Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dab burbur baaxad leh u gaystay baarlamaanka Cameroon

$
0
0

Dhismaha baarlamaanka dalka Cameroon ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Yaounde ayuu burbur baaxad leh soo gaaray ka dib markii uu dab qabsaday afarta dabaq ee uu dhismuhu ka kooban yahay.
Dab damiska ayay u suurtagashay in ay xakameeyaan dabka, kumana uusan faafin qaybta uu baarlamaanku doodadaha ku qabsado.
Illaa iyo hadda ma jiro wax muujinaya in ay dad wax ku noqdeen, durbana lama ogaanin waxa dhaliyay dabka.
Kulankii baarlamaanka ee toddobaadkan waxaa lagaga dooday miisaaniyadda dalka.
Sawirro iyo muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dabaqyada sare oo gubanaya, saacado ka dib markii dambu qabsaday.
Sawirqaade ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in dambka la wada damiyay subaxnimadii saaka.
storvideo: 


QM iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed

$
0
0

Muqdisho( Sh. M. Network )-Dowladda Soomaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan  dhinaca c aruurta ee UNICEF ayaa ka dooday xoojinta sharciga xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed, si ay u helaan xuquuqdooda oo dhameystiran.
Sharciga xuquuqda caruurta ayaa ah mid Caruurta siinayo xuquuqda ay leeyihiin, sida lagu sheegay Axdiga xuquuqda Caruurta ee Caalamka.
Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha  ee Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo madaxa koonfurta iyo bariga Afrika ee hay’ada UNICEF Leila Pakkala ayaa Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay kaga hadlayeen, sidii Caruurta Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen Mustaqbal wanaagsan.
Deeqo Yaasiin ayaa xustay in Caruurta Soomaaliyeed ay wajaheen dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin Colaado, Abaaro iyo arimo kale oo saameyn weyn ku yeeshay, iyadoo intaasi ku dartay in ay hada xaq u leeyihiin in ay helaan Waxbarasho iyo Nolol wanaagsan.
Leila pakkala oo ka socotay hay’adda Caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in Canug kasta oo Soomaaliyeed uu xaq u leeyaha, sida kuwa kale ee Dalalka Caalamka.
Ugu dambeyn Pakala ayaa xustay in ay Kalsooni ku qabto in ka mid ahaanshaha Soomaaliya ee sharciga xaquuqda Caruurta uu suura gelin doono in ay Caruurta Soomaaliyeed ay heli doonaan waxyaabo badan oo ka maqnaa.
The post QM iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed appeared first on Shabelle.

QM iyo Soomaliya oo ka wada hadlay xoojinta xuquuqda...

$
0
0

Muqdisho( Sh. M. Network )-Dowladda Soomaliya iyo hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca c aruurta ee UNICEF ayaa ka dooday xoojinta sharciga xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed, si ay u helaan xuquuqdooda oo dhameystiran.
Sharciga xuquuqda caruurta ayaa ah mid Caruurta siinayo xuquuqda ay leeyihiin, sida lagu sheegay Axdiga xuquuqda Caruurta ee Caalamka.
Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo madaxa koonfurta iyo bariga Afrika ee hay'ada UNICEF Leila Pakkala ayaa Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay kaga hadlayeen, sidii Caruurta Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen Mustaqbal wanaagsan.
Deeqo Yaasiin ayaa xustay in Caruurta Soomaaliyeed ay wajaheen dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin Colaado, Abaaro iyo arimo kale oo saameyn weyn ku yeeshay, iyadoo intaasi ku dartay in ay hada xaq u leeyihiin in ay helaan Waxbarasho iyo Nolol wanaagsan.
Leila pakkala oo ka socotay hay'adda Caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in Canug kasta oo Soomaaliyeed uu xaq u leeyaha, sida kuwa kale ee Dalalka Caalamka.
Ugu dambeyn Pakala ayaa xustay in ay Kalsooni ku qabto in ka mid ahaanshaha Soomaaliya ee sharciga xaquuqda Caruurta uu suura gelin doono in ay Caruurta Soomaaliyeed ay heli doonaan waxyaabo badan oo ka maqnaa.
storvideo: 

Wasiirka Amnga oo sheegay in Tallaabo adag ay ka...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow [Ducaale] ayaa u digay dadka xukuumadda ka faafiya wararka been-abuurka ah, kuwaasoo uu sheegay in shacabka lagu jah-wareerinayo, isla markaana ay lid ku yihiin ammaanka dalka.
Ducaale oo ka hor-hadlayay kulanka Golaha Wasiirada ayaa sheegay inaan marna la aqbali doonin in la qalqal-geliyo amniga, isla markaana ay jiraan dad faafiya wararka aan sal iyo raad lahayn.
"Marna lama aqbali doono shaqsiyaad bulshada ka mid ah ay wararka been-abuur ah oo amniga liddi ku ah ay faafiyaan, waxaana laga qaadayaa ciddii lagu helo tallaabo sharci ah," ayuu yiri Wasiir Ducaale.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday in wararka beetan ah ee lagu faafinayo bulshada dhexdeeda ay khatar weyn ku yihiin sugidda ammaanka. Isla markaana aysan jirin cid ay ka ogolaan doonaan inay ammaanka dalka u geysato dhibaato.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo dhawaanahan baraha bulshada lagu baahinayay warar liddi ku ah amniga iyo qoraalo been abuur ah oo shacabka lagu jah-wareerinayo, kuwaasoo leh astaamaha xafiisyada Dowladda.
Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa waxay sheegtay inay jiraan xubno ka soo horjeeda dowladda, isla markaana doona inay lugaha qabtaan, waxayna sheegeen in xubnaha qorshayaashan ay ku jiraan siyaasiyiin xilal ka waayay Dowladda Somalia, inkastoo aan magacyadooda la sheegin.PUNTLAND POST
The post Wasiirka Amnga oo sheegay in Tallaabo adag ay ka Qaadayaan Dadka beenta ka faafiya DF appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Pentagon-ka oo si kama' ah u sii baahiyay codsiga is casilaadda Trump

$
0
0

Waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa si qalad ah u sii baahisay farriin dalbaneysay in madaxweyne Trump uu is casilo.

Sawirro: Doonyo nooca dheereeya oo loogu deeqay Hay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somalia ayaa loogu deeqay Dooni dheereysa oo loogu tallo galay inay ka howlgasho Badda Somalia.
Hay'adda ayaa Doonidaani ka gudoontay Hay'adda Socdaalka Aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano "IOM".
Doontan oo ay isticmaali doonaan saraakiisha laanta Hay'adda u qaabilsan xuduudaha Badda ayaa lagu fulin doonaa howlgalada raadinta ah ee looga hortagayo socdaalada sharci darada ah ee ka baxaya ama ka soo galaya dalka dhinaca Badda, waxayna laantaani la shaqeyn doontaa ciidamada ilaalada xeebaha Dalka.
Sarkaal ka tirsan Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somalia oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Doontan muhiim u tahay shaqada Hay'adda, islamarkaana lagu ilaalinayo socdaalka xuduudaha Badda, waxayna sidoo kale la shaqeyn doonaan ciidamada Badda Soomaaliya.
Waa doontii ugu horeysay oo lagu ilaaliyo Xeebaha Soomaaliya oo la sii Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo sanadihii dambe ay ka muuqatay soo kabasho xoog leh oo ku socoto si dar dar leh.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Pentagon-ka oo si kama' ah u sii baahiyay...

$
0
0

Waxay haysaa lambarka sirta ah ee nukliyerka, Waxayna madax ka tahay ammniga Mareykanka, qofka madaxa ugu sarreeya u ahna waa nin aad u isticmaala Twitter-ka.
Balse, marka ay timaado in ay xakameyso barteeda Twitter-ka, Pentagon-ka waxaa looga baahan yahay xirfad horumarsan.
Khamiistii, waaxda difaaca ee Mareykanka waxay si kama ah u sii baahisay qoraal ku baaqayay in madaxweyne Trump uu is casilo.
Qoraalka Twitter-ka la geliyay oo sidoo kale ku baaqayay in labo siyaasi oo lagu eedeeyay xadgudub kalmo ay is casilaan, waxaa markii hore billaabay @ProudResister oo ah qof ku can baxay mucaaradidda Trump.
Waxaa lagu yiri: "Xalku wuu fudud yahay. Roy Moore: ka har tartanka. Al Franken: iska casil Gongress-ka. Donald Trump: iska casil xilka madaxweynaha. GOP: joojiya xadgudubyada galmo iyo kala qeybinta. Waa dembi maadaama ay tahay khiyaanadiina."
Barta guud ee waaxda difaaca Mareykanka ee Twitter-ka ayaa farriinta sii baahisay oo u sii gudbiyay 5.2 milyan oo qof oo ku xiran bartaas, balse si degdeg ah ayey ku tirtireen.
Laakiin farriinta ma aysan noqon mid aan la arak. Dad badan ayaa sawirro ka qaaday dibna u soo bandhigay, jawaabta laga bixiyayna waxay ahayd mid si degdeg ah ku sii baahday.
"Uh qof ayaa qalad sameeyay," ayuu soo qoray mid ka mid ah dadka isticmaala Twitter-ka.
Qofkale ayaa yiri: "Waxay u muuqataa qofkii horay uga shaqeyn jiray shirkadda Twitter-ka in uu taageero ka helay Pentagon-ka."
Wuxuu tixraacayay qof u shaqeynayay shirkadda oo horraantii bishan xiray barta Twitter-ka ee Donald Trump.
Barta madaxweyne Trump ayaa hawada ka maqneyd 11 daqiiqo, laakiin waxaa soo baxay su'aalo la xiriira amniga barta madaxweynaha Mareykanka.
Dadka is ticmaala baraha bulshada kumeysan farxin farriinta uu Pentagon-ka sii baahiyay.
"Ma waxaan aamineynaa in si qalad ah loo sameeyay arrintan? Waa in qof u shaqeeya waaxda difaaca iyo qof kastoo caawiyay shaqada laga tiraa," ayuu soo qoray qof Twitter-ka is ticmaala.
Mid kale ayaa ka eegay dhanka xiisaha leh wuxuuna soo qoray: "Afgembi ma dhicin. Madaxweynaha wuu nabad qabaa".
storvideo: 

Daawo: Caaqil Sheegay in uu yahay gudoomiyaha...

$
0
0

Daawo: Caaqil Sheegay in uu yahay gudoomiyaha cuqaasha Muuse Abokor oo Xisbiga Wadani ku Eedeeyey in ay Dadka U Sheegeen in Masiibooyin Sameeyeen
[embedded content]
storvideo: 


Madaxweynaha Somaliland Oo Fariin Dardaaran Iyo...

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Oo Fariin Dardaaran Iyo Waano Ah U Diray Shacbiga Somaliland Guddo iyo Dibedba, Ciidamada Qarankana Ku Amaanay Dedaalka Ay Ugu Jiraan Ilaalinta Nabadgelyada DalkaHargeysa()Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo la hadlay galabta warbaahinta ayaa yidhi" Dhammaan, qaybaha kala duwan ee Shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Lab iyo Dhedig, Caruur iyo Ciroole, Miyi iyo Magaalo, Qurba-joog iyo Qol-qol-joog, Waxaan hawada u marinayaa salaan xambaarsan, nabadgelyo iyo naxariis Eebe, "Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu".Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida aynu wada ognahay, maalintii isniinta ee 13-kii, November 2017-ka, waxa dalka oo dhan looga dareeray codbixintii doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Doorashadii, Eebe Mahadii waxay inoogu dhacday, si nabadgelyo iyo xasilooni leh. Doorashadu waxay si habsami iyo hufnaan leh uga qaybsoontay 21 degmo doorasho, oo hoos taga Lixda Gobol Doorasho ee Dalka. Taariikhda, waa markii ugu horreysay ee dhulka Somaliland oo dhan, doorasho hal mar si habboon uga wada dhacdo.
Guddida Doorashooyinka Qaranku, waxay dalka u asteeyeen (Kun, Lix Boqol, Laba iyo Afartan), goob doorasho, oo ka mid ah degmooyinka kala duwan ee kor ku xusan. Waxaan Shacbiga Somaliland, ku xog-siinayaa in sanaaduuqdaas nabad loogu geeyey, lagagana soo celiyey goobihii lagaga codeynayey dhammaantood. Waxa kale, oo aan xaqiijinayaa, in (4) goobood oo qudha, dalka aanay doorashadii ka dhicin, arrimo la xidhiidha muran deegaanno u dhexeeya darteed.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Doorashada qaybteedii hore, waxay inoogu qabsoontay si qiimo badan, oo aduun-weynuhu inagu majeertay, isla markaana aynu ku helay, Magac weyn iyo Maamuus aan la soo koobi karin. Xilligii lagu jiray ololaha doorashada, waxaynu muujinnay ummad ahaan, in danta guud ee la wada leeyahay, ay ka horreyso ta gaarka loo kala leeyahay.
Dhinaca kale, waxaynu muujinnay bisayl balaadhan oo gaadhsiisan, in iyada oo la loolamayo, hadana la isku ixtiraamo kala duwanaanshaha aragtiyaha siyaasadda, isla markaana cid kasta loogu dulqaato dareenkeeda shakhsi. Waxaynu muujinay, in aynu nahay qaran qaan-gaadhay, oo dedaal iyo isku duubni ku meel-marin kara, hamigooda iyo himilooyinkooda siyaasadeed.
Soomaalidu, waxay ku maah-maahdaa "Biyo Gacmahaaga Ayaa Lagaga Dhargaa"
Sidaa darteed, ummad ahaan waynu isku tashanay, inaga oo ka soo doognay duruufihii iyo diiftii abaarta, hadana waxaynu dhabarka u ridannay, dhammaan kharashkii ku baxay doorashada, taas oo ahayd mid ugub ah. Waxaynu ku guulaysannay, in aynu isku jillo dhaqankeenii soo jireenka ahaa, iyo geedi socodkii dimuqraadiyadda, oo ahayd jid inagu cusub.
Waxaanu ilaalinnay, in aan hantida ummadda loo adeegsan ololaha doorashada. Sidoo kale, waxa war-baahinta Dawladda loo isticmaalay si siman oo xaq-soor leh. Doodihii maqalka iyo muuqaalka ahaa, ee dhex-maray Musharixiinta, iyo hab-dhaqankii xil-kasnimada lahaa, ee ay muujiyeen Madaxda iyo Mas'uuliyiinta Xisbiyada Qaranku, mudadii ololaha lagu jiray, waa mid mudan in aynu ku faanno, oo aan asaageen, aduunka wada qabin.
Waxaan leeyahay, qaran ahaan, maanta guul weyn ayeynu gaadhnay, taas oo uu ka markhaati kacayo nacab iyo nasteexba. Sumcad iyo sharaf weyn ayeynu ku helnay, qaabkii doorashadu dalka uga dhacday, taasna waxa si rasmi ah uga markhaati kacay, war-bixinta ay sii daayeen goob-joogayaashii caalamiga ahaa, ee kormeerka ku sameeyey gobollada iyo goobaha doorashooyinka dalka.Ma jirto, cid gaar u guulaysan doontaa, balse dhammaanteen waynu wada guulaysan doonnaa. Waxaan leeyahay, ummadaha gobta ah, manfac ma wada deeqo, ee waxa wada deeqa milgaha iyo magaca ay wada leeyihiin.
Sidaa darteed, waxa inala gudboon, in aynu adkayno amnigeena, isla markaana aynu wada-jir u ilaashanno libtaa iyo guushaa aynu mudada dheer guul-galka u ahayn. Waxaan hambalyo halkan uga jeedinayaa Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo hawl-wadeenadooda, sidii ay u guteen xilkii iyo waajibaadkii saarnaa. Waxaan kula dardaarmayaa, in ay inta hadhay, guntiga dhiisha iskaga dhigaan, oo dedaalka iyo daacadnimada halkaa ka sii wadaan.
Dhinaca kale, waxaan ku adkaynayaa, in ay iska ilaaliyaan gudoon jilicsan iyo gar weecsan, ama gar eexo. Waxaan Shacbi-weynaha Somaliland ku hambalyeynayaa, sida ay gacanta buuxda u siiyaan goor kasta, Ciidammada ku hawlan sugidda amniga iyo difaaca qaranka. Sidoo kale, waxaan ku boggaadinayaa, deganaanshihii, dul-qaadkii, iyo bisaylkii ay muujiyeen, mudadii lagu jiray ololaha iyo maalintii codaynta.
Dhinaca kale, waxaan bogaadinayaa Ciidammada kala duwan ee Qaranka, oo ah geesiyaasha suurtagaliyey in doorashadu ku qabsoonto nabadgelyo iyo xasilooni. Waxaan hoggaamiye ahaan ka xumahay, in quruxdii iyo qiimihii, aynu samaynay, ay isku dayayaan shakhsiyaad koobani, in ay qoomaan. Waxa habeenkii xalay, qaybo ka mid ah suuqyada magaalada Hargeysa iyo Burco, rabshado ka sameeyey taageerayaal la kiciyey, iyada oo aan Guddida Doorashooyinku soo saarin wax natiijo ah. Rabshadahaasi waxay sababeen in dhaawacyo loo gaysto ilaa 19 Askari, oo ka mid ah Ciidammada.
Dhinaca kale, waxay sababeen dhimashada laba qof oo rayid ah, iyo in ay ku dhaawacmaan dhawr kale. Waxaan ka tacsiyadaynayaa, qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxeen Marxuumiintaasi, waxaanan Eebe uga baryayaa inuu ka waraabiyo naxariistii janno. Waxaan guud ahaan, ka tacsiyadaynayaa Ciidammada Qaranka, ee ku hawlan adkaynta amniga, dhibaatooyinka kala duwan, ee ay kala kulmaan shacbigooda ay u adeegaan, habeen iyo maalinba. Waxaan ku guubaabinayaa, in aanay damqin duruufahaasi, isla markaana ay kordhiyaan sabirka iyo dulqaadka ay u leeyihiin dadkooda. Dhinaca kalena, ay xoojiyaan tudhaalaha iyo hab-dhaqanka fiican ee ay ku waajahayaan xisadaha ay wadaan dadweynaha qaar ka mid ahi.
Duco-qabayaal, waxaad ka dhigan-tihiin, Geed Dhagax lagu tuurayo, oo isaguna midho u soo daadinaya Qofkii Shiiday. Waxaan Shacbiga Somaliland u cadaynayaa, in aan loo dul-qaadan doonin, cid kasta oo isku dayda, in ay abuurto fidno iyo fad-qalallo, isla markaana, khal-khal gelisa amniga iyo deganaanshaha Dalka. Waxaan leeyahay shacbiga, is dejiya oo ha wel-welina, kalsoonina qaba, dhinaca kalena, ilaaliya nabadgelyada iyo xasilloonida.
Waxa reebban, in Xisbi gaar ahi ku dhawaaqo inuu guulaystay, ka hor inta aan Guddida Doorashooyinku ku dhawaaqin natiijada doorashada. Waxa reebban, in taageerayaasha Xisbiyadu sameeyaan debaal-degyo iyo mudaharaado toonna, ka hor inta aan Guddida Doorashooyinku ku dhawaaqin natiijada doorashada. Waxaan farayaa Hay'adaha Amniga, in ay daba-gal buuxa ku sameeyaan, dadka ku hawlan dibin-daabyada dalka iyo abuurista colaad sokeeye, waxaana waajib ah, in la horkeeno garsoor iyo cadaalad madax-bannaan.
Waxaan ugu baaqayaa, musharixiinta iyo madaxda Xisbiyada Qaranka, in ay xakameeyaan cadhada iyo caadifadda taageerayaashooda. Dhinaca kale, waxa waajib ku ah, in ay taageerayaashooda ka ab-hiyaan bannaan-baxyada iyo rabshadaha. Mar kale, waxaan ugu baaqayaa Xisbiyada qaranka in ay cabashadooda u maraan dariiq sharci, isla markaana u hoggaansamaan anshaxa iyo awaamiirta ay soo saaraan Guddida Doorashooyinka Qaranku. Waxaan leeyahay musharixiinta tartamaysa, ha filanina in aad guulaysataan qudha. Hasa-yeeshee, waa in aad filataan, oo cindigiina gelisaan, guul iyo guul darro".
storvideo: 

Faaqidaadda Toddobaadka: Doorashadii Somaliland

$
0
0

Ku soo dhawaada barnaamijka Faaqidaadeda Toddobaadka, oo aan diiradda ku saareyno doorashadii madaxtinnimo ee Somaliland ka dhacday 13-kii November, 2017. Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa soo jeedinaya.

Faaqidaadda Toddobaadka: Doorashadii Somaliland

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Ku soo dhawaada barnaamijka Faaqidaadeda Toddobaadka, oo aan diiradda ku saareyno doorashadii madaxtinnimo ee Somaliland ka dhacday 13-kii November, 2017. Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa soo jeedinaya.
storvideo: 

Faaqidaadda: Doorashadii ka dhacday Somaliland

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Barnaamijkii faaqidaadda todobaadka, waxa uu toddobaadkan ku saabsan doorashadii madaxweyne ee ka dhacday Somaliland.
Wariyeheenna Barkhad Maxamud Kaariye ayaa Magaalada Hargeysa ka soo diray, soona jeedinaya.
storvideo: 

Daawo: Gudoomiye Ciro Oo Shuruudo Adag Maanta hor...

$
0
0

Daawo: Gudoomiye Ciro Oo Shuruudo Adag Maanta hor dhigay in Heshiis iyaga iyo Gudida doorashyinka dhexmaraa gudidaasi sidoo kalena Ciidanka Booliska ku eedeeyey in ay Rasaas nool nool dadka ku laayeen
[embedded content]
storvideo: 

Sawirro: Taageerayaasha Raila Odinga oo rabshado ka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Saving Somalia Through Debt Relief

$
0
0

Julius Nyerere, the first president of Tanzania, once asked his country's creditors a blunt question: "Must we starve our children to pay our debts?" That was in 1986, before the public campaigns and initiatives that removed much of Africa's crushing and unpayable debt burden. But Nyerere's question still hangs like a dark cloud over Somalia.
Over the last year, an unprecedented humanitarian effort has pulled Somalia back from the brink of famine. As the worst drought in living memory destroyed harvests and decimated livestock, almost $1 billion was mobilized in emergency aid for nutrition, health, and clean water provision. That aid saved many lives and prevented a slow-motion replay of the 2011 drought, when delayed international action resulted in nearly 260,000 deaths.
Yet, even after these recent efforts, Somalia's fate hangs in the balance. Early warning systems are pointing to a prospective famine in 2018. Poor and erratic rains have left 2.5 million people facing an ongoing food crisis; some 400,000 children live with acute malnutrition; food prices are rising; and dry wells have left communities dependent on expensive trucked water.
Humanitarian aid remains essential. Almost half of Somalia's 14 million people need support, according to UN agencies. But humanitarian aid, which is often volatile and overwhelmingly short-term, will not break the deadly cycles of drought, hunger, and poverty. If Somalia is to develop its health and education systems, economic infrastructure, and the social protection programs needed to build a more resilient future, it needs predictable, long-term development finance.
Debt represents a barrier to that finance. Somalia's external debt is running at $5 billion. Creditors range from rich countries like the United States, France, and Italy, to regional governments and financial institutions, including the Arab Monetary Fund.
But Somalia's debt also includes $325 million in arrears owed to the International Monetary Fund. And there's the rub: countries in arrears to the IMF are ineligible to receive long-term financing from other sources, including the World Bank's $75 billion concessional International Development Association (IDA) facility.
Much of the country's current debt dates to the Cold War, when the world's superpower rivalry played out in the Horn of Africa. Over 90% of Somalia's debt burden is accounted for by arrears on credit advanced in the early 1980s, well before two-thirds of today's Somali population was born.
Most of the lending then was directed to President Siad Barre as a reward for his abandonment of the Soviet Union and embrace of the West. Military credits figured prominently: over half of the $973 million in US debt is owed to the Department of Defense. Somalia got state-of-the-art weaponry, liberally financed by loans. The IMF was nudged into guaranteeing repayment through a structural adjustment program. Repaying the debt today would cost every Somali man, woman, and child $361.
None of this would matter if Somalia had qualified for debt reduction. The Heavily Indebted Poor Countries Initiative (HIPC), created in response to the great debt relief campaigns of the 1990s, has written off around $77 billion in debt for 36 countries. Somalia is one of just three countries that have yet to qualify. The reason: the arrears owed to the IMF. (Eritrea and Sudan have also not qualified, for similar reasons).
The IMF view is that Somalia, like earlier HIPC beneficiaries, should establish a track record of economic reform. This will delay a full debt write-off for up to three years, exclude Somalia from long-term development finance, and reinforce its dependence on emergency aid. Other creditors have endorsed this approach through silent consent.
Somalia deserves better. President Mohamed Abdullahi Mohamed's government has demonstrated a commitment to economic reform, improved accountability, and transparency. For two years, it has adhered to an IMF program, achieving targets for improving public finance and the banking sector. More needs to be done, especially in terms of domestic resource mobilization. But this is the first Somali government to provide the international community with a window of opportunity to support recovery. We must capitalize on it.
Waiting three more years as Somalia ticks the IMF's internal accounting boxes would be a triumph of bureaucratic complacency over human needs. Without international support, Somalia's government lacks the resources needed to break the deadly cycle of drought, hunger, and poverty.
Somalia's children need investment in health, nutrition, and schools now, not at some point in the indefinite future. Investing in irrigation and water management would boost productivity. With drought-related livestock and crop losses estimated at around $1.5 billion, government-supported cash payment programs would help aid recovery, strengthen resilience, and build trust.
The benefits of these investments would extend to security. Providing the hope that comes with education, health care, and the prospect of a job is a far more effective weapon than a drone to combat an insurgency that feeds on despair, poverty, joblessness, and the absence of basic services.
There is an alternative to IMF-sponsored inertia on debt relief. The World Bank and major creditors could convene a creditor summit to agree to terms for a prompt debt write-off. More immediately, the World Bank could seek its shareholders' approval for a special mechanism - a "pre-arrears clearance grant" - that would enable Somalia to receive IDA financing.
There is a precedent for this: In 2005, the US championed World Bank financing for Liberia, which at the time had significant IMF debt after emerging from civil war.
The technicalities can be discussed and the complexities resolved. But we should not lose sight of what is at stake. It is indefensible for the IMF and other creditors to obstruct Somalia's access to financing because of arrears on a debt incurred three decades ago as much through reckless lending as through irresponsible borrowing.
Somalia's children played no part in creating that debt. They should not have to pay for it with their futures.
Source: - Project Syndicate
storvideo: 


Wadahadalo U Bilaawday Guddiga Doorashooyinka...

$
0
0

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ahna Musharax Madxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo ay dad ku geeriyoodeen.
Marka hore waxa uu ka dalbaday Ciidamada Maamulka Soomaaliland in ay Shacabka dhowraan isla markaana aysan u adeegsan rasaas nool nool.
Sidoo kale waxa uu sheegay in uu wadahadal u bilaawday Masuuliyiinta Xisbiga WADANI iyo Guddiga doorashooyinka kadib markii Xisbigaas ay horay u sheegen in ay Wadashaqeyntii guddiga ay hakiyeen.
Waxa uu sheegay in kulankooda uu Maalintii labaad socdo isla markaana uu rajeynayo in Guul laga gaari doono wadahadalkooda.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Mudanayaal Maraykan Ah oo Soo Dhaweeyey Hawlgalka...

$
0
0

Ilaa 6 Mudane oo ka tirsan Xisbiyadda Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee dalkaasi ayaa si wadajir ah u soo saaray Qaraar tirsigiisu yahay 630 ee Aqalka Kongareeska, waxayna cambaareeyeen Qarixii bil ka hor ka dhacay Isgoyska Zoope ee ay ku geeriyoodeen 350-qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale.
Qaraarkaasi waxaa dib loogu xaqiijiyey Taageeradda ay Dowladda Maraykanka siiyo Somalia.
Qaraarkaasi oo ay soo saaray 3 Mudane oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga iyo 3 kale oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, waxaa ka mid ah Keith Ellison oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto Minesota iyo Tom Emmer oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi.
Mudanayaashaasi waxay Qaraarkooda ku sheegeen inay tacsi u dirayaan Ehelladda ay dadka kaga geeriyoodeen qarixii bishii October ka dhacay Muqdisho, kaasi oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Somalia.
Waxay kaloo sheegeen in dadkii ku geeriyooday Qaraxaasi ay ka mid ahaayeen ugu yaraan 3 Somali-Maraykan, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jirey Axmed C/kariim Ciyow, Maxamuud Cilmi iyo Abuukar Daahiye.
Dhinaca kale, Keith Ellison oo ah Mudanaha keliya ee Muslimka ah ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka waxa uu sheegay inuu si xooggan u cambaaraynayo Colaadaha aan micnaha lahayn, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inay xaqiijinayaan Taageeradda ay Maraykanka siiyaan Somalia.
Qaraarka Mudanayaasha ka tirsan Labada Xisbi ee ka dhisan Maraykanka oo ka koobnaa 6 qoddob, waxaa ugu muhiimsanaa Cambaaraynta iyo Tacsiyeynta ka sokow waxaa lagu xusay inay aqoonsan yihiin dadaalka muuqda ee ay DFS iyo Dowladaha qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM iyo Ciiddanka Maraykanka ka jooga Somalia.
Waxay kaloo sheegeen inay mar kale xaqiijinayaan Taageeradda Maraykanka ee dadaalka DFS ugu jirro Ammaanka, Nabadda iyo Deganaanshaha iyo Taageeradda ay Shacabka iyo Dowladda Maraykanka la garab taagan yihiin Dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka.
storvideo: 

Bannaan baxyo ka dhacaya Zimbabwe

$
0
0

Zimbabwe(SONNA) Iyadooweli madaxweyne Roberta Mogabe uu diidan yahay in uu xilka ka dego,ayaa hadana madaxda Xisbiga talada dalka Zimbabwe haya ee ZANU-PF sare u qaaday cadaadiska uu ku hayo Madaxweyne Robert Mugabe,waxaaan ay ugu yeereen in uu xilka baneeyo.
Saraakiisha sar sare ee Hoogamisa xisbiga ZANU-PF ayaa Mugabe ka dalbanaya in uu xilka iska casilo kadib markii maalintii arbacada ay ciidamada Militariga la waregeen awodda dalkaasi.
Balse Madaxwayne Robert Mugabe wuxuu doonayaa in uu xilkasi ssii hayo ilaa xisbiga uu ku yeelanayo shirka qara ee la filayo in bisha soo socota lagu qabtay Dalkaasi.
Banaan bax ballaaran oo ay taageerayaan militariga Zimbabwe iyo Saraakiisha xisbiga ZANU-PF ayaa lafilayaa in maanta uu ka dhoco magaalada Haraare ee Caasimadda Dalka Zimbabwe.
Hogaamiyayaasha ururka ay ku bahoobeen galbeedka Afrika ayaa wada dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro,iyadoo Madaxwayne Robert Mugabe uu shalay markii ugu horreysay tan iyo arbacadii ka soo muuqda goob fagaara ah isaga oo ka qaybgalay xaflad qalinjabin ahayd.
Madaxweyne Mugaabe ayaa saran cadaadis xoogan oo dhankasta kaga imaanaya,kaasi oo ah in uu talada wareejiyo maadaama muddo 40 sano ah uu soo maamulayay dalkaasi,tan iyo 1988kii
Militariga Dalkaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in ay wada hadal kula jiraan balse ay soo sheegi doonaan natiijada ka soo baxda wadahadaladaasi.
storvideo: 

Imisa ayaa lagu qiyaasi karaa ciidamada Mareykanka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Dowlada Mareykanka ayaa qirtay in Somalia ay ka joogan ciidamo farabadan oo dhanka amaanka kala shaqeeya dowlada Federaalka ah ee Somlia.
Mareykanku waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay garab u yihiin dowlada Somalia iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan Somalia.
Wasaaradda Gaashandhigga Maraykanka, ayaa daaha ka rogtay inay jiraan ciidamo kor u dhaafaya 500 askari oo Mareykan ah kuwaa oo ku sugan gudaha Somalia.
Warbaahinta Fox News ayaa sheegtay in ciidamadaasi ay kordheen muddooyinkii ugu danbeeyay, halka markii hore ay ahaayen kuwo tirro yar oo aan kasoo bixi jirin goobaha ay ka howlgalaan.
Waxay noqonaysa mid kor u qaada tirada ciidamada Mareykanka ee Somalia tan iyo horraantii 2014, markaa oo qiyaastii labaataneeyo askari ay halkaa yimaadeen markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1993.
Saraakiisha ka howlgasha Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan 28-weeraro cirka oo Maraykanku ay ka fuliyeen gudaha dalka sanadkan.
Weerarada oo intooda badan ay ka mid yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo sida ay sheegayaan lala bartilmaameedsanayo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee al-Shabaab.
Geesta kale, ciidamada Maraykanka waxa ay sidoo kale sameeyen weerarkii ugu horeeyay ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Daacish ee Soomaaliya bilowgii bishan.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Wasiir Yuusuf Garaad”Waxaa na casuumay Xoghayaha...

$
0
0

Washington(SONNA) Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku faah faahiyaya Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya,shir ka dhacay Dalka Mareykanka kaasi oo u dhexeeya madaxda Africa iyo Mareykanka.
Maanta waxaan Soomaaliya ku metelay shir ka dhacay Washington oo magaciisu yahay Shirka heer Wasiir ee Ganacsiga, Ammaanka iyo Dowlad Wanaagga.
Waxaa looga hadlay ganacsiga dalalka Afrika dhexdooda ah iyo kan ay la leeyihiin ama ay la lahaan karaan Mareykanka. Waxaa laga hadlay caqabadaha hor taagan horumarka ganacsiga siiba xudduudaha qafilan, musuqmaasuqa iyo tayada wax soo saarka warshadaha qaarkood oo heer tartan geli karta aan taagneyn.
Waxaa la eegayay kororka tirsada dadka qaaradda iyo horumarka uu dhaqaaluhu sameyn karo 2020, 2050 iyo weliba ka sii dib.
Waxaa laga hadlay la dagaallanka argagixisada.
Waxaa kale oo la soo qaaday sida ay dhallinyaradu uga qeyb qaadan karaan siyaasadda iyo howlaha kale ee dalkooda ka socda.
Arrintaas marka aan ka hadlay, tusaaleyaasha aan soo qaatay waxaa ka mid ahaa sida ay dhallinyarada Soomaaliyeed isu abaabushay iyo kaalinta ay ka qaateen gurmadkii billowday 14-kii Oktoobar.
Marka aan soo qaaday gurmadkaas, waxaan u mahadceliyay dhammaan dalalkii noo soo gurmaday oo ay ugu dambeysay Rwanda.
Ujeeddada shirka waxaa lagu soo koobi karaa in la horumariyo Ganacsiga iyo maalgashiga, la dhiirri geliyo Dowlad wanaagga lagana hortago argaggixsada.
Waxaa ka qeyb galay soddomeeyo Wasiir Arrimo Dibadeed oo Afrikaan ah, waxaana na casuumay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo isaguna goob joog ahaa.
Shirku wuxuu ka dhacay xafiiska Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live