Xisbiga maamula dalka Zimbabwe ee Zanu-PF ayaa Mugabe ka qaatay xilka hoggaaminta xisbiga.
Waxaa loo magacaabay in xisbiga uu hoggaamiye ka noqdo madaxweyne ku xigeenkii hore, Emmerson Mnangagwa - kaas oo laba isbuuc ka hor uu mUgabe ka ceyriyay xilka.
Shaqa ka tiriddii Mr Mnangagwa ayaa sababtay qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka jira, taas oo dhalisay in militariga uu maamulka dalka la wareego si ay 93-sano jirka Zimbabwe hoggaaminayay 37-sano, uga hor istaagaan in xaaskiisa Grace ka dhigo madaxweynaha dalka.
Tobannaan kun oo qof ayaa shalay oo Sabti ahayd ka qeybgalay dibadbaxyo ka dhan ahaa qoyska Mugabe.
Mr Mugabe ayaa maanta oo Axad ah la filayaa in uu la kumo hoggaamiyayaasha militariga, waxaana la arkayay gawaari ka soo baxaysa gurigiisa gaarka ah ee Harare.
storvideo:
Xibiga Zanu-PF oo Mugabe shaqada ka tiray
Tacsi ku socota Maxamed Yasiin Gabay-Xadi(Colaad) oo...
Tacsi ku socota Maxamed Yasiin Gabay-Xadi(Colaad) oo adeerkii ku geeriyooday Dubai
Waxa Daabacay staff-reporter on Nov 19th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
INNAA lillaahi wa innaa ilayhi RAAJICUUN Anaga oo ah jaaliyada degen UAE waxaan tacsi u diraynaa Dhamaan reer Gabay-Xaddi, Geerida ku timid Marxuum Axmed-Yasin Gabay-Xaddi oo ku geeriyooday Dubai.Marxuumku wuxuu ahaa Guurti, Siyaasi, ganacsade iyo nin caan ah oo laga yaqaan deegaanada soomaalida, wuxuu ku dhashay Oodweyne 1928.Si gaar ah waxaan tacsi u diraynaa Maxamed Yaasiin Gabay-Xaddi (Colaad)Bashir Sh Cumar GoodDr. Sacad X. XirsiC/raxmaan Cumar Sh.(Indho)X.C/laahi Cali BahalRooble Cumar kabaalCamar Aaden LiibaanMaxamed X. Nuur MuxumedMaxamuud Aw DucaaleIlaahay waxaan uga baryaynaa inuu Janadii fardawsa ka waraabiyo, dhamaanba ehelkii iyo Qoyskii uu ka baxay Samir iyo iimaan.Awdalpress
This post has been viewed 30 times.
storvideo:
Xibiga Zanu-PF oo Mugabe shaqada ka Ceyriyey
Xisbiga maamula dalka Zimbabwe ee Zanu-PF ayaa Mugabe ka qaatay xilka hoggaaminta xisbiga.
Waxaa loo magacaabay in xisbiga uu hoggaamiye ka noqdo madaxweyne ku xigeenkii hore, Emmerson Mnangagwa - kaas oo laba isbuuc ka hor uu mUgabe ka ceyriyay xilka.
Shaqa ka tiriddii Mr Mnangagwa ayaa sababtay qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka jira, taas oo dhalisay in militariga uu maamulka dalka la wareego si ay 93-sano jirka Zimbabwe hoggaaminayay 37-sano, uga hor istaagaan in xaaskiisa Grace ka dhigo madaxweynaha dalka.
Tobannaan kun oo qof ayaa shalay oo Sabti ahayd ka qeybgalay dibadbaxyo ka dhan ahaa qoyska Mugabe.
Mr Mugabe ayaa maanta oo Axad ah la filayaa in uu la kumo hoggaamiyayaasha militariga, waxaana la arkayay gawaari ka soo baxaysa gurigiisa gaarka ah ee Harare.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo:
Mooshinkii Guddoomiye Jawaari oo laga yaabo in la...
Hadal heynta siyaasada dalka maalmahaan waxay aheed in Mooshin laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari in kastoo arinkaa aanu wali shaacin Xafiiska Gudoonka Baarlamaanka Soomaalia.
Dadka Falanqeeya Arimaha siyaasadda Soomaaliya waxa ay sheegeen mooshinka ka dhanka ah Jawaari in uusan Ansax noqoneyn inta uu kursiga gudoonka Baarlamaanka isaga uu fadhiyo, Balse si mooshinka uu u meelmaro waxaa la tilmaamay in Gudoomiye Jawaari uu Safar dibada ah aado ama Ku sime Madaxweyne uu noqdo si Gudoome ku xigeenka Baarlamaanka uu usaxiixo Mooshinkaas.
Hada Mr Jawaari waa kusimaha Madaxweynaha Dalka waxaana lays weydiinayaa waxa ka rumoobi kara wararka Mooshinka la xiriira.
storvideo:
Laascaanood “Anagaa haysana”
19th November 2017 admin Category :
Shalay xaaraan waxa ku haystay rer laascaanood Dahab shiil iyo Somtel, maantama Dahabshiil ayaa gacanta ku dhigtay Saamiyadii ugu waawaynaa ee Shirkadaha Waawayn ee Korontada ee LESCO iyo Gurmad . waxayna bilaabeen inay lacagta kordhiyaan oo miirtaan dhiiga danyarta Dhulbahante si ay u maal geliyaan jabhadda Habr jeclo ee dhul balaarsiga ka wada gobolada Sool iyo Togdheer
[embedded content]
storvideo:
Ugu yaraan afar qof lagu dilay Nairobi
Ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyay in xalay lagu dilay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dadka deegaanka ayaa sheegay in koox ku hubeysan qoryo iyo baangado ay weerareen xaafado kala duwan, ayna ku dileen dad, hantina dheceen.
Booliska ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdada iyo waxa sababay. Maydadka ayaa lagu tuuray meelo qashin qub ah.
Mid ka mid ah meesha maydadka laga helay - Mathare - waa meesha ay ka dheceen rabashadihii ugu xumaa ka dib doorashadii lagu murmary ee bishii August, sanadkan.
Sabtidii, sidoo kale rabshado ayaa ka dhacay Nairobi kuwaas oo u dhexeeyay booliska iyo taageerayaasha Raila Odinga oo doonayay in ay hoggaamiyahooda soo dhoweeyaan.
Raila oo diiday in uu ka qeybgalo doorashadii ku celiska ahayd ee October ayaa Kenya ka maqnaa 10 maalmood.
Isniinta ayaa la filayaa in mar kale ay maxkamad go'aan ka gaarto doorashada lagu celiyay oo weli sax ahaanteeda lagu muran san yahay.
Wararka ayaa sheegaya in ay isku dheceen booliska iyo dadka deggan isku-raranka dadka lagu dilay ee Nairobi.y
Afarta qof ee dilay, oo seddax rag yihiin midna dumar tahay, waxaa ku yaalla dhaawacyo loo maleynayo in ay sababeen baangad iyo middi.
Dilkaasi ayaa sababay rabshado ku faafay xaafadaha qaar ee Nairobi, iyadoo booliska ay isku deyayaan in ay ka hortagaan dad careysan oo dibadbaxaya.
Taliyaha booliska Nairobi, Japheth Koome, oo xaqiijiyay dilka dadkaasi ayaa tilmaamay in ay billaabeen baaritaan, balse wuxuu diiday eedaha sheegaya in dagaal qabiileed ka dhashay xiisadda siyaasadeed ay ugu wacan tahay. Wuxuu tilmaamay in dhacdada ay tahay "shaqada dembiilayaasha burcadda ah".
Dilkan ayaa imaanayo maalin ka dib markii shan qof la dilay xilli ay garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi ku soo dhoweynayeen Raila Odinga, taas oo ay ka dhalatay rabsho.
storvideo:
Horjoogaha Shabaabka Kenya oo qarka u saaran inuu ku...
Muqdisho (- Online)-Wargeyska Standard Media, ayaa baahiyay inuu jiro khilaaf xoogan oo ka dhex aloosan Horjoogayaasha al-Shabaab iyo kuwa Kenya.
Khilaafka al-Shabaabka Somalia iyo kuwa Kenya ayaa sababay inuu baxsad noqdo Horjoogaha al-Shabaabka Kenya Axmed Iimaan Cali.
Sirdoonka dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen Hogaamiyaha Shabaab ee dalka Kenya Axmed Imaan uu doonaayo inuu ka baxo guud ahaan al-Shabaab, kadib markii uu yimid khilaaf.
Axmed Iimaan ayey isku dhaceen hogaanka sare ee al-Shabaab, kadib markii uu ka hor yimid dilal lagu fuliyay xubno ka tirsan dagaalyahanada Kenya oo lagu eedeeyay inay ku xiran yihiin Al-Shabaab.
Maleeshiyada Shabaab ayaa Magaalooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe ku dilay rag Shabaab ka tirsan oo Kenyan ah, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen inay jawaasiis ahaayeen.
Axmed Imaan oo arintaasi ka carooday ayaa Saraakiisha Sirdoonka dalka Kenya waxa ay sheegeen inuu la wadaagay hoggaanka Sare, balse wax laga qaban waayay.
Axmed Iimaan oo madax u ah Guutada Jeysh Al Ayman oo u badan dagaalyahano Kenyan ah oo ka bar bar dagaalama Al-Shabaab ayaa ka soo horjeestay qaabka al-Shabaab u fuliyaan dilalka dagaalamayaasha Kenyanka ah.
Axmed Iimaan oo madaxiisa la dul dhigay mallaayiin doolar ah, ayaa horay uga soo muuqday Muuqaalo ay baahisay Al-Shabaab oo u badnaa farriimo loo diray Kenya, waxaana uu caan ku ahaa soo jiidashada dhalinyarada ay Al-Shabaab ka qorato Kenya.
Dhinaca kale, Saraakiil ka tirsan Shabaab iyo Axmed Imaan ayaa hadda waxaa u socda wada hadal ku aadan sidii loo xalin lahaa khilaafka taagan, isla markaana hoggaamiyaha Shabaab ee Kenya shaqadiisa uu u wadan lahaa.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo:
Egypt Warns Ethiopia Nile dam Dispute ‘Life or Death’
Share on Facebook
Tweet on Twitter
Egyptian President Abdel-Fattah el-Sissi, for the second time in as many days, has delivered a stern warning to Ethiopia over a dam it is building after the two countries along with Sudan failed to approve a study on its potential effects.
Ethiopia is finalizing construction of Africa's largest hydroelectric dam on the Blue Nile. Egypt fears that will cut into its water supply.
Cairo said last week that the three countries had failed to approve an initial study by a consultancy firm on the dam's potential effects on Egypt and Sudan.
Ethiopia has repeatedly reassured Egypt, but Cairo's efforts to engage in closer coordination have made little headway.
El-Sissi sought to reassure Egyptians in televised comments Saturday, but stressed that "water is a matter of life or death."
Source: AP
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo:
Kooxda Difaacayaasha Xuquuqal Insaanku oo walaac ka...
Kooxda Difaacayaasha Xuquuqal Insaanku oo walaac ka muujiysay dad ku geeryooday mudaharaadyo dhacay doorashada kadib
15kii November 2017 mudaharaad ayaa ka dhacay qaybo ka mid ah Hargeysa, Burco iyo Ceergaabo kadib markii xubno ka mid ah xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay ku sheegeen shir jaraa'id oo ay qabteen in "wax is dabo marini dhacday." 13kii November 2017 ayaa Somaliland qabatay doorasho madaxweyne oo ay ku baratameen sadex xisbi.
Laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay Burco afar kalena way ku dhaawacmeen kadib marki ciidamada amaanka ee booliiska iyo Ciidanka Qaranku ay fureen rasaas ay ku kala eryayeen dadka mudaharaadka samaynayay. Hargeysa gabadh ayaa ku dhimatay kadib markii xabadi ku dhacday, ugu yarana shan qofina way ku dhawaacmeen.
Wasiirka Madaxtooyada oo hadlay wuxuu sheegay in xubno ka tirsan ciidamada ay dhaawacyo soo gaadhsiiyeen dadka mudaharaaday oo dhagxaan tuurayay.
Magaalada Burco ciidamada soo dhexgalay si ay u kala dareeriyaan dadka mudaharaday waxa ka mid ah Ciidanka Qaranka (Military), sida ay xaqiijiyeen dad goob joog ahaa.
Maalintii doorashada waxa mudo kooban la xidhay xubno mucaarad ah oo uu ka mid yahay Xamse Khayre oo ah madaxa ololaha Waddani oo lagu xidhay Gabiley, iyo Baashe Yuusuf Axmed iyo Faadimo Siciid oo ka tirsan madaxda Waddani lagu xidhay Hargeysa. Dhamaantood waxa la sii daayay isla maalintiiba
Dhinaca kale baraha bulshada ee interneetka ayaa la xidhay 13kii ilaa 17kii November.
Kooxda Difaacayaasha Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa hay'adaha amniga inay is xakameeyaan oo aanay isticmaalin wax rasaas ah oo ay kaga hortegayaan dad shacab ah oo mudaharaadsan sidoo kale Ciidanka Qaranka (military) waa inaanu soo dhexgelin arimaha ka dhacaya gudaha dalka iyo mudaharaadyada ay shacabku sameeyaan.
Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyadu inay isticmaalaan marino nabad gelyo ah oo aanay samayn wax rabshado ah. Wixii cabasho ah waa in lagu xalliyo si nabad ah.
Kooxda Difaacayaasha Xuquuqal Insaanku waa ururo iyo difacaayaal xuquuqal insaan oo u midoobay inay xaqiijiyaan inaan lagu tacadiyin xuquuqda dadka xiliga doorshada.
Faisa Aw Ali Yousuf
Gudoomiyaha Kooxda Difaacayaasha Xuquuqal Insaanka
Email: faizayussuf@gmail.com
Phone: 063 4418771
Somaliland: Human Rights Defenders Group expresses deep concern over the deaths of civilians at post-election disturbances
On 15th November 2017 demonstrations occurred in parts of Hargeisa, Buroa and Erigavo after members of Waddani opposition party held a press conference in which they made allegations of "irregularities". On 13th November 2017, Somaliland held a presidential election competed by three political parties.
Two civilians died in Burao and other four were injured by the security forces including the police and the military who used live bullets to disperse protestors. In Hargiesa, female street vendor died after she was hit by a bullet and at least five people were injured.
In a statement, the Minister of Presidency stated that members of the security forces sustained injuries caused by stones thrown by protesters, according to the Minister.
In Buroa the military was part of the security forces that intervened to disperse the protests, according to eyewitnesses.
At the Election Day, opposition members were briefly detained. Hamse Khayre, the campaign manager of Waddani, was detained in Gabiley and Bashe Yousuf Ahmed, the Chief of Staff of the presidential candidate of Waddani and Fatimo Saeed, a senior member, were detained Hargeisa. They were all released on the same day.
The social media was shut down from 13th to 17th November 2017.
"We call on the security forces to restrain and avoid using live ammunition against civilian protestors. The military shall not be used to intervene in internal disturbances and protests of civilians," says Faisa Aw Ali, the chairwomen of the Human Rights Defenders Group.
"We call on all parties to use peaceful channels, and not to make any violence. All grievances shall be resolved peacefully" she added.
The Human Rights Defenders Group is ad hoc gathering of human rights organizations and defenders who are united by the purpose of ensuring the protection and promotion of human rights during the election period.
Faisa Aw Ali Yousuf
Chairperson of the Human Rights Defenders Group
Email: faizayussuf@gmail.com
Phone: 063 4418771
storvideo:
SNM oo qirtay in Afar degaan Doorasho ka dhicin
19th November 2017 admin Category :
Danbiile dagaal Siilaanyo, ayaa qiray in degmooyinka Dhahar, Badhan iyo Laasqoray ayna doorashadii Beelaha Isaaq ayna ka dhicin. Arintani sharci ahaan waa muhiim, afarta goobood oo ayna dorashadu ku dhicin ee uu qiray hogaamiyaha beelaha Isaaq Gacan ku dhiigle Siilaanyo, haddii sadex ka mid ah ay yihiin degmooyinkii Soomaaliya ee jiray burburka ka hor oo ay degaan beelo aan Isir ahaan ka so jeedin Isaaq.
[embedded content]
[embedded content]
storvideo:
Intelligence report reveals Kenyan Al Shabaab leader...
An intelligence report has revealed that Kenyan-born Al Shabaab leader, Ahmed Iman, is contemplating to quit the terror group after major fall-out with its leadership.
The report says the Imam wants to quit the group and its activities after he became disgruntled with the persistent killing of Kenyan fighters within the group's ranks.
The dossier further notes that the spate of elimination and execution of Kenyans and other foreign fighters has brought a sharp division within Al Shabaab leading to hatred towards native Somalis.
"The Al Shabaab video and online propagandist, Ahmed Iman Ali fell-out with its leadership. It is reported he is negotiating his way back from Somalia.
It is not, however, clear if he stands a chance of making it from Somalia considering that Al Shabaab kills whoever attempts to leave. Iman has been very vocal against the execution of foreign fighters and is now weighing out his options," the report. It further adds:
"Some Al Shabaab leaders are, however, wary of losing Iman within the ranks as he has proven to be a good propaganda tool through his videos which he does with charisma taunting AMISOM forces in fluent Swahili." Iman is the leader of 'Jaysh Ayman'. He has been instrumental in recruiting youth into terrorism and orchestrating attacks in Kenya.
The split is further accelerated by the battle on whom to pledge their allegiance to with one group led by former UK-based Abdul Qadir Mumin, who swore allegiance to ISIS in December 2015 immediately becoming target of exclusion. Al Shabaab has always pledged its allegiance to Al Qaeda. Online war Al Shabaab's intelligence wing (amniyaat) has on several occasions targeted the pro-ISIS splinter group whose top commanders have been executed alongside their fighters.
There has been an online war of words on Twitter where ISIS linked page, Jabha East Africa, blamed Al Shabaab of killing and imprisoning their leaders and fighters.
The Al Shabaab and ISIS supremacy war was put to test during the Mogadishu October attack where more than 350 civilians were killed and several others injured.
Even though none claimed responsibility, it is evident that the pro-ISIS group were rescarried out the attack to show Al Shabaab on how strong they are in executing suicide bombings. When contacted, the Somalia Minister of Information, Culture and Tourism Abdirahman Omar Osman said that the government has come up with a Comprehensive Approach to Security (CAS) architecture in consultation with stakeholders and international partners.
"We now have plans to scale down AMISOM forces so that Somalia forces can take over the security of our country. We are optimistic We Africans are not good at publicising our successes and if this mission would have been in Western, the whole world would have known the success," Osman said.
The minister said the October attack in Mogadishu was an act of desperation because the Somalia military and AMISOM are winning. Largest number The Information minister insists that his security counterpart is committed to implementing initiatives that include stabilisation of security within Mogadishu and removal of heavy guns from the city's streets.
Source: - Standard Digital
storvideo:
Sawiro: Farmaajo oo lagu soo dhaweeyey Imaaraadka...
Share on Facebook
Tweet on Twitter
Abu Dhabi (Caasimadda Online) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna hor kacayey wafdi heer caalami ah si ay halkaas wada hadal ugala soo yeeshaan Madaxda ugu sareyso dalkaas.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Abu Dhabi kusoo dhaweeyey Wasiirka Cadaaladda Imaaraadka Carabta Suldaan Bin Saciid Al-Badi.
Madaxweynaha ayaa waxaa la geeyey halkii loogu talagalay isaga iyo martida la socotay oo isugu jiray Wasiiro iyo xubno kale.
Sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka socdo Madaxweynaha, Kulanka wada hadalka labada dowladood ayaa la filayaa inuu dhaco Maalinta Berri ah.
Kulankaas ayaa la rajeenayaa in lagu soo dhameeyo mugdigii ku kala dhex jiray labada dowladood.
Wixii warar ah ee kusoo kordha daqiiqad kasta waxaad kala socon doontaan Caasimadda Online Inshaa Allah.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo:
Madaxweyne Farmaajo oo u safray Imaaraadka
Safarka madaxweynaha ayaa imaanayo ayadoo dhowaanahan Soomaaliya ay ka jirtay dhibaato ka dhalatay khilaafka Khaliijka.
Golaha Wasiiradda Puntland oo Shir Aan Caadi Ahayn...
The post Golaha Wasiiradda Puntland oo Shir Aan Caadi Ahayn Ku Ansixiyey Misaaniyadda Puntland Ee Sanadda 2018. appeared first on Puntland Post.
storvideo:
Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Abu Dhabi Iyo Wasiirka...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo labo maalmood ah.
Madaxweynaha waxaa gegada diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sultan Bin Saciid Al Badi.
Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo La-taliyeyaal.Hoos Ka Daawo Sawirrada
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo:
Madaxweyne Waare oo Magacaabaya Golle Wasiiro oo...
Wararka ka imaanaya Magaaladda Jowhar ee caasimadda Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare in 48-ka saacadood ee soo socota uu ku dhawaaqo Gole Wasiiro oo aysan xubno ka ahayn xildhibaanada.
Kulamo waqti badan qaatay ayaa ka dhacay Madaxtooyadda Maamulka Hir-shabeelle ee Magaaladda Jowhar waxaana la sheegay in madaxweyne Waare uu xildhibaanadda ku wargaliyay in Golaha wasiiradda uu soo dhisi doono aysan xubno ka noqoneyn xildhibaanada baarlamaanka islamarkaana ay noqon doonaan Golle wasiiro oo tayo wanaagsan.
Maxamuud Wabar Xasan oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in Madaxweynaha uu qorshaha Golaha wasiiradda uu kusoo dhisi doono uu noqon doono mid ka badalan qaabkii hore.
Madaxweynahii Hore ee Maamulka Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa magacaabay Golle wasiiro oo ka yimid Baarlamaanka Hir-shabelle tiro ahaana gaaraya 33-xildhibaan.
Ergadii ansixisay dastuurka dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa ay isku raaceen in aan laga soo xulin xildhibaanada golaha wasiirada, iyadoo qodobka 31-aad cutubkiisa 3aad ee dastuurka Hirshabelle uu qorayay, Hase yeeshee fadhi ay yeesheen xidhibaanada baarlamaanka Hirshabelle bishii Oktoobar 2016 ayaa lagu bedeley qodobkaas, iyagoo ku tilmaamay inuu ka horimanayo dastuurka dowlada federaalka.
storvideo:
Mugabe oo ogolaaday in uu xilka banneeyo.
Madaxweyne Robert Mugabe ayaa ogolaaday in uu xilka ka banneeyo Axaddii Maanta,saacado kadib markii Xisbiga talada haya ee ZANU-PF party uu ka qaaday hoggaaminta xisbiga oo uu muddo 37 sano hayey,sida uu sheegay xog-ogaal la socda wada-xaajoodka.
ZANU-PF party ayaa Mugabe u qabtay wax ka yar 24 saacadood in uu isku- casilo,haddii kalena xilka ay ka qaadayaan iskuday ah in si nabad gelyo ah uu ku dhammaado xukunkiisa,kadib inqilaabkii runta ahaa.
Il-wareed ayaa sheegay in militariga uu ka shaqeynayo is-casilaadda Mugabe,balse faahfahin ma bixin.
Idaacadda Zimbabwe ee ZBC ayaa sheegtay in madaxweyne Robert Mugabe uu goor dhow khudbad u jeedin doono qaranka. Xilli hore oo Axaddii Maanta ah,joornalka Herald newspaper ayaa baahiyey sawirada Mugabe oo xafiiskisa kula kulmaya saraakiil sare oo milireri.
Mugabe waa hoggaamiyaha keli ah ee Zimbabwe yeelaatay tan iyo markii ay xorriyaddeeda ka qaadatay Britain sannadkii 1980-kii, waxaa lagu bedelay Emmerson Mnangagwa, kuxigeenkiisi bishii hore la ceyriyay, kaas oo kiciyay faro-gelintii militariga ee bartamihi todobaadka.X/ReutersPUNTLAND POST
The post Mugabe oo ogolaaday in uu xilka banneeyo. appeared first on Puntland Post.
storvideo:
Walaac Laga Muujiyay Saldhigga Milliteri Ee...
Baarayaasha QM ee Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ayaa sheegay in Saldhigga Milliteri ee ay Imaaraadka ka dhisanayso Maamulka Somaliland inuu xadgudub ku yahay Go'aankii QM ee Xayiraadda Hubka ee saaran dalka Somalia.
Warbixinta Guddiga waxaa lagu sheegay in Taageeradda ay qaar ka mid ah dalalka hubka u soo dira Somaliai nay khatar ku yihiin Ammaanka iyo Nabadda Somalia iyo inay suurtogal tahay inay Falalki iBurcad-baddeeda dib u soo laabtaan.
Warbixinta Kooxda QM ee Baarayaasha Cunaqabataynta Hubka waxaa lagu sheegay in la hayo Caddaymo ku filan oo muujinaya in Markab laga leeyahay Imaaraadka oo waday shixnado hub iyo qalab kale oo laga mamnuucay Somalia la daba galay, laguna qabtay Xeebaha Somalia.
Warbixinta waxay intaasi ku dartay in Diyaaradaha Droneska ee Midowga Europe ee ku sugan Xeebaha Somalia ay duubeen Muquaal muujinaya Markabka Imaaraadka oo si aad ah ugu dhawaaday Xeebaha Somalia, kadibna 2 dooni ku wareejiyey Shixnadii Hubka ee uu waday.
Dhinaca kale, Warbixinta QM waxa si aad ah loogu faahfaahiyey Dhaqdhaqaaqyadda ay Imaaraadka Carabta ku dedejiyaan Dhismaha Saldhigga Milliteri ee ay ka wadaan Dekedda magaalladda Berbera ee W/Galbeed ee Somalia.
Baarayaasha QM waxay tilmaameen inay Dowladda Imaaaradka wax ka weydiiyeen haddii uu Saldhiga Milliteri ee Berbera xadgudub ku yahay Cunaqbataynta Hubka ee saaran Somalia, balse Dowladda Imaaraadka wax jawaab ah kama bixinin Su'aasha ay Baarayaasha u gudbiyeen.
Baarayaasha waxay sheegeen in Saldhig kasta oo Milliteri oo ay dalalka Shisheeyaha ka dhistaan Somalia oo ay ku jiraan Dhaqdhaqaaqa Hubka ee Gobalka inay xadgudub ku tahay Cunaqabataynta Hubka ee Somalia.
Ugu dambeyntii, Kooxda QM ee Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee Somalia waxay tilmaameen in dal kasta oo Saldhig Milliteri ka dhisanayo Somalia waajib ku tahay inay Saraakiisha Hay'addaha Somalia heleen Heshiiskooda.
storvideo:
DUNIDU MAXAY KA TIDHI DOORASHADII MADAXWEYNENIMO EE...
DUNIDU MAXAY KA TIDHI DOORASHADII MADAXWEYNENIMO EE SOMALILAND EE 2017? Cabdinaasir AxmedQaan-gaadhnimada Siyaasadda Dumuqraaddiga ah ee Somaliland iyo ahmiyadda Juquraafi siyaasadeed ee ay leedahay xilligan ayaa keentay in aan warbaahinta dunidu Carab iyo Cajabba indhaha ka qarsan karayn. Warbaahin badan oo kala jaadjaad ah ayaa si xidhiidh ah arrintan doorashada si yaabo kala duduwan wax uga qoraysay.
Maadaama ay aad u dheeraanayso in dhammaantood la soo min-guuriyo(turjumo) Markii aan soo wada akhriyay waxa aan ka sameeyay nuxur aniga oo lingaxa (Link) hoos dhigaya mid walba si qofkii warbixin dheeraad ah ka rabaa uga bogan karo. Hawshan culus oo saacado badan naga qaadatay waxa aan ugu mahadnaqayaa ugu horreyn Cabdikariin Xuseen oo warbaahinta Carbeed gaar ahaan jariiradaha intuu soo akhriyay nuxur ka soo sameeyay. Mustafe Khayre oo ciddii kasta ee arrintan wax ka tidhaa ba iga la soo xidhiidhayay oo ii soo dirayay iyo Cabdirsaaq Cabdi oo isna liis ay ku jiraan warbaahin badan oo aanan arkin igu daray, dhammaantood waxa aan ugu mahadnaqayaa shaqada hufan ee Qarankooda ay u qabteen abaalna waan ugu hayn dooonaa. Sidoo kale waxa jira dadyow badan oo jeclaa hawsha in ay gacan ka geystaan hasa yeeshee, mashquul awgeed aanan la xidhiidhin kuwaasna waxaan leeyahay way iga maqan tahay kaalintiinii Rabbi ha idin sharfo.
Warbixintan hormooyin ayaan u soo kala dayn doonaa haddii xagga Rabbi laga helo, ugu horreyn bal aan ku bilaabno waa kuma kuwa wax ka qoray Somaliland Doorashadeedii Madaxweynennimo? Waxa ka mid ahaa; 1. The Guardian 2. Horn diplomat 3. Daily Nation 4. Associated press5. Financial Times6. The economist 7. Bloomberg politics8. The Washington post9. France 24-TV10. BBC World Service11. Press TV12. Al Jazeera English 13. Human rights Watch14. Africanews15. ABC news16. VOA17. Business insider by Pulse 18. Som tribune daily horn news 19. News2420. YOUM7: lywm lsb` 21. AL-Mujtamac: lmjtm`22. Albawabhnews : lywb@23. Carabi21: `rby2124. Al-Hayat: lHy@
JARAA'IDDADA CARBEED
Warbaahinta Carabtu inta badan qaddiyadda Somaliland waxay ay ula dhaqmaysay ismoogaysiin, muhimad badanna ma siin jirin, hase yeeshee muddooyinka danbe wax weyn baa arrintaa iska beddelay, waxa arrintaa sii kordhiyey xafiltanka ka dhexeeya dalalka khaliijka iyo loollanka juquraafi-siyaasadeed ee gobolka geeska Afrika ka taagan. Doorashadii 13kii bisha ka qabsoontay Somaliland, guud ahaan warbaahinta dunidu aad bay uga hadashay, warbaahinta Carbeedna si laxaad leh ayey arrinta doorashada u qaadaa-dhigtay. Halkan waxa aan idiinku soo gudbin doonaa warbixinihii ay wargeysyada iyo mareegaha Carbeed ka qoreen doorashada madaxtinimada Somaliland..
1-YOUM7. lywm lsb` Mareegta Yawm 7 waxa ay ka qoratay doorashada Somaliland:Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dooranaysaa madaxweyne cusub. Waxaana doorashadii saddexaad ee madaxtinimo oo ka qabsoonta,tan iyo markii ay maxadbannaanidooda kala soo noqdeen Soomaaliya.Inkastoo ay degenaanshaha iyo hannaanka maamulba kaga horreyso Soomaaliya,haddana dal keli ahi ma aqoonsana Somaliland, beesha caalamkuna waxay u tixgelisaa uun qayb ka mid ah Soomaaliya.Jamhuuriyaddan yare e lamadegaan u ekaha ah, oo ay ku nool yihiin dad afar milyan lagu qiyaaso, wada doorashadeeda ku tartamaya saddex murashax oo kala ah, Muuse Bixii oo xisbiga talada haya ee Kulmiye ka socda, C/raxmaan Cirro oo Waddani ah iyo Faysal Cali Waraabe oo Xisbiga Ucid ah.Shantii sanaba mar ayey doorashadu ka qabsoontaa dalka, hase ahaatee doorashadan dibudhac baa ku yimi, waxaana sabab u ahaa abaartii ka dhacday gobolka iyo arrimo farsamo. Ololihii doorashadu wuxu soo idlaaday jimcihii ina dhaafay,iyadoo ay doorashada isu diiwaangeliyeen dad ka badan todoba boqol oo kun, loona adeegsaday nimadaamka diiwaangelinta casriga ah ee Biometric oo ah markii horraysay ee la adeegsanayo.http://www.youm7.com/.../%D8%A7%D9%84%D9%8A%D9%88%D9%.../3507963
2- AL-Mujtamac : lmjtm` Muwaadiniinta maamulka Somaliland maanta waxay u dareereen goobaha codbixinta, si ay doortaan madaxweynahoodii saddexaad tan iyo markii ay madax-bannaanidooda ku dhawaaqeen 1991kii, iyagoo aan weli helin aqoonsiga caalamka. Waxa irridaha loo furay goobaha codbixinta saaka 7:00 subaxnimo(waqtiga Somaliland) waxaana lagu wadaa in la xidho 6:00 fiidnimo (waqtiga Somaliland). Waxa ku tartamaya saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid. Dadka doorashada loo diiwaangeliyey waxa ay kor u dhaafayaan 700kun oo qof, waxa laga codanaynayaa 1642 goobood oo ka kala tirsan 21 degmo-doorasho ee lixda gobol ka kooban.
Helitaanka aqoonsi caalami ah iyo yaraynta shaqa la'aanta dhallinyarada ee Somaliland ka jirtaa waa waxyaahaba ugu muhiimsan ee xisbiyada tartamayaa ku ololaynayaan.
Goddoomiyaha guddida doorashooyinku sida uu warbaahinta u sheegayna, laga bilaabo marka goobaha codbixintu soo xidhmaan waxa xayiraad lagu soo rogi doonaa warbaahinta bulshada, si looga hortago in la faafiyo natiijo been abuur ah, khalkhalkana looga ilaaliyo habsami u socodka doorashada.Tiiyoo aan Soomaliland la aqoonsanayn haddana doorashada waxa la soo qayb galay 15 safiir iyo 60 goobjooge oo dalal badan ka kala yimi, si ay u korjoogteeyaan in doorashadu si xor ah u dhacday.
Waxa xusid mudan in doorashadan dib u dhac ku yimi , oo lagu waday inay qabsoonto 2015, waxa dib loogu dhigay abaaro dalka ka dhacay awgood.https://mugtama.com/.../2.../item/63526-2017-11-13-08-15-26.html
3-Albawabhnews :lywb@
Jamhuuriyadda Somaliland waxay dooranaysaa madaxweyne cusub, doorashada madaxweynaha xilka hayaa ma sharaxna. Jamhuuriyadda oo dadkeeda lagu qiyaaso afar milyan, waxa ku tartamaya saddex murashax. Somaliland oo ahayd maxmiyad Ingiriis 1960 ayey la midowday Soomaaliya, ha ahaatee 1991 ayey dib ula soo noqotay madaxbannideedii, murkii uu burburay taliskii askarta ee Siyaad Barre hoggaaminayey. Ololohii doorashadu wuxu dhammaaday jimcihii tegay. 700kun dad ka badan ayaa u diiwaangashan codbixinta doorasha , yadoo la adeegsaday nidaam casri ah oo codbixiyaha sawirka isha laga qaaday. Sida guddida doorashooyinku ka dhawaajiyeen waxa la xaiyri doonaa warbaahinra bulshada (Facebook,Twiter, Whatsup, itc) marka codbixintu dhammaato ilaa inta natiijada lagu dhawaaqayo. Hay'adda xuquuqda Aadanu waxay sheegtay sida ay uga xuntahay go'aankaa guddidu qaatay. Haggaanka Somaliland inta badan waxay carrabka ku adkeeyaan sida aqoonsi la'aantu u dabrayso horumarka waddanka, iyo sida aanay caawimo iyo amahtoona uga helin bangiga adduunka iyo hay'adaha caalamiga ah ee la midka ah ba.https://www.albawabhnews.com/2800444
4- Carabi21 : `rby21
Maanta waxa ay doorasho madaxweyne ka dhacaysaa Somaliland oo ah dal aan la aqoonsanayn,halkaas oo ay kursiga ku tartamayaan saddex murashax oo ah : Muuse Biixi (xisbiga talada haya) Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabwe. Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaadayna ma tartamayo.700kun baa isu diiwaan geliyey doorashadan, shanti sanaba mar ayaa la soo dartaa madaxweynahaya, hayeeshee dibu dhacyo ayaa ku yimaadda. Somaliland oo dadkeeda lagu qiyaaso Afar milyan waxay ku naalloonaysaa deggenaanso , dagaal sokeeye oo qadhaadh dabadii ,waxay madaxbannaanideeda ku dhawaaqday 18 may 1991kii .
Ka Goosashadii Soomaaliya halganka gooni isutaaggu wuxu bilaabmay horraantii seddeetameeyadii qarnigii tegay. Siyaasiyiin reer Somaliland ah ayaa ku kulmay London 1981kii halkaas oo ay kaga dhawaaqeen "dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed". Dhaqaaqaasi wuxu halgan Siyaasadeed, mid dhaqaale iyo warbaahineed ba la galay taliskii Siyaad Barre, waxaanay saldhigyo ka furatay Itoobiya. Weeraro isdaba-joog ah iyo halgan dheer ka dib waxay ka adkaadeen taliskii Siyaad barre. Waxaanay magaalada Burco ku qabteen shir nabadeed oo gooni isu taag lagaga dhawaaqay, dawlad ku meelgaadh ahna lagu dhisay, waxa madaxweyne loo doortay goddoomiyihii Jabhadda Cabdiraxmaan Axmed Cali .
Hannaanka Maamul
Dastuurka Somaliland waxa afti dadwayne oo 97% ah lagu ansixiyey 31 may 2001dii . Dastuurku wuxu dhigayaa in shanti sanaba mar la soo doorto madaxaweynaha dalka iyadoo la maraya hannaanka xisbiyda badan. Waxa jira laba gole (wakiiladda iyo guurtida) oo midkiiba 82 xildhibaan ka kooban yahay, doorasho guudna ku yimaadda muddo xileedkooduna shan sano yahay.Saldhigga Ciidan ee ImaataadkaYadoo aan Imraadku Somaliland aqoonsanayn haddana wuxu ka samaystay magaalada Berbera saldhig ciidan. https://arabi21.com/story/1048813/
5- al-Hayat: lHy@ Jamhuuriyadda Somaliland waxa dooranaysaa madaxweyne cusub, doorashadan oo aan madaxweynaha xilka hayaa sharraxnayn, waxa ku tarmaya sadex murashax. Jamhuuridada Somaliland cidi ma aqoonsana , beesha caalamkuna waxay u tixgelisaa qayb ka mid aha Soomaaliya. Shantii sanaba mar bay doorashadu ka dhacdaa.
Waxa jimcihii Soo gebageboobay ololihii doorasha , waxaana lagu wadaa in ay maanta codkooda dhiibtaa dad kor u dhaafaya 700kun, oo isu diiwaangeliyey codbixinta. http://www.alhayat.com/Articles/25354466/
Intaa haddii aan ku soo waabinno nuxurkii jaraa'idda carbeed wixii ay ka qoreen Somaliland Doorashadeedii waxa aan halkaa ka sii amba qaadi doonaa warbaahinta reer Galbeedka iyo Beriga wixii ka yidhaahdeen doorashadan.
LA SOCO...
storvideo:
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Imaaraadka...
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu-Debai ee Caasimadda Imaaraadka Carabta halkaasoo uu ku tegay booqasho rasmi ah,kadib markii uu casumaad ka helay madaxda dalkaasi.
Madaxweyne Farmaajo waxaa safarka ku weheliya Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha debadda Soomaaliya C/qaadir Axad Khayr,xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya,taliyaal iyo xubno kale,sida ay soo werisay wakaaladda Wararka SONNA.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmi doona madaxda Isutaga Imaaraadka Carabta,wuxuuna kala hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal,iskaashiga dhinacyada Ammaanka,dhaqaalaha iyo la-dagaallanka arggagixisada(SONNA).
Xiriirka Imaaraadka carabta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xumaanayey tan iyo markii Soomaaliya go'aan dhex-dhexaadnimo ah ka qaadatay muranka khaliijka,inkastoo qaar kamid ah maamul goboleedyada ay khilaafeen Dowladda Federaalka,islamarkaana la safteen xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee go'doomiyey Qadar.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa Imaaraadka ku eedeeyey in ay ku xad gudubtay qarannimada Soomaaliya oo ay maamul goboleedyada iyo Fderaalka iska horkeenayso,sida ay hadalka u dhigeen,inkastoo aanay jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay warkaasi.PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Imaaraadka Carabta.Muxuu kala kulmay? appeared first on Puntland Post.
storvideo: