Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Cali Geedi oo kulamo kawada magaalada Muqdisho ...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Ra'isul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi ayaa maanta kulan khaas ah magaalada Muqdisho kula yeeshay xubnaha Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka.
Cali Maxamed Geedi, ayaa Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka kala hadlay halka uu maraayo qorshahooda dib u heshiisiineed iyo waxyaabaha horyaal ee iminka laga doonaayo inay qabtaan.
Cali Maxamed Geedi, ayaa xubnaha Guddiga ku wargaliyay inay muhiim tahay in Somalia laga dhaqan galiyo dib u heshiisiin dhab ah, waxa uuna xubnaha xasuusiyay in Soomaalidu ay tahay kuwo ay kala geysay colaad.
Waxa uu Cali Maxamed Geedi xubnaha Guddiga u cadeeyay inay adag tahay in Somalia laga helo laba beel oo uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo, taa oo uu sababteeda ku sheegay colaadaha ka dhex oogan beelaha Soomaaliyeed.
Cali Geedi waxa uu sidoo kale, cadeeyay inuu aad uga xun yahay in muddo intaa kabadan ay Soomaalidu kasii dhaxeyso colaado salka ku haya beelbeel.
Sidoo kale, Ismaaciil Macalin Muuse oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dib u Hishiisiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in degaano hoosyimaada Gobalada Gal-Gaduud iyo Shabeelaha Hoose ay ugu dambeysay meelaha ay ka dhaceen dagaalada, balse waxa uuna carab dhabay inaanu yareen dadaalkooda ku aadan dib u heshiisiinta.
Geesta kale, Gudoomiyaha Gudiga Dibu Hishiisiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo Cali Geedi, ayaa isla fahmay in dib u heshiisiinta dhaqan galeysa ay noqoto mid dhaba oo aan loogu roonaan beel gaara.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Natiijada Doorashadii Soomaaliland oo la filayo...

0
0

[unable to retrieve full-text content]Waxaa laga dhursugaya in lagu dhawaaqo natiijada doorashadii ka dhacday Soomaaliland, iyadoo Guddiga doorashooyinka la filayo in uu ku dhawaaqo natiijada, taasi oo shaacinaysaa madaxweynaha bedeli doona Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo. Wuxuu sheegay Guddiga Doorashada in Dib loo tiriyay Codadkii Muranka dhaliyay ee laga dhiibtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Gibileey, wuxuuna intaasi ku daray in saacadaha [...]
storvideo: 

Gaas oo lagu soo dhaweeyay Addis Ababa (SAWIRRO)

0
0

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayey ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaasi, kadib markii uu maanta ka dhoofay magaalada Garowe.
Safarka Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa yimid kadib markii uu casumaad rasmi ah ka helay Ra'iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Hailemariam Desalegn.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ku soo dhoweeyey Wasiirada Arrimaha Dibadda, Gacasiga, Gaashandhigga iyo saraakiil ka tirsan Xasiifka Ra'iisul Wasaaraha.
Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay kulan gaara kula qaaten qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha Addis Ababa Wasiirada Arrimaha Dibadda, Gacasiga, Gaashandhigga ee dalkaasi Ethiopia, iyo Qunsulka Guud ee Qunsuliyadda Ethiopia ee Soomaaliya.
Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirada dawladda dhexe ee Ethiopia ayaa waxa uu hordhac u yahay kulamo uu Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas la qaadan doono Madaxda ugu saraysa ee dalka Kaasi Ethiopia oo lagaga arrinsan doono arrimo la xiriira ganacsi ee Puntland iyo Ethiopia ka dhexeeya, Ammaanka iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya oo dhan.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Taliyihi Qeybta Galbeed Muqdisho Oo Xilka Laga...

0
0

Gacan qaadka ayaa dhacay 4 maalin ka hor markii iyagoo shir ku jira uu Maxamed Daahir ka horyimid awaamir la siiyey oo nabadgelyada - quseeya.
waxaa la ogaatay in Maxamed Daahir markaa kadib xabsi guri la galiyey.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Ciidamada Amaanka Puntland oo gacanta ku dhigay dad...

0
0

Yuusuf Maxamed Waceys Gudoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland oo la hadlay saxaafada ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen dad ka shaqeynayay Amni daradda Magaalada Boosaaso ee gobalka bari.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 8 nin iyo Afar dumar ah oo lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin dadka Amni darada ka wadda Boosaaso.
Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha in dadkaasi dhawaan ay horkeeni doonaan Sharciga,islamarkaana tilaabo cad ah ay ka qaadi doonaan.
Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay ka mid tahay meelaha inta badan ay ka dhacaan falalka amni darada,iyadoona Maamulka gobalka bari ee Puntland uu marar badan ka digay in dhibaato loo geysto shacabka ku nool Deegaanada hoostaga Gobalka Bari.
storvideo: 

Dab khasaaro Hantiyadeed geystay oo ka kacay Dharkenley

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka waxaa saakay Dab khasaaro xoogan geystay uu ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Suuq Liif Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.
Dabkan ayaa ka dhahay Koronto, waxaana uu baabi'iyay goobo Ganacsi oo ku yaalla Suuqaasi.
Mid ka mid ah Ganacsatada oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in 2 Dukaaan ay ku gubteen halkaasi, balse markii dambe lagu guuleystay in la damiyo Dabkaasi.
Maamulka Degmada Dharkenley iyo ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa goobta gaaray, kuwaasi oo ka qeyb qaatay gurmadka lagu damiyay Dabkaasi.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/Dab.mp3
storvideo: 

Maxkamadda ugu saraysa Ciraaq oo laashay aftidii Kurdiyiinta

0
0

Maxkamadda ugu saraysay dalka Ciraaq ayaa laashay aftidii laga qaaday dadka Kurdiyiinta ee ay ugu codeeyeen in kaga go'aan daka Ciraaq.

Maxkamadda ugu saraysa Ciraaq oo laashay aftidii...

0
0

Maxkamadda ugu saraysay dalka Ciraaq ayaa laashay aftidii laga qaaday dadka Kurdiyiinta ee ay ugu codeeyeen in kaga go'aan daka Ciraaq.
Xukunkan ayaa yimid 2 bilood ka dib markii aftida la qaaday, islamarkaasna dadka u codeeyeen 92% in gobolka Kurdiga uu go'o.
Dowladda Ciraaq ayaa markii dambe la wareegtay deegaano lagu muransanyahay oo uu ka mid yahay gobolka Kirkuk.
Madaxa dowladda gobolka Kurdistan Nechirvan Barzani ayaa xukunka maxkamadda ku tilmaamay mid hal dhinac ah, balse waxa uu sheegay in uusan ka hor iman doonin.

  • Erdogan : Qasabadaha shidaalka ayaan ka xiri doonaa Kurdiga Ciraaq
  • Ra'isulwasaaraha Ciraaq oo ka horyimid aftiga Kurdiyiinta

Ra'isulwasaaraha Ciraaq Xaydar Al Cabaadi ayaa soo dhaweeyay xukunka maxkamadda.
Dowladda Ciraaq ayaa waxa ay sidoo kale sheegtay in ay diyaar u tahay in ay la wareegto mrinada kaliya ee Kurdistan ay la wadaagto Suuriya iyo Turkiga.
Aftida shaqayn weysay ayaa waxa ay horseeday in hoggaamiyihii Kurdiga Mascuud Barzani uu is casilo.
storvideo: 


UAE, Somalia discuss increasing cooperation in fighting terrorism

0
0

Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed Bin Zayed Al-Nahyan on Monday discussed with visiting Somalian President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo ways to boost bilateral ties and cooperation in fighting terrorism.
Sheikh Mohammed, also deputy supreme commander of the United Arab Emirates (UAE) armed forces, and Farmajo affirmed the relations of “brotherhood” between the two countries, the UAE state news agency WAM reported.
They reviewed issues of common concern, especially development issues, humanitarian and charitable programs and reconstruction projects carried out by the UAE to support the Somali people, it said.
They also discussed ways of boosting cooperation in combating terrorism, violence and armed groups, as well as taking joint action to maintain security and stability in Somalia.
Sheikh Mohammed said the UAE will continue supporting Somalia and its people in building their national institutions and maintaining its security and stability.
For his part, the Somalian president briefed the host on his government’s efforts to implement development programs and fight terrorism.
He expressed his thanks for the UAE’s continued support to Somalia and its people, which contributed to the normalization of life in many Somalian regions, “both in terms of stability and development.”
The post UAE, Somalia discuss increasing cooperation in fighting terrorism appeared first on Shabelle.

21-ka November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed

0
0

Muqdisho (SONNA) 21-ka Novembar waa maalin ku wayn umada Soomaaliyeed, waxayna ku asteesantahay maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel ay Soomaali joogtaba laga xuso.
1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdii Millateriga ahayd ay si wadajir ah u muujin jireen muhiimadda maalintan oo kale.
Waa maalin ka mid ah maalmaha ku wayn Qaranka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixaa dugsiyada iyo dhamaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallinka.
Macalin Abuuker Shuute Xuseen oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga mid ka mid ah Dugsiyada ku yaala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Macalinka uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay Maalin weyn oo loo baahan yahay in si weyn loogu dabaal dago si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.
Abuuker Shuute Xuseen ayaa sheegay in Macalimiinta Soomaaliyeed ay u dulqaateen mudo dhowr iyo labaatan sano ah uu dalka burbursanaa iyagoona kusoo shaqeeyay waqtiyo adag, hadii dalka intii burburka uu ku jiray macalimiinta Soomaaliyeed aysan ku dhiiri laheyn inay ardayda Soomaaliyeed wax baraan waxaa Qatar gali lahaa mustaqbalka umadda soomaaliyeeed hormarka maanta dalka ka jira lama gaari laheyn.
Marka la eego dunida Casriga ah, waxaa isku xiray oo isku soo dhoweeyay dhamaan Ummaddaha dunida waxbarashada, waana taas mida ay u taaganyihiin Macalimiinta Soomaaliyeed.
Macalinku waa baraha iyo hagaha Ummadeed ee ka saara jahliga iyo si xun u fikirka. Macalimiintu waa kuwa gudbiya ama ku faafiya waxbarashada adduunka oo dhan.
Tan iyo inta taariikhda la xuso waxa jirey markasta macalimiin iyo dad aqoon leh oo Bulshada kala dagaalama dib u dhaca isla markaasina wax bara.
Macalinku wuxuu xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo ubaxa iyo aayaha bulshadiisaas, waa tusayalayaal fiican iyo dad ku dayasho leh ama lagu faano oo bulsho kastaa leedahay.
Diinta islaamkuna waxay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin ah.
storvideo: 

Natiijada Doorashada Soomaaliand oo Goordhow lagu...

0
0

Wararka Puntland Post ay ka heleeyso Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow lagu Dhawaaqi doono Natiijada doorashada Maamulka Soomaliland.
Wariyaasha ayaa hadda looga yeeray goob guddiga doorashada Soomaaliland ay ku shaacinayaan natiijada doorashada Soomaaliand.
Waxaa si hordhac ah u qaadacay natiijada doorashada Soomaaliand Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadani ah ahna musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in doorashada lagu shubtay.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in guddiga ay ku dhawaaqi doonaan Guddiga Doorashooyinka in Muuse Biixi uu ku guuleeystay Doorashadii ka dhacayday Soomaaliland.
Ciidamada Amaanka Soomaaliland ayaa heegan buuxa la galiyay waxaana laga cabsi qabaa in iska hor imaadyo qasaaro geeysta ay ka dhacaaan kadib markii doorashada lagu dhawaaqo deegaanada Maamulkaasi.
Dad badan ayaa shaki ka qabo madaxbanaanida doorashadaan ka dhacday Maamulka Soomaaliand oo lagu eedeeyno in ku shubasho ay dhacday .Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post
The post Natiijada Doorashada Soomaaliand oo Goordhow lagu Dhawaaqayo appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Xukuumadda Soomaaliya oo dagaalka Al Shabaab kala kaasahaneyso Sheekh Mukhtaar Roobow

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yarisow” oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Dalka.
Waxaana uu sheegay in Xukuumaddu ay dhawaan qaadi doonto duulaan ka dhan ah Al Shabaab, si looga saaro deegaanada ay gacanta ku hayaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Sidoo kale Eng Yarisow Wasiirka Warfaafinta ayaa hoosta ka xariiqay in duulaankan uu ka qeyb qaadan doono Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuuu Mansuur” oo haray uga tirsanaa Al Shabaab, haatana isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.
Waxaana uu tilmaamay in qorshahaasi uu socdo, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii  Al Shabaab looga saari lahaa guud ahaan Dalka.
Ugu dambeyn Wasiir Yarisow ayaa sheegay in Cadaalada la soo taagi doono Raggii ka dambeeyay Qaraxii Zoobe, kuwaas oo haatan qaarkood  gacanta ugu jira dowladda.
Waxaana uu  shaaciyay in Ragaasi baaritaano ay ku socdaan, islamarkaana ay sharciga ay la tiigsan doonto dowladda Soomaaliya.
Qaraxii 14 kii bishii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhintay dad kor u dhaafaya 300 oo ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.
The post Xukuumadda Soomaaliya oo dagaalka Al Shabaab kala kaasahaneyso Sheekh Mukhtaar Roobow appeared first on Shabelle.

Kenyan Soldiers don’t smuggle charcoal in Somalia – KDF

0
0

The Kenya Defense Forces yesterday disputed allegations its soldiers are involved in charcoal smuggling in Somalia.
The charcoal trade generates major income for al Shabaab.
KDF spokesman Col David Obonyo rejected as untrue the UN Security Council’s Somalia and Ethiopia Monitoring Group’s report that KDF is involved in export and import of charcoal from and into Somalia.
He said it [the report] is similar to the one the group has been making  “with a little variation in wording every year around the same time since 2012”.
Obonyo said the KDF is deployed in the only 150km of Somalia’s coastline.
He said the SEMG report does not specify sectors where the charcoal trafficking takes place and who is managing those ports. The group did not visit those areas, he said.
“KDF is not in charge of the management of port operations in Kismayu. They are under the Somali Federal Government and Jubaland State authorities,”  Obonyo said.
“KDF is not in Somalia to do business, but to enforce Amisom’s mandate. We are in Somalia to ensure safety and security of the Somali people. Kenya has made a lot of sacrifices to liberate Somali people.”
The UN banned the charcoal trade in Somalia in February 2012 to deny al Shabaab revenues. This was after it emerged the charcoal trade was generating major income for the al Qaeda-linked terror group.
Kenyan soldiers overpowered al Shabaab in Kismayu in September 2012 in the offensive Operation Sledge Hammer in which they dethroned the militants and seized control of the coastal town.
But Obonyo said the Kenyan troops were replaced by those from Siera Leone, who later left and were replaced by those from Burundi and Ethiopia, and the Family Police Unit from Nigeria.
SEMG has deplored the continued charcoal trade through Somali ports controlled by Amisom.
The SEMG report expresses concern that the charcoal trade still provides significant funding for the militia. It urged the United Nations Office on Drugs and Crime to continue its work, with the Federal Government of Somalia.
The post Kenyan Soldiers don’t smuggle charcoal in Somalia – KDF appeared first on Shabelle.

Adeegihii Xoogga Furnaa maxaa u xal ah?!!!

0
0

C/raxmaan C/shakuur oo ka walaacsan mustaqbalkiisa kadib markii imaaraadku ka jareen lacag ay siin jireen.
Ina C/shakuur Warsame ayey dadka Soomaaliyeed barteen isaga oo taageero u ah isbaheysigii la oran jiray dib-u-xoreynta Soomaaliya ee lagu dhisay magaalada Casmara ee caasimadda Eritrea, Xilligaas waxa fursadda uu ku helay markii Banaanbaxyo ka abaabulay London.
Cabdi-Shakuur ayaa markii ugu horrreysay kasoo dhexmuuqday Golihii wasiirrada ee Xukuumaddii Cumar C/rashiid Xilligii dowladdii KMG ee Shariif Sh Axmed Madaxweynaha ka ahaa markaas oo uu noqday wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga.
Maqaalkan kuma saabsan sooyaalka siyaasigaasi fashilmay laakin waxa uu si kooban u dul istaagi doonaa waayahiisa waqtiga dhow.
Muddo kooban oo uu xilka wasiirnimo hayey mudane Cabdi-Shakuur waxa uu galay khiyaanooyin qaran kadib markii isaga iyo ra'iisul wasaarihiisii ay iska kaashadeen bixinta hanta-qaran oo maguurto ah.
100,000 KM oo labo jibaaran oo ka mid ah badda Soomaaliya ayuu C/raxman C/shakuur hormuud u ahaa in Kenya loo gacan galiyo taas oo soo afjartay in markale uu nidaamka Dowlanimada kasoo dhexmuuqdo ilaa iyo hadda.
labo mar ayuu isu soo sharaxay Xilka Madaxweyne ee dalka waxa uuna la kulmay waji-gabax iyada oo ay u caddaatay in uusan heysan fursad uu dalka hoggaankiisa uga qeybgali karo laakiin waxa uu istusay in ay u furan tahay in uu ku sii shaqaysto dulaalnimadii uu miiska kusoo koray.Gacan haatintii Imaaraadka.
C/raxmaan ayaa ka mid noqday xubno Danley ah oo u madax raariciyey Abu Dhabi oo dooneysay cid u fulisa dano gaar ah oo ay wadanka ka lahayd, Maalgellintii ugu horeysay ayey Cabdi iyo Saaxiibadiis u samaysay doorashadii 2017 dalka ka dhacday laakiin natiijadu kama farxin.
Intaas kadib waxaa soo shaac baxay khilaafkii dowladaha gacanka, taas oo sababtay in Soomaaliya iyo isu-tagga imaaraadka carabtu ku kala aragti duwanaadaan qaabka ay wax usocdeen, Amiirka iyo xertiisa ayaa intaas kadib bilaabay in ay dib usoo nooleeyaan xiriirkii ay la lahaayeen Koox danley ah.
Wasiirkii hore ee qorsheynta ayay imaaraadku siiyeen lacag dhan $500,000 (shan boqol oo kun oo doolar) ama haddii aan si kale aan u dhigo 'Nus milyuun' si uu u qabto xaflado, shirar iyo dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo, C/raxmaan ayaana Muqdisho ka sameeyey isu imaatinno aan wax saameyn ah yeelan.
Haddii aad aqrisay maqaalkii kan ka horeeyey ee aan idinla wadaagay waxaan ciwaan uga dhigay "Safarka Imaaraadka: Socdaalkii dhimashada Danleyda" warkaas ayaana soo baxay markii Madaxweyne Farmaajo uu booqasho rasmi ah ku tagay Abu Dhabi.
Imaaraadka ayaa Labo maalin kahor Danleey uu horey ugu soo shaqeysatay oo uu C/raxmaan C/shakuur ka mid yahay waxa uu si toos ah ugu wargaliyey in uu joojiyey xiriirkii kala dhexeeyey.
Arrintaas ayaa calwisay xaalka Oday Cabdi-Shakuur oo sandareertii horana ku bixiyey qaab uu saluug uga jiray, waxaa intaas uga sii daran in afar maalin kahor uu mid ka mid ah Hoteellada Muqdisho u shubay qarashkii gacantiisa uga haray dakhligii damiir-iibsiga ahaa ee Imaaraatka si koox danleey ah loogu casuumo.Walaaca ku saabsan Mustaqbalkiisa.
Adeegahan Xoogga furan waxaa ku adkaatay in uu kusoo laabto siyaasadda dalka, si walba ayuu ugu xusulduubtay malabsiga boolida qaranka oo xittaa Madaxweyne ayuu isu sharaxay, howl uu UN-ka u hayay waa uu Awoodi waayey in uu sii wado, mashruucii ugu dambeeyey farihiisa wuu ka baxay, dhaqaale kama keydsan sandareertii, sidaas darteed waxa uu taaganyahay talo-xumoy I taagdarreysay.
Dhaqankii Adeegaha ee dullaalnimada inuu wiiqo rajada umadda waxaa 'Riyo-maalmeed' u bedelay siyaasadda dhaxalgalka ah ee mudanayaasha shukaanta u heysa talada wadanka ee Farmaajo iyo Kheyre.
Adeege Cabdi oo u cimaamatay caadeysiga kicinta bulshada ayaa walaaciisa laga dheehan karaa bogga uu barta Faceboo ku leeyahay ee uu ku soo qoro hadallo xanaf leh oo ujeedkoodu yahay in dib loogu noqdo dagaalladii Umulo-dooxa ahaa.Maxaa la Gudboon?!!!!
Qoraa ahaan marka aan jalleeco dhaqanka Cabdi-Shakuur iyo saaxiibadii waxaa igu soo dhacda xikmadda leh -'Nin Dharbaaxo Quureed Dugsaday Dhaqayadeed Maalye!!!"
Adeege idmane waxa uu hadda marayaa xaalad hubaal la'aan halbeegga aayihiisa ah, bacdamaa waagu ku baryay isagoo dheygagsan ayuu ku sugan yahay labo-daraale:-
1.Waa inuu ku sii jiro xaaladda 'Ha dhiman hana noolaan ah' ee u adeegidda danaha shaqsiga iyadoo la duudsanayo xaqa umadda.
Iyo
inuu ka ruqseysto masraxa siyaasadda ee hogaaminta bulshada taasi bedelkeedana uu ku koobnaado inuu si xalaal-quudasho ah u dhacsado nolol-maalmeedka qoyskiisa.W/Q: Mohamed QarandoonEmail: aragtidasan@gmail.comAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan - Online. - Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada -@live.com Mahadsanid
storvideo: 

Xukuumadda Soomaaliya oo Deeq Lacageed kala wareegtay Shiinaha

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa maanta ka guddoontay dowladda Shinaha deeq lacageed oo loogu tala galay Hooyada iyo Dhalaanka Soomaaliyeed.
Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Muqdisho Ambaasidoor Qin Jian ayaa sheegay in dowladdiisa ay ugu deeqay xaafiiska UNICEF u qaabilsan Soomaaliya 2 Million oo dollar, taas oo lagu caawinayo 6.7 Million oo Qof oo Soomaali ah, kuwaas oo xilligani dhibaato ay ku heysato gudaha Dalka.
Sidoo kale Ambaasidoor Qin Jian Safiirka dowladda Shiinaha  ayaa intaasu ku daray  in xaaladda nafaqa daro ee ka jirta Soomaaliya ay hadda mareyso heerkii ugu xumaa, islamarkaana ay deeqdani ugu tala galeen walaalahooda Soomaaliyeed.
Ku simaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya, ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi Cilmi Cumar Ceysane ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha deeqdan.
Waxaana uu sheegay in sida ay tahay loo gaarsiin doono dadka Soomaaliyeed ee loogu talagalay deeqdaasi.
Shiinaha ayaa ka mid ah Dalalka taageera Soomaaliya, waxaana deeqdan ay ku soo aadeysaa, xilli baahi weyn ay u qabeen dadka Soomaaliyeeed.
The post Xukuumadda Soomaaliya oo Deeq Lacageed kala wareegtay Shiinaha appeared first on Shabelle.


Xukuumadda Soomaaliya oo Deeq Lacageed kala...

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa maanta ka guddoontay dowladda Shinaha deeq lacageed oo loogu tala galay Hooyada iyo Dhalaanka Soomaaliyeed.
Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Muqdisho Ambaasidoor Qin Jian ayaa sheegay in dowladdiisa ay ugu deeqay xaafiiska UNICEF u qaabilsan Soomaaliya 2 Million oo dollar, taas oo lagu caawinayo 6.7 Million oo Qof oo Soomaali ah, kuwaas oo xilligani dhibaato ay ku heysato gudaha Dalka.
Sidoo kale Ambaasidoor Qin Jian Safiirka dowladda Shiinaha ayaa intaasu ku daray in xaaladda nafaqa daro ee ka jirta Soomaaliya ay hadda mareyso heerkii ugu xumaa, islamarkaana ay deeqdani ugu tala galeen walaalahooda Soomaaliyeed.
Ku simaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya, ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi Cilmi Cumar Ceysane ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha deeqdan.
Waxaana uu sheegay in sida ay tahay loo gaarsiin doono dadka Soomaaliyeed ee loogu talagalay deeqdaasi.
Shiinaha ayaa ka mid ah Dalalka taageera Soomaaliya, waxaana deeqdan ay ku soo aadeysaa, xilli baahi weyn ay u qabeen dadka Soomaaliyeeed.
storvideo: 

Sawirro:-Madaxweynaha Soomaliya oo booqday Taalada...

0
0

Abu Dhabi ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa booqday Taalada loo dhisay in lagu xasuusto Shuhadada Ciidamada Imaaraadka ee loo yaqaano Waaxatu Karaama.
Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Caraabta,wuxuuna Madaxweynuhu halkaa salaan sharaf uu kaga qaatay ciidamada, kadibna waxa uu ubax xasuus ah dhigay Taalada Shuhadadaasi oo ah mid aad u balaaran kana kooban Alwaax Aluminihyom ah.
Taaladaasi uu Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo Ubaxa xusuusta dhigay waxay kaloo ka tarjumaysaa midnimada hogaanka dalkaasi kan shacabka iyo Ciidamada geesiyaasha ah ee dalkaasi isutagga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha Soomaaliya intii uu kormeerayay Taaladaasi xusuusta ah wuxuu ku soo wareegay dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay, wuxuuna warbxin ku saabsan qeybaha kala duwan ee Taaladaasi xushmada iyo qiimaha ay uga fadhido shacabka dalkaasi uu kaga dhageystay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Caraabra.Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 

Canada oo dib u soo celineyso Muhaajiriin Soomaali Ah

0
0

Ottawa ( Sh. M. Network )-Dowladda Canada ayaa wada qorshe ay Dalalkooda dib ugu celineyso illaa 1000 ruux oo muhaajiriin ah oo ay Soomaali ku jiraan, kuwaas oo lagu eedeeyay in si sharci darro ah ay ku galeen Dalkaasi.
Scot bardley oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda Badbaadada Dadweynaha ee Dalka Canada ayaa Wakaalada Wararka ee AFP u sheegay in dowladdu ay diiday in qaabilaad Qaxootinimo ay u sameyso dadkaasi dhawaana loo masaafurin doono Dalalki ay ka yimaadeen.
Hay'adda dhinaca xuduudaha u qaabilsan dalka Canada ayaa sheegtay tirada dadka la masaafurinayo ay gaareyso illaa 15,000 ruux oo dhamaantood ah Ajaanib.
Mr scot ayaa xusay in 1,000-ka ruux ee loo qorsheeyay in Dalalkooda lagu celiyo Dalal ahaan ay ka soo kala jeedaan:- Shiinaha, Hindiya, Mareykanka, Nigeria, Haiti, Pakistan, Mexico, Somalia, Cuba iyo Jameyka
Wasaaradd Socdaalka iyo Qaxootiga ee Dalka Canada ayaa dhawaan sheegtay in ay qaabili doonto kumanaan ruux oo ka imaanaya Dalalka saboolka iyo kuwa ay ka jiraan colaadaha.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo booqday Taallada Shuhaddada...

0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi "Farmaajo" oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa booqday Taallada loo dhisay in lagu xasuusto Shuhadada Ciidamada Imaaraadka ee loo yaqaano Waaxatu Karaama. Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta, [...]
storvideo: 

Dal ay cunno taallo dadkiisuna macaluul u dhimanayaan

0
0

Sideed u sharraxi kartaa dal cunno haysta isla markana ay macluul baahsan ka jirto?

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live