Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Tacsi — Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

$
0
0

Tacsi — Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun
Jaaliyadda reer Nuur ee  (Canada) waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Axmed Xasan Nuur oo xalay Ku geeriyooday London ee carriga Ingiriiska.
Waxaan Ilaahay uga baryayaan in uu Jannadii ka waraabiyo Marxuumka innagana samir iyo iimaan innaga siiyo.
AAMMIIN


Markab Saanad Militari u Wada Shirkadda Saracen International oo ku soo Xirtay Dekedda Boosaaso.

$
0
0

 
Boosaaso (OWN)- Waxaa dekeda magaalada Boosaaso maalintii saddexaad ku xiran markab weyn oo sida la sheegay qalab militari u sida shirkadda Saracen International oo ah shirkad ajnabi oo sanad ka hor joojisay hawlgal ay ka waday Puntland.
Markabkan oo ka soo shiraacday wadanka Imaaradka Carabta ayaa badankiis wada shixnad militari oo isugu jirta dhar ciidan, guryaha la isku xirxiro, baabuuro, qalabka miinooyinka lagu baaro sida uu qiray wasiirka maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo wariyaasha kula hadlay Boosaaso.
Muxuu sheegay wasiirka maaliyadda?
Wasiir Faarax Cali Shire ayaa qeyb ahaan qiray in markabkan ay leedahay shirkadda Saracen International iyo inuu markab sido shixnad qalab militari ah ah wuxuuna yiri   “ Markabku wuxuu kaloo sidaa Qalab isugu jira, Guryaha la isku xirxiro, Taasi oo loogu talagalay in loo dhiso Ciidamada la dagaalanka Burcad-badeeda Puntland oo xaruntoodu tahay Boosaaso, Wuxuu kaloo sidaa gawaari raashinkaas lagu qaybinayo, loona keenay in abaaraha wax loogaga qabto ka dibna ay isticmaalayso Dowladda Puntland, 49 Baabuur, oo isugu jira baabuurta waaweyn, Booyado iyo  hal baabuur oo yar”.

Wasiirka maaliyadda Puntland- Faarax Cali Shire
Faarax ayaa intaa ku daray in sidoo kale markabka uu wado raashiin deeq ah oo ka timid dawlada Imaaraadka Carabta taasoo qeyb ah deeqaha caalamka ugu talagalay dadka abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliyeed.
Baarista macdanta iyo Saracen
Wasiirka ayaa intii uu shirkiisa jaraa’id ku guda jiray la weydiiyey in shirkaddan oo wadata ciidamo calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah ay ka qeybqaadaneyso macdan baarista deegaano ka mid ah gobolka Bari laga sameynayo oo beryahan la hadal hayey, hase ahaatee su’aashaaasi wasiirku toos ugamuu jawaabin.

Goormay soo laabatay Saracen?
Shirkadda Saracen International oo ah shirkad amniga qaabilsan waxay Puntland ka hawl bilawday sanadkii 2010 ka dib heshiis ay la gaartay DKMG Soomaaliya iyo Puntland.  Waxayna qorsheyneysay inay tababaro siiso ciidamada badda Puntland iyo kuwa xeebaha.
Hase yeeshee hawlgalka Saracen waxaa uu si deg deg ah u joogsaday ka dib Qaramada Midoobay iyo dawlada Mareykanka ka qeyliyeen qaabka qarsoodida ah ee ay shirkadda Saracen ku tagtay Soomaaliya.   Walaaca UN-ka iyo Mareykanka waxaa uu sii xoogeystay ka dib markii diyaarad agab militari u siday shirkaddan oo ka degi lahayd Garowe ay si khalad ah uga degatay garoonka diyaaradaha Hargeysa bilawgii bishii December 2010 taasoo maamulka Somaliland uu si weyn uga qeyliyey.
Saraakiil Qaramada Midoobay iyo kuwa Mareykan ah oo ka hadlay arinta Saracen waxay ku tilmaameen in qaab aan cadeyn shirkaddan ku timid Soomaaliya, iyagoo tuhun weyn ka muujiyey waxa ay qabaneyso shirkaddan oo sida la sheegay soo kireysatay calooshood u shaqeystayaal ajaaniib ah oo u badan saraakiil hore uga tirsanaan jiray sirdoonka Mareykanka iyo Ingiriiska.   Waxaana ugu dambeyntii Qaramada Midoobay iyo Mareykanka culeys ku saareen Puntland inay joojiso heshiiska ay la gashay shirkaddan bishii March 2011 [Halkan ka Akhri faahfaahinta]
Waxaana hadda cadeyn qaabka ay ku soo laabatay Saracen iyo haddii uu jiro heshiis cusub oo ka bedelan kii markii hore ay ku timid.  Wasiirka maaliyadda oo su’aalo badan wariyaashu weydiiyeena wuu ka gaabsaday inuu tafaasiil buuxda ka bixiyo waajibaadka cusub ee shirkaddan.
Dhanka kale iyadoo uu weli markabka u rarar Saracen uu taagan yahay dekeda Boosaaso ayaa waxaa hakad la geliyey hawshii dekedda ka socotay sababo lagu micneeyey amniga dartiis.
Source: RBC Radio

Heesta Nasashada Caawa: Waa Fanaanada Ubax Daahir (Fahmo) Iyo Heestii Samir

Ma dadkaa labarayaa By: Jaamac Axmed

$
0
0

 
Waxay u muuqataa Safarka madax weynuhu in uu ku salaysan yahay in uu dadka baro muuse biixi cabdi. Oo ay wax badani ka daahan yihiin una yaqaana Somaliland Hargeisa daanteeda Galbeed oo Qudha.
·       Laguma jiro olole doorasho ee maxaa keeney maanta in madax weynuhu ka neefsan kari waayo xisbiyo iyo mabaadii kale.(waxbaa huwan safarka madax weynaha)
·       Safarka madax weynuhu waa ukuur galka wax qabadkiisa iyo waxa ka qabsoomey intii uu joogey.
·       Madax weynuhu wuu wada tegay gobolada Somaliland  oo dhan marka laga reebo Gobolka Sanaag oo dhan walba ka aradan balse weynu eegi meesha Safarkiisu ku dhamaado.(ceergaabo maxaa ka fadiley gobolada kale)
·       Safarka madax weynaha waxa la odhankaraa waa mid qarsoon oo kolba meel aan laga fileyn lagu sheegayo. Waxase iga yaabisay iyada oo aan colaadi jirin waxa madax weynuhu isla gaabinayo.
Ugu danbeyn Safarka madax weynaha waxa xagal daacin kara laba nin oo aan munaasib ku ahayn in ay raacaan. Waana Muuse iyo Xirsi oo umadu guud ahaan ka sindhidhayso.
 
Jamac Axmed
yufle12345@hotmail.com
 
Waad mahad santihiin.
————————————————————————-
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla,

Somaliland, time for some people’s diplomacy By: Khaalid Hassan.H. Mahamoud

$
0
0

 
Since Somaliland’s independence in 1991 its main foreign policy objective is to achieve international legal recognition. Because Somalia no longer exists as a state and the current TFG and its predecessors did not have the legal authority from which Somaliland could reclaim its sovereignty and legal nationhood, it rather focused on campaigning and lobbying Western, African countries and international institutions for its cause. Many of these countries and international organisations now generally accept that Somaliland is a de facto State and that it has demonstrated the will, determination, cohesion, stability and political maturity that is required for international recognition. This leads to many bilateral relationships and development support for Somaliland, but it did not lead to the hoped international recognition as an independent state.
The international campaign for recognition turned out to have other effects as well. Because Somaliland successfully distant itself from the chaos in Somalia but also distanced itself from other Somali’s. Many Somali’s in Somalia and throughout the world perceived Somaliland’s independence aspirations as hostile and counterproductive to the peace and reconciliation aspirations of Somalia. Ethiopia’s early support for Somaliland’s independence added more resentment to those questioning its claim for independence. And finally, concerns of internal political division and tribal politics in Somaliland, particularly in the regions of Sool , parts of Sanaag and sometimes in the Awdal region which surfaces from time-to-time although the latter has different concerns compared to that of the first two. This has created further negative implications to Somaliland’s bid for international recognition.
Over the years Somaliland’s diplomatic focus shifted from Ethiopia to the Republic of Djibouti and Kenya. A positive step for gaining a balanced support in the greater region. However Somalia remains the only legal authority from which Somaliland could reclaim its sovereignty from and Somali’s from Somalia are the stakeholders who can grant Somaliland it’s wish for recognition. Somaliland needs to gain grass root support from their Somali brothers in Somalia and abroad. Somaliland to show to the Somali public that its independence aspirations and Somalinimo go hand in hand, that it has genuine desire for fraternal and friendly relations, that it is concerned with the fate of Somalia and wishes to contribute to the peace, reconciliation and development efforts in the region. Last week a Somaliland delegation led by prominent poet Mohamed Warsame Hadraawi was send to Mogadishu to deliver aid to famine stricken families. The funds were raised by the people of Somaliland in solidarity and sympathy with their starving brothers and sisters in Somalia. This kind of initiative shows goodwill to all Somali’s and above all demonstrate Somaliland’s political maturity. And with enough goodwill from the Somali’s it may one day lead to recognition by their brothers from Somalia. This kind of recognition is much more preferred and desired then recognition from any other foreign country.
Even though Somalia no longer exists as a state, still diplomacy towards Somalia is much needed. Traditional diplomacy, the interaction between governments, would be ineffective as the TFG mandate doesn’t have a lot of support in Somalia and its mandate is ending by next year. So this would not have the added value needed in this case. But Somaliland could achieve its goals by using Public Diplomacy rather than traditional diplomacy. In international relations public diplomacy or people’s diplomacy, broadly speaking, is the communication with foreign public to establish a dialogue designed to inform and influence public attitudes and perception. It is practiced through a variety of instruments and methods ranging from personal contact and media interviews to the Internet and educational exchanges. Somaliland
should use Public diplomacy by effectively communicating with Somali publics around the globe through the use of mass media and through dealings with a wide range of nongovernmental entities(educational institutions, religious organizations, clan and ethnic groups) and influential individuals (business people, singers, writers) for the purpose of influencing the Somali public perceptions towards Somaliland. Even through sports and other social/cultural activities like music events and youth exchanges could be used to promote understanding of Somaliland’s case.
It involves not only shaping the message that Somaliland wishes to present, but also analyzing and understanding the ways that the message is interpreted by the public and developing the tools of listening and conversation as well as the tools of persuasion. With public diplomacy Somaliland would encourage understanding; listens and engages in dialogue; objectively displays national achievements and international goodwill to a broad Somali public. As shown last week by Hadraawi’s humanitarian visit to Moqadishu.
One of the most successful initiatives which embody the principles of effective public diplomacy is the creation of the European Youth Centre in Strasbourg after the second World War. It’s original purpose was to facilitate dialogue and function as a catalyzer for greater understanding between Europeans who first perceived each other’s as hostile after the World War. The Centre has been established as a residential and educational training and meeting Centre for the implementation of the Council of Europe’s youth policy. The Centre hosts around 150 activities, training courses, study sessions, consultative meetings and symposia dealing with development of youth in Europe. For more than 40 years the Centre played a key role in promoting and shaping its youth’s view towards fundamental values like equality, human rights, rule of law, democracy, discrimination against minorities, social exclusion, development and the unity of the continent.
Public diplomacy is seen as one of the most crucial tools in the practice of diplomacy today. And by using some people diplomacy Somaliland could strengthen its case and at the same time create better understanding, peace and cooperation among the Somali people in the Horn of Africa.
By: Khaalid Hassan.H. Mahamoud(Msc)
Former Policy Officer at the Dutch Ministry of Foreign Affairs and previously worked with the International Labour Organisation in Somalia/Somaliland. Currently Member of Delft City Council in the Netherlands.

SAWIRKA MAANTA, Niman Dhalinyaro Ah oo Berked Qodaya

$
0
0

Sawirka maanta ee shabakada caalamiga ah ee Oodweynenews waa sawir aad u qiimo badan oo muujinaya niman dhalinyaro ah oo u feytay Berkad ay qodanayaan, Berkadan oo laga qodayo Aaga tuulada GORGOR ee hawda ku taalla ayaa inta badan marka la qodayo Berkadaha waxa ay kalla kulmaan Ragga qodaa dhib badan iyadoo ku qaadata mudo badan sidii ay u dhameyn lahaayeen maadaama ay gacmahooda ku qodayaan, Berkadaha oo mudo aad u dheer ay dadkeenu qodan jireen ayaa tacabkaa nimankan ka muuqda ka dib ay ka faa,iidaan iyagoo biyaha ku kaydsada wakhtiyada Abaaraha, Hadaba waxaa laga yaabaa inay wax kaasoo mareen berkadaha qodidooda ama aad wax ka qoday markaa isku day inaad ka sheekeysid wixii aad ka xasuusatid, DAAWASHO WACAN,

SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS

URURKA WADANI (URURKANI XIDHIIDH LAMA LAHA ISBADAL DOONKA UCID)‏,By: Cumar A. Yousuf

$
0
0

 
URURKA WADANI (WADANI organization).
BISMILAHI RAHMAN RAHIM
OGAYSIIS: URURKANI WADANI WAA URUR HORE U JIRAY, WAX XIDHIIDHINA KAMA DHAXEEYO XUBNAHA ISBADAL DOONKA UCID. WAXAAN KA CODSANAYNAA MUDANAYAASHA SHARAFTA LEH EE ISBADAL DOONKA UCID IN AY MACAG KALE RADIYAN, OON AHAYN URURKA WADANI. MAGACA URURKA WADANI MUDO AYAAN HOWSHIISA WADNAY, SIDKA ARAGTAAN WEBSITKA URURKA. UJEEDADA AANU U ABUURNAYNA WAA SIDA AANU UMMADA SOMALILAND UGU SOO BANDHIGNO URUR SIYAASADEED UMMADA LEEDAHAY EEN AHAYN MID KOOXI LEEDAHAY.
Markii aanu aragnay, in shir beeleedyo dadka qaarkood qabanayaan oon wax qabadka dadka iyo horumarka dalka loo shuriraynin. Lakiin la isku urursanayo sidii ay beeshooda tageero siyaasadeed uga heli lahaayeen. 
Marka aanu aragnay, in ururadii/xusbiyadii noqdeen qaar shakhsi ama koox/Beel iska leeyihiin, oo iyaga u xidhan. Oo ARINTU NOQOTAY MAXAA ANIGA II DANA.
Marka aanu aragnay, in caaqiladii, suldaanadii iyo “boqoradii” ay tira beeleen, oo ninkii af-meeshar ahaaba uu noqday in uu sheegto caaqil, suldan, boqor ama oday. 
Marka aanu aragnay, qofkii dalkiisa jeclaa ee WADANIGA ahaa, ee wanaga la rabay iyo kii burburka la rabay in ay isku meeqam noqdeen.
Marka aanu aragnay, RUNtii iyo BEENtii oo la kala garanaynin. 
Hadaba, marka ayaanu go’aansanay in fikradahani qaldan in laga hor yimado. Hadaba, sida kaliya ee dalka laga badbaadin karo dadka fakradani qaba waxaa ay tahay in isbadal dhaba lala yimaado. Oo dadka wadaniyiinta ee dalkooda jeceli iskashadan, oo ay iska qabtan dadkani tirada yar ee dhibta wada.
 Hadaba, in la sameeyo urur siyaasadeed oo xal waara keena ayay ka fursan wayday. Sidaa daradeed ayaanu ugu soo bandhigaynaa wadaniyiinta Somaliland ururka siyaasiga ah ee WADANI, si loo saxo qaladaadka jira.
URURKA WADANI ma ah mid mucaarid nimadiisu ay tahay midi-midi-ku taag ee waa urur siyaasadeed oo ummada Somaliland u soo bandhigaya talooyin wax ku oola oo dalka horumar gadhsiin kara. Dawlada jirtana kala shaqaynaya sidii dadka iyo dalka wax loogu qaban lahaa. Ururkani hamuum uma qabo in uu kursiga dalka looga taliyo ku fadhiisto, lakiin waxaa uu maalkiisa iyo aqoontiisa isugu gaynayaa sidii Somaliland  Ictiraf u heli lahaa, dadka Somalilandna horumar u gadhi lahaayeen.
Hadaba qofka WADANI ahi waa in uu marka hore isagu noqdo qof jira, oo horumar naftiisa la doonaya, oo horumar reerkiisa la doonaya, horumarna dalkiisa la raba. Hadaba dadkaasi ayaanu u asaasnay URURKA WADANI. Waxaanan dadka wadaniyiinta u samaynaynaa urur siyaasi ah oo ay iska soo sharixi karaan. Waxaan ku dhiiri galinaynaa wadaniyiinta Somaliland in ay siyaasada dalka ka qayb qatan. Bulshada  Somaliland waxaan ku dhiirinaynaa in ay u codeeyan dadka sidooda wanaaga, horumarka la raba dalkooda iyo dadkooda.
Hadaba, si uu URURKA WADANI u hirgalo waxaa looga bahan yahay wadaniyiinta Somaliland tageero dhaqale. Dadka aan doonayno in ay qadhan iska soo ururiyan waa dadka Jahliyada Qurbaha ku nool iyo dadka gudaha jooga ‘intii kari karta’. Hadaba si looga dhaabeeyo hirgalinta ururkani. Waxaa loo bahan yahay qadhan lagu bixiyo kharashka ku baxaya ururka:
Marka hore waxaa loo bahan yahay lacagta lagu diiwan galinayo Ururka. (Ama $20,000 US dollar). 
100 qof oo midkiiba bixiyo $100 US dollar. (100 * $100 = 10,000), iyo 200 oo qof oo midkiiba bixiyo $50 US dollar. (200 * $50 = 10,000).
Ama 200 qof oo midkiiba bixiyo $100 US dollar. (200 * $100 = 20,000).
Dhaqalaha bishiba ku baxaya ururku waxaa uu noqonayaa ugu yaraan $10,000/bishii. 
Marka waxaa loo bahan yahay 500 oo qof oo midkiiba bixiyo $20 US dollar/bishii. (500 * $20 = 10,000/bishii).
Qofkii awoodi kara inuu bixiyo lacag ka badan inta aanu u soo bandhignay waanu soo dhawaynayna. 
Iminka wax lacaga qofna lagama qabanayo, waxase la ururinaya inta qof ee laga heli karo balan qaad lacagta, si tageero dhaqale loogu helo ururka.  
Qofkii marka doonaya in uu ku soo biro URURKA WADANI, waxaa ka codsanaynaa inuu booqdo websitka WWW.WADANI.ORG, kadibna buuxi ‘contact formka’ . Haddii aad facebook account leedahayna waxaad ka helaysa facebooga ururka: ‘Ururka Wadani’. 
Waxaa kale oo loo bahan wakiilo URURKA WADANI uga noqda dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Wakiiladani oo qadhanka u soo ururiya ururka, dadkana wacyi galiya si ay ugu soo biiran ururka. 
20 sano oo ay dalkeenu Ictiraaf radinayay, 10 sano oo aynu dagal kula jirnay kalitaliyihii Siyad Bare, iyo 10 sano oo kale oo uu xukuumadii Siyad Bare ay ka sii daraysay. Marka muda ah 40ka sano,  dadkeena intooda badan, ma ay araga dawlada fiican oo dadka u shaqaysa. Sidaa daraadeed, ayaa waxaa loo bahan yahay in shicibka iyo dadka hogaamiyayaasha dalka qaarkoodba in la wacyi galiyo, lana baro ujeeda dawlada loo samaysto.
URURKA WADANI waxaa uu doonayaa in uu ummada Somaliland gacanta u galiyo awooda dalkooda. Waxaa la jooga wakhtigii qofkasta oo Somaliland danaynayaa uu u soo jeedsanayay sidii uu wax qabadka dalkiisa uga qayb qadan lahaa. Hadaba, haddii aad tageerto ururkani, ood dhaqaale iyo wakhtigaaga ugu deeqdid, waxaad ka mid noqon doonta dad KA DHABEEYA dhisada dawlad dalka hormar iyo wax qabad gaadhsiisa. 
FARIINTA AANU U DIRAYNO, DADKA KU FAKIRAYA SIDAY  XUKUNKA DALKA U QABSAN LAHAAN, OO KALIYA, WAXAAN COD DHEER IYO MID GABANBA UGU  SHEEGAYNAA IN AYNA ARINTU AHAYN ‘MAXAA II DANA’, EE AY TAHAY MAXAA ‘DADKA IYO DALKA U DANA’. AMA IT IS NOT ABOUT YOU, IT IS ABOUT THE PEOPLE AND THE COUNTRY.
Su’aashu waxaa ay tahay: Adigu ma tageeraysaa URURKA WADANI,  si ay Somaliland u noqoto dal horumar iyo Nabad ku wara?
BARNAAMIJKA URURKA WADANI U-TAGAN YAHAY. (Draft kowad)
Hadaba waxaa uu ururkani asaas u ah qodabadani hoos ku qoran:
ICTIRAAFKA: 
Dadka Somaliland waa in ay runta isku sheegaan oo Ictiraaf sidii loo heli lahaa loo wada guntado, waa in dawlada oo kaliya lagu helayn Ictraafka Somaliland. 20 sanno waa wakhti aad u dheer oo aynaan wali Ictiraaf haysanin waa in meel kasta aan ka doono, oo meelaha ayna dawladu ka olalayn karin, dadka Somaliland ka olaleeyan. Dadka Somaliland waa in meelkasta oo ay joogan ka olaleeyan, si ay Somaliland Ictiraaf u hesho. 
URURKA WADANI waxaa uu uga digayaa Dawlada TNG ee uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif in ay sheegato Somaliland. Calamka, khasatan wafdiyada dalkeena soo booqda waxaanu u sheegaynaa in uu DAGAL-KA XIGAYO, haddii dawlad Somalia ee aanu jaarka nahay ayna joojin sheegashada dhulka iyo dad Somaliland. Waxaanan Wadaniyiinta Somaliland u sheegaynaa in ay u diyaar garooban in ay dalkooda difaacan. Ururka Wadani waxaa u calamka u sheegayaa in ay iska difaaci doonan, haddii aduunku isku dayo inuu dawlada Somalia ee xasuuqa u gaysatay dadka Somaliland ay mar labaad u soo hubeeyan. Waa in ninkasta oo wadaniyi la baro sida dalka loo difaaco. Waxaan aduunka u sheegaynaa, haddii ay hubeeyan dawlada Somalia in ay Somaliland is hubaynaso, dagaalna u diyaar goroobayso. 
Dadka aqoonta u leh siyaasada aduunku waxaa ay isku raceen in ay Somaliland sharci ahaan xaq u leedahay in la Ictiraafo. Qoralkii uu soo saray wafdigii ay African Union-ku u soo diratay Somaliland 2005, ee uu hogaaminayay ku-xigaka gudoomiya AU-da Patrick Mazimhaja, waxaa uu yidhi:
…Runti israaci Somaliland iyo Somalia ma ahayn mid si dhaba loo wada hirgalay, mana uu taba galin mudadii uu jiray 1960 ilaa 1991. Marka Somaliland aqoonsigan ay radinayso lama mid ma ah kuwa qaarada ka jira ee waa mid dhif ku ah tariikhda iyo siyaasada qarada Afrika. Sida daradeedna ayay Somaliland xaq u leedahay in ay radiso ictiraf. Waxaanay u soo jeediyeen in AU ay
 …Indho gaara ku eegan arinta Somaliland ee aad ka u saraysa.
Hadaba, waxa Ictiraafka Somaliland hor tagani waxaa weeye in aynaa la iman olole fiican oo aynu qadiyadeena calamka kaga iibino (ama ka dhaadhicino). 
Dawlada reer galbeedku waxaa ay Ictiraafka Somaliland iskaga riixeen dalalka Afrika, marka waa in xooga la saro sidii 54 dal ee Afrikaanku aqoonsi qaar uga heli lahayn. URURKA WADANI waxaa uu abaabulaya olalaha Ictiraafka radinta Somaliland ee qaarada Afrika. 
Teeda kale, dalka Marakanku waa dalka ugu wayn calamka, Washington waa casimada aduunka, marka waa in aynu ka ololayno, kana samayno dad qadiyadeena gadhsiya dadka iyo dawlada Marakanka. Sida daradeed waa in ay qorano ‘political lobbying group’. Tasina waxaa ay u bahan tahay dhaqale, marka waa in aynu u diyaar garawno in aynu dhaqale ama qaadhan u uririno Ictiraafka Somaliland. 
Dadka Somaliland waa in ay ogaadan in bilaash lagu helaynin Ictiraaf, iyo horumar. Waxaa u bahan yihiin dhaqale iyo is kaashi. Marka marfishyada lagu qayilo lagama helayo Ictiraaf, ee waa in dagal loo galo Ictiraafka.
DASTUURKA Somaliland ee 97%  dadku u codeeyan inuu yahay sharciga ugu sareeya ee dalka lagu dhaqayo. Markaa cidii ka soo horjeeda Dastuurka iyo jiritanka Somaliland kuma soo biri karo URURKA WADANI. Cid alaalaya cidii ka qayb qaata shir laga soo horjeedo Somaliland, kuma soo biri karo URURKA WADANI.
QABYALADA:
Qabyaladu waa ‘virus’ ama cudur bulshada gala. Haddii aad la joojina qabyalada waxaa ay baa’bin doonta bulshada Somaliland. Hadaba, si ummadani u midawdo oo ay QARAN u noqoto, waa in cudurka qabyaalada wax laga qabto, oo la cidhib tiro.  
HADDII SI KALE U DHIGO WAA IN DADKA SOMALILAND KALA DOORTAAN:
QARAN IYO QABYALAD, wayo Qaran iyo Qabyalada dal kama wada jiri karaan.
Teeda kale, Somaliland waa in ay tarikhdii ay soo martay dib ugu noqoto. 1960 markii labadii dal ee konfurta Somalia iyo Somaliland midoobeen waxaa ay dhisteen dawlad dimuqradiya,waxaa wiiqay dimuqradiyada markii dadkii isku qay qaybiyeen beelo, ee uu Qaranimadii baaba’day. Taasina waxay u samaxday in kaligii taliyihii Siyada Bare inqilaabo dawladaasi. Maantana qabyaladii waxaa ay u muuqata in ay xadhko goosatay, oo dalkani aan wali la aqoonsani uu burbur ku dhawyahay.  Dadka wadaniyiinta Somaliland waa in midoobaan, Somaliland ka badbaadiyaan qabyalad.  Hadaba:
Haddii Beel(o) isku dagani ahi ay qabsato shir ay ku horumarinayso degaankooda, ururkani waa soo dhawaynayaa. Lakiin shil beelad laga hadlayo siyaasad, oo lagu kala qaybinaya ummada, ururkani wuu ka soo horjeeda. 
Marka, cid alaala cidii ka qayb gasha shir Beeleed laga arinsanayo siyaasada Beel(o), een laga arinsanaynin danta dadka iyo dalka Somaliland, looma ogalaanayo inuu ku soo biro URURKA WADANI. Qofka haddii uu qaldamo, oo qirto qaladkiisa, ururkani waa uu samaxaya.
URURKA WADANI waxaa uu ku dadaalayaa sidii looga marmi lahaa in beel isku timado oo horumarka degankeeda iyadu wax ka qabato. Waxaa uu URURKA WADANI u olalaynayaa in ay dawlada ka masuul noqoto horumarka dalka, shicibkana la kaashato oo laga marmo beel(o) ka talinayan horumar dalka.
DHAQALAHA IYO ABUURIDA SHAQOOYIN:
Dalkeena ma haysto dhaqalo xumo, lakiin waxaan jirin aragti dheer oo lagu horumariyo dalka. Somaliland waxaa ay u bahan tahay in dadkeeda lagu dhiiri galiyo in ay dalkooda maal gashadan. In kasta oo waxbadan ay dawlada Axmed Moxamed Maxamuud Siilanyo qabatay, haddana way ka gabisay siday ugu dhiiri galin lahayd dadka Somaliland ee gudaha iyo dibada ku nooli siday dalkooda u maal gashan lahaayeen. Si ay u kiciyan warshadaha iyo mashruucyo dalka horumarkiisa wax ka tara, dadkana, khasatan dhalinta jamacadaha iyo isguulada ka baxaya shaqo ugu abuuri lahaa.
 URURKA WADANI waa uu soo dhawaynayaa maalgashiga dibada, lakiin Ictiraaf aynaan haysanin awgeed ayaan inoo samaxaynin in ay in dalkeena ku soo dhiiradana. Sidaa daradeed waa in aynaan isku xidhin maalgashiga dibada inooga imanaya. Dadkeena ayaa abuuri kara mashruucyo badan, inaga oon cidna la kashan.
Hadaba sidii dalka dhaqalahiisa loo xoojiyo, dadkana shaqo loogu abuuro. Waxaa loo bahan yahay in dadka Somaliland dalkooda maal gashadaan. Malgashigani waxaa uu u bahanyay in la cilmiyeeyo si dadku u sameeyan sharkado ay wada yeeshan oo xisaabtooda (Macasha iyo qasaraba) yahay mid hufan. 
Maanta dadkeena 20% waxaa ay ku nool yihiin dalka dibadiisa, dad badan oo dalka ku nool waxaa masaariftooda looga soo dira dalka dibadiisa. Hadaba waa in la dhiiri galiyo dadka qurbaha ku nool ee masaariifta soo dirayaan, siday masaarifta iyo hantidooda u maal gashadan dalka. Si ay dadka biilasha loo soo dirayana ugu sameeyan shaqooyin ay ka sameeyan lacag ka badan ta masaarifta lagu soo dirayo.
Mashruucyada ay dawladu leedahay ee ay ka midka yihiim Warshada Sibidhka, warshadaha Laydhka, iyo mashruuca Beeraha sida ka Wajalo oo kale (or Commercial farming), waa in ay isla kashadan dawlada iyo shicibku.
Sida lagu hirgalinayaana masharicdani waa iyada oo la sameeyo Bangiga Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Bank). Ujeeda bangigani waa in ay noqoto inuu si cilmiyaysan u qiimayo kharashaka, iyo faa’iida laga helayo hirgalinta mashruucyadani (ama  feasibility study). Kadibna u soo bandhigo dadka si ay samiyo (shares) uga iibsadan. Horumarka iyo hirgalinta bangigani iyo mashruucyaduba, waxaa uu ku xidhnaan doona dadka loo magacabo ee mamulaya iyo sida uu bangigu u noqon lahaa mid xisaabtiisu tahay mid hufan.
Waxaan qabnaa in mudo kooban aynu ku hirgalin karno mashruucyadan oo dhan, isla markaana shaqooyin badan ugu abuuri karno dadka Somaliland. Malqabeenada Somaliland waxaa ay siinaysaa fursad ay ku maal gashadan dalkooda. Isla markaana waxaa ay dhiiri galinaysaa dadka qurba jooga ah in si joogta ah ama bishiiba lacagta ka soo hadha kharashkooda ay u maal gashadan dalkooda . Ujeeda ugu wayni, waa in dadka maal gashanayaa ay faa’iido fiican ka sameeyan, cidkastaan waxaa ay u noqon kartaa guul ay gaadheen.
Waa in aynu dalkeena amino oo inaga ayaa leh maal gashano, haddii kale cid maalgashata ayaynu u shaqayn, sida ka dhacda wadama badan oo Afrika ah. Markaa waa in dadkeenu ogaadan in dadka maal gashada in ay talada dalka kula yeelanayaan.
Marka talabada ugu horaysaa waa in la dhamaystiro sharciyo lagu maamulayo sharkadaha iyo Bankiyada uu dadku ku shuraakooban.
Marka URURKA WADANI waxaa uu isku keenaya dadka aqoonta u leh dhaqalaha, iyo bayac mushtariga, si loo sameeyo hab maal gashineed oo ay iska kashadan dadka maal qabeenada dalka jooga iyo dadka qurbaha ku nooli. 20 sano ma ah in ay dadkeeni masaarifta xawadalada lagu soo diro ay sugan. Wakhtigii ummadani ay hore uga mari lahayd habkaasi ayaa la jooga. Hadaba, waa in Somaliland u gudibto hab dadka qurbaha jooga hantidooda u maalgashadaan dalkooda, dadkoodana shaqo ugu abuuran.
NABADA & CADALADA: 
Sida uu dhaqaaluhu u yahay asaaska horumarka, ayaa cadaaladuna u tahay asaaska Nabadagalyada. Marka dastuurka Somaliland waxaa uu dhigayaa in ay cadaaladu ka madax banaanato Xukuumada. Hadaba, iminka cadaaladu ma ah mid si dhaba uga madax banaan xukuumada. Marka waxaa loo bahan yahay in la helo hab lagu soo xulanayo Garsoorayaal madaxbanaan.  
Hadaba ururka Wadani waxaa uu la kashanayaa ummada Somaliland si loo helo cadaalad madax banaan, iyo garsoorayaal dacada, aqoontoodu sarayso . Xukuumada dalka ka jirta wax badan ayay ka qabatay cadalada, lakiin wali ma joogno halkii ay dadka ku kalsoonan lahaayeen cadaalada dalka, waxaana loo bahan yahay in la sii xoojiyo.
Cadawga dalalka Afrikanka kama yimado dibada iyo dalal qalaad, ee waxaa badan cadawga gudahooda. Cadawga ugu wayn ee dalalka Afrika waa dawlad xumo. Inta badan hogaamiyayaasha ka taliya dalalka Afrikanka ma ah kuwa danaynaya dalka ay maamulan. Hadaba, si dalka looga ilaaliyo dawlada jabisa sharciga dalka oo kali-talisa.  Waxaa uu ururkani uu isku dayay sidii dadka Somaliland uga ilaaliyaan dalkooda dawlad Dastuurka iyo sharciga ku dhaqmin, iyo dawlada ku timada inqilab ciidan. 
DIMUQRADIYAD: 
Dimuqradiyada  Somaliland waxaa u bahan tahay in la xoojiyo. Waa in dimuqradiyada hoosta laga soo dhiso. Sida daradeed, gudida dhexe URURUKA WADANI, kama imanayo Marfishyada Hargaysa, ee waxaa laga soo unkayaa degmooyinka dalka.  URURKA WADANI waxaa uu yeelanaya Komishan xula oo dusha ka ilaaliya Dastuurka iyo sharciyad URURKA WADANI, si aan loogu xadgudbin sharciga ururka, cidii ku xadgudubtana dibada loo dhigo. Hadaba waa kuwan qodabada qaarkood:
Si uu ururkani u noqdo mid dimuqradiya, dagmo kastaba waxaa uu ka furanayaa xafiis, marka 100kii qof ee ku soo bira URURKA WADANI, waxaa xulanayaan qof matala oo hogaaminaya. Qofka ay doortay ayaa uga qayb galaya degmada shirwaynaha golaha dhexe ee lagu dooranayo gudida dhexe ee xusbiga. Degmada ay ka soo baxaan 500 qof iyo in ka badani, waxaa uu URURKA WADANI ka dhisayaa xarun.
Gudida dhexe ee xusbiga, caqil, suldan, oday u soo magacabi mayo mushaxiinta ka qaybgalaya doorashooyinka dalka. Degmo, ama gobal kasta iyaga ayaa dooranaya cida ay doorashada uga qayb galaya doorashooyinka Deganada, Barlamanka iyo Madaxwaynaha.
 Golaha Wakiilada iyo Guurtida waxaa loo doortay ama loo soo xushay si ay dadka u-matalan, una sameeyan xeerarka uu dalku u bahan yahay. Nasiibdarada jirta waxaa ay tahay in mudanayashan intooda badan ayna kaba soo xadirin golaha, oo ayna shaqadooda qabsan. Marka, URURKA WADANI waxaa uu go’aansaday in aanu doorashada uga qayb gali doonin, aanu ka mid noqon karin ururkani, mudanaha golaha wakiilada ama Guurtida ku jira ee 10 cisho oo isku xiga, ama 20 cisho sanadkii ka maqnada golaha iskaga oon haysan fasax ama ogalaansho. Teeda kalana, ururkani shaqo u diran maaya qofka ku fashilmay ama gabay shaqo uu qaran u hayay.  
URURKA WADANI waxaa u ololaynayaa sidii xeer loogu soo sari lahaa mudanaha golaha Baarlamanka ku jira, ee fasax la’aan golaha uga maqnaa 10 cisho oo isku xiga ama 20 cisho sanadkii. In lagu badalo mudana liiska kaydka ugu jira xusbiga.
URURKA WADANI shaqsi iska horimada iyo buuq hore uga dhex abuuray ummada Somaliland uma dirsanayo shaqo.
Shaqada Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka URURKA WADANI waa siday u dhisaan ururka/xusbiga si u guulaysto una soo saro musharaxiinta ugu badan ee dalka hogaamin doona. Sidaa daradeed,  wakhti loo doorto in ay hogaamiyan ururkani ma noqon karo musharax doorasha Madaxwaynaha, iyo Madax wayne ku xigeen qaranka. Haddii, Gudoomiyaha ama Gudoomiye-ku-xigeenka ururku doonayo inuu iska sharaxo doorasho qaran, waa inuu sanada ka hor iska casilo shaqada uu xusbiga u hayo.
URURKA WADANI waxaa uu u olalaynayaa sidii Doorashada Golaha Wakiilada iyo Guurtida isku mar loo qaban lahaa. Doorashada Mayarka iyo Mayar-Ku-xigeenka si toosa loo dooran lahaa, doorashadoodana loo raacin lahaa doorashada Golaha Wakiilada iyo Guurtida. 
QAADKA, XAGJIRNIMADA, BUDH CAD BADEEDA, TAHRIIBTA IYO JAAHILNIMADA:
Qaadku, Xag jirnimada, Budh cad badeedka, Tahriibta iyo Jaahilnimada waxa samayn ku leh dhaqalo xuman. Marka inta aanu kobcinayno dhaqalaha dalka waxaa uu URURKA WADANI ka wacyi galinayaa ummada Somaliland, khasatan dhalinta , in ay ka fogaadan cunida Qaadku, Xag jirnimada, Budh cad badeedka, Tahriibta iyo Jaahilnimada. 
Qaadku waa masiibo ummada Somalida lagu falay. Qaadku waxaa ummada Somaliland ka reebay qayrkood.  Qaadku dhaqalahooda, iyo cafimaadkooda ayuu baabiyay dadka cuna. Hadaba, Qaadku dhibaato dhaqalaha Somaliland lama soo koobi karo.
Waxaa ka daran shaqada iyo horumarka dalka oo wax wayn u gaysto. Marka uu qofku 8 sacadoo malintii u fadhiyo Qaad, wax uu qabsan karo ma jirto. Sida daradeed, URURKA WADANI shaqo u dhiiban mayo qofka maalin kasta qaad cuna, umana xulanayo dadka cuna qaad in ay hogaamiyo ururka. Qofkii cuna qaad ee ku jira ururkani waa in maalmo kooban uu cuno. 
Inkasta aanu haynin inta sanadkii dalka Somaliland kaga baxd Qaadka, hadana waxaa lagu qiyaasay in uu ka badan yahay kharashka dawlada Somaliland soo gala (ama Government revenue).
Gaba gabadii , lixda qodab een kor ku xusnay waa asaaska URURKA WADANI waxaana loo samayn doona Komishan xul ah oo ilaaliya si aanu marnaba loo jabin. Hadaba, qoralku waa hordhac, waa la saxi karaa, waxii la isla qaato in laga sara waa la isla eegi karaa. 
Waxaa kale oo URURKA WADANI samayn doona website la iskugu geeyo fikradaha, si loo sameeyo sharciya xusbiga. Waxaa kale oo ururkani samayn doona website kale oo lagu ururiyo fikradaha ka turjimaya aragti dheer oo dalka lagu hago. Laguna saxo qaladaadka jira. Aragtidani ama “road map” lagu hiigsanayo horumar wara oo dhan kasta ah. 
Waxaa u bahanahay dad khibrada u leh Dhaqalaha,Sharciga, Bayacmushtariga, dhisida Website yada ama technology, iyo waxii la mida. Hadaba, haddii aad khibradani leedahay, waanu kuu bahanahay, ee nala soo xidhiidh.
URURKA WADANI cid kasta oo wadaniya oo Somaliland oo doonaya in ay Somaliland Ictiraaf iyo humar gaadho waa u furan yahay. Waxaanu dadka u soo bandhigana si ay u samaystan urur siyaasadeed oo iyagu leeyihiin. Waxaan dhalinyarada u sheegaynaa in ururkani yahay mid mustaqbalkiina (future-kiina) u tagan, rabana in aad ku soo biirtan, si aad u dhisataan urur ka turjimaya rabataankiina.
Cumar A. Yousuf
slwadani@yahoo.com
Oakland, California
 
———————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla,

Hambalyo Meherka mudane Mustafe Xaji Maxamoud Axmed iyo marwadiisa Ifraax Dr. Xuseen Nuur

$
0
0

 
Hambalyo Hambalyo Hambalyo!!!
Dhamaan asxaabtan hoos ku xusani waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u diraynaa mudane Mustafe Xaji Maxamoud Axmed iyo marwadiisa Ifraax Dr. Xuseen Nuur oo meherkoodu ka dhacay 07/10/2001, oo ku beegnayd shaly oo Jumce ahayd Ambasador Hotel Hargeysa, Somaliland. Waxaay u rajaynayaan lamaanahan cusub in ay nabad qab iyo badhaadhe ku gaadhaan arooskooda, ubad khayr qabana kala helaan.
 
Aammiin Aamiin Aamiin.
 
Asxabta Hambalyada diraysa:-
 

  1. Khadar Abdi Hannan
  2. Mawliid Osman Roble
  3. Sh/ Ali Muhummed Muhammed Askar
  4. Abas Ali Qafil
  5. Abdirahman Dauud Nor
  6. Mohammed Dubbe
  7. Sh. Abdiaziz Ahmed Digale
  8. Ahmed Muhamoud Saed (Siyad)
  9. Hussein Ibrahim Hassan (Xusto)
  10. Mukhtar Ibrahim Adam (Tamaandho)
  11. Mohad Ibrahim Hassan
  12. Mohamed Hussein
  13. Mubarik Musa Duale
  14. Muhammed Rabi Sahal
  15. A/kareem Mussa (Kareento)
  16. Mowleed Jama
  17. Bille Ahmed Bille
  18. Hamza Shabeel
  19. Mohammed Yousuf Hashi (Burco)
  20. Adan Abdulrahman Yasin
  21. Mukhtar Abdi kayd
  22. Muhammed Abdullaahi Omer (BBC)
  23. Mustafe Kosar Omer
  24. Ibrahim Kosar
  25. Ahmed Muhummed Mohammed Askar
  26. Oday Osman Musa (sudhe)
  27. Ali Ahmed Eidan (Elf)
  28. Mohammed Jama Mousa
  29. Mohammed Abdulsalaam
  30. Osman mohammoud (casood)
  31. Abdirizak Mahdi Dubbad (Mirqane)
  32. Muhammoud Abdirasheed
  33. Abdi Ali
  34. Abdinasir Hussein Nor
  35. Abdidayib Dahir
  36. Omer Mohammed Yasin
  37. Fuad Mussa Awabdullaahi Askar
  38. Abdihakeem Osman
  39. Omar Hawadle Madar
  40. Hussein Hassan

Dhamaan odayada iyo akhyaartanu waxay ku noolyihiin magaalada Doha, dalka Qatar.


Guddoomiyihii degmada Xamar Jajab oo xilkii laga qaaday iyo Guddoomiye Cusub oo loo magacaabay

$
0
0





Maxamed Cali Axmed Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Xamar Jajab



Muqdisho (RBC Radio) Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa  xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Xamar Jajab Bashiir Cabdi Nuur (Bashiir Misiyooni).
Wareetada ayaa sidoo kale waxaa lagu cadeeyay  degmada Xamar Jajab loo magacaabay guddoomiye cusub oo lagu magacaabo mudane Maxamed Cali Axmed.
Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab oo ah nin dhalinyaro mutacalim ah ayaa magacaabistiisa timid kadib markii xafiiska laga qaaday guddoomiyihii hore ee degmadaasi.
Bashiir Cabdi Nuur (Bashiir Misiyooni) Gudoomiyihii Hore
Xilka qaadista ayaa ka danbaysay xil gudasho la’aan iyo musuq maasuq dhanka raashiinka gargaarka ah oo maxkamadda ciidamada qalabka sida ay amartay in maxkamad hor imaadaan dhamaanba maamulkii degmadaasi.
Dhowaan ayaa waxaa jiray banaanbax balaaran oo looga soo horjeeday maamulka degmadaasi kaasi oo ka dhacay gudaha degmada isla markaana dadka banaanbaxayaash ah ay kaga cabanayeen in maamulka uu musuq maasuqay raashinka gar gaarka ah.
Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab ayaa looga fadhiyaa wax kaqashada xaaladaha degmada kajira iyo sugidda amniga oo ay barbar socoto soo celinta bilicdii nadaafadda ee degmadaasi.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Xaalada oo saaka degan & dhaq dhaqaaqyo ciidan soconaya

$
0
0

Inkastoo xaalad degenaansho ay saaka ka jirto goobihii shalay dagaalada ka dhaceen ayaa hadana waxaa soconaya dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan dhinacyada kala duwan ee isku haaya Caasimada. Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in deegaanada duleedka Waqooyi bari ee degmada Kaaraan ay wali ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM, iyadoo xalay iska hor imaadyo goos [...]

Muqdisho: Dagaal Xalay ka dhacay

$
0
0

Shalay waxaa dagaal xoogan kula wareegay deegaano ka mid ah degmada kaaraan ciidamada DKMG ah oo ay kaabayaan kuwa Midowga Africa ee Amisom.

Ciidamadaasi oo xalay ku hoyday dulledka degamada kaaraan ayaa waxeey weeraro kala kulmeed Kooxda Al-shabab oo shalay maamulka dhulkaasi laga fara maroojiyay .

Hadaba wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada Muqdisho halkan hoose ka dhageeyso

Qasaaraha ka dhashay dagaaladii gobolka Gedo ka dhacay oo sii kordhaya.

$
0
0

Ugu yaraan shan qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal baqonimadii shalay ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda KMG iyo xoogagga Al-shabaab deegaan u dhexeeya degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Tuulo Barwaaqo oo ku dhow degmada Baladxaawo, wuxuuna dagaalka oo ka bilowday weerar ay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen ciidammo ka tirsan dowladda oo ka baxay degmada Garbahaarey kuna socday degmada Baladxaawo.
Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalka tuuladaasi iyadoo sheegtay inay ku dishay askar badan, iyadoo dhanka kalena ay saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyaguna sheegeen in dagaalkaas ay guulo ka gareen.
Afhayeenka howlgalada Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay dagaalka guulo ka gaareen, isla markaasna ay waxyeelo xoogan ugu geysteen ciidamadii dowladda KMG ee halkaasi marayey, ayna saraakiil sarsare dagaalka ay ku dileen.
Dhinaca kale afhayeen u hadlay ciidamada dowladda KMG ayaa isna sheegay in jogooyo u dhigeen ciidamadooda Xarakada Al-shabaab, ayna iska difaaceen ciidamadii jidgooyinka u dhigtay, isla markaasna ay dileen qaar ka mid ah ciidamadii jidgooyinka u dhigtay sida uu yiri.
Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ciidamada Al-shabaab ay dagaal muddo kooban socday ku qabsadeen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxanaa horay dhowr jeer uga dhacay gobolkan dagaallo u dhexeeya labada dhinac, iyadoo hadda uu halkaasi ka socdo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay labada dhinac ay wadaan.

Massive Uganda police deployment for weekend match

$
0
0

(AFP) – 2 days ago
KAMPALA — Ugandan police on Thursday said they would deploy 4,000 officers for a weekend African Cup of Nations qualifier with Kenya because of threats of an attack by Somalia’s Al-Qaeda affiliated Shebab.
Kampala Metropolitan Police director Andrew Kaweesa said the officers would be stationed in and around the city’s 42,000-capacity Namboole stadium for the Saturday match.
“We are deploying 4,000 uniformed officers around the stadium. Apart from the crowd control, there are threats from Al Shebab terrorists who may take advantage of the huge numbers,” Kaweesa told AFP.
“The stakes are high and we are on terror alert before, during and after the match,” he said, adding that 1,200 police officers in uniform would be inside the stadium in addition to special units and others in plain clothes.
“The security around the stadium is going to be tighter than ever before. Sister security agencies will also be deployed to beef up the police,” Kaweesa added. “The public is encouraged to cooperate with security.”
The Shebab claimed responsibility for the July 2010 twin suicide bombings on Kampala bars packed with fans watching the World Cup final, killing at least 76 people.
They said the attack was in revenge for Uganda’s troop contribution for the African Union force protecting Somalia’s transitional government that the Shebab are fighting.
On Tuesday, the Shebab said they were behind a massive truck bomb that killed more than 70 people in Mogadishu, their deadliest attack in years, and vowed more attacks.

WAR DEG DEG AH:-Banaanbax Ballaaran Oo Looga Soo Horjeedo Xasuuqii Hargaha Iyo Saamaha Oo Muqdisho Ka soconaya

$
0
0

Banaan bax ballaaran ayaa haatan ka soconaya magaalada Muqdisho kaasi oo ay isugu soo baxeen dhammaan dadka reer Muqdisho iyadoo dadkaasi ay dareenkooda ku muujinayaan xasuuqii dhawaan loo geesystay arday Soomaaliyeed.
Banaan baxan oo ay isugu soo baxeen kummanaan dadka reer Muqdisho ayaa waxaa uu ka socamayaa  garoonka ciyaaraha ee Stadio Koonis ee degmada C/casiis  waxaana banaan baxaasi oo loogu magac daray maalinta Dhiillada dadka Soomaaliyeed kaddib xasuuqii dhawaan loo geystay dadka shacabka iyo arday Soomaaliyeed kaasi oo ay ku faantay Khawaarijta Shabaab.
Isu soo baxan  ayaa waxa goob joog ka ah masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Saraakii ciidan iyo masuuliyiin kale.
Dadka banaan baxa ka qayb qaadanaya ayaa waxa ay ku qaylinayaan erayo ay ka mid yihiin Maxaan Galabsanay oo Naloo Gubayaa?  iyo erayo kale.
 

Amisom oo ka hadashay dagaalo xoogan oo ka dhacay degmada Kaaraan iyo horumar ay ka sameeyeen

$
0
0

Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ayaa waxay shaaca ka qaadeen inay horumar ka sameeyeen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii dagaalo xoogan ay shalay la-galleen Xoogaga Shabaab.
Afhayeenka Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Major Paddy Ankunda, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ciidamadda Dowladda Somaliya iyo Ciidamadda Amisom, ay gaareen deegaano hor leh oo ay horey u joogtay Al Shabaab.
Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay in dagaalada ay Ciidamadda Dowladda uga dhaawaceen seddex askari, isla-markaana wuxuu sheegay in Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom uu ka dhaawacmay oo kaliya hal askari, waa sida uu hadalka u dhigay’e.
Wuxuu sheegay in Xoogaga Shabaab ay ka dilleen ciidamo badan, halka ciidamo kale oo aad u fara-badana uu sheegay inay u geysteen dhaawacyo aad u fara-badan, kuwaa oo uu sheegay inay shalay kala wareegeen dhul baaxad leh.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay ka qabteen laba kamid ah ciidamadooda, kuwaa oo uu xusay inay iminka gacanta ku hayaan, isla-markaana muusan sheegin waxa ay ka yeelli doonaan.
Afhayeenka Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Major Paddy Ankunda, ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay in Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Amisom ay sii wadi doonaan, hawl-gallo ay ka wadaan buu yiri magaaladda Muqdisho.


UNHCR chief seeks more international support to solve the Somali refugee situation

$
0
0

GENEVA, October 7 (UNHCR) – UN High Commissioner for Refugees Ant�nio Guterres wrapped up the annual meeting of UNHCR’s governing Executive Committee, or ExCom, on Friday with a fresh call for international support to find a solution to the plight of Somali refugees.
He also told delegates that UNHCR was looking at what kind of “catalytic” role it could play in finding solutions to the long-running Somalia refugee crisis, which has been exacerbated this year by drought, famine and the continuing fighting in the south and centre of the country. More than 900,000 Somalis are now refugees in neighbouring countries and some 1.5 million are internally displaced.
Guterres indicated that areas the international community could look at included increased burden-sharing and support for host countries and communities, including economic development.
“Those communities are paying a high price supporting refugees and they need solidarity and burden-sharing in relation to their own economic and social development needs. And that is why it is so important that development cooperation becomes a key instrument in the solutions for refugee problems,” he said.
But he also noted that “it is necessary to recognize that the capacity to coordinate between the UN system and international financial organizations is still in its very beginning. And the capacity of coordination of multilateral actors with bilateral forms of cooperation has also still a long way to go.”
Looking ahead to 2012, the High Commissioner said: “I think we should do our best to concentrate our efforts next year on protracted refugee situations, on urban refugee problems and in addressing the protection gaps [in education, health and other areas] in this complex movement of people that we are witnessing, and develop the forms of burden-sharing that are necessary.”
At a post-Excom press conference, Guterres referred positively to a new political road map on Somalia that had emerged from a High Level Consultative Meeting in Mogadishu in early September, and also spoke of the need for better equipping of African Union Mission in Somalia (AMISOM) peacekeepers.
“I gave two suggestions. First, nurture this political process that is now being born to avoid that it has the same destiny as others in the past,” he said. “Second, make AMISOM an effective and operational force according to its mandate. It doesn’t make sense to approve the mandate in the [UN] Security Council and then not to provide the instruments that are needed. And the costs are ridiculous compared with the costs of military presences in other parts of the world.”
The annual ExCom meeting reviews and approves UNHCR’s programmes and budget, advises on protection issues and discusses a wide range of other topics. Tunisia’s Acting President Fouad Mebazaa was the guest of honour at this year’s meeting, which saw Sweden take over chairmanship from Egypt.

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho

$
0
0

Ugu yaraan 14-qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo shacab ayaa ku dhintay dagaal shalay degmada Kaaraan ku dhexmaray ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab, waxaana ku dhaawacmay dagaalkan 22-qof oo kale.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Xarakada Al-shabaab oo ku yaala degmada Kaaraan, iyadoo dagaalka intii uu socday la isku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud, waxaana la sheegay in ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay gaareen Isbitaalka Keysaneyd, ayna fariisin ka dhigteen sarta lagu magacaabo Xaawo-casir, sidoo kalena warar kale ayaa sheegay in ciidamadu ay gaareen mowlaca Sheekh Cali Cabdulle.
G/sare Maxamed Maxamuud Saney oo ah taliyaha guutada koowaad ee ciidamada dowladda KMG oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu uga dhintay hal askari, ayna uga dhaawacmeen shan kale, isagoo xusay inay ku dileen sedex ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab ayna ku qabteen afar kale, oo uu sheegay inuu ku jir sarkaal aad looga yaqaano degmada Karaan oo uu magaciisa ku sheegay Mukhtaar.
“Culeys badan nagama horimaan, waxaana diyaar u nahay inaan wixii hadda ka dambeeya kula dagaalanno Al-shababa meelaha ka baxsan magaalada Muqdisho” ayuu yiriCol.Saney oo intaas ku daray inay gacanta ku hayaan Isbitaalka Keysaney, ayna sii wadayaan dagaalka sida uu yiri.
Guddoomiyaha degmada Kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble oo isna saxaafadda kula hadlay degmada Kaaraan ayaa sheegay inay shacabka ugu baaqayaan inay is-dejiyaan, wuxuuna ka digay in goobaha ay Al-shabaab ka baxday lagu deg-deg tegitaankooda, wuxuuna yiri “Dowladdu waxay baaris ku sameynaysaa goobihii ay ka baxeen ciidamada Al-shabaab, marka waa inaysan dadku ku deg-degin goobahaas”.
Dhinaca kale afhayeenka dhinaca howlgalada Xarakada Al-shabaab oo ka hadlay dagaalka ayaa isna sheegay inay fashiliyeen sida uu yiri howlgal ay doonayeen ciidamada dowladda KMG iyo Kuwa AMISOM inay isugu fidiyaan deegaanada ay iyagu gacanta ku hayaan, ayna ka dileen askar badan, halkii ay ka soo duuleenna lagu celiyey sida uu yiri.
“Dagaalkii shalay lagu soo qaaday fariisimada Mujaahidiinta ee la doonayey in lagu qabsado runtii waan fashilinay, kooxihii weerarka soo qaadayna khasaare xoogan ayaan u u geysanay, waxaana ka dilnay askar badan, waxaana idiin sheegayaa inaan dib ugu celinay halkii ay ka yimaadeen ee ay markii hore ka soo duulaan-tageen” ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta.
Si kasta oo ay ahaataba dagaalka ayaa markii uu istaagay waxay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG madaafiic arxandaro ah ku garaaceen deegaano ka tirsan xaafadaha Suuqa-xoolaha, SOS, Ex. Kontarool, Waxar-caddde iyo xaafado kale oo ka tirsan degmada Huriwaa, halkaas oo ay ku geeriyooyeen dad aad u faraban, isla markaasna ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka sii badan inta dhimatay, iyadoo dad goob joogayaal ah ay sheegeen inay arkeen meydka 7-ruux iyo dhaawaca intaasi ka badan.

Xarakada Al Shabaab oo maanta dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wado Waqooyiga Magaaladda Muqdisho

$
0
0

Xoogaga Shabaab oo shalay lagala wareegay dhul balaaran, ayaa waxay maanta magaaladda Muqdisho ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo balaaran, oo ay ku doonayaan inay iskaga caabiyaan Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom.
Xarakada Al Shabaab oo shalay ciidamo xoogan geysay duleedka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay maanta degmooyinka Dayniile, Heliwaa iyo qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ay ka wadaa dhaq dhaqaaqyo ciidan.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay qorsheyneysaa inay dagaalo xoogan kala hortagto Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, si’ay u daafacato duleedka degmada Karaan.
Saraakiisha Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sheegeen inay dib u jebin doonaan Ciidamadda Dowladda iyo Ciidamadda Shabaab, oo ay sheegeen inay dhibaatooyin xoogan ku hayaan shacabka Somaliyeed, waa sida ay hadalka u dhigeen’e.
Shabaab ayaa waxay damacsan tahay inay khasaarooyin u geysato Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom, hase ahaatee meesha ay iminka isku hayaan ayaa waxay tahay dhul hawd ah, isla-markaana lama oga waxa ay natiijada ku soo idlaan doonto.
La-soco wixii ku soo kordha.

DEG DEG: Raysul Wasaare C/weli Gaas oo Goor dhow Muqdisho Ku soo Guryo-noqday

$
0
0

Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo oo beryahan ku sugnaa wadanka Ethiopia ayaa goor dhow ka soo degey garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Wafdiga raysul wasaaraha waxaa ka mid ah xubno ka mid ah xafiiskiisa, waxayna shalay iyo xalayba ku sugnaayeen magaalada Addisababa ee wadanka Ethiopia halkaasoo wadahadalo uu kula soo qaatay raysul wasaaraha Ethiopia iyo masuuliyiinta maamulka Soomaalida ee dawlad degaanka.
Waxaa la adkeyey amaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde illaa wadada isu xirta KM4 itii uu raysul wasaaruhu ka soo degayey garonka.
Dhanka kale raysul wasaare C/welui Gaas ayaa markii uu ka soo degey garoonka wuxuu si toos ah u abaaray goobtii qaraxa weyn uu baabi’iyey maalintii Talaadada ee toddobaadkii hore, halkaasoo xarun u ahayd siddeed ka mid ah wasaaradaha DKMG.
Raysul wasaaraha ayaa si weyn uga xumaaday dadka faraha badan ee goobtaasi ku nafwaayey, wuxuuna markale cambaareeyey kooxda Al-Shabaab oo ku tilmaamay kuwo ma naxayaal ah oo xaasidiin ah.
RBC Radio

Meydad hor leh oo laga helay xarunta Hargaha iyo saamaha oo qarax is-miidaamin ah ka dhacay

$
0
0

Meydadka 4-ruux oo cusub ayaa shalay iyo maantay laga helay xaruntii hore ee Hargaha iyo saamaha oo hadda ay deganyihiini 8-wasaaradood oo ka tirsan wasaaradaha dowladda KMG, kuwaas oo ka mid ahaa dakii ku geeriyooday qaraxii 4-tii bishan ka dhacay xaruntaasi.
Labo ka mid ah dadka meydadka ah ayaa laga helay Bakhaar ay dawooyinka ku keydsan jirtay wasaaradda caafimaadka oo ku yaala wakaaladdii Hargaha iyo saamaha oo qarax ismiidaamin ah lala beegsaday Salaasadii todobaadkan, waxaana la sheegay in labo ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan dowladda KMG, halka derbi kale oo soo dumay oo ku dhexyaala xaruntaasi isna laga helay wiil arday ah sida ay sheegeen dadkii helay meydka, iyadoo qofka afaraadna lagu sheegay inuu ahaa qof rayid ah oo ku sugnaa xarunta gudaheeha markii uu qoruxu dhacayey.
“Meydadka 4-ruux ayaa siyaabo kala duwan looga helay xaruntii uu qaruxu ka dhacay todobaadkii hore, ka dib markii laga billaabay howlo lagu ururinayey burburkii dhismayaashii uu qaraxu burburiyey” sarkaal ka tirsan dowladda KMG oo goobta ku sugnaa xilliga meydadka la soo saarayey.
Xarunta wakaaladdii hargaha iyo saamaha oo ay deggenaayeen in ka badan sideed wasaaradood oo kuwa dowladda ah ayaa qaraxii lala beegsaday waxaa ku dhintay 82-qof oo ay  ku jiraan arday iyo dad kale, halka dhaawaca uu kor u dhaafay 150-ruux, iyadoo qaar ka mid ah dadkii dhaawacyada soo gaaray loo qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaan dalka Turkiga.
Dhaawacyadii qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaas oo aad u gubtay ayaa loo qaaday dalka Turkiga Khamiistii lasoo dhaafay, waxaana dalka Turkiga ku dhintay Asad Cabdi Siciid oo ka mid ahaa ardaydii goobtaas ku sugnaa, balse ay dowladda KMG ah sheegtay inuu ahaa ruuxii ka dambeeyay qaraxa.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live