Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxwayne Mugabe oo wacad ku maray inuu xilka sii hayn doono

$
0
0

Madaxwaynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa wacad ku maray in uu awoodda sii hayn doono dhowr todobaad ,iyada oo uu sii kordhayo cadaadiska lagu hayo ee ku aadan in xilka ka dago.


Madaxwayne Mugabe oo wacad ku maray inuu xilka sii...

$
0
0

Madaxwaynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa wacad ku maray in uu awoodda sii hayn doono dhowr todobaad ,iyada oo uu sii kordhayo cadaadiska lagu hayo ee ku aadan in xilka uu ka dago.
Khudbad uu si toos ah uga jeediyay TV-ga qaranka ayuu Mr Mugabe ku sheegay in uu shir gudoomin doono kulanka golaha xisbiga ay yeelanayaan bisha December ee soo socota.
Madaxwayne Robert Mugabe markii uu khudbadda jeedinayay waxa barbar fadhiyay saraakiisha sarsare ee militariga dalkaasi iyo madax kale.
Khudbadda madaxwayne Mugabe oo ahayd mid si wayn loo sugayay ayaa waxa la filayay in uu iscasilo balse taasi ma dhicin.
Xubnaha xisbiga Zanu-PF ayaa mar sii horreysay ka cayriyay Mugabe xilka hogaamiyaha xisbiga.
Madaxwayne Mugabe ayaa waxa xisbiga Zanu-PF u qabteen in muddo 24 saac gudahood ah uu isku casilo haddii kale ay xil ka qaadis ku samayn doonaan.
Awoodda Mugabi ayaa wiiqantay tan iyo intii ay militariga soo faragaliyeen muranka ku saabsan cidii badali lahayd Mugabe.
Si kastaba ha ahaatee ,in uusan iscasilin ayaa laga yaabaa in ay ka yaabisay dad badan oo reer Zimbabwe ah.
storvideo: 

Saad al-Hariri oo Talaadada Booqanaya Dalka Masar.

$
0
0

Xafiiska ra'iisul wasaarihi is-casilay ee Lebanon Saad al-Hariri ayaa sheegay in uu Talaadada soo socota booqan doono dalka Masar si uu ula kulmo madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi,kadib sarakiisi waddanka France.
Al-hariri ayaa tan iyo Sabtidii joogay magaalada ee Paris , halkaasoo uu kula kulmay madaxweynaha France Emmanuel Macron, wuxuuna sheegay inuu ku soo laaban doono Lebanon maalinta Arbacada ah ee soo aaddan,si uu uga qayb galo xuska maalinta xorriyadda dalkiisa.
madaxweynaha Lebanon Michel Aoun ayaa diiday in uu aqbalo is-casilaadda Al-hariri ilaa iyo inta uu gacanta uga dhiibayo warqadda istiqaalada,iyadoo xukuumadda dalkaasi ku baaqday in uu deg deg u soo laabto.
Axaddi Maanta Wasiirada Arrimaha debadda waddamada Carabta oo kulan ku yeeshay magaalada Cairo ayaa ka digay in Iran iyo Hezbollah dhibaato siyaasadeed ka abuuraan gobolka,gaar ahaanna dalka Lebanon.
Bayaan wada jir ah oo ay soo saareen ayey ku eedeeyeen ururka Hezbollah in uu taageero argagixisada ka jirta dalalka Carabta,balse waxaa kulanka ka maqnaa Wasiirka Arrimaah debadda Lebanon Gebran Bassil.PUNTLAND POST
The post Saad al-Hariri oo Talaadada Booqanaya Dalka Masar. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Daawo: Wadani oo Beeniyey in Ay Gabi ahaanba...

$
0
0

Daawo: Wadani oo Beeniyey in Ay Gabi ahaanba Joojiyeen Mar labaad wada shaqaybtii Iyaga iyo Kominshanka Sidoo kalena Sheegay in Mel wanaagsan marayso Tirintii codadka Oo Hadeer Hargaysa la wado.

[embedded content]
storvideo: 

Go’aankii BF ee Qalbi Dhagax: Awoodda sharci ee uu...

$
0
0

Tan iyo markii la dhiibay sarkaarlkii ka tirsanaa ururka "ONLF " Waxa taagneed doodda ku saabsan dhiibidiisa, iyo in ururka " ONLF" loo aqoonsado argagixiso.
Go'aanka shalay uu qaatay Baarlamaanka kaddib xogtii guddiga baaritaanka ma aheen mid eey fillaayeen Dadka fallanqeeyo siyaasadda Soomaaliya, waxaase dhici karta in eey Jiraan wax yaallo soo dadajiyey.
Haddaba qormadaan waxaan ku eegi doonaa awoodda sharci ee loo cuskaday Go'aankaan iyo saameenta uu leeyahay dhanka siyaadda .Ururka " ONLF" ma yahay urur argagixiso?
Ururka"ONLF " waa urur ah Gobnnimo udirir oo aas aasmay 1984, waxuuna udagaalamaa Sidii Dhulkii loo yaqaanay Soomaali Galbeed ama Ogaadeeniya ooga bixi lahaayeen Xukunka Dowladda Ethopiya, arrintaa oo aheed yiddiillo dad badan oo Soomaali ah, kunna Naf waayeen hal- gamaayl soomaaliyeed dagaaladdii soomaaliya iyo Ethopiya 1977.
Ururka ONlF ma aha urur udiiwaangshan ururadda argagixisidda, kumana jiro liiska Argagixisadda, Dowladda Ethopiya ayaa ka dalbtay Dowladda maraykanka horaan ineey ku darto liiska aragagixisadda, laakinn way diiday Washington Dalabka Addis Ababa.
Sababtoo ah waxaa jirto mabaaddii lagu heshiiyey caalamka, kuna jirto xeerka caalamiga ah " International law" taas ah oo Tibaaxeeso shucuubta ineey xaq uleeyihii katashigga Aayahooda"The right of peoples to self- determination", Dadkana aan lagu gumeesan Karin hab kasta oo loo maraba.
Waxaa xusid mudan Haay'ada xuquuqul insaanka udoodo Ee "Human Raights watch " Ineey isku si u canbaareeso Dowlaada Ethopiya iyo Ururka ONLF, eeyna galaan labadaba Danbiyo lid ku ah xuquuqda aadanaha "crimes Against Humanity" ee mid gooni ah eeysan Eed kala dul-dhicin.
Ururka waxuu xafiisyo kuleeyahay Wadamada Caalamka iyo kuwa Ethopiya Dariska la ah intaba, sidaas darted ma aha urur argagixiso ah waana sida eey guddiga sheegeen.Hadaba Dastuurka iyo Shuruucda Soomaaliya maxay ka qabaan dhiibidda danbiille?
Marka laga hadlayo dhiibidda danbiilayaasha ama Eedeesanayaasha (Extradition), waxaa jiro labo nooc oo lakala qaado Danbiyo siyaasadeed "Political crimes" iyo kuwa kasoo harey "Criminal offense".
Hadaba Dhamaan xeerarka caalamiga ah iyo Heshiisyada dunida ma ogolo in la dhiibo Danbiile siyaasadeed, xataa lagama gali karo Heshiis dhiibida Danbiile siyaasadeed, hadii lagalana waa mid aan waxbo kama jiraan ah.
Danbi siyaasadeed waxaa lagu qeexaa "midka loo galay dana siyaasadeed sida mid urur gobnimo doon ah, siyaasi is badal doon ah uu galay".
Waana midka loo heesto saraakiisha "ONLF", tusaale haddaan ku siiyo heshiiskii maraynka iyo Turkiga 1979, waxuu dhigaayey in la is waydaarsado Danbiilayaasha, marka laga reebo kuwa Danbi siyaasadeed loo heesto, oon heshiis laga gali Karin.
Waana sababta udiiday maraykanka wareejinta Fathulalli Gollan oo loo heestay Afganbiggii Dhicisoobay Ee turkigga.
Sharciyada uyaal Dalka soomaliya ayaa diidan dhiibidda danbiile siyaasadeed, Tusaale Xeerka ciqaabta soomaaliyeed, Q.11aad, Faqrada 3aad waxay aroneesaa: ma banaano Dhiibidda siyaasadeed.
Taasi waa midda guddiga eey sheegeen in lagu saleeyo dhiibid kasta inta laga soo saaraayo Sharcigga isucelinta danbiilayaasha.
Marka laga reebo Danbiyadda siyaasadda, ma aha in la iska dhiibi karo waxii kasoo haray, Sharciyada caalamiga ah waxay ilaalinayaan Xuquuqda dadka in lagu tunto, waxaana lagu Xiray danbiilaha aan galin danbi siyaasadeed shuruudahaan soo socda:

  • inuu danbiga loo heesto ka yahay dani sharciyadda labada dalba
  • in uu jiro heshiis isucelin danbiilayaal oo udhaxeeyo labada dalba.
  • in xukun maxkamadeed ku dhacay oo qofka la wareejinayo.

Markii la helo shuruudaan ayaa waxaa wasaaradda arrimaha dibadda dowladda laga Rabo danbiilaha, laga codsan karaa wareejinta danbilaha, loona soo gudbinaya Galkiisa oo wato xukunka maxkamadda.Dastuurka ku-meelgaarka ahQ.36aad Ee ka hadlaya arrinkaan ayaa oronayaa : waa in isucelinta eey tahay mid waa faqsan sharcigga, jirana heshiis Caalami ah oo ku waajibanayo soomaaliya celinta Danbiilo ama eedeesano, sidoo kale sharciga isucelinta waxuu uxilsaaray Dastuurka Baarlamaanka.
Sidaas ayuu go,aanka guddiga ucuskaday sharciyadda dalka, sidoo kale markii lagalaayo heshiis sida waa in lasoo mariyaa baarlamaanka sida ku qoran Dastuurka ku-meel gaarka ah Q.90, Faqradiisa (Q).
Arrinta kale ee mudan in la dhiira galiyo ayaa ah q.9aaad ee uddiga soo jeediyey taas Oo aheed waa in dib loo aruuriyo mucaahadooyinka (treaties), Cahdiyada (Conventions), Heshiisyada (Agreements), Is-afgarad (Accords), Baratakoollada iwm oo taniyo xorriyaddii 1960-kii ilaa hadda dib loo daabaco oo la badiyo, loona qeybiyo dhammaan hay'adaha Dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedyada, taas Oo caawin doonta haay,adaha dowladda, cilmi baarayaasha iyo dadka Daneeyo Soomaaliya dhamaan.Saameenta siyaadadeed ee go'aanka baarlamaanka .
Dhiibiddii qalbi dhagax waxay direesay farriin ah in soomaaliya eey ka gudubtay fikraddii soomaali wayn, dowladda itoobiyana eey qof doonto kala bixi karto Soomaaliya, taas oo ubilowday soomaaliya iyo itoobiya xariir cusub oo Saaxiibtinnimo ah.
Lkn go,aanka Baarlamanka ayaa ah farriin ka duwan taas , lagana aqrisanaayo Dadka Soomaalida ah inney yihiin kuwii 1960,1970 eeyna wali fikradii eey aaminsanyihiin waxaa tusaale u ah 152 xildhibaan oo ku kala arragti duwan siyaasadda iyo Xisbinnimadda ineey isku raaceen codkooda ku aadan arrintaa.
Arrinkaan ayaa saameen ku yeellan karo dagaalka dowladda eey shaacisay kaas oo la Sheegey in lagu afjaraayo shabaabka itoobiyana eey ka tahay Lafdhabarka.
Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in eey jiraan wax yaallo soomaalida ka Mideesantahay si kasta ooy ukalla arragti duwantahay, taasna waa rajo wanaagsan oo Dabreeso damaca siyaasigga.W/Q: Cali Sheekh Adam Yuusugf (Cali Soomaali)Qoraa arrimaha sharcigga iyo siyaasaddaKala Xiriir: calisomali400@gmail.com
storvideo: 

Dowladda Sacuudiga oo eedeeyn kulul u jeedisay Iiraan

$
0
0

Dowladda Sacuudiga ayaa si kulul u cambaaraysay waxa ay ku tilmaamtay faragalinta ay Iiraan ku hayso arrimaha dalalka Carabta.

Cafis uu dalbaday askari Israa'iili ah oo dilay qof falastiini ah oo la diiday

$
0
0

Madaxwaynaha Israa'iil Reuven Rivlin ayaa diiday cafis uu dalbaday askari lagu xukumay 18 bilod oo xabsi ah.

Seddax arrimood oo ku saabsan go’aankii baarlamaanka...

$
0
0

Guddigii golaha shacabka Soomaaliya ee loo xilsaaray in uu baaritaan ku sameeyo arrintii Cabdikariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax) ayaa soo saaray warbixin ay uga hor yimaadeen go'aankii dowladda ay ninkaasi ugu gacan gelisay Itoobiya.
Qalbi Dhagax wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ONLF, wuxuuna muddo ku noolaa Soomaaliya, balse dowladda ayaa ku wareejisay Itoobiya oo muddo raadineysay.
Hadaba maxaa laga dheehan karay warbixinta uu guddiga baarlamaanka Soo saaray.
1. "Isla xisaabtan"
Dhiibidii Qalbi Dhagax waxaa ka dhashay xanaaq ka dhan ahaa dowladda, waxayna dibadbaxyo ka dhaceen magaalada Muqdisho.
Ka dib baarlamaanka ayaa u saaray guddi baara kiiskaasi, waxayna sheegeen in ay wareysteen wasiirro, agaasimayaal iyo taliyayaal ciidan oo lala xiriirinayay dhacdada.
Sakariye Yusuf oo ku taqasusay sharciga ayaa BBC-da u sheegay in tallaabada baarlamaanka ay muujineyso in lala xisaabtamo dowladda, golaha shacabkana uu qabsaday shaqadii loo xil saaray.
"Awoodda qaranka waxaa iska leh sharcidejinta, ayagaana leh howsha xakameynta iyo dabagalka dowladda, ansixintana waa shaqadooda", ayuu yiri Abukaate Sakariye.
Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Waa mid ka mid ah waajibaadka saaran oo ah in ay ogaadaan waxa dowladda qabatay ma sax baa mise waa qalad".
Xildhibaanada arrinta loo xilsaaray ayaa sharcidarro ku tilmaamay dhiisbidii Qalbi Dhagax, waxayna sheegeen in "aan qof dambe dal kale loo dhiibin ayadoo aan la raacin sharciga dalka".
Xildhibaanada qaar ee ka hadlay kullankii baarlamaanka ee lagu ansixiyay warbixinta baaritaanka ayaa dalbaday in "la soo celiyo Cabdkariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax)".
Warbixinta oo golaha shacabka uu u codeeyay waxaa lagu lifaaqay heshiisyadii dowladda ay sheegtay in ay u cuskatay dhiisbidii Qalbi Dhagax, iyo shuruuc kale oo caalami ah.
2. Labada Go'aan (Midka baarlamaanka iyo kii xukuumadda)
Guddiga sameeyay baaritaanka ayaa sheegay in aan dhiibidda Qalbi Dhagax loo marin hannaan sharci ah. Xildhibaan Cali Yusuf (Cali Xoosh) oo gudoomiye u ah guddiga 15-ka xubnood ka kooban ee loo saaray baaritaanka arrintaas ayaa baarlamaanka u sharaxay wixii u soo baxay.
"Ka dib markii aan aragnay dhammaan dastuuradii Soomaaliya ay soo yeelatay tan iyo xurriyaddii 1960-kii, iyo shuruucda dalka marka ay timaado arrinta isu gudbinta eedeysanayaasha iyo dembiilayaasha, guddiga waxaa u soo baxday in gudbinta Cabdikariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax) aan loo marin hab sharci ah, lagana tala gelin hay'adaha garsoorka," ayuu yiri Cali Xoosh.
Wuxuu intaa ku daray, "Waxaa arrinta maareysay hay'adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka, laguna saleeyay go'aan ku saleysan qodob aan sugnayn oo la siiyay madaxda qaranka".
Golaha Wasiirada ayaa horey u difaacay dhiibistii Qalbi Dhagax waxayna sheegeen in loo cuskaday labo heshiis oo kala ahaa:

  • Heshiis la saxiixay 07dii Juun 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
  • Heshiis kale oo la saxiixay 2dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.

Balse heshiisyadaasi ayaa horey loo dhaliilay sharci ahaantooda. Abukate Sakariye oo horraantii bishii Sebtembar la hadlay BBC-da ayaa sheegay: "Caadi ahaan waa in uu jiraa heshiis labada dowladood u dhaxeeya , waaba in baarlamaanka uu ansixiyaa, mana ka war hayo heshiis wadadaas maray oo loo cuskan karo in Qalbi Dhagax loo dhiibo" ayuu yiri Sakariye.
Hadaba labada go'aan ee kala ah midkii dowladda ay Itoobiya ugu wareejisay Qalbi Dhagax iyo kan hadda uu qaatay Baarlamaanka, midkee sax ah ama loo hoggaansamayaa?
Sakariye Yusuf oo khabiir ku ah arrimaha sharciga ayaa ku doodaya in dowadda ay qasab ku tahay in ay qaadato go'aanka uu baarlamaanka shalay gaaray.
"Dowladda dhexdeeda ayaa laga rabaa in ay masuuliyadda sii qaadato, oo wixii dhacay sidii ay ku sixi lahayd ah, sababtoo ah baarlamaanka go'aanka uu qaatay waa mid sharci ah," ayuu yiri.

Maxay tahay ONLF ?

  • Waa jabhad la asaasay sannadkii 1984tii oo sheegta inay u halganta xaqa ismaamulista ama madaxbannaanida dadka iyo dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho.
  • Jabhadda Xoreynta Ogaden ayaa waxa ay muddo dheer la dagaalamaysay dowladda Itoobiya, waxaana jira weeraro badan oo dowladda Itoobiya ay ku eedeysay jabhadan.
  • Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in la wiiqay awooddii ONLF ee gudaha.
  • Waxaa jabhadda guddoomiye ka ah Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo horey u ahaan jirey taliyihii ciidammada badda Soomaaliya,
  • Sannadihii dhawaa waxa ay dirir u dhaxaysay ciidamadda jabhadda iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,
  • ONLF waxa ay dowladda Itoobiya iyo dowlad deegaankaba ku eedeysaa xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, eedeymahaas oo markasta ay beeniso dowladda Itoobiya.

1. ONLF iyo Qalbi Dhagax ma "argagixisa" baa?
Sida lagu qoray wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA, Guddiga baarlamaanka ee kiiska Qalbi Dhagax baaray wuxuu sheegay in "Jabhadda ONLF aan loo aqoonsan in ay tahay urur argagixiso balse sidoo kalena la tix galiyo siyaasadda dalka ee ku salaysan in aan aqoonsi iyo gabaad, midna la siin ururada hubaysan ee ka soo horjeeda nabadgaliyada iyo jiritaanka dalka iyo wadamada deriska ah iyo guud ahaan dunida inteeda kale."
Xildhibaan Cali Yusuf (Cali Xoosh), gudoomiyaha guddiga baaritaanka sameeyay ayaa tilmaamay in "ay u soo baxday baaris ka dib in ONLF uusan caalamka u aqoonsanayn, aysanna ahayn urur argagixiso, maadaama aysan ku jirin diiwaanka argagixisada caalamiga ah."
Markii uu sare u kacay dhaliishii dowladda loo jeedinayay ee la xiriiray Qalbi Dhagax, golaha wasiirada ayaa soo saaray go'aan ay ku sheegeen in ONLF iyo Al-Shabaab ay yihiin ururo argagixiso.
Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya bishii Sebtembar ayaa lagu sheegay in Qalbi Dhagax uu ahaa shakhsi ku howlanaa "falal lidi ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab."
"Golaha Wasiirrada waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhex waday geyiga Soomaaliya iyo mandiqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab", ayaa lagu yiri dhambaalka ka soo baxay dowladda, horraantii bishii Sebtembar.
Abukate Sakariye oo maanta BBC Somali la hadlay ayaa yiri: "Haddii baarlamaanka uu si aqlabiyad ah ugu codeeyay, wixii maanta ka dambeeya waxay noqoneysaa sharci in Soomaaliya aysan u aqoonsanayn, oo ONLF aan la dhihi karin waa argagixiso."
"Go'aanka baarlamaanka ayaa maanta wixii ka dambeeya dalka ka noqonaya mid sharci ah, ONLF ma noqonayaan argagixiso, dalka dhexdiisana dembiilayaal kuma noqonayaan," ayuu hadalkiisa ku daray.
BBC
storvideo: 


Axmed Fiqi: Waxaa lagu qanci karaa in maxkamad lasoo...

$
0
0

Muqdisho (- Online) - Iyadoo ay sii kordhayaan Xildhibaanada kasoo horjeeda in Sarkaalka ONLF Qalbi Dhagax kusii jiro gacanta dowlada Ethiopia ayaa waxaa Xildhibaanadaasi ku biiray Axmed Fiqi oo ka tirsan baarlamanaka Somalia.
Xildhibaan Axmed Fiqi, ayaa sheegay inay khalad tahay in arrinta Qalbi Dhagax loo sameeyo marmarsiyo, waxa uuna xaqiijiyay in Kiiska Sarkaalkaasi uu yahay mid lamariyay wado aan xaqiiq aheyn.
Fiqi ayaa sheegay in dadkii ay guddigii baaritaanada waday wareysteen aysan aheyn kuwo awood weyn ku leh dalka, sidaa aawgeed la marin habaabiyay kiiska Qalbi Dhagax.
Xildhibaan Fiqi, oo ay xiganeysay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in arrintaan ay ku wanagsaneyn in wax badan laga weeydiiyo madaxdii dalkaan lagu aaminay balse aan lala aadin Hay'adda Nabadsugida oo waajibkeeda gudaneysa.
Axmed Fiqi waxa uu sidoo kale soo jeediyay in lasoo qabqabto shaqsiyaadka howlgalkaasi ku taliyay ee ka tirsan Hay'adda Nabadsugida, waaba haddii ay jirto eedeynta loo jeediyay Hay'adda, sida uu hadalka u dhigay.
"Arrintaan waa inaan la dhaliilsan oo gacanta lagu soo dhigaa shaqsiyaadka ku lug lahaa Kiiska dhiibista Qalbi Dhagax. waxaa khasab ah in la maxkamadeeyo dadkii ku lugta lahaa kiiska"
Waxa uu sidoo kale cadeeyay in arrintaani aan looga hari doonin dowlada Somalia, inta meel looga hubsanaayo kiiska Qalbi Dhagax.
Geesta kale, waxa uu Axmed Fiqi ku baaqay in dowlada Somalia, gaar ahaan Madaxda ugu sareysa dalka ay keenaan cadeynta sababta ay u dhiibeen Qalbi Dhagax, maadaama ay iyaga qaaden mas'uuliyada dalka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Imaaraadka oo lagu helay inay hub sharci darro ah ku...

$
0
0

Muqdisho (- Online) - Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inay Somalia usoo dirtay Markab siday Hub noocyo kala duwan leh.
Hubka ayaa la sheegay inuu isugu jiray kuwo Deeq iyo deeq ah, oo inta badan u socday dowlada Somalia kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dowladu ay ka go'day saadka Hubka.
Qoraal kusoo baxay wargeyska Middle East monitor ayaa lagu sheegay in xogta Hubkaasi ay heleen guddiga dabagalka cunaqabataynta hubka ee saaran Somalia.
Wargeyska oo xiganaaya ilo ka tirsan Guddiga cunaqabataynta ayaa sheegay in dowlada Imaaraatka Carabta ay ka talaabtay xadka iyo sharciyada lagu mamnuucay Hubka la geeya Somalia.
Guddiga cunaqabataynta Hubka ayaa dowlada Imaaraadka ku eedeeyay in Somalia ay u daabulaan Hubka noocyada kala duwan ee qaarkood halista galinkara rajada laga qabo dib usoo kabashada Somalia.
Warbixinta guddigaan kasoo baxday ee lagu daabacay wargayska aanu xiganayno ee Middle East Monitor waxaa lagu sheegay in diyaaradaha duuliye la'aanta ah ee Midawga Yurub leeyihiin duubeen markab laga leeyahay dalka Imaaraatka oo hub sida oo ku soo dhawaaday meel ka mid ah xeebaha Somalia kadibna shixnadii hubka aheyd ee uu siday ku wareejinaya labo doonyood oo nooca dheereeya ah, sida uu qoray Wargeyska isla markaana ay xaqiijiyeen xubno kamid ah Guddiga.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in Hubka uusan aheyn keliya midka loo ogolyahay Somalia, balse ay jiraan macluumaadyo kale oo muujinaaya in Hubka lagu wareejinaayay Doonyaha ay ku jireen kuwo culus oo mamnuuc ka ah Somalia.
Waxaa lagu xusay warbixinta in Hubka uu Imaaraadka u iibkeenay Somalia uusan ugu horeyn kan, balse ay dhacday in muddo dhowr jeer ah ay Imaaraadku jabiyeen sharciga isla markaana Somalia u rareen Hub kala duwan, sida ku cad warbixinta Guddiga.
Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu daray in dowlada Imaaraadka carabta ay si xooli ah u dhiseyso Saldhiga Militery ee Barbara taa oo ka dhigan in la doonaayo in Hub farabadan lagu guro Somalia.
Dhinaca kale, Madaxda dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka gaabsaday ka jawaabida su'aal ku saabsan Hubka ay u raraan Somalia oo ay weydiisay Jariidada Middle East Monitor.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Arrimaha uu Farmaajo kala hadli doono Imaaraadka...

$
0
0

Abu Dhabi (- Online) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa gaaray dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
Waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxda dalkaasi UAE, waxayna ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid tahay "in la tixgaliyo go'aanka Soomaaliya ee dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka," sida lagu qoray wakaaladda wararka ee dowladda federaalka ee SONNA.
"Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab," ayaa sidoo kale la filayaa in ay isla soo qaadaan masuuliyiinta labada dal.
Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya midkii labaad ee uu ku tago Imaaraadka Carabta, tan iyo markii xilka loo doortay, balse safarkan wuu ka duwan yahay kii hore.
Khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka ayaa dhowaanahan saameen ku yeeshay siyaasadda Soomaaliya, kaas oo iska hor keenay madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada.
Kullan ay dhowaan ku yeesheen Muqdisho, madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamullada, waxaa si wayn la iskula soo qaaday khilaafka ka dhashay xaaladda khaliijka, inkastoo aan la shaacin waxa lagu heshiiyay.
Waxaa sidoo kale dalka Soomaaliya ka jiro gole ay ku mideysan yihiin maamullada federaalka kaas oo la dhisay markii uu baahay dhibaatada siyaasadeed ee ka dhalatay muranka ka dhex taagan Qadar iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka.
Dhowr maamul oo ka mid ah federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay la safteen xulafada Sacuudiga, ayna ka qeybgalayaan go'doominta Qadar. Waxay dowladda dhexe ugu baaqeen in ay ka noqoto go'aanka dhexdhexaadnimada ah, ayna la safato Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Dhanka baarlamaanka Soomaaliya waxaa loo gudbiyay mooshin ka dhan ah safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, kaas oo xildhibaanada qaar ay ku eedeeyeen in uu faragelin toos ah ku hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Imaaraadka wuxuu dhowaan dowladda Soomaaliya ku wareejiyay illaa 300 oo askeri, hub iyo gawaari, kuwaas oo ka mid noqon doona militariga dowladda.
Safarkii Farmaajo ee Sacuudiga
Madaxweyne Farmaajo ayaa horraantii bishii Oktobar u safray dalka Sacuudiga. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya xilligaas waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga mahadcelineyso Sucuudiga, sida joogtada ah ee uu u taageero.
Dowladda ayaa xilligaasi cadeysay in boqortooyada Sucuudiga ay ugu deeqday Soomaaliya, lacag gaareyso $50 milyan oo dollar.
Waxaa qoraal la soo saaray ka dib safarkii Farmaajo ee Sacuudiga lagu yiri: "Waxaan u mahadcelineynaa Boqortooyada Sucuudiga oo waqtigan baahida loo qabo, noogu deeqday $50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u danaynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena."
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in boqortooyada Sucuudiga ay ka qeybqaadanayso dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo in deeqda lacageed "la soo gaarsiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya."
Wasaaradda warfaafinta ayaa warkeeda ku sheegtay in safarkii Madaxweyne Farmaajo ee Sucuudiga lagu sii xoojinayay xiriirka labada dhinac ka dhexeeya.
Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in lacagtaasi loo adeegsan doono kordhinta adeegyada dowladda ay u qabato shacabka, sida ku xusan qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.
"Deeqdan $50ka milyan ah ayaa lagu shubayaa Khasnada Dawladda ay ku leedahay Bankiga Dhexe, waxaana loo isticmaali doonaa si ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Dowladda Federaalku waxay la wadaagi doontaa warbixin hufan oo la xariirta qaabka kharashka loo bixiyey," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in "deeqdan ay xukuuumadda ka saacidi doonto sii joogteynta bixiinta mushaaraadka ciidanka, raashinkooda iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah."
Waxaa intaas lagu daray: "Xiriirka walaaltinnimo ee qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga waa mid taariikh fog leh. Kaalmadaan oo waqtigan loogu baahi badan-yahay, waa mid ka tarjumeysa sida Boqortooyada Sucuudiga ay uga go'antahay garab-istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed."- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Warbixin: Mareykanka oo si tartiib ah ciidamo ugu...

$
0
0

Washington DC (- Online) - Dowladda Mareykanka ayaa si tartiib ah ciidamo ugu direysa dalka Soomaaliya, islamarkaana u kordhineysa, sida uu daabacay wargeyska Politico ee kasoo baxa Washington DC.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in sanadkan Mareykanka uu laba jibaaray tirada ciidamadii ka joogay Soomaaliya, oo uu gaarsiiyey 500 oo askari.
Pentagon-ka ayaa sidoo kale ciidamada howlgallada gaarka ah ku daad gureynaya Soomaaliya, si ay ciidamada Soomaaliya uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka, sida saraakiil ay u sheegeen Politico.
Waa ciidamadii ugu badnaa ee Mareykan ah ee jooga Soomaaliya, tan iyo dhacdadii Black Hawk Down ee saanddii 1993-kii lagu dilay 18 askari oo Mareykan ah.
Ciidamada Mareykanka ayaa waxa ay hadda laba xarun oo milatari ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxayna kordhiyeen duqeymaha ka dhanka ah kooxaha mintidiinta.
"Waa qasab inaan ciidamo kooban oo dhulka ah gayno Soomaaliya, si aan u caawino dowladda Soomaaliya" Waxaa sidaas yiri Gen. Don Bolduc, oo horey madax uga ahaa ciidamada howlgallada gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika.
Waxay u muuqataa in Mareykanka uu beddelayo siyaasaddii hore ee ahayd in duqeymo cirka oo kaliya lagu beegsado xagjiriinta Soomaaliya, oo hada ay soo kordheen howlgallada gaarka ah ee dhulka laga fuliyo.
Waxaa la filayaa in Mareykanka uu sii kordhiyo ciidamada ka jooga Soomaaliya, inkasta oo aan la ogeyn tirada uu gaarsiin doono.- OnlinneXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Dowladda Sacuudiga oo eedeeyn kulul u jeedisay Iiraan

$
0
0

Dowladda Sacuudiga ayaa si kulul u cambaaraysay waxa ay ku tilmaamtay faragalinta ay Iiraan ku hayso arrimaha dalalka Carabta.
Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga, Caadil Al Jubeyri,ayaa sheegay in dalkiisa uusan ka labalabayn doonin in uu is difaaco.
Wasiirka ayaa hadal ka jeedinayay kulan degdeg ah oo ay yeesheen ururka Jaamacada Carabta kaasi oo ay Sacuudiga ku baaqeen.
Kulankan ayay Sacuudiga ku baaqeen ka dib markii kooxda Xuutiyiinta Yamen ay Gantaal ku soo rideen magaalada Riyadh horraantii bishan.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku eedeeysay Iiraan ay hubkaasi siisay Xuutiyiinta ,ayna tahay taasi ficil daandaansi ah.
Dowladda Iiraan ayaa la sheegay in ay taageerto kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yamen.
Xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa dagaal kula jira kooxda Xuutiyiinta Yamen.
storvideo: 

Cafis uu dalbaday askari Israa'iili ah oo dilay...

$
0
0

Madaxwaynaha Israa'iil Reuven Rivlin ayaa diiday cafis uu dalbaday askari lagu xukumay 18 bilood oo xabsi ah.
Askarigani oo lagu magacaabo Elor Azaria ayaa bishii January ee sanadkan lagu helay dambi ahaa in uu dilay qof Falastiini ah oo dhaawac ahaa.
"Madaxwayne Reuven Rivlin ayaa maanta qaatay go'aanka ah in la diido codsiga ah in la cafiyo Elor Azaria," waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ka so baxay xafiiska madxwaynaha Israa'iil.
Askarigani ayaa March 2016 toogasho ku dilay Cabdul Fatax al-Sharif oo uu ku dilay Daanta Galbeed.
Bishii January, rai'sul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku baaqay in Azaria,oo ka tirsan ciidamada Israa'iil la cafiyo.
Azaria ayaa codsi rasmi ah oo ku dalbanayo cafis gudbiyay bishii aanu soo dhaafnay.
Dadka Israa'iiliyiinta ayaa ku kala qaybsamay kiiska askarigani.
storvideo: 

Rabshado ka billowday dalka Kenya

$
0
0

Rabashado xoogan ayaa ka billowdey deegaanka Kisumu oo ah halka uu kasoo jeedo hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Rail Odinga.
Mudahaaadyo ay dhigayaan dad u badan dhallinyaro ka careysan go'aankii maxkamada sare ee dalka Kenya ay ku diidey Isniinnta maanta ah dacwad ka dhan ka doorashada madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa halkaasi ka socdo.
Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ayiday doorashadii bishii October ee madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo ku guuleystay 98% kadib markii mucaaradka ay qaadaceen.
Doorashadaas ayaa waxaa codadkooda ka dhiibtay kaliya 39% dadka gaaraya 19.6 milyan ee qof ee u diiwaan gashan inay codeyn karaan, sida uu sheegay guddiga doorashada Kenya.
Wariyaheena Sahra Cabdi Axmed ayaa warkan inoo haysa.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:04:18
0:00:00 /0:04:18
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Jabuuti oo lacag ugu deeqday dhibanayaasha qaraxii...

$
0
0

Dowladda iyo shacabka Jabuuti ayaa ka si deg deg ah uga soo jawaabay u gargaarida dadka ay waxyeelada kasoo gaartey qaraxii 14-biishii October ay magaalada Muqdisho boqolaalka qof ugu dhinteen Zoobe.
Hore dowlada Jabuuti ayaa usoo dirtey Muqdisho dhaqaatiir iyo dawooyin caafmaad, hanta waxaana lacag dhan 1 Malyan oo dollar ugu deeqay dadka ay waxyeelada soo gaartey shacabka Jabuuti.
Waxaa dhaqaalahan guddoonsiisay Guddiga Qaran ee Gurmadka Masiibooyinka Soomaaliya Safiirka Somalia u joogo dalka Jabuuti.
Wariyaha VOA-da Nur Bukhari ayaa faah-faahinta deeqdani lacageed ka wareystay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Adan Hassan Adan

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:04:00
0:00:00 /0:04:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Wasiir reer Hindiya ah oo lagu dhaliilay in uu meel bannaan ku kaajay

$
0
0

Wasiirk ka tirsan xisbiga talada haya ee dalka Hindiya ayaa lagu dhaliilay in uu ku kaajay meel bannaan, inkastoo ay dawladdu dadka ku dhiirigalinayso in ay musqulaha adeegsadaan.

Wasiir reer Hindiya ah oo lagu dhaliilay in uu meel...

$
0
0

Wasiirk ka tirsan xisbiga talada haya ee dalka Hindiya ayaa lagu dhaliilay in uu ku kaajay meel bannaan, inkastoo ay dawladdu dadka ku dhiirigalinayso in ay musqulaha adeegsadaan.
Muuqaal laga duubay Ram Shinde oo xaajo ku gudanaya meel bannaan oo Maharashtra ku taalla ayaa aad la isula wadaagay maalinta suuliga adduunka.
Dadka arrintan dhaliishan ayaa sheegay in ay tani caddayn u tahay in uu fashilmay nadaafad wax ka qabashadii uu ku soo ol'olaystay ra'iisulwasaaraha Hindiya Narendra Modi.
Laakiin wasiirka ayaa sheegay in uu xannuunsanaa ayna dantu biday in uu xaajadiisa guto, maadaama oo uusan musqul heli karin wakhtigaas.
Shinde oo ah wasiirka biyaha ayaa sheegay in uu bishii hore u safray si uu u soo qiimeeyo mashruuc waraab ah, markaasna lagu qabtay waddada u dhaxaysa Barshi iyo Solapur.
Wuxuu sheegay in uu ku xannuunsaday boorkii halkaas ka kacayay uuna qandhaday, sida uu u sheegay wakaaladda wararka ee PTI.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Sawirro:-Dowladda Jabuuti Oo Lacag Ugu Deeqday...

$
0
0

Deeqdani lacageed oo dowladda Jabuuti ay ugu talagashey in lagu gar gaaro dadkii ku waxyeeloobay mashaqadii 14kii October ka dhacday Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay Guddiga Qaran ee gurmadka, taasi oo cadadeedu dhan 1 Milyen oo Dollar.
Waxaa goob joog ka ahaa wareejinta deeqdaasi lacageed Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,waxaana Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo lacagtaasi ku wareejiyay guddiga gurmadka Qaran uu sheegay in ay tahay lacag ay iska soo uruuriyeen shacabka reer Jabuuti oo ka dambqaday walaalohoodi dhibaataysan.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan uu ku hadlay magaca guddiga ayaa sheegay in ay guddoomeen deeqdaasi lacageed islamarkaana lagu taakulayn doono dadkii musiibadaasi saameysay kana mahadceliyay.
Ugu dambeyntii Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ku hadlayay magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka reer Jabuuti sida walaaltinimada leh oo ay u garab taagan yihiin Soomaaliya.
Dowladda Jabuuti ayaa kamid ah dowladihii ugu horeyeey oo gar gaar isugu jira dawooyin iyo dhaqaatiir gurmad ahba u soo direy Soomaaliya maalimo kadib markii uu dhacay qarixii Soobe,kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal qof kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Sheekh Shariif Oo La Kulmay Siyaasiga C/Qaadir Cosoble

$
0
0

Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maalmahan booqasho ku joogay Muqdisho waxa uu maanta la kulmay Siyaasiga C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa Murashixiintii ugu cadcadaa ee Doorashadii Madaxtinimadda Somalia ee ugu dambaysay.
Labada Mas'uul waxay yeeheen Kulan Khaas ah oo ay kaga hadleen Arrimaha Siyaasadda iyo Xaallada Ammaanka ee dalka.
Ilo ku dhowdhow Kulanakassi ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Sheekh Shariif iyo C/qaadir Cosoble isku Aragti ka noqdeen dhamaan Qoddobadii ay ka wada hadleen.
Dhinaca kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu maanta la kulmay Ra'iisul-wasaare Xasan Cali Kheyre, oo ay ka wada hadleen Xaalladihii ugu dambeeyey ee Somalia.
Bilowgii bishan November Sheekh Shariif waxa uu magaalladda Kampala kula kulmay Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna yeesheen Kulan-siyaasadeed iyaga Khaas u ahaa.
Kulamadda uu Madaxweynihii Dowladda KMG, Sheekh Shariif la leeyahay Madaxda DFS iyo Siyaasiyiinta kale ayaa ku soo beegmaysa iyadoo uu Madaxweyne Farmaajo ka shanqariyey inay jiraan Siyaasiyiin mucaarad ku ah Deganaanshaha iyo Ammaanka dalka, inkastoo uu san Madaxweynaha afka ku ballaarinin Siyaasiyiinta uu tuhunsan yahay.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live