Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Waa kuma yaxaaska soo rogaal celiyay ee dalka Zimbabwe?

$
0
0

Dad badan oo reer Zimbabwe ah kama dahsoonayn in Emmerson Mnangagwa uu jeclaan lahaa in uu xilka madaxweynenimada ka badalo Robert Mugabe.
Mugabe-na wuxuu u muuqday in uu sidaa la rabo, maalin ayuuna jagooyin sarsare ka siiyay xisbiga talada haya ee Zanu-PF iyo dawladdaba, taas oo dhalisay in la isla dhexmaro in Mnangagwa uu u yahay "dhaxal suge muuqda", laakiin markii dambe ayuu baalasha ka rifay ka dib markii uu damiciisa aad u sii caddaystay.
Laakiin eryitaankii u dambeeyay ayaa loo arkaa in uu soo afjaray dulqaadkii ninkan lagu magacaabo "yaxaaska".
Ka dib markii uu madaxweynuhu eryay Mnangagwa shaacana ka qaaday in uu khayaannay, taageereyaashiisa iyo laamihii ammaanka ee uu magaca ku yeeshay ayaa hawshii soo dhexgalay iyaga oo isaga matalaya.
Wuxuu gacan ka gaysatay hagidda dagaalkii xornimada ee Zimbabwe ee 1970-yadii, intaas ka dibna wuxuu noqday madixii sirdoonnada intii uu socday dagaalkii sokeeye ee 1980kii, markaas oo kumannaan shacab ah la laayay.
Wuu diiday in uu wax door ah ku lahaa, xasuuqa, wuxuuna ku eedeeyay milatariga.
Laakiin wuu khaldan yahay qofkii is leh madaxweynenimada Mnangagwa waxay keeni doontaa in ay soo afjaranto tacaddiyada xuquuqda aadanaha ka dhanka ah, dadka dhaliishanna waxay sheegeen in 71 jirkan uu gacmaha dhiig ku leeyahay.
Wuxuu ku magac dheer yahay "yaxaas" waana astaanta qabiilkiisa, laakiin si wanaagsan ayuu ugu haboon yahay magacaasi. Sidaas daraadeedna taageereyaashiisana waxaa loogu yeeraa "Lacoste".
Waa kuma Emmerson Mnangagwa?

  • Waxaa loo yaqaanna "yaxaas" sababtoo ah qabiilkiisa ayay astaan u tahay. Taageereyaashiisana waxaa loo yaqaannaa "Lacoste".
  • Tababar milatari ayuu ku soo kala qaatay Shiinaha iyo Masar.
  • Wuxuu gacan ka gaystay hagidda dagaalkii xorriyadda ee 1970yadii.
  • Wuxuu madax u soo noqday sirdoonkii dalkaas intii ay socdeen dagaalladii sokeeye ee 1980yadii, markaas oo kumannaan shacab ah la laayay.
  • Waxaa loo arkayay isku xiraha ciidammada, laamaha sirdoonka iyo xisbiga Zanu-PF.
  • Waxaa lagu eedeeyay in uu maleegay weerarro lagu qaaday taageerayaasha mucaaradka doorashadii 2008-dii ka dib.

Xiriirka uu Kongo la leeyahay
Mnangagwa wuxuu ku dhashay gobolka dhexe ee Zvishavane wuxuuna ka soo jeeda jilibka Karanga ee qawmiyadda Shona ee aqlabiyadda ka ah dalka Zimbabwe.
Karangas waa jilibka ugu ballaaran ee Shona dadka qaarna waxay u arkaan in ay tahay markoodii ay awoodda qaban lahaayeen, ka dib 37 sano oo ay awooda harreeyeen qawmiyadda Zezuru ee uu ka soo jeedo Mugabe.
Warbixin ay 2001-dii soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Mnangagwa loo arko ninka qaabeeya hawlaha ganacsi ee xisbiga Zanu-PF".
Arrintaas ayaa badanaa lala xiriiriyay hawlaha ciidammada Zimbabwe iyo ganacsade u dhashay jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Kongo
Tacaddiyada
Muuqaalka cabsida leh ee Mnangagwa wuxuu yimid intii lagu gudo jiray dagaalkii sokeeye 1980yadii kaas oo u dhaxeeyay xisbiga Zanu ee Mugabe iyo kii Joshua Nkomo ee Zapu.
Markaas oo uu ahaa wasiirka amniga wuxuu sidoo kale xukumay xarruntii dhexe ee sirdoonka CIO, taas oo ay milatarigu u adeegsadeen in ay ku caburiyaan Zapu.
Kumannaan ruux oo shacab masaakiin ah ayaa la dilay, kuwaas oo badankooduna ay ka soo jeedeen qawmiyadda Ndebeles oo loo arkayay taageerayaasha Zapu, ka hor intii labada xisbi aysan isku darsamin ee aysan kumidoobin Zanu-PF.
Wuxuu ku soo tababartay Shiinaha
Mnangagwa ayaa loo arkaa in uu ku naalooday taageerada dad badan oo dagaallada ka soo qaybqaatay kuwaas oo soo hogaamiyay ol'olihii ka dhanka ahaa beeralaydii caddaanka ahayd iyo mucaaradkii 2000 ka dambeeyay.
Waxay ku xasuustaan in uu yahahay mid ka mid ah dadkii hogaamiyay dagaalkii xorriyadda ee 1970yadii, ka dib markii uu tababar ku soo qaatay Shiinaha iyo Masar.
Wuxuu sidoo kale soo dhigtay iskuulka afkaarta ee Beijing School of Ideology, kaas oo uu gacanta ku hayo xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha.
BBC
storvideo: 


Daawo Cabdiraxman Cirro oo war culus kasoo saaray...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Hargeysa (- Online) - Musharraxa xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiraxmaan Cirro oo xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay aqbali doonnaan doorasho xor oo xalaal ah hase ahaatee aanay aqbali doonnin cod xaaraan ah in ay cidina ku badiso - waa sida uu hadalka u dhigaye.
Cirro waxa kale oo uu sheegay in ay joojiyeen wada shaqayntii kala dhaxaysay guddida doorashooyinka Somaliland illaa inta ay ka jawaabayaa cabashooyin uu sheegay in ay u gudbiyeen.
"Waxaan sheegayaa inaan aqbalayno doorasho xor oo xalaal ah hasa yeeshee aanan aqbali doonnin cod xaaraan ah inay cidina ku badiso" ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.
Shalay ayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI wuxuu eedayn dusha uga duuray Guddiga doorashooyinka maamulkaas [NEC].
WADANI, ayaa ku eedeeyay Guddigan inuu la safanyahay garabka Muuse Biixi ee Kulmiyay islamarkaana ay jiraan codad la is-daba mariyay.
Xubnaha u hadlay Wadani waxay ka dhawaajiyeen inuu jiro musuq guddigu sameeyay, waxay sheegeen in codadka Kulmiye loo tiriyey ay ku jiraan kuwo been abuur ah, iyagoo soo bandhigay buug u sameysan sida kaadhadh-ka lagu codeynayey.
- OnlineXafiiska Hargeysa-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Shukaanta gaariga ayuu ku soo xirtay iPhone iyo tablet

$
0
0

17th November 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Booliiska magaalada Vancouver,Canada, ayaa qabtay Dareewal shukaanta gaarigiisa ku soo xirtay Telefoonka gacanta iyo tablet, dhegahana soo gashada Micrafoonka dhegaha la gashado
[embedded content]
storvideo: 

Wasiiro kale oo is-casilaya iyo Kheyre oo aad looga...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Xildhibaan Maxamed Maxamuud Abukaato oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliyed, ayaa wuxuu sheegay in maalmaha soo socda ay iscasilayaan Wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda Somaliya.
Xildhibaan Abukaato, ayaa wuxuu sheegay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliya inay soo gudbiyeen cabasho la xiriirta faragelin Ra'iisal Wasaaraha Somaliya uu ku haayo shaqada Xubnaha qaar ee Golaha Wasiirada Somaliya.
Wuxuu sheegay haddii sidan xaaladda ay ku sii socoto in maalmaha soo socda ay iscasilayaan tiro kale oo ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada Somaliya, kuwaasi oo udulqaadan waayay faragelinta Raiisal Wasaaraha uu ku haayo shaqada Xubnaha Golaha Wasiirada.
"Waxa jirta culeys badan oo ku aadan in shaqada Wasiirada qaarkood lagu haysto, Guddiyo ayaa laga dhinac dhisay, waana culeys marka la eego Wasiir shaqeynaya in shaqadiisa guddiyo ay la wareegaan." Ayuu yiri Xildhibaan Abukaato.
Wuxuu soo hadal qaaday Wasiirkii Gaashaandhigga Somaliya inuu horay isku casilay, haddana ay jiri doonan Wasiiro kale oo meesha ka bixi doona.
Hadalka Xildhibaan Abukaato ayaa wuxuu ku soo aadaya, iyadoo maalintii arbacada aheyd ay iscasishay, Wasiirkii Gargarka Xukuumadda Somaliya Maryan Qaasim.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.co
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacadda Shabelle

Rag hubeysan oo Xalay Dhac ka geystay duleedka Afgooye

$
0
0

Afgooye ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay Rag hubeysan ay dhac xoogan ka geysteen deegaanka Cadow Dibile oo dhaca duleedka Degmada Afgooye ee Gobolkaasi.
Kooxdan hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ay ku fureen dad shacab ahaa oo ku sugnaa deegaankaasi, islamarkaana ay ku dileen halkaasi 1 Qof mid kalena ay ku dhaawaceen, kuwaasi oo ka mid aha dadka deegaanka.
Ilo deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Raggani ay boob u geysteen goobo Ganacsi oo ku yaalla deegaanka Cadow Dibile, islamarkaana arrintani ay ku beertay wal wal xoogan.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Afgooye oo ku aadan arrintani.
Balse inta badan deegaanada Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka dhaca dhibaatooyin ay dadka shacabka ah kala kulmaan Maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan Gobolkaasi.
The post Rag hubeysan oo Xalay Dhac ka geystay duleedka Afgooye appeared first on Shabelle.

Rag hubeysan oo Xalay Dhac ka geystay duleedka Afgooye

$
0
0

Afgooye ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay Rag hubeysan ay dhac xoogan ka geysteen deegaanka Cadow Dibile oo dhaca duleedka Degmada Afgooye ee Gobolkaasi.
Kooxdan hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ay ku fureen dad shacab ahaa oo ku sugnaa deegaankaasi, islamarkaana ay ku dileen halkaasi 1 Qof mid kalena ay ku dhaawaceen, kuwaasi oo ka mid aha dadka deegaanka.
Ilo deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Raggani ay boob u geysteen goobo Ganacsi oo ku yaalla deegaanka Cadow Dibile, islamarkaana arrintani ay ku beertay wal wal xoogan.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Afgooye oo ku aadan arrintani.
Balse inta badan deegaanada Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka dhaca dhibaatooyin ay dadka shacabka ah kala kulmaan Maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan Gobolkaasi.
storvideo: 

Boqorka Sacuudiga oo dhawaan xilka ku wareejinaya...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Riyadh-(SONNA)-Jariiradda Daily Mail ayaa daabacday in Boqorka Dalka Sacudiga, Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-Sa'ud uu xilka ku wareejinayo wiilkiisa 32 jirka ah ee Amiir Maxamed bin Salmaam.
Hadalkan oo ay Jariiraddu kasoo xigatay Qof ku dhow qoyska reer Boqor ayaa intaa ku daraya in Todobaadka soo socdo laga yaabo inuu talada Dalka si buuxda ula wareego Amiir Maxamed haddii aysan arrintu is beddelin.
Boqor Salmaan ayaa la sheegay inuu noqon doono shaqsi sharafeed maamula oo keliya Xaramaynka, balse awoodda kale uu u gacan gelin doono wiilkiisa, kaasoo haatanba saamayn weyn ku talada Waddanka Sacuudiga.
Amiir Maxamed oo lagu naaneyso MBS ayaa in dhowaalaba u gogol xaaranayay la wareegidda maamulka Dalka, markii uu xabsiga dhigay wasiirro,Amiirro iyo Rag magac ku leh Dalka Sacuudi Carabiya, isagoo ku eedeeyay musuqmaasuq baahsan.
Xigasho: Daily Mail
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWasaaradda Amniga XFS oo digniin ka soo saartay falalka lidiga ku ah amniga

storvideo: 


Xukuumadda Soomaaliya oo qabaneyso Shir weyne ay Culimada kala tashaneyso dagaalka Al Shabaab

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheneysa shir weyne Qaran oo ay isugu keeneyso Culimada Soomaaliyeed, si ay ugala tashato dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa diyaarineyso shirkani oo ay Xukuumaddu ku dooneyso in Culimada Soomaaliyeed ay kala kaashato dagaalka Al Shabaab ee uu dhawaan ku dhawaaqay madaxweyne Farmaajo.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng Yarisow” oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkani la qaban doono Bisha soo socoto, islamarkaana looga arrinsanayo sugida amniga iyo dagaalka cusub ee lala galayo Xarakada Al Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa wada Abaabul ka dhan ah Al Shabaab oo weli ku xoogan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
The post Xukuumadda Soomaaliya oo qabaneyso Shir weyne ay Culimada kala tashaneyso dagaalka Al Shabaab appeared first on Shabelle.

Rag hubeyan oo Qof shacab ahaa Xalay ku dilay Degmada Yaaqshid

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay Degmada Yaaqshid  ku dilay Nin Magcaabi jiray Maxamed Yuusuf Cali, kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka.
Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in Garaash uu ku lahaa inta u dhaxeysa Xaafadaha Carafaat iyo Towfiiq Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Yaaqshid oo ku aadan dilkaasi.
Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac gudahood ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyadoona shalay Ruux shacab ahaa lagu dilay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir
The post Rag hubeyan oo Qof shacab ahaa Xalay ku dilay Degmada Yaaqshid appeared first on Shabelle.

Xukuumadda Soomaaliya oo qabaneyso Shir weyne ay...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheneysa shir weyne Qaran oo ay isugu keeneyso Culimada Soomaaliyeed, si ay ugala tashato dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa diyaarineyso shirkani oo ay Xukuumaddu ku dooneyso in Culimada Soomaaliyeed ay kala kaashato dagaalka Al Shabaab ee uu dhawaan ku dhawaaqay madaxweyne Farmaajo.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan "Eng Yarisow" oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkani la qaban doono Bisha soo socoto, islamarkaana looga arrinsanayo sugida amniga iyo dagaalka cusub ee lala galayo Xarakada Al Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa wada Abaabul ka dhan ah Al Shabaab oo weli ku xoogan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
storvideo: 

Rag hubeyan oo Qof shacab ahaa Xalay ku dilay...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay Degmada Yaaqshid ku dilay Nin Magcaabi jiray Maxamed Yuusuf Cali, kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka.
Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in Garaash uu ku lahaa inta u dhaxeysa Xaafadaha Carafaat iyo Towfiiq Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Yaaqshid oo ku aadan dilkaasi.
Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac gudahood ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyadoona shalay Ruux shacab ahaa lagu dilay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir
storvideo: 

Ruushka oo codka qayaxan ku diiday sii wadidda baaritaanka hubka kiimikada Suuriya

$
0
0

Ruushka ayaa codka qayaxan ku hor istaagtay qaraar uu soo dhigay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Ruushka oo codka qayaxan ku diiday sii wadidda...

$
0
0

Ruushka ayaa codka qayaxan ku hor istaagtay qaraar uu soo dhigay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo lagu kordhin lahaa baaritaanka caalamiga ah ee lagu hayo hubka kiimikada ah ee Suuriya gudaheeda lagu adeegsaday.
Waa markii 10 ee Ruushku uu codkiisa qayaxan u adeegsaday qaraarro Qarammada Midoobay la hor keenay, isaga oo arrintaas ku taageeraya dalka ay xulafada yihiin ee Suuriya tan iyo markii uu dagaalku ka billawday dalkaas.
Safriika Maraykanka ee Qarammada Midoobay u fadhida Nikki Haley ayaa Ruushka ku eedaysay in Ruushku uu xagal daacinayo awooddii uu goluhu ku baajin lahaa in weerarro kiimikooyin la adeegsado mustaqbalka.
Safiirka Ruushka ayaase waxba kama jiraan ka soo qaaday eedayntaas.
Guddi isku dhaf ah oo magaciisa loo soo gaabiyo JIM ayaa la sameeyay 2015kii si ay u ogaadaan ciddii weerar kiimiko ah ka gaysata Suuriya.
Mosco ayaase aad u dhaliisha baaritaanka ka dib markii dawladda Suuriya lagu eedeeyay in ay ka dambaysay weerar kiimiko neerfaha waxyeelaysa loo adeegsaday oo lagu qaaday Khan Sheikhoun bishii Abriil.
Suuriya ayaase diiday in ay adeegsatay hub kiimiko ah oo la mamnuucay.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
storvideo: 

Zimbabwe: Shan arrimood oo ay tahay in aad ogaato

$
0
0

Waxaa jiro shan arrimood oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato taariikhda xiisadda siyaasadeed ee Zimbabwe. Halkan ka akhriso.


Mareykanka oo kordhiyay duqeymaha uu ka fuliyo...

$
0
0

Washington ( Sh. M. Network )-Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaaday howlgallada duqeymaha ah ee ay ka fuliyaan Soomaaliya, kuwaasoo ay la bartilmaameedsadaan deegaanada ay ku sugan yihiin Xarakada Al Shabaab iyo Daacish.
Diyaaradaha droneska ee Dalka Mareykanka ayaa illaa iyo bilowgii Sanadkan Soomaaliya ka fuliyay 28 duqeyn oo lagu qaaday qeybo ka mid ah Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan howlgalka Mareykanka ee AFRICOM.
Machadka ku yaalla Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Mareykanka uu dardar geliyay Sanadkan duqeymaha Soomaaliya, iyadoo Sanadkii 2016 uu Soomaaliya ka geystay illaa iyo 15 duqeyn oo dhinaca cirka ahaa.
Duqeymahaasi diyaaradeed uu Machadka sheegay in lagu dilay dagaalyahanno ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.
Colonel rob oo ah Afhayeen u hadlay Aqalka Pentagon ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in weerar duqeyn ah oo todDobaadkii hore ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen 40 dagaalyahan oo ka tirsanaa Uururka Daacish.
Madaxweynaha Mareykanka Donald trump ayaa hore u sheegay in ay kordhin doonaan duqeymaha diyaaradeed ee cirka ee ay la beegsadaan dagaalyahannada Al Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.
storvideo: 

Zimbabwe: Shan arrimood oo ay tahay in aad ogaato

$
0
0

Caalamka wuxuu eegayo tallaabada xigta ee uu militariga Zimbabwe qaadi doono, ka dib markii ay awoodda dalka la wareegeen, madaxweynahana xabsi guri geliyeen.
Hadaba waxaan idiin soo gudbineynaa arrimaha ugu muhiimsan ee ay tahay in aad ka ogaato dalka iyo xaaladda siyaasadeed ee hadda ka taagan.
1. Dhaqaale xumo
Zimbabwe waxay ku jirtay dhaqaale xumo tobankii sano ee la soo dhaafay. Heerarka shaqa la'aanta dalka way kala duwan yihiin, balse shirkadda ugu sareysa ganacsiga dalka waxay sheegtay in ay gaareyso 90 boqolkiiba ka dib qiimeyn ay sameysay horraantii sanadkan.
Zimbabwe waxay dhibaato wayn kala kulantay sicirbarar ku bilowday sanadkii 2008-dii. Dalka wuxuu ku qasbanaaday in uu isticmaalka lacagtiisii joojiyo ka dib markii sarifka uu aad sare ugu kacay.
Dowladda ayaa sameysay lacag cusub oo loo bixiyay Bond ka dib markii middi hore ay aad u yaraatay, balse si degdeg ah ayey middan cusub ku qiima beeshay.
Dadka lacagtooda dhiga bangiyada waxay dhibaato kala kulmaan in ay dib u helaan, ama waxay la kulmaan xakameyn lagu sameeyo inta ay la bixi karaan.
Taasi waxay sababtay in ay sare u kacdo lacagta sida digitalka ah loo isticmaalo. Ka dib markii militariga uu la wareegay awoodda, qiimaha Bitcon ayaa kordhay Arbacadii.
2. Khilaafka Mugabe oo muddo soo jiitamayay
Hoggaamiyaha 93 sano jirka ah waxaa ku jah-wareeray kuwa muddada dheer dhalleeceynayay. Mararka qaar wuxuu kuwaasi ku tilmaamaan "sawirro" dibad joogayaal ah.
Mugabe Waxaa Zimbabwe mar looga arkay geesi kacaan wade ah oo la dagaalamay maamulkii caddaankii laga tirada badnaa.
Balse isaga iyo taageerayaashiisa "waxay adeegsadeen qalalaase, si ay awoodda ugu sii fadhiyaan", wuxuuna isticmaalay dad ka shaqeeya dowladda si uu u xoojiyo xisbigiisa iyo naftiisa.
Xisbiga uu ka tirsan yahay wuxuu sheegay in uu ka hortagayo shuuciyadda iyo gumeysiga, balse dhibaatada dhaqaale ee dalka waxaa xitaa tijaabiyay taageerayaasha daacadda u ah.
Wuxuu markastaa sheegi jiray in uu xilka wareejinayo marka "kacaankiisa" uu dhammaado, balse wuxuu doonayay in uu xusho qofka uu xilka ku wareejinayo, arrintaas oo loo maleynayo in ay sabab u tahay dhibaatada siyaasadeed ee hadda taagan, iyadoo xaaladdiisa caafimaad ay sii liidaneyso.
3. Dalka wuxuu leeyahay xisbi mucaarad
Tan iyo markii Mugabe uu noqday ra'iisul wasaarihii dalka, 1980-kii, ka dib doorashadii ay ilaalineysay Britain, maamulkiisa wuxuu lahaa mucaarad.
Wuxuu dastuurka dalka bedelay 1987-dii, si uu isaga dhigo madaxweyne. Sanadkii 1999-kii, koox mucaarad ah ayaa aasaasay Dhaqdhaqaaqa Is bedelka Dimuquraadiyadda (MDC), waxay sameeyeen isu soo baxyo iyo shaqa joojin guud oo noqotay mid la dareemi karay, maadaama dhaqaalaha uu hoos u dhacay.
Qalalaasaha ka sokow, wuxuu awood u yeeshay in uu gacan adag ku qabto cadowgiisa siyaasadeed iyo kuwa awoodda leh ee xulafada la ahaa. Madaxweyne ku xigeenkii hore Emmerson Mnangagwa waa qofkii ugu dambeeyay ee shaqada laga ceyriyay.
Tallaabooyiinkii ugu dambeeyay ee Mugabe ee uu ku taageeray xaaskiisa Grace si uu xilka ugu wareejiyo waxaa lagu tilmaamay tallaabo aad u dheereyd.
4. Hoggaamiye kastoo la keeno, ma noqonayo is bedelka wayn ee la filayo
Haddii madaxweyne ku xigeenkii la ceyriyay Mnangagwa uu soo noqdo oo uu bedelo Mugabe, waxyaabaha uu la imaanayo ma noqon doonaan kuwo is bedel weyn keena.
Waa halgamaa sare oo kale oo u dagaallamay xuriyadda, waxaa loo arkaa isku xiraha muhiimka ah ee u dhexeeya ciidamada, laamaha sirdoonka iyo Zanu-PF.
Waxaa lagu eedeeyay in uu abaabulay xasuuqyo ka dhacay dalka intii uu socday dagaalkii sokeeye ee dalkaas iyo in uu weeraro ku qaaday taageerayaasha mucaaradka.
Illaa 40-kii sano ee la soo dhaafay, dalka waxaa maamulayay halgamaayaal hore iyo militari, waxayna u muuqataa in faragelintan ay tahay mid lagu sii xoojinayo arrintaas.
5. Weli waxaa suuragal ah in Mugabe uu xilka sii hayo
Sida la ogyahay, dadka reer Zimbabwe laga dhaadhiciyay in bedelidda Mugabe aysan si fog u ahayn mid bedeleysa fikraddiisa siyaasadeed.

  • Halkan ka akhriso taariikhda: Robert Mugabe, Halyeey qaran mise nin Zimbabwe hagardaameeyay?

Qoraal laga aqriyay telefishinka, Militariga wuxuu ku sheegay in si kooban ay awoodda ula wareegeen si ay u "baacsadaan dembiilayaal" ku hareereysan madaxweynaha, balse aysan Mugabe naftiisa dagaal kula jirin.
Waxaa macquul ah in xilka laga qaado marka xaaladdan ay dhammaato, ka dib marka Mnangagwa lagu soo celiyo xilka madaxweyne ku xigeenka, loona diyaariyo in uu bedelo Mugabe.
Sidoo kale waxaa dhici karta in laga dhigo madaxweyne "magac u yaal ah" ayadoo dad kale ay dalka u maamulayaan si toos ah.
storvideo: 

Puntland oo Baaq u dirtay Beesha Caalamka

$
0
0

Boosaaso ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays “Dhado” ayaa ka hadlay howlgallada ciidamada Maamulka Puntland ay ka wadaan Gobolka Bari.
Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in lag wada qeyb qaato dagaallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish oo ku sugan deegaano ka tirsan Maamulkaasi.
Guddoomiye Dhado ayaa Sidoo kale ugu baaqay Beesha Caalamka in ay ka gacan siiso dagaalka ay Puntland kula jirto Kooxda Daacish oo ku suqan Buuraleyda Galgala.
Hadalkan ka soo baxay Puntland ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan diyaaaradaha Mareykanka ee duqeyn ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bari oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Daacish.
The post Puntland oo Baaq u dirtay Beesha Caalamka appeared first on Shabelle.

Dab burbur baaxad leh u gaystay baarlamaanka Cameroon

$
0
0

Dhismaha baarlamaanka dalka Cameroon ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Yaoundé ayuu burbur baaxad leh soo gaaray ka dib markii uu dab qabsaday afarta dabaq ee uu dhismuhu ka kooban yahay.

Puntland oo Baaq u dirtay Beesha Caalamka

$
0
0

Boosaaso ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays "Dhado" ayaa ka hadlay howlgallada ciidamada Maamulka Puntland ay ka wadaan Gobolka Bari.
Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in lag wada qeyb qaato dagaallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish oo ku sugan deegaano ka tirsan Maamulkaasi.
Guddoomiye Dhado ayaa Sidoo kale ugu baaqay Beesha Caalamka in ay ka gacan siiso dagaalka ay Puntland kula jirto Kooxda Daacish oo ku suqan Buuraleyda Galgala.
Hadalkan ka soo baxay Puntland ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan diyaaaradaha Mareykanka ee duqeyn ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bari oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Daacish.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live