorsheeyo in lagaga iibiyo waddamada loo wado. Arrintaas waxaa is hortaagay golaha baarlamaanka waana la marin waayay. Difaacaas bilaash kuma imaan. Beeralaydu waxay 15 milyan oo doolar ku bixiyeen kaambaynki doorashadi 2004ti, doorasho walbana waa sidaas. Intaas oo kaliya maahan. cunnada waa tan lagugu xukumo laguugna manno sheegto. Waa midda dowlado badan oo afrikaan ah ugu hoggaansamaan amarada Maraykanka. Waa mida lagu faafiyo dhaqanka Maraykanka iyo afkaartiisa.
Dadku ma wada moogo khiyaadana meesha ku jirto, qaar badanna iyagoo og ayay ka indho qarsadaan duruufo jiro iyo dano gaar ah dartood. Tusaale, madaxweynaha Yugaandha mudane Msafeeni ayaa laga hayaa "Yugaandha ayaa deeq siiso wadamo kale. Waxaa naga lumo malaayiin lacag ah oo aan heli lahayn sanad walba. Dhab ahaanti dadka reer Yugaandha ayaa ka qayb ka ah shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaale ee waddamo badan. Waxaan nahay deeq bixiyaal aan loo ogayn". Wuxuu kaga jeeday in haddii aysan Yugaandha qaadan raashin, dad badan oo Maraykan ah camal la'aan ku dhici lahayd.Gunaanad
Muran kuma jiro in raashinkaan dhib weyn ku yahay horumka beeraheenna. Waxaan wada ognahay waqtiyada lagu soo beego bixinta raashinka noocaan ah. Waxaan ognahay qiimo jabinta uu ku sameeyo midka innaga noo baxo. Waxaan ognahay in qaar badan oo ka mid ah uu baqaarada uu ku dhaco dadka oo gaajo la tabaalaysan. Hadana saas oo ay tahay masoo jeedinayo in la yiraahdo ha mamnuuco waqtigaan.
Marka koowaad ma lihin dowlad awood u leh fulinta amar mamnuucid. Labo, wali waxaa jiro dad badan oo faaiido ka helo kuna nool xoogaaga la qaybiyo. Tan ugu muhiimsan ayaa ah in hadda aynu u diyaarsanayn in beeralaydeennu booska buuxiso. Go'aannada lab lakaca ah waa kuwi Zimbabwe ka waday waddan raashin dhoofiyo una waday mid raashin deeq ah ku nool. Inta aannan joojin raashin dad kale na siiyaan waa in aan baranaa sida wax loo beerto. Maanta dhiba ugu badan ee haysto beeralaydeennu waa aqoon la'aan horseeday wax soo saar aad u yar. Sidoo kale waxaan jirin qalab fududeeyo kordhinta wax soo saarka. Aan ku mashquulno diyaarinta dad soo saari karo raashin ku filan dadkeenna ka hor inta aanan ku yaacin mid dadkiisa u danaynayo innagana wax naga siiyay ujeeddo gurracanba ha ka danbaysee.Ibrahim Aden ShireIshire86@gmail.comKala soco: https://ibrahim-shire.blogspoat.co.uk
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan - Online. - Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada -@live.com Mahadsanid
storvideo: 

Daawo Sawiradda: Shariif Xasan oo madaxtooyo cusub...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Baydhaba (- Online) - Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa xarigga ka jaray Madaxtooyo cusub, oo Maamulka Koonfur Galbeed uu ka dhistay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Munaasabadan, ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameedyo, xubno ka socday Xukuumadda Somaliya iyo qaybaha bulshada.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa sheegay laga bilaabo maanta in Maamulka Koonfur Galbeed uu ku hawlgeli doono Madaxtooyada cusub ee Maamulkiisu uu ka dhistay Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha waxa uu muujiyay in xaruntan cusub ay ka ballaaran tahay, kana casrisan tahay xaruntii ay ku soo shaqaynayeen labadii sano ee la soo dhaafay.
Madaxtooyada cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed uu ku yeelanayo Magaalada Baydhabo, ayaa waxay ka kooban tahay 25 xafiis iyo howlal loogu talagalay in shirarka lagu qabto.
Xubnihii kale ee ka hadlay xafladan, ayaa bogaadiyay Madaxtooyada cusub ee Koonfur Galbeed ka hirgelisay Magaalada Baydhabo.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Zimbabwe oo weli ka war dhowraysa mustaqbalka Mugabe

$
0
0

Dadweynaha reer Zimbabwe ayaa ka wardhowraya tallaabda xigta eee ay qaadi doonaan milatarirga la wareegay awoodda dalkaasi.
Madaxweyne Mugabe ayaa ku jira xabsi-guri, balse xaaskiisa Grace Mugabe oo dooneysay inay ninkeeda xilka kala wareegto ayaan la ogayn halk ay ku sugan tahay.
Wasiiro ka tirsan dowladda Koonfur Afrika ayaa ku sugan caasimadda Harare iyagoo kulan la leh mas'uuliyiinm ka tirsan ciidammada iyo axsaabta siyaasadda.
Hogmaamiyayaasha urur gobaleedka ay ku mideysan yihiin dalalka Koonfurta Afrika ee SADC ayaa kulan deg deg ah leh maanta oo Khamiis ah.
Qaar badan oo ka mid ah dadka reer Zimbabwe ee ku sugan - Haraare ayaa aqbalay in hogaamiyaha kali ah ee ay yaqiineen tan iyo xoriyaddii xafiiska laga qaado.
Qaar badan oo ka mid ah dadkii ay isku dhawaayeen ayaa isaga dheeraaday xaaskiisa Grace, oo loo arko in ay ahayd qofkii horseeday in militariga ay soo faragaliyaan xaaladda.
Halka ay ku sugan tahay Grace ayaan hadda la ogayn, hasa yeeshee waxaa xabsiga la dhigay dhowr ka tirsan golaha wasiirrada dalkaasi.
Ururka midowga Afrika ayaa sheegay in militariga ay u xaqiijiyeen in tallaabadooda ay tahay mid kumeel gaar ah islamarkana aysan ahayn afgambi.
Gudoomiyaha midowga Africa, Moussa Faki Mahamat oo ku sugan Washington ayaa sheegay in ururka ay ka so horjeedaan isbadal waliba oo aan dastuurka waafaqsanayn oo lagu samaynayo dowlad.
Madaxa midowga Africa Alpha Conde ayaa dhankiisa sheegay in waxa ka dhacay Zimbabwe uu u muuqdo afgambi, wuxuuna ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan dib loogu soo celiyo amar iyo kala dambeyn ku dhisan dastuurka.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe, Antonio Guterres, ayaa dhankiisa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Zimbabwe in ay is xakameyaan.
Militariga Zimbabwe waxay beeniyeen in tallaabadda ay qaadeen ay tahay afgambi militari.
Wakiilo ka socda urur goboleedka wadamada Koonfurta Africa ee SADC ayaa garay Haraare si ay gacan uga gaystaan dhaxdhaxaadinta.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live